SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Warar ku saabsan Sanaag (Ceerigaabo oo nin ku dhintey, Badhan oo heshiis lagu gaarey iyo Xingalool oo maamul loo sameynayo iyo Dadaalka dhuxul joojinta)

Ceergaabo:- Magaalo madaxda Gobolka Sanaag ayaa maalintii shalay ahayd waxa ku geeryoodey nin dhallinyaro ah, halka mid kalena ay dhibaato xoog lihi soo gaadhey, arintan ayaa markii hore dadweynuhu aad ugu wareereen sababta ka danbaysey.

labada nin ayaa laga dhex helay iyagoo midna liito midna meyd yahay gaadhi ay dhex seexan jireen oo ahaa nooca Landcruiser-ka loo yaqaan oo qafilan. gelinkii hore ee shalay ayaa dadku si weyn u baadi goobayeen sababta , hase yeeshee markii uu miyiraday ninkii nolosha lagu helay ayuu sheegay iney baabuurka dhexdiisa ku qayileen isagoo daaqadaha ay wada xidhan yihiin, maadaama ay magaalada Ceerigaabo qabow tahayna ay dab gir-gire ay kusoo qaateen ay ku dhex shiteen, sidaas darteedna ay hawadu ka xidhan tahay , uuna maqlay hadaladii ugu danbeeyey ee saaxiibkii oo leh " daaqadda iga fur ", hase yeeshee anigu aanan waxba awoodayn.

Meydkii ninkii dhintay ayaa shalayba lagu aasay magaalada Ceerigaabo, halka kii kalena lagu baxnaaninayo cusbitaalka magaalada.

Dhanka kalena, waxa isla magaalada Ceerigaabo ka socota wada hadal u furmay labadii beelood ee xurguftu ku dhexmartay aagga Dararweyne, Xasan Aadan Doolaal ayaa warbaahinta u sheegay in si weyn loo rajeynayo is-af-garad wanaagsan, kadib markii ninkii dilka geystey gacanta loo geliyey eheladii marxuumkii ku dhintay dhacdooyinkaas.

Galabta ayaa wada hadaladii loo ballansanaa dib la isugu soo noqday, ka dib markii muddo todobaad ku dhow ay gacanta ku hayeen ninkii falka geystey ehelada marxuumku.

mar aan galabta khadka telefoonka kula xidhiidhnay magaalada Ceergaabo, ayaa la ii sheegay in weli shirkii uu socdo , wax war ahina aanu kasoo bixin.

Badhan:- Magaalada Badhan ayaa lagu soo geba-gebeeyey arrin dhowaan ka dhacday meel ku dhow magaalada Ceelbuh, taas oo ahayd labo inan oo reer miyi ah iney isku dileen oo midkood uu qudh baxay.

dhacdadan ayaa maalmihii la soo dhaafay si isdaba joog ah looga wada hadlayay, waxana ugu danbayntii la isla afgartay in wiilkii falka dilka ah geystey gacanta loo geliyo qoyskii dhibbanaha ahaa.

Maalintii Khamiistii ayaa lagu wareejiyey eheladii marxuumka, iyaguna isla meeshii ayey dib ugu celiyeen. maadaama si sharfle loogu wareejiyey ayey akhyaartaasi doorteen iney mag qaataan, taasoo amminta sidii la isula waafaqi lahaa lagu guda jiro.

dhanka kalena, riiggii ayaa shaqadiisii meel fiican marinaya , mar aan dad ku dhow-dhow waraystay ayaa la ii sheegay inuu qodaalku marayo in ka badan 125 mitir, rajo weynna lagu qabo in la gaadh biyo macaan, maadaama qodaalku marayo meel mamac ah.

Xingalool:- Magaalada Xingalool ayaa beryahan waxa ka socdey dadaal loogu jiro in maamul loo sameeyo, ka dib markii maamul goboleedka Puntland u magcawday degmo.

wararkii ugu danbeeyey ee halkaas naga soo gaadha ayaa sheegaya in la isku af-gartay in maamul la dhiso, hase yeeshee markii qaybsigii maamulka la gaadhay ay qoysaska qaarkood ka biyo diideen, taasoo keentay aakhirkii iney ka insixaabaan shirarkii tashiga ahaa.

lama garanyo iney dib madasha ugu soo noqon doonaan iyo iney sidaas ku tegayaan, waxa kale oo aan la saadaalin karin in qoysaska kale ay sii wadan doonaan hawlaha maamul samaynta.

Dadaal Dhuxul Joojineed oo si weyn uga socda meelo ka mid dhulka xeebta u jeeda ee gobolka Sanaag.

waxa dhowaan si weyn loo bilaabay dadaal dhuxul jooojineed oo lagu doonayo in aagga ay degaan beelaha Gaashaan buur ay ku dabar goynayaan gubidda iyo goynta dhirta, arintaas ayaa si weyn loogu ammaanay bulshada ku hawllan arintaasi , waxayna ka soo hooyeen guulo wax ku ool ah.



Inj. Aadan Xaaji Saalax oo dhowaan booqday aaggaasi ayaa sheegay in go'aanno laga qoray intaan hawsha la gelin lagu guulaystey fulintooda, taasoo keentay in si adag looga hortago xaalufinta dhulka.

guddida arimahaas u xil saaran ayaa sidan ah :

1-C/laahi Xasan Cali
2-Maxamed Xasan Maxamuud
3-Maxamed Maxamuud Guure
4-Faarax Maxamed Shoocaar
5-Bashiir Maxamed Shoocaar
6-Warsame Cabdi Khayre
7-Siciid Maxamed Muuse
8-Maxamed Jaamac Cabdi
9-Axmed Jaamac Cabdi
10-Maxamed Ciise Cali
11-Cali Nuur Cali
12-Guure Huruuse
13-Cali Siciid Maxamed
14-C/laahi Maxamed Barre
15-Cabdi Shire Guuleed
16-Cabdi Cabdalle Awaare
17-Axmed Faarax
18-Maxamed Maxamuud Axmed
19-Maxamuud Axmed Cali
20-C/laahi khayre
21-Muuse Gegaweel

Waxaa madax u ah C/laahi Xasan Cali (Luga Xeedho) Tel# 729262

Maxamuud Ciyoon/Cabdirisaq MX Cali
Email: ciyoon10@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 11, 2007


Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya...
Waxaa dhowaanahanba isa soo tarayey ceelal shidaal ah oo laga baarayo deeganada xadka Soomaaliya oo ay dowlada kenya ku guda jirto, islamarkaana ay wararku tibaaxeen in meelaha ay ka baarayso ay yihiin deegaano ku yaala gudaha wadanka soomaaliya, ayaan waxaan dadaalo dheeraad ah u galay bal si aan wax uga ogaado arrintan sida ay u aragto dowlada kmg ah ee Soomaaliya.
Akhri warka oo dhan....


WARBIXIN KU SAABSAN XAALADDA YAASIIN KILWE OO KU XIRAN BERBERA

Dhahar:- Yaasiin Kilwe Cismaan waxa uu ku dhashay kuna soo barbaaray degmad Dhahar ee gobolka sanaag sanadku markuu ahaa 1981kii, waxa uu ku soo qaatay waxbarasha asaasiga ah dugsiga H/Dhexe ee degmada Dhahar, waxa uu markii ugu danbaysayna arday ka ahaa Jaamacadda bariga Afrika ee Boosaaso, sanadii 2003 bishii 11aad isaga oo ku jira fasax ayuu safar u aaday magaalada Hargaysa, nasiib darro waxaa lagu xiray halkaas, isaga oo lagu eedeeyay inuu lacag ka soo dhacay meel u dhaxaysa Tog Wajaale iyo Jigjiga oo ka mid ah kililka shanaad ee Ethiopia, arrintaasi oo ah mid aan jirin maxkamadduna ay waxba ku wayday sida ay caddaysay 05/06/2006 dii.
AKhri warkan oo dhan....


Zakariya Xaaji:-Waa In Loo Diyaargaroobaa Sidii Tegreega Dalka Looga Xorayn Lahaa
Xildhibaan Zakariya X.Maxmuud oo isagu ka mid ah guddiga arrimaha dibada ee Golaha wakiilada, isla markaana xubin joogta ah ka ah baarlamaanka Carabta ayaa xaflad lagu qabtay magaalada Dimishiq taas oo lagu soo dhaweynayey xildhibaanka ka sheegay in ay Soomaalidu u diyaar garowdo sidii ay dalkooda uga xorayn lahaayeen xoogaga Tegreeyga ee ku soo duulay.
Xafladan oo ay ka soo qayb galeen dadaweyne aad u tiro badan iyo xubno ka socday Safaaradda Soomaalida ee dimishiq gaar ahaan xoghayaha Safaaradda C/raxmaan Barqiya, guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliya Fu’aad iyo Shiikh C/casiis Calas ayaa waxa uu Zakariye ku dheeraaday Taariikhdii soo jireenka ahayd e u dhaxaysay Shacabka soomaaliyeed iyo Dawladda Itoobiya ee ay gadhwadeenka ka yihiin qawmiyada Tegreey..
.Akhri...


oilShirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000
lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...


Lacag dhan $3 million ilaa $7 million oo ay kala Qaybsanayaan Range iyo DGPL
Lacagtaas oo qarsoodi ahayd waxaa shaaca ka qaaday wargeyska Herald ee ka soo baxa Australia... Akhri....

oilKenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya... Akhri...

DGPL oo Caddayn weydey Meesha ay ku Baxeen Lacagihii ay hore u Bixiyeen Shirkadaha Macdanta
Madaxweyne Cadde Muuse oo ku sugan Dubai oo kulan la yeeshay shirkadaha ayaa la sheegay in... Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH