SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BALCAD
Daabaco Boggan | Print

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya...
Akhri..

oil
Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000

lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...


Tuulada Gololey Daa’uud  oo laga furay Dugsi Cusub

Febraayo 2, 2007 ayaa markii ugu horreysay laga furay Tuulada Gololey Daa’uud ee Degmada Balcad Dugsi Hoose Dhexe oo ay dhiseen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Britain.

Iskuulkaan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo loo dhiso dadka ku dhaqan tuulada Gololey Daa’uud oo ka tirsan Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellada dhexe, waxaaan iskuulkaan uu noqonayaa iskuulkii ugu horreeyay oo ay nasiib u yeeshaan dadka deegaankaas ku dhaqan oo aan iyagu horay u haysan goob ay wax ku bartaan.

Xafladdii lagu furayay Iskuulkaan oo ay ka soo qaybgaleen dadka deegaanka, Wakiilka Jaaliyadda UK ee dhistay Iskuulka, Guddoomiyaha Degmada Balcad iyo sidoo kale marti sharaf kale ayaa waxaa halkaas hadal ka soo jeediyay Wakiilka Jaaliyadda UK oo iyadu dhistay iskuulka Eng. Abuukar Cali Geeddi oo ku dheeraaday sidii ay ku billaabeen inay dhisaan iskuulkaan.

“Waxaan dadaal weyn u galnay sidii aan iskuul uga furi lahayn Tuulada Gololey oo ka tirsan Degmada Balcad si ay u helaan dadka Deegaanka waxbarasho, waxaana kalliftay arrintaan markii aan indho indheyn ku sameynnay tuulada ogaannayna inaysan jirin meel ay dadka deegaanka wax ku bartaan, taas ayaana nagu kalliftay inaan furmo Iskuulkaan cusub” ayuu yiri Eng. Abuukar Cali Geeddi oo intaas ku daray: “Waxaan doonaynayn inaan ka dhigo iskuul mid galaaso badan yeesha, balse markaana aragnay inaanay jirin meel ay wax ku bartaan dhallaanka tuuladaan ayaa waxaa dantu nagu qasabtay inaan furno iskuulkaan ka kooban 3-da qol, balse dhawaan ayaan ku talo jirnaa inaan ballaarinno iskuulka”.

Sidoo kale mar uu ka hadlay cidda bixisay qarashaadka, wuxuuna carrabka ku dhuftay inay qarashaadka bixiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK, “Markii aan u bandhignay dhibaatada waxbarasho la’aaneed ee ka taagaan tuulada Gololey ayaa waxay go’aansadeen jaaliyadda UK inay ururiyaan qarashaad ay ku dhisaan iskuulkaan cusub, sidaa ayaana dhismaha iskuulkaan ku noqday mid aan hirgelinno” ayuu yiri Eng. Abuukar.

Sidoo kale waxaa ka hadlay xafladda iskuulka lagu furayay Xiriiriyaha Xiriirka Saaxiibtinimada Jarmalka iyo Soomaaliya Ibraahim Cali Xasan oo isagana sheegay in wixii tabartiisa ah uu dowladda Jarmalka uga raadinayo inay wax u qabtaan dadka tuulada Gololey, waxaana uu carrabka ku adkeeyay in Iskuulka loo furay tuuladaan uu yahay mid ay nasiib u heleen inay u furaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ah ee ku dhaqan dalka UK, waana mid aan uga mahadcelinaynno dhammaanteen.

Goobta kulanka ayaa waxaa ka hadlay sidoo kale Odyaal dhaqameedka tuulada Gololey oo sheegay inay si weyn ugu faraxsan yihiin iskuulka loo furay, waxayna sheegeen inay uga Mahadcelinayaan Jaaliyadda UK ee iyadu isku taxaluujisay inay furaan Iskuulkaan, waxaan ay ugu duceeyeen in Muraadkooda uu ALLE aqbalo.

Sidoo kale Guddoomiyaha KMG-ka ah ee Degmada Balcad C/llaahi Maxamed Rooble oo isagana xafladdaas ka hadlay ayaa sheegay inuu aad uga mahadcelinayo jaaliyadda UK oo dadaalka dheeraad ah u gashay inay iskuulaan furaan, waxaan uu sheegay in dadka ku dhaqan degmada Balcad iyo tuulooyinka hoos yimaada ay abaal weyn ku qabaan iskuulkaan loo furay ayna walaalahood u rajeynayaa guul iyo horumar.



Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK ayaa iyadu horay waxay uga hirgelisay iskuul Degmada Balcad, waxaan iskuulkaas oo ka kooban Hoose, Dhexe iyo Sare haatan wax ku barta dadka Degmada Balcad, waxaana uu ka kooban yahay sida Eng. Abuukar uu u sheegay saxaafadda 15-Galaas, 2-Xafiis iyo Afar Musqulood, waxaana la hirgeliyay Iskuulkaan sannadkii hore ee 2006-ka.

Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
balcad tuulada gololey Somaliya
025215576666
002521653623

Faafin: Feb 2, 207
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH