SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY
Daabaco Boggan | Print

Ardayda waxkabarta dugsiga H/Dhexe, iyo Sare ee Al-Bilaad ee Muqdisho...

Taangiyada Itoobiya oo Taagan Garoonka Muqdisho, Dec 06
William Zartman of Johns Hopkins University's School of Advanced International Studies says Somali dislike of Ethiopians runs deep. "One of my favorite Somali sayings is if you see a snake and an Ethiopian, kill the Ethiopian first because the snake might not be poisonous," says Zartman.  VOA
:::WAXBARASHADA SWEDEN:::
cabdirisaqSweden: Maxaa Keenay Guuldarada Ardeyda Soomaaliyeed: Waxaa diyaariyey  macallin Soomaaliyeed Akhri..
:::GOLAHA AMMAANKA:::
Tallaabada la filan karo in uu Golaha Ammaanku ee Qaraamada Midoobey uu ka qaato Soomaliya.. Akhri
:::DARFUR, SUUDAAN:::
Qaddaafi: Batroolka ayaa Sabab u ah Dhibaatada Darfur
Qaddafi
Qaddaafi ayaa reer Galbeedka ku eedeeyey in ay la wareegaan khayraadka Sudaan iyagoo adeegsanaya UN-ta Guji
:::SOOMAALIDA DENMARK:::

Shir looga arinsanayo arimaha Somalia laguna taageeraayo ku dhaqanka shareecada oo ka dhacay Denmark.. Guji...
:::HAAMO SOO CAARIYEY:::

Hay’adda DBG oo soo Bandhigtay Khatarta 15 Haamood oo ku soo
Caariyey Xeebaha Soomaaliya
::WAXBARASHADA PAKISTAN::
boqor Caqabadaha kaladuwan ee ardayda Soomaaliyeed ku qabsada wadanka Pakistan Qore: Cabdi Boqor. Akhri
Cisbitaalka Carafaat oo lagu soo gabagabeeyey hawl indho fiiq ah
:::WIIL KU DHIBBAN KANADA::
Canada
Wiil Soomaaliyeed oo ku dhibaataysan dalka Canada.
Guji
:::DUGSIGA AL-BILAAD:::
Dugsi
Ardayda Dugsiga H/dhexe iyo Sare ee Al-bilaad, Muqdisho Guji
:::HANTI LUNSASHO :::

Madaxweyne Cadde  oo eedeeyey Gaagaab... Akhri
:::WARBIXIN:::

Warbixin iyo sawiro laga soo qaaday ninka reer Thailand ee ay gacanta ku hayaan Puntland Tigers.... AKHRI....
:::SOOMAALI: AF XASILI LA'::
Waxaa la hubaa in afka soomaaligu yahay af hodan ka ah... Qore: C/fitaax Cabbaas
:::MAALMO MUHIIM AH:::
Maalmo Muhiim ku ah Jadwalka Islaamka 1427-1428.. AKhri
:::GARGAAR AADAMINIMO:::
gargaar
Naciimo Cusmaan Sabriye waxay codsaneysaa in... Guji...

Mohamed Abdulle Hassan ; Shaqsi naadir ah; waxa qoray joornaalka (La Nation) ee Jabuuti... Guji..
:::SIR FAKATAY:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji
:::QAADKA & MARAYKANKA:
qoraal
44 Qof oo Lagu Eedeeyey in ay Qaad Soo Geliyeen Maraykanka

Xisaab Qoran : Gabay Baroordiiq Iyo Xisaabtan ah 

Inj. Maxamed Cali Cibaar

Mohamed_ebar@hotmail.com 


Nin Soomaaliyeed oo yaabban ayaa laga hayaa “Warkii hore war soo dhaafyoo waayeel qolof lahaa yimideey !!” Wallee maanta warkii hore war soo dhaaf. Xitaa xoolihii waa argagixiso, waana in la dabarjaro oo diyaarado lagu duqeeyo, walibana loo adeegsado hub casri ah oo aan waxba hambeyneynin, AC -130 !!! 

Waxaa maanta cadaatay in Gaashaanbuur aan arxan laheyni ay ku soo duushay shacabkii Soomaaliyeed, lagana soo weeraray cirka, dhulka iyo baddaba.  Waxaa maanta nalagu duqeynayaa hubka ugu casrisan caalamka ee wax gumaada, kasoo lagaba yaabo in qaarkiis uu adeegsigiisu adduunka mamnuuc ka yahay. Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay kaliya, waxaa lagu xasuuqay degaanno ka mid ah J/Hoose dad boqollaal gaaraya, dhaawaca iyo burburka hantiyeedna Alle-Weyne ayaa loo sheegtaa. Waxaan nahay looma ooyeyaal !! Caalamka laba Cali oo waxa na haysta iska wareysanayaa ma jiraan, waase gar. Sababtoo ah, Soomaalidii ayaaba ka daman dareenka jira iyo dabargoynta lagu hayo. Waxaa taas ka sii daran in ay jiraan qaar ku faraxsan oo u mashxaradaya xasuuqa socda, una hambalyeynaya oo u mudaaharaadaya cadowyadii falalkaas argagaxa leh geystay.  

Ma aha markii ugu horreysay taariikhda ee dad dhulkooda loo quuri waayay la isku dayo in la dabarjaro, ka dibna  dalkooda la dego. Arrinkaasi wuxuu dhacay marar badan, wuxuuna ka dhacay dhammaan qaaradaha adduunka. Waxaa kale oo aan iyaduna cusbeyn dagaal diimeed oo dunida ka dhaca. Waxaa markaa la dhihi karaa duullaanka qaawan ee Gaashaanbuurta ay horkacayaan Mareykanka iyo Itoobiya  waa dullaan maangal ah, dulmiba ha ahaadee!! Arrinkase la yaabka iyo amakaagga lihi waa in dad mas’uuliyiin Soomaaliyeed sheeganayaa ay eheladoodii ku soo hoggaamiyaan cadow ma naxe ah si loo xasuuqo! Kuwa kalena ay u mashxaradaan ! 

Gabaygaan Baroordiiqda ah ee Xisaab Qoran oo soo baxay 11/06/2007da, wuxuu ka curtay xasuuqa lagu hayo shacbiga Soomaliyeed,  gaar ahaan kuwa lagu dabarjarayo degmooyinka ka tirsan Jubbada Hoose, wuxuuna soo baxay  11kii Jannaayo 2007da. Gabaygu, Wuxuu musiibada dhacday eeddeeda dusha ka saarayaa dadka Soomaaliyeed  oo cudurka qabyaaladdu aafeeyay, asaagoodna ka reebay. “Laxiba shillalkey is dhigto ayaa lagu gowracaa” ayayna Soomaaliyi horay ugu maahmaahday.  Waa hubaal in farsamaxumidii difaac iyo isdhexyaacii  maamulkii maxkamaduhu uu door muhiim ah ku lahaa musiibada dhacday, wax badan oo wanaag kale ahba ha qabteene. Waa hubaal in ay bannaanaatay kaalintii indheergradka iyo aqoonyahannada Soomaaliyeed oo ay u muuqato in ay sahladeen khatarta halista ah ee ku xeeran dadka iyo dalka Soomaaliyeed.  Waxayse dhabtu tahay, in aafada ku dhacday maanta umaddeennii ay mas’uuliyaddeeda ugu culus qaadanayaan kooxahaan sida aan gabashada laheyn dadkii iyo dalkiiba u geliyay gacan gumeysi, waxayna kala yihiin: 

  1. Daagaal-oogeyaasha kala ah G/Sare C/laahi Yuusuf Axmed iyo Dr. Cali Maxamed Geeddi  oo sheegta  Madaxweyaha iyo Ra’iiuslwasaaraha Soomaaliya, kuwaasoo dalka u soo horkacay ciidamo calooshooda u shaqeysteyaal ah oo dadka u geystay dambiyo gumaad ah, diintiina ku tuntay .
  1. Koox lagu sheego Xildhibaanno, oo iyagoo u xilanaya dufan aan badneyn, si toos ah iyo si dadbanba u ogolaaday in dalka uu shisheeye cadow ahi maamulo, siduu doonana ka yeelo. Waxay Qarannimadeennii qaaliga aheyd dhaafsadeen qado iyo qaad.
  1. Koox Dulmi-taageerayaal ah, oo labadaan kooxood  ee hore ku taageerta dulmiga iyo tacaddiga ay ku hayaan umaddooda, waxayna isugu jiraan kuwo dulmiga u taageeraya qabyaalad. Kuwo u taageeraya xildoon. Kuwo u taageeraya hunguri. Kuwo u taageeraya xaasidnimo iyo xiqdi iyo kuwo ujeeddooyin kale u taageera.

Kooxahaan ku eedeysan khiyaamada Qaran ayuu ka hadlayaa gabayga Xisaab Qoran, waana kan gabaygii ee akhris wanaagsan:. 

  1. Adduunyadan aan xasileyninee samada xiimeysa
  2. Adduunyadan  xalaashii yartahoy badatay xaaraantu
  3. Adduunyadan  xishood ceeb yahoo lagu xikaayeysto
  4. Adduunyadan xumaantii gar tahay oo xaq lagu diimo
  5. Aduunyadan ninkii Xaramka taga kuba xujoobaayo
  6. Adduunyadan midkii reerka xada loo xadreynaayo
  7. Adduunyadan xannaannaduba tahay xaalufkiyo boobka
  8. Adduunyadan xadiidkii bir uu jebiyo xaabshaanku
  9. Adduunyadan nin xuutaan ahaa xoog ku faanaayo
  10. Adduunyadan Xabley iyo Injiri Xamar ka tookheyso
  11. Inkastoo xurgufo hoose iyo xadgudbkeen keenay
  12. Mar haddii Quraan iyo Xadiis xukuntan loo diiday
  13. Dullinimo intaan kuwo xagjira u xiri leyn taajka
  14. In xabaal la aadaa ka roon ku dhex xashaashkeede !! 
     
  15. Waa laga xanaaqaa gunnimoo wey xaraartahaye
  16. Sida Gureygii xaqiraad nacee rabay xuquuqdiisa
  17. Sayidkii xawaareynayee Xiinfaniin laliyay
  18. Bashiirkii xanuunjiyay Smith ee xisaar geliyay
  19. Xasankii Barsane  joogayee xabsiga loo jiitay
  20. Xalanihii xadgudub diidayee Xayle(1) samirsiiyay
  21. Xarbigii Jabuutiyo wixii geesiyo xijaabtay
  22. Iyo wixii xiddigo nuuri jiray xawda laga gooyay
  23. Gobonnimo inaan xajisannaa noo xarrago roone
  24. Mar haddiiba xaafaddii Muqdisho uu Tigree xulayo
  25. Intii  aan xarriir u gogli leyn  xabashi soo duushay
  26. Waa  inaan Jihaad xaadirnaa lana xanjeertaaye
  27. Waa inaan xag walba ka jilcinnoy xananka jiirane
  28. Waa inaan xaluulasho galnaa xaskey ku dhuuntaane
  29. Jidadkooda waa inaan xirnoy ku xabbisnaade
  30. Xasharaadka waa inaan gubnaa xarunta tooda ahe
  31. Waa inuu xanuunku ku batoy xummad hunqaacaane
  32. Waa inaan xorownoy mar kale xowli cararaane
  33. Xadka waa inaan dhaafinnoon  xaaqno gabigoode!! ( Insha-Allaa).  
     
  34. Xuunshada sideedii qof cuna xaabka soo uraya
  35. Xayawaanno duni waa jiraan xoor wax dheeryahaye
  36. Kan xaraarad hooggeen u qaba xasarad sii socota
  37. Ee xaseyso weli maal lahow xaasid baad tahaye
  38. Xaakada bukaannada ildaran xiito waayeel ah
  39. Xaamilada ilmeyneysa ee uu kufrigu xaydxeyday
  40. Xaafidul-Quraannada gubtee xaabo laga yeelay
  41. Ubad xabadka laga toogtay iyo xiidmahaa daadsan
  42. Xinjiraha qulqulayaba haddaad xilal ku dooneyso
  43. Yey kaa xargagin ee intaad xaabsatoo kariso
  44. Meydkooda xago oo ka dhereg xaalku kaa murugye !!  
     
  45. Xaqirnaan ammaan loo qabiyo xiqdi qof maangaab ah
  46. Kuwey ceeb ku xoontaa jiroo xiiray sharaftiiye
  47. Odaygaa xakaaraaya ee cidlo ku xuurtooday
  48. Oo cadow inuu noo xirxiro noqotay xeeshiisu
  49. Iyo gacal xasuuqaha kibraye afku xumbeynaayo
  50. Oo xaashee xooluhuu daweyn ay xis dhaamaanba
  51. Xujadeysan furiddeeda Karin xeebta gadiddeeda
  52. In ujeedku xilahooda yahay xume in loo geysto
  53. Xaqiiqdii waxay moogyihiin xarfadda khayrkoode
  54. Haddey xikmad in uun leeyihiin xodxod ma yeeleene
  55. Xornimadeennii qaaliga ahayd xanjo ma siisteene
  56. Xiisuu Tadhase noo qabaa xubbi ma sheegeene
  57. Xulufadey dhulkii soo gasheen waxay xasuuqeyso
  58. Iyo ilmahey xabbadeynayaan waa xisaab qorane
  59. Mar buu Xaakim aan eex aqoon xukun ridaayaaye
  60. Xarbigii dhamaa kii qabow xaalku waa waliye
  61. Xeeladna Ilaah baa iska leh xoog la mahadshaaye
  62. Xaq- u- dirirka guushiisa iyo xilliga aan dhowrno !!  
     
  63. Kuwaa  maanka  laga soo xadeye xeradii Doofaarey
  64. Xiisado damiirlaana iyo xaqdarro loo meershay
  65. Nacabkuna uu noo soo xulee xaajadiis fuliya
  66. Xubno rooni inkastoy jiraan xabbado kow labo ah
  67. Xildhibbaano kii moodayow waa xis li’ idaaye
  68. Haddey xeerinayaan dadnimo nama xaraasheene
  69. Xaajiyaal ma dhoofsheen intey culimo xaabshaane
  70. Xuseenkii xuduudaha inkirey ma xarrakoodeene
  71. Waa kuwo xusuustood yartoo xaaran gabigoode
  72. Waa kuwo xafiis aan lahayn laga xog qaataaye
  73. Waa kuwo is ximin iyo u nool iney xil gaadaane
  74. Waa kuwuu jahligu badi xayiray oon xayi aheyne
  75. Waa kuwa xabkeystoon ka nixin xaal siduu yahaye !! 
     
  76. Waa kuwo la xuuxuuxiyoo xaax la leeyahaye
  77. Waa kuwo u xaadiri yaqaan gunno xariifeede
  78. Waa kuwo xayaatada u jecel xamasho jaalkoode
  79. Xoogaa yar meeshey ka heli wow xaluushaane
  80. Shacabkoo xayeysiya ayay xayr la jabayaane
  81. Xalustey salaaxaan markaan xagal ka daacnaaye
  82. Xididkoodu waa kuwuu bukoo ka xoqan iimaane
  83. Mar haddeysan lafaheenna xagan waa xamdi Ilaahe
  84. Waxba yaysan xamxameyninoo u shirin xaynxeyne
  85. Waxba yaysan xasillooni iyo nabadna xaaleyne
  86. xulufadey dhulkii soo gasheen iyo xasuuqeeda
  87. Iyo ilmahey xabbadeynayaan waa xisaab qorane
  88. Mar buu Xaakim aan eex aqoon xukun ridaayaaye
  89. Xarbigii dhamaa kii qabow xaalku waa waliye
  90. Xeeladna Ilaah baa iska leh xoog la mahadshaaye
  91. Xaq-u-dirirka guushiisa iyo  xilliga aan dhowrno !! 
     
  92. Deriskoo xaqdhowr badan leh iyo xaafadaha jaarka
  93. Xidid iyo haddii gacal u jiray la is xigaaleysto
  94. Soomaali xeerkeedii iyo dhaqan xushmeyntiisii
  95. Waxa jira dir soo xoorayoon xaajo ka lahayne
  96. Kuwa nacabka  soo xamaalayee sida ximaarkiis ah
  97. Oo xaqiran xaqna aan lahayn iskana xayraansan
  98. Beentuna  xadaaradba u tahay xigasho huuhaa ah
  99. Kuwo iney dhashoodii xasdaan u xusul duubaaya
  100. Oo xijaabka dumarkii dhig loo xerada gaal aada
  101. Kuwo fikirku xaflad qado ah iyo xeeradaba dhaafin
  102. Oo xaanshiyaha lacag u qaboo baryo xabeebsanaya
  103. Xalku kuwuu u daranyahay xareed lagu harraadbeelo
  104. Taageerayaal xiiqsan iyo Xaarwalwaal badane
  105. Kuwii xaawaleydii qataloo xalwadahow dhiibay
  106. xulufadey dhulkii soo gasheen iyo xasuuqeeda
  107. Iyo ilmahey xabbadeynayaan waa xisaab qorane
  108. Mar buu Xaakim aan eex aqoon xukun ridaayaaye
  109. Xarbigii dhamaa kii qabow xaalku waa waliye
  110. Xeeladna Ilaah baa iska leh xoog la mahadshaaye
  111. Xaq-u-dirirka guushiisa iyo xilliga aan dhowrno!!  
     
     
  112. Mar buu Xaakim aan eex aqoon xukun ridaayaaye
  113. Xaq-u-dirirka guushiisa iyo xilliga aan dhowrno!!  
     
  114. Xarbigii dhamaa kii qabow xaalku waa waliye
  115. Xaq-u-dirirka guushiisa iyo xilliga aan dhowrno!!  
     
  116. Xeeladna Ilaah baa iska leh xoog la mahadshaaye
  117. Xaq-u-dirirka guushiisa iyo xilliga aan dhowrno!!

--------------------------------------------------------------------- 
 

                           Dhamaad

Taariikh: 11/06/2007           
 

Inj. Maxamed Cali Cibaar

Delft, The Netherlands 

Mohamed_ebar@hotmail.com 

Afeef: Aragtida Gabaygan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 13, 2007

soolDAGAALKA, BATROOLKA IYO SOOMAALIYA
Qofkii raba in uu si dhab ah u fahmo cinwaannada wararkii ugu dambeeyey
Akhri..

Soomaalida Minneasota oo Bannaanbax Ballaaran ku dhigay Minneapolis
banaanbax
Bannaanbaxaas oo looga soo horjeedo Duullaanka Itoobiya ku soo qaaday dhulka Soomaaliya, ayaa dadweynihii ka soo qaybgalay waxay baaq u dirayeen dowlada Maraykanka, iyagoo... Akhri..

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH