SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya...
Akhri..

oil
Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000

lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Jaamacadii ugu horaysay ee islaamiya oo ka hirgashay Minneapolis - Islamic University of Minnesota

waxaa mahad oo dhan u sugnaatay Eebe naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaato uunkiisa kii ugu wanagsaan nabi muxamed (NNKH), kadib anigoo ah ardayda cusub ee jaamacadan ayaan waxaan jeclahay inaan halkaan idiinku soo gudbiyo macluumaad muhiim ah oo la xariira jaamcadan.

Haddaba waxaa dad badani is waydiinayaan sida ay suurtogal ku noqotay in lahelo jaamacad manhajkeedu islaamiyahay islamarkasna la helo culimo aqoon durugsan uleh diinta islaamka hadaba waxan leenahay waxaa suurto galiyay Eeebaha asagu iska leh dhaamaan dunidan oo idil.

Waxaa waayadan danbe laga dareemayaa iftiinka iyo nuurka iyo dhaqanka wanaagsan ee ay leedahay diinteena islaamka waxaa moodaa in dadka somalidu ay arinatasi hormuud uyihiin waxaa jira gobo badan oo loogu barto (QU'ANKA) karimka ah iyo masaajid aad u faro badan kuwaas oo la oran karo waxaa kartidooda iyo iimaankooda ku muujiyay dad ayagu ku caanbaxay u adeega diinta islaamka hadaba waxaa markale ah fursad aad u balaaran inaan helno goob lagu barto maclumaadka diinta islaamaka ayadoo aad uga faa'idaysan karto dhinac kasta ee aad baahi uga qabto diinta.

Jaamcadaan oo ah jaamcadii ugu horaysay ee islaami ah oo ka hirgashay Gobolka Minnesota ayaa noqotay mid aad iyo aad loogu faraxo gaar aah dadka kudhaqan magaalooyinka mataanaha ah jamacadaan oo ay soo abaabuleen ama ay fikirkooda ku keenen culimda loo yaqaan (THE ASSEMBLY FOR ISLAMIC JURISTS OF AMERICA ) kuwaas oo wax badan u qabta dadka dagan degaanka kana baahi tira in badan oo ku saabsan baahidooda diimeed.

Jaaacadaan oo irdaha hada loo furay ayaa guud ahaaba lagu baran doonaa macluumaka la xariira diinta islaamaka, barashadan diinta ayaa leh heer bilow ilaa dhammaad, waxaadna ku diyaarin karataa ilaa master degree. Haddaba waxaan ku soo dhallinyarada/shabaabka islaamka ah inay ka faa'idaysaan fursadaan qaaliga ah ayadoo loo baahanyahay dhalin aqoon dheeerad ah u leh diinta isla markaasna u gudbinkara da'cwada dadka aan ismaalka ahay taasina waxaa lagu gaari karaa barashada diinteena wanaaga badan loona ogaado wax ay tahay diinta islaamka. Waxii faah faahin ah oo intaas kala soo xariira maamulka jaamacada.
wabilaahi tawfiiq.

Adan nur mohamud
dalmar007@hotmail.com 
Mineapolis MN
 

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 4, 2007


USA: Duqa Magaalada Macon ee Gobolka Georgia oo Islaamka soo galay...
Duqa magaalada MACON, ee gobolka Georgia ee dalka Maraykanka ayaa soo Islaamay, waxana uu dadaal ugu jiraa sidii uu magaciisa si sharci ah ugu bedeli lahaa Hakim Mansour Ellis.

Hakim Mansour oo da'diisu tahay 61-jir, oo ku dhashay magaalada Macon waxa lagu soo koriyey diinta Kirishtaanka, waxana uu sheegay in uu yahay Sunni Muslim, waxana intaas ku daray in uu diinta Islaamka soo galay bishii December 2006 mar uu booqday dalka Senegal ee qaarada Afrika, halkaasna xaflad loogu dhigay.
Warkan oo dhan ka akhri halkan...


oilShirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000
lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...


Lacag dhan $3 million ilaa $7 million oo ay kala Qaybsanayaan Range iyo DGPL
Lacagtaas oo qarsoodi ahayd waxaa shaaca ka qaaday wargeyska Herald ee ka soo baxa Australia... Akhri....

oilKenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya... Akhri...

DGPL oo Caddayn weydey Meesha ay ku Baxeen Lacagihii ay hore u Bixiyeen Shirkadaha Macdanta
Madaxweyne Cadde Muuse oo ku sugan Dubai oo kulan la yeeshay shirkadaha ayaa la sheegay in... Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH