SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Xafiisyadii Maamulkii Hore Ee Jowhar Oo La Biliqaystay Iyadoo Aysan Soo Gaarin Maamulka cusub ...
  • GAROOWE:Haayadda Unesco oo qalab iyo Buugaaga ku wareejisay wasaarada waxbarashada Puntland.
  • Hay’adda SORDA oo soo gabagabeysay siminnaar looga hadlayay Cudurka AIDS-ka oo socday muddo saddex casho ah
  • Madaxda Sarsare ee Dowladda Federaalka oo lacago ay dul-dhigay kooxo aan la garanayn
  • Madaxweyne Yuusuf oo sheegay in gudaha dalka lagu qabanayo kulammo dib u heshiisiin ah dhawaan
  • Kulan Ku Dhex Maray Adis-ababa Luwis Michel Iyo Madaxweyne C/laahi Yusuf
  • Ciidamo lagu soo daad gureeyay Maamul Goboleedka Puntalnd oo soo gaaray Duleedka Magaalada Muqdisho.
  • Madaxa Midowga Afrika oo ka soo horjeestay in Sudan ay madax ka noqoto Midowga Afrika
    Tacsi Naxdin Leh
    Haddaanu nahay Beesha Siciid Harti ee degan gobalka Minnesota waxa aanu tacsi wada jir ah u direynaa qoysaskii ay ka geeriyoodeen Maxamud Xaji Xashi iyo Professor, Ismaaciil Ducaale Qambi.
    Waxa aanu Alle uga baryeynaa in uu janada ka waraabiyo eheladii ay ka tageena samir iyo iimaana ka siiyo, AMIIN, AAMIIN, AAMIIN.

    Abdimalik Askar
    651-428-6963
    Abdimalik.Akar@hennepintech.edu
     

    Jan 30, 2007

Dood cilmiyeed ka dhacday Minneapolis: Dhibaatadda Somalia, Ethiopia & Geeska Afrika
Minneapolis: Shir cilmiyeed balaaran oo lagu gorfeeynayay raad-reebka eey keeni karto duulaanka gardarradda ah ee ciidamadda Itoobiya ku soo qadeen gudaha Soomaaliya iyo saameeynta duulankani ku yeelan karo xiriirka labada dal ayaa galabnimadii Sabtida ee taariiqdu ku beegneeyd Janaayo 27, 2004 lagu qabtay Magaaladda Minneapolis ee Gobolka Minnesota... AKHRI...


Xafiisyadii Maamulkii Hore Ee Jowhar Oo La Biliqaystay Iyadoo Aysan Soo Gaarin Maamulka cusub ...

Wararka naga soo gaaraya xarunta gobolka sh/dhexe ee jowhar ayaa sheegaya in magaaladaasi ay gashay xaalad kala guur ah iyo fowdo ah iyadoo maalintii shalay ahayd Bililiqo loo gaystay xafiisyadii maamulkii Max’ed cumar xabeeb (maxamed dheere) oo halkaasi ka talin jiray ,iyadoo gaar ahaana Gurigii Maxamed dheere uu ka deganaa Jowhar iyo weliba xaruntii ra’iisal wasaare Cali maxamed Geeddi uu ka deganaa halkaasi xiligii ay dowladdu fariisinka ka dhigatay Jowhar, kuwaasoo laga qaatay qalabkii xafiisyada iyo waxii agab ahaa ee halkaas yaalay .

Ammaanka Magaalada Jowhar ayaa faraha ka baxay maalmihii ugu dambeeyay iyadoo ay ka bilowdeen falal isugu jira, dhac, Boob iyo afduub, iyadoo wararku intaas ku darayaan inay kooxo maleeshiyooyin ah ay qafaasheen hal nin islamarkaana lagu soo daayay lacag madax furasho ah, taasoo ka mid ahayd dhacdooyinkii aadka looga naxay oo ka bilowday magaalada, waxaana ra’iisa wasaare Geeddi oo ka hadlay maamulkii uu u magacaabay degmadaasina uu sheegay inay howlohooda si deg deg ah u bilaabi doonaan, aysana jirin doonin cid ka hor imaan Doonta .

Dhinaca kale, arrintan ayay si weyn walaac uga muujiyeen dadka ku dhaqan gobolka Sh/dhexe oo iyagu 5-tii sano ee la soo dhaafay heystay ammaan aad u fiican .

Arintan ayaa kusoo beegmaysa xili xilkii laga qaaday maxamed cumar xabeeb (maxamed dheere) oo ay aad ugu xoog badan yihiin taageerayaashiisu gobolka sh/dhexe ,islamarkaana sheegay inuu aqbalayo xil ka qaadistaasi balse uusan la shaqeyn doonin.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com


GAROOWE:Haayadda Unesco oo qalab iyo Buugaaga ku wareejisay wasaarada waxbarashada Puntland.

Xaflad si wayn loo soo agaasimay oo ka dhacday xarunta Wasaarada Waxbarashada DGPl ee garowe ayaa lagu wareejiyay wasaaradaasi qalab run ahaantii aad muhiim u ah hadii ay sida ay tahay looga faa iidaysano dadkana looga faaiideeyo qalabkan wasaaradawaxbarashada maanta lagu wareejiyay ayaa waxaa ka mid ahaa Buugaag aadu muhiim ah kuwaasi oo u badan kuwa maadiga looguna tala galay in ay wax ka akhrisadaan ama ay ka bartaan ardayda Dugdsiyada sare ama qalin jabis ka ah.

Wasiirka waxbarashada DGPL Axmed Siciid Awnuur oo isagu ka mid ahaa madaxdii ka socotay puntland gudoomayna deeqdaan ka timid Haayadda Unesco oo wasaaradiisa sida tooska ah loogu wareejiyay ayaa mahad balaaran hakaasi uga jeediyay masuuliyiintii ka socotay haayadda Unesco.

Wasiirka iyo wasiirkuxigeenka wasaarada waxbarashda oo iyagu gudoomay qalabkan ayaa mahad dabadeed ugu baaqay Haayaddaha kale ee ka hawlgala puntland in ay sida Haayadda Unesco ay wax badan ka qabtaan horumarinta waxbarashada iyo fulinta balan qaadyada mashaariicda ay ka wadaan puntland.

Haayadda Unesco ayaa iyaduna dhankeeda wareejinta ka dib mahad balaaran u soo jeedisay madaxda wasaarada waxbarashada DGPL sida balaaran ee ay uga gudoomeen deeqdii ay bixinayeen, Unesco sidoo kalena waxay ku adkaysay madaxdaasi in ay uga faaiideeyaan pulshada inteeda kale Buugaagta ay bixisay Haayaddu oo aysan meel dhigan isla markaana la hubiyo meelaha iyo sida ay u baxaan dhamaan qalabkani.

A/rizak koronto
Garowe Puntland


Hay’adda SORDA oo soo gabagabeysay siminnaar looga hadlayay Cudurka AIDS-ka oo socday muddo saddex casho ah

Maanta ayay Hay’adda Sordo ku soo gabagabeysay siminnaar soconayay muddo saddex casho ah oo looga hadlayay cudurka AIDS-ka iyo dhibaatooyinkiisa.

Siminnaarkaan soconayay muddada saddexda casho ah ayaa waxay ka kala yimaadeen qaybaha kala duwan ee Bulshada, waxaana casharro ka bixiyay macallimiin si weyn ugu xeel dheer ka hadalka Cudurka AIDS-ka, waxaana macallimiinta ay si weyn uga hadleen dhibaatooyinka cudurka AIDS-ka iyo sida ugu habboon ee looga hortagi karo.



“Qof walba oo ka tirsan bulshada Soomaaliyeed ee qaba cudurka AIDS-ka in hay’adda UNAIDS ay keentay dawooyin lagu hakin karo fiditaanka cudurka, waana dawo lacag la’aan ah cid walbana waxaan ka codsanaynaa inay yimaadaan xarunta Hay’adda, hana la ogaado daweynta waxaa ka qatarsan qarsashada” ayay tiri Nimco Axmed Ducaale oo ah Madaxa Hay’adda UNAIDS oo iyadu ka hadashay Siminnaarka.

Dhaqaatiir lagu casuumay siminnaarka ayaa waxay dankooda sheegeen in siminnaarkaan uu yahay mid wax weyn laga faa’iideystay cid walbana ay iska jirto cudurka AIDS-ka, waxaana ay carrabka ku adkeeyeen in dalka Soomaaliya uu ku soo badanayo cudurkaan, dadka Soomaaliyeedna aysan qabin wacyi guud oo ay kaga hortagi karaan fiditaanka Cudurka AIDS-ka.

Ardaydii wax ka baranaysay siminnaarka ayaa waxay gaarayeen in ku dhow 50-ruux, waxaana dhammaantood ay qireen dhibaatada uu leeyahay cudurka AIDS-ka inay si weyn uga dharagsan yihiin, isla markaana ay siminnaarkaan socday muddada saddexda casho ah ay ka kororsadeen aqoon ku filan oo ay kula dagaalami karaan cudurka AIDS-ka.

Gabgabadii siminnaarkaan oo maanta ahayd ayaa waxaa ka soo qaybgalay xubno ka socday hay’adaha la dagaalama Cudurka AIDS-ka ee gudaha Soomaaliya, Hay’adda UNAIDS ee Soomaaliya, Hay’adda UNICEF iyo Hay’addo kale oo dhammaantood gacan weyn ka geystay qabashada siminnaarkaan iyo wacyigelinta cudurka AIDS-ka.

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321

Madaxda Sarsare ee Dowladda Federaalka oo lacago ay dul-dhigay kooxo aan la garanayn


Warqadaha lagu daadiyey Muqdisho..

Warqado lagu daadiyay Magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in lacago la dul-dhigay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo aanay cidna ku saxiixnayn warqadahaas la daadiyay.

Qoraalkaan oo aan la garanayn goob uu ka soo baxay laguna daadiyay waddooyinka Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu xusay C/raxmaan Nuur Maxamed (Diinaari) oo ah Afhayeenka dowladda in ciddii soo sheegta meel ku sugan yahay, guriga uu daggan yahay, waddooyinka uu maro iyo halka uu ku badan yahay ay heli doonto lacag dhan 3-kun oo Dollar.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay warqadda in ruuxii soo sheega isla markaana howlgalkii lagu qaado uu guulayso uu heli doono lacag dhan 5-kun oo Dollarka Mareykanka, waxaana qoraalkaan uu si weyn uga yaabiyay shacabka Soomaaliyeed.

Ma jirto cid kale oo ku xusan qoraalka kana tirsan Madaxda Dowladda, waxaan qoraalkaan sheegtay inay soo sameeyeen kooxo aan magacdooda sheegin balse ku soo gaabsaday inay ku mideysan yihiin ururro magacyadooda la soo gaabashay oo lagu sheegay ULT, SYL iyo XORRIYO.

Qoraalkaan oo inta badan lagu daadiyay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu shaki weyn ku dhaliyay shacabka Soomaaliyeed oo is weydiinaya dhibaatooyinka laga filan karo inay magaalada ku soo kordhaan haddii kooxo magacyo gaar ah sheegtay ay warqado ku daadshaan Magaalada gudaheeda.

Madaxweyne Yuusuf oo sheegay in gudaha dalka lagu qabanayo kulammo dib u heshiisiin ah dhawaan

Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Somalia , Cabdullaahi Yuusuf Axmed, ayaa ku baaqay shir dib u heshiisiin qaran oo lagu heshiisiinayo Soomaalida.

Madaxa Horumarinta iyo gar-gaarka bani aadannimada Midowga Yurub, Louis Michel oo kullan la yeeshay Madaxweyne Cabdullaahi Yuusf, ayaa sheegay in Madaxweyne Yuusuf oo ku baaqay Shir dib u heshiisiin oo ujeedadiisa ay tahay in lagu soo geba gebeeyo fowda dalka ka socotay iyo dhiigga ku daadanaya muddo 16 sano ah.

“Waxaan aad ula dhacay go’aanka Madaxweyne Yuusuf ee ku aaddan in shir dib u heshiisiin qaran ah la qabto labada toddobaad ee soo socda dhexdooda” ayuu yiri Michael oo intaas ku daray: “Dhibaato kasta oo ka taagtay gudaha Soomaaliya waxay u muuqataa mid sii lumaysa, mar haddii Madaxweyne Yuusuf uu ku baaqay shir dib u heshiisiin ah”.

Kulankaan ayaa ahaa mid si weyn ay uga soo shaqeysay dowladda Ethiopia, waxaana dhawaan Midowga Yurub ay ku xireen deeq ay siiyaan Dowladda Soomaaliya Shuruudo ay ka mid tahay in Dowladdu ogolaato inay dib u heshiisiin la gasho qaybaha ka soo horjeeda.

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321


Ciidamo lagu soo daad gureeyay Maamul Goboleedka Puntalnd oo soo gaaray Duleedka Magaalada Muqdisho.

Ciidamo ka soo jeeda Maamul goboleedka punt-land oo laga soo daad gureeyey gobolada iyo degmooyinka uu ka kooban yahay ,dowlad goboleedka punt-land ayaa soo gaaray duleedka magaalada muqdisho

Ciidamadaan oo lagu sheegay 1000 askari oo lagu soo daad gureeyey baabuurta nooca soomalidu u taqaano waraadka oo gaaraya ilaa 21 baabuur oo nooca waaweyn ah ayaa la dejiyey sida wararku sheegayaan xerooyinka ciidamada ee duleedka magalada muqdisho iyadoo ay hore magalada muqdisho ugu sugnaaye en ciidamo aad u tiro badan oo kasoo jeeda maamulka punt-land oo la socda ciidamada dowlada kmg soomaliya .

Magaalada muqdisho ayaa tan iyo xiligii ay soo degtay dowlada kmg ah ee soomaaliya oo kaashanaysa ciidamada xukumada Ethiopia ayaa amaanku ahaa ,mid faraha kasii baxaya islamarkana ay meelaha qaarkood ee magaalada muqdisho ka jireen qaraxyo iyo weeraro lala beegsanayo ciidamada dowlada kmg ah iyo kuwa Ethiopia ee ku sugan gudaha magalada muqdisho .

Sidoo kale shacabka ku dhaqan magalada muqdisho ayaa walaac xoogan ka muujiyey ciidamada mamul goboleedka punt-land ee lagu soo daad guraynayo islamarkaana ka muujiyey dareen coladeed iyadoo siyaasiyiin ,aqoon yahano iyo dad rayid ahiba ay sheegeen inay arintan u arkaan qaab qabiil .

Siyaasiga c/lahi sheikh xasan ayaa hore uga dhawajiyey in ciidamada Punt-land aysan dadka reer banaadir hubka ka dhigi Karin isagoo soo qaatay hadalkii kal hore kasoo baxay madaxweynaha dowlad goboleedka punt-land cadde muuse xirsi oo ahaa inaysan maxakiimta islaamku yihiin hawiye shaar diimeed soo xirtay islamarkaana aysan imaan Karin dhulka punt-land .

Yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

"waayadii hore soohdinta Itoobiya badda ayay ku sinnayd, hase ahaatee kolkii ay weydey awood ku filan oo ay wax isaga caabbido, xoogagga kiristaanka ahina ay wax kaalmo ah taaran waayeen ayay soohdimahayagii badda gaarsiisnaan jirey waxay u gacan-galeen quwado muslin ah"
Menelek II: April 10, 1891... Akhri...

Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid Ra'iisul-wasaare K/xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha DFKMG ee lagu soo dhisay Nairobi oo Magaalada Muqdisho dhawr maalmood kadib markii ay qabsadeen ciidamada Ethiopia kula hadalyey odayaal dhaqameedyo ayaa  sheegay in la baabi'inayo Xadka Soomaaliya oo lala midaynayo Ethiopia, oo Hal Ciidan ay yeelanayaan, Hal dhaqaale yeelanayaan, hal Baasaboor ay qaadanayaan Soomaalida iyo Itoobiyaanku.
Xuseen Caydiid: Jan 2, 2006... Akhri..


Ciidamo Itoobiyaan ah oo harsanaya Geed-hindi;  Muqdisho Jan 4, 2007.  AFP

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri

Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...


Kulan Ku Dhex Maray Adis-ababa Luwis Michel Iyo Madaxweyne C/laahi Yusuf

Magaalada xarunta u ah dalka ethiopia ee adiis-ababa oo uu ka soconayey kulan madaxeedka afrika ayaa waxaa kulan gaara ku yeeshay Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed iyo mas'uulka Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha horumarinta iyo kaalmooyiinka luwis mishel

Kulankan ayey labada mas'uul iskula soo qaadeen sidii Midowga Yurub uu kaalin Buuxda uga geysan lahaayeen wax kaqabashada dhibaatada siyaasadeed iyo midda Dhaqaale ee ka jirta dalka somaaliya.

Luwis Mishel ayaa ku boorriyay Madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf inuu isku howlo sidii uu soomaalida isugu keeni lahaa isagoo adeegsanaya hab-nabadeed islamarkaana wadahadal ka dhex furaya dowladiisa iyo kooxaha kasoo horjeeda .

Luwis Mishel ayaa kulanka kadib war fidiyeenada u sheegay in Madaxweynaha Somalia C/laahi Yuusuf uu go’aansaday inuu isugu yeero shir-weyne dib u heshiisiin qaran oo Soomaaliya ka dhaca isla markaana ay ka qeyb qaataan gabi ahaanba dhinacyada siyaasadda isku haya ee dalka soomaaliya ka jira.

Mishel ayaa intaas ku daray inuu aad u soo dhoweeyey go’aanka uu madaxweynuhu ku Qaatay islamarkaana looga fadhiyo inuu diyaariyo shirweyne soomaalida lagu wada hadalsiinayo kaasoo suurta gal ka dhgi kara inay soo gabagaboobaan dhibaatooyinka amaan xumo ee Soomaaliya ka jira .

sidoo kale mr. Mishel ayaa intaas ku daray inay shir-weynaha laysugu imaanayo ee soomaaliya ay midowga yurub maal gelindoonaan islamrkaana looga baahan yahay dowlada kmg ah inay dadaal u gasho sidii laysugu keeni lahaa qaybaha kala duwan ee dhinacyada siyaasada isku haya .

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com


Madaxa Midowga Afrika oo ka soo horjeestay in Sudan ay madax ka noqoto Midowga Afrika

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321


Midowga Afrika ayaa si cad uga soo horjeestay inay Sudan Madaxa ka noqoto Midowga Afrika sannadkaan, waxaana si weyn uga soo horjeestay Dowladaha Afrika intooda badan.

Madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir oo kulankaas goob-joog ka ah ayaa si cad ay u diideen madaxda Afrika inuu qabto hoggaanka Midowga Afrika, waxaana dalalka Afrikaanka ah ee diiday in Sudan ay qabato hoggaanka Afrika ay ku andacoonayaan in dhibaatada ka jirta Darfuur ay Dowladda Sudan ku guulaysan wayday inay xalliso.

Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay Ban Ki Moon oo ka qaybgalaya shirkaas ayaa sheegay in Sudan ay ku guulaysan wayday inay xal ka keento koonfurta Suudaan, sidaa daraadeedna ay Qarammada Midoobay ay ku talo jirto inay ciidammo nabad ilaalin ah u dirto Gobolka Galbeedka Sudan ku yaalla ee Darfuur.

Guddoomiyaha Midowga Afrika Alpha Omer Connari ayaa daboolka dhankiisa ka qaaday in Suudaan ay ku guul-darreysatay wax ka qabashada Gobolka Galbeedka Sudan ku yaalla ee Daarfuur oo ay ka socdaan sida uu sheegay dagaallo beeleed aad u fool xun.

Guddoomiyaha Midowga Afrika oo digay Dowladda Soomaaliya

Alpha Omer Konneri oo ah Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa dhawaajiyay in Soomaaliya ay qalalaase hor ay ka dhici doonaan haddii aan deg-deg loo geyn ciidammo nabad ilaalineed oo xaaladda ka taagan Soomaaliya wax ka qabta, isla markaana taageeraya Dowladda Soomaaliya.

"Fursaddaasi waxay burburi doontaan haddii aan ciidammo si deg-deg ah loo geyn Soomaaliya" ayuu yiri Guddoomiyaha Midowga Afrika oo ka hadlayay Shir madaxeedka Dalalka Afrika uga furmay Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

"Haddii aan ciidammada Afrika si dhaso ah loo dirin xaaladdu waxay isku baddali doontaa qas" ayuu ku celiyay Mr. Konneri oo sheegay in 8-kun oo Askri oo loo Soomaaliya la doonayo in la geeyo laga ballanqaaday 4-kun oo Askari oo qura, "Haddii ciidammada Nabad ilaalinta Soomaaliya tagaan iyadoo aan xal siyaasadeed oo dhab ah la gaarin, waxaan noqonaynaa ciidammo dalkaas qabsaday" ayuu ka digay Alpha Omer Konneri oo dowladda KMG-ka ah ee Soomaaliya ugu baaqay inay heshiis dadkeeda ka dhex dhaliso.

Mareykanka oo sheegay inay Ciidammada Afrikaanka ah ee la keenayo Soomaaliya ugu deeqday diyaarado lagu daadgureeyo

Mareykanka ayaa sheegay inay dhanka hawada ka taageerayaan ciidammada Afrikaanka ah ee loo dirayo dhawaan Soomaaliya ugu deeqayo diyaaradaha nooca xamuulka ah si loogu daadgureeyo ciidammada la geynyo Soomaaliya iyo qalabkooda Mialteri.

Mareykanka ayaa horay ugu ballan qaaday inuu ciidammada Afrika ee loo dirayo Soomaaliya ugu deeqayo lacag dhan 40-Milyan oo Dollar, kaaliyaha xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka u qaabilsan Afrika Mss. Janadyi Frazer oo shir madaxeedka ururka Midowga ee Addis Ababa ka qaybgalaysa ayaa sheegtay inay yabooha Mareykanka gaarsiisay Guddoomiyaha Midowga Afrika Alpha Omer Konneri.

"Waxaan diyaar u nahay inaan siinno diyaarado lagu soo daadgureeyo ciidammada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya la keenayo" ayay tiri Jandayi Frazer oo sii raacisay intaas inay arrintaasi kala hadleen Madaxda dalka Uganda, isla markaana Mareykanku bixin doono taageero kasta oo ay u baahan yihiin ciidammada Afirkaan ah ee Soomaaliya tagaya.

Xubnaha isku sharraxay xilka guddoomiyaha Baarlamaanka oo shirar gaar ah ka wada Baydhabo

Ilo wareedyo ku dhowdhow Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee fadhigiisu yahay Magaalada Baydhabo ayaa waxay sheegayaan in xubnaha sida weyn loogu saadilanayo inay ku soo bixi karaan jagadaan ay yihiin 4-xildhibaan oo kala ah: Xildhibaan Saalim Caliyoow Ibroow, Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe, Xildhibaan Sheekh Aadan Mad Deer iyo Xildhibaan Ibraahim Kiish Bur.

Xildhibaannadaan ayaa waxay ka wadaan gudaha Magaalada Baydhabo ololayaan uu mid walba ku doonayo in loogu doorto Jagada Guddoomiyenimada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana xildhibaannada ku sugan Baydhabo ay kula jiraan xubnahaan shirar kala duwan oo ku saabsan sidii ay codka uga heli lahaayeen.

Ololaha ka socda Magaalada Baydhabo ee doorashada Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa waxay noqotay mid cirka isku sii shareertay xalay markii ay xubnaha tartankaas isku garbinaya ay shirar kala duwan la yeelanayeen xildhibaanada, waxaana saadaasha ugu badan ay ku dhacaysaa inuu ku soo bixi karo jagadaas Prof. Saalim Caliyoow Ibroow oo ka soo jeeda beelaha Digil.

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 30, 2007


EEG BOGGA ARAGTIDA/MAQAALADA DADWEYNAHA..... GUJI...


Shacabka Reer Addis Ababa Sidee u Arkaan Dagaalka  Soomaaliya
Jariidada Washingtonpost oo qoraal dheer ka qortay aragtida reer Addis Ababa ee dagaalka Soomaaliya & Itoobiya... Akhri..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH