SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DOOD

Doodii Dhexmartay;- Zakari-yaha Masar iyo Azhari-ga Itoobiya

Ilaa iyo maalintii kenalka Aljazeera baahiyey in dooda barnaamijka caanka ah ee al-Itijaah Al-mucaakis lagu soo qaadan doono arrimaha Soomaaliya oo ahayd markii ugu horaysay ee barnaamijkan lagu soo qaado Soomaalida lasykana horkeeno laba qof oo iayaguna Soomaali ah tan iyo markii ay Aljazeera hawada gashay ayaa dadka Soomaaliyeed waxa ay xiisaynayeen cidda barnaamijkan kulul ka qayb qaadan doonta. 

Dad badani waxay sii saadaaliyeen, iyo kuwa ogaaba in barnaamijkaas ay isugu imaan doonaan Zakiriye iyo Azhari, oo midna yahay La taliyaha madaxweynaha dawlada federaalka , kan kalenaya yahay xubin sida hadda muqata dibad joog ah oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliyeed.

Si kastaba ha ahaateen markii barnaamijkii uu hordhacii xiisaha badnaa Faysal Al-qaasim u sameeyey , dadkuna horfadhiyaan T.V-ga ama shaashada horteeda lana xiisaynayo caawa labada qof ee ka soo baxaya Aljazeera yey noqondoonaa, ayaa Faysal markii uu dhameeyey hordhaciisii oo dhamaan uu dusha uga riday sida muuqatay dawlada iyo Itoobiya, ayaa waxa kamaradihii lagu qabtay xubnaha doodu ku dhexmarayso kulankan aadka loo xiiseynayey. 

Runtii goobtii aan ku daawanyey oo ahayd xarunta jaaliyadda Soomaalida ee xaafadda Xorna Dimishiq waxa ay dadkii daawanayey markiiba Faaleeyeen labada xubnood ee laysu keenay, waxayna markiiba tilmaameen in labadan xubnood aysan isu dhigmin. 

Waa ta-Koowaade Azhari waxaa lagu bartay intii uu ka hadlayey warbaahinta ama noqday La taliyaha C/laahi Yuusuf nin aan luqadaha markaas wax laysku weydaarsanyo aad u aqoon gaar ahaana Carabiga oo uu aad ugu liito waxayna taasi ka soo baxday dooda dhexdeedii sida uu ku yahay luqada afka Carabiga ah, oo iyadu ahayd tan muuddooyinkan danbe lagu faafiyo xogaha ugu badan ee Soomaalida. 

Waxaana dad badani aad u ogaayeen in Zakariye luqada inta uu ka yaqaano ku burburindoono Azhari, waayo waxa hore looga bartay in Zakariye si wanaagsan fikirka uu aaminsan yahay u soo bandhigo. 

Doodii kolkii ay bilaabmatay runtii waxaa goobtii ka soo baxay sida labada nin ay u kala horeeyaan, sababta oo ah markiiba waxa uu Zakariye guda galay in uu wixii fakir uu aaminsanaa Soo bandhigo, isaga oo ka faa’ideysanay Taariikhdii soo jireenka ahayd ee labada dal ka dhaxaysay, taas oo meelna aan wanaag kaga xusnayn, isaga oo ka faa’iideysanay luqada Carabiga  ee uu kaga horeeyo Azhari. 

Waxaadna moodaysay in Azhari isaga oo Og in aanu awoodeeda lahayn doodan , af-ahaan iyo xog-ahaanba uu soo dhexfadhiistay warshada wax Riqida ama burburisa, waxaana dad badani isweydiiyeen waxa uu isaga oo aan  si wanaagsan luqada u aqoon uu afafkii kale ee uu bawsan jiray ugu hadli waayey, oo xataa waxaa ka dhicin lahayd turjumaada oo dad weynaha loo soo gubiyo wuxuu ku doodayo. 

Arrinta kale ee meesha ka soo baxday waxay noqotay in uu Azhari ku yahay C/laahi Yuusuf boog ama nabar ,taas oo ka soo dhex baxday dooda dhexdeedii markii lagu sheegay in uu yahay khaayin, basaas u ah dawlada Itoobiya, oo uu difaacisii kali ahaa noqday in ay C/laahi Yuusuf ilmaader yihiin,iyo in uu qabo gabadh ina C/rashiid Cali Sharmaarke ah, lana ogyahay in uu C/rashiid hadduu maanta noolaan lahaa aanu ku raaceen fikirkiisan , sababtoo ah wuxuu ahaa ninkii aaminsanaa in gacana lagu cudeeyo, gacana dhulka Soomaaliyeed lagu xoreeyo. 

Sida muuqatan markiidanbe ku noqotay weedh lagu karbaasho ,sidaan anigu u fahmay xataa Faysal Al-qaasim ugu jeesjeesay Azhari, isaga oo kuleh, Zakariye, “waa ku sidee Zakariye, ninku waa madaxweynaha la taliyihiisa, qabana gabadha/inanta Madaxweynaha, ha aflagaadeen.” 

Waxa kale oo uu goobtii ku soo qaaday Azhari qabiilo Soomaaliyeed, taas oo muujinaysay sida uu u awoodi waayey in uu soo bandhigo xujjooyin dadweynaha qanciya, waxa kale oo layaab noqotay markii uu ku tilmaamay Zakariye basaas Masar u shaqeeya, taasina ay noqon weyday wax caqliga gala, markiibana  loo sheegay wuxuu is dhex dhigayaa in aanay is qabanayn, wixii Xusni Mubaarak ku qawlayna loo sheegay, oo ahayd in Masar Fahansan tahay Talaabada ay Itoobiya ka qaaday Soomaaliya, waxaa muuqatay in Zakariya jeclaan lahaaba in lagu sheego Basaas Masar u shaqeeya, Masartii Jamaal Cabdi Naasir ee difaaci jirtay Soomaaliya, laakiin waxay ka hoostay Azhari markuu Zakariye ku tilmaamay Basaas Masar. 

Inkasta oo Zakariye weedhe qalafsan  iyo sawaxan uu  fadhiga ku asqeeyey haddana waxa muuqatay in Zakariye uu xujooyin soo bandhigay kuwaas oo dhamaantood ahaa taariikhda itoobiya iyo Soomaaliya oo aan marnaba shaadh qurux badan loo soo galin Karin, waxaana muuqatay Azhari in u si doqoni magarato ah isugu dayey in uu cimaamad u saaro itoobiyaanka isaga oo yidhi xabashidu waa kuwii soo dhaweeyey Asxaabtii rasuulka(C.S), Malezna ku ammaanay  in uu ku daray distoorka itoobiya in gobolkii doonaa go'i karo, laakiin wuxuu ilaaway Azhari kuwii kabcadda duminayey, hadeer la qabo in ay weeraridoonaan ay yihiin xabashi, Najaashina uu ahaa nin haystay diin sax ah ee aanu marnaba u dhigmin ama lala simi Karin jabhadda Tegreega ee maanta Dalka xoogga ku qabsatay. 

Barnaamijkii Al-itijaah Al-mucaakis in kasta oo uuna maanta dhaawac Soomaali soo gaadhay dhayi Karin, haddana wuxuu ahaa mid shaadhka ka saaray Azhari iyo C/laahi Yuusuf oo sida muuqata ku khaldamay markuu ka dhigtay afhayeenkiisa  ama la taliyahiisa Azhari, oo isaga oo aan xataa luqada si wanaagsan u aqoon marba meel u dira, doodahana yidhaahda magacayga kaga qayb gal. Waxana muuqata in uu C/laahi Yuusuf Haysan maanta qof Luqadda carabiga si wanaagsna u yaqaana oo difaaca, iyada oo maanta qofkii Dawladda Federaalka iyo Cabdilaahiba u doodaa Dhiiqo iyo danbi dhexfadhiisanayo.

Waxaan ku soo gabagabaynayaa Doodaasi waxay guushu ku raacday Zakriyihii Masar, Waxayna Guuldarradu ku raacaday Azharigii Tegree.

asad caddaani

Asad Caddaani Ibraahim
Dimishiq Suuriya.
asadlaska@hotmail.com

Faafin: Apr 11, 2007


Warbixin: Sancada Suuriya iyo Suuqyada Dimishiq. Akhri..
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com