Sida Looga Ciiday Xeryaha qaxootiga ee Kakuma iyo Nairobi, Muqdisho,
Toronto, Johannesburg,
Minneapolis iyo Helsinki Finland.
Sida Looga Ciidey Toronto:
Magaalada Toronto ee dalka Canada kumanaan Muslimiin ah
ayaa isuguyimid goobaha ay ku tukanayeen salaada ciida. Sawirada hoose
waa xaruna DAARUL-HIJRA ISLAMIC ISLAMIC CENTER oo lagu tukadey salaaddii
ciidul Adxa.






Sawirada sare waxaa soo tebiyey DAARUL-HIJRA ISLAMIC
ISLAMIC CENTER
Sida Looga Ciiday Xeryaha qaxootiga ee Kakuma
Ugu horrayn waxaan salaan ku aadden ciidul-adxaaga
halkaan ugu tabinaynaa dhammaan muslimiinta ku nool daafaha dunida;
waxaan mid gaar ah u tabinaynaa ummadda Soomaaliyeed iyo bahda
www.Somalitalk.com oo in badan warbaahin loo baahan yahay suurta galiya.
Intaasi ka dib.

Kaakuma: Muslimiinta isugu sobaxay salaadii ciida, Dec
19, 2007.
Saaka oo taariikhdu ay tahay 19-12-2007 kuna beegan
10-12-1428H, saacaddu markii ay ahayd 06:30 AM; waxaa goobaha tukashada
salaadda-adxiyada muslimiinta ku nool xeryaha qaxootiga Kakuma oo ku
yaal galbeedka fog ee waddanka Kenya.*

Kaakuma: Muslimiinta isugu sobaxay salaadii ciida, Dec
19, 2007
Muslimiinta halkaasi ku nool oo ka soo kala jeedda
wadamada Somalia, Sudan, Ethiopia, Uganda, Rwanda, Brundi, Kongo iyo
qabiilka loo yaqaan Turkano ah qabiilka dega degaannada ay qaxootiyadu
ku yaallin ayaa tukashada ciidul-adxaaga bannaada iyo barxada
degaankaasi u yeelay muuqaal aad iyo aad u qurux badan iyo bilic
dheeraad ah oo aan la qiyaasi karin, waxaana wajiyadooda ka muuqanayey
farxad iyo rayn-rayn aan la soo koobi karin.

Kaakuma: Muslimiinta isugu sobaxay salaadii ciida, Dec
19, 2007
Waxaa lagu tukadey dhowr goobood ay ka mid yihiin:
KK-town, KK1, KK2, KK3, iyo KK4. Waxaa halkaasi laga akhriyey khudbado
dhowr ah oo ay ka mid tahay khudbaddii salaadda iyo kuwo kale oo
dhammaantood looga hadlayey arrimo khuseeya diinta Islaamka,
barashadeeda iyo ku dhaqankeedaba.

Sheekh Baarri oo akhrinaya khudbadda ciidda salaadda
ka dib



Salaadda ka dib, waxaa la arkayey saaxiibbo iyo qaraabo
isugu hanbalyeynayey farxadda ciidda waxaana la guda galay biraynta
adxiyada ciddii heli kartey iyo in laga farxiyo masaakiinta ku nool
degaanka.

Laba ka mid ah culimada magaalada oo si caam ah tahniyad ugu diraya
bulsho waynta islaamka ah gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed
WABILLAAHI TAWFIIQ

Saciid Ismaaciil Xasan (Urur)
seidismael@gmail.com
Tel: 254 7262 55 8 44
www.seidismael.com
Salaadii Ciida ee Nairobi oo ku siktay in faraha la iskula
tago balse Sh Umal uu xaliyay
Kumanaan kun oo muslimiin ah ayaa saakay waxay isugu soo baxeen
xarunta Sir Ali Muslim Clup ee magaalada Nairobi si ay u tukadan salaada
Ciidal Adxaada ee sanadka 1428 oo ay iyadoo ay maanta ku beegnayd bishu
10ka bisha Dulxijah.

Naiorbi: Muslimiinta isugu sobaxay salaadii ciida, Dec 19,
2007
Goobta salaada ciida lagu tukanayay ayaa waxaa dadkii ugu yimid ay isugu
jireen qaybaha kala ka disan ee bulshada iyadoo sanadkaan marka la bar
bar dhigo ciida sanadkii hore ay dadku aad u badnaayeen maanta taas oo
ay dadku ku sababeeyeen dhowr arimood uu ay ugu badnayd in dad badan oo
soomaali ah ay ka soo carareen dalkoodii hooyo ka dib markii sanadkii
hore ay qabsadeen ciidamada Ethopia oo ku soo gabanaya kaalinta dowlada
DFKMG ah ee Soomaaliya.
Sidoo kale arimaha dadka in ay soo bataan keenay ayaa waxaa ka mid ahaa
iyadoo 27ka bishaan loo dareeri doono sanaadiiqada codbixinta si loo soo
doorto dowlad cusub iyo madax wayne taas oo maanta laga dareemayay
goobta salaada loo soo aaday dhaq dhaqaaq ay ku dheehnayd dhiilo
colaadeed oo ka dhex aloosnayd taageerayaasha labada Musharax
xildhibaanimo ee soomaalida ah ee ka taagan Degmada Kamakunji oo ay
xaafada soomaalidu degto ee islii hoos timaado taageeryaasha
taageerayaasha Ibraahim Juunii iyo Yuusuf Xasan ayaa si dirqi ah ku kala
baxday in ay isku dhacaan.

Shiekh Maxamed Abdi Umal oo ka mid ah culumada ugu waa wayn bariga
afrika ayaa isagu soo kala dhex galay dhalinyaradii kacsanayd ee
doonayay in ay faraha iskula tagaan siyaada awgeed waxaana uu sheikhu ka
codsaday in arintaasi aan loo baahanayn isagoo sheegay in goobta lagu
tukanayo ay tahay meel cibaado ayna ka reeban tahay in wax kasta oo hor
istaagaya cibada iyo Campainingka isagoo intaasi ku daray in dhiig la
daadiyo ay tahay danbi wayn waxaana uu yiri '' waxaan daramaynaa in dhib
uu halkaan ka jiro dhalin yarda doonaysa in ay dhiig daaadiyaana waxan
ugu baaqayaan in ay ilaah ka baqaan ''

Sh. Umal oo akhrinya Khudbada ciida Al Adxa.. Dec 19, 2007
Shiekh Umal ayaa isaga oo ay dadka Aamin ka daba dhahayaan waxaa meesha
laga habaaray cidii wax fitino ah ka dhex abuurta muslimiinta farxada
isugu timid ee ciidaya.
Arintii ayaa dhulka caga waxaa u dhigay Shiekha iyo hadalkiisaas iyadoo
ay habsami socodkii gudashada salaada ciida ay dib u bilaabtay waxaana
dadka salaada ka bixiyay Shiekh Maxamed Cabdi Umal ka dibna markii
salaadii la gutay ayaa waxaa uu jeediyay khud bad dheer oo ku aadan
ciida waxaana oo ugu baaqay dhamaan muslimiinta in ay is cafiyaan isagoo
ku dheeraatay arimaha islaamka waxaana uu ka hadlay dhibka ka jira
Soomaaliya waxaana uu ka yiri dhibkaasi in uu yahay mid ay soomaalidu
gacanteeda ku kasbatay isagoo ku baaqay in dariiqa u laabashada rabi oo
kaliya looga bixi karo waxaana oo soo qaaday oo kale arintii meesha ka
dhacday maanta waxaana uu ku tilmaamay in ay arintaasi soomaalida
magangalayda kenya u joogta ay dalkoodii keentay loona baahay in laga
dikoonaadu hurinta fitanka.
Ugu danaybtii gudashada salaada ciida ayaa waxay ku dhamaatay jawi aad u
wanaagsan iyadoo ay dadkuna isugu marinayeen tahniyada iyo salaamaha
goobta dhexdeeda oo ay saxaafada kenya qaar ka mid ah si toos ah u
gudbanaysay farxda ciidul adxaada.
Akhritayaal waxad naga dhowrtaan codka warkaan hadii eebe Idmo
Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
bootaan_somalitalk@yahoo.com
Ciidul Adxaa iyo Muqdisho.
(Nolol meel aysan ka jirin Ciid kama dhicikarto)
Maanta waxa ay aheyd maalin farxad leh ,maalin ciid ah ,maalin
Muslimiinta kuweyn ,maalin qadari leh,maalin waajib ah oo gudasho mudan
islamarkaasna muslimiin aad u farabadan ay ku gudajereyn gudashada Xajka
oo ka mid ah tiirarka Islaamka ,waa sax Muslimiinta waa ay
faraxsanaayiin ,waana ay u dabaaldagayeen Ciida laakiin dhib baa jiray
gobo badan oo Dunida Islaamka ka mid ah Somalia, Palastian, Ciraaq iyo
Afghnistan dhibaatooyin ayaa muslimiin loogu geystay intee lagu
gudajiray diyaargarowga iyo dabaaldaga Ciida ,goobo ka mid ahan wadamada
aynu soo sheegnay maba aysan jirin dad isugu soo baxay oo farxada ciida
sidaa looga dhiihan karay marka laga reebo tukashada salaada ciida oo ay
muslimiinta ka wadamideysnaayeen.
Somalia:Muqdisho waa magaalada ugu weyn somalia ,waana magaalada ay ku
noolaayeen dadka ugu badan Somalia ka hor imaanshaha Ethiopia ee
muqdisho,waxa ayna ka mid aheyd magaalooyinka sida weyn looga dareemo
Maalinta ciida ,wadooyinka ,gawaarida ,goobaha dad weynaha isugu
yimaadaan waxa ay ahaan jireyn goobo aad u mashquul badan ,taa waxaa sii
dheeree Caruurta oo iyagana qeyb ka qaadan jiray farxada ciida oo
wadooyinka iyaga oo xeyn xeyn u socda hadba dhinac ugoynjiray,sax,taas
waa ay jirtay waaxa ayna aheyd Caado in wadooyinka ay buuxsamaan
,garaawida mashquulkoodu bato,Laakiin Labo ciid oo aynu hadda tii labaad
ku gudajirno waxaas oo dhan Muqdisho ma ka jireyn.
Maanta
"Masaajidyo tiro yar ayaa laga maqlayay Codka Takbiirta,mana jirin
Caruur labisan ama farxad ay ka muuqato oo wadooyinka magaalada
dhexmarayay ,sidoo kale mashquul magaalada laga dareemayay ayaan
jirin"sidaas waxaa ii sheegay Mid ka mid ah saxafiyiinta soomaaliyeed oo
jooga Muqdisho laguna magacaabo Axmed Aadan Ibraahim (saadaam).
Xiligaas waxa uu Axmed ku sugnaa Banaanka hore ee Gurigiisa oo laga kala
qaxay waxa uuna kasoo noqday Masaajid u dhawaa oo isaga iyo dad tiro yar
ay salaadii ku tukadeen,waxa uu ka hadlayaa sababta uu Guriga
kucileneysa ee uusan uga fogaan hoygiisa "Sababta waxa ay tahay ma jirto
marka koowaad Goob aan aado maxaa yeelay magaalada dhan ayaa cidla ah
gaar ahaan xaafadeyda,mana lahan dad aan qaraabo salaam u adaado maxaa
yeelay Aniga iyo dad ila mid ah ayaa magaalada ku haray si ay guryaha
uga caabeyaan kooxaha gurayaha u dhaca".
Calas Maxamed Guutaale waxa uu isna ka mid yahay dad tiro yar oo ku
haray Xaafada Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid oo fariisimo ay ku leeyihiin
Askarta Ethiopianka ah,waxa uu fadhiya dhayax yar oo u dhow Gurigiisa si
haddii ay rabshado ama iska horimaadyo ay ka dhacaan xaafada uu horay
ugu sii galo Gurigiisa.
"waxa aan dareemayaa nolol Mugdi ah,cidlo,cabsi saa'id ah iyo murugo
joogta ah,Aniga iyo rag kale oo tira yar ayaa xaafada kusoo harnay
,Maanta salaada waxa aynu ku tukanay Gurigiina dhexdiisa maxaa yeelay ma
aysan jirin Masaajid noo dhow oo aynu aadikarnay si aan salaado usoo
tukano"
Isaga oo laga dheehan karo sida uu uga xunyahay xaalada uu ku jiro waxa
uu yire"Xarunta Istaadiyaamka Muqdisho oo aheyd goob maanta oo kale la
isugu yimaado waxaa ku sugan xoogag Ethiopian ah,sidoo kale Masaajidyo
farabadan ayeey ku jiraan ama dardood u xiran,Suuq iskaba daa ".
"maxaan ciidnaa Nololshii ayaaba meel noo saarneyne,cunto la'aan ayaa na
heysta adinka waxa aad ka hadleysaan Ciid" sidaas ayaa laga soo xigaty
hooyo somalia ah oo tiro caruur ah heysta islamarkaasna ku sugan xaafada
suuqaxoola ee Degmada Hurwaa ee Magaalada Muqdisho.
Waxa ay ka mid tahay qoysas ayaad u tabaryar ama u liita oo aan wali ka
qixin Xaafada Suuqa xoolaha sababo dhaqaalo awgood.
"salaada aniga iyo caruurteyda waxa aynu ku tukanay gurigeena,walaaloow
farxad iyo ciid ciid nooma taal ,haddii aan taas awoodno halkan khatarta
badan ayaan ka bixilaheyn"ayeey ku cataabtay hooyadaan soomaaliyeed.
Waa wiil 12-sano jir somalia ah kuna sugan Deegaanka Suuqa xoolaha"
Aniga ma ciidin ,caruurtii dhan waa ay naga guureyn aniga ayaahalkan
joogno kale".
Fagaarayaasha waa weyn ee Muqdisho ayaa xiligan waxaa ku sugan ama xarun
ay u tahay Kooxo Ethiopia ee jooga Muqdisho.
Shiekh C/raxmaan shiekh Maxamed Xasan Diirshe waxa uu ka mid yahay
Culumada somalia ,hadda waxa uu ka mid yahay tiro somalia aad u
farabadan oo Magaalada Muqdisho kasoo qaxay ,waxa uuna ku suganyahay
Magaalada Nairobi ee wadanka Kenya ,waxa uuna ka hadlayaa Xaalada
Muqdisho iyo ciida.
"Maanta Iyadoo ay tahay Maalin faxadeed oo ciid ah ,hadda waxa aan aad
uga xumay dhibka Muslimiinta somaliada ku heysta Muqdisho ,iyadoo ay si
weyn ay iitaabaneyso Masaajidyada ay Xarumaha Cibaadada ee aan maanta
shaqeyneynin". Ayuu yire sheikha.
Tiro dad somalia ah oo isugu jira Qeybaha kala duwan ee Bulshada kana
soo qaxay Muqdisho ayaa Soo gaaray Nairobi oo caasimad u ah Kenya.
Dadkan waxa ay manta Ciida kala qeyb-qaateen Muslimiinta Kenya ,waxa
ayna u ciideyn si wanaagsan,laakiin waxa ay wali ka murugsanyihiin
dhibka heysta Somalia Muqdisho oo manta ka hor istaagay inay ciida si
wanaagsan oo siddii hore la mid ah ugu taan.
Bilaal Cabdi Faarax waa 19-sano jir somalia ah oo kasoo qaxay Muqdisho
iminka waxa uu ku suganyahay Magaalada Nairobi waxa aan kula kulmay
Xaafada somalia ay u badan yihiin ee Islii,waxa uuna muujiyay dareen ka
xumaansho xaalada Muqdisho .
"Waxa aan joogaa Kenya oo aan waqti dhow imid waxa aana Aniga oo ciidaya
aan Murugo haddana la qeybsanayaan dadkeyga Somalia ee Muslimiinta ah
,kuwaas oo aan maata si fiican uga qeyb qaadan Ciida".
Isaga oo dhinacyada eeg-eegaya ,kana baqanaya Kooxda police-ka Kenya oo
Somalia ugaarsata waqtiyadan oo kale ayuu waxa uu yire" sax,maanta waa
maalin Farxad leh laakiin Murugada waa in aad la qeybsataa walaalahaaga
Muslimiinta ah ee Gacanta u galay Cadow xitaa haddii aad adiga dalka
kasoo baxday".
Labo Ciid oo Muqdisho ay ku suganyihiin Ciidamada Dowlada FKMG ah ee
somalia iyo Askarta Ethiopia ee soo afjartay Xukunkii Maxkamadaha
Islaamiga soomaaliyeed ayaa Muqdisho waxa ay noqotay goob ka duwan
wadanka Inteese kale ,dadkii daganaana waxa ay noqdeen kuwo geeriyooda
,kuwo dhaawacma iyo kuwo ka carara oo ka qaxa Guryahooda.
28-December ayeey aheyd Markii Muqdisho ay soo galeyn Askarta Ethiopia
waxaana iminka naga xiga wax aan sidaas uga badneyn Todobaad Haddaba
Su'aasha waxa ay tahay Muqdisho sedan miyeey sii
W/D:Muxyadiin Axmed Rooble
Email: saadaam_7@hotmail.com
Muhudin01@yahoo.com
Nairobi,Kenya
Sida Looga Ciidey Koonfur Afrika
Dadka oo eey ka muuqatay shucuur farxadeed oo wajiyadooda laga
dheehan karay ayaa maanta ku kala tukaday magaalooyinka waaweyn
ee dalka K/Afrika oo qaarkood ey isu jiraan masaafo ahaan inka
badan 2000km, soomaalidii maanta u dabaal dageysay ciida
magaalada johansburg ayaa waxay salaada ku tukatay hool weyn oo
ku yaala dhismaha AMAL SHOPPING CENTRE oo ah dhisme weyn oo eey
soomaalidu leedahay. halka magaalooyinka Cape town iyo P.E
iyaguna salaada ciida lagu tukaday goobo cayiman oo had iyo jeer
lagu oogo salaadaha ciida.

Muslimiinta dalkani ku dhaqan ee aan soomaalida aheyn ayaa iyagu
aanan maanta ciideynin, ciidooduna eey tahaymaalinta bari ah, hase
yeeshee culumaa'udiinka soomaalida dalkani eey go'aansadeen in maanta ey
soomaalidu ciido. walow eey hade jiraan baaqo kasoo yeeraya culumada
qaarkood oo sheegaya in eey haboontahay midnimada islaamku in la
illaaliyo oo markasta lala tukado walaalaha islaamka ah ee soomaalida
dalkani kaga badan.

Salaadaha ciida ayaa ah isu imaatinada kaliya ee laga ogaan
karo isku xirnanta soomaalida iyo tiro ahaan dalka sida eey u
joogaan, waxaana ciidba ciida ka dambeysa muuqanaysa in eey soo
kordhayaan soomaalida dalka imanaysa, gaar ahaan eey sare usii
kacayso tirada qoysaska aburrmaya, iyadoo la arkayo caruur iyo
haween aad u tiro badan oo aan horey loogu aqoonin dalkani.

Johansburg: Nin Maanta oo Ciid ah soo gaaly
Diinta Islaamka oo shahaadada loo qabtay Dec 19, 2007
Dhanka kale kale wax yar ka hor salaadii ciida johansburg
ayaa culumada soomaaliyeed waxay ku guuleysteen in shahaadada
loo qabto nin diinta maanta ku cusub oo soo islaamay, ninkani oo
uu illaah soo hanuuniyey ayaa go'aansaday in uu kusoo biiro
diinta islaamka. si weyn ayaana loosoo dhaweeyey, iyadoo dadka
hortooda shahaadad loogu qabtey.
c/nasir axmed sh. bashir (saxansoxo). Email:
saxansoxo1@hotmail.com
Sidii Looga Ciidey Minnesota, USA
Kumanaan Muslimiinta deggan magaalooyinka mataanaha e St. Paul iyo
Minneapolis ayaa Subxnimadii Arbacada waxay camireen farasmagaalaha magaalada
Minneapolis, gaar ahaan meesha loo yaqaan 'Minneapolis Convention Center' si ay
ugu tukadaan salaada ciidul Adxa.

Ciid ul adxa iyo Minneapolis: Dec 19, 2007
Muslimiinta Minneapolis/St.Paul iyo magaalooyinka ku xeeran waxay camireen
hoolalka waaweyn ee xarunta ugu baaxadda weyn magaalada Minneapolis ee ku taal
bartamaha magaalada, dadkaas oo wajiyadooda ay ka muuqatey farxadda ciida iyagoo
isu hambalyaynaya.

Muslimiinta oo camiray minneapolis convention center: Dec 19,
2007
Ciidii maanta waxaa lagu tilmaami karaa ciidihii ay dadka ugu tirada badani
ka soo qayb galeen salaadda ciida, cimilada magaaladuna aad ayey u wanagsanayn.
Waxaana salaada ciida Muslimiinta tujiyey Sh. C/Raxmaan Sh. Cumar.

Ciid Mubaarak
Sidii looga ciidey Helsinki Finland!
Kumanaankun qof oo muslimiin ah oo ku ciiday hoolka weyn ee
Pasila
Markazka Helsinki Islamic Center ee masjidka Al-hudaa ayaa
waxaa uu soo qabanqaabiyay xaflad weyn oo ay isugu soo baxeen
dad tiradooda lagu qiyaasay in ka badan 1500 oo qof , halkaasoo
ay saaka subaxnimadii ku tukadeen salaada ciida Al-adxaa .
Aroornimadii saaka ayay dadku bilaabeen in ay ka soo
dureeraan guryahooda iyagoo ku sii jeeda qaacada salaada,
qaacada ayaa waxay ahayd mid loogu talagalay arimaha Ispoortiga,
iyadoo ay sanad walba dadku ku tukadaan halkaas.
Dadka isugu soo baxay gudashada waajibaadka salaadda ciidda
oo isugu jiray caruur, dhalinyaro, waayeel, rag iyo dumarba
waxaa wajiyadooda ka muuqday farxad iyo rayn-rayn iyagoo isugu
hanbalyaynayay munaasabadda ciiddaasi.
saacaddu markii ay ahayd 10:30 ayaa imaamku u istaagay
salaadda, waxaana salaaddii kadib uu halkaasi khadiibka Masjidka
Al-hudaa C/rasaaq Sugulle Maxamed ka soo jeediyay khudbad dheer
oo koobaysay dhamaanba waxyaabaha ay bulshadu u baahan tahay.
Khudbadu waxaa ay ku saabsanayd khudbadii Xajkii widaaca ee
Nabiga (NNKH) oo looga hadlay Xuquuqul insaanka, arimaha
dumarka, sida loogu baahan yahay in ummaddu ay iskaga harto
casabiyada iyo qabiilka oo ay mid ku noqdaan walaaltinimada
Islaamka. Sidoo kale waxaa uu khadiibku ka hadlay macaasida
faraha badan ee la fududaystay baryahan sida Ribada,
Mukhadaraadka oo ay ka mid yihiin khamriga, Jaadka IWM.. Waxaa
kaloo uu khadiibku kaga hadlay khudbadiisa Arimaha Soomaaliya oo
uu sheegay in caalamku uu indhaha ka qarsaday marka ay cadowga
Soomaaliuyeed ee Itoobiyaanku burburinayeen dhulkayaga iyo
hantidiisa, xasuuqayeen shacabkeena, islamarkaana ay ku
xadgudbayeen muqadasaadkeena.. isagoo sheegay in loo baahan
yahay in ummadda Islaamka guud ahaan , gaar ahaana shacabka
Soomaaliyeed ay meel uga soo wada jeestaan sidii dhulka looga
xorayn lahaa gaalada iyo kuwa gabaadka ah u ah oo khadiibku uu
ku tilmaamay in aanay jirin wax dowlad la yiraahdo ee ay yihiin
shufto iyo buundo uu gumaysigu fuulayay oo ka dhiganayay
marmarsiinyo uu ku shaqaysto.
Sidoo kale waxaa uu khadiibku ku booriyay muslimiinta in
dadkaa walaalaheen ah ee la xasuuqayo iyo kuwa jihaadka kala soo
horjeeda cadowga la garab istaago oo kaalmo macnawi ah iyo mid
xisi ahba hiil iyo hooba lala garab istaago.
Ugu danbayntii waxaa halkaasi ay dadku isku weydaarsadeen
hanbalyo iyo isgacan qaad iyagoo isugu ducaynayay in Allaah ka
aqbalo camalka saalixa , ciidaan teeda kalena uu Allaah ku
gaarsiiyo cibaado suuban iyo camal saalix ah.
Waxaana runtii la oran karaa in sanadkan qaab aad u
heersareeya loo soo agaasimay howsha gudsahada salaadda, iydoo
dadka iyo gawaarida ay kala hagayeen qaar ka mid ah ciidamada
Booliska iyo dhalinyaro firfircoon oo ka mid ah ducaadda
markazka.
Abu Abdi Jabar | Helsinki Finland!
Hambalyada
Ciidul-Adxaa ee bahda SomaliTalk.com ka akhri halkan....
Soomaalida
Minnesota Oo Gargaar Dhaqaale Fidinaysa
Gurmad Dhaqaale oo loo fidinaayo Shacabka Soomaaliyeed ee ka barakay
Dagaalada Muqdisho.. Xaggee..
Goorma
Kaakuma waxay ku taal cirifka Woqooyo Galbeed ee Kenya

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 19, 2007

