SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Wararkii: Feb 23, 2007
  • Guddiga fulinta Xiriirka Soomaaliyeed Kubadda Cagta oo ku eedeeyey Muxyadiin Darbaweyne in uu lunsadey Lacagtii
  •  Kun Guri oo ku gubatay Degmada Baardheere
  • Prof. Dhalxa oo ka qaybgalay xuska maalinta Afka hoooyo.
  • Waaxda Immagrationka Dawladda Federaalka KMG ah oo xafiis ka Furatay Magaalada Boosaaso.
  • Oil profits boost east Africa exploration [Oil search may head to Somalia ]

Warbixin: Ardeyda Jaamacadda Kismaayo oo soo Gabagabeysay Semestrerka (1) ee wax barashada.. Akhri..

Guddiga fulinta Xiriirka Soomaaliyeed Kubadda Cagta oo ku eedeeyey Muxyadiin Darbaweyne in uu lunsadey Lacagtii

Maalintii shalay ahayd ayaa Hotel Muqdisho waxaa ka dhacay Shir Jaraa’id, waxaana shirkaasi qabtay guddiga Fulitna Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta, oo ku faahfaahiyey xaaladda Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta, waxayna halkaasi ka soo saareen qoraan u qornaa sidatan:.

Ugu horeyntii waxaan idinkaga mahad celineynaa sida hagar la’aanta ah ee aad ula shaqeysaan isla markaana aad gacan u siisaan horumarinta isboortiga dalka adinkoon wax shuruud ah aan ku xirin sidoo kale waxaan ku faraxsanahay ka soo qaybgalkiina shir saxaafadeed kan ay abaabuleen Guddiga fulinta xiriirka K/cagta soomaaliyeed shirkana wuxuu ku saabsan yahay Qodobada soo socda

1. Warqada Taariiqdeedu tahay 19 Feb, 2007 oo saxaafada u gudbiyay Guddoomiyaha xiriirka k/cagta Muxiyadiin Xasan Cali.
2. Is hortaag ku dhaqanka Dastuurka xiriirka
3. Ku tagri fal iyo lunsasho hadtida xiriirka k/cagta

Faahfaahin ku saabsan qodobbada kor ku xusan:

1. Guddiga fulinta ee xiriirka soomaaliyeed ee k/cagta wuxuu si rasmi ah uga soo horjeedaa una beeninayaan warqada Taariiqdeedu tahay 19 Feb 2007 oo uu qoray Gudoomiyaha xiriirka k/cagta una gudbiyay warbaahinta taasoo uu ku sheegay inuu xilka ka qaaday Xoghayaha xiriirka k/cagta Mudane C/qani Saciid Carab waxaan qoraalkan ku cadeyneynaa in xil ka qaadistaas aysan waafaqsaneyn Dastuurka xiriirka k/cagta isla markaana gudoomiyaha uu si rasmi ah u jabiyay uguna tuntay dastuurka xiriirka Gudoomiyahana awoodaas xilka qaadista sharci uma laha dastuuriyan Xoghayahana waa xil ka qaadi kara Guddiga fulinta xiriirka sida ku cad (qodobka 34aad xarafkiisa G)ee dastuurka xiriirka.

2. Guddoomiyaha wuxuu si rasmi ah isku hortaagay ku dhaqanka iyo fulinta Dastuurka xiriirka k/cagta taasoo uusan awood u laheyn waxaana arintan faahfaahinteeda loo gudbindoonaa awooda u sareysa xiriirka oo ah shirweynaha.

Guddiga fulinta wuxuu shirsaxaafadeedkan ku cadeynayaa in Guddoomiyaha uu Lunsaday kuna tagri falay hantida xiriirka ay ugu deeqday FIFA asagoo khayaano document kula baxay lacagtaas marar badan oo ay gudiga fulinta isku dayeen inay arintaan si sharci ah ku xaliyaana gudoomiyuhu wuu ka meereystay Lacagta Gudoomiyaha uu ku tagri falay waxa ay dhantahay $101,716.05 Dollar (boqol iyo kow kun todobo boqol toban iyo lix kun iyo shan senti oo dollar) waxaana lacagtaan xaquuq u lahaa shaqaalaha garoomada Banaadir iyo muqdishu , shirkada isgaarsiinta Telecom Somalia iyo horumarinta kooxaha iyo maamulka xiriirka lacagaha iyo qaabka loo kala lahaa waa sida hoos ku qoran

  • Shaqaalaha Garoomada Muqdishu iyo Banaadir Sedex sano Mushaarkood oo ay tabarucaad ku soo shaqeynayeen Taasoo dhan $51,840.00
  • Shirkada Telecom Somalia sedex sano bilkood $ 12,076.05
  • Horumarinta kooxaha, shaqaalaha xiriirka $ 37,800.00
  • Total $101,716.05

Hadaba dhamaan saxaafada xorta ah waxaan ku wargalineynaa in Gudiga filinta xiriirka k/cagta soomaaliyeed uu yahay gudi doorasho ku yimid ayna doorteen 25 kooxood hadaba maadaama aan ku nimid doorasho waxaan dadkii na soo doortay iyo qaranka soomaliyeed ba u cadeyneynaa in hantidaas kor ku xusan uu ku tagri falay si sharci daro ah Guddomiyaha xiriirka k/cagta Muxiyadiin xasan cali taasoo aan u heyno documenti cad arintaana aan u gudbin doono kooxihii nasoo doortay iyo hay’adii lacagta noogu deeqday FIFA Guddiga fulinta xiriirkana ay cadeynayaan inay arintaan la yaabka leh aysan wax luga ku laheyn laakiin ay ku dadaali doonaan sidii lagu soo celin lahaa hantida ummada k/cagta ay leedahay wado kasta oo sharcigu ogol yahay

Waxaan idinkaga mahadcelineynaa ka soo qeybgalkiina iyo hagar la’aanta aad ugu shaqeyneysaan isboortiga soomaaliyeed adinkoon sharuud ku xirin.

Ugu dambeyntiina Siciid Mugaambe oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in dhibaatooyinka uu u geystay inaan la soo koobi karin, sida uu hadalka u dhigay Mugaambe “Waxyaabaha guddoomiyaha aan ku eedeyneyno waxaa ka mid ah, la tashi la’aan xubnaha xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta, la tashi la’aan Congreskii soo doortay, aflagaadeyn xubnaha xiriirka Soomaaliyeed K/cagta, aflagaadeyn guddoomiyeyaashii kooxaha xiriirka K/cagta iyo 19-kii bishan oo uu xiray kaaliyaha xoghayaha xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta kuna xiray xafiiska xiriirka subixii saacadu markii ay aheyd 7:00 illaa laga gaaro 4:00 galabnimo, wuxuuna u xirnaa 9 saacadood, waxaana Bastoolad la dhacay baadka Bastoolad isagana markii uu yimid wuu feeray” ayuu yiri Mugaambe.

Xubnihii shirkaasi jaraa’id qabtay waxay kala ahaayeen

Siciid Max’ed Nuur (Siciid Mugaanbe), Guddoomiye ku xigeenka koowaad.
Cali Siciid Guuleed Rooble, guddoomiye ku xigeenka labaad.
Salaad Macalin (Salaad Gaab), Guddoomiye ku xigeenka Saddexaad.
Amiin Yuusuf Khasaaro, Xubin,
Bashiir Maxamuud Geesay, Xubin,
Cali Xuseen Kaariye, Xubin,
Yaxye Max’ed Caddow, Xubin.
Max’ed Muxiyadiin Xuuti, Xubin.
Yuusuf Gacal Gaabshe, Xubin.
C/rashiid Max’ed Caddow, Xubin.
Cabdi Qani Siciid Carab, Xoghayaha Xiriirka.
Abuukar Islow Max’ed, Kaaliye Xoghaye.
 

MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside
Shan ciidamada Itoobiya oo kufsaday Gabar Soomaaliyeed Akhri...

Kun Guri oo ku gubatay Degmada Baardheere

Wararka naga soo gaaraya Degmada Baardheere ee Gobalka Gedo waxa ay sheegayaan in uu dab socday saacado uu ka kacay deegmadasi uuna baabi’iyey ilaa iyo Kun Guri oo ay ku noolaayeen 2-kun oo Qoys, sidoo kale dabkaasi waxa uu khasaare u gaystay hanti aad u fara badan iyadoo, dabkaasi uu ahaa dabkii ugu xumaa ee ka dhaca Degmadaasi waxaana daminta dabkaasi u gurmaday dadweynaha ku nool Degmadaasi oo ku guuleystay in ay baqtiijiyaan.

Qoysaskii ku guryo beelay dabkaasi ayaa haatan fadhiya meel banaan oo ay ku haysato Hoy la’aan iyo cunto la’aan, waxayna ka codsadeen Hay’adaha samafalka ina y la soo gaaraan gargaar deg deg ah, sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ayey ka codsadeen in ay gacan siiyaan.

Dabkaan ayaa waxaa sii kordhiyey dabaylo xoog leh oo ka socday degmada Baardheere iyadoo loo waayey dabkaasi qalabkii lagu damin lahaa.

Prof. Dhalxa oo ka qaybgalay xuska maalinta Afka hoooyo.

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ka dhacday shalay xarumaha INXA iyo COGWO ee Magaalada Muqdisho, taas oo lagu xusayey maalinta Afka Hooyo, waxaana ka qaybgalay mas’uuliyiin uu ka mid ahaa Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Prof. Max’ed Cumar Dhalxa oo sheegay in afka hooyo uu yahay af hodan ah, loogana baahan yahay in Bulshada Soomaaliyeed ay dhowrto, sidoo kale waxa uu sheegay in Waalidiinta Soomaaliyeed loo baahan yahay in carruurta ay ku abaabiyaan afka.

Prof. Dhalxa waxa uu sheegay in afka Hooyo uu soo maray heerar kala duwan, iyadoo dadkii ka dambeeyey fikradda ah in la qoro afka Hooyo ay maanta mudan yihiin in la xuso, isagoo sheegay in qorista Afka Hooyo ay ummadda Soomaaliyeed si weyn ugu faa’iidey.

Xafladdaan oo uu soo qaban-qaabiyey ururka Qorayaasha iyo Qalin Maalka Soomaaliyeed (Somali Pen) ayaa waxaa kaloo ka hadlay Guddoomiyaha ururkaasi ee Koonfurta Soomaaliya Cabdi Muxud Amiin oo sheegay in afka Soomaaliga uu yahay af ka horeeya afafka kale, waxa uuna u soo jeediyey Bulshada Soomaaliyeed in ay ku faanaan Afka Hooyo, waayo umad aan af laheyn, waa Geedi aan sahan laheyn, waxayna Xafladdaasi ku dhamaatay sidii loogu talagalay. [warbixin dheeraad ah hoos ka akhri...]

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Cabdishukri Cali Xirsi oo Cambeereeyey madaafiicda ay ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya  ku Garaacayaan Shacabka reer Muqdisho


Cabdishukri Cali Xirsi

"...Waxaan u arkaa imaashaha ciidamada Afrikaanka ah ee dalka ku soo fool leh in aysan soo dhaweyn la kulmi doonin hadii aysan ka laaban hadafka ay hadda ku socdaan oo ah in garab siinayaan Dawladda Cabdulaahi Yuusuf...." Cabdishukri

Wararysiga waxaa qaaday: Muuse Maxamuud Jiisow

Waxaa inuu suuro gashay inaan wareysi la yeelano guddoomiyaha ururka SNCP (Somali National Congress Part) Cabdishukri Cali Xirsi isla markaana ka mid ahaa xubnihii aas aasay isbaheysigii la dagaalanka "argagixisada" iyo soo celinta nabadda kaasoo ay u badnaayeen hogaamiyeyaashii kooxaha, wuxuuna Cabdishukri haatan ku sugan yahay dalka Mareykanka, wareysiguna wuxuu u dhacayaa sidatan:- Akhri Halkan....


Xuska Maalinta Afka Hooyo ee Soomaaliga oo maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho

Maanta (Feb 22, 2007)  ayaa magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay xuska maalinta afka Hooyo ee Soomaaliga, waxaana xafladdaas lagu qabtay xarunta Hay’adda COGWO ee Magaalada Muqdisho.

Xuskaan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Naadiga Hal abuurka iyo Qorayaasha Soomaaliyeed, waxaana xafladda dhanka dowladda uga soo qaybgalay Gudodomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed, isla markaana ah ku simaha Madaxweynaha Prof. Maxamed Cumar Dalxa iyo weliba mas’uuliyiin kale oo ka socday hay’yadaha xuquuqda insaanka iyo dadweyne kale.

Xafladda ayaa waxaa lagu furay Aayadaha Qur’aanka Kariimka ah, waxaana abwaaniintii xafladda ka soo qaybgalay ay ka jeediyeen madasha xafladdu ka dhacaysay saddex gabay oo ka hadlayay afka Hooyo ee Soomaaliga iyo Qiimaha uu leeyahay in la dhowro lana horumariyo.

Abwaannada soo jeediyay tixahaas gababayadaha ah ayaa waxay kala ahaayeen Abwaan Farey, Abwaanad Dahabo Sheekh Maxamed iyo Abwaan Cismaan C/llaahi Guure oo dhammaantood ka hadlay wanaagga Afka Soomaaliga uu leeyahay iyo sida loogu baahan yahay in la dhowro lana horumariyo

Guddoomiyaha Naadiga Hal abuurka iyo Qorayaasha Soomaaliyeed Somali Pen Laanteeda Koonfurta Soomaaliya, Abwaan, Hal-abuure: Cabdi Muxumad Amiin oo hadal ka jeediyay xafladda lagu xusayay afka Soomaaliga ayaa sheegay in afka Soomaaliga uu yahay mid u baahan in la dabar-qato inta uusan baabi’in, wuxuuna sheegay in bulshada Soomaaliyeed ay dhammaantood mas’uul ka yihiin horumarka afkooda, waxaana eraydii uu halkaas ka jeediyay ka mid ahaa:

“Maalinta aan xusayno ee Afka Hooyo, waa maalin caalami ah oo dunida oo dhan laga aqoonsan yahay qolo walbana ay xusto afkeeda, annaga haddii aan Soomaali nahay waxaan xusaynaa afkeenna, sida shucuubta kale ee dunida ay u xusaan afafkooda” ayuu yiri Abwaan, Hal-abuure: Cabdi Muxumad Amiin.

Sidoo kale Abwaanka wuxuu yiri: “Afka Hooyo ee aan xusayno maanta waxaa sidoo kale xaflado kuwan la mid ah ay ka dhacayaan dunida dacalladeeda sida Sweden, England, Jabuuti iyo dalal kale, waxaana xusayay shucuubta Soomaalida ah ee halkaas ku nool, waxayna tani dunida tusaysaa in Afka Soomaaliga uu leeyahay dad xusa horumarkeedana ka shaqeeya”.

Mar uu ka hadlay xafladda ka dhacaysa Jabuuti Abwaan Cabdi Muxumad Amiin ayuu sheegay inuu ka qaybgalayo Madaxweynaha dalka Jabuuti maadaama ay yihiin Soomaalina waxay ku xusayaan maalinta afka Hooyo ee 21-ka November, balse maanta xafladdeeda la dhigayo Deegaanka lagu magacaabo Cali Sabiix, waxaana uu sheegay in meel walba in laga xuso afka Soomaaliya ay sharaf u tahay shacabka Soomaaliyeed oo dhan.

Qoraaga lagu magacaabo C/qaadir Maax oo halkaas isaguna hadal ka jeediyay ayaa sheegay in afka Soomaaliga afafkii la midka ahaa ay waa hore dabar-go’een loona baahan yahay in afka Soomaaliga loo istaago in wax weyn laga qabto, si horumar intaan ka ballaaran uu u sameyn lahaa.

C/qaadir Maax ayaa sheegay in afka Soomaaliga uu ka badbaaday afafka la sheegay inay sannadaha soo socda ka dabar go’ayaan geeska Afrika sida: 6-luuqadood oo looga hadlo dalka Ethiopia, 19-luuqadood oo looga hado dalka Sudan iyo 6-luuqadood oo looga hadlo dalka Kenya, waxaana uuna sheegay in afafkaas oo dhan ay la da’ yihiin afka Soomaaliga.

Wuxuu dhanka kale sheegay in 250-luuqadood oo dunida looga hadlo ay dabar go’ayaan sannadaha soo socda, wuxuuna carrabka ku dhajiyay in shacabka Soomaaliyeed ay ku dadaalaan meel walba oo ay joogaan inay ilaalinyaan afkooda horumarna u sameeyaan, iyadoo Abwaan Maax uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay (DIFAAC AFKAAGA OO GUMEYSI DIB HA UGU NOQON”.

TACSI::::

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun.


Waxaa Halkan Tacsi looga Dirayaa Dhamaan Qoyska Reer Faarax Xasan (Laba Go'le) gaar ahaan Cabdi Aar Abdi oo aabihii Faarax Xasan (Laba Go'le) ku geeryooday Magaalada Laascanood 20-02-07. Waxaa Halkan Tacsi ka diraya, dhamaan Shaqaalaha TV-yada gobalka Minnesota iyo Guud ahaa Warbaahinta Soomaaliyeed Gudaha iyo debedaba.


Waxaa kale oo Tacsi Taas la mid ah diraya Maamulka iyo Shaqaalaha Somali Media waxaanu si gaar ah ugu Tacsiyeynaynaa Saaxiibkayo Cabdi Aar Abdi oo jooga Minnesota USA.


Waxaanu Ilaahay ka baryeynaa in uu Janadaii ka waraabiyo Qoyskii iyo qaraabadiina Samir iyo Iimaan ka siiyo. Aamin Aamin Aamin

Abdimalik Askar
aabdimalik@hotmail.com

Gudodomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo isaguna hadal ka jeediyay xafladda ayaa ku ammaanay Somali Pen laanteeda Koonfurta Soomaaliya xafladda ay u sameeyeen maalinta afka Hooyo, wuxuuna sheegay in afka hooyo oo la dhowro ay ku jirto sharafta dadka Soomaaliyeed, isagoo soo qaatay xikmad carbeed oo oranaysa: (NOLOSHU WAA AFKA, HADDII AFKAAGA LA TIRTIRO, ADIGANA WAA LAGU TIRTIRAY).

“Waxaan jeclaan lahaa haddii maanta la xusayo maalinta Afka Hooyo in xafladdaan laga soo qaybgeliyo guddigii qoridda farta Soomaaliga inta ka nool, taasoo xafladda ka dhigi lahayd mid aad u wanaagsan oo qurux badan” ayuu yiri Prof. Dalxa oo carrabka ku dhuftay in uu u mahadcelinayo cid walba oo Soomaaliyeed oo kaga qaybgalaysa meel walba oo xafladdaan lagu qabanayo maanta.

Xafladda oo ku soo gabagabowday jawi farxad leh ayaa waxaa ka hadlay dhowr qof oo ka mid ahaa ka soo qaybgalayaasha iyo ammaan iyo bogaadin u soo jeediyay Somali Pen laanteeda Koonfurta Soomaaliya kuna ammaanay xuska maalinta Afka Hooyo ee ay Somali Pen qaybteeda Koonfurta Soomaaliya ay soo abaabushay

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321

Faafin: Feb 23, 2007


Wararkii Shalay::: Feb 22, 2007

Waaxda Immagrationka Dawladda Federaalka KMG ah oo xafiis ka Furatay Magaalada Boosaaso.

Waxaa maanta si rasmi ah xafiis uga furatay Magaalada Boosaaso oo ah xurunta gobolka bari ahna magaalada Xeebta ah uguna qurux badan Magaalooyinka Puntland waaxda sodaalka ee dowlada federaalka kmg ah ee soomaaliya ee fadhigoodu yahay magaalada baydhabo xurunta gobolka baay.

Xafiiskan ayaa wuuxu bixinaya baasaboorada cusub ee ay dhowaan soo samaysay Dawladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya, waxaana meeshii lagu furahayay xafiiskan socdaalka ee dowlada soomaaliya ka hadley Masuuliyiin aad u fara badan oo kala ah kuwo ka socdey dowlada federaalka iyo dowlada Puntland.

Waxaana ka mid ahaa dadkii munaasabaddii maanta ka hadlay agaasimaha guud ee waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha ee dawladda federaalka kmg ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Maxamuud Gaafow iyo xubno kale oo ka sodey waaxda socdaalka.

Waxa uu sheegtey mudane Cabdullaahi Maxamuud Gaafow in baasaboorrada cusub laga bixin doono xafiiskan isla markaana uu yahay baasaboorkani E-Passport casri ah oo aan la been abuuri karin isla markaasna uu yahay baasaboorkii ugu casrisanaa ee dal Afrikaa ah uu bixiyo waana baasaboor aad ku tagi karto ayuu yiri meel walba oo aad rabto in aad aado

Dhanka kale Munaasabaddii Maanta lagu furayey xafiiskan waaxda socdaalka ayaa waxaa ka qayb galay mas'uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland waxaana ka mid ahaa masuuliyiintaasi wasiir kuxigeenka arrimaha gudaha iyo amniga, Ibraahim Cartan (Xaaji Bakiin) iyo xubno kale oo ka tirsan gobolka.

Sidoo kale dhamaan Masuuliyiintii ka hadashey goobtii lagu furahay xafiiskan socdaalka ayaa iclaamiyay furitaanka xafiiskan waxaana ay sheegeen in uu fududaynayo arrimaha socdaalka iyo bixinta baasaboorrada cusub ee ay dhawaan samaysey dowlada federaalka kmg ah ee soomaaliya.

Isku soo wada duuboo madaxa waaxda socdaalka dowlada kmg ah ee soomaaliya mudane Gaafow ma sheegin meesha xigta oo ka tirsan dowlad goboleedka puntalnd oo sidan oo kale ay xafiis oga furan doonaan.

Yusuf Mohamed Ismail (Gaduudow)
E-mail yusufgaduudow@hotmail.om
Bososo,Puntland,Somalia

Dowlada FKMG Ah Iyo Ciidamada Ethiopia Oo Baaritaan Ku Haya Haweenka Qaata Naqaamka (indho shareerka)

Waxaa sii kordhaya baaritaano kala duwan oo lagu samaynayo haweenka qaata xijaabka gaar ahaan naqaamka oo soomaalidu u taqaano indho shareerka ,iyadoo haweenka ku dhaqan magaalada muqdishona ee qaata indho shareerka ay ka cabanayaan ciidamada dowlada kmg ah iyo kuwa ethiopia oo fara ba,an ku haya.

Haweenkan qaata xijaabka gaar ahaan indho shareerka ayaa badanaaba ciidamada dowlada kmg ah iyo kuwa Ethiopia ku xanibaan wadooyinka iyo xarumaha fariisimada ay ku leeyihiin iyagoo waydiinaya su,aalo ay kamid yihiin maxaad usoo xiratay naqaamka iyo su,aalo kale .

Sidoo kale goob-joogayaal ku sugnaa meelo kala duwan oo lagu baarayo haweenkan indho-shareerka xiran ayaa saxaafada u xaqiijiyey in haweenkaas laga xayuubiyey naqaamkii ay xirnaayeen islamrkaana la tuuray, agagaarka sayidka ee degmada howl-wadaag oo ay degan yihiin ciidamada xukuumada Ethiopia ayaa dhowr haween ah oo xijaabkaas indho shareerka sitay lagaga tuuray iyadoo weliba lagu handaday inaysan soo xiran mar dambe ,hadii lagu arkana talaabo laga qaadi doono.

Shariifo Xasan oo kamida haweenka laga furtay indho shareekoodii ayaa ii xaqiijisay inay qabteen ciidamada fariisin ka dhigtay agagaarka taallada sayidka islamarkaana ay ka tuureen indho shareerkii iyadoo intaas ku dartay waxaa la i waydiiyey dhowr su,aalood oo ay kamid yihiin maxaa kugu kalifay inaad xirato iwm.

Shariifo ayaa intaas ku dartay waxaanu ahayn labo haween ah oo xijaaban islamarkaana xiran indho shareerka waxaana labada-yadiiba nalagula kacay waxaan diintu ogolayn iyadoo markii nalaga tuuray naqaamkana ay weliba caga juglayn naloogu daray " xijaabka alle ayaa diintiisa ku sheegay inay dumarku is asturaan oo jirkooda aan xubin kamida laga arkin waxaana dhibaato ah hadii diinteenii iyo islaamnimadeenii ay sii naaqusayso oo maantaba rag-ajnabi naga ah ay si xoog ah nooga tuureen naqaamkayagii '' ayay tiri shariifo xasan oo aad uga xumayd sida foosha xun ee lagula kacay .

''Weligay xijaab iyo indho-shareer la,aan ma socon ilaa iyo 16-kii sano ee bur-burka waxan oo kale ima soo marin xataa mooryaanta iyo tuugada dadka dhaca ma aysan fara gelin jirin xijaabka iyo indho shareerka '' ayay sii raacisay shariifo xasan oo indha heeda ay ilmo ka muuqato.

si kastaba ha ahaatee ciidamada dowlada kmg ah iyo weliba kuwa Ethiopia ee ay xulufada yihiin ayaa maalmihii ugu dambeeyey dagaal xoogan kula jiray haweenka qaata indho-shareerka sidii ay uga xakamayn lahayeen qaadashada indho shareerka oo ah oo dumarku u qaateen Allah dartiid.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Cabdirashiid Cali Guutaale oo Deeq Lacageed soo gaarsiiyey Xabiibo Xasan

Xabiibo Xasan Cali oo ah Gabar 5- jir ah oo la dhibaatoon Cudur ka heleelay Isha Bidix ayaa maalintii shalay ahayd Deeq lacageed soo gaarsiiyey C/rashiid Cali Guutaale oo degan Dalka Norway. Deeqdaan lagu soo hagaajiyey Jibriil Max’ed ayaa waxa ay ka Koobneyd 800-Doolar ayaa waxaa laga Gudoonsiiyey Aabaheed Xasan Axmed Xeydar waxaana goobjoog ka ahaa Adeerkeed C/waaxid Axmed.

Aabaha dhalay Gabadha ayaa u mahadceliyey C/rashiid Cali Guutaale waxa uuna u rajeeyey inuu helo mid ka khayr badan sidoo kale waxaa uu mahadceliyey intii kale oo iyana fududeysay Deeqdaasi.

C/rashiid Cali Guutaale ayaa markii la gudoonsiinaayey la soo xiriiray Qoyska Gabdha oo u rajeeyey in ay Gabadhooda u helaan Caafimaad deg-deg ah isagoo sheegay inuu dadaal u gali doono sidii Dadka Soomaaliyeed ee ku nool Norway ay u caawini la haayeen Gabadhaasi... Akhri warkan oo dhan..

Gen. Cadde Muuse oo Ammanay Hay'adaha Samafalka...

Madaxweynaha DGPL, Cadde Muuse, ayaa Isniin Feb 19, 2007 magaalada Garoowe kulan kula yeeshay hay'adaha samafalka ee fadhigoodu yahay magaaladaas, waxana uu sheegay in hay'adaha samafalka ee jooga Garoowe inay hawl wanaagsan qabteen. Isagoo arrintaas ka hadlaya Gen. Cadde Muuse waxa uu yiri: "Qolooyinkii United Nation-ka IYAGOO DHAN waa noo yimaadeen kulligood wax fiican bay noo qabteen iyagana si aad iyo aad ah ayaan ugu mahad naqayaa iyo waxyaalahay qabteen." Dhegeyso Hadalkii Gen. Cadde.

Mar sii horeysey ayey ahayd markii Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee DGPL, Maxamed C. Y. Gaagaab uu dhaliil u jeediyey hay'adaha Samafalka ee jooga Soomaaliya. Xilligaas oo uu Wasiirku la hadlayey dad Soomaaliyeed oo jooga magaalada Minneapolis ee dalka maraykanka waxa hadaladdiisii ka mid ahaa "Ha'adaha dalka Soomaaliya jooga waxay isu haystaan in ay yihiin madaxweynihii dalka." Dhegeyso Hadalkii Gaagaab...


Xabiibo: waa Gabar yar oo Isha uga soo baxday Buro oo u baahan Gargaar deg deg ah..
Xabiibo Xasan Max’ed Xaydar oo ah gabar shan jir ah kuna dhalatay Deegaanka Buur-Hakaba ee Gobalka Baay, aabbaheedna caafimaad ahaan u keenay Magaalada Muqdisho ayaa Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in gabadhan aan waxba looga qaban Karin Soomaaliya oo ay u baahan tahay qaliin dibadeed. Akhri....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH