SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FINLAND

BANNAANBAX KA DHACAY MAGAALADA HELSINKI, FINLAND 

Bannaabax ballaaran oo looga soo horjeeday joogitaanka ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya iyo weerarada gardarada ah ee ay ciidamada mareykanka iyo kuwa Itoobiya ku hayaan koofurta Soomaaliya ayaa maalintii jimcaha aheyd ee 12. Jan 2007 ka dhacay magaalada Helsinki ee dalka Finland. Bannaabaxaas oo ay kasoo qeyb qaleen dadweyne aad u fara badan oo isugu jiray haweenka, culimada, aqoonyahannada, waxgaradka, cuqaasha, dhalinyarada iyo carruurta soomaaliyeed ee ku nool wadanka Finland kuwaasoo ka kala yimid gobolada dalka.

Bannaanbaxa ayaa waxaa uu ka billowday faras magaalaha Helsinki iyadoo socod dheer lagu maray wadada ugu caansan magaalada Helsinki ee Mannerheimintie iyadoo ay hor kacayeen boliska wadanka Finland. Dadkii halkaas isugu soo baxay ayaa waxey ku dhawaaqayeen ereyo ay kaga soo horjeedaan joogitaanka ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya iyo gardarada qaawan ee ay ciidamada mareykanku ku baabiìnayaan shacabka soomaaliyeed. Bannaanbaxayaasha ayaa waxey tageen xafiiska midowga Europe iyadoo qabanqaabiyeyaasha bannaanbaxa ay halkaas kula kulmeen Dr. Paavo Mäkinen oo ah kuxigeenka masuulka xafiiska Yurub ee Finland isagoo u ballan qaaday inuu farriintooda gaarsiin doono madaxda ugu sarreysa midowga Yurub iyo xafiiska weyn  European Commisionka. ayaa waxeyna u gudbiyeen bayaan dheer oo aan kasoo qaadan karno arimaha soo socda:

  • Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland waxey cambaareyn kulul dusha uga tuuraysaa dhammaan hawlgallada melleteri ee ka dhacaya wadanka soomaaliya, waxeyna soo jeedineysaa inaan xoog waxba lagu xalli karin ee wadada kaliya ee lagu gaari karo nabadda iyo horumarka ay tahay miiska wadahalka iney isugu yimaadaan dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed.
  • Soomaaliya waxey u baahan tahay nabad, dib u dhis & horumar.
  • Itoobiya waa inay si deg deg ah ugala baxdaa ciidamadeeda dhulka soomaaliya
  • Dowladda Mareykanka waa iney joojisaa xasuuqa dadka rayidka ah ee soomaaliyeed, isla markaana ay kala baxdaa ciidamadeeda
  • Bulshada caalamka waa iney kasoo baxaan waajibaadka kaga aadan arimaha soomaaliya, isla markaana ay fiiro gooni ah u yeeshaan waxqabadka iyo dhaq dhaqaaqa dowladda ku meelgaarka ah

   
Sawirada Bannaanbaxa ka eeg halkan... GUJI...

Dadweynaha halkaas isugu soo baxay ayaa socodkoodii ku soo gabagabeeyey safaaradda dalka Mareykanka ay ku leedahay waddanka Finland iyagoo mudadii ay halkaas joogeen ka muujiyey sida ay uga xun yihiin siyaasadda gurracan ee dowladda Mareykanka ee ku wajahan wadanka Soomaaliya. Qabanqaabiyeyaasha ayaa waxey halkaas kula kulmeen madaxa arimaha nabadgalyada ee safaaradda Mareykanka ee magaalada Helsinki isagoo halkaasi ka ballan qaaday in isna farriinta uu gaarsiin doono safiirka & dowladda Mareykankaba.Sidoo kale waxa ay dadweynuhu ku qeylinayeen farriimo khaas ah oo ku wajahan dowladda ku meelgaarka ah taasoo ah in la nabadgeliyo culimada soomaaliyeed lagana waantoobo ku xadgudubka muwaadinka Soomaaliyeed.  

Bannaanbaxaas ayaa waxaa ka hadlay gudoomiyaha golaha midnimada soomaaliyeed ee wadanka Finland Mudane Cabdirisaaq Maxamed Xasan isagoo uga waramay dadweynihii kasoo qeyb galay ujeedada bannaanbaxa, kulana dardaarmay iney ilaashadaan midnimadooda iyo wadajirkooda. Md. C/risaaq wuxuu gabagabadii mudaaharaadka si weyn ugu mahadceliyay dhammaan dadweynaha soomaaliyeed ee kasoo qeyb galay bannaanbaxa gaar ahaanna ururka dhalinyarada ee Kanava oo uu sheegay iney ka qaateen hirgalinta mudaaharaadka kaalin aad & aad u weyn.  

Bannaanbaxaas ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Golaha Midnimada Soomaaliyeed ee Finland ”Suomen Somaliliitto” iyo ururka dhalinyarada ee Kanava.

Waxaa soo tebiyey:
Yusuf Maxamed
mrsomalia@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 13, 2007

soolDAGAALKA, BATROOLKA IYO SOOMAALIYA
Qofkii raba in uu si dhab ah u fahmo cinwaannada wararkii ugu dambeeyey
Akhri..

Soomaalida Minneasota oo Bannaanbax Ballaaran ku dhigay Minneapolis
banaanbax
Bannaanbaxaas oo looga soo horjeedo Duullaanka Itoobiya ku soo qaaday dhulka Soomaaliya, ayaa dadweynihii ka soo qaybgalay waxay baaq u dirayeen dowlada Maraykanka, iyagoo... Akhri..

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH