Wararkii: Feb 7, 2007
Zakariya
Xaaji Maxmuud:-Waa In Loo Diyaargaroobaa Sidii Tegreega
Dalka Looga Xorayn Lahaa.

Xildhibaan Zakariya X.Maxmuud oo isagu ka mid ah guddiga
arrimaha dibada ee Golaha wakiilada, isla markaana xubin
joogta ah ka ah baarlamaanka Carabta ayaa xaflad lagu qabtay
magaalada Dimishiq taas oo lagu soo dhaweynayey xildhibaanka
ka sheegay in ay Soomaalidu u diyaar garowdo sidii ay
dalkooda uga xorayn lahaayeen xoogaga Tegreeyga ee ku soo
duulay.

Xafladan oo ay ka soo qayb galeen dadaweyne aad u tiro badan
iyo xubno ka socday Safaaradda Soomaalida ee dimishiq gaar
ahaan xoghayaha Safaaradda C/raxmaan Barqiya, guddoomiyaha
Jaaliyadda Soomaaliya Fu’aad iyo Shiikh C/casiis Calas ayaa
waxa uu Zakariye ku dheeraaday Taariikhdii soo jireenka
ahayd e u dhaxaysay Shacabka soomaaliyeed iyo Dawladda
Itoobiya ee ay gadhwadeenka ka yihiin qawmiyada Tegreey.

Wuxuuna Zakariye ku celceliyey in shantii qarni ee ugu
danbeeyey uu jiray loolan xoogweyn oo soo bilaabmay xilligii
dagaalkii mucatabka ee ay soo qaadeen xoogaggii kiristaanka
ahaa, kuwaas oo bariga dhexe iyo bariga afrika ku soo
ekeeyey.
Kaas oo u dhexeeyey ayuu yidhi , shacabkii muslinka ahaa ee
Soomaaliya ku dhaqnaa ee lagu soo duulay iyo kiristaan soo
adeegsaday Itoobiya.

Wuxuuna shacabka soomaaliyeed gaar ahaan jaaliyaddaha dibada
ku dhaqan ku guubaabiyey in ay isu diyaariyaan Jihad ay kala
hortagaan cadowga dhulkooda ku soo duulay sidii Axmed Guray
iyo Sayid Maxmed C/lle Xasan.
Dhinaca kale wuxuu ku tilmaamay Baarlamaanka Soomaaliya mid
la hayste ah oo gacanta ugu jira saraakiil hoosaadyo ka soo
jeeda qawmiyadda Tigreeyga , kuwaas oo baarlmaanka hadda
jira u yeedhiya hadba waxa ay doonayaan.

Wuxuuna sheegay in hogaanka maanta Soomaaliya ka arrimiyaa
uu dhagar iyo khiyaamo qaran ka galay shacabka Soomaaliyeed,
gacanta aanay waxba ugu jirin, lagulana xisaabtami doono,
wuxuuna sheegay in kuwa hadda u sacabba tumaya gumaysiga
cusub ee Soomaaliya Hantiyey in ay noqondoonaan kuwa ugu
horeeyey ee uu isku rago markay u fududeeyeen wixii ay
waligoodba ku taami jireen oo ahayd siday u soo gaadhi
lahaayeen badweynata hindiya iyo hawadda wanaagsan, taas oo
ay hore gumaysiga isaga hortaageen muddo shan boqol oo sanno
ah awoowayaasheen oo ku hubaysnaa warmo iyo toorayo.
Zakariya Xaaji Maxmuud oo marka uu ka hadlayo warbaahinta
lagu yaqaanay hadallo kulkul ayaanay xafladan wax
dhaafsiisan hadalo dulmar iyo dublumaasiyad ah ka soo
yeedhin.
Asad Caddaani Ibraahim
assadlaska@yahoo.com
C/laahi Yuusuf iyo Geedi
maxay ka kala Aaminsan yihiin dib heshiisiinta…
Madxweyne C/laahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisul wasaare Cali
Max’ed Geedi ayaa si aad ugu aragtii kala duwan qaabka loo
qabnaayo Dib u hashiisiinta Soomaaliyeed, Madxweyne C/laahi
Yuusuf ayaa isagu qabo in Shirka Dib u hashiisiinta lagu
qabto Dalka gudihiisa gaar ahaan meel Nabdoon oo ay ka soo
qaybgalaan Dhamaan Ummadda Soomaaliyeed qeybahooda kala
duwan isla markaanay Goob joog ka noqdaan Beesha Caalamka
sida Qaramada midowbay, Midowga Afrika, IGad, Jaamacdda
Carabta, Midowga Yurub iyo Dalalka daneeya Arimaha
Soomaaliya. [Waxa kale oo madaxweynaha laga soo xigtey in uu
yiri: Qunyar socod iyo xagjir midna la kulmi maayo].
Madaxwaynaha waxaa kaloo
taageersan yahay in kulankaasi oo noqdo mid lagu qaybsado
Awooda Dowladda si loo soo afjaro dhibaatooyinka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Cali
Max’ed Geedi ayaa isagu qaba in kulanka dib u hashiisiinta
uu noqdo mid lagu qabto Dalka gudihiisa ayna qabanqaabiyaan
Gudiga dib u hashiisiinta Qaran, mar uu ka hadalayeey
Siminaar ku saabsan dib u hashiisiinta Soomaaliyeed waxa
uuna sheegay in Dowladda fedaraalka ay aad u taageersan
tahay kulamada ay wado Wasaaradda dib u hashiinsiita
Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaare Cali
Max’ed Geedi waxa uu sheegay in xiligan aysan jirin Cid
Macaarad ku ‘ah Dowlada Soomaaliyeed oo la qaybsata Awooda
Dowlada isagoo sheegay in si aad ah uga soo hojeedo in wax
wad xaajood ah lala galo Maxkamadah islaamiga uu ku
tilmaamay kuwa dambe ka galay Dalka Soomaaliyeed.
Beesha Caalamka ayaa iyagu
qabta in kulanka dib u hashiisiinta lagu qabto meel banaanka
ka ‘ah oo ay ka qaybgalaan Maxkamadha islaamiga maadaama
wali Awoodoodii ay jiro isla markaan Taageero fara badan ku
leeyihiin Dalka gudihiisa iyo dibadiisaba taasoo ay sheegeen
in lagu gaari karo Nabad iyo Xasilooni ka dhalata Gudaha
Waddanka Soomaaliya Mudo 16-Sano ku soo jiray Dagaalo
sokeeye.
C/laahi Yuusuf” Qunyar
socod iyo Xagjir midna la kulmi maayo….
C/laahi Yuusuf Axmed ayaa mar kale ku celiyey inuusan wada
hadal la geli doonin Maxaakiimta islaamiga ah isagoo ku
tilmaamay Masuuliyiinta Maxaakiimta islaamiga ah kuwa
dambiiliyaal ah oo u baahan in Maxkamad la soo taago.
“Masuuliyiinta Maxaa-kiimta xataa uma findinayno wax cafis
ah oo waxaa soo taagaynaa Maxkamad” ayuu iyiri C/laahi
Yuusuf Axmed oo u waramayay Wakaalad wararka Wadanka Yeman
Madaxwayne C/laahi Yuusuf Axmed waxa uu sheegay inuusan la
kulmi doonin Shiikh Shariif isagoo ku tilmaamay Nin horseed
u ahaa Bur-Burka iyo qalalaasaha ka taagan maanta Dalka
Dowlada Maraykanak iyo Midowaga Yurub ayaa iyagu wada dadaal
la doonayo in la ‘iskugu keeno meel Dowlada fedaraalka iyo
Qaar ka mid ah masuuliyiinta Maxaakiimta islaamiga ah iyagoo
arintaani u arka mid xal u keeni karta Xaalada Murugsan ee
Soomaaliya. Sidoo kale siyaasiyiinta Soomaliyeed ayaa iyagu
doonaya in meel la isgu keeni Dowlada iyo Maxaakiimta
islaamiga ah.
Siyaasiin ka tirsan Beesha
Cayr oo doonaya in Dowladda Itoobiya ka dhaadhiciyaan…
Siyaasiyiinta Beesha Cayr oo ka koobnaa 10-Xubnood ayaa u
amababaxay Magaalada Adis-Ababa ka dib markii martiqaad ka
heleen Dowladda Wadankaasi.
Siyaasiyiintan ayaa waxaa la sheegay in uu hogaaminayey Gen
–Max’ed Nuur Galaal waxa uuna martiqaadkani ku yimid markii
kulan ay Muqdisho ku wada yeesheen Wasiirka Arimaha dibada
ee wadanka itoobiya ee Bishii hore soo gaaray Magaalada
Muqdisho waxaana xilgaasi lagu balamay in kulan kale ay Adis-Ababa
ku yeeshaan labada dhinac. Dowlada Itoobiya ayaa waxay
doonaysaa in Beesha Cayr ay ka qayb qaadato Gacan siinta
Dowlada fedaraalka si Nabad loogu soo dabaalo Dalka
Soomaaliya, hase yeeshee Beesha Cayr ayaa ka biyo diidsan
inay wax wada shaqayn la yeelato Dowlada fedaraalka maadaama
C/laahi Yuusuf uu horay u diiday inuu la shaqeeyo
Madaxwaynihii hore ee Dowladii Carta ee C/qaasim Salaad
Xasan.
Beesha Cayr ayaa waxay doonaysaa in Dowlada itoobiya ka
dhaadhiciso in la qabto Shirwayne dib u hashiisiin ah oo
lagu dhiso Dowlad Sal-Balaaran waxaa lagu waramay in Beesha
Cayr ay daneynayso in kulanka kan xiga laga soo qaybgaliyo
Beesha Habar-Gidir (oo dhan).
Dilal iyo Afduub oo
shalay iyo xalay ka dhacay Muqdisho..
Waxaa shalay iyo xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho Dilal
iyo Afduubyo loo geystay Dad aan waxba galabsan.
Waxaa agagaarka Caymiska lagu dilay Tahliil Max’ed Barre oo
ka mid ahaa Shaqaalaha Shirkada CoCa-Cola waxaana dilkaasi
geystay Koox Dablay ah mar uu ku sii jeeday Gurigiisa.
Xalay ayaa isgoyska Baar ubax lagu dilay Wiil Dhalinyaro ah
waxaana dilkiisa ku dhaawacmay labo kale isagana lama
garanyo Cidii ka dambeysay Dilkiisa .
Waxaa iyana Magaalada Muqdisho shalay laga afduubtay mid ka
mid ah Masuuliyiinta Shirkada Hormuud oo lagu Magacaabo
Caynaanshe,
Dhinaca kale waxaa maalintii shalay Agagaarka Vila-Soomaaliya
lagu riday Hoobiya hase yeeshee Hoobiyahaasi wax khasaaro ah
ma geysan waana markii labaad oo weerar Hoobiye lagu qaado
Xarunta Madaxtooyada .
Weerar Hoobiye oo lagu
qaaday Madaxtooyada Soomaaliya..
Shalay barqanimadii ayaa xarunta Villa Soomaaliya ayaa waxaa
lagu weeraray qoriga Hoobiyaha , wuxuuna hobiyahaas ku
dhacay meel ku dhow dugsiga Sare ee Jamaal Cabdi Naasir.
Illaa haatan lama sheegin wax khasaare ah oo uu gaystay
qaraxaas hasa yeeshee af hayeen u hadlay Ciidanka Boliiska
ayaa sheegay in kooxihii ka danbeeyay Qaraxaas lagu raad
joogo, waana markii labaad ee dhinaca Hoobiyaha loogu gaysto
xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, wuxuuna Hoobiyahan
ku soo beegmay xilli Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf uu ka
maqan yahay Xarunta Madaxtooyada.
Habeen hore ayay ahayd markii weerar loo geystay dekedda
wayn ee magaalada Muqdisho ilaa hadda lama faah faahin
khasaaraha dhabta ah ee uu gaystay weerarkaas hasa yeeshee
qaar ka mid ah maraakiibtii ku sugneed halkaas ayaa isaga
baxsaday.
Dowlada Yeman oo
Caqabado..
Dowladda Yemen oo wada daal ah oo in ay isku keento dowladda
Federaalka ah iyo Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa waxaa ka hor
yimid caqbado waaweyn kaddib markii Dowladda Federaalka ay
ku xirtay waxa uu Shiikh Shariif ka qabanayo dalka Yemen in
loo caddeeyo, sidoo kale Dowladda yemen waxaa ka hor yimid
caqabad ah in wadamada IGAD ay u kala qaybsan yihiin qaabka
loo wajahayo isku keenida ladada dhinac, waxayna qaarkood
soo jeediyeen in Dowladda sideeda loo dhaafo, ciddii loo
baahan yahay in lagu biiryo lagu daro.
Dalka Yemen ayaa la filayaa ini dhawaan ay gaaraan
mas’uuliyiin ka socota wadamada Mareykanka iyo Yurub si ay
Dowladda Yemen iskula soo meeli dhigaan sidii la isaga hor
keeni Maxaakiimta iyo Dowladda Federaalka waxaana lagu
waramay in Sheekh Shariif loo sheegay in inta la xalinayo
arrimaha uu ku sii nagaado dalka.
Qaraxyo iyo weeraro
xalay loo gaystay xerooyin ku yaal…
xalay ayaa magaalada Muqdisho laga maqlay qaraxyo iyo
weeraro is rasaaseyn ah, waxayna weeraradaasi ka dhaceen
agagaarka Lambar Afar iyo waliba agagaarka Garoonka
Diyaaradaha, ilaa iyo hadda lama garanayo khasaarihii uu
keenay weerarkaasi, waxaana la sheegay in dad dhaawac loola
cararay isbitaalada magaalada Muqdisho.
Weerarkaani waxa uu ka dambeeyey weeraro is daba joog ah oo
maalmahan ka dhacayey magaalada Muqdisho, kuwaas oo lala
beegsanayey xarumaha ay degan yihiin ciidamada Itoobiya.
Mid ka mid ah
Masuuliyiintii Maxaakiimta oo ay soo bandhigeen Ciidamada
Itoobiya ..
Waxaa maalintii shalay ahayd saxaafadda la hadlay
guddoomiyihii Maxaakiimta Islaamiga ee gobolada Jubbooyinka
Axmed Maxamed Islaan oo dhawaan ay gacanta ku soo dhigeen
ciidamo ka tirsan Itoobiya iyo kuwa federaalka kaddib markii
uu ku dhaawacmay duqayntii ciidamada Maraykanka uu ka
gaystay meelo ka mid ah koofurta Soomaaliya
Axmed Islaan oo ay ka muuqdeen dhaawacyadii soo gaaray ayaa
waxa uu sheegay in si wanaagsan ay ula dhaqmeen ciidamada
Itoobiya intii uu dhaawaca ahaa “Markii hore waxaan u
haystay ciidamada Itoobiya iyo haatan waxa ay yihiin waa
arrin kala duwan waxayna iila dhaqmeen si binu’aadnimada ku
jirto” ayuu Axmed Islaan oo aad uga xumaaday duqayntii
ciidamada Maraykanku ka gaystay Koofurta Soomaaliya oo uu ku
laayay Dad Rayid ah.
Wuxuu sheegay inuu aad u danaynayo inuu daawo ahaan u aado
waddanka Itoobiya isagoo sheegay inuu marka uu soo
caafimaado uu ka qayb gali doono kulanka uu ku baaqay
Cabdullaahi Yuusuf ee dib u heshiisiinta Ummadda
Soomaaliyeed, wuxuuna u soo jeediyay shacabka soomaaliyeed
inay ka qayb qaataan sidii xal looga gaari lahaa arrimaha
Soomaaliya
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 7,
2007
Midowga Yurb oo
si aad ah uga soo horjeeda qaabka ay dowladda u wajahayso
.Iska horimaad ka dhacay Deegaanka Guriceel…
.6-kun oo loo tababarayo Amaanka Magaalada Muqdisho….
.Midowga Yurub oo la filayo inuu Yaman kula kulmo Shiikh
.Geedi oo sheegay in Dowlada ay soo dhaweyneyso in..
Wararka oo dhan
ka akhri halkan... Feb 6
WARBIXIN KU
SAABSAN XAALADDA YAASIIN KILWE OO KU XIRAN BERBERA
Qalab ay haayadda UNESCO
ugu deeqday Wasaarada Waxbarashada Puntland oo Lagu Arkay Suuqa Madow.
Kooxo Hubaysan Oo
Mar Kale Weerar Dekedda Weyn Ee Magaalada Muqdisho
iyo Geeddi oo sheegay in Dalka Gudihiisa Lagu Qabanayo
Shirka Dib U Heshiisiinta Soomaaliya...
Akhri...
Feb 5
Itoobiya oo ku
hanjabtay in aysan sugi doonin Keenista Ciidamada Afrikaanka.
.Dowladda Kenya oo sheegtay inay ku saxsaneyd Celistii..
.Kulan looga hadlayo dib u heshiisiinta oo ka furmaya xamar
.Dowladaha Mareykanka iyo Yemen oo wada dadaal dib u
.Saraakiil ka socotay Uganda oo booqdey gobo ku yaal...
.Kulan looga arisanayey xaaladda nabadgelyo ee muqdisho
.MURAAYO OO HESHAY IN LAGU DAAWEEYO DALKA USA
Wararka oo dhan ka akhri halkan....
Feb 5
Sweden:
Mudaaharaad Looga Soo Horjeedo Ethiopia...
Mudaharaadkaas oo ka dhacay caasimada Stockholm
Akhri...
C/llaahi Yuusuf
iyo Geedi oo isku mari la’ qaabka loo wajahayo Dib u heshiisiinta..
.C/llaahi Yuusuf oo
beesha caalamka ku eedeeyey in ay...
.Sheekh Shariif iyo diyaar garowga imaanshihiisa Yaman
.Dowladda Mareykanka oo taageertay mowqfika Italy..
.Xarunta Ismaaciil Jimcaale oo Cambaareysey dilkii Col Khalaf
.SOMALIDA QURBAHA OO KU KULANSAN STOCKHOLM
Wararka oo dhan
ka akhri halkan... Feb 4
Shir looga
hadlaayey Tacadiyada ka dhanka ah haweenka oo lagu qabtey Xarunta PDRC ee
Garoowe.
BAAQ
KASOO BAXAY XARUNTA XORIYO EE NABADDA IYO WADA-JIRIDDA
Tuulada
Galooley Daa'uud oo laga furay Dugsi Cusub
Gabar
Soomaaliyeed oo Muddo Dheer La ildaran Wadne Xanuun oo Gargaar Codsaneysa...
Akhri...
Shirkadda
Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay
Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000
lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu
bixisay..
Akhri...
Lacag dhan $3 million
ilaa $7 million oo ay kala Qaybsanayaan Range iyo DGPL
Lacagtaas oo qarsoodi ahayd waxaa
shaaca ka qaaday wargeyska Herald ee ka soo baxa Australia...
Akhri....
Kenya
ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey
baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya...
Akhri...
DGPL oo Caddayn weydey Meesha ay ku Baxeen
Lacagihii ay hore u Bixiyeen Shirkadaha Macdanta
Madaxweyne Cadde Muuse oo ku sugan Dubai oo
kulan la yeeshay shirkadaha ayaa la sheegay
in...
Akhri...


|