SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print

Bumper Sticker.... ETHIOPA OUT OF SOMALIA!
Halkan ka daabaco...


"waayadii hore soohdinta Itoobiya badda ayay ku sinnayd, hase ahaatee kolkii ay weydey awood ku filan oo ay wax isaga caabbido, xoogagga kiristaanka ahina ay wax kaalmo ah taaran waayeen ayay soohdimahayagii badda gaarsiisnaan jirey waxay u gacan-galeen quwado muslin ah"
Menelek II: April 10, 1891... Akhri...

Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid Ra'iisul-wasaare K/xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha DFKMG ee lagu soo dhisay Nairobi oo Magaalada Muqdisho dhawr maalmood kadib markii ay qabsadeen ciidamada Ethiopia kula hadalyey odayaal dhaqameedyo ayaa  sheegay in la baabi'inayo Xadka Soomaaliya oo lala midaynayo Ethiopia, oo Hal Ciidan ay yeelanayaan, Hal dhaqaale yeelanayaan, hal Baasaboor ay qaadanayaan Soomaalida iyo Itoobiyaanku.
Xuseen Caydiid: Jan 2, 2007.. Akhri..


Ciidamo Itoobiyaan ah oo harsanaya Geed-hindi;  Muqdisho Jan 4, 2007.  AFP

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri

Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...


Wararkii: Jan 13, 2007

.Maxamed Dheere: Waxaan aaminsanahay inay dowladu dhowri doonto Sharciga Federaalka.
.Muxuu Ku dhamaaday Kulankii Hogamiyaasha dagaalka iyo Dolwada FKMG ahi ay wada yesheen .


Bumper Sticker.... ETHIOPA OUT OF SOMALIA!.. Halkan ka daabaco...

Maxamed Dheere: Waxaan aaminsanahay inay dowladu dhowri doonto Sharciga Federaalka.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com

Gudoomiyaha Gobolka Sh/ Dhexe Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo kamida ahaa Hogaamiye kooxeedyadii dib ugu soo laabtay markii maxaakiimta islaamka ka baxeen,ayaa ka hadlay arimaha maamul loogu sameyn karo Gobol ka tiran Dalka Soomaaliya xiligan oo ay jirto Dowlada FKMGS.

Maxamed Dheere ayaa sheegay in asagu uu taageersanyahay Dowlada Soomaaliyeed balse ay haboon tahay in sharcigii lagu soo heshiiyey lagu dhaqmo ee lagu soo dhisay Dowlada FKMG soomaaliya.

"waxaan Aaminsanhay in Dowlada ay dhowreyso Sharcigii ay ku soo heshiisay kaas oo qorayey in Dadka deegaanka iska leh ee Gobolkaas u dhashay xaq u leeyihiin Magacaabista madaxdooda,taas hadii lagu xadgudbana aan la yeeli Karin sharci ahaan" ayuu yiri Maxamed Dhere isaga oo intaas sii daba dhigay dhinacooda Dhowrista Sharciga Federaalka.

Sadaa oo kale waxaa uu ka hadlay arintii dabageed looga qaaday xilka Gudoomiyanimada gobolka hiiraan ee lagoogu mafgacaabay ninka kale asaga oo yiri "waxaa uu Dabageed jiifay duurka Mudo halsno ku dhawaada mana aheyn in laga qaado xilka uu hayey" isagoo sheegay maxamed Dheere in ay saaxiib ahaayeen .

"aniga Dadka hadii ay qof kale Doortaan waan iska wareejinaa maamulka Gobolka aan ka hayo waana ku wareejinayaa , laakiin sharci maaha in meel kale xilka la iiga qaado ayadoo cid kale la iska soo magacaabayo aan dadka Gobolku dooran" ayuu yiri Maxamed Dheere oo la hadalayey saxaafada habeenkii xalay ahaa.

Muxuu Ku dhamaaday Kulankii Hogamiyaasha dagaalka iyo Dolwada FKMG ahi ay wada yesheen .

Kulan ay isugu yimaadeen Hogaamiyayaasha Dagaalka ee Muqdisho iyo xubnaha dowlada ugu sarsareeya ee Madaxweyne C/laahi yuusuf iyo raysal wasaare ali maxamed geedi ayaa maanta waxuu ka dhacay xarunta madaxtooyada ee villa soomaaliya kulankan oo ay ka Dhasheen dagaal dhimasho dhaawac leh ,ayaa Dood iyo falanqayn dheer kadib waxaa uu ku dhamaaday is afgarad .

Waxaana ka qeyb galay Fadhigii maanta Hogaamiye kooxeedyo ay kamid ahaayeen kuwii hore u joogi jiray magaalada muqdisho oo ay Dagaalo faraha lagaga gubtay ay dhexmareen golaha maxaakiimta islaamka islamarkaana looga awood roonaaday Magaalada muqdisho.

Bootaan Ciise Caalin(Xaaraan ku naax)

Maxamed Qanyare Afrax

Muuse Suudi Yalaxow

Col.Cabdi Qeybdiid

Cabdi Nuure siyaad (c.waal)

Cumar maxamed (cumar Finish).

Kulankan ayaa lagaga dooday sidii Hubka ay u soo wareejin lahaayeen Hogaamiya yaashu oo ay qaarkood kamid yihiin Golaha Baarlamaanka islamarkaana hubka ay gacanta ugu soo gelin lahaayeen Dfkmg .

Waxaa Sidoo Kale is la Goobtii lagu magacaabay gudi ka kala socota labada dhinac oo oo ay shaqadoodu tahay sidii hubka loogu wareejin lahaa dawlada waxaana dawladu u magacawday xarumo cayiman in Hubka Lageeyo iyo Maleyshiyaadkodaba .

Sidoo kale Dolwada ayaa Balan qaaday in maleeshiyaadka Xuquuqdooda la siinayo loona tababarayo ayna kaqayb qaadan doonaan nabadaynta magaalada muqdisho iyadoo sida kale hogaamiya kooxeed yadiina ay balan qaadeen inay dawlada la shaqaynayaan oo ay kashaqaynayaan nabadaynta magaalada muqdisho.

yaasiin maxamed cali (faytin)

yaasiin2006@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 12, 2007


Djibouti's Minister of Foreign Affairs: Djibouti will not accept Ethiopia’s military occupation in Somalia to prevail,....
calling for the immediate withdrawal of the foreign forces from Somalia so as to allow for the Somali people to decide their own future.
We uphold that the military solution can only bring further destruction to Somalia... Interview with Asharq Al Awsat, Read..


Golaha Muslimiinta Ingiriiska oo cambaareeyey weeraradii Mareykanka ee Soomaaliya
iyo warbixintii Washingtonpost ee ciidamadii Maraykanka ee galay gudaha Soomaaliya... Akhri...

calanka
Dagaal Jimcadii Ka Dhacay Xarunta Madaxtooyada Ee Villa Soomaaliya .

iyo Weerar Loo adeegsaday Bam gacmeed oo ka dhacay Hotel Ambassador ee magaalada Muqdisho... Akhri... Jan 12

Dowlado fara badan oo Cambaareeyey Duqeynta..
.Meles Zenawi oo sheegay in maalmaha soo socda..
.Qaraxyo iyo iska hor imaadyo weli ka jira Muqdisho..
.Shacabka Suudaan oo aad uga carooday hadalkii ka soo
.Beelaha Banaadiriga iyo Jareerweyne oo ka dalbadey..
.C/llaahi Yuusuf iyo C/qaasim oo kulan gaar ah yeeshey
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Jan 11

Qaraxyo ka dhacay Muqdisho
Qaraxyo Isdaba Jooga oo Gilgiley Xaafada km4 iyo israsaasayn ka dhacday Halkaasi... Akhri.... Jan 10

Diyaarad AC-130 ee Maraykanka oo Duqeysey Koonfurta Soomaaliya
::Warbixintii Hay'adda OCHA  ay Kaga Dayrisay Soomaaliya... Akhri.....

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH