SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FINLAND

Kulan Ururka Midnimadda Soomaliyeed iyo Madaxweynaha Finland

Gudiga Fulinta ee Golaha midnimada soomaaliyeed waxa uu Arbacadii (Dec 5, 2007) kulan kula yeeshay hoyga madaxweynaha wadankan Finland Marwo Tarja Halonen kulan looga wada hadlayey xaalada wadanka soomaaliya iyo qaabka ay dawlada Finland uga qayb qaadan karto nabadeynta shacabka soomaaliyeed.

Waxa uu gudigu uga warbixiyey madaxweynaha marxalada uu wadanku marayo iyagoo gudiga ssl codsadey in dawlada Finland ay u fidiso shacabka soomaaliyeed kaalmo bini'aadninimo ee loogu gargaarayo shacabka soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan kuwa ka barakacay deegaanadoodii ee gumeystaha xabashidu uu ku hayo xasuuq aan kala go'lahayn.


Madaxweynaha finnish iyo Gudiga Fulinta ee Golaha midnimada soomaaliyeed - Finland

Sidoo kale taageero siyaasadeed oo ku salaysan dib u heshiisiinta dhamaan kooxaha isku haya hogaanka wadanka soomaaliya.

ugu dambayntii ayaa gudiga ssl waxa uu muujiyey sida joogitaanka ciidamada Ethiopia ee soomaaliya aysan  usoo kordhin wax horumar xaga nabadaynta shacabka ka soo daalay colaada iyo mid dib u heshiisiin dhexdooda ah toona, balse bedelkeedii uu noqdey barakicin aan ebed horey loo arag, xasuuq cadowtinimo iyo burburinta wixii yaraa ee ay gacmahooda ku sameysteen sida iskuuladii, isbitaaladii iyo adeegyadii bulshada ee awalba aadka u liitey.

Waxa uu madaxweynuhu balan qaadey in dhamaan codsiyadaasi oo dhan ay yihiin kuwo ay si gaar ah u tixgelinayo oo ay dawladeeduna ka shaqaynayso sidii xal waara loogu heli lahaa arinka aad u murugsan ee soomaaliya.



Gudiga Fulinta ee Golaha midnimada soomaaliyeed - Finland

sw,
ssl tiedottaja
Saed Guled

Afhayeenka Ururka
Sead Guled

Waxaa soo tebiyey
abdiaziz godah
agodah@hotmail.com

Dhegeyso: Col. C/Laahi Yuusuf iyo Col. Nuur Cadde oo Isku Khilaafsan In Wadahad Lala yeesho Dadka kasoo Horjeeda DFKMG...
iyo Xukuumadda Maraykanka oo ka soo horjeedda xeerka lagu magcaabo "HR 2003 - the Ethiopia Democracy and Accountability Act of 2007"... Akhri

Faafin: SomaliTalk.com   Dec 06, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com