SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
ERGO: TIX GABAY AH: Ku Socdda Maakhir :::

Tixda Ergo waxa curiyey Mohamed Hassan Omar.  Waxay soo baxday August 21 2007.  Tixdani waxay daaha ka qaadaysaa Jibril Ali Salad garagdaamadiisa uu ku hayo ummadiisa.  Tusaale ayay noqonaysaa tixdani inaanu daacad ka ahayn Maamulka uu leeyahay waxaan u sameeyey Makhir.

  • Run Haddaan asiiboo xaqiiq adag ka faaloodo
  • Ma afkaa i guban Maxamuudow wayla amakaage
  • Ergo weeye gabaygani oo waa afeef culuse
  • Jibriilkaa  dadkeenii idlaa kala irdhaynaaya
  • Eex iyo qabyaalad ninkaa nagu afuufaaya
  • Aafiyo colaad iyo ninkaa ololinta u taagan
  •  
  • Aasaaska gobol baan wadaa ninkaa ku andacoonaya
  • Isir raaca nimankii noqdee na inkiree goostay
  • Ee idilka Soomali iyo diidey unugeena
  • Udub iyo ninkay soo direen odaygi Siilaanyo
  •  
  • Aynigiis ninkaa daba orday een tiisa agab yeelin
  • Ayaaha dambiyo kaanan garan waxa ogaal duugan
  • Doofaarba waxa loo eryee lagu ikraahaayey
  •  Oo ehelunaar looga dhigay ficilo awgeede
  •  
  • Adiguna sidaad eega tahay waa astaan culuse
  • Ebliisyahaw ka joog waxaad ololin iyo amaridaad duugi
  • Ama aad Hargaysiyo Burciyo nimanka iidoora
  • Hadii kale ragbaa ku arkayee socodka aashaada.
 
Mohamed Hassan Omar

 
 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 23, 2007 

Dhulka Soomaalida ee Shidaalka laga baarayo miyaa ka riqiisan dhulka Afrikada kale, mase Madaxda Soomaaliyeed ayaan adduunka la socon

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com