SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Qofkii Raba In Madfaca Laga Daayo Waa Inuu Milladda Gaalada Raaco 

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif


London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 


Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Ilaahay wuxuu Qur’aanka ku leeyahay haddii aan Soomaali ahaan u dhahno: Yuhuudda iyo Kiristaanku  idin ka raalli noqonmaayaan ilaa aad milladdooda raacdaan. Milladdu waa labo. Midda dadka wanwanaagsan sidii tii Nabi Ibraahiim (CS) ama midda gaalada. Xitaa diintu waa sidaas oo mid waxaa loo tiiriyaa Ilaahay, Rasuulkiisa iyo dadka wanwanaagsan ama mid loo tiiriyo gaalada. Sida (LAKUM DIINNIKUM, WALIYA DIIN). Ma xasuusto meel lagu leeyahay milladda Ilaahay laakiin waxaan aragnaa Sunnada Ilaahay ama Fidrada Ilaahay. Xitaa gaalada waa loo tiirinkaraa sunnadooda.

Waxaa gaal caan ah laga sheegay: ma rabno muslimiinta iney diinta Baybalka (Yuhuudda iyo Kiristaanka) qaataan laakiin waxaan rabnaa iney diintooda ka soo tagaan xitaa hadday rabaan yeyna teenna soo gelin. Runtii, ninkaas gaalka ah waa ka saraaxo badanyahay niman badan oo culumo waaweyn sheegta oo muslimiin ah. Kuwaas muslimiinta ahi iyagoo danahooda fiirsanaya oo raalli gelinaya xukaamtooda ayey dadka muslimiinta ah wax iskugu qasaan.

Soow Ilaahay ma oran haddaan Afsoomaali ku cabbirno: gaaladu kama tagayaan iney idin la dagaalaan ilaa ay diintiinna idinka ceshaan haddii ay awoodaan? Shaki ma leh iney isku dayaan iney dadka gaaleysiiyaan hadday awoodaan in kastoo ay maato faro badan khaldaan. Haddaba, gaalada muhiimada koowaad ma saaraan iney Ashahaado, Salaad, Zako, Soom iyo Xaj kaa hor istaagaan maxaa yeelay mar haddii xukunkii Ilaahay dhulka ka maqanyahay, Salaaddeena iyo Soomkeennu dhib kuma hayo bal waxaa laga yaabaa inuu kheyr adduun u keeno. Soow meydaan arag marka Ciidaha la tukanayo, in dhulalkaan reer Galbeedka masaajidda soo dhoobaan booliis badan si nabadda loo sugo? Halka magaalooyin Soomaaliyeed ay niman dariiqooyin ah u diidaan dadka badan iney si fiican u tukadaan ama muxaadaro la soo jeedsho. Marka shaqada noocaas ah reer Galbeedka faa’iido bey ka helaan khaasatan mid adduun iyo sumcad. Laakiin gaalada waxaa u daran in xukun Islaam meesha soo galo. Haddii xukun Islaam adduunka yimaado ma jireyso boqollaal qof oo dhaqaalaha adduunka xukumaya sidaas darteed haddii waddan dhan oo muslim ah kulligiis wada tukado oo soomo, gaalo dan kama laha marba haddeysan isku xukumin xukun Islaam. Haddii la waayo culumo ka hadleysa iyo dad u ol’oleynaya in xukunka Ilaahay la isku xukumo, dadka halkaas jooga oo dhan waxay raaceen millada gaalada! Weli ma lihi waa gaalo. IN LAKALA SAARO XUKUNKA IYO DIINTA WAA MILLAD GAALO. Qof kastoo u arka dadka xukunka Islaamka raba iney yihiin argagixiso waa qof milladdii gaalada raacay. Soow ma aragtaan dagaaloogayaasha Soomaalida, qofkii xukun raba inuu dadka diinta lagu tuhmayo wax ka sheego. Kun sano ka hor baa nin waalli lagu tilmaami jiray oo xakiim muslim ahaa yiri: 

ﺰﻣﺎﻦ ﻗﺪ ﺘﻓﺮﻍ ﻠﻠﻔﻀﻮﻞ      ﻴﺳﻮﺪ ﻜﻞ ﺣﻣﻖ ﺠﻬﻭﻝ 

            ﻓﺈﻦ ﺃﺤﺒﺒﺘﻢ ﻓﻳﻩ ﺍﺮﺗﻓﺎﻋﺎ        ﻓﻜﻮﻧﻮ ﺠﺎﮬﻠﻠﻴﻦ ﺒﻼ ﻋﻘﻮﻞ

Wuxuu leeyahay waa saban ka takhalusay dadkii caqliga dheeraadka ah lahaa oo uu hogaanka hayo mid kastoo doqon jaahil ah. Wuxuu leeyahay qofkii raba inuu madax noqdo oo dadka ka sare maro waa inuu ahaadaa jaahil aan caalle ah. Ilaah baan idin ku dhaarshee miyaan waxa muslimiinta horboodayaa sidaas ku sifoobin? 

Dad culumo sheeganaya baa laga yaabaa markey arkaan weeraha ugu dambeeya ee qoraalka kore iney igu tumaan Takfiir una qaataan inaan leeyahay dadku waa gaalo. Waxaan uga danleeyahay haddaad arki weydo koox ama dad aan gaalo la dagaalsaneyn waxay raaceen milladdooda ama xukunka Islaamka ayesan isku xukumin. Tusaale ahaan, Soomaaliya khaasatan labada maamul ee Somaliland iyo Puntland waxay raaceen milladda gaalada (Itoobiya). Weli kama wado waa gaalo. Labada maamul iyo siyaasiyiinta ama dagaaloogayaasha Koonfureed een rabin xukun Ilaahay waxay raaceen milladda gaalada. Xukaamta muslimiintoo dhan waxay raaceen milladda gaalada. Dan ka ma lihi cududaarka culamada qaarkeed baxshaan sida iyaga oo dhaha waxaa u geeyey xukun-jacayl ama wax la mid ah. Marka micno maleh wixii kuu geeyey millad gaalo raaciddeed hadday xukun-jacayl tahay iyo hadday xoolo tahayba. Waxa dagaalku ku socdo oon milladda gaalada raacin waa dadka leh waxaan rabnaa in Islaamka la isku xukumo. 

Gaaladu muhiim uma aha inaad gaaloowdo laakiin bal suureyso qof waddan muslim xukuma oo gaal u shaqeeya! Suureyso intay na soo ceyrsheen baan gaalo soo magangalnay. Ilaah baan ku dhaartee, madaxda reer Galbeedka iyo xukaamta muslimiinta waxaan tixgelin badan u hayaa kuwa reer Galbeedka. Sababtu waxay tahay haddee reer Galbeedku waa heystaan mabda’ooda waxayna sayidyo u yihiin addoonta na xukunta oo sidii eeydii lagu ugaarto. 

Sheekhaad rabtaan u geeya, kuwa soo watay Tigree ee Soomaalida ku leynaya waxay raaceen milladda Tigreega iyo Bush. Weli ma dhaheyno waa gaalo. Kuwa dagaalka kala soo horjeeda Tigreega, khasab maaha kulligood iney wada yihiin kuwo xukun Islaam doonaya. Kii raba xukun Islaam waa muslin oo raalli-ka-noqosho Ilaah baa loo rajeynayaa laakiin kii qabiil ama dan kale leh haddee isna millad sheydaan buu raacay.

Shacaboow, waxba yaan culumo idin wareerin; haddaan iska deyno hadalheynta xukun Islaam gaaladu waa deyneysaa dagaalkey nagu heyso sidii dowladihii hore marka laga reebo dagaalkaan la galnay Itoobiya. Markaas gaalo waxay gudagaleysaa iney si hoose noogu dhammeyso inaan la arag qof dambe oo soo baxa oo ka hadla arrimahaas sidii intaan xarakooyinku soo bixin oo kale. Waxay ku shaqeysan doonaan xukaamta muslimiinta iyadoo looga golleeyahay iney uga filnaadaan dadkooda.

Marka qofkii inta gaal soo wata haddana horteenna ka yiraahda waan tukadaa ama muslim baan nahay haddee isaga iyo Ilaahiis bey u taal laakiin waxaan leeyahay wuxuu raacay milladdooda. Dadka yar ee xaqa u halgamaya marka laga reebo, inteenna kale qofba in buu milladda gaalada ka raacay. Kii xukunka Islaamka diida wuxuu millada gaaray raacay 100% hadduu rabo ha tukado oo ha soomo.

Sidoo kale yaan loo fahmin, millada gaalada oo dhan waa xuntahay. Haddii xukun laga hadlayo wax kasoo qaad ma leh oo innagu Islaam beynu heysannaa laakiin markii soo-dhoweynta iyo masaakiin urroonaanta laga hadlayo waa naga horreeyaan hadda. Soo-dhoweyntaas waxay dad badan u keenikartaa iney diintooda dhaawacdo ama qof qof nasiib daran inuu kaba tago laakiin dad badan baa ka faa’iideysankara. Marka soo-dhoweynta gaalada abaal baan ugu heynnaa waanna u gudidoonnaa haddii Ilaah idmo innagoo ogsoon waxay waddamadeenna ku hayaan. Marka muslim ahaan waa in miisaanka la saxo oo waxay khaldeen iyo waxay tareenba la sheego.

Marka xukunka Islaamka gaalo kaliya ma diidana ee waxaa diidan kuwa muslim sheeganaya oo danahooda keliya fiirsanaya. Xitaa waxaa ku jira kuwo culumo-dariiqo sheegta oo raba iney masaakiinta iska harowsadaan marka saasooy tahay waxay raaceen milladda gaalada waana arrintaas midda keeneysa in Tigreega iyo Tigree-raacu ay raalli ka yihiin culumo-dariiqeedkaas.

Dadku ha fahmo, millad-raacidda gaaladu waxay keentaa iney raalli kaa noqdaan laakiin khasab maaha iney kula dagaalaan haddaadan milladdooda raacin. Haddaan Islaamka ka tagno oo aan milladda Budiistaha qaadanno, reer Galbeedku raalli kaa noqonmaayaan maxaa yeelay ma aha dhaqankoodii laakiin kula dagaalimahayaan maxaa yeelay Islaam maahid. Marka haddeydaan isku qabsan masaalix adduun, dan kaama laha haddaadan muslim ahayn. Laakiin dagaalku wuxuu khasab yahay markaad muslim tahay oo rabtid inaad isku xukuntid Islaam. Waana sida Ilaah u leeyahay haddaan Soomaali ku cabbirno: Idin ka tagimaayaan ilaa ay diintiinna idin ka ceshaan hadday awoodaan.

Wixii is qarinaya waa yeelkood laakiin waxaa hadda diiddan milladda gaalada waa dad faro-ku-tiris ah oo u halgamaya sidii diinta Ilaahay la isagu xukumilahaa laakiin qof masaalixdiisa adduun is ka raacda oon dan ka lahayn xukun Islaam waa qof millad gaalo raacay. Marka dadka Xamar jooga hadday dhahaan: Zenawi, xukun Islaam dan kama lihin ee faraha naga qaad aan iska tukanno oon soonnee, waxaan shaki lahayn inuu yeelayo. Marka imisa muslimiin ah baa Addis Ababa ku tukata oo ku soonta. Marka Xamar waxay noqoneysaa meel milladda Tigreegu ka taliso waloow ay joogidoonaan dad tukada oo sooma sida ay Diradhaba iyo Jigjigaba u joogaan. Marka shacabku ha ogaado waxa la isku hayo iyo sida ay u weyntahay arrintu.

Afeef: maqaalku kama hadlayo cidda gaalada ah iyo ciddaan ahayn. Micnuhu waa muslimiin aan xukun Ilaahay isku dhaqeyn, adduunkana waa hoogeen; aakhirana Ilaah baa ku shaqo leh.

C/Waaxid C/hi Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | April 21, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com