Amaan Iyo Bogaadiin
Jaaliyadda Wadaniyiinta Somaaliyeed.
-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-Afhayeenka Guud-
-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,Midnimada
Iyo Cadaaladda.
-England-UK- 15/04/2007-
sharifhassan50@yahoo.com
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,Midnimada iyo Cadaaladda waxeey halkan
Amaan,bogaadiin iyo dhiiri gelinba uga soo jeedinaayaan Jaaliyadda Somaaliyeed ee
ku dhaqan Dalalka-Canadda, Mareeykan, England, Sweden, Denmarka, Norway,Hollands
Swiss iyo Austaralia oo muujiyeey sida eey uga xun yihiin Duulimaadka qaawan, dhibka,
Tacadiyada Xad dhaafka, Xasuuqyadda, Bara-kicinta iyo Argagax gelinta lagu hayo ama
loo geeysanaayo Dadka Somaaliyeed eeyna Wadaan Ciidanka Gumeeysiga Itoobiya iyo
Kuwa Dowladda Federaalka ahba.
haq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey si toos ah u taageersan yihiin, lana duuban
Yihiin Talaabooyinka Wadaniyada ku saleeysan,Banaan baxyada baaxadda leh oo eey
Sameeyeeyn, welina Wadaan qeybo ka mid Jaaliyadaha Dalalkaas ku dhaqan oo ah
kuwa leh Damiirka iyo Dareenka Somaaliyeed oo nool iyo Qiirada Wadaniyeedba.lehna
Sifooyinka Wanaagsan ee Muwaadin-nimada iyo Dal Jceylka.

Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey ku boorinaayaan Jaaliyadda Somaaliyeed
ee qurba jooga ah in eey Gartaan isla markaana gutaan Masuuliyada Diineed,Qarameed
iyo Akhlaaqeed oo ka Saaran Dalkooda hooyo iyo Dadkoodaba, Aduunkana u miijiyaan
Sida eey uga Xun yihiin Fara gelinta iyo Qabsashada Gumeeysiga Itoobiyaanka xiligan
ku heeysto Aqlabiyadda Dalkeena Qaaliga ah, Ciideena Daahirka ah, Sidoo kale Waxanu
ugu baaqeeynaaya Jaaliyadda in eey Taakuleeyaan,u gargaaraan, Caawimona u fidiyan
Walaalahooda Tabaaleeysan laga soo bara kiciyeey Guryahoodii,Hadana ku sugan ama
ku Dhibaataaysan Duurka, Dhirta Heestiisa iyo Bonaanada Cidladda ah,Daryeelka Deg-
dega ah u baahan, Gaar ahaan-Daawooyinka, Raahiinka, Biyaha iyo Bustayaasha, iyadoo
hada la galay Xiligii Roobka (Raxmadda Gu'gga), sida la wada ogyahay Baahidda ugu
Weyni waxeey ka jirtaa Degaamada ku xeeran Caasimadda Muqdisho-Sida-Lafoolle,
Afgooye, Marka Cadeey, Jowhar iyo Muqdisho Gudaheedaba.
Cambaareeynta Xarigga Weriye-C/Qaadir Cashir(Nadaara).
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,Midnimada Iyo Cadaaladda iyagoo ka
Duulaaya Masuuliyada Qarameed iyo Akhlaaqeedba oo ka Saaran Mueaadiniinta iyo
Guud ahaan Dalkooda Hooyo oo xiligan ku jira xaalad cakiran iyo gacanta Gumeeysiga
Cadoowga Itoobiyaanka, waxaan halkan ku soo gudbinaayaan Cambaareeyn ku saabsan
Xirigga Xaq darada ah ee loo geeysteey Weriyaha Wadaniga ah-C/QAADIR NADAARA
iyo Shaqaalaha TV-GA Unitersal oo mudo ka badan Asbuuc ku jira Jeelka Magaaladda
Muqdisho.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey halkan ku cadeeynaayaan in Xarigga iyo
Xoriyad ka qaadida Weriye Nadaara wuu ka soo hor-jeedo Xeerarka,Nidaamka iyo
Madax banaanidda Warbaahinta Somaaliyeed oo Axdi Qarameedku qiraayo,waana
Talaabo khaldan iyo fal qalafsan, laguna cabudhinaayo xaqiiqadda iyo soo bandhigida
Xasuuqyadda,Gumaadka,Tacadiyada,Fara-xumeenta iyo howlaha bara-kicinta Dadka
iyo guud ahaan howl galka Argagax gelinta lagu hayo Dadaweynaha Muqdisho.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed wuxuu qiraayaa in C/QAADIR NADARA ka mid yahay
Shakhsiyaadka ama bahda Saxaafada iyo warbaahinta Somaaliyeed oo magaca,Maqaam
iyo xurmo gaar ah ku leh Ummadda Somaaliyeed, Weriye ku xeel dheer gudasahadda
Shaqadiisa si weyna loo xiiseeyo, isla markaana waa Muwaadin Somaaliyeed oo xaq u
leh in uu Hab Nabadeed uga Shaqeeyso,uguna Noolaado Dalkiisa Hooyo.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey halkan Cambaareeyn culeeyskeeda leh uga
Soo Gudbinaayaan:- Wasaaradda Warbaahinta Somaaliyeed,Gudigga Saxaafada iyo
Warbaahinta Golaha Barlamaanka, Ururadda Illaalinta Xuquuqdda Dadka iyo Gudigga
Madaxa Banaan ee Saxaafadda iyo Warbaahinta Somaaliyeedba,Sidoo kalle Madaxa
Warfaafinta Madaxtooyadda xaq uma laha,awoodna uma laha in wuu Xirro ama Amar
ku Bixiyo Xabsi u Taxaabidda Weriyaasha iyo Xakameeynta Codka Warbaahinta.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey ku baaqaayaan in Si dhakhso ah,Shuruud
la'aan ah lagu soo daayo,xoriyadiisana loo soo celiyo Weriye Nadaara iyo Shaqaalaha
TV-GA Unitersal oo xaq daradda Jeelka loogu hayo, lagana waantoobo dhibaatooyinka
lagu hayo Warbaahinta iyo Saxaafadda Madaxa banaan oo ah Indhaha,Dhegaha iyo
Damiirka nool ee Dadweynaha Somaaliyeed.
Cambaareeynta Xasuuqyadda
Badda Cadan.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabad,Midnimada iyo Cadaaladda waxeey
si weyn uga xun yihiin dhibaatadda joogtada ah oo ka taagan Badda Cadan oo
Beryahan damme si xad dhaaf ah ugu hoobtaan Tahriibayaal Somaaliyeed iyo
kuwo Itoobiyaan ah, una badan Haween,Caruur iyo Dad dan yar ah oo duruufo
Dhaqaale wadaan iyo kuwa Somaaliyeed oo ka Cararaaya Dagaalada iyo Dhibka
ka Taagan Koonfurta Somaaliya.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
ayaa halkan ku cadeeynaaya in falalka ka dhacaaya Badaas,geeysanaayaan ama
eey ka dameeyaan kuwa lagu tilmaami karaayo Dembiilayaal,gacan ku dhiiglaha
loo yaqaano Naakhuudayaasha Doonyaha Dhimashada laga abaabulo xeebaha
Goboladda Barigga P/Land.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey cadeeynaayaan in Masuuliyadda
Dhibaatadaas Xasuuqa ah eey iska leeyihiin:-
1-Madaxweynaha P/Land.
2-Madaxweyne ku Xigeenka P/Land.
3-Wasiirka Arr.Gudaha P/Land.
4-Ku Xigeenka Wasiirka Arr.Gudaha P/Land.
5-Taliyaha Ciidanka Poliiska P/Land.
6-Gudoomiyaha Gobolka Barri P/Land.
7-Taliyaha Qeybta Poliiska G/Barri P/Land.
8-Naakhuudayaasha Doonyaha Dhimashadda.
9-Wakiiladda Xafiisyadda Tahriibta iyo Cidii Gacan ka Geeysta Howlahaasba.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Waxeey u aqoonsa yihiin Dhibaatadaas
Xasuuq ama Gumaad loo geeysanaayo Dad Mashaakiin ah,kuwa ka Dameeyaana
Mudan Yihiin Maxkameeyn.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey Dhaliil culeeyskeeda leh dusha uga
Tuuraan yaahan Dowladda Yeman oo doorkeedi ka gaabisay, sida ku haboona
u Illaalin weeyday Badaheedda.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey Cambaareeyn u soo jeedinaayaan
Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka Somaaliyeed oo la oran karo waxeey
ka Raali yihiin Dhibaatadaas Badaha ka dheceeysa oo eey ka aamusan yihiin
waana arrin ayaan daradeeda leh.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey sidoo kalle Cambaareeyn u soo
Jeedinaayaan Heyadda UNHCR oo si weyn u Dayacda Qaxootiga Somaaliyeed
ee Dalka Yeman jooga, kuna heeysa Xeryo aad iyo aad u liita dhuinacyada
Daryeelka Caafimaadka,Waxbarashada iyo Hooygaba,iyadoo la wada ogyahay
Dhibaatooyin foosha xun oo Qaxootigu kala kulmaan Dadka Yamen,gaar ahaan
Haweenka oo Far-xumeen xad dhaaf ah loo geeysto iyo hab Adoonsiba,waana
Mid meel u taalo Dalka Yamen iyo Dadkiisaba.
Cambaareeynta Go'aankii Urur Goboleedka(IGAD).
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,Midnimadda iyo
Cadaaladda waxeey halkan ku soo gudbinaayaan War-
Saxaafadeed ku Wajahan Go'aamadii ka soo baxay
Kulankii Wasiiradda Arr.Debedda Urur Goboleedka
(IGAD)oo shalay lagu soo gaba-gabeeyeey Magaalada
Neyroobi Kenya.(13/04/2007).
*Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey si weyn uga Xun-yihiin
Halkana Camaareeyn culeeyskeeda leh uga soo jeedinaayaan Go'aanka
Xaq darada ah, Meel ka dhaca ah oo Kulankaas ka soo baxay,laguna
Taageeray ama loogu hambalyeey Gumeeysigga Itoobiyaanka Dagaalka,
Duulimaadka Qaawan iyo Xasuuqyada xad dhaafka ah, Bara -kicin eey
u geesteeyn welina ku hayaan Ummadda Somaaliyeed,gaar ahaan kuwa
ku Dhaqan Caasimadda Qaranka Muqdisho.
*Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey dhaliil weyn dusha ka
Saaraayaan Dowlada:-Kenya,Itoobiya,Ugaandha Iyo Dowlada Somaliyeed
oo cadeeyeey in in eey yihiin kuwa dulmiga la duuban,kuna faraxsan
Dhibaatadda Dadka Iyo Dalka Somaaliyeed,waxaana ayaan daradeeda
leh in Kuwa sheeganaaya Dowladda Somaaliyeed Sacabka u tumaayaan
Gumaadka Dadkooda iyo Gumeeysigga Dalkooda Qaaliga,waana u Garasho
Xumo.
*Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey u cadeeynaayaan in Dowlada
ku Bahoobeey Ururka IGAD eey yihiin kuwo ku xadguduba Xuquuqda iyo
Xoriyadda Ummadahooda,kuna Dhaqmaaya Hanaanka Keli-taliyenimo iyo
Kursi Illaashigga,Dadkoodna baday dib u dhac weyn ee Dhinacyadda:-
Caafimaadka,Waxbarashadda, Horumarka iyo Dhinacyada Daryeelkaba.
*Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey ugu Baaqaayaan Dowladda
Itoobiya in eey Ciidanka Duulaanka kala baxdo Dalka Somaaliya,isla
Markaasna Illaaliso Xeerarka Caalamigga iyo Habka Deris Wanaag,
kana waantoowdo Afduubka iyo Qafaalashada Muwaadiniinta Somaliyeed
oo sida Nabada ah Dalkooda hooyo ugu Sugan.
*dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey sidoo kalle Cambaareeynayn
Dowladda Mareeykanka iyo Maamulka Madaxweyne Busha oo ka dameeya
Dhibaatadda Ummadda Somaaliyeed loo geeysanaayo,Dhaqaale xoog leh
ku Bixinaayaa Dhiiga Somaaliyeed ee Qubanaaya,iyadoo Ujeedada ka
Dameeysaa tahay Naceeb uu u Qaba Diinta Islaamka,aar goosina wada
Khasaarihii la gaarsiiyeey Ciidankii Maraeeykanka 93-kii.
*Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey si weyn uga Xun yihiin
aamuska iyo Masuuliyada daradda Qaramadda Midoobeey,Midoowgga
Yurub,Jaamacadda Carbeed iyo Dowladaha Waaweyn sida:-Faransiiska,
Germany,China,Ruushka iyo Dalkan England.
*Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed sidii caadada aheyd waxeey uga
Baaqaayaan Jaaliyadda Somaaliyeed ee Qurba jooga ah in eey ku
Dadaalaan Taakuleeynta,u Gargaaridda iyo Caawinta Walaalahooda
Somaaliyeed oo ku tabaaleeysan Dalka Gudihiisa,gaar ahaan Goobaha
Dhibaatadu xad dhaafka ah ka jiraan sida Caasimadda Muqdisho.
Teageeridda Olollaha Wacyi
Gelineed Ee Siyaasiyiinta Wadaniyiinta Ah.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,Midnimada Iyo Cadaaladda
iyagoo ka duulaayaa Danaha guud iyo maslaxada Qarameed,Masuuliyada
Akhlaaqeed oo ka saaran Dalka Hooyo iyo Dadkeenaba,waxuuna halkan
ku cadeeyneeynaa si cad oo dhaq-dhaqaaqu u soo dhoweeynaayo una
taageersan Olollaha Siyaasadeed,wacyi gelineed oo eey sida wadda
jirka ah u wadaan Siyaasiinta Somaaliyeed oo damiirka,dareenka
Nool iyo Qiirada Wadaniyadeed leh uuna Hormoodka ka yahay-Mudane-
Proff-Cali Khaliif Galeyr.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed wuxuu si weyn ula duuban yahay,la
mideeysan yahay aragtidda Wadaniyadeed,hanaanka xaqa ah iyo habka
Siyaasadeed oo toosan kuna saleeysan Danaha guud iyo Maslaxadda
Ummadeedba,hanaanka lagu gaari karaayo hanashada Dib u heshiisiin
Rasmi ah,loo wadda dhan yahay, aragtida iyo rabitaanka Somaliyeed,
Waxaanu ku baaqeeynaa in Risaalada Siyaasiyiintaasu gaarto Guud
Ahaanba Ummadda Somaaliyeed(Gudaha iyo Debedaba).
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey u arkan in Olallahan Wacyi-
gelineed oo eey Wadaan Siyaasiyiinta Somaaliyeed yahay arrin wacan
oo Ahamiyadeeda leh, loona baahan yahay in la laban laabo,sida ku
Haboona loo taageero, si meesha looga saaro Cudarka iyo cuqdada ku
kala dhex jirta Dadka Somaaliyeed oo eey Abuureen Gumeeysigga iyo
kuwa u adeega, Dhibaatadda iyo Belaayada la kala dhex dhigay Dadka
Walaalaha,Dhiig wadaaga ah,anagoo si weyn u Tixgelineeyna Aqoonta
iyo waayo raganimada weyn oo Siyaasiyiinta qaarkood u leeyihiin
Dhibka ka jira Dalkeena iyo Ujeedooyinka ka dhameeyaba.
Codadka hoos ka dhegeyso...

Prof: Cali Khaliif
Jaamac
Cali Jaamac
Maxamed Cabdi Y.

Max'ed C. (Dhaqane)
Cabdi
Weli Sheeq M.
Abukaato
Qaarey

Dhaq-dhaqaaqa Somaliyeed wuxuu ku bogaadinaayaa Siyaasiinta
Wadaniyiinta ah iyo Bulsahada Damiirka nool leh in eey la yimadaan
Hanaan Iskaash,wada jir iyo Midnimo Somaaliyeed oo dhab ah,Codkana
sida ku haboon u cabiraan,Caalankna gaarsiyaan,Waxaan halkan Amaan
iyo Maha-celin uga soo jeedineeynaa Gudiyada Magaalooyinka;-Lesta,
Birmingham Iyo London si wanaagsan heerka sare ah oo eey u soo
Dhoweeyeen Kooxdaas Siyaasiyiinta ah,waana arrin ka turjumeeysa
Bileeyska Siyaasadeed iyo Dareenkooda Wadaniyadeed ee Jaaliyadda
Somaaliyeed ee Magaalooyinkaas(Hambalyo).
Prof-Khaliif Ruuga Cadaaga
Siyaasadda Somaaliyeed.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,Midnimada Iyo Cadaaladda
waxeey halkan ku qeexaayaan,si cadna ugu soo bandhigaayaan habka
iyo Hanaanka wanaagsan Somaaliyeed iyo dareenka Wadaniyadeed oo
laga dheehan karaayo Olollaha Wacayi gelineed ee ruug cadaaga weyn
ee Somaaliyeed-Proff-CALI KHALIIF GALEYR.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeeyn qiraayaan
in Khudbadaha Siyaasadeed ee Proff-Galeyr ka
Turjumeeyso xaqiiqada Dhabta ah iyo Soo jireenka Colaada Itoobiya
iyo Somaaliya oo ku saleeysan Nacaeyb diineed iyo hanka Itoobiya
oo Dhul balaarsiga ku saleeysan iyo ciilka weyn guud ahaanba Dadka
Reer Abasiniya Qabaan,waxuuna u arag in Ereyada Galeyr yihiin kuwa
sida ku haboon u kicinaaya Dareenka jiifa ee Ummadeena,soona celin
karaaya ama nooleeynaaya Wada jirkoodii iyo midnimadii qaaligga
aheydba.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,Midnimada Iyo Cadaaladda
wuxuu taageeraayaa,sida ku haboona ula duuban yahay Olollaha iyo
Habka Wacyi gelineed ee Proff-Galeyr iyo Siyaasiyiinta dhigiisa
ahba,waana arrin loo baahan yahay Waqtigan xasaasiga ah oo Dalkii
hooyo ku jirro xaalad jaha-wareer iyo Duulimaadka Qaawan oo eey
ku soo qaadan Ciidanka Gumeeysiga Itoobiya iyo kuwa Xulafadooda
ahba,dhibaatooyin xad dhaaf ahna loo geeysanaayo Bulshadda, iyo
Talaabooyinka lagu kala fogeeynaayo Dadka,laguna abuuraayo Xiisado
Colaadeed iyo Dagaalo sokeeyeba.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed oo ha iyo jeer soo dhoweeynaaya
wixii ku saleeysan una adeegaaya Danaha guud iyo maslaxada Dadka
iyo Dalka hooyo,xoojinaaya Midnimadda iyo wada jirka Ummadeed iyo
Talooyinka Wanaagsan oo keeni karaayo hanashadda Nabadgelyo buuxda
iyo Nidaam Dowladeed oo Cadaalad,sinaan,Dastuur xaq ah leh,waxaanu
Halkan Amaan,Bogaadiin iyo Hambalyo diiran uga soo gudbineeynaa
Proff-Cali Khaliif oo si weyn u Difaacaaya Danaha Dalkeena iyo
Maqaamka Ummadeena,Waqtigiisa Qaaliga ahna u huray u adeegidda
Qadiyadda Somaaliyeed,waana mid ka turjumeeysia Bileeykiisa Qof
ahaaneed,Dareenkiisa nool iyo qiiradiisa Wadaniyadeed,waana mid
looga baahan yahay guud ahaan Dadka Somaaliyeed,gaar ahaan inta
Aqoonta Sarre leh, Fadlana Halkan ka Dhegeeysta Khudbada Ahamiyada
weyn leh.
-Somaliyey Midnimo Wax
War Saxaafadeed Rasmi ah.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,Midnimada Iyo Cadaaladda
waxeey halkan ku soo gudbinaayaan War-Saxaafadeed Rasmi Xaaladda
Somaaliya ku saabsan iyo Aragtidda Ururkan oo ku Wajahan.
1-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey si weyn uga xun yihiin
Dhibaatadda Nabadgelyo,Dagaalo weli ka Socod Caasimada Muqdisho
iyo Falalka Tacadiyada xad dhaafka aoo eey geeysanaayaan Ciidanka
Gumeeysigga Itoobiya iyo Xoogagga Dowladda Federaalka ah oo isugu
Jirra:-
A-Xasuuqyo Badan.
B-Bara-kiciin Xad dhaaf ah.
C-Afduubyo Iyo Qafaalasho joogto ah.
D-Xinibaadda ama Is-hortaagidda Howlihii Gargaar oo Hey'adaha
Samaflka Caalmigga Qabanaayeen.
E-Hurinta Colaada Sokeeye Iyo Luqada Fidmadda Dadka lagu kala
Fogeeynaayo kana soo yeeraaya Masuulitiinta Xukuumadda.
2-Dhaq-dhaqaaqa Waxeey si weyn u Taageersan yiihn si buuxdana
ula duuban yahay Qoraalka Rasmiga ah oo ka Soo baxay Khubarada ama
Golaha Xuquuqda ee Midoowga Yurub oo si weyn u Cambaareeyeey Falka
ama Falalka Xadgudub oo eey geeysteen Ciidanka Itoobiyaanka iyo
Kuwa Dowladda Federaalka ahba,kuna Tilmaameen heer Gumaad,runtiina
waa xaqiiqo dhab ah oo jirta,loona baahan yahay in wax laga qabto
la diiwan geliyo,Talaabona laga qaado Dembiilayaasha Dagaal.
3-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey si weyn u Cambaareeynaayaan
Hadalka Been abuurka,Xaqiiqada ka fog oo uu sheegay Safiirka UOA
iyo Dalka Itoobiyaba Dowladda Federaalka u Fadhiya Mudane-Laqanyo
oo Muqdisho ku tilmaameey Goob Nabadeed,waana wax laga Xishoodo in
Masuulin Somaaliyeed waaqica jira been ka sheego,iyadoo la wada
ogyahay Dhibaatadda,Dagaalka,Xasuuqyadda iyo Bara-kaca ka Taagan
Muqdisho,waana u Masuuliyada Xumo,Si doo kale waxaan Dhaliileeyna
Ereyadii ka soo yeeray Ra'iisal Wasaaraha Proff-Geedi iyo sidda
uu u Daboolaayo Xaqiiqada Tiradda Dadka ku hoobteey Dagaalkaas.
4-Sidoo Kalle Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed wuxuu soo dhoweeynayaa
Hadalka ka soo yeeray Mudane-Xuseen Ceydiid Wasiirka Howlaha Guud
ee Xukuumadda geedi,uuna ku Cadeeyeey in waxyaabaha Muqdisho ka
Dhacaayaa yihiin Gumaad,kuwa geeysanaayaana yihiin Ciidamadda kala
Ah Itoobiyaanka iyo Kuwa Dowladda,waana Nasiib wanaag hadii Xuseen
Qirtay Fal dembiyeedka Dowladiisu geeysaneeyso,Laakiin ha ogaado
in uu Qeyb ka yahay Dhibaatadda Dalka heeysata,kana mid ahaa kuwii
Sharciyeey soo gelida Ciidanka Gumeeysigga, mudan yahay in lala
Xisaabto,Hab Dhaqameediisii iyo Hadaladiisina Keydsan yihiin.
5-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxee si weyn u Cambaareeynaayaan
Sidii Khaldaneey,masuuliyadda ka baxsaneeyd oo uu u Hadlaayeey
Mudane-Salaad Cali Jeelle Wasiir ku Xigeenka Gaashaandhiga Markii
uu ka qeyb qaadanaayeey Barnaamijkii Jimcaha BBC-da,iyo sidii wuu
u Taageeraayeey Dhibaatada Xad dhaafka ah oo Ummadda lagu hayo,
Sidoo kalle waxaanu ka Xunahay In Kooxaha Iska- Caabinta ka soo
Hor-jeedo Gumeeysiga iyo Xulafadiisa eey Adeegsadaan Magac Beeleed
waana Arrin Khaldan oo dhaawaceeysa Halganka Xaqa ah oo eey kula Jiraan Ciidanka Soo Duuleey iyo kuwa la duubanba,Waxaanu halkan
uga Soo jeedineeynaa in eey Howlaha Iska Caabinta siiyaan Magaca
Guud ee Kooxaha Xaq u Diririnka Iyo Iska Caabinta Somaaliyeed.
6-Sidii Caadiga ahaa Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed wuxuu Halkan
uga soo jeedinaayaa Baaqa Bani-aadaminimo Jaaliyadda Somaliyeed
ee Qurba jooga in eey ku dadaalan Taakuleynta.Gar-gaaridda iyo
Caawimo u fidinta Dadka Walaalahood ah oo ku Tabaaleysan Dalka
Gudihiisa Gaar ahaan Caasimadda Muqdisho iyo Hareeraheedaba.
-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-Afhayeenka Guud-
-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,Midnimada
Iyo Cadaaladda.
-England-UK- 15/04/2007-
sharifhassan50@yahoo.com
Bayaan Ku
Saabsan Xaaladda Dalkeena Hooyo: dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed ee Nabada
Midnimada... Akhri
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | April 15, 2007


|