SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya...
Akhri..

oil
Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000

lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Sarkaal Ka Tirsan Ciidamada Booliska Dowalada Kmg Ah Oo Lagu Dilay Muqdisho

Sabti, Feb 3, 2007: Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada booliska dowlada kmg ah ayaa saakay lagu toogtay isgoyska Baar Ubax ee magaalada Muqdisho, ka dib markii nin hubeysani oo ku wata bastoolad uu madaxa kala beegsaday rasaas.

Col; Max'ed Cali Khalaf oo u geeriyooday dhaawac halis ah oo kasoo gaaray rasaatan ayaa ku geeriyoodey Isbitalka Madiina oo kadib markii rasaastu haleeshayba uu saarnaa gawaarida BLka ee isaga kala goosha xamar-weyne iyo baar-ubax isla baabuurkaas oo ahaa nooca loo yaqaano homy-ga ayaa geeyey isbitaalka madiina oo uu ku geeriyooday .

Ma jiraan Ilaa iyo haatan wax wara oo kasoo baxaya dowladda kmg ah oo ku aadan dilalkan isdaba jooga ee ka dhacaya magaalada caasimada ee muqdisho iyo weliba ugaarsiga ciidamada booliska dowlada kmg ah .

Maaha markii ugu horaysay oo Dil loo geeystay askari -bolice ah oo ka tirsan ciidamada dowlada kmg ah maalintii shalay ahayd ayaa askari ka tirsan ciidamada booliska dowlada dil loogu geeystay Isgoyska Manabolyo ee magaalada Muqdisho islamarkaana .

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

USA: Duqa Magaalada Macon ee Gobolka Georgia oo Islaamka soo galay...
Duqa magaalada MACON, ee gobolka Georgia ee dalka Maraykanka ayaa soo Islaamay, waxana uu dadaal ugu jiraa sidii uu magaciisa si sharci ah ugu bedeli lahaa Hakim Mansour Ellis.

Hakim Mansour oo da'diisu tahay 61-jir, oo ku dhashay magaalada Macon waxa lagu soo koriyey diinta Kirishtaanka, waxana uu sheegay in uu yahay Sunni Muslim, waxana intaas ku daray in uu diinta Islaamka soo galay bishii December 2006 mar uu booqday dalka Senegal ee qaarada Afrika, halkaasna xaflad loogu dhigay.
Warkan oo dhan ka akhri halkan...


Wararka kale ee Feb 3, 2007

  • Sheikh Shariif oo ku Baaqay Dib u heshiisiin Guud oo loo dhan yahay
  • Sheekh Shariif oo ku celiyey in ummadda ay ka hortagaan cadowga ummadda soomaaliyeed …
  • Dowladda Federaalka oo u muuqata in ay ku socoto wadadii Dowladdii Cabdi Qaasim..
  • Dowladda Yemen oo sheegtay in ay dalkeeda ku martigelineyso Shir dhexmara..
  • Maraakiibtii imaaneysay Dekedda Muqdisho oo wal wal ka muujisey..
  • War bixin ku saabsan Dagaalada ka dhacay Muqdisho ...

Sheikh Shariif oo ku Baaqay Dib u heshiisiin Guud oo loo dhan yahay

Wuxuu ku dhawaaqay gudoomiyaha gudiga fulinta ee MMI Shiikh Shariif Shiikh Axmed dibu heshiisiin guud oo ay ka qayb qaataan dhamaan dhinacyada oo dhan. Wuxuu carabaabay inay Maxkamaduhu u diyaar garoobayaan ka qayb qaadashada wadahalkaas si dhibaatada ka taagan wadanka xal loogu helo.

Sidaa waxaa ku bilowday waraysi Jimcadii Aljzeeara la yeelatay gudoomiyaha Midowga Maxaakimta Sh. Shariif Sh. Axmed isagoo jooga Caasimada Kenya.

Shiikh shariif wuxuu ku yiri waraysigii Al-jazeera oo noociisa lagu qiyaaso inuuusan horay u dhicin intii Shariifku ka baxay Soomaaliya, kadib markay Xukuumada ku meelgaarka ah iyo Dowlada Itoobiya oo taageeraysa ka saartay ciidamadii MMI magaalooyinkii waawaynaa ee Soomaaliya.

Isagoo hadalkiisii sii wata wuxuu yiri “Rabitaanka wadahadlka dhamaan dhinacyada Soomaaliya waa sida kaliya oo wadanka lagu nabadayn karo.

Wuxuu intaa ku daray isagoo telafoon kula hadlayey Aljzeera isagoo jooga Nayroobi, “Maxkamaduhu diyaar bay u yihiin inay wada hadal lagalaan dowlada kumeel gaarka ah, si loo xaqiijoyo siyaasad dhamaystiran oo dhamaan soomaalidu raali ka tahay,ciidamo shisheeye oo la keenana dhibaatada xal uma noqonayaan”.

Wuxuu adkeeyey Shariifku “inay maxkamaduhu sidoo kale diyaar u yihiin inay lahadlayaan Itoobiyanka haday rabaan inay Soomaaliya nabad ka dhaliyaan, arimihii hore ee Soomaliya ku wajahnaana ay wax kabadalayaan”.

Warisigaan wuxuu shariifku adkeeyey in inbadan oo hogaamiyayaashii iyo ciidamadii maxkamahadaha Islaamiga ay ku suganyihiin gudaha dalka Soomaaliya, ayna ku jiraan diyaar garow sii wadida iska caabinta dhanka ka ah ciidamada shisheeye ee soo duulay, hadii ay suura gali waydo in dhinacyada is haya ay miiska wada hadalka wax ku dhameeyaan.

Heshiiska iyaga iyo maraykanka

Dhinaca kale wuxuu shariifku sheegay inay jirto isfaham iyaga iyo Maraykanka arimaha Soomaaliya, khaasatan dhinaca wada hadalada.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay wada kulmeen Safiirka Maraykanka u fadhiya Kenya, wuxuuna tilmaamay inuu Safiirka maraykanka uu lasoo xariiray Maxaakimta, una soo jeediyey inay Maxaakimta madaxdoodu kasoo baxaan Soomaaliya soona gaaraan dhinaca Kiiniya.

Wuxuu waxba kama jiraan ka dhigay Shariifku warar oranayey in Maxkamadahu hayaan maxaabiis Maraykan ah wuxuuna yiri “waxaan ka ogahay majirto”.

Sidoo kale wuxuu diiday inuu ka tagayo Caasimada Kenya, una kacayo dhinaca Yemen. Wuxuu yiri, “ waxaan sii joogayaa Kenya, Waxaase jira wadahadalo carbeed oo xal loogu raadinayo isbadalada xaalada Soomaaliya”.

Isha: Aljzeera | Tarjumadii: Somalitalk.com


Sheekh Shariif oo ku celiyey in ummadda ay ka hortagaan cadowga ummadda soomaaliyeed …

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Sheekh Shariif Shiikh Axmed oo ah Gudoomiyahii Golaha Fulinta ee Maxaakiimta islaamiga ah ayaa markii ugu horeysay Warbaahinta Dalka iyo Dibaddala hadley waxa uuna sheegay inuu caafimaad qabo isla markaana uu haatan yahay Qof Xor ah wuxuu sheegay in Golaha Maxaakiimta ay u diyaar garoobaayaan kulan dib u hashiisiin ah ee dhex mara dhamaan Ummadda Soomaaliyeed waxa uuna sheegay inay wada hadaladaasi loo baahan yahay in ay ka qaybgalaan Bulshada Rayidka, Odayaasha, Culamaa’udiinka, waxgaradka, siyaasiyiinta, waxa uuna sheegay in dib u hashiisiintaasi lagu bad-baadin doono Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.

Waxaa kaloo Shiikh Shariif sheegay inay dhibeyso in waxyeelo loo geysto Bulshada Soomaaliyeed waxa uuna u soo jeediyey inay Goob kasta kula dagaalamaan Cadowga Ummadda Soomaaliyeed ee itoobiya wuxuu sheegay in ciidamada Itoobiya qabsadeen Dalka Soomaaliyeed ee ku xadgudbeen Xorriyadiisa

Sharaftiisa Shiikh Shariif waxa uu sheegay in madaxda Sare ee Maxaakiimta islaamiga ah ay bad qabaan ayna ka bad-baadeen Duqayntii Maraykanka isagoo sheegay in xalka uu ku jiro sidii wada hadal loogu furi lahaa dhamaan Ummadda Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan Shiikh Shariif waxaa kaloo sheegay in uu Booqashooyin ku soo kala bixin doono Waddamo fara badan waxa uu si gaar ah farta ugu fiiqay Waddanka Yeman oo uu sheegay inay ku sugan yihiin Masuuliyiin Sar-sare ee Maxaakiimta islaamiga ah hase yeeshee Shiikh Shariif ma carabaabin Wadamada kale uu tagayo Shiikh Shariif mar uu ka hadlayey xaalada Xaaji Abuukar Caddaani waxa uu sheegay inuu dadaal u gali doono sidii lagu sii deyn lahaa Xaaji Abuukar Cumar Caddaani oo uu sheegay Wax dambi ah uusan galin Shiikh Shariif oo mar kale ku celiyey in Shacabka looga baahan yahay in ay ka hortagaan Ciidamada itoobiya ee qabsaday Dalka Soomaaliya.

Dowladda Federaalka oo u muuqata in ay ku socoto wadadii Dowladdii Cabdi Qaasim..

Dowladdii C/qaasim Salaad Xasan ayaa markii ay u harsaneyd labo sano waxaa beesha caalamku u soo jeediyeen in ay ka qaybgasho shir dib u heshiisiin ah, maadaama dowladdaasi ay ka maqnaayeen qabqablayaashii dagaalka, waana tii lagu qabtay shir dalka Kenya.

Dowladda uu haatan hogaamiyo c/llaahi Yuusuf Axmed ayaa u muuqata mid mareysa wadadaasi kaddib markii ay beesha Caalamku u soo jeediyeen in la qabto shirweyne Dib u heshiisiineed oo lagu dhiso dolwad soomaaliyeed oo sal balaaran, waxaana arrintaani soo dhaweeyey madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, inkastoo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi uu sheegay in aysan jirin wax waqtigaan lala heshiiyo.

Dowladda Federaalka ayaa haatan waxaa soo fuulay cadaadis aad u balaaran, waxaana gebi ahaanba laga jaray deeqihii lacageed ee ay siin jireen Midowga Yurub iyo Mareykanka, iyadoo sidoo kale dowlado horey u sheegay in ay ciidamo u soo dirayaan Soomaaliya ay haatan dib uga laabteen soo dirista ciidamadaasi, kaddib markii ay xaaladda Soomaaliya ay cirka isku shareertay ayna bilowdeen dagaalo u dhexeeya Ciidamada Itoobiya iyo kooxo ka soo horjeeda joogitaankooda.

Dowladda Yemen oo sheegtay in ay dalkeeda ku martigelineyso Shir dhexmara..

Warar aanu helnay ayaa waxay sheegayan in Dowladda Yemen ay dooneyso in ay qaban-qaabiso kulan dibi u heshiisiin ah oo dhex mara Dowladda Federaalka iyo Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah.

Dalka yemen oo ay horey ugu sugnaayeen xubno ka tirsan Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa haata la filayaa in uu saacadaha soo socda uu ku biiro Guddoomiyihii golihii Fulinta ee Maxaakiimta Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shalay caddeeyey in uu tagayo dalka Yemen. Sheekh Shariif waxa uu shalay ku dhawaaqeen in uu wada hadal la galayo dowladda Federaalka si loo dhameeyo dhibaatada ka jirta dalka Soomaaliya, hase yeeshee waxa uu si aad ah uga soo horjeestay ciidamada ku soo duulay dalka Soomaaliya ee Itoobiya kuna tilmaamay in ay yihiin cadowga umadda Soomaaliyeed.

Beesha caalamka ayaa aad u dooneysa in la qabto shirweyne dib u heshiisiineed oo ay yeeshaan dhamaan kooxaha Soomaaliyeed.

Maraakiibtii imaaneysay Dekedda Muqdisho oo wal wal ka muujisey..

Iyadoo habeen hore duqeyn loo gaystay Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa arrintaani walwal ka muujiyey maraakiibta ku soo xiraneysa dekedda weyn ee magaalada Muqdisho.

Waxaa lagu waramay in maraakiib ku soo jeediyey Muqdisho ay haatan bilaabeen in ay safaradooda hakiyaan tan iyo inta ay xaaladdu iska bedeleyso.

Sidoo kale Maraakiibta ku xiran ayaa bilaabay inay dedejiyaan rarka saaran, waxaana haatan dekedda weyn ka socda halwo daadgureyn iyo rarid ah.

Habeen hore ayaa dekedda waxaa ka goostay dhowr markab kaddib markii ay kaddib markii ay maqleen dhawaqa madaafiicda lagu soo riday, waxaana weli soo gaaraya Dekedda digniino ganacsatada loogu sheegayo in ay hantidooda kala baxaan Dekedda oo ay gaystaan goob kale oo amaan ah.

War bixin ku saabsan Dagaalada ka dhacay Muqdisho ...

Waxaa Habeenimadii Jimcaha soo galeysay ka dhacay muqdisho dagaal u dhexeeya Ciidamada itoobiya iyo kuwa Muqaawamada ka dib markii Kooxahaan Madaafiic ku garaaceen dhowr Saldhig oo ay ku sugnaayeen Ciidamada itoobiya kuwa fedaraalka.

Goobihii la wareeray waxaa ka mid ahaa Hotel Lafwayn, dekadda wayn ee Muqdisho iyo Xaruntii hargaha iyo Saamaha waxayn weeraradaasi ay keeneen in Ciidamada itoobiya iyo kuwa fedaraalka Madaafic ku jawaabaan oo u qeybiyaan Dhamaan Magaalada Muqdisho waxaana ku dhintay ilaa iyo 7-Qofood oo dhamaantood ahaa Dad rayid ah oo aan waxba galabsan sidoo kale waxaa shaley Madfac habow ah oo aan la garanayn cid soo riday uu ku dhacay Xarun lagu Barto Diinta islaamka oo lagu magacaabo Umma Caa’isha waxaana halkaasi ku dhaawacmay ilaa iyo 7-Qofood.

Dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa wal-wal ka muujiyey Madaafiicda la iswaydaarsanayo waxayna u soo jeediyeen labada dhinac inay xushmeeyaan sidoo kale waxaa shalay isgoyska Maanaboolyo lagu dilay Askari ka tirsan Ciidamda Fedraalka ah isagoo labisan Dareyskii lagu yaqiinay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


WARARKII: FEB 2, 2007

Mid Kamida Ciidamada Booliska Dowlada Kmg Ah Oo Lagu Diley W/Magaalada Muqdisho

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Waxaa isa soo taraya ugaarsiga iyo dilka loo gaysanayo ciidamada booliska dowlada kmg soomaaliya ee ku sugan magaalada muqdisho iyadoo habeenkii xalay ahaa lagu toogtay Askari ka tirsan ciidamada booliska dowladda kmg isgoyska Manabolyo ee W/magaalada Muqdisho, islamrkaasna laga qaatay qorigii iyo qalabkii kale ee uu watay.

Dilkan oo ay gaysteen Kooxo hubaysan oo aan la garaneyn ayaa toogasho ku dilay askarigan oo ka tirsanaa Saldhigga Bari ee magaalada Muqdisho islamarkaana ka qayb qaadanayey howlaha amaanka ee isgoyska Manabolyo ee waqooyiga magaalada muqdisho ,iyadoo la sheegay in kooxahani dableyda ahi ay askarigan ka soo toogteen meel derbi ah oo aan ka dheerayn halka uu ku sugnaa askarigaasi .

Dilka askarta booliska ee dowlada kmg ayaan ahayn markii ugu horaysay oo sidan oo kale dil loogu gaysto, iyadoo todobaadkii hore askari ka tirsan saldhiga booliska ee huriwaa ay dileen kooxo hubaysan , islamarkaana ku jiid jiideen wadada isku xirta ex-kantool iyo suuqa xoolaha ee magaalada Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee dilalka ciidamada booliska dowlada kmg ah ayaa lala xiriirinayaa xaalada amaan daro ee ka jirta magaalada muqdisho oo kasii daraysa islamarkaana ay si daba jooga usoo kordhayaan nacaybka loo qabo ciidamada dowlada kmg ah iyo weliba kuwa Ethiopia.

Weeraro Isdaba Jooga Oo Gilgiley Habeenkii Xalay Ahaa Guud Ahaan Caasimada Muqdisho ....

Qaraxyo Waaweyn Iyo Weeraro Kuwii Ugu Darnaa Ayaa Xalay Si Isdaba Joog Ah U Gilgilay Magaalada Caasimadda ah Ee Muqdisho, iyadoona khasaaraha dhimashada iyo dhaawac uu yahay mid isa soo taraya.

Ilaa 8-Hoobiye ayaa lagu garaacay xarunta Dekadda weyn ee Muqdisho, kuwaasi oo ay soo tuurayeen kooxo hubaysan oo aan la garanayn, iyagoo bartil maameedku ahaa sida la sheegayo ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa Ethiopian-ka ee ku sugan Dekadda weyn ee magaalada muqdisho

Ugu yaraan Laba ruux oo rayid ah, ayaa geeriyootay ka dib markii 5- Hoobiye ku dhaceen deegaanada ku xeeran Dekadda, iyadoona Hooyo iyo canug 10-jir ah oo ay dhashay ay halkaasi ku dhaawacmeen, halka 3-da kalana ay ku habsadeen bartamaha Dekadda.

Sidoo kale ilaa dhowr Madfac oo aan la garaneyn halka ay ka yimaadeen, ayaa xalay si toos ah ugu habsaday xero ay degan yihiin dad soo barakacay oo ku taalla agagaarka warshadii hore ee Caanaha, halkaasi oo la sheegay in ugu yaraan 4-ruux oo ay ku jiraan Haweenay iyo caruur yar yar ay ku nafwaayeen, halka dhaawacuna uu kor usii dhaafay ilaa Tobaneeyo ruux.

Dadka deegaanka, ayaa kuu sheegaya in Madaafiicdaasi la qiyaasayo in ay kusoo jawaabeen Ethiopian-ka, ka dib markii lagu garaacay Hoobiyayaal xooggan.

Nawaaxiga garoonka ciidamada cirka ee Muqdisho, ayaa sidoo kale xalay lagu garaacay Madaafiic cul culus, inkastoo aan ilaa iyo haatan lasoo sheegin cid wax ku noqotay halkaasi.

Hotel Lafweyn ee waqooyiga Muqdisho, ayaa sidoo kale lagu weeraray Qoriga Baasuukaha loo yaqaano, iyadoona israsaasayn xoogganina ay halkaasi ku dhexmartay ilaalada Hotelka iyo kooxihii weerarkaasi soo qaaday.

Lama oga Khasaaraha ka dhashay weerarkaasi lala beegsaday Hotelka Lafweyne.

Magaalada caasimada ee Muqdisho, ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay u aheyd habeenkii ugu weerarada badnaa, tan iyo Intii ay Dowladda KMG ah iyo Ciidamada Ethiopia ay qabsadeen, iyadoo Dowladduna ay horey weeraradan dhacaya ugu eedeysay Maxaakimta Islaamiga.

Madfac Habow Ah Oo Ku Habsaday Xarun Dugsi Qur'aan Ah Oo ku Taala Magaalada Muqdisho.

Qarax Gilgiley badanaaba magaalada Muqdisho ayaa saaka barqanimadii ka dhacay degmada Hodon ee magaalada Muqdisho qaraxan ayaa ka dhashay kadib markii madfac habow ah uu kusoo dhacay xarun dugsi qur,aanka lagu barto oo ku taala degamada hodan halkaas oo ay ku geeriyoodeen inta la og yahay 7ruux ,iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro kale oo dad ah .

Madfacan Habowga ahaa oo aan la garaneyn cidda soo tuurtay , ayaa waxuu ku dul dhacay xarun dugsi qur'aan oo ay wax ku bartaan dadka waaweyn oo u badan haween ,islamarkaana Qaarka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi ayaa xaaladooda caafimaad ay aad u liidataa sida uu saxaafada u sheegay agaasimaha Isbitalka Madiina Dr. Sheekh Doon Salaad Cilmi, iyadoo dadka dhaawacmayna ay ku jiraan haweeneey uur leh

, macalinkii dugsiga wax ka dhigi jiray iyo haweeneey kale oo iyaduna macalin ka aheyd isla dugsi qur,aankaas.
Arintan ayaa ku soo beegmaysa xilli habeenkii xalay ahaana ay magaalada muqdisho hareeyeen qaraxyo iyo weeraro isadaba jooga oo lala beegsanayo saldhigyada ay degan yihiin ciidamada dowalada kmg iyo kuwa ethiopia oo ka dhacayay caasimada muqdisho islamarkaana ay ku geeriyoodeen isla xalay 7 ruux oo rayid ah .

Xaalada nabad gelyo xumo ee kasoo kordhaysa magaalada muqdisho ayaa kasii daraysa maalinba maalinta ka damabaysa ,iyadoo ay sii wiiqmayso rajada laga qabo xasiloonaanta caasimada muqdisho .

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
 

oilShirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000
lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...


Lacag dhan $3 million ilaa $7 million oo ay kala Qaybsanayaan Range iyo DGPL
Lacagtaas oo qarsoodi ahayd waxaa shaaca ka qaaday wargeyska Herald ee ka soo baxa Australia... Akhri....

oilKenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya... Akhri...

DGPL oo Caddayn weydey Meesha ay ku Baxeen Lacagihii ay hore u Bixiyeen Shirkadaha Macdanta
Madaxweyne Cadde Muuse oo ku sugan Dubai oo kulan la yeeshay shirkadaha ayaa la sheegay in... Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH