SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya...
Akhri..

oil
Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000

lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Wararkii Caalamka ee Maanta:::

Feb 22, 2007

Masar oo xabsiga u taxaabtay nin madaxweyne Mubaarak iyo Jaamacada Azhar wax ka sheegay

Booliska dalka Masar ayaa xabsiga u taxaabay nin si weyn u aflagaadeyey madaxweynaha dalkaasi Xusni Mubaarak iyo Jaamacada Azhar ee culuumta Islaamka lugu barto. Ninkan oo afar sanno oo xarig ah qoorta loo geliyey ayaa Jaamacada Azhar ku tilmaamay "Waxa uu ku tilmaamay jaamacadii argagaxisada" Halka uu siyaasada Mubaarak-ga dalkaasi dhaleeceyey.
Ninkan oo aan magaciisa la sheegin ayaa qirtay inuu qoray qoraalada aflagaadada ah balse waxa uu ku sheegay iney yihiin fikrad u gaar ah ee aaney dembi laheyn jaamacada iyo Mubaaraka-ga dalkaasi ee uu weeraray. Hey'ada u dooda xuquuqda aadanaha Amnisty ayaa cambaareysay xarrigaasi waxaana ay ku tilmaamtay nin maxbuus ogaal ah.

"Madaxweynaha Gambiya oo sheegay inuu daweyn karro cudurka AIDS-ka"


Illaahey SWT inuu daawo u helo mooye cudurkan dunida oo dhan ay u weysay daawo ayaa waxaa la yaab leh in hada meelo kamid ah Afrika dalal ku yaalo laleeyahay waxaa suuaragal ah in daawo loo helo. Balse mMadaxweynaha dalkaasi Gambia Yahya Jammeh ayaa sheegay cabitaan ka sameysan dhir midabkiisana jaalo yahay uu dili karro AIDS-ka . Waxaa uu sidoo kale sheegay in dad uu ku tijaabiyey waxyaabaha dhirta ah ey ku dhamaadeen guul sida uu ku waramayey talefeyshinka SKY News. Balse Qaramada Midoobey arrintan ka digeysa ayaa sheegtay ineysan jirin wax astaan ah oo muujinaya dadka uu daaweyey iney ahaayeen kuwa qaba cudurkaasi dilaaga ah.

Hey'ada caalamiga ee Quwada Atoomikada oo Iiraan cambaareysay

Hey'ada caalamiga ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Atoomikada marka la soo gaabinaya loo yaqaano IAEA ayaa camabareysay Iiraan, waxaana ay sheegtay hey'adu in Iiraan sharuudihii gollaha Amaanka ee joojinta macdanteeda aysan meel marrin. Qoraal ay hey'adu u dirtay Gollaha ayey kaga hadleen barnaamijka Iiraan ee ku aadan Nukliyeerka taasoo ah in Iiraan ay ku socoto wadadii ay ku hanan laheyd Nukliyeerka halka ay horey u sheegtay iney ka faa'ideysano tamarta Nukliyeerka. Iiraan waxey horey u balan qaaday iney hakineyso howlaha barnaamijkeeda Nukliyeerka balse waxaa muuqda ineysan waxba ka soo naas cadaan. Xukuumadda Washingtona waxey dooneysa iney cadaadis iyo go'doomin ah ku sameyso Iiraan si ay uga tanasusho howlaha Barnaamijka Nukliyeerka.


Feb 21, 2007

Hogaamiyihii xisbiga xagjirka ahaa ee Faransiiska oo weeraradii 11 september ku tilmaamay mid aan qiimo laheyn

Inkastoo ay dadka qaar la yaab ku noqoneyso hadalkan isbadalka u eg ee ka soo yeeray nin caan ku ahaa xagjirnimo iyo faquuq ku saleysan naceyb qowmiyadaha kala duwan ee dunida,ayaa waxaa la isweydiinaya waxa ka dambeeya in hogaamiyahan uu haatan sidaasi u hadlo. Hadaba hogaamiyihii xisbiga xagjirka ee dalkaasi Faransiiska Jean- Marie Le Pen ayaa weeraradii 11 september ee dalka Mareykanka ayaa doonaya in la aan weyneyn maalintaasi oo u ku tilmaamay midaan laheyn micno sidaasi u weyn.

"Dhacdooyinkii maalintaasi waxey keentay iney ka tanasulaan xagjirnimadii lugu yaqiinay kuwaasoo ka leex leexnaya eedeymaha la isku soo jeedinaya ee mar qura dilaacay" ayuu yiri Jean- Marie Le Pen hogaamiyaasi xagjirka ah oo wareysi siinayey wargeys ku hadla adka madhabta katoliga oo la yiraahdo Le Croix.

"Sadex kun ayaa ku dhimatay weeraradii september, laakin Ciraaq maalinkasta dad intaasi ka badana ayaa misna ku dhinta bil walba dalkaasi waana mid ka badan intii ku dhimatay bambaanooyinkii lugu garaacay magaalooyinka Marseille iyo Dresden ee Faransiiska dhamaadkii dagaalkii 2aad.

Zimbabwe oo mamnuucday banaanbaxyada iyo shirarka siyaasadeed

Booliska dalkaasi Zimbabwe ayaa maanta soo rogay mamnuucid jiri doonta muddo sadex bilood ah kuwaasoo lugu ka dhan ah banaanbaxyada iyo shirarka ku saleysan siyaasada. Warkan oo lugu soo daabacay wargeysyada dalkaasi ayaa yimid ka gadaal markii iskahor imaadyo iyo rabshado dhexmaray booliska dalkaasi iyo taageerayaasha xisbiga MDC. Xiisada siyaasadeed ee ka jirta dalkaasi waxey qeyb ka yihiin dhibaatooyinka dalkaasi ka jira oo ay ugu weyn tahay dhaqaalo xumida, waxaana dalkaasi ku jira dalalka ugu dhaqaalaha hoosooyo dunida. Madaxweyne Mugabe-na maanta wuxuu u dabaal dagayey sanad guuradii 83-aad ee kasoo wareegtay dhalashiidiisa kuwaasoo wargeysyada magaaladaasi kasoo baxa ay u hambalyeeynayey.

Iiraan oo weli sii wadeysa naaxinta macdeenta Yuraaniyamka


Iyadoo baryahanba caalamku ku howlanaa xal u helida mushkilada barnaamijka Nukliyeerka Iiraan ayaa maanta waxa madaxweynaha dalkaasi Mahmoud Ahmadinejad shaaca ka qaaday in dowladiisa aysan ka tanasuleyn naaxinta macdanteeda Yuraaniyamka oo muranka badani ka taagan yahay. Dhinaca kalena hey'ada Qaramada Midoobey u qaabilsan Atoomikada caalamiga ah ayaa lugu wadaa iney go'aano ka soo saarto talaabada Iiraan ku dooneyso wadista barnaaijkeeda Nukliyeerka.
" Inaan helo teknikeyshinkaasi waa arrin noo muhiim ah, kuwa kale ee aan sidaas ahmiyada u laheyna waa la joojin karaa, xoogana la saaro su'aalaha la xirriira tiknikeyshinka" ayuu yiri madaxweyne Nijaad oo ka hadlayey arrimaha muranka dhaliyey.
Iiraan waxey horey u sheegtay iney ka tanasuleyso naaxinta madantaasi haddii si cadaalad ah wax lugu maamulayo islamarkaasina dalalka leh nukliyeerka ay laftooda ka tanasulayaan lahaanshaha nukliyeerka, gaa ahaan Israa'iil oo tan iyo 50-meeyadii laheyd hubkaasi balse marwalba sheegta ineysan laheyn. Go'aanka ka dhanka ah Iiraan ayaa soo bixi doona kolka ay shirkooda ugu horeeya yeeshaan hey'ada caalamiga ah ee Atoomikada lixda bisha maarso ee fooda inugu soo heysa.


Feb 20, 2007

Qaar katirsan ciidamada Ingiriiska oo Ciraaq dib looga soo celinayo

Qaar ka tirsan ciidamada Ingiriiska ee ku sugan dalka Ciraaq ayaa toddobaadyada soo socda lugu wadaa iney ka soo baxaan dalka Ciraaq.Wargeyska the Sun ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa qoray ra'iisal wasaare Tony Blair inuu damacsan yahay in ciidamo aan tiradoodu badneyn dib loo soo celiyo dalkaasi Ciraaq. Afhayeen u hadlay Toney Blair oo wargeysku isku dayey in arrinkaasi wax ka ogaado ayaa ka gaabsaday ka hadlida amuurtaasi. Wargeysku waxaa kale uu sheegay in ciidamo tiradoodu gaareyso 1.500 oo askari ay sanadkan dhamaadkiisa ka baxayaan dalkaasi. Ingiriiska waxaa dalkaasi ka joogta ciidamo tobonaan kun gaaraya. Waana wadanka labaad ee ugu ciidamada badan ee dalkaasi Ciraaq jooga.

Maxaabiista Guantanamo bay oo ay adagtahay iney qaataan Racfaan

Maxaabiista badidooda tahay muslimiin laga soo qab qabtay dalka Afgaanistaan dhamaadkii sanadkii 2001-da kuwaasoo qeyb ka ahaa duulaankii baaxada weynaa ee maamulka Bush ku sheegay iney ku qaadeen waxey ugu yeereen la dagaalanka argagaxisada caalamiga ah, ayaa wararka laga helayo dalkaasi Mareykanka sheegayaan in kiisaskooda aysan xaq u laheyn in nidaamka dalkaasi lugu qaadi karrin. Taasi macnaheedu waxaa weeye ineysan ka qaadan karrin rafaan nidaamka haatan iyaga lugula dhaqmayo. Hey'ada federaalka ee racfaanka dalkaasi ayaa maanta sidaasi ku warantay.

Hadafka ka dambeysa amuurtan ayey tahay maxaabiis gaaraya 395 oo horey racfaan uga qaatay nidaamka Washington ee ay ka soo saartay argagaxisada. Nidaamkaaso dhigaya
in kooxaha looga shaki qabo argagixisada si qaas ah maxkamad meleteri loo saari karro. Nimadaanka waxaa uu soo baxay ka gadaal markii maxkamada ugu sareysa dalkaasi ay sheegtay in Bush uusan sameyn karrin maxkamad meleteri oo la xirriirta maxaabiistaasi Guantanamo bey ku jirta.

Kambodya oo baadi goobeysa Amiir dalkaasi u dhashay oo musuq maasuqnimo lugu eedeyey


Qoraal amar ah oo laga soo saaray dalkaasi Kamboodya ayaa dhigaya in gacanta lugu soo dhigo ra'iisal wasaarihii hore ee dalkaasi islamarkaasina ahaan jiray afhayeenka Baarlamaanka dalkaasi ee Norodom Ranariddh, kadib markii lugu soo eedeyey lacago lunsasho iyo wax is dabamareyn.

Norodom Ranariddh waxaa dhalay boqorkii hore ee dalkaasi ka talin jiray Norodom Sihanouk, waxaana dowladu ay ku jirta baadigoob lugu soo qabanayo. Sidoo kale xukuumada Kamboodya waxey ku eedeyneysa inuu iibsaday xarunta xisbi siyaasadeed oo dalkaasi ka jira kaasoo uu madax ka ahaa sanadkii ina dhaafay. Haatan waxa uu ku sugan yahay dalkaasi Faransiiska oo laga codsaday in cadaalada uu isku soo dhiibo balse waa uu ka dhago adeygay.

Feb 18, 2007

Olmert: "Aniga iyo Bush waxaan isku afgaranay inaan la aqoonsan dowlad Falastiin oo aan aqoonsaneyn Israa'iil"

Ra'iisal wasaaraha Israa'iil Ehut Olmert ayaa maanta shaaca ka qaaday in isaga iyo madaxweyne Bush ay isku afgarteen inaan la aqoonsan dowlad Falastiin ee aaney dooneyn jiritaanka dowladeed ee Israa'iil. Olmert oo wareysi uu siiyey wakaalada wararka faafisa ee AP, ayuu sheegay in xukuumada falastiin ee aan buuxin sharuudaha xarunta caalamiga ah, inaan iyadana la oqoosan doonin islamarkaasina aysan heleyn helay wada shaqeyn ereyga xarrun" waxaa ula jeeda wadamada Mareykanka, Midowga Yurub,Qaramada Midoobey iyo Ruush-ka.
Xamaas iyo Fatax oo ah labada dhaq dhaqaaq ee siyaasada isku qilaafsan ayaa waxey dhawaan heshiis ay ku gaareen magaalada Maka ee dalka Sacuudiga waxey ka hadleen oo keliya in la ixtiraamo heshiisyaddii horey loo gaaray. Taasina waxey muujineysa in Xamaas aysan dooneyn sharuuda ku xiran aqoosigeeda iyo taageerada ay ka heleyso beesha caalamka ee ah aqoonsiga Israa'iil.
Condoleeza rice oo ah xoghayaha guud ee arrimaha dibada Mareykanka oo booqasho gobolka ku mareysa ayaa labada hogaamiye ee Falastiin iyo Yahuuda kala gooni gooni ula kulantay waxaana lug wadaa maanta oo isniin ah iney si wadajir ah ula kulanto. Kal hore ayaa lugu waday in sadexdaasi mas'uul ay yeeshaan kulan sadex geesood ah balse Abuu Maazin ayaa kulankaasi ka baaqsaday.

Tony Blair oo doonaya in ciqaab adag la marsiiyo dadka sida sharci darrada ah London hubka ugu wata

Haddii qofku yahay toddobo iyo toban jir qorina uu si sharci darro ah ugu wato magaalada London ee dalka Ingiiriska waxaa uu mudanayaa shan sano oo xarig ah, Hindisaha noocaas ahi waa mid haatan uu ku fekerayo Tony Blair-ka dalkaasi oo doonaya inuu wax ka qabto xiisado barayahan London ku soo batay kaasoo keenay in lix dhalinyarro lugu dilo labo toddobaad gudaheed. Ra'iisal wasaare Tony Blair waxaa doonayaa inuu shir deg deg ah iskugu yeero golahiisa wasiirada si wax looga badalo qaanuun horey u jiray oo la xirriira ah in shan sanno xarig ah qoorta loo geliyo ruuxa ay da'diisu tahay 21 jir islamarkaasina lugu helo isagoo xambaarsan qori sharci darro ah.
"Waaan qabaa inaan badalno da'aadasi jirtay raacnaana mida boolisku soo jeediyey ee ah ruuxa 17 jir ee lugu helo isagoo xambaarsan qorriga" ayuu yiri Toney Blair oo misna doonaya in qaadashada qoriga sideedaba laga dhigo dembi gooni ah.
 

Feb 17, 2007

Maxkamad ku taal Pakistaan dacwadani ka socotay bam lugu qarxiyey

Ugu yaraan shan iyo toban ruux oo ku jiro garsoorihii maxkamad klu taala dalkaasi Pakistaan ay geeriyoodeen kadib markii qolkii ay ka socotay dhageysiga dacwad bambaano ku qaraxday, shan iyo labaanta ruux oo kalena waxaa lugu soo waramayaa iney dhaawacyo soo gaareen. Bambaanadan ayaa waxey qaraxday xilli maxakamadaasi ka socoday dhageysi, booliskuna waxey sheegeen in falkaasi ahaa mid ismaadin ah.

Qaraxani waxa uu ka dhacay deeganada xiisadu ka jirto ee Quetta, waxeyna magaalo madax u tahay gobolka Baluchistan. Taageerayasha Taalibaan ee gobolkaasi ku xoog badan ayaa farta ku godan tahay iney ku lug leeyihiin weerarkaasi bambaano ee maxkamada lala beegsaday. Misna gobolka waxaa ka jira xasarado u gaar ah kuwaasoo dadka deegaanka ay ku doonayaan iney helaan maamul u gaar ah. Pakistan waxaa inta badan ka dhaca qaraxyo ismaadaamin ah kuwii ugu dambeeyey waxey ka dhaceen deegaanada Peshawar oo ay ku dhinteen sodoneeyo qof, waxeyna aarsi u aheyd weeraro horeu halkaasi ka geysteen diyaaradaha Pakistaan kadib markii ay ku sheegeen iney halkaasi iskoolo ugu furan yahay urrurka Alqaacida ee Bin Laadin hogaamiyo.

Magaalada Mosko oo cudurka hargabka shimbiraha laga helay

Cudurka dilaaga ah ee dureyga shimbiraha ee nooca loo yaqano H5N1, ayaa markii ugu horeysay waxaa laga helay magaalada Mosko ee xarunta wadanka Raashiya.War ay shalay soo saartay dowlada dalkaasi ayey ku sheegtay in labo xarumo oo lugu xanaayeeyo digaadaha kana tirsan Mosko cudurkaasi lugu arkay. Bishii janaayo ee sanadkana waxaa qeybo ku yaala gobolkada koonfureed laga soo sheegay cudurkan balse haatan deegaanada Mosko oo ah magaalo ay dadka ku badan yihiin ayaa cudurkani laga helay dad badan oo ku nool magaalada Mosko ayaa cabsi iyo wel wel ka muujiyey amuurtaasi.
Ninka ugu sareeya ee ka hortaga hey'ada cudurada faafa oo u wareysi uu siiyey telefeyshinka NTV ayaa muujiyey ineysan jirin haatan warar sheegaya in cudurkaasi u gudbay dadka gaar ahaan kuwa iyagu xirriir la yeeshay digaagadaha oo baaritaan lugu sameeyey.

Ma ogtahay?

Ma ogtahay akhristow ninkii la oran jiray Louis Aimé Augustin Le Prince oo dhashay wadanka Faransiiska inuu ahaa ninkii ugu horeeyey ee sheegta inuu helay aalada dhaq dhaqaajisa filimada. Mase ogtahay in ninkaasi u u dhashay 28 Agoosto sanadkii 1842-tii. Ma ogtahayse in ninkaasi haatan filimadiisa ay ka dambeeyaan labo filin oo keliya.
Mase ogtahay in yaraantiisi ninkan uu aabihii u raaci jiray nin saaxiibkiis ah Foto lahaa sawir qaadane ahaa, mase ogtahay ninkaasi Foto-da lahaa in la oran jiray Jacques Louis Mandé Daguerre.

Ma ogtahayse in Louis Aimé Augustin Le Prince uu guursaday sanadku markuu ahaa 1869 haweeney la oran jiray Elizabeth Whitley oo u dhalatay wadanka Ingiriiska. Mase ogtahay in ninkaasi markii dambe si mutadawacnimo leh uga qeyb galay dagaalkii u dhaxeeyey Faransiiska iyo Jarmalka sanadku markuu ahaa 1870 - 1871. Ma ogtahay misna akhriste in Louis Aimé Augustin Le Prince sanadku markuu ahaa 1886-dii uu sameeyey filimkii ugu horeeyey ee kaamirad loo adeegsaday, mase ogtahay sanad kadib inuu u guuray dalka Ingiriiska. Ma ogtahay in sanadku markuu ahaa 1888-dii uu xaasku qabay reeraheeda la kulmay markaasina ka duubay filinkiisi ugu horeeyey kaasoo ugu magacdaray Roundhay Garden Scene mase ogtahay in filimkaasi 10 daqiiqo oo dhaq dhaqaaq uu ahaa, filimkiisi labaadna waxa uu ugu magac darray Leeds Bridge waxaana uu ahaa mid muujinayey dadwadooyinka maraya.

Ma ogtahay ugu dambeyntii akhriste in Louis Aimé Augustin Le Prince markii cid ugu war dambeysay ay aheyd 16 september sanadkii 1890-kii,markaasuu tareen aan la ogeyn halka uu socday saarna, reerihiisana ay isku dayeen iney helaan balse nasiib darro la waayey halka uu jaan iyo cirib dhigay. Ma ogtahay hadana in ninkaasi markii dambe la sheegay in xaalad dhaqaalo xummo ay la soo deristay.
Ma ogtahay misna in sanadkii 2003-da la helay sawiro foto ah oo la qaaday sanadkii 1890-kii loona maleeynayo inuu ahaa filim qaadahii Louis Aimé Augustin Le Prince oo jaziirad ku qarqaday.


Feb 16, 2007

Dad xabsi daa'in lugu xukumay qaraxyo ay Istanbuul ka geysteen

Toddobo kamid ah 73 ruux oo lugu eedeynayo iney qaraxyo ka geysteen goobo ay lee yihiin yahuuda iyo Ingiriiska ee ay ku leeyihiin magaalada Istanbul ee dalka Turkiga sanadkii 2003-ta.Afartan ruux oo ka tirsan eedeysanayaashaas ayaa iyagana lugu xukumay sideed iyo toban sanno oo xarig ah, halka qaar kale oo isla iyaga ah la siidaayey.

Ninka la yiraahdo Sakka Ilhan oo isaga la runsan yahay inuu kamid yahay kuwa mas'uulka ka ah qaraxyada lala beegsaday goobaha yahuda iyo ingiriska ayaa isagoo maxkamada dhex jooga ku qeyliyey inaan lag wel welin ee uun mar u soo bixi doono dibada mar islamarkaasina uu ka qeyb qaadan doono jihaadka.
Bishii november ee sanadkii 2003-da ayaa dhalinyarro naftood hureyaal ahi waxey qaraxyo la beegsadeen meherada Yahuda iyo Ingiriska oo ay kamid ahaayeen bankgiyo sidoo kale qunsuliyada britain ayaa iyadana aheyn bartilmaameed la doonayey in la beegsado, waxaana qaraxyadaasi ku dhintay dad gaaraya 60 qof. Maxkamdan oo aheyd tii ugu weyneyd tan iyo wixii ka dambeyey maxkamdeyntii hogaamiyihii xisbigii shaqaalaha Kurdistaan PKK ee Abdalla Uglan. Xeer ilaaliyaha dowladana waxaa ururuka Alqaacida dusha ka saaray mas'uuliyada qaraxyada oo uu sheegay inuu isagu bixiyey amar si shaqsi ahaaneed.

Ragg ka tirsan CIA-da oo maxakamad talyaaniga lugu soo saarayo

Lix iyo labaatan nin oo ka tirsan sirdoonka Mareykanka ee CIA-da ayaa maxkamad ku taal magaalada Milano ee dalka Talyaaniga lagu wadaa in la horkeeno. Raggan ayaa lugu eedeynaya imaam u dhashay wadanka Masar oo la yiraahdo Cismaan Mustafa Xassan oo loogu yeero Abu Cumar ay si qasab ah ku afduubteen kuna saarteen gaari wateen xilli u socday masjidka.
Waxey aheyd afar sanno ka hor Abu Cumar oo ku socday masjidka uu gaari casaan ahi u sitaagay iyagoo u yeeray una sheegay iney ahaayeen boolis talyaani ah ,kadib markuu u soo saaray sharcigiisa dal ku jooga ah, ayaa waxaa gaarigii cadaa soo ag istaagay gaari kale oo weyn islamarkaasina si qasab leh loo saaray.
Si qasab leh iyagoo i ja juubay ayey igu tuureen gaari wayteen, caloosha ayey iga gareen, lugaha iyo gacmaha wey iga xireen iyagoo qoslaya sida aan u turanturooday markii ay baabuurkooda igu rideen waxey igu qabteen koronto budad ay wateena si xun ayey iila dhaceen" ayuu yiri Abu Cumar oo ka sheekeynayey sida ay nimankaasi sirdoonka ah ugu riteen gaarigey wateen, kadibna ay u geeyen xarun meleteri oo kutaala waqooyiga dalkaasi. Abuu Cumar waxa kale uu sheegay in diyaaradii laga qaaday garoonkaasi meleteri ay misna sii marsiisay Jarmalka, kadibna la geeyey Masar halkasoo ay CIA-du ku lahaayeen lugu dhageystay ninkaasi si xuna loola dhaqmay.

Abuu Cumar waxaa uu kamid yahay muslimiin badan oo qadartoodii ku dhacday dagaalka aan dhamaadka laheyn ee Bush iclaamiyey wixii ka dambeeyey 11 sepember ee sanadkii 2001-da kaasoo ka dhan ah waxa uu ku sheegay l dagaalanka argagaxisada. Maxkamada la soo taagayo nimankan ka tirsan CIA waa tii ugu horeysay oo kooxo ka tirsan hey'adaasi lugu saaro dalka Talyaaniga, xukuumadda Washingtona waxey qiratay in Talyaaniga ay aheyd goobo dadka argagaxisada looga shakiyo lageyn jiray lagana dhoofin jiray balse waxey beenisay iney jiraan wax la yiraahdo tacadiyo iyo jirdil loo geysto dadka lugu tilmaamayo argagaxisada.

'Ragga haatan la doonayo in maxkamada Milano la soo taago ayaa waxaa kamid ah madaxii hore ee xafiiska CIA-da Roma ku laheyd Jeff Castelli iyo madixii xafiiska Milano Robert Seldon Lady. Qoraal fariin ah oo u soo diray qareenkiisa u doodaya ayuu ku sheegay inuusan maxkamada horteeda ka qiran doonin waxa lugu eedeynayo. Ilaa iyo haatan waxa la isweydinaya raggan ka tirsan CIA mala horkeeni maxkamada ku taala Milano ee lugu qaadayo dacwadaha loo heysto, balse dowlada Talyaaniga ilaa iyo haatan ma codsan in raggaasi eedeysanayaasha ah loo soo gacan geliyo.

Ma ahan oo keliya raggaasi u dhashay Mareykanka ee dembigan lugu eedeynayo balse waxaa jira shaqsiyaad kale oo Talyaani ah oo gacan weyn ka geystay u gacan gelinta CIA-da wadaadkaasi u dhashay Masar. Waxaa kamid ah madaxii hore ee sirdoonka Talyaaniga ninka la yiraahdo Nicolň Polloni, waxaana uu beeniyey iney jiraan ku lug lahaanshaha arrinkaasi waxaana hoosta ka xaqiiray ineysan jirin cadeyn uu keeno, maadama ay tahay buu yiri waxa uu ku sheegay "sirtii qaranka oo la kashifay". Hal nin oo booliska talyaaniga ayaa qirtay in boolisku ay ku lug lahaayeen afduubkii Abuu Cumar waxaana uu sheegay in boolisku ay u dhiibeen ninkaasi CIA-da .

Niman u dhashay Holland oo loo heysto sunta wasaqeysan oo ay daabuleen Ivory Cost


Labo nin oo u dhashay dalka Holland kana tirsan shirkad daabusha sunta wasaqeysan ee warshadaha dalkaasi laga soo saaro ayaa booliska dalkaasi gacan ku dhigeen, si baaritaan loogu sameeyo arrimo la xirriira sunta wasaqeysan ee dalkaasi oo loo dhoofiyey wadanka Ivory Cost. Xeer ilaaliyaha dowlada oo arrintan gacanta ayaa qoraal uu soo saaray ku shegay in nimankan loo heysto suntaasi ay daabuleen sanadkii hore. Amar ay dowlada soo saartayna waxaa ay ku bixisay baaritaan lugu sameeyo markaba la yiraahdo Probo Koala kaasoo ah kii lugu qaaday sunta haraadiga warshahada dalkaasi laga soo daabulay.

Sidoo kale labo madax sare oo ka tirsan degeda Amsterdam Port Services ayaa iyagu fasaxay markabaasi u shiraacday Ivory Cost, iyadoo aysan jirin wax heshiis ah oo halka suntaasi la geynayo iyo cida gacanta ku qabaneyso. Dhinaca kale waxaa jira sadex sarkaal oo ka tirsan shirkada Trafigura Beheer oo sanadkii hore lugu xiray dalkaasi Ivory Cost, balse shirkada ayaa raggaasi sii deyntooda waxey ku bixisay adduun dhan 152 milyann oo lacagta eur-da loo yaqaano. Lacagtan ayaa sidoo kale ah mid lugu daboolayo fadeexada ay shirkadan geystay taasoo ay ku nafwaayeen 10 ruux.
Dalkaasi Ivory Cost oo suntaasi meelo kamid ah lugu duugay ayaa waxyeelo ka soo gaareen kuwaasoo cuduro xun oo aan daawo laheyn ku dhacay.
Sunta laga soo daabulo warshadaha dalalka Yurub ayaa loo soo daabulaa sanadkasta qaarada Modow ee dadkeeda aafeeyeen cudurada iyo qabylaada,kuwaasoo xeebahooda lugu daadiyo. Dalka Soomaaliya oo tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladii dhaxe waxaamarkiitba reer galbeedku ku daayeen sun halis ah oo qaarkood ku soo caariyey xeebaha Soomaaliya, mana jirto dowlad ku sheegta haatan taangida amxaaro lugu keenay ka hadlay, sidoo kale waxaa jira ganacsado yaal ku naaxay hantida shacabka oo heshiisyo la soo galay shirkadaha soo daabula sunta kuwaasoo dalkoodi iyo deegaanadoodi u fasaxay iney ku shubaan. Waxaa kamid ah dadkaasi Cali Mahdi oo mar lugu sheegay madaxweynii Soomaali iyo ra'iisal wasaaraha ninka ugu magacowday ee Cumar Carte Qaalib.

Ma ogtahay?

Ma ogtahay akhristow wadankii la oran jiray Rodiishiya (Rhodesia ) ay kamid aheyd dhulkii Ingiriiska gumeysan jiray, mase ogtahay in labada gobol oo waqooyi iyo koonfur-ta ee ka tirsana Rhodesia haatan la kala yiraahdo Zimbabwe iyo Zambia.
Mase ogtahay in gobolka waqooyi ee Rhodesia ay madax banaani qaadatay 11 november sanadkii 1965-tii. Ma ogtahayse ninkii la oran jiray Ian Smith uu ahaa ra'iisal wasaarihii dalkaasi soo maray sanadihii 1965-tii ilaa 1979-tii. Mase otahay Ian Smith uu ahaa duuliyaha diyaaradaha dagaalkii xilligii uu scoday dagaalkii 2aad ee adduunka.

Ma ogtahay in sanadkii 1972-tii uu dalkaasi Rhodesia la oran jiray uu ka dilaacay kooxo muraacad ah oo hubka qaaday kana soo horjeeday xukuumaddii Rhodesia. Mase ogtahay in Robert Mugabe uu hogaaminayey dhaq dhaqaaq la baxay ZANU - Patriotic Front. Mase ogtahay dhaq dhaqaaqasi uu horseeday dagaalo sokeeye oo dalkaasi ka dhaca. Mase ogtahay akhriste in sanadkii 1980 magacii Rhodesia lugu badalay wadanka haatan loo yaqaano Zimbabwe.


Feb 15, 2007:

Spain oo maanta maxkamadii ugu weyneyd la soo tagay dad lugu eedeyey argagaxisinimo

 
Magaalada Madrid ee xarunta u ah dalkaasi Isbeyn ayaa maxkamada ku taala waxaa la soo tagay sagaal iyo labaatan ruux oo lugu eedeyey iney ku lug lahaayeen qaraxayadii ka hore ka dhacay dalkaasi. Amaanta goobta oo aheyd mid si weyn loo adkayey ayaa sagaal iyo labaatankaasi ruux oo asal ahaan ka soo jeedo dalalka Islaamka.
Ninka ugu horeeyey oo maxkamada la hor keenay ayaa magaciisa la yiraahdo Maxamed Masri, waxaana uu sheegay inuusan aheyn dambile waxa lugu eedeynayana uusan geysan. Dhamaan eedeysanayaash la horkeenay ayaa iska fogeeyey eedeymaha loo heysto balse waxey qarka u saaran yihiin  in xabsi daa'in lugu xukumo.
 
Kooxo islaamiyin ah oo qaarkood raggii ka tirsanaa la dilay ayaa sheegtay qarax gil gilay xarrumo laga raaco tareenada kaasoo boorsooyin waxyaabaha qarxa ka buuxeen lala beegsaday 11 marso sanadkii 2004-ta. Waxaana ku dhintay dad gaaraya 200 ruux. Muddooyinkan dambe waxaa caalamka caan ka noqday bartilmaameedna laga dhigtay dadyowga muslinka sheegta kuwaasoo laftooda qaraxyadaasi lugu eedeynayo geystay balse waxaa lugu shaabadeeyey argagaxisonimo iwm.
 
                                Tchad oo meelo kamid ka dilaaceen xasuuqyo laga geysto 
 
Deegaanada ku yaalaKoonfurta dalka Tchad ayaa waxaa wararka laga helayo sheegayan in dad gaaraya 10.000 ay ku sugan yihiin xaalad barakac, kadib markii deeganadasi ka dilaaceen xasuuqyo dadka rayidka ah loo geysaanyo.
Hey'adada Oxfom oo Ingiriis ah oo ka howlgasha dalkaasi ayaa waxey ka digeysaa in halkaasi dhaco waxa ay ku sheegeen "Darfur-tii cusbeyd" Dagaalo ku saleysan beelo beelo iyo dabeyleyda hubeysan ee ku soo badanaya ayey hey'adu sheegtay iney adkeeyeen gargaarkii la gaarsiin lahaa qaxooti tiradooda lugu qiyaasay 200.000 kuwaasoo kasoo qaxay dagaaladii ka dhacay Darfur ee dalka Suudaan.
Hey'ada ayaa sidoo kale sheegtay iney ka cabsi qabto cuduro ay halkaasi ka dilaacaan cudurada Malaariyada, Shubanka haddii aysan xeryaha qaxootiga gaarsiinin daawooyinka iyo biyaha nadiifka ah ee ay u baahan yihiin qaxootiga ku jira.
Tchad iyo deeganada ku yaala koonfurta ee ay la wadaagto Suudaan waxaa ka jira qul qulato xoog leh iyadoo kooxo burcad ahi la sheegayo iney dhibaatooyin ku hayaan dadka deegaanadaasi, sidoo kale Tchad iyo Suudaan waxaa u dhaxeeya xurguf xoogan oo keentay iney is eedeyn isku soo jeediyaan.
 
                          Denmark oo wiil 17 jir ah ku xukuntay toddobo sanno oo xarig ah
 
Sadex kamid ah afar dhalinyaro oo dacwad ku socotay ayaa maxkamad ku taala dalkaasi siideysay kadib markii ay ku weysay dembi ah iney qorsheynayeen qaraxyo ka dhaca meelo ka tirsan qaarada Yurub, kadib markii qareenku sheegay  markii la isku af garan waayey qaabka cadaaladeed ee loo horkeeni doono maxkamada ama dacwadoodu ku socon doonto. Sidoo kale maanta xilligii qadada ayaa la shaaciyey in la sii daayo. Balse mid kamid dhalinyaradaasi oo da'diisa tahay  17 jir maxkamaduna ku sheegtay inuu yahay maskaxdii ka dambeysay qorshahaasi aya qoorta loo geliyey xabsi dhan toddobo sanno. Afartan dhalinyarro ayaa la sheegay in sanadkii 2005-ta ay qorsheynayeen iney aadaan magaalada Sarajevo ee xarrunta u ah dalkaasi Bosniya, halkaasi ay kasii maleegi lahaayeen qorshaxooda qaraxyada ah ee wadamada Yurub.
 
 
                       Ma ogtahay?? 
 
Ma ogtahay akhristow in wakaalada wararka ugu cimriga dheer ay tahay L' Agence France-Presse  marka la soo gaabiyo loo yaqaano AFP ay tahay wakaalada ugu da'da weyn dunida, waxaana laga leeyahay dalkaasi Faransiiska, mase og tahay in la aas'aasay sanadkii 1835-tii, ma ogtahayse inuu aas'aasay ninkii la oran jiray  Charles-Louis Havas. Ma ogtahay misna inkastoo waakaladani tahay tii ugu horeysay ee caalamka dhidibada loo taagay ay tahay wakaalada sadexaad ee dunida wararka tebiso, iyadoo xarrumo badan ay caalamka ku leedahay.
 
 
Ma ogtahay misna akhriste in wakaalada wararka Mareykanka ee la yiraahdo Associated Press ee marka iyadana la soo gaabiyo loo yaqaano AP ay tahay wakaalada adduunka ugu weyn. Ma ogtahayse iney wakaaladaasi abuureen shan wargeys oo kasoo bixi jiray magaalada New York ee dalka Mareykanka kuwaasoo doonayey iney isku duwdaan dhaalo iyaga ay lee yihiin.
Mase ogtahay akhristow in wakaaladaasi ay haatan ka kooban tahay 1700 wargeys, 5 oo tv -yo iyo raadiyaal wararka maalin walba qora kuwaasoo ku saleysan dhacdooyin meeshi iyo goortii ay ka dhaceen intaba tebiya. Ma ogtahayse in wakaaladaasi ay sadex luqadood  oo kala ah  Faransiiska, Ingiriisiga iyo Carabiga ay adeegsato. Mase ogahay in xarunta ugu weyn AP ay ku taalo magaalada New York ee wadanka Mareykanka , mase ogtahay in 242 xafiis ay ku leedahay 12 dal oo dunida ku yaala. Mase ogtahay akhristow in wakaaladaasi aysan dalka Mareykanka gudihiisa ku laheyn wakaalad kale oo loolan xoogan kala dhaxeeya, marka laga reebo wakaalad la oran jiray United Press International, mase  ogtahay wakaaladaha qura ay AP tartanka xoogan kula jirto ey yihiin Rueters iyo AFP oo labaduba ay ku yaalaan qaaradan Yurub.
 
Ma ogtahay akhriste in adduunyada ay misna ka jiraan wakaalo kale oo caan ah oo wararka soo tebiya, waxaa kamid ah wakaaladahaasi ITAR-TASS oo laga leeyahay  dalka Ruush-ka. Mase ogtahay iney jiraan wakaalado kale oo iyagana wararka faafiya, sida  DPA oo laga leeyahay dalka Jarmalka iyo IPS oo laga leeyahay dalka Talyaaniga. Dhamaantoodna waa wakaaladaha caalamka wararka u tebiya, marka laga reebo AP,AFP iyo Ruters iney yihiin kuwa ugu caansan dunida uguna afka dheer ee wararka laga qaato.
 
Wararkii 14. 2.2007
 
                  Mutada Alsadr oo u baxsaday dalkaasi Iiraan
 
 
Sida laga soo xigtay warbaahinta dalka Mareykanka ayaa sheegaya in mid kamid ah hogaamiyeyaashii ugu tunka weynaa ee kasoo horjeeday ciidamada Ameerikanka islamarkaasina kamid ah hogaamiyeyaasha Shiicada ee la yiraahod Muqda Alsadar inuu u baxsaday dalkaasi Iiraan.
Telefeyshinka ABC ayaa shaaciyey in hogaamiyeyahaasi u baxsaday Iiraan sababo la xirriiro cabsi uu ka qabo in diyaaradaha Mareynka u geystaan duqeyn hoyga uu degan yahay, sidoo kale ayuu telefeyshinku sheegay inuu ka baqayo hogaamiyehaasi in weeraradaasi ay u geystaan dhaawac awooda ciidan uu leeyahay. Dad ku dhow dhow Muqtada Alsadr ayaa beeniyey wararka ABC sheegay ee baxsadaasi la xirriira waxaana u ku tilmaamay warar aan sal iyo raad toona laheyn waxaana u cadeeyey in hogaamiyahoodu jogo Ciraaq si caadi ahina u wato howlahiisa.
 
                                     Seerbiya oo diiday in madaxbanaani la siiyo Koosovo
 
Baarlamaanka Seerbiya ayaa maanta u codeeyey qorshaha ay Qaramada Midoobey ku dooneyso in gobolka Koosovo la siiyo madax banaanidiisa.Baarlamaanka ayaa cod aqlabiyad leh ku diiday qorshahaasi loogu gogol xaarayo madaxbanaanida gobolkaasi.Kulanka ay baarlamaanka iskugu yimaadeen oo aheyd markii ugu horeysay tan iyo bishii janaayo ayaa qorshaha Qaramada Midoobey waxey ku tilmaameen kuwo aan sharci aheyn oo lugu doonayey in wadan laga dhex abuuro jiritaanka muqadas ahaaneed ee dhulka Seerbiya.  Seerbiya oo haatan ku kooban dhowr gaobol oo ay hoos yimaada maamulka Belgeraad ee dhulkii kala go go'ay ee Yoguslaafiya, ayaa waxaa horey uga go'ay wadamada haatan loo yaqaano Koroeeshiya, Bosniya iyo Islofiiniya.
 
 
                                Madaxweynaha Suuriya oo booqon doona Iiraan
 
Madaxweynaha dalka Suuriya Bashaaral- Asad ayaa booqasho qaadan doonta labo cisho waxa uu ku tagaya dalkaasi Iiraan, oo ku halay casumaad rasmi ah. Labadan hogaamiye waa Bashaaral Asad iyo Axmedinijaad ayaa lugu wadaa iney ka wahadlaan cadaadiska uga imanaya Washington ee la xirriira arrimaha argagaxisada iyo Nukliyeerka. Sidoo kale waxaa ay kawada hadli doonaan baa la leeyahay xaalka barriga dhaxe ee Falastiin iyo Israa'iil iyo amniga dalka Ciraaq ee faraha ka baxay. Madaxweyne Asad waa markii labaad ee booqasho ku tagayo dalkaasi tan iyo intii Axmedinijaad uu ku guuleystay dooroshooyinkii dalkaasi kal hore ka dhacay, arrimaha ganacsiga iyo iskaashiga u dhaxeeya waxaa ay kamid yihiin waxyabaha ay ka hadli doonaan. Madaxweyne Asad waxaa uu sheegay kal hore in dowladiisa soo dhaweyneyso in xal diblomaasiyadeed lugu dhameeyo mushkilada barnamaijka nukliyeerka Iiraan, waxaana uu diiday in dowladiisa aysan aqbleyn cadaadis iyo hanjabaado la saaro Tehraan oo ku sheegay ineysan keeneyn wax xal ah.
Madaxweyne Nijaad ayaad sidoo kale waxaa bishii janaayo ee sanadkii hore booqashadii ugu horeysay ku tagay dalal ku yaal gobolka oo ay kamid tahay Suuriya halkaasina kula kulmay madaxweyne Asad oo ay ka wadahdleen arrimo badan oo gobolka quseeya.
 
                         Ma ogtahay??
 
 
Ma ogtahay akhristow in ereyga "Dunida koowaad" uu yahay erey siyaasadeed oo adeegsigiisa soo baxay xilligii uu socday dagaalkii qabooba, mase ogtahay in dalalkaasi dunida koowaad loola jeeday dalalka dhaca "reer galbeedka" ama haatan badidooda ku jira gaashaanbuurta Nato. Mase ogtahay in dalalka loo yaqaano dhex dhexaadka ee Natural States ama xagga ganacsiga haga laftooda ay kamid yihiin dunida koowaad, mase og tahay in dalalkaasi qaarkood loo yaqaano Natural States -ka ay kamid yihiin wadamada Sweden iyo Swetzerland.
 
Ma ogtahayse ereygaasi dunida 3aad ee adeegsigiisa la maqlayey bilowgii kontameeyadi lugu micneeyey in tilmaam ahaan lau muujinayo inaan la ilaawin dalalkaasi oo aan ka qeyb qaadan dagaalkii qabooba kuwaaso la sheegay iney ku jeedeen arrimo iyaga u gaar ah. Mase ogtahay in ereyga dunida 3aad ay keentay wareer badan iyo su'aalo la xirrira ciddii ku jira markii uu dhamaaday dagaalkii 2aad ee dunida. Mase ogtahayse baaritaan uu sameeyey  hogaamiyii la oran jiray Mao Zedongs ee Shiinaha sanadkii 1974-tii  qoraal rasmi ah oo laga soo saaray wasaarada arrimaha dibada ee shiinaha lugu sheegay in dalalka loogu yeero dunida koowaad ay yihiin wadamaddi awooda lahaa waqtigaasi ee Super Power la oran jiray ee Mareykanka iyo Ruush-ka, halka wadamada warshadaha leh ay yihiin dunida labaad.
 
Ma ogtahayse in shirkii  Bandug ee sanadkii 1955-tii ay bilaabmay in la maqlo adeegsiga ereyada dunida, koowaad labaad iyo sedexaad. Mase otahay dunida 3aad in loola jeedo wadama ku tiirsan  dhaqaale ahaan ama kuwa ku tiirsan  wadamada bariga Yurub ee iyagana la oran jiray qorsheynta dhaqaalaha. Ma ogtahayse in dunida 3aad loola jeedo Qaaradaha Aasiya, Laatiin Ameerika , barriga dhaxe iyo Aasiya. Mase ogtahay in dunida 3aad ay tahay macnaheedu wadamada faqriga ah ee soo koraya kuna tiirsan dhaqaale ahaan iyo xag wax soo saarba reer galbeedka.
 
 
W/  D; Ikraam Cali-kaar
Gothenburg- Sweden

Feb 13, 2007

Dad ku dhintay qaraxyo gilgilay magaalada Beyruut

Inkastoo Beyruut ay ku jirto marxlad ah u gaarsiga shaqsiyaad ku jira dowlada Sinyoora kuwaasoo baabuurta loogu soo xirro bambaano lugu qarxiyo, hadana xaalka siyaasadeed ee dalkaasi waxa u muuqda mid murug leh oo ay kooxaha mucaaridka ahi ku xoogeysanayaan diidmado ka dhanka ah xukuumada Sinyoora.
Maanta qaraxyo kala duwan oo magaalado maxda dalkaasi ee Beyruut ka dhacay ayaa ku dhintay 3 ruux labaataneeyo kalena ay ku dhaawacmeen. Labo baabuur oo nooca loo yaqaano minibus-ka ayaa ku qarxay deeganada ay degen yihiin masiixiyiinta ee la yiraahdo Bikfaya oo ah halka ay taageerayaashiisu ka soo jeedaan madaxweynihii hore Amin Gemeyl.

Mar uu ka hadlayey qaraxyada ka dhaca magaalada ayuu sheegay iney dhacayaan waxyaabo qariib ah islamarkaasina ay Suuriya ku lug leedahay.Xaalka dalkaasi waxaa maanta ka socda hardan siyaasadeed oo kala ah qolyaha mucaaridka ah oo Suuriya lugu eedeynayo iney taageerto iyo kuwo kasoo horjeeda oo masiixiyiinta u badan. Qaraxyada ka dhaca badi dalkaasi ayaa Suuriya dhabarka loo saariyey, balse arimahaasi waa iska fogeysay.
Bishii feberaayo markii la dilay ra'iisal wasaareh Rafiiqal xariiriga dalkaasi ayaa waxaa lugu eedeyey Suuriya isla waqti gaabana waxaa ay soo afjartay joogitaankii ciidamadeedii ee dalkaasi ,Qaramada Midoobeyna waxaa ay sameysay gudi soo baara dilka ra'iisal wasaarahaasi ee ay fara ku godan tahay xukuumada Dimishiq ka talisa.

Carruuro ku jiray caloosha oo la soo tuuray oo laga helay xeebaha Kenya

Ilmo caloosha ku jira oo la soo tuuray ayaa laga helay xeebaha dalxiiska loo tago ee dalkaasi Kenya, carruurahan caloosha laga soo tuuray oo labaataneeyo gaaraya ayaa booliska Kenya gacanta ku dhigeen, waxaana ay shaki ka muujiyeen iney jiraan astaamo muujinaya kuwo si sharci darro ah la iskaga soo tuuray ama la soo geliyey dumar uur leh. Booliska Milindi ayaa sheegay in ilmahaasi la soo tuuray ay ku jireen kiisas luguna soo tuuray goobaha qashinka.
Ururada u dooda bulshada rayidka ah ayaa ka cabanaya galmada sharci darrada ah ee ku soo badana goobahaasi dalxiiska loo tago dowladana inkastoo ay balan qaaday iney wax ka qabato arrimahaas ayaan waxba ka soo naas cadaan.
Dalkaasi Kenya in ka badan 300.000 oo dumar ah ayaa iska soo rida ilmaha ay caloosha ku wadaan sanad walba ,inkastoo falkaasi yahay mid mamnuuc ah oo keenaya dil cidii lugu hela ayaa hadana wax ka qasheedu aheyn mid muuqata. Dalkaasi Kenaya waxaa ragaadiyey musuqmaasuqa xoogan oo min dowlad ilaa shacab farro ba'an ku haya.

Xaaskii madaxweynihii hore ee Rwanda oo lugu eedeynayo xasuuq ay geysatay

Kooxo la sheegay iney ka bad baadeen xasuuqii ba'naa ee ka dhacay dalkaasi Rwanda bilowgii sagaashmeeyadii ayaa warqado cabasho ah waxey u direen dalkaasi Faransiiska oo ay kaga codsanayaan in la horkeeno cadaalada xaaskii uu qabi jiray madaxweynihii ee geeriyooday ee dalkaasi Rwanda Agathe Habyarimana.

Kooxahan ayaa ku eedeyey haweeneydaasi iney aheyd maskaxdii ka dambeysay xasuuqii ba'naa ee sanadkii 1994-tii lugula kacay qabiilka Tutsi-ga oo ay ku dhinteen 800.000 dad gaaraya. Haweeneydani waxey haatan magangalyo siyaasadeed ku joogto dalka Faransiiska.Balse laanta socdaalka ayaa haatan sheegtay iney wax ka badaleyso codsiga haweeneydan ee dalkaasi ku joogto waxaana ay sheegeen ineysan aqbaleyn codsigeeda nabadgalyo siyaasadeed ee ay ku joogto sababo laxirriira arrimaha lugu eedeynayo.

Feb 11, 2007

Gates: Lagama yaabo inuu dhaco markale dagaalkii qabooba

Xoghayaha gaashaandhiga Mareykanka Robert Gates ayaa shaaca ka qaaday in dagaalka qabooba ee horey dunida uga dhacay aan laga yaabin inuu markale dhaco. Hadalkan ayaa sidoo kale ku soo aaday xilli uu ka qeyb galayey shir caalami ah oo loogaga hadlayey amniga kaasoo ka dhacay magaalada Munchen, waxaana isagoo ka qudbadeynayo shirkaasi sheegay ineysan muuqan haatan dagaalkii qaboobaa inuu markale dunida ka dhaco. Kulankan oo madax badan oo caalami ahi ay kasoo qeyb galeen ayaa Vladamir Putin-ka dalkaasi shaaca ka qaaday in Mareykanku doonayo inuu dunida ka amar ku taagleeyo islamarkaasina ay amuurtaasi keentay dhibaato nabadgalyadii caalamkana ay halis gashay.

Baarlamaanka Bortaqiiska oo u codeynaya ridista ilmaha caloosha ku jira

Dalka Bortaqiiska oo kamid ah dalalka Yurub ku yaala ee qodobka la xiririra soo ridista ilmaha caloosha ku jirta tahay mida ugu adag ayaa cod bixin horey loogu qaaday si loo sharciyooya ayaa codbixintaasi noqotay mid laga guuxo, waxaana qodobkaasi dhaliyey dooda haatan loo gudbiyey baarlamaanka dalkaasi oo ka munaaqishoon doono.
Ra'iisal wasaaraha dalkaasi José Socrates ayaa sheegay in baarlamaanka amuurtaasi u taalo in la ogolaado iyo inkale gaar ahaan marka hooyada uurka lahi uurkeeda gaaro wiiga tobonaad. Balse waxa uu sheegay in haatan la ogol yahay oo keliya in la soo rido carruurta caloosha ku jira marka ay timaado daruuf adag, sida uur ku yimid kufis, ama caafimaadka hooyada ilamahaasi caloosha ku sida.


Wararkii 10.2.2007

Jeneraal cusub oo Ciraaq loo magacaabay xilli xaalka dalkaasi faraha ka baxay


Dalka Ciraaq ayaa waxaa loo magacaabay Jeneraal cusub oo la wareegi doono howlaha Meleteri ee dalkaasi. Hadal uu ka jeediyey munaasabad xilka loogu wareejinayey ayuu sheegay in dalkaasi ku xuman yahay dagaal sokeeye iyo dhibaatooyin hadaan ciidamada Mareykanka iyo kuwa ciraaqiyiinta iska kaashaan waxa uu ku sheegay cadowga.
Jeneraalkan oo la yiraahdo David Petraeus ayaa isagoo sidoo kale ka hadlayey mid kamid qasriyadii Saddaam Xuseen oo ay ciidamadisu joogaan ayuu sheegay in howshu tahay mid culus balse aaney aheyn mid mustaxiil ah.

David Petraeus oo ah jeneraal ciidamadi dalkaasi ka howlgalay ayaa waxa uu doonaya inuu fuliyo istiraajitadii Bush ee ku wajahneyd dalkaasi, qeybna ka ah ciidamo tiradooda gaareyso 21.000 askari oo dalkaasi loo qorsheeyey geyntooda. Dad badan oo arrimaha Ciraaq indho indheeyo ayaan igu aamisananeyn in jeneraalkan uusan wax badan ka badaleyn xaalada murugsan ee dalkaasi awal horey ugu jirtay.

Labo nin oo xiray dilkii gabar weriye u dhalatay dalkaasi Raashiya

Mid kamid ah wargeysyada kasoo baxa dalkaasi Ruush-ka oo la yiraahdo Komsomolskaja Pravda ayaa shaaca ka qaaday in booliska dalkaasi ay gacanta ku dhintay labo nin oo lugu eedeynayo iney ka dambeeyaan dilkii gabar weriye aheyd oo u dhalatay dalkaasi lana oran jiray Anna Politkovskaja.

Mid kamid ah baarayaashan kiiska gabadhaasi oo magaciisa ka gaabsay in la xuso ayaa isagoo wargeyskaasi u waramaya sheegay in la aqoonsaday mid kamid raggaasi oo sawirkiisa sawiray dayax gacmeed meleteri oo ruushan-ku leeyahay, waxaana ragaasi la qabtay lugu sheegay dhalasho ahaantooda iney kasoo jeedaan dhulka Jeejniya ee ruush-ku duulaan ku qabsaday.

Anna Politkovskaja waxey aheyd gabar weriye caan ka aheyd dalkaasi si weyna u cambaareyn jirtay xasuuqa ay ciidamdaa Ruushanka ka geysteen dalkaasi Jeejniya oo ay marar badan wax kaga qortay wargeys dalkaaasi kasoo baxa oo ay ka tirsaneyd. Gabadhani ayaa sidoo kale waxey noqotay weriyihii 13aad ee dalkaasi lugu dilo tan iyo intii xukunka dalkaasi la wareegay Vladamir Putin-ka dalkaasi sanadkii 2000.

Ingiriiska oo ay dood ka taagan tahay buug la sheegay in Yahuuda iyo Masiixintu lugu aflagaadeyey

Xukuumada Ingiriiska ayaa ganafka ku dhiftay buug la sheegay in cadad ka mid ah wax loogaga sheegayey Yahuuda kuwaasoo lugu tilmaamay daanyeero halka masiixiyiintana lugu sheegtay doofaro.

Xarunta King Fahads Academy oo ku taala galbeedka London Sacuudigana maalgeliyo ayaa codsaday in cadadka buugaasi ku jira ee muranka dhaliyey laga bixiyo, maamulka iskoolkuna waxaa lugu soo waramaya iney ku doodayan in casharada ay bixiyaan ee cadadkaasi ku yaaban yahay mid uun marka loo baahdo oo keliya ardeyda loo soo gudbiyo. Waxaana sidoo kale ay sheegeen in si qaldan loogu tarjumay cadadkasi ku jiray buuga ee aan Quraanku aheyn mid ummadda ugu baaqaya naceyb. Waaxda waxbarashada ee maamulka London waxaa ay si toos u diideen iney aqbalaan buugaasi oo ay ku tilmaameen mid aan habooneyn adeegsigiisa waxaana uu codsaday in xarunta King Fahads Academy ay u kuuro gasha cabashada buuggaasi ee la xirriira aflagaado la sheegay in loo geystay Yahuuda iyo dadka masiixiyiinta ah.

Maalintii jimcihiina waxaa booliska London xireen iskoolka la yiraahdo Jameah Islameah School oo ku yaala koonfur bari ee London, kadib sanadkii hore markii la kowdsday nidaamka loo sameeyey argagaxisad, booliskuna waxaa ay sheegeen in iskuulkaasi ku guul darreystay sharuudihii laga doonayey ee dib loogu furi lahaa.

Feb 8, 2007

Wadahalkii lixgeesoodka ahaa ee arrimaha Kuuriyada Waqooyi oo furmay

Kulankii lix geesoodka ahaa ee loogaga arinsanayey Nukliyeerka Kuuriyada Waqooyi ayaa dib u furmay maanta, waxaana hadal uu halkaasi ka jeediyey ereyga Waqooyiga Kuuriya ayaa sheegay in dowladiisa ay ka fakreyso sidey hubkeeda uga tanasuli laheyd haddii xukuumadda Washington ay joojiso taakuleynta waxa ay cadowga ku sheegtay ee ay taageerto.
Ergeyga Mareykanka ee shirkan ninka la yiraahdo Christopher Hill ayaan bilowgii shirkan rajo ka muujin balse waxa uu sheegay inuu ku rajo weyn yahay in labada dhinac ay warmurtiyeed ka soo saari doonaan balse hadal taas ka duwan waxaa sheegtay haweeneyda xoghahaya arrimaha dibada uga ah Mareykanka Condoleezza Rice waxaana ay si tadaxar leh u ti baaxday iney haboonaan laheyd warmurtiyeedkii sanadkii 2005-ta ay wada jir u jeediyeen in haantan uu hurgalo lana helo Kuuriya oo xor ka ah hanashada Nukliyeerka.

Nato oo soo bandhigtay qorshe cusub oo ay weerar balaaran ugu qaadeyso Taalibaan


Ninka dhawaan loo magacaabay hogaaminta ciidamada Nato ee ku sugan dalka Afgaanistaan ayaa soo bandhigay qorsho baaxaad leh oo lugu balaarinayo howlaha Meleteri ee ka dhanka ah Taalibaan. Jeneraalkan oo ameerikan ah lana yiraahdo Bantz Craddock ayaa ka codsaday dalalka xubnaha ka ah Nato iney duulaankan balaaran ka qeyb qaataan, kuwaasoo u ku doonayo in la gaarsiiyo dhanka xuduuda xigta halkaasoo ay goob ay ku xoog badan yihiin Taalibaan iyo taageerayaashooda. Waxaana uu codsaday ciidamo gaaraya 2000 oo askari oo howshan ka qeyb qaata.
Ciidamada Nato ee halkaasi ku sugan Mareykanka iyo Ingiriiska ee hormuudka ka ah ayaa gaaraya 33.000 waxaana ay labadaasi dal sheegeen in loo baahan yahay in la kordhiyo ciidamada Nato, ciidamadan oo kala bar ka socda dalalkaasi.

Xamaas iyo Fatax oo heshiis ku gaaray magaalada barakeysan ee Makka Al- Mukaramah

Dhaq dhaqaaqyada Xamaas iyo Fatax ee falastiiniyiinta oo maalmahan shir dib u heshiin ah uga socday magaalada Barakeysan ee Makkah Almukaramah ee dalka Sacuudi Careebiya ayaa gaaray heshiis lugu soo afjarayo qilaafkii siyaasadeed u dhaxeeyey, waxaana ay labadan urrur qalinka ku duugeen dowlad loo dhan yahay oo ay yagleelaan.

Dowlada Sacuudiga oo shirkan dhex dhaxaadineysay ayaa wararku sheegeen iney cadaadisay Xamaas kana dhaa dhicisay iney dhinaceeda adkeyso heshiiska ay qalinka ku saxiixday. Mana jirin wax hadal ah oo la xirriira in >Xamaas aqoonsato jiritaanka Israal lugu soo qaaday kulankaasi. Heshiishka ay gaareen kooxaha falastiiniyiinta ayaa ah in toddobo wasiir la siiyo Xamaas, Fataxna la siiyo lix wasiir urrurada kalena afar wasaaradood, halka shan wasaaradoodna loo qoondooyeey kooxaha aan siyaasada raacsaneyn. Arrintana waa mid u muuqata ayey leeyihiin warfidiyeenada halkaasi wararka kasoo diray mid soo afjari doonta qilaafka siyaasadeed ee labadan kooxood u dhaxeeyey tan iyo markii sanadkii hore Xamaas ay si aqlibiyad leh guusha ku raacday dooroshooyinkii baarlamaaniga ahaa ee dalkaasi ka dhacay. Ra'iisal wasaare Axmed Haniyahan waxaa dhabarka haatan loo saaray howl culus oo u fulin doona ugana horeysa taaba gelinta heshiiska magaalada barakeysan lugu gaaray.

Feb 7, 2007

Faransiiska oo ay ka bilaabatay dhageysiga dacwad ka dhan ah wargeyskii sawiray kartoonadii lugu ihaaneeyey Nabi Muxamed NNKH

Shalay oo arabaca aheyd ayaa waxaa dalkaasi Faransiiska ka bilowday dhageysiga maxkamadeed oo la xirriirta wargeys dalkaasi kasoo baxa oo sawiray sawiradii foosha xumaa ee lugu ihaanayey Suubanaheena Muxamed NNK. Wargeyska xag jirka ah ee sawiradaasi daabacay oo la yiraahdo Charlie Hebdo ayaa dhageysiga dacwada ka dhanka ahi waxa uu socon doona muddo labo maalmood ah.

Kooxaha ka dambeya in dacwadan la furo ayaa sheegay in falkii wargeysku kacay ay aheyd mid kicineysa naceyb qowmiyadeed sidaasi daraadneed ay waajib tahay in la marsiiyo sharciga. Balse cadaadis uga imanaya qeybaha kala duwan ee dalkaasi ayaa laftooda ku doodaya in muslimiinta dacwadan furay aysan caburin waxey ku sheegeen xorriyada cabirka.

Bishii september ee sanadkii 2005-ta waxaa markii ugu horeysay sawirada foosha xun ee lugu ihaaneyeynay Nabigeena Muxamed ah soo bandhigay wargeys xagjir ah oo laga leeyahay dalkaasi Denmark wargeyskan oo la yiraahdo Jyllands Posten. Waxaana ay carro weyni gelisay muslimiinta caalamka guud ahaantii taasoo keentay dalalka Islaamka qaarkood ay ka jirtaan xirriirkii ganacsi ee kala dhaxeeyey, qaarkoodna waxaaba ay kasoo ceshteen safiiradii dalalkaasi u joogay.Dowlada dalkaasi ee wargeyskan xagjirka ahi laga leeyahay ayaan haba yaraatee bixin wax cudur daar ah. Sanadkii horena waxaa sidoo kale goob dad badan isku yimaadeen ka qudbadeeyey baadariga uga sareeya ee mathabka Katoliga ee diinta masiixiga, waxaana isagoo jaamacad ku taala dalka ka akhrinaya muxaarado soo qootay qoraalo uu horey uga ihaaneeyey xgjir imbiriyaaliste ah oo jirtay qarnigii 15aaad, arrintana waxaa ay markale cambaareyn iyo banaanbaxyo looga gil gilashay.

Afar qof oo loo xiray afduubkii lo geystay diblomaasigii reer Iiraan ee Ciraaq lugu afduubay

Afar ka tirsan saraakiisha dalka Ciraaq ayaa la soo qab qabtay iyagoo lugu tuhmayo ku lug lahaansho ay ku lug lahaayeen afduub loo geystay diblomaasi reer Iiraan ah oo maalintii axada aheyd dalkaasi. Wasiirka arrimaha dibada Ciraaq Hoshiyar al-Zebari oo arrintan dhiniciisa ka hadlaayey ayaa sheegay in saraakiishan la qabtay la weydiin doono halka ay tirsan yihiin iyo ciddii amartay iney falkaasi sameeyaan. Arritan ayaa sidoo kale waxaa ay dagaal xagga afka ahi ka dhex dhalisay Xukuumadaha Washington iyo Tehran.

Maalintii axada ayaa afduub waxaa loo geystay Jalal Sharafi oo ah ninka labaad ee xogheynta ka ah safaarada Iiraan ay ku leedahay dalkaasi, mana jiraan warar ilaa haatan sheegaya halka lala aaday ninkaasi afduubtay iyo cidii ka dambeysay.

Feb 6, 2007

Diblomaas reer Iiran ah oo lugu afduubtay Ciraaq

Sodomeeyo xiran dareyska ciidamada Ciraaq ayaa afduub u geystay diblomaasi u dhashay Iiraan. Warkan ayaa waxaa shaaciyey ilo hooseedyo ka tirsan dowlada dalkaasi ayaa intaasi ku daray warkooda inuu yahay ninka la afduubtay ninka labaad ee xogheynta u ah sarkaalka la yiraahdo Jalal Sharafi oo ka tirsan safaarada Iiraan ee ku leedahay dalkaasi. Afduubka loo geystay ninkaasi ayaa fuliyey kooxo xiran dareyska guutada 36aad ee ciidamada Komaandooska kuwaasoo inta badan howlgalada la fuliya ciidamada Mareykanka ee dalkaasi ku duulay. Mana jirto cambeereyn la xirriirta afduubka diblomaasigaasi.

Mareykanka ayaa horey u qab qabtay diblomaasiyiin reer Iiraan ah oo ku sugnaa dalkaasi waxaana Mareykanku sheegeen iney qeyb ka yihiin xasilooni darrada Ciraaq ka jirta, taasoo ay xukuumada ka dhisan Theran ay beenisay.

Nin farta lugu fiiqayo inuu ku lug lahaa dilkii basaasihii Ruushkanka ahaa ee London lugu Khaarajiyey

Basaasihii u dhashay dalka Ruushka Aleksandr Litvinenko ee dhawaan lugu qaarajiyey magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa laga soo xigtay inuu farta ku fiiqay nin ku lug lahaa suntii lugu qaarajiyey. Ninka la yiraahdo Boris Berezovskij oo wareysi uu siiyey BBC-da waxaa uu tibaaxay in o Andrej Lugovoj oo ka mid ahaa sadex qof uu dhashay Ruushka oo hoteelka ku booqday 1 november ee sanadkii hore ay farta ku godan tahay.
Balse Andrej Lugovoj waxa uu beeniyey eedeymahaasi la xirrira dilka basaasahaasi. Dowlada Ruush-kana waxaa ay horey u diiday ninkaasi la tuhmayo iney ku wareejiso booliska London ee amuurtan baaritaanka ku haya. Sidoo kale ninkan ay BBC-da wareysiga la yeelatay ee Berezovskij waxaa uu sheegay in basaasahaasi la qaarajiyey uu Ruush-ka kala soo tagay "1000 dukomenti-yo" oo ay ka buuxaan warbixino la xirriira falalkii iyo dembiyadii ay geysteen sirdoonkii Ruush-ka ee KBG- iyo FSB oo uu ka tirsanaa.

Basaasaha u dhashay dalka Ruusha ee la yiraahdo Litvinenko ayaa bishii November ee sanadkii hore waxaa lugu sumeeyey hoteel ku yaala magaalada London waxaana la sheegay suntii laga helay jirkiisa iney aheyd maadada loo yaqaano radio active-ka oo ah sunta wax gumaada ee polonium 210.

Gantaal xiisad ka dhex dhaliyey Mareykanka iyo Nicaragua

Dowlada Mareykanka ayaa ka codsadatay xukuumada Nicaragua iney baabiso gantaalo kun gaaraya oo ah kuwa hawada, waxaana ay amuurtan Washington sheegtay iney ka baqeyso inuu gacanta ku gallo kooxaha ay ku sheegaan Argagaxisada. Arrintana waxaa ka madax adeegay madaxweynaha dalkaasi dhawaan la doortay ee Daniel Ortega.
Ortega waxaa diidmadiisa sabab uga dhigay in Mareykanku dalka jaarka ay yihiin Hundaras uu ka iibiyey diyaaradaha dagaalka oo casri halka kuwiisa yihiin kuwo aan casri aheyn misna aan u adkeyn sida kuwaasi kale u adag yihin.

Nicaragua waxey gantaalaha raboot-ka loo yaqaano oo gaaraya 2000 oo gantaal ka heshay dowlkii la oran jiray Midowga Soofiyeeti xilliga madaxweynaha haatan markale la doortay ee Daniel Ortega. Balse qaar kamid ah gantaalahaasi waxaa la burburiyey sanadkii 2004-ta kadib markii Washington cadaadis uga yimid.

Wararkii 5.2.2007

Kooxaha Falastiinyiinta oo shir loogu qabanayo Makka Al Mukaramah


Rasaasta maalin walba ka dhaca Gaza, Raamalah iyo meelo kale oo ka tirsan dhulka Falastiin waxey qeyb ka ahaayeen xiisad ka dhex aloolsantay dhamaan kooxaha siyaasadeed ee hubka wada sida Fatax iyo Xamaas. Sidoo kale ilaalada ayaa isku dayey ineysan xaduuda dadweynaha dhaafin arrintan oo lafteeda keentay tacshiirado la isweydaarsado waxey qeyb ka ahaayeen xiisada maanta taagan ee u dhaxeysa labada kooxood ee Xamaas iyo Fatax.

Ra'iisal wasaare Axmed Haniyah waxa uu shaaca ka qaaday inuu ka qeyb galayo kulanka Makko lugu wado inuu ka dhaco maalinta berito ee talaadada ah. Sidoo kale kulan ayaan looga hadleyn oo keliya nabadgalyo xummada ka jirta dhulka Falastiin balse sidii Xamaas ay abuuri laheyd dowlad caalamku aqoonsan yahay gaar ahaan reer galbeedka oo sharuud horey uga dhigay in Xamaas marka hore aqoonsato jiritaanka dowlad iyo dhul ahaaneed ee Israa'iil taasoo ay gaashaanka u daruureen.
Madaxweyne Maxamuud Cabbaas waxa uu ku sugan yahay magaalada barakeysan ee Makka halkaasoo lugu wado inuu laftiisa ka qeyb qaato kulankaasi uu matalayo urrurka Fatax ee dhawaan doorooshooyinkii baarlamaaniga ahaa loogaga adkaaday.

Xiisada colaadeed ee labada dhaq dhaqaaq u dhaxeysay ayaa noqotay mid cirka isku shareertay kadib markii labadaaasi kooxood ay iska dileen shaqsiyaad ka tirsan xabad joojin ay dhawaan gaareena ma aanu noqon mid hirgala.

Amin Gemayel: I"nqilaab ayaa ka socda Lubnaan"

"Dalal ay ku jirto Sweden ayaa waxey taageero u hayaan in inqilaab lugu sameeyo xukuumada Fu'aad Sinyoora" Sidaas waxaa yiri Amiin Gemayl oo mar madaxweyne dalkaasi kasoo noqday. Wareysi uu siiyey Talefeyshinka CNN-ta ee Mareykanka ayuu sheegay in Suuriya ay ka dambeysay dilkii Rafiqal Xariiri ra'iisal wasaarihii hore, waxaana isagoo xaalka adag ee dalkaasi ku jira siyaalo kala duwan ku sheegayo ayuu yiri "sida muuqata haatan waa inqilaab kana dhan ah dastuurka dalkaasi u yaala"

Isagoo weli si darran u weeraraya ayuu misna sheegay in xukuumada Dimiqshiq ay is hortaageyso in madaxmad cadaalad ah la horkeeno dadkii ka dambeysay ra'iisal wasaarihii hore. Xisbullaah oo muddooyinkan dambe saameyn siyaaseed ku yeelatay banaanbaxyo is daba joog ah oo horey u dhacay ay ku baaqday ayuu ku tilmaamay "dowlad, dowlad kale ku dhex jirta"

Ma cada sababta uu ninkan u weerarayo Suuriya waxaase saxaafada qaar ku tilmaameen mid uu taageero siyaasadeed kaga raadsanayo reer galbeedka oo si weyn u taageersan xukuumada haatan sii taag darnaaneysa ee Fu'aad Sinyoora.

Feb 4, 2007

Indonoosiya oo qasaaro kasoo gaareen roobabkii ka da'ay

Dalka Indoonisiya ayaa haatan waxaa ka jira xoog leh oo ay sababeen fatahadaado ka dhashay roobab dhawaan dalkaasi ka da'ay. In ka badan 340 ayaa ku sugan xaalad guryo la'aan ah, magaalada Jakarta oo ay ku dhaqan yihiin 12 milyan ayaa qasaarooyin soo gaarsiiyeen bayaha kor dhor u dhaafay 2 metir kuwaasoo dhaafay xadkii caadiga ahaa. Inkastoo wakaalada wararka Rueters ee warbixintan kasoo dirtay dalkaasi leedahay waxaa roobabka haatan da'ay ku dhintay dad gaaraya 20-neeyo ruux ayaa hadana qasaaraha roobabkan ka yihiin dalkaasi waxyaabo iska caadi, balse muddo shan sanno ka hor ayey ugu dambeysay waxyeelo tanoo kale ah, roobabkuna waxey u muuqdaan kuwo sii da'i doono.

Goobaha ay dhibaatooyinka gaareen ayaa waxaa kamid ah wadooyinka ay tareenadu mari jireen oo biyuhu gooyeen, sidoo kale cisbitaalada iyo wadooyinka ayaa laftoodii biyo buux dhaafsheen. Labaateneeyo kun oo gurina waxaa la runsan yahay iney daadadku qaadeen. Dowlada dalkaasina waxey gashay gargaarkii ugu sareeyey ee ay ula tacaaleyso dadku masiibooyinkaasi gaareen. Culimada sahmisa hawadana waxey ka digayaan roobab kale oo qasaarooyin geysta. Qaarada Koonfur bari ee Aasiya ayaa dalal ku yaala qaarkood waxy u dhago nugul yihiin roobabka ka da', dalkaasina waxaa muddo haatan 2 sano laga joogo ku dhiftay bad gariir xoogan oo dadka iyo duunyadaba aafeeyey.

Wasiirkii Arrimaha dibada Romaaniya oo is casilay

Sida ay werinayaan saxaafada dalkaasi Romaaniya ayaa shaaca ka qaaday in wasiirkii arrimaha dalkaasi Mihai-Razvan Ungureanu is casilay kadib markii dhaleecooyin badan loo soo jeediyey la xirrira wax ka qabasho la'aan muwaadinin u dhashay dalkaasi oo Ciraaq ku xiran kuwaasoo laftooda bilooyin badan ku xirnaa sababo la xirriira basaasnimo. Arrinta labada nin ee ku xiran Ciraaq waxaa ay dood badan ka dhalisay dalkaasi taasoo keentay in ra'iisal wasaaraha inuu wasiirkiisa ka codsado inuu is caliso. Is casiladaada wasiirka lafteedana waxaa dowr weyn ku yeeshay saxaafada dalkaasi oo aad u buun buuniyey. Lama oga goorta uu si rasmi ah uga gudbinoo is casilaadiisa balse wararka ayaa sheegay inuu shaaciyey inuusan ku soo laabaneyn xafiiskiisa maalmaha soo socda.

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH