SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAYSI
Daabaco Boggan | Print

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya...
Akhri..

oil
Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000

lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


WAREYSI CABDISHUKRI CALI XIRSI

Cabdishukri Cali Xirsi oo Cambeereeyey madaafiicda ay ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya  ku Garaacayaan Shacabka reer Muqdisho


Cabdishukri Cali Xirsi

"...Waxaan u arkaa imaashaha ciidamada Afrikaanka ah ee dalka ku soo fool leh in aysan soo dhaweyn la kulmi doonin hadii aysan ka laaban hadafka ay hadda ku socdaan oo ah in garab siinayaan Dawladda Cabdulaahi Yuusuf...." Cabdishukri

Wararysiga waxaa qaaday: Muuse Maxamuud Jiisow

Waxaa inuu suuro gashay inaan wareysi la yeelano guddoomiyaha ururka SNCP (Somali National Congress Part) Cabdishukri Cali Xirsi isla markaana ka mid ahaa xubnihii aas aasay isbaheysigii la dagaalanka "argagixisada" iyo soo celinta nabadda kaasoo ay u badnaayeen hogaamiyeyaashii kooxaha, wuxuuna Cabdishukri haatan ku sugan yahay dalka Mareykanka, wareysiguna wuxuu u dhacayaa sidatan:-

Mudane guddoomiye, sideed u aragtaa isbedelka ka dhacay dalka, gaar ahaana caasimada Muqdisho.?

Isbedelka ka dhacay magaalada Muqdisho waa mid shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ay aad u soo dhaweeyeen kuna farxeen imaashaha dowlada kumeel gaarka oo ay filanayeen in ay wax badan u qaban doonta shacabkeeda oo nabadii iyo dowladni-madii iyo bilicdii magaaladii ay soo celin doonta, laakiiin farxadii iyo rajadii ay reer Muqdisho ka qabeen Dawlada federaalka waxay isku bedeshay murugo iyo filanwaa, waxayna halkii ay wax tari laheyd shaacbkeeda ugu abaal guday in ay madaafiic iyo Rasaasta waaweyn ee BM-ka oo aan loo aabo yeelin lagu garaaco dhamaan xaafadaha magaalada Muqdisho iyadoo lagu marmarsoonayo in ay ku ridayaan burcad hoobiyaal kaga soo riday meeshaas oo laguna xasuuqayo shacabkabka maatada ah oo awalba tabaaleysanaa. haddana qax iyo barakac cusub u bilaabatay. Halkaa waxaa shacabka reer Muqdisho ay u arkeen qabiil ka yimid gobolada waqooyi bari oo la magac baxay PUNTLAND oo hadda huwan magac Dawladeed oo haddana u tafaxeytay inay ugaarsadaan shacabka reer Muqdisho oo u badan qabiilka Hawiyaha, oo aanooyin horey kala dhaxeysey, sidaasina waxaa daliil u ah madaafiicda iyo BM-ka oo sida macna darada ah loogu ridayo xaafad kastoo magaalada Muqdisho oo aan la kala jecleyn cidda ay ku dhacayso. Waa nasiib daro u soo hoyatay reer Muqdisho.

Sideed u aragtaa wiiqidii awoodooda la wiiqay golihii maxkamadaha islaamka ee mudada 6-da bilood ah ka talinayay gobolada Koonfureed, nabaddana islaaxiyay, sidoo kalena wiiqay awoodii hogaamiye kooxeedyada.?

Wiiqidii lawiiqay golihii Maxkamadaha waxay ahayd arrin masuuliyiintii maxkamadaha ay sabab u ahaayeen kadib markii ay Itoobiya daan daansadeen kuna dhawaaqeen JIHAAD ka dhan ah dowladdaas, sidaasina ay Itoobiya u aragtay qatar ku soo fooleh oo ku qasabtay in ay kala hormaraan weerarka sidaasina lagu wiiqay awoodi golihii maxkamadaha. Dawladaha Geeska Afrika iyo Calaamkaba waxay u arkeen Golaha Maxkamadaha in ay yihiin qolo mintidiin ah oo qatar ku ah deganaasha caalamka.

Wiiqidii la wiiqay hogaamiyeyaashi Muqdisho oo ka tirsanaa Isbahaysiga Nabad soo celinta iyo La dagaalanka Argagaxisada waxay ahayd nasiib daro laakiin guusha iyo guuldarada markasta halqolo ayey raacilahayd, sidaasna waxaa dagaalkii ku guuleystey Maxkamadaha Islaamka guuldaradiina waxay raacday Isbahaysiga .

Sideed u aragtaa soo gelida dalka ee ciidamada Itoobiya.?

Soo gelitaanka ciidamada Itoobiyaanka dalka Soomaaliya waxaa weeye guul u soo hoyatey Itoobiyaanka, baal taariikh madoowna ay u gashay Umadda iyo Qaranka Soomaaliyeed. Waana wax aad laga xumaado. Laakiin waxaas oo bahil ah waxaa ay dusha u saarantahay Maxkamadaha Islaamka oo sabab u noqday in ay ciidamada Itoobiyaanka ay dalka Soomaaliya soo galaan. Waana waxa ay hogaamiyayaasha Isbahaysiga La dagaalanka argagixisada ay hortaahnaayeen in aysan dawlado shisheeya ay soo gelin dalka ayagoo leh waxaan daba joognaa xubnaha Al-qaacida oo ku sugan Soomaaliya sidaasina lagu aas aasey Isbahaysigaas, si uu hawshaas isku xilqaamo oo ah raadinta xubnaha Al-qaacida oo lagu tuhun sanaa in ay ku dhuumaaleysanayaan Muqdisho. Waxaa kaloo u sahashay in ay ciidamada Itoobiyaanka ah in ay soo galaan dalka tala xumida iyo seef laboodnimada ay ku dhaqaaqeen Masuuliyiinta Maxkamadaha oo ay ku dhawaaqeen in ay JIHAAD ku qaadayaan dawlada Itoobiya taasina ay dawlada Itoobiya u aragtay in ay Maxkamadaha ay qatar ku yihiin ayaga sidaasina ay qasab ku noqotay in ay iska difaacaan oo taladana laga xayuubiyo Maamulkii Maxkamada Islaamka.

Isbaheysigii la dagaalanka argagixisada ee aad ka mid aheyd xubihii aas aasay halkuu ku dambeeyey, rajase ma ka qabtaa inuu dib u soo laabto.?

Xubnaheeni Isbahaysiga La Dagaalanka Argagixisada Bashiir Raage Shiiraar, Cabdirasiid Shire Ilqeyte iyo Anigoo ah Cabdishukri Cali Xirsi mooye, intii kale waxa ay ku sugan yihiin Soomaaliya. Isbahaysigeeni ma ahayn xisbi siyaasedeed oo wuxuu ahaa Isbahaysi ay ku midoobeen rag masuuliyiihiin hilkas ah oo rabey in ay isku xilqaamaan sidii ay u ugaarsan lahaayeey xubnaha Al-qaacida ah ee lagu tuhun sanaa in ay ku dhuumaaleysanayaan wadanka Soomaaliya si looga badbaado waxa hadda ka taagan Soomaaliya oo in ay ciidamada Itoobiyaanka ay qabsadaan dalka Soomaaliya.

Sideed u aragtaa madaafiicda ciidamada dowladda Itoobiya iyo kuwa Soomaaliya ay ku ridayaa xilliyada habeenkii ah shacabka Gobolka Banaadir oo ay ku eedeynayaan in agagaarahooda looga soo tuuray hoobiyeyaal.?

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaaliya madaafiicda ay ku hayaan habeenkasto shacabka Gobolka Banaadir oo ay sabab uga dhiganayaan in ay u jawaabayaan hoobiyaayasha agtooda lagu soo ridayo, waa masuuliyad xumi ayaga haysata oo ay aysan kala jecleen kuwa hoobiyaasha soo tuuraya iyo shacabweynaha masaakiinta ah ee reer Muqdisho oo ay xasuuqa ku hayaan. Waxay ahayd in ay Dawlada Federaalka ay ka shaqeysa daryeelka dalka iyo dadka ay Dawlada u tahay, laakiin in ay xasuuqdo ma ahayn, markaas waxaa la isweydiinayaa Dawlada Federaalka yeey Dawlad u tahay, ama u noqoneysaa.?

Ma la oran karaa waxaa ka dhalan kara arrintan kacdoon dadweyne, oo la mid ah midkii lagu saaray hogaamiyeyaashii isbaheysigii la dagaalanka argagixisada oo aad adigu ka mid aheyd.?

Xamar kacdoon shacab kama dhicin. Dagaalna kama dhaxeyn Isbahaysiga Nabad soo celinta iyo La Dagaalanka Argagixisada iyo shacabka ku dhaqnaa Muqdisho. Ee dagaalka wuxuu dhaxmaray Isbahaysiga iyo ragii sheegtay Maxkamadaha Islaamka. Kacdoon shacab baa ka dhacay Muqdisho waxa ay ahayd aalad borobogaando ah oo ay adeegsadeen ragii Maxkamadaha Islaamka sheegtey. Laakiin hadda hadii tala xumida lagu xasuuqayo shacabka reer Muqdisho ay sidaa ku sii socdaan waxaa ay u badan tahay in ay halkaas ka dhalato kacdoon shacab oo rasmi ah ayagoo sharaftooda iyo maalkooda ka difaacaya qolooyinka aar goosi doonka ku yimid koonfurta Soomaliya oo Muqdisho ugu horeyso.

Sideed u aragtaa imaatinka ciidamada Afrikaanka ah ee dalka ku soo fooleh, kuwaasoo qeyb ka noqon doona ciidamo nabad ilaalin ah.?

Waxaan u arkaa imaashaha ciidamada Afrikaanka ah ee dalka ku soo fool leh in aysan soo dhaweyn la kulmi doonin hadii aysan ka laaban hadafka ay hadda ku socdaan oo ah in garab siinayaan Dawladda Cabdulaahi Yuusuf. Dawladda Cabdulaahi Yuusuf way kasban weydey kalsoonida shacabka Soomaaliyeed, sidaa daraadeed laguma qasbi karo shacabka Soomaliyeed in ay Dawlad aysan rabin in ay raacaan.

Sideed u aragtaa Dib u heshiisiinta madaxweyne C/llaahi Yuusuf ku baaqay iyo kaasoo ay ka maqan yihiin xubnaha lagu tiriyo qunyar socodka ee golihii maxkamadaha.?

Dib u shiisiinta uu Cabdulaahi Yuusuf wado waa mid uu rabo in uu ku marin habaabiyo bulshada caalamka oo dhaqaale ku kasbanayo, lakiin uusan ahayn mid daacad ka ah. Cabdulaahi Yuusuf wuu iska dhega tiray baaqyada kala duwan ee ka imaanaya bulshada caalamka ee ah inuu isku keeno dhamaan qeybaha kala duwan ee ururada mucaaradka iyo bulshada Soomaliyeed si loo helo Dawlad loo dhan yahay. Si markaa loo gaaro hadafkaas waxaa loo baahan yahay in la helo gacan sedexaad oo aan Soomaali ahayn oo u kala dabqaadda, dhaxdhaxaadisana qabaa’ïlada iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo aan is aamin ka dhaxeyn. Hadda Cabdulaahi Yuusuf masiin mudnaan ama tix gelin hogaamiyaashi Muqdisho oo weliba wuxuu ugu yeeray in ay yihiin qabqablayaal dagaal, hadii nin siyaasi ama mucaarad noqday uu noqonayo qabqable dagaal waxaa halkaas jegadaas qabqable dagaal ku baramoosey Cabdulaahi Yuusuf maadaama uu yahay asna qirsan in uu yahay shaqsi ugu horeeyey oo mucaarad noqda xabadii ugu horeysey-na ku riday Soomaaliya. Sidaa daraadeed Qabqable Cabdulaahi Yuusuf qabqablayaasha kale xaq uma soori karo waxbana uma ogola.

Ugu dambeyntii maxaad ku talineysaa maadaama aad ka mid tahay siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee da’da yar.?

Anigu waxaa ku talin lahaa in Soomaaliya loo soo diro ciidamo UN-ka ka socda oo ay Dawladaha Reer Galbeedka ah hogaaminayaan ayagoo dhax dhaxaad ka ah arrimaha siyaasadeed ee Soomaaliyeed oo aysan cidna u hiilin. Hawsha ay qabanayaan ciidamada UN-ka waa:-

(1) In ay dhamaan Soomaaliya min raaskambooni ilaa Zeylac ay sugaan oo ay dhowraan soona celiyaan midnimada dhuleed ee Soomaliya ay ka kooban tahay.

(2) In ay hubkadhigis buuxda ku sameeyaan dhamaan gobolada Soomaliya oo ay ka mid yihiin waqooyi galbeed oo la magac baxday Somaliland, waqooyi bari oo lagac baxday Puntland, Dawladda Federaalka oo lumisay kalsoonida shacabkeeda.

(3) Markii intaa la sameeyo, waa in loogu baaqaa in ay Dawladda Cabdulaahi Yuusuf ay is casishaa maadaama ay kasban weydey kalsoonida Shacabka Soomaliyeed. Waxaa markaas abuurmaya jawi dhaxdhaxaad ah. Markaas waxaa laga rabaa in ay qabanqaabiyaan bulshada caalamka shirweyne Qaran oo dib u heshiisiineed oo ah kii ugu horeeyey ibidkii ay bulshada caalamka ku dhigaan dalka gudihiisa siiba magaalada Muqdisho oo ay isugu yeeraan dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaliyeed oo ay ka mid yiihiin siyaasiyiinta, aqoonyahanada,culimada iyo ururada bulshada oo loogu gogol xaarayo dhismo dawlad Qaran oo ku timaada rabitaanka shacabka Soomaaliyeed oo loo dhan yahay.

CABDISHUKRI CALI XIRSI waxa u hadda guddoomiye ka yahay ururka la baxay SNCP (Somali National Congress Part)

JiisowMuuse Maxamuud Jiisow

somali39@hotmail.com


Muqdisho Somaliya 
 

025215576666

002521653623

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 23, 2007


USA: Duqa Magaalada Macon ee Gobolka Georgia oo Islaamka soo galay...
Duqa magaalada MACON, ee gobolka Georgia ee dalka Maraykanka ayaa soo Islaamay, waxana uu dadaal ugu jiraa sidii uu magaciisa si sharci ah ugu bedeli lahaa Hakim Mansour Ellis.

Hakim Mansour oo da'diisu tahay 61-jir, oo ku dhashay magaalada Macon waxa lagu soo koriyey diinta Kirishtaanka, waxana uu sheegay in uu yahay Sunni Muslim, waxana intaas ku daray in uu diinta Islaamka soo galay bishii December 2006 mar uu booqday dalka Senegal ee qaarada Afrika, halkaasna xaflad loogu dhigay.
Warkan oo dhan ka akhri halkan...

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH