Wararkii: Jan
12, 2007
Dagaal
Dhimasho Iyo Dhaawac Gaystay Oo Ka Dhacay Xarunta
Madaxtooyada Ee Villa Soomaaliya .
Dagaal Laysu Adeegsaday Hubka Noocyadiisa Kala Duwan Ayaa
Maanta, Jimce Jan 12, 2007 ka dhacay irida weyn ee xarunta
madaxtooyada ee villa soomaali ,dagaalkan ayaa waxaa ku
dhintay dad aan weli tiradooda la xaqiijin , sidoo kale
dagaalkan ayaa yimid kadib markii ay kulan ku wada Lahaayeen
Hogaamiye kooxeedyada Magaalada muqdisho ku sugan iyo
Masuuliyiinta dowlada ugu sarsareeya oo uu kamid ahaa
madaxweyne c/laahi yuusuf .
sidoo kale dhawaca ayaan laga hayn ilaa iminka Tiro dhab ah
oo ku dhawacantay dagaalkaas oo socday mudo lagu qiyaasay
30daqiiqadood waloow ay jiraan warar soo baxaya oo sheegaya
inay dad badan oo rayid ah ay ku dhaawacmeen ,dagaalkan ayaa
dhexmaray milayshiyada hogaamiye kooxeedyada iyo ilaalada
madaxtooyada kadib markii ay isku dayeen milayshiyada
hogaamiye kooxeedyadu inay xoog ku galaan Gudaha xarunta
madaxtooyada ee villa somali.
Dhanka kale kulankan uga soconayey xarunta madaxtooyada ee
villa soomaali Hogaamiye kooxeedyada iyo masuuliyiinta ugu
sarsaraysa dowlada FKMG ee soomaaliya ayaa waxaa ka war
bixiyey waxii kasoo baxay afhayeenka dowlada c/raxmaan
diinaari oo saxaafada u sheegay in kulankii ay kasoo baxday,
waxaa Hogaamiye kooxeedyada Lagu war geliyey inay si shruud
la,aan ah kusoo wareejiyaan hubkooda Maalmo gudahood oo ay
ka bilaabanayso maanta .
Weerar Loo adeegsaday Bam
gacmeed oo ka dhacay Hotel Ambassador ee magaalada Muqdisho
Koox Hubeysan oo aan Cidna Ka Amar Qaadan Ayaa xalay
fiidnimadii Weeraray Hotelka Ambassador ee magaalada
Muqdisho, iyadoo halkaasi uu ku dhaawacmay Hal Askari oo ka
tirsan ciidamada dowladda FKMG Somaliya ee Ilaalada u ahaa
masuuliyiin dowlada ka tirsan oo degan hotelkaas.
Kooxahaan Hubeysan ayaa la sheegay in ay wateen Baabuur ah
noocyada yaryar ee muraayadaha bersonka ah leh ,
islamarkaana ay Bam gacmeed ku tuureen Albaabka hore ee
Hoteelka oo ay halkaas ku qaraxday , iyadoo ka dibna ay
dhacday israsaaseyn xoogan oo socotey muddo ka badan 15
daqiiqo sida ay noo xaqiijiyeen goob joogayaal ku sugnaa
Halkaasi .
Rasaastii la is weydaarsaday ayaa waxaa ku dhaawacmay mid ka
mid ah ciidamadii halkaasi ku sugnaa, iyadoo aan la garaneyn
sababaha keenay in Bam lagu Tuuro Hotelkaasi, waloow ay
jiraan warar sheegaya in Hotelku ay degan yihiin masuuliyiin
ka tirsan baarlamaanka dowlada soomaaliya iyo Saraakiil ka
mida ciidamada DFKMG ee soomaaliya .
Si kastaba ha ahaatee Dadka degan deegankaas iyo xaafadaha u
dhow dhow ayaa walaac xoogan ka muujiyey qaraxyada soo
noqnoqday ee ka dhacaya agagaarka km4 iyo nawaaxigeeda oo
aan aheyn markii ugu horeysay ee sidan oo kale ay qaraxyo
israsaasaynba ay ka dhacaan deegaankooda iyo meelaha ku
dhowdhowba .
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com
Hoggaamiyeyaashii
dagaalka oo mar kale dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho
Inta badan hoggaamiyeyaashii dagaalka ayaa waxay dib ugu soo
laabteen magaalada Muqdisho maanta, kaddib marki ay dhawaan
gaareen magaalada Baydhabo oo xarunta Dowladda ah.
Hoggaamiyeyaasha maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa
waxaa ka mid ah: Muuse Suudi Yalaxow, Maxamed Qanyare Afrax,
Cumar Maxamed Maxamuud (Filish), Cabdi Nuurre Siyaad (Cabdi-Waal),
Col. Cabdi Qaybdiid iyo xubno kale oo fara badan.
Sidoo kale maanta ayaa waxaa lagu waday inuu yimaado
Magaalada Muqdisho Ganacsade Bashiir Raage Shiiraar, balse
waxaa la sheegay inuu dib u dhac ku yimid imaansho uu ku
imaan lahaa Magaalada Muqdisho, waxaase la sheegay in
dhawaan uu dalka dib ugu soo laabanayo.
Hoggaamiyeyaasha dagaalka ee maanta dib ugu soo laabtay
Magaalada Muqdisho ayaa waxay kaga qaybgaleen Magaalada
Baydhabo kulammadii ugu dambeeyay ee Baarlamaanka, waxaana
xubnahaan markii hore ugu yeeray Baydhabo Madaxweynaha
Soomaaliya, lamana garanayo sababta dhabta ah ee keentay in
ay dib ugu soo laabtaan Muqdisho xilligaan oo uu ku sugan
yahay caasimadda Madaxweynaha Soomaaliya.
Ra'iisul wasaare Geeddi: "Odayaal
Dhaqameedyada waa inay nabadda dalka ka shaqee...
Dowladda Federaalka
Soomaaiya ayaa kulan kulan ay la qaadatay Cuqaasha
Soomaaliyeed waxay kaga codsatay inay nabadda dalka ka
shaqeeyaan; isla markana ay horumuud u noqdaan nabad ku soo
dabbaalidda Caasimadda Soomaaliya.
Kulankaan
oo ahaa mid ay ka soo qaybgaleen odayaal dhaqameedyo ka
socday qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa waxaa haddallo ka
soo jeediyay cuqaasha qaarkood iyo madaxda Dowladda.
Xubnaha Dowladda uga qaybgalay kulankaan oo ay ma mid
ahaayeen Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed
Geeddi, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Prof.
Maxamed Cumar Dalxa, Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga
Salaad Cali Jeelle, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cadde
Gaaboow iyo xubno kale oo fara badan ayaa waxay si isku mid
uga codsadeen Cuqaasha Soomaaliyeed inay nabaddda ka
shaqeeyaan isla markaana ay ka billaabaan howlo ay kala
qaybqaadanayaan dowladda sidii ay nabad ugu soo celin lahayd
Caasimadda.
Imaam Maxamuud Imaam Cumar ayaa sheegay in cuqaasha
Soomaaliyeed ay ogol yihiin isla markaana ay dowladda kala
shaqeynayaan sidii ay dalka nabad ugu soo dabbaali lahayd,
waxaana uu yiri mar uu ka hadlayay doorka Hoggaamiye
dhaqameedyada:
"Anigoo ku hadlaya doorka Cuqaasha iyo hoggaamiye
dhaqameedyada Soomaaliyeed, waxaan diyaar u nahay inaan kala
shaqeynno dowladda nabad ku soo dabbaalidda dalka oo dhan,
gaar ahaan caasimadda oo ah caloosha Soomaaliya, nabad
haddii laga waayana dalka oo dhan aan laga helayn nabad iyo
kala dambeyn" ayuu yiri Imaam Maxamuud Imaam Cumar.
"Waxaan u soo joogay dalkaan Maxamed Siyaad kaddib saddex
dowladood oo dhalatay, dowladdii ku guulaysatay inay
Madaxtooyada dagtana waxay noqotay dowladdaan uu
madaxweynaha ka yahay C/llaahi Yuusuf Axmed, waxaana u arkaa
inay tahay dowlad dalka iyo dadka wax u qabanaysa,
Madaxweynayaashii kalena waxay madaxtooyo ka dhigteen
guryahooda" ayuu yiri Mar kale yiri Imaam Cumar Imaam Cumar.
Sidoo
kale waxaa hadal dheer halkaas ka soo jeediyay Ra'iisul
wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi oo sheegay in
dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka codsanayso Madaxda
Dhaqanka inay wax kala qabtaan ammaanka Magaalada Muqdisho.
"Cuqaasha iyo Odayaal Dhaqameedyada qoraal ka kooban 6-qodob
oo ay ku sameeyeen Magaalada Nairobi ee dalka Kenya intii uu
socday shirkii dib u heshiisiinta ayay dowladdu ka dhalatay,
waxaana ay ku shaqeynayso waxaa ka mid ah qodobbadii ku
jiray 6-daas documenti oo ay sameeyeen Odayaasha Dhaqanka"
ayuu yiri Prof. Geeddi oo intaas ku daray: "Odayaasha
dhaqanka magacaabiddooda ayaan halkaan ku joognaa ee ma
nihin kuwo iskood isku magacaabay, waxa aan doonayno waa
inay cuqaashu nala shaqeeyaan" ayuu yiri Geeddi.
Barnaamijka hub ka dhigista oo uu ka hadlay Geeddi mar kale
ayuu sheegay in loo baahan yahay in Odayaal dhaqameedyada ay
kala shaqeeyaan ciidammada dowladda sidii nabad lagu sugi
lahaa isla markaana hubka lagu ururin lahaa.
"Waxaan
qiraynaa oo aan inkiri Karin in odayaasha dhaqan qoraalkii
ay ku sameeyeen Nairobi uu ka mid ahaa barnaamijka hub ka
dhigista, isla markaana laga doonayo cuqaashu in fikradda ay
ku dari lahaayeen waxqabadka dowladda ay sida ugu dhaqsiyaha
badan ugu soo gudbiyaan dowladda" ayuu yiri Geeddi.
Kulankaan ayaa ku soo gabagaboobay jawi is afgarad, waxaana
madaxdii halkaas ka hadashay oo isugu jiray Madaxda Dhaqanka
iyo kuwa Dowladda ay si wadajir ah u qireen in nabad lagu
soo dabbaali Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ay tahay
mid loo siman yahay oo aan cid gaar ah mas'uuliyaddeedu
saarnayn.
Xafiiska Isku xirka
Bulshada iyo Dowladda oo maanta kulan ku yeeshay xaruntiisa
ayaa waxay soo jeediyeen in lagama maarmaan ay tahay in
dowladda la taageero, maadaama ay dowladdu soo dagtay muddo
dheer kaddib caasimadda.
Caaqil Koogaar: "Dowladda
waa in lala shaqeeyo...
Caaqil Maxamuud Cali Jimcaale (Koogaar) ayaa isagoo ka
hadlayay nabad lagu soo dabbaalo Muqdisho wuxuu sheegay in
loo baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed ay qayb ka noqdaan
nabad ku soo dabbaalidda Magaalada Muqdisho, isla markaana
la taageero dowladda Federaalka Soomaaliya.
"Waa inaan u mahadcelinno Dowladda dariska nala ah ee
Ethiopia oo gacan nagu siisay in dowladda ay soo gaarto
Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, waana in aan la
cambaareyn" ayuu yiri Caaqil Koogaar oo intaas ku daray:
"Ayman Al-sawahiri hadalkii uu dhawaan ka jeediyay
Telefishinnada caalamka ma ahayn mid dan u ah shacabka
Soomaaliyeed, balse wuxuu ahaa mid abuuraya dagaal iyo
colleyntan hor leh, waana mid aan leennahay diidnay, mana
aqbalayno".
Caaqilka oo mar kale ka hadlay sida lagu nabadeyn karo
magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayuu sheegay in loo
baahan yahay in qof walba oo ka mid ah shacabka uu ku
dalaalo in xaafaddiisa uu ka eryo tuugada, isla markaana uu
ka celiyo kuwa uu yaqaanno howlaha nabadgalyo xumada ah.
"Kuwa dhibaatooyinka ka wada gudaha Magaalada Muqdisho ha
ogaadeen waa la yaqaannaa waana la ogyahay, berrina iyaga
ayaa wax laga weydiin doonaan marka la qabto kuwa ay
magaalada ku soo dirsadeen ee ay nabadda uga soo horjeedaan"
ayuu mar kale yiri Caaqil Maxamuud Cali Jimcaale (Koogaar).
Sidoo kale maanta ayaa waxaa ka hadlay kulankaas Afhayeenka
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Mr.
Qalinle oo sheegay in madaxda sarsare ee Dowladda uu
gaarsiin doono inuu jiro xafiis dowladda si weyn looga
taageersan yahay isla markaana wada howlo uu shacabka ku
tusayo wanaagga iyo in loo baahan yahay in nabad lagu soo
dabbaalo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Kulankii maanta ayaa mid ku soo gabagaboobay si heer sare
ah, iyadoo halkaas ay heeso guubaabo ka qaadayeen haweenka
ururkaas oo heesaha ay qaadayeen ay u badnaayeen kuwo ay ku
guubaabiyaan Dowladda iyo Shacabka Muqdisho.
Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
025215576666
002521653623
Xuseen Caydiid: "Mareykanka
waa inuu keeno ciidammo kuwa lugta ah si uu ula dagaallamo
Argagaxisada"
Maxamuud Axmed Xasan (
Xuurshe)
Jan 11, 2007:
Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Fadaraalka Soomaaliya isla
markaana ah Ra'iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Eng.
Xuseen Maxamed Caydiid ayaa ka codsaday Dowladda Maraykanka
inay ciidammo kuwa lugta ah ay u soo diraan gudaha
Soomaaliya.
Eng. Xuseen Caydiid ayaa sheegay in askartaas ay doonayaan
inay la dagaalamaan kooxihii ka haray Maxkamadaha oo ay
wehliyaan kuwo Al-Qaacida ka tirsan, isagoo sheegay inay ku
dhuumaalaysanayaan koonfurta Soomaaliya qaybo ka tirsan.
“Waddada qura ee lagu dili karo ama lagu qaban karo xubnaha
Al-Qaacida waa in ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee
Maraykanka ay weerar dhulka ku qaadaan kooxaas ku
dhumaalaysanaya koonfurta Soomaaliya, si ay ugu guulaysaan
inay soo qaqabtaan“ ayuu u sheegay Eng. Xuseen Caydiid
Wakaaladda Wararka ee AP.
Sidoo kale Eng. Xuseen Caydiid ka mid ahaan jiray Ciidmmada
Maraykanka ayaa sheegay in ciidamadaasi ay leeyihiin qibrad
iyo qalab ay u adeegsan karaan soo qabashada xubnaha ku
dhuumaaleysanaya gudaha dalka Soomaaliya.
Wuxuu kale sheegay Xuseen Caydiid in kooxaha argagaxisada ah
ee la raadinayo ku jiraan fog-fog oo kayn ah, isagoo intaa
raaciyay inay haystaan biyo iyo cuno ku filan inay ku
noolaadaan dhowr sano, loona baahan yahay in weerar aan kala
go' laheyn lagu qaado ciidammada Mareykanka ay deg-deg ku
soo galan gudaha dalka Soomaaliya si ay wax uga qabtaan
kooxahaas weli rajeynaya inay dhibaaooyin gaarsiiyaan
Shacabka Soomaaliyeed iyo dalalka dariska ah.
Eng. Xuseen Caydiid ayaa sheegay in loo bahan yahay in la
tirtiro Kooxaha xiriirka la leh Al-Qaacida ee ku sugan
gudaha Soomaaliya; isla markaana loo keeno ciidammo si gaar
ah u ugaarsada kooxahaas.
Shaqaalihii Wasaaradda
Arrimaha Gudaha iyo kuwii Gobolka Banaadir oo loo yeeray
Qoraal ka soo baxay xafiiska Wasiirka Arrimaha gudaha
Dowladda Federaalka Soomaaliya Eng. Xuseen Caydiid ayaa lagu
sheegay in shaqaalihii hore ee Wasaaradda Arrimaha gudaha ay
isugu tagaan xaruntii hore ee Wasaaradda iyagoo howlahooda
dib u billaabi doona, inkastoo ay haatan uu burbur xoog leh
ka muuqdo xaruntii hore ee Wasaaradda Arrimaha gudaha.
Sidoo kale shaqaalihii hore ee Dowladda hoose qaybahooda
kala geddisan ayaa iyagana sidoo kale waxaa lagu amray inay
si deg-deg ah howlihii Gobolka Banaadir uga billaabaan
xaruntii hore ee Gobolka Banaadir (Fichio Governo) , waxaana
lagu wadaa in maalmaha soo socda ay halkaasi ka billowdaan
howlo dayactir ah oo dib loogu habeynayo xafiisyadii
Dowladda hoose oo ay ballanqaad buuxa ku bixisay hay'adda
UNDP.
Mas'uuliyiinta Hay'adda UNDP ayaa waxay kormeer qiimeyn ah
ku sameeyeen xarummihii hore ee ee Dowladda iyo dhismaha
wasaaradda arrimaha gudaha oo uu burbur xooggan ka muuqdo,
waxayna ballanqaadeen inay sida ugu dhaqsiyaha badan ay
dayactir ugu sameyn doonaan.
Dowladda Federaalka oo laba sano iyo bar jirsatay ayaa
xilligaan u muuqata inay dib u noolaynayso xarumihii
hay'adaha dowladda ee kala duwanaa, si ay dib ugu soo
noolayso adeegyadii kala duwanaa ee Bulshada.
Saxafiyiin booqatay waddada
isku xirta Muqdisho iyo Ceel-macaan
Iyadoo
waddada isku xirta Magaalada Muqdisho iyo Dekeddii hore ee
Ceel-macaan ay ka socdeen howlagallo looga nadiifinayay
burcad jidgooyo dhigata waddaadaas ayaa waxaa maanta booqday
saxafiyiin si ay u soo xaqiijiyaan howlaha burcad sifeynta
ah ee halkaas laga sameeyay.
Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee Dhinaca ammaanka
Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur) oo saxafiyiinta booqashada
ku tagay halkaas kula hadlay ayaa sheegay in howsha burcad
sifeynta ah ay tahay mid maamulka gobolka banaadir uu ku
guulaystay, isla markanaa uu sii wadi doono.
"Goobtaan waxay ahayd halkii lagu gubay gaari u socday
deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada dhexe 5/01/2007,
waxaana howlgal aan ka sameynay shalay ku guulaysannay inaan
ka qababqanno kooxihii burcadda ahaan ee geystaan falkaan
foosha xun, iyagoo ku xirxiray saldhigga bari ee Magaalada
Muqdisho" ayuu yiri Maxamed Cismaan Cali (Dhagax-tuur) oo
intaas ku daray: "Isbaarooyinka yiillay Muqdisho illaa
galgalato waxay ahaayeen ku dhawaad 7-isbaaro, waxaana ku
guulaysannay inaan dhammaantood baabi'inno, burcaddiina
xabsiga u taxaabno, annagoo weliba haynna hubkii ay wateen".
Shacabka Deegaannada burcadda laga sifeeyay ee ay
suxufiiyiinta booqdeen ayaa ahaa kuwo aad ugu faraxsan
howlgalka ay ciidammada Booliiska Soomaaliyeed oo uu
horkacayay Dhagaxtuur ka sameeyeen waddooyinkaas.
"Burcaddii halkaan ku sugnaan jirtay ka hore intii aan laga
nadiifin waxay nagu hayeen dhibaatooyin fara badan, balse
shallay illaa maanta waxaan qabnaa nabad" ayay tiri Xabiibo
Colaad oo ka mid ah dadka deegaanka, waxayna sidoo kale
sheegtay inay u mahad-celinayaan Ciidammada Booliiska
Soomaaliyeed iyo Mas'uulyiinta Gobolka Banaadir oo isku
howlay inay burcadda la dagaalamaan.
"Waxaan marka hore mahad ballaaran u jeedinaynaa Maamulka
Gobolka Banaadir, gaar ahaan Guddoomiye ku xigeenka
Maaamulka Gobolka Banaadir dhanka Ammaanka Maxamed Cismaan (Dhagaxtuur)
oo runtii isku howlay inay burcadda aan ashaxa lahayn ka
wadaan waddadaan, isla markaana kormeerrada joogtada ah ku
haya" ayuu yiri Oday 60-jir ah oo ka mid ahaa dadka
deegaanka Galgalato oo ay la hadleen saxafiyiinta halkaas
booqday.
Guddoomiye ku xigeenka Maaamulka Gobolka Banaadir dhanka
Ammaanka Maxamed Cismaan (Dhagaxtuur) ayaa howlgal uu shalay
ka sameeyay waddaas wuxuu gacanta ku soo dhigay 11-burcad ah
oo la sheegay inay isbaaro dhiganayeen waddadaas iyo 8-qori
oo ay dadka dhac ugu geysanayeen.
Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
Faafin:
SomaliTalk.com | Jan 12, 2007
YABOOH
(APPEAL) KU WAAJAHAN UMMADDA SOOMAALIYEED
Anigoo ah Xaafid-ed-Diin Cumar Axmad Malow, loo
yaqaanno Cumar Cusmaan Raabe.
Anigoo wax badan uga digay ummadda Soomaaliyeed
mu'aamaradaha cadowga Xabashida inta (Dowladaha) had
iyo jeer hiil iyo hoo la garabjooga. Waxaan ugu
yaboohaya Shacbiga Soomaaliyeed meel u joogaba iyo
Qaranka Soomaaliyeed gebi ahantii:...
Akhri...
|