Wararkii: Feb 12, 2007
- Madaafiicda Qoryaha
BM-ka Oo Habeenkii Xalay Ahaa Gil-giley Caasimada
Soomaaliya Ee Muqdisho .
- Warar is khilaafsan
oo ka soo baxaya qaraxii ka dhacay Magaalada Kismaayo..
- Maanta oo la soo
gebagabeynayo siminaarkii dib u heshiisiinta ee ka
socday..
- Furux “Hay’adda CRD
waxay marin habaabisay heshiiskii Beelaha Sacad iyo
Suleymaan”
- Siyaasiyiin Cayr oo
sheegtay inuu waqtigii ka dhamaaday guddigii Siyaasadda
ee..
- Cagaaran: deegaanka
Cagaaran oo mar kale dagaal dib uga qarxay.
- Ma Dhabaa In
Ciidamada Dowlada Kmg Ah Oo Raadinaya Hub Ay Galeen
Masaajid Iyo Dugsi-qur'aan.
Madaafiicda Qoryaha BM-ka
Oo Habeenkii Xalay Ahaa Gil-giley Caasimada Soomaaliya Ee
Muqdisho...
Xalay habeenimadii goor dambe ayaa daryanka Madaafiic cul
culus ay gil-gileen guud ahaan caasimada muqdisho, kuwaas oo
sababay dhimasho iyo dhaawac.
Rasaasta Qoryaha Lidka diyaaradaha iyo kuwa madaafiicda ayaa
is weydaarsadeen kooxo aad u hubaysanaa oo aan la garanayn
halka ay ka amar qaataan iyo ciidamada dowlada kmg oo
garabsanaya kuwa ethiopia iyadoo ay ku dhinteen labo ruux
halka afar kalena ku dhaawacmeen.
Dadka ku dhintay madaafiicdan ayaa ahaa wiil dhalin yaro ah
iyo aabihiis oo madfac dusha kaga soo dhacay hoygii ay
deganaayeen oo ku yaalay xaafadda Juungal ee degmada
Yaaqshiid, iyadoo madfacan gaystay qasaaraha dhimashada
ayaan la ogayn ilaa iyo iminka halka uu ka soo dhacay.
Waloow ay jiraan warar sheegaya in madfacan ay dadku ku
dhinteen uu kasoo dhacay dhinaca madaxtooyada. C/qaadir
Marsho oo ka mid ah dadka deegaanka Jungal degan ayaa
warbaahinta u sheegay in madaafiicdaasi kasoo dhacayeen
dhinaca Madaxtooyada oo ay degan yihiin ciidamada dowladda
iyo kuwa Ethiopia, islamrkaana ay dhaawaceen 3 qof oo kale
oo isla qoyskaas ah oo ay ku jirto hooyadii qoyskaas .
Sidoo kale iyadoo habeenkii xalay ahaa ay ahayd habeen ay
aad saamayn ugu yeelatay madaafiicda iyo diryanka rasaasta
magaalada muqdisho ayaa hal qof oo kale waxa uu ku
dhaawacmay xaafadda Ceymiska guri dhismo ku socday ,waardiyiihii
ilaalinayey isla gurigaas madfac habow ah oo ku dul dhacay
gurigii qabayada ahaa .
Weeraradan iyo madaafiicdan oo aan ahayn markii ugu horaysay
ee ay ka dhacaan magaalada muqdisho ayaa hada noqday kuwa
aan kala joogsi lahayn islamrakaana si isdaba jooga habeen
waliba ay u dhacaan dhimashada iyo dhaawaca oo aan si dhaba
loo ogaan karin ayaa isa soo taraya taasoo ay sababsanayaan
magaalada caasimada muqdisho oo aan isu war hayn .
Dhinaca kale Kooxo aan la garaneyn ayaa ilaa 3 baasuuke ku
weeraray Hotelka Banadir oo ku yaala W/magaalada Muqdisho oo
ay dhismaha wadaagaan Idaacadda Banadir, iyadoo halkaasi ay
israsaasayn ku dhex martay kooxihii weerarka soo qaaday iyo
ilaalada hotelka ,islamrkaana ay iska caabiyeen .
Hotelkan Banadir oo ka mida hoteelada ay degan yihiin
saraakiil ka tirsan dowlada kmg ah iyo mas'uuliyiinta
dowladdda ah ,islamrkaana ma jiraan wax khasaare ah oo ka
dhacay halkaas marka laga reebo xoogaa bur-bur ah oo soo
gaaray meelihii ay basukuhu ku dheceen sida ay noo
xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah oo ku sugan deegaankaas .
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Gen. Cadde Muuse: 3
bilood Gudahood ayaa lagu Bilaabayaa Macdan Baarista Puntland
Puntland "kama bixin hawlihii macdan baarista"
sidaas waxaa yiri Madaxweynaha DGPL oo....
Akhri...
Warar
is khilaafsan oo ka soo baxaya qaraxii ka dhacay Magaalada
Kismaayo..
Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya Bamkii shalay lagu
Qarxiyey Goob lagu soo dhaweenayey Abaanduulaha Ciidamada
Xooga Dalka Soomaaliyeed Cabdi Mahdi waxaana qaraxaasi ku
dhintay 6-Qofood oo labo ka mid ah la sheegay in ay ahaayeen
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, Sidoo
kale waxaa ku dhaawacmay ilaa iyo 20-Qofood oo ka mid ahaa
Dadkii halkaasi ku sugnaa ilaa hadda lama garanayo sababihii
keenay Qaraxaasi hase yeeshee dad baa waxay sheegeen in
uusan ka marneyn arrimo siyaasadeed.
Nin odey ah oo magiciisa
qariyey ayaa noo sheegay in qaraxaasi ay ka dambeeyey
Ciidamada Dowladda Itoobiya oo doonaya inay Soomaaliya ka
baabi’ayaan saraakiishii ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Warar kale ayaa waxay
sheegayaan in ay ka dambeeyaan dad diidan joogitaanka
Dowladda Federaalka iyo ciidamada Itoobiya ee gobolada
Jubooyinka, iyadoo magaalada Muqdisho ay ka socdaan dagaalo
iyo qaraxyo looga soo horjeedo ciidamada Itobiya iyo kuwa
Dowladda Federaalka, kuwaas oo ay maalin walba waxyeelo ka
soo gaarto dad rayid ah oo aan waxba galabsan, iyadoo
dhawaan urur isku magacaabay dhaqdhaqaaqa Muqaawamada
Xoreynta Soomaaliya, waxa uuna sheegay in uu wadi doono
qaraxyada iyo dagaalada ay kaga soo horjeedaan wax uu ugu
yeeray gumeysiga dalka qabsaday.
Dhinaca kale Wasiir ku
xigeenka gaashaandhiga Salaad Cali Jeele ayaa waxa uu
sheegay in Dowladda Federaalka ay dhawaan bilaabi doonto
hawgal aad u baaxad weyn oo uu sheegay inay ku dagaalami
doonaan kooxaha qalalaasaha ka wada Magaalada Muqdisho,
isagoo sheegay in ay soo ogaadeen goobaha iyo xarumaha laga
soo abaabulo kooxahaasi. Ciidamo lagu qiyaasay 6-kun oo
maleeshiyo ah ayaa ku xareysan Xerada Belidoogle kuwaas oo
dhawaan la filayo inay hawgal ka sameeyaan Magaalada
Muqdisho, hase yeeshee kooxda muqaawamada ayaa ka digtay.
Beesha oo lahayd hogaan siyaasadeed oo qura ayaa haatan
waxaa muuqanaya in Beesha ay ugala qaybsami karo labo garab
oo siyaasadeed, iyadoo dhawaan siyaasiyiin ka tirsan Cayr ay
Magaalad Adis-Ababa kulan kula soo qaateen Ra’isul Wasaaraha
dalka Itoobiya Meles Zenawi.
Maanta oo la soo
gebagabeynayo siminaarkii dib u heshiisiinta ee ka socday..
Maanta ayaa la filayaa in Hotel Kaah lagu soo geba-gabeeyo
shir-weynihi loogu gogol xaarayey shir dib u heshiisiin
soomaaliyeed oo ay mar kale isugu timaado Soomaalidu,
waxaana Siminaarkaasi soo qaban-qaabiyey guddiga Dib
heshiisiinta qaranka Soomaaliyeed oo gacan ka helaya
Hay’adda UNDP.
Kulankaan ayaa waxaa ka qaybgalay Waxgarad, Siyaasiyiin iyo
Culama’udiin ka tirsan beelaha ka duwan ee Soomaaliyeed,
waxaa la filayaa in maanta laga soo saaro Siminaarkaasi war
murtiyeed ku aadan sida loo qaban karo shir dib u heshiisiin
oo Soomaaliyeed iyo sida ugu haboon ee hubka looga dhigi
karo kooxaha Soomaaliyeed.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa dhawaan ku dhawaaqay
in Dowladda Federaalka ay diyaar u tahay inay ka qaybgasho
shir dib u heshiisiin ah oo ay soo dabaasho beelah
Soomaaliyeed, hase yeeshee sida ay Dowladdu u tarjumaneyso
dib u heshiisiinta iyo sida ay beesha caalamku u rabto ayaa
ah mid aad u kala duwan.
Furux “Hay’adda CRD
waxay marin habaabisay heshiiskii Beelaha Sacad iyo
Suleymaan”
Xildhibaan Max’ed Jaamac Furux oo ka waramay shirka dib
heshiisiinta ah ee uga furmay Magaalada Cadaado Beelaha
Suleymaan iyo Sacad ayaa waxa uu sheegay in Hay’adda CRD ay
marin- habaabisay qaabka uu u soconayo heshiiskaasi.
“waxay ahayd in labada beelood loo madax-banaaneeyo
heshiiskaasi, si ay uga miro dhaliyaan” ayuu yiri Xildhibaan
Furux oo sheegay in hay’adda CRD ay dooneyso in heshiiskaasi
uu noqdo mid ay iyadu ku lug yeelato kuna faanto.
“Anigu ma diidani shirka, waxaana haatan shirka ka qaybgalay
dadkii mudnaa, hase yeeshee waxaana diidanahay qaabka ay
Hay’adda CRD u maamuleyso shirkaasi” ayuu yiri Max’ed Jaamac
Furux oo sheegay in labada beelood ay baahi weyn u qabaan
sidii heshiis dhab ah looga gaari lahaa khilaafka soo
jireenka ah ee u dhexeeya.
Siyaasiyiin Cayr oo
sheegtay inuu waqtigii ka dhamaaday guddigii Siyaasadda ee..
Kulan ay shalay isugu yimaadeen Waxgaradka, Siyaasiyiinta
iyo Culima’udiinka Beesha Cayr ayaa ka dhacay Magaalada
Muqdisho, waxaana kulankaasi looga hadlayey sidii ay beeshu
ula jaanqaadi lahayd Xaaladda siyaaso ee haatan jirta iyo
waliba sida ay uga qayb-qaadan karto dib u heshiisiinta lagu
baaqay.
Kulankaan oo uu soo qaban-qaabiyey Suldaanka Beesha Suldaan
Muuse ayaa waxaa ka mid ahaa xubnihii ka qaybgalay Cabdi
Nuure Siyaad oo sheegay in loo baahan yahay in Beeshu
midowdo waxna la qabsato bulshada Soomaaliyeed.
Xubnihii beesha Cayr ee ka qaybgalay kulankaasi ayaa waxay
sheegeen in uu dhamaaday guddigii siyaasadii ee Beesha Cayr,
dhawaana la filayo in dib u habeyn lagu sameeyo guddigaasi,
hase yeeshee waxaa kulankaasi aan ka muuqan siyaasiyiin fara
badan oo ka mid ah Beesha Cayr oo uu ku jiray Maxamuud
Max’ed Culusow.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Wararkii Axadii hoos ka
akhri...
Cagaaran : deegaanka
Cagaaran oo mar kale dagaal dib uga qarxay.
Feb 11, 2007: Wararka lagu kalsoonyahay ee ka soo baxay
deegaankaasi cagaaran ayaa sheegaya in halkaasi uu ka qarxay
dagaal gaystay dhimasho iyo dhaawac badan.
Dagaalkaan oo u dhexeeya laba maleeshiyo beeleed oo kawada
tirsan deegaanka puntland ayaa inta la ogyahay waxaa ku
dhintay 5ruux halka 10 kalena uu dhaawac ka sogaaray.
Dhaawaca iyo dhimashada dadkaan ayaa waxaa la geeyay
magaalooyinka Laascaanood iyo Galkacyo oo ay ka soo kala
jeedaan labada maleeshiyo beeleed ee halkaasi ku dirirayay
maalintii labaad.
waxaa jiray ciidamo ka tirsan maamulka puntland iyo odayaal
dhaqamedyo halkasi loo diray si ay nabad ugu soo dabaalaan
una soo afjaraan dhibaatada halkaasi ka taagan walow ay
hadana dagaalkii uu dib u qarxay ilaa iyo hadana marjiraan
warar rasmi ah oo halkaasi laga heliko maadaama ay tahay
dhul for oo miyi ah ayna jirinwax isgaarsiin ah oo lagula
xiriiri karo.
balse dadka socotada ah ee ka imaanaya deegaanka miyiga ah
eee halkaasi ka agdhaw ayaa cadaynaya in uu dagaalku dib u
qarxay lamaqlayayna rasaasta fudud ay is waydaarsanayaan
labada maleeshiyo beeleed.
Dagaalka ayaa markii hore ka bilwday dhul miyi ah ee beeli
ay damacday in ay magaalayso kadib markii ay isku dayday in
ay beeli halkaasi ka bilwodo barraag lagu shubto biyaha
halka beesha kalena ay hor istaagtay hamiga beesha kale ee
ay wadatay iyada oo beesha diiday in halkaasi laga qodo
baraag ay ku andacooday in ay sababayso magaalaynta dhulkan
ku wacan xoolo daaqsinka in uu aakhirka isku badelo xaaluf
sida horay looga arkay dhulal badan oo banaanaa oo amrkii
lamagaaleeyay noqday kuwo xaaluf garooba ooo ka tagay xoolo
daaqsinkii hadana intii yarayd ee xoolaha u soo hartay ay
rabaan dadku in ay ka dhigaan magaalooyin iyada oo deegaano
badan oo banaana ay yihiin kuwo maran aana ku haboonayn
xoolo daaqsinka balse la beegsanyo meelaha ku haboon xoolo
daaqsinka waa sida ay beeshaasi sheegtay.
C/rizak koronto
Garowe Puntland
Ma Dhabaa In Ciidamada
Dowlada Kmg Ah Oo Raadinaya Hub Ay Galeen Masaajid Iyo
Dugsi-qur,aan.
Feb 11, 2007: Weerarada iyo qaraxyada lala beegsanayo
ciidamada dowlada kmg ah iyo weliba kuwa Ethiopia ayaa waxay
sii kor dhinayaan xaalada amaan xumo ee magaalada muqdisho ,iyadoo
maanta ciidamada dowlada kmg ah qaar ka tirsan ay maanta
dar-dar hub baaris ah kasameeyeen xaafado ka tirsan
magaalada Muqdisho .
Xaafadda Sheellare iyo Sariindi ee Degmada Xamar jajab ee
agagaarka dekadda weyn ee muqdisho ayaa waxaa maanta waxaa
soo buux dhaafiyey ciidamada dowlada kmg ah oo halkaasi
kabaarayey hubkanoocyadiisa kala duwan.
Sidoo kale ciidamada dowlada kmg ah oo baaritaanka hubka
waday ayaa waxa ay galeen masaajid ku yaalla xaafadaasi ku
yaala iyo weliba dugsi Qur’aan sida ay saxaafada u
xaqiijiyeen goob joogayaal halkaasi ku sugnaa oo diiday in
magacooda la shaaciyo .
Si kastaba ha ahaatee ciidamada dowlada kmg ah iyo weliba
kuwa jaalkooda ah ee Ethiopia ayaa miciin ka biday inay
hubka ka raadiyaan masaajidada iyo weliba xarumaha dugsi
qur,aanka lagu barto .
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Wararkii: Feb 11, 2007
- Weeraro Xalay Loo
Gaystay Xarumo Fariisin U Ah Ciidamada Dowlada Kmg Ah
Iyo Kuwa Ethiopia..
- Dagaal Kharaar oo
saaka dib oga bilowdey deegaanka cagaare oo uu shalay
dagaal ku dhex marey labo beelood.
- Itoobiya oo
weydiisatey Turkigu in uu Ciidamo u diro Soomaaliya
- Melez Zenawi oo
walwal ka muujisay qaraxyada iyo…
- Dowladda Federaalka
ah oo ka hadashay Qaraxyadii shaley ka dhacay.
- Dad fara badan oo
bilaabay inay ka qaxaan Qaraxyada ka soo cusboonaadey..
- Warbixin ku saabsan
qaraxyadii Sabtidii Gilgiley Magaalada Muqdisho ..
- Mareykanka oo
doonaya in dalka Yemen Martigeliso kulanka dib u
heshiisiinta ...
- Shariif Xasan oo ku
sii jeeda dalka Yaman ..
- Tacaddigii Saami
Xaaji iyo Xabsiga Guantanamo: Munaasabad loogu
Boroordiiqayey oo ka dhacdey Muqdisho
Kismaayo: Bombaano Lagu
Qarxiyey Goob ay ka Khudbaynayeen Saraakiil....
KISMAAYO: Feb 11, 2007:
Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ayaa tibaaxay in
bambaano lagu qarxiyey fagaaraha beerta xorriyada oo ay ka
khudbayneynayeen madax sare oo ka tirsan DFKMG, waxaana
warku intaas ku daray in afar qof ay halkaas ku dhinteen,
ilaa 20 qofna ay ku dhaawacmeen sida ay werisey hay'adda
wararka ee Reuters.
Reuters waxay sheegtay in dadka dhaawacmay uu ka mid yahay
Generaalka booliska Axmed Maxamed oo ay lug iyo wajiga kaga
dhaceen firikii qaraxa. Waxa kale oo dhaawacmay Afar kornayl
oo ka tirsan ciidamada militariga Soomaaliya.
Barre Aaden Shire, wasiirka gaashaandhigga DFKMG oo jooga
magaalada Baydhabo waxaa laga soo xigtey in uu xaqiijiyey in
dad ku dhinteen qaraxa ka dhacay Kismaayo.
Weeraro
Xalay Loo Gaystay Xarumo Fariisin U Ah Ciidamada Dowlada Kmg
Ah Iyo Kuwa Ethiopia..
Howl-gallo baaritaan ayaa ciidamada dowlada kmg ah iyo kuwa
Ethiopia ka bilaabeen agagaarka Isbital Banadir ilaa
isgoyska zope ka dib markii xalay halkaasi ay ka dheceen
israsaasayn xoogan oo u dhaxaysa kooxo hubaysan iyo
ciidamada dowlada kmg ah iyo weliba kuwa ethiopianka ah .
Weeraradan oo loo adeegsaday qoryaha madaafiicda ayaa lala
beegsaday xarunta Villa Baydhabo oo fariisin u ah ciidamada
dowladda iyo kuwa Ethiooia, iyadoo ka dibna halkaasi laga
maqlayey rasaas xoogan oo la is waydaarsanayey lama oga ilaa
iyo iminka khasaaraha ka dhashay qararxyadaas oo ay
israsaasayntu weheliso.
Wadooyinka ku dhow dhow xaafadaha isgoyska zope ilaa xaafada
Buulo Xuubey ayaa saaka xiran iyadoo halkaasi ay isku
gadaameen ciidamada dowlada kmg ah iyo weliba kuwa Ethiopia
islamarkaana aysan jirin wax gaadiid ah oo saaka ka
shaqaynaya deegaankaas .
Sidoo kale dhaq-dhaqaaqa xaafadahaas ayaa saaka yaraaday
kadib markii ay ciidamada dowlada kmg iyo weliba kuwa
taageeraya ee ethiopia ay diideen xataa inay dadweynaha
lugayyaan, islamarkaana ay sidaa u yaraadeen shacabka ku
dhex soconaya deegaanka zope ilaa buulo xuubey .
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Dagaal Kharaar oo saaka dib
oga bilowdey deegaanka cagaare oo uu shalay dagaal ku dhex
marey labo beelood.
Dagaal qaraar oo shalay ku dhexmaray labo beelood deegaanka
Lagu magacaabo Cagaarre oo u dhow degmada burtinle ee
gobolka nugaal ayaa waxaa uu saaka dib oga bilodey halkaasi
iyada oo uu gaystay khasaare naf iyo maalba leh.
Dagaalkan u dhaxeeya labada beelood oo saaka dib oga
bilowdey meelihii uu shalay ka dhacay ayaa waxaa ku
nafwaayay 5 nin halka dhaawucuna uu gaarayo dhowr, dagaalkan
ayaa waxa uu ka bilowdey meel barkad biyood laga qadoyay
waxaana uu muranku ka yimid meesha ceelka laga qodoya oo ay
qolona diidan tahay qolona ay rabto in ay meesha ceel ka
qadato.
Dagaalkan ayaa saaka dib u bilowdey ayaa ilaa iyo haatan
socda (markii aan warkan qoreyney) sida ay noo xaqiijiyeen
dad ku sugan degmada buurtinle oo u dhow deegaanka cagaare
oo ah meesha ay labada beelood ku dagaalamayaan.
Dagaalkan oo ay odayaal iyo nabadoono iyo wax garad fara
badan usoo ruqaameen maalintii shalay oo soo gaarey degmada
burtinle ee gobolka nugaal ayaan weli ku guulaysan in ay
joojigaan dagaalka oo ay kala dhex galaan labada beelood ee
dagaalamaya, laakiin arrintaas weli ku guda jira sidii loo
joojin lahaa dagaalkaas.
Yusuf Gaduudow
somalitalk. burintle
Somalia
Itoobiya oo weydiisatey Turkigu in uu Ciidamo u diro Soomaaliya
Ra'iisul wasaaraha Itoobiya,
Meles Zenawi, ayaa waxa uu ra'iisul wasaaraha Turkiga, Recep
Tayyip Erdogan, weydiistey in dalka Turkigu uu tixgelin
siiyo in uu ka qayb qayb qaato ciidamo Qaramaad Midoobey ah
oo loo diro Soomaaliya, haddii lagu guul daraysto ciidamada
Afrikaanka ee loo dirayo Soomaaliya, sidaas waxaa qoray
jariidada Turkish Daily News, wararkeedii Sabti Feb 10,
2007. Zenawi waxa uu Turkiga booqasho ku tegey Arbacadii la
soo dhaafay. Waxaa warku intaas ku daray in sarkaal ka
tirsan xukuumada Turkigu uu jariidada Turkish Daily u
sheegay in dalka Turkigu uusan danaynay in uu ciidamo u diro
Soomaaliya. Halkaas waxaa ka muuqada in Itoobiya ay u
muuqato mid ka rajo dhigtay in Soomaaliya loo diro Ciidamo
Nabad Ilaalin ah oo Afrikaan ah oo wax ka qaban kara xaalada
cakiran ee Soomaaliya. [Akhri:Ethiopia
requests Turkish soldiers in Somalia ]
Melez Zenawi oo walwal ka
muujisay qaraxyada iyo…
Wararka naga soo gaaraya magaalada Adis-Ababa ee dalka
Itoobiya ayaa waxay sheegayaan in Dowladda Itoobiya ay si
weyn walwal uga muujisay qaraxyada iyo weerarada ka soo
cusboonaaday dalka Soomaaliya xili ay ciidamada Itoobiya
xoogooda ka sii baxayaan.
Mucaaradka dalka Itoobiya
ayaa maalmahan waxaa ka soo yeerayey hadalo kulul oo
Dowladda Meles Zenawi loogu sheegayo in markii hore ku
qaldamay in Ciidamada Itoobiya ay galaan gudaha dalka
Soomaaliyaa, waxay kaloo sheegeen in Dowladdu ay mas’uul ka
noqon doonto askarta ku dhimaneysa gudaha dalka Soomaaliya,
iyagoo sheegay in Meles uu garab siiyey mid ka mid ah
garabyada isaga soo horejeedda Soomaaliya.
Mucaaradku waxa uu Dowladda
Itoobiya ka codsaday in sida ugu dhaqsiyaha badan ciidamada
Itoobiya looga soo saaro Soomaaliya. “Waan ogeyn in
Maxaakiimtu aysan halis ku aheyn dalka Itoobiya, balse Meles
waxa uu fuliyey danaha dalka Mareykanka oo uu ku helay
malaayiin Doolar oo aan weli gaarin ciidamada Itoobiya” ayey
yiraahdeen qaar ka mid ah mucaaradka dalka Itoobiya oo sidoo
kale aad uga xumaaday dad u dhashay Oromo lagu xasuuqay
dalka Soomaaliya, kuwaas oo mudo 30 sano ah xaqooti ku ahaa
dalka Soomaaliya, kuwaas oo horey uga cararay taliskii
Mingiste.
Dowladda Itoobiya ayaa
haatan qorsheyneysa sidii ay u bedeli lahaa siyaasadda Dalka
Soomaaliya, waxaana soo gaaraya cadaadis. Ra’isul Wasaaraha
dalka Itoobiya Meles Zenawi ayaa sheegay in ciidamadiisu
aysan sugi doonin ciidamada nabad ilaalinta ah ee imaanaya
dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in Ciidamada Itoobiya ay
gebi ahaanba ka bixin doonaan dalka Soomaaliya. Ra’isul
Wasaaraha dalka Itoobiya Meles ayaa waxaa maalin walba
gaaraya fariimo la xiriira dagaalada ka soo cusboonaaday
gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho oo
maalin walba lagu weerarayo Ciidamada Itoobiya, iyadoo
Dowladda Federaalka ahna ay dib ugu guraneyso Magaalada
Baydhabo ee gobalka Baay.
Dowladda Mareykanka oo
ka walwalsan arrimaha ka soo cusboonaadey Magaalada Muqdisho..
Dowladda Mareykanka ayaa la yaab ku noqotay markii
shaashadaha caalamka laga daawaday dad Soomaali ah oo
banaanbax ka sameeyey magaalada Muqdisho, kuwaas oo si aad
ah uga soo horjeeda ciidamada Itoobiya iyo waliba Ciidamada
shisheeye ee la damacsan yahay in la keeno dalka Soomaaliya.
Banaanbaxaasi waxaa hadalo ka jeediyey dad isku magacaabay (Dhaqdhaqaaqa
Muqaawamada Shacabka Soomaaliyeed), waxayna halkaasi ka
ballanqaadeen in ay sii wadi doonaan qaraxyada iyo dagaalada
ay kula jiraan cidamad Itoobiya.
Dowladda Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inay aad uga
walwalshay in Muqdisho mar kale isku bedesho goob halis ah
oo ay sheegeen in ay ku xoogeysanayaan waxa ay ugu yeereen
kooxaha argagixisada ah, iyadoo Dowladda Federaalka ah ay
wax ka qaban la’ dahay ama ay joojin la’ dahay qaraxyadaasi.
Dowladda Mareykanka ayaa horey lacag ay u bixisay oo loogu
talagalay dib u dhiska dalka Soomaaliyeed, waxay maalintii
shalay ahayd ku dartay 60-Milyan oo ay sheegtay in ay ugu
talagashay ciidamada Nabad ilaalinta, hase yeeshee
Dowladihii horey u ballanqaaday ayaa waxay sheegeen in aysan
ku dhiiran Karin inay hawl nabadeed ka sameeyaan Soomaaliya.
Dowladda Federaalka ah
oo ka hadashay Qaraxyadii shaley ka dhacay.
Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Salaad Cali Jeele ayaa
maalintii sabtida ahayd ka hadlay qaraxyadii isdaba jooga
ahaa ee shalay harqiyey Magaalada Muqdisho oo ay waxyeelo ka
soo gaartay dad badan, waxa uuna wasiir ku xigeenku sheegay
in Dowladdu iska difaacday kooxahaasi oo uu sheegay inay
doonayeen in ay carqaladeeyaan Magaalada.
Wasiir ku xigeenku waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka ah
u caddaatay in Magaalada Muqdisho ay ku soo bateen wax uu
ugu yeeray kooxaha argagixisada ah, waxa uuna sheegay in
Dowladdu ay dagaal xoog leh la geli doonto kooxhaasi, kaddib
markii ay la tashiyo la sameeyeen waxgaradka ku dhaqan
Magaalada muqdisho.
Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa haatan u muuqda kuwi ku
sii uruuraya xarumahoodii iyagoo ka cabsanaya in ay weeraro
kaga yimaadaan kooxaha muqaawada-mada ah.
Dad fara badan oo
bilaabay inay ka qaxaan Qaraxyada ka soo cusboonaadey..
Iyadoo magaalada Muqdisho maalmahan ay wehel ku noqotay
qaraxyada iyo dagaalada ka soo cusboonaaday ayaa haatan dad
fara badan waxay bilaabeen in ay ka qaxaan magaalada
Muqdisho iyadoo dadkaan xoogooda ku baxayaan deegaanada ku
dhow magaalada Muqdisho, gaar ahaan Lafoole iyo Ceelashada
Biya.
Dadka qaxaya ayaa waxaa u badan qoysas u adkeysan waayey
qaraxyada iyo madaafiicyada ay is weydaarsanayaan labada
dhinac, iyadoo maalin walba ay dagaaladaani ku dhaawacmaan
dad fara badan oo aan waxba galabsan, kaddib markii ay
guryahooda ugu tageen hoobiyayaal la tuurayey.
Magaalada Muqdisho ayaa waxay 16 sanadkii soo martay
dhibaatooyin kala duwan oo marnaba heer soomarayey, ilaa iyo
aaqiritaankii ciidamo Itoobiyaan ah soo galaan dalka oo ay
yimaadaan Magaalada Muqdisho, markaas oo ay bilowdeen
qalalaasooyin
Warbixin ku saabsan
qaraxyadii Sabtidii Gilgiley Magaalada Muqdisho ...
Waxaa maalintii shalay (Sabtidii) ahayd Magaalada Muqdisho
gilgilay madaafiic iyo qaraxyo qaarkood lala beegsaday goobo
ay ku sugan yihiin ciidamada itoobiya iyo kuwa Dowladda
Federaalka ah.
Madaafiicdaasi ayaa waxaa ka mid ah goobihii ay ka dhaceen
garoonka diyaaradaha magalada Muqdisho oo la sheegay inay ku
dhaawacmeen labo qofood, sidoo kale madfac kudhacay hotel
Kaah oo uu ka socday shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed
ayaa isna waxaa ku dhintay gabar yar oo taagneed banaanka
hore ee hoteelka, hase yeeshee hawshii shirkaasi ma is
taagin. Sidoo kale madaafiicdaani waxay ku dhaceen agagaarka
Kuliyaddii Jaale Siyaasd iyo agagaarka Dayniile waxaa ku
dhintay afar qofood, sidoo kale madfac ayaa isna ku habsaday
Suuqa xoolaha oo isna gaystay dhaawac afar qofood ah.
Shalay ayay ahayd maalintii ugu qaraxyada badneyd magaalada
Muqdisho, waxayna qaraxyadaani maalin kadib ku soo beegmeen
iyadoo maalintii doraad ahayd urur isku magacaabay
dhaqdhaqaaqa muqaawamada xoreynta Soomaaliya uu sheegtay
qaraxyadii iyo weeraradii lagu hayey magaalada Muqdisho,
waxaa kaloo uu sheegay in uu sii wadi doono weerarada uu ku
hayo ciidamada itoobiya tan iyo inta ay ka baxaan magaalada
Muqdisho.
Dadweynaha ku nool magaalada Muqdisho ayaa iyagu aad uga
walwalsan dhibaatadaasi, waxana codsadeen in goobaha rayidka
laga joojiyo madafiicda.
Dowladda Federaalka ah
oo xilkii ka qaaday Gen Ismaaciil Qaasim Naaji...
Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo waxay sheegayan
in dowladda Federaalka ah ay xilkii ka qaaday taliyihii
ciidamada xoogga Dalka Soomaaliyeed Ismaaciil Qaasim Naaji,
waxaana loo magacaabay Gen. Max’ed Xuseen (Ina-Libaax-San-ka
taabte).
Wereegto uu saaray Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi ayaa
xilkaasi looga qaaday taliyaha, lamana faahfaahin sababaha
looga qaaday, balse warar ayaa waxay sheegayaan in uu
taliyaha codsaday in laga qaado xilka, iyadoo la sheegay in
uu xanuunsan yahay, waxaana la sheegay in taliyaha loo
magacaabay Safiirka Cumaan u fadhiya Soomaaliya.
Ra’isul Wasaaraha ayaa maalmahan waday magacaabista Wasiiro
iyo wasiir ku xigeeno iyo waliba agaasimayaal iyo
danjirayaal, mar la wareystayna waxa uu sheegay Ra’isul
Wasaruhu in uu dedejin doono dardargelinta hawlaha si ay u
dhameystirmaan haygalka dowladnimo.
Ra’isul Wasaaraha ayaa waxay dhaleeceyn uga timid qaar ka
mid ah dadkii uu xilka ka qaaday, waxaana ugu cadcad
wasiirkii hore ee caafimaadka C/risaaq Sheekh Yuusuf oo
iysagu warqad ashkato ah u gudbiyey Baarlamaanka Federaalka
ah.
Mareykanka oo doonaya
in dalka Yemen Martigeliso kulanka dib u heshiisiinta ...
Dowladda Mareykanka oo iyadu maalmahan ku hawlaneyd sidii
xal loogu heli lahaa arrimaha Soomaaliya ayaa waxaa la
sheegay in ay uu aad u daneynayo in shirka Dib u
heshiisiinta qaranka Soomaaliyeed lagu qabto dalka Yemen si
halkaasi loogu dhiso dowlad Soomaaliyeed.
Mareykanka ayaa hadalkaan ka sheegay shir maalmahan ka
socday dalka Tansaaniya oo ay isugu yimaadeen kooxda lagu
magacaabo Contact Group, waxaana la filayaa in dalka Yemen
ay dhawaan booqdaan kooxdaasi dalka Yemen si ay Dowladda
Yemen iskula meel dhigaan qaabka ugu haboon ee shir dib
heshiisiin ah loogu qaban karo shacabka Soomaaliyeed.
Dalka Yemen ayaa haatan waxaa ku sugan mas’uuliyiin ka
tirsan Maxaakiimta Islaamiga ah oo ugu horeeyo guddoomiyihii
guddiga Fulinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo isagu
martiqaad ka helay dowladda wadankaasi.
Dowladda Yemen aya iyadu beenisay warar ay faafiyeen
saxaafadda oo sheegayey in Sheekh Shariif uu magangalyo
siyaasadeed weydiistay dalkaasi, hase yeeshee wasiirka
arrimaha dibadda ee Yemen ayaa waxa uu sheegay in wararkaasi
ay ahaayeen kuwo aan sal iyo baar toona laheyn, isagoo
sheegay in Sheekh Shariif uu wixii dib u heshiisiinta ah ka
dhex wado dalka Yemen si loo dhameeyo xaaladda murugsan ee
Soomaaliya.
Shariif Xasan oo ku sii
jeeda dalka Yaman ..
Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh
Aadan ayaa ku sii jeeda dalka Yemen, halkaas oo la filayo in
uu kulamo kula yeesho guddoomiyaha golaha fulinta ee
Maxaakiimta Sheekh Shariif.
Shariif Xasan ayaa la filayaa in uu Sheekh Shariif la soo
qaado sida xal loogu heli karo xaaladda Soomaaliya, iyadoo
Shariif Xasan uu horey u ballanqaaday in uusan marnaba ka
caajisi doonin dib u heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed, waxa
uuna sheegay in uu weli yahay guddoomiyaha rasmiga ah ee
Golaha Baarlamaanka.
Shariif Xasan ayaa waxaa dhawaan xilka ka qaaday
baarla-maanka waxaa lagu bedelay Sheekh Aadan Madoobe,
iyadoo marka uu tago Shariif Xasan Magaalada Sanca iyo dalka
Yemen uu Dowladdaasi la soo qaadi doono sidii nabad loogu
soo dabaali lahaa dalka Soomaaliya.
Gudoomiyaha ayaa waxaa horey u sii raaci doona toban xubnood
oo ka tirsan Golaha Baarlamaanka oo weli ku sugan dalka
Jabuuti.
Tacaddigii
Saami Xaaji iyo Xabsiga Guantanamo
Munaasabad loogu Boroordiiqayey oo ka dhacdey Muqdisho
Saalim Muxiidiin Axmed waxaa uu ku dhashay Magaaladda
Kharduum 25 Feb 1969-kii waxaa uu aabihii ula wareegay
magaaladda Sinaar oo ku taala badhtamaha sudaan haalkaas oo
uu aabihii ku ganacsan jiray. Wax barashadiisii hoose illaa
sare waxaa uu ku qaatey Magaaladda Sinaar,dabadeedna waxaa
uu u safray dalka Hindia halkaas oo uu shahaadada Majisteer
uu ku qaatey, Suugaanta luuqadda Ingiriiska. Waxaa kale oo
uuu saami uu ka soo qaatey isla dalka hindia Shahaado ah
Aqoonta Computer-ka. Wax yar kadib markii uu soo qalin
jabiyey waxaa geeriyootey hooyadiis waxaana uu dib ugu soo
safray dalka Imaaaradka Carabta.halkaas oo uu ka helay shaqo
Shirkadda Romat International ee wax soo dajinta. Dib usoo
laabashadiisii waxaa uu bartey habka sawir qaadida.
Warkan oo dhan Akhri....
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Ciyaaryahan Samuel Eto'o iyo Soomaali xagee iska soo galaan?
Waxaa maanta ku soo qaadanaynaa bogeenna Falanqeynta
Taariikhaha ciyaartoyda Dunida Laacibka Weyn ee Weerarka uga
ciyaara kooxda Barcelona iyo Xulka Qaranka Cameroon ee
Magiciisu cirka isku shareeray ee Samuel Eto'o oo aan
idinkaga hayno macluumaad dheeraad ah.
Xidiggan oo magiciisa oo buuxa uu yahay "Samuel Eto'o Fils"
waxa uu 10-kii March 1981-kii uu ku dhashay halka lagu
magacaabo Nkon oo ku taalla Dalka Cameroon, dhererkiisu waa
1.79m, (5'11"), waxaa lagu naanaysaa Pantera Negra (Black
Panther/ Shabeel-kii Madoobaa!!), waxa uu weeraryahankani
hibo u leeyahay Boos qaadashada marka ay baadi goobayaan
meel ay Kubadda u tuuraan iyo Laadadkiisa awoodda leh,
taasoo keentay in 3-sano oo xiriir ah uu ku guuleysto
Xiddignimada Q/Afrika. Akhri
qoraalka oo dhan....
Faafin: SomaliTalk.com |
Feb 11, 2007
Warar ku saabsan Sanaag (Ceerigaabo oo nin ku dhintey,
Badhan oo heshiis lagu gaarey iyo Xingalool oo maamul loo
sameynayo iyo Dadaalka dhuxul joojinta)
Ceergaabo:-
Magaalo madaxda Gobolka Sanaag ayaa maalintii shalay ahayd
waxa ku geeryoodey nin dhallinyaro ah, halka mid kalena ay
dhibaato xoog lihi soo gaadhey, arintan ayaa markii hore
dadweynuhu aad ugu wareereen sababta ka danbaysey.
Akhri....
Dowlada
FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha
Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya...
Waxaa dhowaanahanba isa
soo tarayey ceelal shidaal ah oo laga baarayo deeganada
xadka Soomaaliya oo ay dowlada kenya ku guda jirto,
islamarkaana ay wararku tibaaxeen in meelaha ay ka baarayso
ay yihiin deegaano ku yaala gudaha wadanka soomaaliya, ayaan
waxaan dadaalo dheeraad ah u galay bal si aan wax uga ogaado
arrintan sida ay u aragto dowlada kmg ah ee Soomaaliya.
Akhri
warka oo dhan....
Qaraxyo Lala
Beegsaday Hotel Global
.Madaxwaynaha DGPL oo kusoo laabtay Boosaaso....
.Ciidamada Itoobiya oo ka soo baxay Kismaanyo iyo Jilib..
.Muqdisho: Urur sheegtey in uu ka dambeeyey Qaraxyada
.Geele oo sheegay in dalkiisa ku soo dhaweynayo Saraakiishii
.Beelaha Sacad iyo Suleymaan oo heshiis uga furmay..
Wararka oo dhan ka akhri
halkan.... Feb 10
WARBIXIN
KU SAABSAN XAALADDA YAASIIN KILWE OO KU XIRAN BERBERA
Dhahar:- Yaasiin Kilwe
Cismaan waxa uu ku dhashay kuna soo barbaaray degmad Dhahar
ee gobolka sanaag sanadku markuu ahaa 1981kii, waxa uu ku
soo qaatay waxbarasha asaasiga ah dugsiga H/Dhexe ee degmada
Dhahar, waxa uu markii ugu danbaysayna arday ka ahaa
Jaamacadda bariga Afrika ee Boosaaso, sanadii 2003 bishii
11aad isaga oo ku jira fasax ayuu safar u aaday magaalada
Hargaysa, nasiib darro waxaa lagu xiray halkaas, isaga oo
lagu eedeeyay inuu lacag ka soo dhacay meel u dhaxaysa Tog
Wajaale iyo Jigjiga oo ka mid ah kililka shanaad ee
Ethiopia, arrintaasi oo ah mid aan jirin maxkamadduna ay
waxba ku wayday sida ay caddaysay 05/06/2006 dii.
AKhri warkan oo dhan....
Zakariya
Xaaji:-Waa In Loo Diyaargaroobaa Sidii Tegreega Dalka Looga Xorayn Lahaa
Xildhibaan Zakariya X.Maxmuud oo isagu ka mid ah guddiga
arrimaha dibada ee Golaha wakiilada, isla markaana xubin
joogta ah ka ah baarlamaanka Carabta ayaa xaflad lagu qabtay
magaalada Dimishiq taas oo lagu soo dhaweynayey xildhibaanka
ka sheegay in ay Soomaalidu u diyaar garowdo sidii ay
dalkooda uga xorayn lahaayeen xoogaga Tegreeyga ee ku soo
duulay.
Xafladan oo ay ka soo qayb galeen dadaweyne aad u tiro badan
iyo xubno ka socday Safaaradda Soomaalida ee dimishiq gaar
ahaan xoghayaha Safaaradda C/raxmaan Barqiya, guddoomiyaha
Jaaliyadda Soomaaliya Fu’aad iyo Shiikh C/casiis Calas ayaa
waxa uu Zakariye ku dheeraaday Taariikhdii soo jireenka
ahayd e u dhaxaysay Shacabka soomaaliyeed iyo Dawladda
Itoobiya ee ay gadhwadeenka ka yihiin qawmiyada Tegreey...Akhri...
Shirkadda
Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay
Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000
lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu
bixisay..
Akhri...
Lacag dhan $3 million
ilaa $7 million oo ay kala Qaybsanayaan Range iyo DGPL
Lacagtaas oo qarsoodi ahayd waxaa
shaaca ka qaaday wargeyska Herald ee ka soo baxa Australia...
Akhri....
Kenya
ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey
baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya...
Akhri...
DGPL oo Caddayn weydey Meesha ay ku Baxeen
Lacagihii ay hore u Bixiyeen Shirkadaha Macdanta
Madaxweyne Cadde Muuse oo ku sugan Dubai oo
kulan la yeeshay shirkadaha ayaa la sheegay
in...
Akhri...
|