SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Feb 11, 2007

  • Weeraro Xalay Loo Gaystay Xarumo Fariisin U Ah Ciidamada Dowlada Kmg Ah Iyo Kuwa Ethiopia..
  • Dagaal Kharaar oo saaka dib oga bilowdey deegaanka cagaare oo uu shalay dagaal ku dhex marey labo beelood.
  • Itoobiya oo weydiisatey Turkigu in uu Ciidamo u diro Soomaaliya
  • Melez Zenawi oo walwal ka muujisay qaraxyada iyo…
  • Dowladda Federaalka ah oo ka hadashay Qaraxyadii shaley ka dhacay.
  • Dad fara badan oo bilaabay inay ka qaxaan Qaraxyada ka soo cusboonaadey..
  • Warbixin ku saabsan qaraxyadii Sabtidii Gilgiley Magaalada Muqdisho ..
  • Mareykanka oo doonaya in dalka Yemen Martigeliso kulanka dib u heshiisiinta ...
  • Shariif Xasan oo ku sii jeeda dalka Yaman ..
  • Tacaddigii Saami Xaaji iyo Xabsiga Guantanamo: Munaasabad loogu Boroordiiqayey oo ka dhacdey Muqdisho

Kismaayo: Bombaano Lagu Qarxiyey Goob ay ka Khudbaynayeen Saraakiil....

KISMAAYO: Feb 11, 2007: Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ayaa tibaaxay in bambaano lagu qarxiyey fagaaraha beerta xorriyada oo ay ka khudbayneynayeen madax sare oo ka tirsan DFKMG, waxaana warku intaas ku daray in afar qof ay halkaas ku dhinteen, ilaa 20 qofna ay ku dhaawacmeen sida ay werisey hay'adda wararka ee Reuters.

Reuters waxay sheegtay in dadka dhaawacmay uu ka mid yahay Generaalka booliska Axmed Maxamed oo ay lug iyo wajiga kaga dhaceen firikii qaraxa. Waxa kale oo dhaawacmay Afar kornayl oo ka tirsan ciidamada militariga Soomaaliya.

Barre Aaden Shire, wasiirka gaashaandhigga DFKMG oo jooga magaalada Baydhabo waxaa laga soo xigtey in uu xaqiijiyey in dad ku dhinteen qaraxa ka dhacay Kismaayo.

Weeraro Xalay Loo Gaystay Xarumo Fariisin U Ah Ciidamada Dowlada Kmg Ah Iyo Kuwa Ethiopia..

Howl-gallo baaritaan ayaa ciidamada dowlada kmg ah iyo kuwa Ethiopia ka bilaabeen agagaarka Isbital Banadir ilaa isgoyska zope ka dib markii xalay halkaasi ay ka dheceen israsaasayn xoogan oo u dhaxaysa kooxo hubaysan iyo ciidamada dowlada kmg ah iyo weliba kuwa ethiopianka ah .

Weeraradan oo loo adeegsaday qoryaha madaafiicda ayaa lala beegsaday xarunta Villa Baydhabo oo fariisin u ah ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiooia, iyadoo ka dibna halkaasi laga maqlayey rasaas xoogan oo la is waydaarsanayey lama oga ilaa iyo iminka khasaaraha ka dhashay qararxyadaas oo ay israsaasayntu weheliso.

Wadooyinka ku dhow dhow xaafadaha isgoyska zope ilaa xaafada Buulo Xuubey ayaa saaka xiran iyadoo halkaasi ay isku gadaameen ciidamada dowlada kmg ah iyo weliba kuwa Ethiopia islamarkaana aysan jirin wax gaadiid ah oo saaka ka shaqaynaya deegaankaas .

Sidoo kale dhaq-dhaqaaqa xaafadahaas ayaa saaka yaraaday kadib markii ay ciidamada dowlada kmg iyo weliba kuwa taageeraya ee ethiopia ay diideen xataa inay dadweynaha lugayyaan, islamarkaana ay sidaa u yaraadeen shacabka ku dhex soconaya deegaanka zope ilaa buulo xuubey .

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com


Dagaal Kharaar oo saaka dib oga bilowdey deegaanka cagaare oo uu shalay dagaal ku dhex marey labo beelood.

Dagaal qaraar oo shalay ku dhexmaray labo beelood deegaanka Lagu magacaabo Cagaarre oo u dhow degmada burtinle ee gobolka nugaal ayaa waxaa uu saaka dib oga bilodey halkaasi iyada oo uu gaystay khasaare naf iyo maalba leh.

Dagaalkan u dhaxeeya labada beelood oo saaka dib oga bilowdey meelihii uu shalay ka dhacay ayaa waxaa ku nafwaayay 5 nin halka dhaawucuna uu gaarayo dhowr, dagaalkan ayaa waxa uu ka bilowdey meel barkad biyood laga qadoyay waxaana uu muranku ka yimid meesha ceelka laga qodoya oo ay qolona diidan tahay qolona ay rabto in ay meesha ceel ka qadato.

Dagaalkan ayaa saaka dib u bilowdey ayaa ilaa iyo haatan socda (markii aan warkan qoreyney) sida ay noo xaqiijiyeen dad ku sugan degmada buurtinle oo u dhow deegaanka cagaare oo ah meesha ay labada beelood ku dagaalamayaan.

Dagaalkan oo ay odayaal iyo nabadoono iyo wax garad fara badan usoo ruqaameen maalintii shalay oo soo gaarey degmada burtinle ee gobolka nugaal ayaan weli ku guulaysan in ay joojigaan dagaalka oo ay kala dhex galaan labada beelood ee dagaalamaya, laakiin arrintaas weli ku guda jira sidii loo joojin lahaa dagaalkaas.

Yusuf Gaduudow
somalitalk. burintle
Somalia


Itoobiya oo weydiisatey Turkigu in uu Ciidamo u diro Soomaaliya

Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Meles Zenawi, ayaa waxa uu ra'iisul wasaaraha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, weydiistey in dalka Turkigu uu tixgelin siiyo in uu ka qayb qayb qaato ciidamo Qaramaad Midoobey ah oo loo diro Soomaaliya, haddii lagu guul daraysto ciidamada Afrikaanka ee loo dirayo Soomaaliya, sidaas waxaa qoray jariidada Turkish Daily News, wararkeedii Sabti Feb 10, 2007. Zenawi waxa uu Turkiga booqasho ku tegey Arbacadii la soo dhaafay. Waxaa warku intaas ku daray in sarkaal ka tirsan xukuumada Turkigu uu jariidada Turkish Daily u sheegay in dalka Turkigu uusan danaynay in uu ciidamo u diro Soomaaliya. Halkaas waxaa ka muuqada in Itoobiya ay u muuqato mid ka rajo dhigtay in Soomaaliya loo diro Ciidamo Nabad Ilaalin ah oo Afrikaan ah oo wax ka qaban kara xaalada cakiran ee Soomaaliya. [Akhri:Ethiopia requests Turkish soldiers in Somalia ]

Melez Zenawi oo walwal ka muujisay qaraxyada iyo…

Wararka naga soo gaaraya magaalada Adis-Ababa ee dalka Itoobiya ayaa waxay sheegayaan in Dowladda Itoobiya ay si weyn walwal uga muujisay qaraxyada iyo weerarada ka soo cusboonaaday dalka Soomaaliya xili ay ciidamada Itoobiya xoogooda ka sii baxayaan.

Mucaaradka dalka Itoobiya ayaa maalmahan waxaa ka soo yeerayey hadalo kulul oo Dowladda Meles Zenawi loogu sheegayo in markii hore ku qaldamay in Ciidamada Itoobiya ay galaan gudaha dalka Soomaaliyaa, waxay kaloo sheegeen in Dowladdu ay mas’uul ka noqon doonto askarta ku dhimaneysa gudaha dalka Soomaaliya, iyagoo sheegay in Meles uu garab siiyey mid ka mid ah garabyada isaga soo horejeedda Soomaaliya.

Mucaaradku waxa uu Dowladda Itoobiya ka codsaday in sida ugu dhaqsiyaha badan ciidamada Itoobiya looga soo saaro Soomaaliya. “Waan ogeyn in Maxaakiimtu aysan halis ku aheyn dalka Itoobiya, balse Meles waxa uu fuliyey danaha dalka Mareykanka oo uu ku helay malaayiin Doolar oo aan weli gaarin ciidamada Itoobiya” ayey yiraahdeen qaar ka mid ah mucaaradka dalka Itoobiya oo sidoo kale aad uga xumaaday dad u dhashay Oromo lagu xasuuqay dalka Soomaaliya, kuwaas oo mudo 30 sano ah xaqooti ku ahaa dalka Soomaaliya, kuwaas oo horey uga cararay taliskii Mingiste.

Dowladda Itoobiya ayaa haatan qorsheyneysa sidii ay u bedeli lahaa siyaasadda Dalka Soomaaliya, waxaana soo gaaraya cadaadis. Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Meles Zenawi ayaa sheegay in ciidamadiisu aysan sugi doonin ciidamada nabad ilaalinta ah ee imaanaya dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in Ciidamada Itoobiya ay gebi ahaanba ka bixin doonaan dalka Soomaaliya. Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Meles ayaa waxaa maalin walba gaaraya fariimo la xiriira dagaalada ka soo cusboonaaday gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho oo maalin walba lagu weerarayo Ciidamada Itoobiya, iyadoo Dowladda Federaalka ahna ay dib ugu guraneyso Magaalada Baydhabo ee gobalka Baay.

Dowladda Mareykanka oo ka walwalsan arrimaha ka soo cusboonaadey Magaalada Muqdisho..

Dowladda Mareykanka ayaa la yaab ku noqotay markii shaashadaha caalamka laga daawaday dad Soomaali ah oo banaanbax ka sameeyey magaalada Muqdisho, kuwaas oo si aad ah uga soo horjeeda ciidamada Itoobiya iyo waliba Ciidamada shisheeye ee la damacsan yahay in la keeno dalka Soomaaliya.

Banaanbaxaasi waxaa hadalo ka jeediyey dad isku magacaabay (Dhaqdhaqaaqa Muqaawamada Shacabka Soomaaliyeed), waxayna halkaasi ka ballanqaadeen in ay sii wadi doonaan qaraxyada iyo dagaalada ay kula jiraan cidamad Itoobiya.

Dowladda Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inay aad uga walwalshay in Muqdisho mar kale isku bedesho goob halis ah oo ay sheegeen in ay ku xoogeysanayaan waxa ay ugu yeereen kooxaha argagixisada ah, iyadoo Dowladda Federaalka ah ay wax ka qaban la’ dahay ama ay joojin la’ dahay qaraxyadaasi.

Dowladda Mareykanka ayaa horey lacag ay u bixisay oo loogu talagalay dib u dhiska dalka Soomaaliyeed, waxay maalintii shalay ahayd ku dartay 60-Milyan oo ay sheegtay in ay ugu talagashay ciidamada Nabad ilaalinta, hase yeeshee Dowladihii horey u ballanqaaday ayaa waxay sheegeen in aysan ku dhiiran Karin inay hawl nabadeed ka sameeyaan Soomaaliya.

Dowladda Federaalka ah oo ka hadashay Qaraxyadii shaley ka dhacay.

Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Salaad Cali Jeele ayaa maalintii sabtida ahayd ka hadlay qaraxyadii isdaba jooga ahaa ee shalay harqiyey Magaalada Muqdisho oo ay waxyeelo ka soo gaartay dad badan, waxa uuna wasiir ku xigeenku sheegay in Dowladdu iska difaacday kooxahaasi oo uu sheegay inay doonayeen in ay carqaladeeyaan Magaalada.

Wasiir ku xigeenku waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka ah u caddaatay in Magaalada Muqdisho ay ku soo bateen wax uu ugu yeeray kooxaha argagixisada ah, waxa uuna sheegay in Dowladdu ay dagaal xoog leh la geli doonto kooxhaasi, kaddib markii ay la tashiyo la sameeyeen waxgaradka ku dhaqan Magaalada muqdisho.

Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa haatan u muuqda kuwi ku sii uruuraya xarumahoodii iyagoo ka cabsanaya in ay weeraro kaga yimaadaan kooxaha muqaawada-mada ah.

Dad fara badan oo bilaabay inay ka qaxaan Qaraxyada ka soo cusboonaadey..

Iyadoo magaalada Muqdisho maalmahan ay wehel ku noqotay qaraxyada iyo dagaalada ka soo cusboonaaday ayaa haatan dad fara badan waxay bilaabeen in ay ka qaxaan magaalada Muqdisho iyadoo dadkaan xoogooda ku baxayaan deegaanada ku dhow magaalada Muqdisho, gaar ahaan Lafoole iyo Ceelashada Biya.

Dadka qaxaya ayaa waxaa u badan qoysas u adkeysan waayey qaraxyada iyo madaafiicyada ay is weydaarsanayaan labada dhinac, iyadoo maalin walba ay dagaaladaani ku dhaawacmaan dad fara badan oo aan waxba galabsan, kaddib markii ay guryahooda ugu tageen hoobiyayaal la tuurayey.

Magaalada Muqdisho ayaa waxay 16 sanadkii soo martay dhibaatooyin kala duwan oo marnaba heer soomarayey, ilaa iyo aaqiritaankii ciidamo Itoobiyaan ah soo galaan dalka oo ay yimaadaan Magaalada Muqdisho, markaas oo ay bilowdeen qalalaasooyin

Warbixin ku saabsan qaraxyadii Sabtidii Gilgiley Magaalada Muqdisho ...

Waxaa maalintii shalay (Sabtidii) ahayd Magaalada Muqdisho gilgilay madaafiic iyo qaraxyo qaarkood lala beegsaday goobo ay ku sugan yihiin ciidamada itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka ah.

Madaafiicdaasi ayaa waxaa ka mid ah goobihii ay ka dhaceen garoonka diyaaradaha magalada Muqdisho oo la sheegay inay ku dhaawacmeen labo qofood, sidoo kale madfac kudhacay hotel Kaah oo uu ka socday shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ayaa isna waxaa ku dhintay gabar yar oo taagneed banaanka hore ee hoteelka, hase yeeshee hawshii shirkaasi ma is taagin. Sidoo kale madaafiicdaani waxay ku dhaceen agagaarka Kuliyaddii Jaale Siyaasd iyo agagaarka Dayniile waxaa ku dhintay afar qofood, sidoo kale madfac ayaa isna ku habsaday Suuqa xoolaha oo isna gaystay dhaawac afar qofood ah.

Shalay ayay ahayd maalintii ugu qaraxyada badneyd magaalada Muqdisho, waxayna qaraxyadaani maalin kadib ku soo beegmeen iyadoo maalintii doraad ahayd urur isku magacaabay dhaqdhaqaaqa muqaawamada xoreynta Soomaaliya uu sheegtay qaraxyadii iyo weeraradii lagu hayey magaalada Muqdisho, waxaa kaloo uu sheegay in uu sii wadi doono weerarada uu ku hayo ciidamada itoobiya tan iyo inta ay ka baxaan magaalada Muqdisho.

Dadweynaha ku nool magaalada Muqdisho ayaa iyagu aad uga walwalsan dhibaatadaasi, waxana codsadeen in goobaha rayidka laga joojiyo madafiicda.

Dowladda Federaalka ah oo xilkii ka qaaday Gen Ismaaciil Qaasim Naaji...

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo waxay sheegayan in dowladda Federaalka ah ay xilkii ka qaaday taliyihii ciidamada xoogga Dalka Soomaaliyeed Ismaaciil Qaasim Naaji, waxaana loo magacaabay Gen. Max’ed Xuseen (Ina-Libaax-San-ka taabte).

Wereegto uu saaray Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi ayaa xilkaasi looga qaaday taliyaha, lamana faahfaahin sababaha looga qaaday, balse warar ayaa waxay sheegayaan in uu taliyaha codsaday in laga qaado xilka, iyadoo la sheegay in uu xanuunsan yahay, waxaana la sheegay in taliyaha loo magacaabay Safiirka Cumaan u fadhiya Soomaaliya.

Ra’isul Wasaaraha ayaa maalmahan waday magacaabista Wasiiro iyo wasiir ku xigeeno iyo waliba agaasimayaal iyo danjirayaal, mar la wareystayna waxa uu sheegay Ra’isul Wasaruhu in uu dedejin doono dardargelinta hawlaha si ay u dhameystirmaan haygalka dowladnimo.

Ra’isul Wasaaraha ayaa waxay dhaleeceyn uga timid qaar ka mid ah dadkii uu xilka ka qaaday, waxaana ugu cadcad wasiirkii hore ee caafimaadka C/risaaq Sheekh Yuusuf oo iysagu warqad ashkato ah u gudbiyey Baarlamaanka Federaalka ah.

Mareykanka oo doonaya in dalka Yemen Martigeliso kulanka dib u heshiisiinta ...

Dowladda Mareykanka oo iyadu maalmahan ku hawlaneyd sidii xal loogu heli lahaa arrimaha Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay in ay uu aad u daneynayo in shirka Dib u heshiisiinta qaranka Soomaaliyeed lagu qabto dalka Yemen si halkaasi loogu dhiso dowlad Soomaaliyeed.

Mareykanka ayaa hadalkaan ka sheegay shir maalmahan ka socday dalka Tansaaniya oo ay isugu yimaadeen kooxda lagu magacaabo Contact Group, waxaana la filayaa in dalka Yemen ay dhawaan booqdaan kooxdaasi dalka Yemen si ay Dowladda Yemen iskula meel dhigaan qaabka ugu haboon ee shir dib heshiisiin ah loogu qaban karo shacabka Soomaaliyeed.

Dalka Yemen ayaa haatan waxaa ku sugan mas’uuliyiin ka tirsan Maxaakiimta Islaamiga ah oo ugu horeeyo guddoomiyihii guddiga Fulinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo isagu martiqaad ka helay dowladda wadankaasi.

Dowladda Yemen aya iyadu beenisay warar ay faafiyeen saxaafadda oo sheegayey in Sheekh Shariif uu magangalyo siyaasadeed weydiistay dalkaasi, hase yeeshee wasiirka arrimaha dibadda ee Yemen ayaa waxa uu sheegay in wararkaasi ay ahaayeen kuwo aan sal iyo baar toona laheyn, isagoo sheegay in Sheekh Shariif uu wixii dib u heshiisiinta ah ka dhex wado dalka Yemen si loo dhameeyo xaaladda murugsan ee Soomaaliya.

Shariif Xasan oo ku sii jeeda dalka Yaman ..

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku sii jeeda dalka Yemen, halkaas oo la filayo in uu kulamo kula yeesho guddoomiyaha golaha fulinta ee Maxaakiimta Sheekh Shariif.

Shariif Xasan ayaa la filayaa in uu Sheekh Shariif la soo qaado sida xal loogu heli karo xaaladda Soomaaliya, iyadoo Shariif Xasan uu horey u ballanqaaday in uusan marnaba ka caajisi doonin dib u heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed, waxa uuna sheegay in uu weli yahay guddoomiyaha rasmiga ah ee Golaha Baarlamaanka.

Shariif Xasan ayaa waxaa dhawaan xilka ka qaaday baarla-maanka waxaa lagu bedelay Sheekh Aadan Madoobe, iyadoo marka uu tago Shariif Xasan Magaalada Sanca iyo dalka Yemen uu Dowladdaasi la soo qaadi doono sidii nabad loogu soo dabaali lahaa dalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha ayaa waxaa horey u sii raaci doona toban xubnood oo ka tirsan Golaha Baarlamaanka oo weli ku sugan dalka Jabuuti.

Tacaddigii Saami Xaaji iyo Xabsiga Guantanamo
Munaasabad loogu Boroordiiqayey oo ka dhacdey Muqdisho

Saalim Muxiidiin Axmed waxaa uu ku dhashay Magaaladda Kharduum 25 Feb 1969-kii waxaa uu aabihii ula wareegay magaaladda Sinaar oo ku taala badhtamaha sudaan haalkaas oo uu aabihii ku ganacsan jiray. Wax barashadiisii hoose illaa sare waxaa uu ku qaatey Magaaladda Sinaar,dabadeedna waxaa uu u safray dalka Hindia halkaas oo uu shahaadada Majisteer uu ku qaatey, Suugaanta luuqadda Ingiriiska. Waxaa kale oo uuu saami uu ka soo qaatey isla dalka hindia Shahaado ah Aqoonta Computer-ka. Wax yar kadib markii uu soo qalin jabiyey waxaa geeriyootey hooyadiis waxaana uu dib ugu soo safray dalka Imaaaradka Carabta.halkaas oo uu ka helay shaqo Shirkadda Romat International ee wax soo dajinta. Dib usoo laabashadiisii waxaa uu bartey habka sawir qaadida. Warkan oo dhan Akhri....

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Ciyaaryahan Samuel Eto'o iyo Soomaali xagee iska soo galaan?

Waxaa maanta ku soo qaadanaynaa bogeenna Falanqeynta Taariikhaha ciyaartoyda Dunida Laacibka Weyn ee Weerarka uga ciyaara kooxda Barcelona iyo Xulka Qaranka Cameroon ee Magiciisu cirka isku shareeray ee Samuel Eto'o oo aan idinkaga hayno macluumaad dheeraad ah.

Xidiggan oo magiciisa oo buuxa uu yahay "Samuel Eto'o Fils" waxa uu 10-kii March 1981-kii uu ku dhashay halka lagu magacaabo Nkon oo ku taalla Dalka Cameroon, dhererkiisu waa 1.79m, (5'11"), waxaa lagu naanaysaa Pantera Negra (Black Panther/ Shabeel-kii Madoobaa!!), waxa uu weeraryahankani hibo u leeyahay Boos qaadashada marka ay baadi goobayaan meel ay Kubadda u tuuraan iyo Laadadkiisa awoodda leh, taasoo keentay in 3-sano oo xiriir ah uu ku guuleysto Xiddignimada Q/Afrika. Akhri qoraalka oo dhan....

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 11, 2007

Warar ku saabsan Sanaag (Ceerigaabo oo nin ku dhintey, Badhan oo heshiis lagu gaarey iyo Xingalool oo maamul loo sameynayo iyo Dadaalka dhuxul joojinta)
Ceergaabo:- Magaalo madaxda Gobolka Sanaag ayaa maalintii shalay ahayd waxa ku geeryoodey nin dhallinyaro ah, halka mid kalena ay dhibaato xoog lihi soo gaadhey, arintan ayaa markii hore dadweynuhu aad ugu wareereen sababta ka danbaysey. Akhri....


Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya...
Waxaa dhowaanahanba isa soo tarayey ceelal shidaal ah oo laga baarayo deeganada xadka Soomaaliya oo ay dowlada kenya ku guda jirto, islamarkaana ay wararku tibaaxeen in meelaha ay ka baarayso ay yihiin deegaano ku yaala gudaha wadanka soomaaliya, ayaan waxaan dadaalo dheeraad ah u galay bal si aan wax uga ogaado arrintan sida ay u aragto dowlada kmg ah ee Soomaaliya.
Akhri warka oo dhan....


Qaraxyo Lala Beegsaday Hotel Global
.Madaxwaynaha DGPL oo kusoo laabtay Boosaaso....
.Ciidamada Itoobiya oo ka soo baxay Kismaanyo iyo Jilib..
.Muqdisho: Urur sheegtey in uu ka dambeeyey Qaraxyada
.Geele oo sheegay in dalkiisa ku soo dhaweynayo Saraakiishii
.Beelaha Sacad iyo Suleymaan oo heshiis uga furmay..
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Feb 10


WARBIXIN KU SAABSAN XAALADDA YAASIIN KILWE OO KU XIRAN BERBERA

Dhahar:- Yaasiin Kilwe Cismaan waxa uu ku dhashay kuna soo barbaaray degmad Dhahar ee gobolka sanaag sanadku markuu ahaa 1981kii, waxa uu ku soo qaatay waxbarasha asaasiga ah dugsiga H/Dhexe ee degmada Dhahar, waxa uu markii ugu danbaysayna arday ka ahaa Jaamacadda bariga Afrika ee Boosaaso, sanadii 2003 bishii 11aad isaga oo ku jira fasax ayuu safar u aaday magaalada Hargaysa, nasiib darro waxaa lagu xiray halkaas, isaga oo lagu eedeeyay inuu lacag ka soo dhacay meel u dhaxaysa Tog Wajaale iyo Jigjiga oo ka mid ah kililka shanaad ee Ethiopia, arrintaasi oo ah mid aan jirin maxkamadduna ay waxba ku wayday sida ay caddaysay 05/06/2006 dii.
AKhri warkan oo dhan....


Zakariya Xaaji:-Waa In Loo Diyaargaroobaa Sidii Tegreega Dalka Looga Xorayn Lahaa
Xildhibaan Zakariya X.Maxmuud oo isagu ka mid ah guddiga arrimaha dibada ee Golaha wakiilada, isla markaana xubin joogta ah ka ah baarlamaanka Carabta ayaa xaflad lagu qabtay magaalada Dimishiq taas oo lagu soo dhaweynayey xildhibaanka ka sheegay in ay Soomaalidu u diyaar garowdo sidii ay dalkooda uga xorayn lahaayeen xoogaga Tegreeyga ee ku soo duulay.
Xafladan oo ay ka soo qayb galeen dadaweyne aad u tiro badan iyo xubno ka socday Safaaradda Soomaalida ee dimishiq gaar ahaan xoghayaha Safaaradda C/raxmaan Barqiya, guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliya Fu’aad iyo Shiikh C/casiis Calas ayaa waxa uu Zakariye ku dheeraaday Taariikhdii soo jireenka ahayd e u dhaxaysay Shacabka soomaaliyeed iyo Dawladda Itoobiya ee ay gadhwadeenka ka yihiin qawmiyada Tegreey..
.Akhri...


oilShirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000
lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...


Lacag dhan $3 million ilaa $7 million oo ay kala Qaybsanayaan Range iyo DGPL
Lacagtaas oo qarsoodi ahayd waxaa shaaca ka qaaday wargeyska Herald ee ka soo baxa Australia... Akhri....

oilKenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya... Akhri...

DGPL oo Caddayn weydey Meesha ay ku Baxeen Lacagihii ay hore u Bixiyeen Shirkadaha Macdanta
Madaxweyne Cadde Muuse oo ku sugan Dubai oo kulan la yeeshay shirkadaha ayaa la sheegay in... Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH