SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Aug 24, 2007

Warar GooGoos ah:

Deeq lacageed oo Khamiistii la gaarsiiyay bukaanada jiiifa isbitaalka Madiina

Deeq lacageed oo khamiistii la gaarsiiyay bukaanada jiiifa isbitaalka Madiina
Deeq lacageed oo gaareeysa sagaal milyan Sh. SO. ah  ayna  soo direen muwaadiniin soomaaliyeed oo ku nool dalka Sucuudi carabiya ayaa khamiistii loo qeeybiyay bukaanada jiifa isbitaalka Madiina.

Deeqdani oo lagu soo hagaajiyay maryan shiikh oo ay u wakiilatay shiikh max'uud jimcaale cumar si uu u gaarsiiyo dadka ay dhibaatada ka soo gaartay dagaalada iyo qaraxyada joogtada ka noqday magaalada muqdisho ee jiifa isbitaalaka Madiina  ayaa loo qeeybiyay dad gaaraya 115 ruux oo qaba dhaawacyo kala duwan

Deeqdani oo ay si wada jir ah isku gudoonsiiyeen sheekh max'ud jimcaale cumar oo loo wakiishay in uu gaarsiiyo isbitaalka iyo agaasimah isbitaalka madaiina dr buurane

Agaaimaha isbitaalka Madiina Dr Buurane oo ka waramayay munaasabadii lagu gudoon siinayay lacagta  ayaa waxaa uu yiri " isbitaalka waxaa la keenaa maalintii in ka badan 30 ruux oo qaba dhaawacyo kala duwan oo ay waxyeelo ka soo gaarto dirirta ka aloosan magaalada iyo qaraxayada maalin kasta ka dhaca Muqdisho.

Deeqdani lacageed ayaa loogu qeeybiyay bukaanada iyagoo jiifa sariirahooda oo ayan xitaa awoodin In ay istaagaan siweeyn ayeeyna u soo dhaweeyeen deeqdaasi ay u soo direen walaalahooda soomaaliyeed ee ku nool magaalada jidaha ee dalka boqortooyada sucuudiga

Maahan markii ugu horeeysay ee ay gudoomaan maamulka isbitaalka Madiina deeq lacageed oo ay soo direen jaaliyadaha soomaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa .

MUUSE MAXAMUUD JISOW
somali39@hotmail.com


Faahfaahinta weeraradii Habeenkii Khamiista iyo Muqdisho.

Abdifitahaam Ahmed
Email: abdifitahaam@gmail.com  

Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Somalia waxaa habeenkii Khmiistu soo geleysey ka dhacay weeraro iyo dilal kala duwan. 

Sida lagu soo waramayo hal qof oo rayid ah ayaa xalay lagu dilay xaafada Xamar Jadiid ee degmada Wardhiigleey, iyadoo aan ilaa iminka la ogeyn sababaha rasmiga ah oo qofkasi lagu dilay iyo cida dishay intaba. 

Sidoo kale, qof ayaa ku dhaawacmay weerar bambaano loo adeegsaday oo xalay lagu qaaday ciidamo ka tirsan Dowlada Federaalka oo fariisin ku leh agagaarka isgooyska Florence ee magaalada Muqdisho. 

Qofkaan ayaa la sheegay inuu kamid ahaa dadweynaha ku dhaqan agagaarka isgooyska Florence, iyadoo dhaawaciisana uu yimid kadib markii bambaanooyin iyo rasaas lagu furay ciidamada ay haleeshay. 

Weerarkaasi xalay lagu qaaday fariisimada ciidamada Dowlada ee isgooyska Florence waxa uu ahaa mid aad u culus, iyadoo ciidamadana ay fureen rasaas aysan meelna u dayin, taasoo la sheegayo inay qasaaro geystay. 

Sidoo kale, saldhigyada booliska ee degmooyinka Hodan iyo Wada-jir ayaa xalay kooxo hubeysan waxa ay ku qaadeen weeraro culus oo qasaaro dhaliyay. 

Abaarihii 9:30 Fiidnimo ayaa la maqlay rasaas xoogan iyo bambooyin lala dhacay saldhigyada Hodan iyo Wada-jir, iyadoo ciidamadii halkaasi joogayna ay fureen rasaas xoogan. 

Muxyadiin Khaliif oo kamid ah dadka degan agagaarka saldhiga Hodan ayaa sheegay inay qalqaleen oo dhamaan dadweynaha xabadka dhulka wada dhigeen isagoo sheegay inay kala aqoon waayeen goobta ay xabadaha ka xigaan.

Afhayeenka ciidmaada booliska Dowlada Federaalka Cabdiwaaxid Maxamed Xuseen ayaa shaaca ka qaaday in qasaaro uu soo gaaray kooxdi weerarka soo qaaday naf ahaantooda, isagoo yiri “labada dhinacba xalay qasaaro ayaa soo gaaray”.

C/waaxid waxa uu ka gaabsaday inuu ka hadlo qasaaraha ciidamada soo gaaray balse waxuu ku gaabsaday in qasaaro uun soo gaaray.

Saaka ayaa la arkaa ciidamadii ku sugnaa Saldhigyadaasi xalay la weeraray oo wada baaritaano balaaran, iyadoo Afhayeenkana uu sheegay in baaritaanada ay yihiin kuwo lagu baadi goobayo kooxihii xalay soo weeraray.

Si kastaba, weerarada lala eeganayo ciidamada Dowlada Federaalka Somalia xili habeenkii ayaa habeenadii ugu dambeeyay kusoo badanayay caasimada.

Guddoomihii Beledweyne oo diiday inuu xilka wareejiyo

.Axmed Gobeey Cawaale oo ahaa Guddoomiyihii hore ee degmada Beledweyne ayaa sheegay inuusan xiligaan marnaba wareejin doonin xilkaasi, isagoo sheegay inuu yahay Guddoomiyaha Beledweyne ee rasmiga ah.

Axmed Gobeey oo Saxaafada la hadlay ayaa yiri “Lagama yaabo xiligaan inaan wareejiyo xilka aan hayo, waayo magaalada wey kacsan tahay, waxaana maamulka cusub uu kusoo biiriyay magaalada ammaan xumo la taaban karo”.

Axmed Gobeey waxa uu ku adkeystay inaan xoog xilka looga qaadi Karin isla markaana isaga loo aqoonsan yahay guddoomiyaha Beledweyne, balse maamulka cusub uu wado isku dir sida uu yiri beelaha gobalka dega dhexdooda ah.

Guddoomiyihii hore ee Magaalada Baladweyne ayaa sheegey in magaaaladaasi hadda uu ka taagan tahay xaalad adag oo ku sheegey in ay keeni karto Qatar hore leh oo dagaalo ay ku dhex maraan qabaa’ilaadka ku dhaqan gobolkaasi,sidaa daraadeedna aanu wareejineyn wax xil ah tan iyo inta xaaladdu ay sidaasi tahay.

Axmed Gobey ayaa waxaa uu sheegey in Beel waliba xiratey halkii ay deegaan ahaan u deganaayeen,islamarkaana maamulka cusub ay u diideen in ay bixiyaan lacago canshuuraad ah oo uu maamulka ku soo rogey.

“Aniga xilkaan waan hayno doonaa ilaa maamul loo dhan yahay uu yimaado la igama qaadi karo xiligaan taasi ayaan u sheegayaa dadweynaha gobalka ku dhaqan” ayuu yiri Axmed Gobeey.

Arintaan ayaa keeni karta isku dhac dhex mara labada beelood ee kasoo kala jeedaan Axmed Gobeey iyo Guddoomiyaha cusub ee Beledweyne loo magacaabay maadaama labada beelood lagu soo waramayo inay mid walba la safatay ninkeeda Beledweynaha ay ka jiraan hub aruursi xoogan.

Markab laga lahaa Denmark oo xeebaha Somalia lagu heystay oo lasii daayay. 

Markab laga halaa dalka Denmark oo u afduubnaa burcad badeed Soomaali ah ayaa lagu guuleystay in laga sii daayo burcad badeedkii heysatay. 

Markabkaan oo lagu magacaabo the Danica White iyo shaqaalaha saarnaa ayaa waxaa xeebaha Somalia lagu heystay 80 maalmood.

Saraaakiisha wasaaradda arrimaha dibedda Denmark ayaa sheegta in markab the Danica White loo gacan geliyay markab dagaal oo Dowladda Faransiiska ay lee dahay.

Markabka Danish-ka, ayaa waxaa 2-dii june lagu afduubtay xeebaha Somalia, xili uu kusii wajahnaa dekedda magaalada Mombassa ee dalka Kenya, si halkaasi uu u geeyo qalab dhisme

Madaxa waaxda qunsulka wasaarada arrimaha dibida Denmark Lars Thuesen ayaa sheegay in shalaaha ay caafimaad qabaan laakiin ay soo mareen xaalad adag, waxuuna sheegay in shanta shaqaale ee la sii daayay ay mari doonaan qiimeyn dhinaca caafimaadka ah ka hor inta aysan dib iula midoobin qoysaskooda.

Burcad badeedka Soomaalida ayaa ku sii tarmaysa xeebaha geeska Africa, iyadoo badi burcadaasi oo ah dagaalyahano si wanaagsan u tababaran ayaa xiran dareeska militariga, waxa ayna isticmaalaan doonyaha dheereeye, iyagoo ku qalabaysan taleefoonada Satellite-ka.

Ilaa hada lama oga  halkii ay ku dambeeyeen burcad badeedkii heysatay markabkaasi.

DF oo sheegtay in ammaanka Muqdisho labaatan cisho kadib dib usoo celin doonto. 

Maxamed Maxamuud Guuleed “Gacmo Dheere” Wasiirka arrimaha gudaha Dowlada Federaalka Somalia ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada dowlada ay dhawaan soo gaba gabeyn doonaan howl-galada lagu sugayo ammaanka caasimada Somalia ee Muqdisho.

Wasiirka waxa uu sheegay in ciidamada ay wax badan ka qabteen xaalado uu ku tilmaamay ammaan xumo ka aloosneed magaalada Muqdisho, isla markaana ay hada magaalada ka xasiloon tahay sidii hore. 

Gacmo Dheere ayaa hadalkaan ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxa uu sidoo kale sheegay in maalmaha soo socda lasoo gaba gabeyn doono howlaha ammaan sugida ah oo ay ciidamada Dowlada ka wadaan Muqdisho.

“Inkasta oo ay jiraan in caqabado badan ay naga hor imanayaan ayaan haddana waxaan go'aan ku gaarnay in saddex toddobaad kaga adkaan muqaawamada” ayuu yiri Gacmo Dheere.

Waxa uu sheegay in muddo labaatan maalmood gudahood la dareemi doono nabad ka dhalata Muqdisho isagoo ugu baaqay shacabka inay taageeraan howl-galada ciidamada si ammaankooda loo sugo.

Gacma dheere ayaa sheegay in laba hab ay u adeegsanayaan nabadeynta magaalada, ayada oo midi ay tahay shirka dib u heshiisiinta ee hadda socda kaasi oo sida uu yiri looga dhaadhicinayo hogaamiyayaasha qabaa'ilka inay dib uga heshiiyaan kala duwanaashaha dhinaca fikirka ah ee u dhaxeeya iyo tan labaad oo uu yiri “ waa ayada oo la kordhinaya baraha kontroolka ee dhinaca ammaanka oo la kordhin doono”.

Wasiirka arrimaha gudaha waxa uu sheegay dowladiisa ay qaadi doono mas'uuliyada nabad kusoo celinta Muqdisho iyo guud ahan dalka, ayada oo taasi ka duuleysana ay weerari doonaan goobaha uu sheegay inay muqaawamada isku qarinayaan.

Si kastaba, hadalkaan ayaa kusoo beegmaya xili ammaan darada ugu xumeyd 17-sanno ee dalka ku jiray dagaalada ay ka taagan tahay Muqdisho taasoo aan lagu xalin karin labaatan maalmood iyo in ka badan balse la sheego hadii wada hadal la furo in la xalin karo.

Abdifitahaam Ahmed
Email: abdifitahaam@gmail.com


Wararkii Aug 23, 2007

Banaanbax ka dhan ah hadalkii Max’ed Dheere oo maanta dhacay.

Banaanbax balaaran oo loogu soo horjeeday hadalkii dhawaan uu jeediyay Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Max’ed Cumar Xabeeb “Maxamed Dheere” ayaa maanta ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Carbiska iyo degmada Afgooye oo ay si xoogan u degan yihiin dadweynaha usoo adkeysan waayay dagaalada iyo qaraxyada ka dhacaya Muqdisho.

Hadalkii Max’ed Dheere oo ayuu ku sheegay in dadweynahaasi ka qaxay Muqdisho ee goobaha maanta banaanbaxa ka dhacay degay ay yihiin Argagaxiso isla markaana wax ay ka qaban doono arrimahooda Dowlada Federaalka.

Banaanbaxaan ayaa waxaa iskugu soo baxay dadweyne aad u fara badan iyadoo ay ka dhex muuqdeen dibadbaxyadaasi dad da’a ah oo aan socon karin kuwaasoo lagu riicayay kuraasyada dadka cuuryaamiinta ah lagu qaado.

“Max’ed Dheere ma ahan mas’uul u qalba xilka ay dowlada u magacowday, dowladana waxaan ugu baaqeynaa sida ugu dhaqsiyaha badan inay ninkaasi xilka ugu qaado isla markaana hadalka uu yiri Maxkamad qaran lagugu soo saaro” sidaasi waxaa yiri Warsame Gurxan oo kamid ahaa odoyaashii maanta dibadbaxayay.

Ma jiro wax mas’uul ah oo ka mid ah maamulka degmada Afgooye oo ka soo qeybgalay dibadbaxaasi, iyadoo dadweynaha qaarkood ay gubeen sawirka Max’ed Dheere.

Maniha Argagixiso, mana naqaano Argagixiso, waxaynu nahay dad naf-labaxsi ah, ee halkani ku nool" sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah Dadkan dibad-baxa balaaran dhigayay.

Dibadbaxayaasha ayaa waxa ay baaq u jeediyeen hay’adaha samafalka iyo dalalka deeqaha bixiya in lala soo gaaro gargaar bani-aadnimo.

Hadalka Max’ed Dheere ayaa horey waxaa aad ugu soo horjeeystay QM, Wasiiro ka tirsan Dowlada Federaalka iyo Mas’uuliyiin kale oo ku tilmaameen dhamaantood hadal aan laga fiirsan oo la iska yiri.

Askari ka tirsan ciidamada DF oo xukun dil ah lagu fuliyay.

 

Askari ka tirsanaa ciidamada Dowlada KMG ah ee Somalia ayaa manta xukun dil ah lagu fuliyay.

 

Askarigaan ayaa waxaa toogtay askar ka tirsan ciidamada Dowlada Federaalka, iyadoo dilka qasaarta ahna uu ka dhacay maanfta fagaaraha Iskool Polisio.

 

Afhayeenka ciidamada Dowlada Federaalka ee gobalka Banaadir Cabdiwaaxid Maxamed Xuseen ayaa Saxaafada u xaqiijiyay in askarigii maanta la qisaasay uu si bareer ah ku dilay askari kale oo dowlada ka tirsan isla markaana cadeymo kamid xukunkaan maana lagu fuliyay lagu qaaday.

Afhayeenka waxuu sidoo kale sheegay in askarigaan lagu magacaabi jiray Farxaan Cabdi Kulmiye oo ka tirsanaa guutada 15 aad ee ciidamada xooga dalka Somaliyed, waxaana xukunka ku riday Maxkamada qalabka sida.

Afhayeenka ayaa sidoo kale tilmaamay in ay jiraan Askar kale oo ciidamada ka tirsan, kuwaasi oo ku xiran jeelasha, isla markaana ku eedeysan in ay geesteen falal dilal ah.

Ehelada askarigii maanta la qisaasay ayaa kasoo horjeestay falkaasi iyagoo sheegay inay jiraan askar tira badan oo dilay askar kale isla markaana aan loo qabsan.

Max’ed Xasan Kulmiye oo ilmo adeer ee yihiin askarigii maanta la qisaasay ayaa yiri “Waxaa jira askar aad u fara badan oo askar kale dilay kuwaaso aan xitaa lagu eedeeyn dilkaasi maadaama ay ka tirsan yihiin beesha Madaxweyne Yuusuf, balse walaalkeey kama uusan tirsaneen beeshaasi hadii uu ahaan lahaa waan hubaa inuu maanta noolaan lahaa”.

Isku soo duuboo, waxaa horey u dhacay dilal qasaas ah oo ay Dowlada Federaalka ku fulisay qaar ka tirsan ciidamadeeda oo dilal u geystay ciidamo kale balse wali lama soo hortagin sharciga ciidamada DF ee sida sharci darada ah maalin kasta u dila dadweynaha shacabka ee Muqdisho ku dhaqan.

Abdifitahaam Ahmed
Email: abdifitahaam@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 24, 2007 

Dhulka Soomaalida ee Shidaalka laga baarayo miyaa ka riqiisan dhulka Afrikada kale, mase Madaxda Soomaaliyeed ayaan adduunka la socon

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com