Somaaliyeey, Xaqa Oo Lagu Dheganaado Waa Guusheena.
Abdallah
Moallim Mahamud (Cabdullahi Siyaasi)
Moallem10@hotmail.com
Dulmigi hore dulmi ayaa lagu beddalay,danbiga hore
loo galay waa la kordhiyay ,howsha Muqdisho ka socotana waa camal
doorshaan, shaqo fara badan oo aan guul ka danbeyn ,mooryaanti is
qabatay qaar ayaa xabasha la yimid ,qaarna orad ayey wax ka dayeen
,qaarna weli kama soo degin damacoodi iyo tala xumadi ay faraha kula
jiri-jireen,qaarna waxay ku hoobteen gacanta kuwa iyaga la yaqaan,
tabihi ay ku dhaqmi jireen ,balsa markaan dabada ku wato Tigree
danaheeda fara badan yihiin .qaarna waxay muraayada ka arkaan in ay
howl wacan faraha kula jiraan, umana muuqato xagee ku danbeeyay
dulmigi ka horeeyay kan ay maanta wadaan..Soomali maatadeedina waxay
ku bas baashey inta u dhaxayso kooxo uu shaydaanka suldaan u
yahay,una taagan sidi ay Soomali kaga weecin lahaayeen Dariiqa
Toosan ee Ilaahey.
Eebow ,saaxibkay na soo weydiiyay asxaabti wax ka
qori jirtay arrimha Soomalida maxay qoonsadeen oo ay u aamuseen..
Walaalkay nin walbo waxuu la aamusay arrin u gaar ah
isaga ,balsa aniga,
waxaan u aamusoon la amakaakay saddex arrin oo
alif ku taal
Waxaan u aamusoon la amakaakay
Amxaar iyo Ariteraa
Ehelkaaga u atooreyhaayo
Waxaan u aamusoon la amakaakay
Ina Yusufaa ka amiiriyo afar-irdood
Waxaan u aamusoon la amakaakay
Arligi abkay inuunan ood lahayn

"Xaqaanse ku gannaa Baadilka oo tirtira,waxaa
idiinku sugnaaday halaag waxaad sheegaysaan" waa aayad quraan
,Suurat Al-Anbiyaa,aayada Sideed iyo tobanaad.
Ma jiro baadil guul soo hooyo ,mar walbana sida
diinteena na bartay ,tarriikhda qorana ay na bartay, xaqa ayaa
guusha ku danbeeya had iyo goor .waxa maanta Somaaliya ka socdo
,gaar ahaana magaalada Muqdisho ,waa iyada oo la rabo in xaqi lagu
doono baadil ,mana guulaysanayo ,xaqa xaq ayaa lagu doonaa, keddibna
ilaahey ayaa garab istaago ,Al-xaq waa magacyada suubaan ee Ilaahey
mid ka mid ah.
Soomaali waxay ku habsaantay garab-siinta
baadilka ,Qaar baa isticmaarka madow u sacaba tumayo, iyaga oo
muraayad shaydaanka u suray ka arko in ay danahooda sidaa ku gaari
karaan,qaar kale ayaa iyagana Aritree qayla dhaantooda laga
maqlayaa, howlahoodana kama marno howl Shaydaan ,kuwaa halkaa joogo
si uma wada arko falkooda, waxaa ku jiro rag ay ka dhab tahay
dadaalka ay ugu jiraan gaarista ummadda Soomaaliyeed oo xor ah,
waxaasa ku dhax milqan qaar sabab u ahaa in dalkeena, sidiisaba
gacanta u galo isticmaar madow oo ay gadaal ka riixayaan dowlado
ay ku fogaatay neceybka ay u qabaan diinta Islaamka oo gaarto heer
ay dadkeeda isku xukumaan , ragga Ariteree joogo waxaa iyagana ku
jiro Xuseyn Caydiid oo magaalada Muqdisho ku yimid diyaarad duug ah
oo ay Tigreeda leedahay ,keddibna ku soo baraarugay isaga oo ku jiro
daabuurka shanaad ee adeegayaasha Tigreeda, sidaana uga cararay
Tigreeda Addis-Ababa ,carana ugu tegay Tigreeda Asmara.
Ragga Aritree joogo waxaa ku jiro Col Cumar
Xaashi oo aanan hore loo arkin arrin Soomaali isugu timid ,ha
xumaato ,hasa samaatee ee uu raali ka yahay tan iyo inti ay
burburtay Dowladdi dhexe ee Soomaaliyeed 1990, col Cumar Xaashi
wuxuu ka mid noqday dhowr iyo tobaneeyo isbahaysi, welina lama haayo
isbahaysi uu ku jiro oo guul soo hooyay,markaad shaqisyadiisa dhinac
walba ka fiiriso wauxuu Col Cabdulahi Yusuf kala mid yahay doonista
mansab wacan oo baadil lagu gaaro ,iyo ka mid noqoshada isbahaysiyo
ay howshooda ku dhamaato fashil iyo yaa maqlay ebed baadil guul lagu
gaaray.
Ragga Aritree joogo waxaa isagana ku jiro
Sharif Xasan Sharif aadan oo aan isaga lahayn hadaf cad oo
siyaasadeed, goor-walbana isbahaysi la galo ,hadba ruuxi dhegta ugu
sheego wixi waqtigaas isaga ugu muuqdo in ay ku jirto dantiisa gaar
ahaaneed ,Shariif Xasan waa nin aanan u bislayn hogaanimo, si
ilduufana ugu soo dhax dhacay hardanka siyaasadeed iyo isqab-qabsiga
u dhaxeeyo hogaamiyayaasha Soomalida ,hashiisyadi siyaasadeed ee
Shariif Xasan horay u galay, dhamaan wxaa mirahooda gurtay dhinaca
kale ee isaga heshiiska la galay ,Shariif Xasan dadka uu
isbahaysiga la galo, markaad gadaal u fiiriso waxaa kuu soo baxayo
in uu yahay nin aanan ku xisaabtamin Beri, balsa uu yahay nin ay
aragtidiisa ku kooban tahay maalintaas sida arrinka yahay,Shariif
Xasan isagana lama haayo isbahaysi uu ka mid noqday oo guul soo
hooyay.
Hadaba hordhac dheer ka gadaal ,su'aasha na
hortaal Soomaali weyn oo dhan ,"waa sidee Qoona loo xagtaa, Ilkana
ku nabad galaan", waa sidee dalkeena looga xoreeyaa cadawga Tigreeda
ee nagu soo duulay iyo hogaamiyayaal cadaw ku ah danaha dalkooda iyo
dadkooda iyada oo aanan lugaha lala sii gelin, howl keeni karto in
ay daba dheeraato. dhibaatada ay ummaddeena ku haayaan dhinacya
badan oo isku haayo maareynta arrimaha waddankeena.
Xabashi waxaa lagu bxin karaa oo kaliya,
abuuritaanka isbahaysi ay ka madax banaan yihiin shaqsiyaad ay tuhma
ka qabaan ummadda Soomaaliyeed ,gaar ahaan shaqsiyaad iyaga lagu
tirinaayo in ay dowr weyn ku lahaayeen murugada Soomali weyn dul
tiil 17 toban sano oo gadaal i noo dhaaftay ,hadaba sidaa darteed
shaqsi walbo oo dadaal ugu jiro qaabaynta iyo diyaarinti qaabki
waddankeena looga bixi lahaa Isticmaarka madow iyo
dabadhilifyadiisa, waa in uu horta isaga ka digtoonaada la dhaqanka
shaqsiyaadkaas aan kor ku soo sheegnay,.wax dhib ah kuma jiro in
laga faa'iidaysto waqtigan, Aritree naca ay u hayso nidaamka ka
Arrimiyo Addis-Ababa iyada oo aanan maanka laga saarin in uu Asaasi
Afooriqi yahay nin aad u neceb araga dal Islaam ah oo deris u ah ee
isku ku xukumayo diinta Islaamka.
DFMk uma soo jeedo dhegaysiga dhinacyada
siyaasadeeda iyo joogitaanka tigreeda ee waddankeena aad u diidan
,sidoo kale dhinacyada siyaasad ahaan DFKM ka soo horjeedo ,aadna u
diidan joogitaanka tigreeda ee waddnkeeda waxaa aad uga dhax muuqdo
shaqsiyaad aan u taagnayn dan waddaniyeed ,arrintoodana aynan
dhaafsiisnayn doonista dana aad gurracan, oo marki horaba sabab u
ahaa in dalkeena ay ku dabadheeraato ku jiritaanka dhibaato aan
gacanteena ku abuurnay.
Talo ku jeedo ruux walbo oo waddani ah ,doonayana
maslaxadda ummaddeena Soomaaliyeed ,taladaas waa in uunnan ruuxaas
ka soo dhax muuqan dad loo yaqaan in ay gacan aad u mugweyn ku
lahaayeen dhibaataynta ummadda Soomaaliyeed,waxaa kale oo aan kula
talinaynaa ragga ay ka dhab tahay u taagnaashada waddankeena oo ka
xoroobo Tigree, in haddii ay dhacdo in laga fursan waayo ka tashiga
shaqsiyaadkaas waqtigan xaadirkaa, in ay taladooda haddeer ku
darsadaan sidi ay uga digtoonaan lahaayeen in aynan kuwaas dhankooda
marnaba kaga imaan falal iyo hadalo waxyeelayn karo u istaagida in
dalkeena laga xoreeyo tigreeda ku soo duushay iyo
dabadhilifyadooda..
Tigree,Dabadhilifyadooda Iyo Wixi Xunba Ha Na
Daayaan
10/08/2007
Abdullahi Moallim Mahamud (Cabdullhi
Siyaasi)
Moallem10@hotmail.com
Muqdisho
Weli Kuma Dhicin Gacanta Cadawga Soomaaliyeed...
Akhri..