SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKII: Feb 14, 2007

  • Deeq la soo gaariisyey dadkii ku waxyeeloobey Madaafiicda iyo Cuuryaamiinta Isbitaalka Martiini
  • Beesha Reer Xaaji Suleymaan oo si kulul u jeedisey Salaad Cali Jeele..
  • Geeddi oo iska fogeeyey in uu ku lug leeyahay Xariga Xaaji Abuukar Cumar Cadaan…
  • Baarlamaanka Uganda oo shalay ansixiyey Ciidamadii loo diri lahaa…
  • Qoysas ka qaxaya agagaarka Isbitaalka Digfeer ka dib markii…
  • Hay’adda COGWO oo deeqo lacageed gudoonsiisay dad dhibaateysan…
  • Xabiibo: waa Gabar yar oo Isha uga soo baxday Buro oo u baahan Gar gaar deg deg ah..
  • S.Africa says better no U.S. involvement in Somalia

Deeq la soo gaariisyey dadkii ku waxyeeloobey Madaafiicda iyo Cuuryaamiinta Isbitaalka Martiini

Dadkii madaafiicu ku habsatay dhawaan Magaalada Muqdisho iyo Cuuryaamiinta xoogga dalka Soomaaliyeed ee degan Isbitaalka Martiini ayaa maanta la gudoonsiiyey lacag gaareysay ilaa iyo $700 Dollar, waxayna deeqdaani ka timid Gabdho Soomaaliyeed oo ku nool wadanka Holland caasimadiisa Amsterdam, gaar ahaan xaafadda ay Soomaalidu degto ee Mayliiqato, kaddib markii ay ka war heliyeen xaaladda dadkaasi oo dhibaato ka soo gaartay qaraxyadii dhaawanahan ka dhacayey Magaalada Muqdisho ee galaaftay nolosha dad badan.

Gabdhahan oo afhayeen u doortay Muxubo Cilmi Cabdi ayaa lacagtaan ku soo hagaajisay walaalkeeda Xaaji Axmed Cilmi Cabdi, waxa uuna isna si toos ah u soo gaarsiiyey dadka dhibaatadu ka soo gaartay qaraxyada ee ku jira Isbitaalka Madiina, waxaa sidoo kale deeqdaan wax laga gaarsiiyey Cuuryaamiinta Xooga dalka Soomaaliyeed ee iyana ku jira Isbitaalka Martiin ee Magaalada Muqdisho.

Dadka dhaawacyada qaba ee Madiina yaala ayaa waxaa lacagtaasi ka gaartay 450 Doolar, iyadoo dadka loo kala tixgelinayey siday u kala dhaawac daran yihiin, halka Martiinana ciidanka ku sugan la guddoonsiyey 250 Doolar oo uu u qaaday Guddoomiyaha Cuuryaamiinta xooga Dalka Cilmi C/llaahi Caraale.



Xaaji Cilmi Axmed Cabdi oo wakiil ka ahaa gabdhahaasi ayaa sheegay in lacagtaani ay intaa ka badneyd, balse sababo jira awgadood ay intaani soo gaaray, uuna filayo in sida ugu dhaqsiyaha badan ay inta hartay u soo gaari doonto, si wax loogu qabto dadka dhibaateysan ee dhaawacyadu ka soo gaareen fowda ka socota Muqdisho.

30 Qof oo ku dhintay Doon ku Qaraqantay Xeebta Yemen

Ugu yaraan 30 Soomaali iyo Itoobiyaan ah ayaa ku dhintay doon ku degtey xeebta dalka Yemen, sidaas waxaa yiri hay'adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga ee loo yaqaan UNHCR.

Ciidamada qalabka sida ee Yemen waxay hay'ada u sheegeen in doontaas laga soo badbaadiyey 40 qof, doontaas oo dadka laajiyiinta ah ee saarnaa ay sheegeen in ay sidey 120 qof. Waxaa wararku intaas ku dareen in dhimashada loo malaynayo in ay gaareyso ilaa 78 qof.

Beesha Reer Xaaji Suleymaan oo si kulul u jeedisey Salaad Cali Jeele..

Kulan ay isugu yimaadeen Beesha Reer Xaaji Suleymaan kana dhacay Magaalada Muqdisho ayaa xubnihii ka qaybgalay kulankaasi waxay si kulul uga jawaabeen hadalka soo yeeray wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga oo uu ku sheegayin guddoomiye ku xigeenkii Guddiga Fulinta Maxaakiimta Sheekh C/qaadir Cali Cumar iyo rag kale ay ku hawlan yihiin weerarada iyo dagaalada ka socda Muqdisho, isagoo sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan gacanta loogu soo dhigi doono. Kulankaan oo qaatay saacado ayaa waxaa markii dambe ka hadlay afhayeenka Beesha Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo sheegay in Wasiir ku xigeenka uu gef weyn ka galay beesha iyo waliba Sheekh C/qaadir Cali Cumar oo uu sheegay in uu yahay in culimo ah oo aan ku kicin falalka uu wasiir ku xigeenku ku sheegay.

“Waa in sida ugu dhaqsiyaha badan raaligelin looga bixiyaa, haddii kale waxa uu durbaanka u garaacay dagaal” ayuu yiri Nabadoon Axmed Diiriye oo intaa raaciyey “Salaad waxaa laga rabay in uu dadka isku soo dhaweeyo ee ma aheyn in uu kala fogeeyo, waayo isaga ayaa dowlad sheeganaya”.

Nabadoon Axmed Diiriye waxa uu intaa raaciyey in Salaad Cali Jeele ku jiro guri Muraayad ah uuna daandaansanayo dad ku jira kuwo dhagax ah, Nabadoon Axmed Diiriye waxa uu sheegay in Sheekh C/qaadir Cali Cumar uu yahay in culimo ah oo aan weligii qofna dilin, abaabulina wax dagaal ah, waxa uuna mar kale ku celiyey in Salaad Cali Jeele uu raaligelin ka bixiyo arrintaasi.

Ma ahan markii ugu horeysay ee Salaad Cali Jeele eedeeymo uga yimaadaan qaar ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed, dhawaan ayey ahayd markii Xildhibaan Max’ed Qanyare Afrax uu ka dalbaday Salaad Cali Jeele in uu raaligelin ka bixiyo gefkii uu u gaystay dadka dega deegaanka Dayniile oo uu Salaad tilmaamay in deegaankaasi laga soo abaabulo weerarada iyo qaraxyada lagu hayo ciidamada Itoobiya iyo kuwo Dowladda Federaalka ah.

Geeddi oo iska fogeeyey in uu ku lug leeyahay Xariga Xaaji Abuukar Cumar Cadaan…

Odoyaal iyo Waxgarad ka tirsan Beesha Mudulood ayaa waxa ay dhawaan ku eedeeyeen Ra’isul Wasaare Geeddi in uu ka dambeeyo xariga Ganacsade Abuukar Cumar Caddaani oo ku jira xabsi ku yaala Magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, hase yeeshee eedeeymahaasi ayaa Ra’isul Wasaaruhu waxa uu ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raad toona lahey.

Dhawaan ayaa la filayaa in Odoyaal iyo Waxgarad ka tirsan Beesha Mudulood gaaraan magaalada Nayroobi si ay gacan uga gaystaan siideynta Xaaji Cumar Caddaani.

Odoyaashaan ayaa waxay kulano la yeelan doonaan madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi iyagoo ka codsan doona in sida ugu dhaqsiyaha badan loo siidaayo Xaajiga oo ay sheegeen in uu xanuusanayo oo u baahan yahay Dhakhtar.

Dowladda Kenya ayaa dhawaan waxay dacwadda Xaaji Cumar Caddaani u gudbisay Maxkamadda Sare ee wadankaasi, waxaana la filayaa in dhawaan maxkamad la soo taago, waxaana u ololeynaya siideyntiisa sidoo kale Golaha Muslimiinta dalka Kenya.

Baarlamaanka Uganda oo shalay ansixiyey Ciidamadii loo diri lahaa…

Kulan ay shalay isugu yimaadeen Baarlamaanka wadanka Uganda ayaa si weyn looga dooday qaabka ciidamada nabad ilaalinta ah loogu dirayo dalka Soomaaliya, waxaana aaqiritaankii Baarlamaanku uu isku raacay in Dowladda Yugaandha ay ciidamo nabad ilaalin ah u dirto dalka Soomaaliya.

Qaar ka mid ah mucaaradka dalka Yugaandha ayaa waxay sheegeen in Golaha baarlamaanku ku deg degay in ciidamo Yugaandheys ah loo diro Soomaaliya oo ay ka taagan tahay qalalaaso baahsan, hase yeeshee Madaxweynaha Yugaandha ayaa waxa uu sheegay in ciidamadaasi Soomaaliya loogu dirayo in ay ka qayb-qaataan nabadda ilaalin Soomaaliya oo kela, isagoo tilmaamay in aysan geli doonin wax dagaal ah.

Ciidamadaan ayaa la filayaa inay todobaadka soo socda soo gaaraan dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, hase yeeshee kooxaha muqaawamada ah ayaa Yugaandha u diray digniin kulul oo ku aadan in aysan ciidamadooda u soo dirin Soomaaliya.

Qoysas ka qaxaya agagaarka Isbitaalka Digfeer ka dib markii…

Iyadoo maalintii doraad aheyd ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u xoogan ay soo degeen Isbitaalka Xoogga ee Magaalada Muqdisho ayaa haatan waxay qoysaskaai bilaabeen in ay halkaasi isaga qaxaan.

Waxaa laga cabsi qabaa in ay kooxaha muqaawamada ay beegsadaan ciidamada Itoobiya ee halkaasi soo degay, iyadoo ciidamada Itoobiya dhawaan lagu eedeeyey inay madaafiic qoriga loo yaqaano BM-ka ku gaareen qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay ku dhinteen dad fara badan oo rayid ah. qoysas fara badan ayaa u qaxay deegaanka Afgooye iyo Lafoole halkaas oo ay ka raadsanayaan gabaad si ay uga badbaadaan madaafiicda habeen iyo maalinba lagu garaacayo magaalada Muqdisho, oo ay ku waxyeeloobeen dad fara badan oo qaarkood guryahooda madaafiicdaasi ugu tagtay.

Hay’adda COGWO oo deeqo lacageed gudoonsiisay dad dhibaateysan…

Hay’adda COGWO ayaa shalay waxay deeqo lacageed oo kaalmo guddoonsiiyey dhowr qofood oo dhibaato dhinaca Bini’aadanimada ah soo gaartay waxaan, waxaana deeqdaani gacan ka gaystay Sahro Max’ed Xasan (Sahro Dheerey) oo ka tirsan Hay’adda COGWO.

Xafladdii guddoonsiinta lacagtaani ayaa waxaa ka hadlay Nuurto Sheekh Max’ed oo ah madaxa Hay’adda COGWO waxay sheegtay in lacagtaani ay ugu talagaleen todobo qofood oo dhibaateysan, waxayna sheegtay in ay Hay’addu ay lacagahaasi ugu talagashay inay wax un ku qabsadaan dadkaasi.



Dadkii halkaasi lacagahaasi lagu guddoonsiiyey waxaa ka mid ahaa Xabiibo Xasan Max’ed Xaydar oo ah gabar shan jir ah oo ay Isha buro uga soo baxday, waxaana la guddoonsiiyey Hal Milyan oo Shillin Soomaali ah, Max’ed C/fitaax Cali oo ah canug ah oo jir labo bilood oo isna dhibaato ay ka soo gaartay Kaadi haysta, waxaana la guddoonsiiyey 600 oo kun oo Shillin Soomaali ah, Faadumo Ibraahim Xasan oo iyana dhibaateysan oo qoys Soomaaliyeed u kaxeen Itoobiya si ay ugu shaqeyso kaddibna gubay waxaana iyana la guddoonsiiyey Lix 600 oo Kun oo shillin Soomaali ah, waxaa sidoo kale deeq la gudoonsiiyey Xaawo Al-Haadi Max’ed oo ah gabar iyana laga soo tarxiilay wadanka Sacuudiga asal ahaana ka soo jeeda Ereteriya oo iyana dhibato ka soo gaartay dalka Sucuudi Carabiya kaddib markii uu furay nin Sucuudiyaan ah waxaana la guddoonsiiyey 800 kun oo Shllin Soomaali ah , waxaa sidoo kale 500 oo kun oo Shllin Soomaali ah la guddoonsiiyey Xasan Nuur Tifow oo isna ku jiray Isbitaal Madiina kaddib markii ay isku darsameen saxaradii iyo kaadidii dhaawac ka soo gaaray rasaas, Carfi shuqad oo ah Haweenay da’ ah oo ay dhibaato ka soo gaartay rasaas, waxaana la guddoonsiiyey 500 kun, sidoo kale waxaa deeq la gudoonsiyey Iqra Cabdi Aadan oo ah iyana gabar dhiig qaldan lagu shubay waxaana la guddoonsiiyey 500 oo kun oo Shillin Soomaali ah.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Xabiibo: waa Gabar yar oo Isha uga soo baxday Buro oo u baahan Gar gaar deg deg ah..

Xabiibo Xasan Max’ed Xaydar oo ah gabar shan jir ah kuna dhalatay Deegaanka Buur-Hakaba ee Gobalka Baay, aabbaheedna caafimaad ahaan u keenay Magaalada Muqdisho ayaa Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in gabadhan aan waxba looga qaban Karin Soomaaliya oo ay u baahan tahay qaliin dibadeed.

Gabadhan oo ka soo jeeda qoys Sabool ah ayaa Mar aan booqanay gabadhaasi ayaa waxaa ka muuqatay xaalad aad u daran oo ka haysatay Isha, oo ay uga soo baxday Buro aad u weyn oo qofkii arkaa uu aad uga naxayo.

Gabadhaan ayaa waxaa dhabta ku hayey Aabbaheed oo aad uga walwalsanaa xaaladeeda, waxa uuna ka codsaday Ummadda Soomaaliyeed ee ku sugan dalka gudihiisa iyo dibadiisa inay ka kaalmeeyaan Cudurka gabadhaasi isha ka haya.

Xaawo waa gabar hal il wax ka aragta, Maskaxdeedu joogto, Firfircon, Raashinka si caadi ah u qaadaneysa, waxayna Burada isha uga soo baxday culeyskeedu keenay in ay xamili kari weyso, hase yeeshee gabadhaasi dhiban, caafimaad-keeda kale aad ayuu u wanaagsan yahay, isha kalana aad ayey u caafimaad qabtaa sida uu sheegay Aabbaheed. Balse Marka ay la cayaareyso Caruurta kale waa ka cararaan

Qofkii doonaya in uu u gargaaro Gabdhaa dhiban ha la soo xiriiraan

Tel 2521-5532494

Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Feb 14, 2007


Magaalada Muqdisho Oo Madaafiicda Iyo Weerarada Is-daba Jooga Ahi Ka Noqdeen Kuwo Joogto Ah iyadoo Xaafadaha Qaarkoodna Qax ka Bilowday

Feb 13, 2007: Weerarada madaafiicda iyo hoobiyeha ayaa noqday kuwo aan kala joogsi lahayn islamrkaana si is-daba jooga uga dhaca habeen kasta caasimada muqdishow iyadoo ay dheer yihiin dhimshada iyo dhaawaca dadka rayidka ah oo noqday kuwo yaala barxadaha isbitaalada, mana jiraan wax ifa-faale nabadayn ah oo kasoo baxaya xaalada amaanka ee muqdisho iyadoo marba marka kasii dambaysona ay kasii darayso .

Habeenkii xalay ahaa ayaa waxaa dhacay dhowr weerar oo ay gaysteen Koox hubaysan oo aan la garanayn cidda ay ka amar qaataan oo bam gacmeed ku tuurey guriga wasiirka ganacsiga dowladda KMG ah oo ku yaala agagaarka S/bacaad ,iyadoo aysan jirin wax qasaare ah oo ka dhacay gurigaas wasiirka .

Sidoo kale weeraro qoryaha madaafiicda ah ayaa xalay fiid horaadkii lagu weeraray agagaarka dekedda weyn ee magaalada muqdisho ,iyadoo weerarkan lala beegsaday ciidamo ethiopian ah oo halkaas fariisin ku lahaa islamrkaana ay ciidamada Ethiopiana ay kusoo jawaabeen madaafiic kale , saaka ilaa xalay ayaa dadka degan agagaarka Dekedda magaalada Muqdisho ayaa waxay bilaabeen qax iyo barakac.

Lama soo sheegin wax qasaaraha ka dhashay madaafiicdan xalay lagu weeraray dekedda, marka laga reebo guri ku yaalla xaafadda xamar ja-jab oo uu ku dhacay madfac sida la sheegay hoobiye ah, iyadoo gurigaasi aysan cidina wax ku noqon .

Ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Ethiopianka ayaa madaafiicdaasi markii ay soo dhaceen waxa ay bilaabeen rasaas xoogan oo ay ku tuurayaan halka ay ku tuhmeen in ay kaga soo dhaceysay rasaas.

Saaka ayaa dadka ku dhow dhow xaafadaha dekedda waxa ay bilaabeen in ay ka qaxaan halkaasi si ay uga bad baadaan weerarada madaafiicda iyo hoobiyeyaasha.

Si kastaba ha ahaatee Magaalada Muqdisho ayaa noqotay meel amaankeedu faraha ka baxay islmarkaana ay ku sii badanayaan weerarada isdba jooga ah iyo madaafiicda lala beegsanayo goobaha dowladda kmg iyo ciidamada xukuumada Ethiopia ,iyadoo ay waxyeelo ba,nina kasoo gaarayso dadka rayidka ah .

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: Feb 14, 2007

Dad ku dhintay qaraxyo gilgilay magaalada Beyruut


Salaad Cali Jeele: Raggii na dhahayey Itoobiya ayey Dalka soo geliyeen Iyaga ayaa la kulmey Meles..
.Dalxa oo soo gebagabeeyey Siminaarkii Dib u heshiisiinta ..
.Ciidamada Itoobiya oo lagu Eedeeyey in ay Madaafiic ku
.Midowga Yurub oo mar kale ku celiyey in la qaado Amarka
.Hay’ad Degmadda Baled Weyne ka hirgelisey 16 Ceel...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Feb 13

Ururka (cusub ee) dhalinyarada soomaaliyeed oo ah xisbi siyaasadeed oo so saaray qoraal... Akhri... Feb 13

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH