SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Sidii Muxamed Gaalada U Galay Ma Ugu Gaaddeynay 

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif


London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 


Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Markii maamulka Maraykanka, Tigreega iyo Tigree-raacu ay weerar cir iyo dhul ah ku soo qaadeen shacabka Soomaaliyeed oo ay maxkamaduhu horboodayaan ayaa dad badan waxay u qaateen in kacdoonkii barakeysnaa ay u dhammaatay. Dadkaasi waxay meesha ka saareen in cisada iyo awoodda ugu weyn uu Allaah leeyahay. 

Waxaan rabaa inaan halkan kacdoonka shacabka ugu soo qoro gabay si khaldan loo isticmaalay laakiin aad mooddo inuu ka hadlayo maxkamadaha oo duur galay oo cadow isagu tagay laakiin samir iyo gargaar Eebbe kaddib cadowgii inta ku biyo keeneen ka dhigay waxay dileen iyo waxay ceyrsheen. Sidoo kalana ka furtay waxay hub heysteen. Waxaa aad u qurux badan sida gabyaagu iskugu aadiyey meerisyada ka hadlaya hubka uu furtay. Marka waa hubka haddii Ilaah idmo aan Tigreega iyo Tigree-raaca ka furan doonno. Waa qeybo ka mid ah gabay dheere. Wuxuu yiri: 

  • Geesigu haddduu… gamaska soo laabto
  • Inkastoo gabbood lagu faloo cadow ku gowriiro
  • Wuxuu Guullihiis ugu samroo godol la ciiraaba
     
  • Godobtiisa raagtaa nimaan gudan la moodaaye
  • Goolkuu sugaayiyo kolkii liifaddu is gaadho
  • Ee uu guntiga giigsadaa fuleygu guulmaaye
     
  • Annagoo guhaadiyo waxaan caro gamuurnaaba
  • Go’doon waxaan ahaanno sidii geri wareegnaaba
  • Gorayada sideedii waxaan gaahi socodnaaba
     
  • Gabbal dhiciyo waaberi waxaan gaari orodnaaba
  • Gabbaad dhul aan lahayniyo waxaan gelengel meernaaba
  • Gaajada daraadeed waxaan golongolnaanaaba
     
  • Geeri aan dhammaaneyn waxaan seben ku gaarnaaba
  • Wuxuu golowgu giileeyahoo gama’a diidaaba
  • Gorgorkiyo waraabuhu waxay hilib ka giigaanba
     
  • Gobanimada Maandeeq waxaad Yurub u geysaaba
  • Gumaaradaha dhulkeygiyo waxaad ciidda gadataaba
  • Gawaanlaha sidiisii waxaad noo gorgorisaaba
     
  • Haddaad tiri ma geylamikaraan gocosadaad reebtay
  • Gu’ ma jirine maantoo kalaan soo gilgilannaaye
  • Gacalkood raggaad leysataa gayr la soo kacaye
     
  • Wakaas dadkii gaagaxoo soo gandoodsadaye
  • Afartaada geesood dab baa kaaga soo galaye
  • Gogoshaada meel gee carrigu kugu gantooboowye
     
  • Geedihii la gooyaa marbey geydho bixiyaane
  • Haddii aan guntoodiyo engegin goborka hooseeya
  • Inkastoo la gubo xididadey goror ku heystaane
     
  • Gurmo-go’antu waa soo fuftaa guux hadduu maro e
  • Gu’ sooraan ahaaneed haddii gibilku seymeeyo
  • Mar uun baa galoolku is xiraa gubatadii soole
     
  • Wuxuu Guullahey korinayaa garab ma waayaane
  • Inkastood na kala gaasirtood nagu galeyryeysay
  • Rabbi baa guddoonsaday inaan gacan sarreynaaye
     
  • Annagoo gabood lama dagee gol iyo duur joogna
  • Annagoo xaqii nalaka guray daba galliinkiisa
  • Annagoo gob baa aarsatee guluf rasaaseeyno
     
  • Annagoo gaheyr noqonnayoo gaban ka weynaannay
  • Annagoo giftii horoo qabnoo ciil……………..
  • Annagoo sidaannu u gurxami laga gadiidaayo
     
  • Annagoo gabraarsiga sidii ganato yaaceyna
  • Annagoo miraha gomoshahaa hawd ka guraneyna
  • Annagoon gasiin kale aqoon guradka mooyaane
     
  • Annagoo sidii gaade tuug soo galgalaneyna
  • Annagoo ka goor iyo ka goor gaar u wada taagan
  • Annagoo sidii aar gardho leh guudad hamashoownay
     
  • Annagoo gurbood aabbe li’i naga dul gooheyso
  • Annagoo gambooleyayadu guuxa damin weyday
  • Annagoo garowsoon waxaas nala ku goodaadshay
     
  • Nabsi waa giraan socota oo gelinba meel taale
  • Waa gulungulceeyaa sidii gal iyo duufaane
  • Wixii naga gullaalaan jiraa soo galgaal baxaye
     
  • Geddigii la soo maray haddii rag isku giisaasay
  • Waagoo gaduutoo shamsadu gol iyo baal keentay
  • Guutooyinkaagii haddaad foodda noo galisay
     
  • Ma gaashaandhiggii baa difaac ula garwaaxeystay
  • Gumniyaal walaalo ah miyaa ficil galiilyooday
  • Gablamooy dagaalama miyaa la isla wada gaaray
     
  • Garneylkiyo rasaastii miyaa gininiftoo yeedhay
  • Fiintiyo galeyrkii miyaa wada galuuyaasay
  • Gujisyada isdhaafkaa miyaa labo gar weydaartay
     
  • Nin waliba wuxuu galo miyaa gaashi ka caddaatay
  • Gurmadkiyo ataagii miyaan goor dambe u yeernay
  • Beynaad gafuurkeed miyaa la isla soo gaaray
     
  • Gedihii Rasuulkii miyaan galab caroowsiinnay
  • Guulloow Adaa weyn miyaa gaardi lagu qaaday
  • Sidii Muaxamed gaalada u galay ma ugu gaaddeynay
     
  • Gufarkii la soo diray ….. ma u gadaansaarnay
  • Cararkii garaaraco miyaa goxondho naafeysay
  • Sidii xoolo goosana miyaa gabalba meel aaday
     
  • Geesh wada asxaabiya miyaa kugu galaandeyray
  • Hadba Gaan Malaa’iga miyaa kugu garmaameeyey
  • Sidii goobihii Beder miyaa la idin ku geeraaray

Hubka Tigreega laga furan doono haddii Ilaah idmo 

  • Gaas guuxayoo laba shirraa gaari noocyo lehe
  • Iyo gaas gamuux-jiibahoo gaatan iyo xeel leh
  • Iyo gaas garaasiyo is-jiid gud iyo qaatiin leh
     
  • Iyo gaas san-geyr wada lahoo gooladaha jiira
  • Ama gaas gawaarida qafilan amase gaashaaman
  • Iyo gaas biyaha geeya oo gud iyo aagaan leh
     
  • Iyo gaas gafuur taangiyoo wada gurguurtaaya
  • Iyo gaas Jabbaan laga gadoo galacloow siisoowa
  • Iyo gaas gammuuniyo zuu …………………….
     
  • Iyo gaas halkii lagu gilgilo lagu gaboodmaayo
  • Iyo gaas gantaalaha hawada lagu ganoo duula
  • Iyo gaas dhufeysyada gurracan lagu garaacaayo
     
  • Iyo gaas galool baxahayoo gumuc ka yeeraayo
  • Iyo gaas gandoodsiga lugaha gorariyoo taaga
  • Iyo gaas gariir kugu ridoo garab hilaacaaya
     
  • Iyo gaas gufaaceynayoo galangal daacaaya
  • Iyo gaas ged baasuuke iyo aake soo godana
  • Iyo gaasas bii ema miyaan galab ka saanyoonney
     
  • Wuxuu soo gedaansaday miyaan goobanney oo furannay
  • Gooddigiyo faankii miyaa sii hirgeli waayey
  • Sidii waa naloo galay miyaa ceydhu golashleysay

Marka Sheekadii Tigreega iyo Tigree-raacu waa soconweyday. Marka waxaan kacdoonka shacabka kula talinayaa iney samraan oo sugnaadaan. Guushii Ilaah waa dhowdahay marka yaan la degdegin. Marka Ilaah idinki Tigree iyo Tigree-raac waa u dhammaaneysaa. 

C/Waaxid C/hi Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | April 25, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com