SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAAQ
ItoApril 15, 07: Inta beri oo laga joogo markii xabashidu gashay: Kismaayo (105), Muqdisho (109), Beledweyne (112), Baydhabo (120),  Galkacyo (141),
Sarbeebtii Diinaari

 Wararkii: April 15, 2007

  • Cismaan Cilmi Boqore oo la sheegay in uu ku xanuunsanayo Magaalada Baydhabo…
  • Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo degay labo goobood oo ku yaala Magaalada Muqdisho...
  • C/llaahi Yuusuf oo ka codsaday Xildhibaanada iyo Wasiirada Beelaha Hawiye in ay...
  • Odoyaasha Beelaha Hawiye oo cambareeyey wadamada Uganda, Ethiopia iyo Kenya.
  • Baaq ku wajahan Umada Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka oo ay soo saareen beesha direed
  • Mudaahadaar looga soo horjeedo gadasho lagadan rabay hawd kuyaalo dalka Yuganda

Cismaan Cilmi Boqore oo la sheegay in uu ku xanuunsanayo Magaalada Baydhabo…

Dibadda in loo qaado oo laga hor taagan yahay...

Dad diiday in magacyadooda la sheego arimo amni aawgood ayaa inoo sheegay in Guddoomiye ku xigeenkii labaad ee Baarlamaanka Cismaan Cilmi Boqore uu ku xanuusanayo Magaalada Baydhabo. Dadkaasi nooma sheegin xanuunka haya Gudddoomiye ku xigeenka, balse waxay kaloo noo sheegeen Guddoomiye ku xigeenka loo diiday in caafimaad ah loogu qaado dalka dibaddiisa, iyadoo laga cabsi qabo in uu ka mid noqdo kooxaha mucaaradka ah ee haatan ka soo horjeeda Dowladda kuna sugan Magaalada Asmara, waxayna Dowladdu sheegtay in lagu daaweynayo Cusmaan Magaalada Baydhabo oo ay sheegeen in loo dalbaday Dhakhtar dibadda ah.

Cismaan ayaa maalmahan dambe waxa uu si aad ah uga soo horjeeday dagaalada ay Ciidamada Itoobiya ka galeen Magaalada Muqdisho, sidoo kale waraka ka imaanaya Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in Xildhibaano doonayey in iyana ay dibadda u ambabaxaan loo diiday, waxayna Dowladdu ku amartay in aan cid ka tirsan Dowladda oo aan fasax ka haysan Dowladda aysan dalka dibaddiisa u bixi karin.

Xildhibaan Cumar Xaashi Aadan ayaa hore waxa uu u sheegay in Xildhibaano ka tirsan Dowladda oo ku sugan dalka gudihiisa oo doonaya inay ka mid noqdaan xubnaha ka soo horjeeda dowladda, isagoo sheegay in xubnahaasi la xadiday dhaqdhaqaaqooda.

Cismaan Cilmi Boqore ayaa waxa uu ka mid ahaa xubnihii ku sugnaa Magaalada Muqdisho ee sida aadka ah uga soo horjeeday kuwii kale ee iyana ku sugnaa Magaalad Jowhar, hase yeeshee mar dambe ayuu u baxsaday Magaalada Jowhar, isagoo sheegay in kooxaha ku sugan Magaalada Muqdisho ay yihiin kuwo aan dooneyn in ay horey u talaabsado Dowladdu.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Xukuumadda ayaa la sheegay inay si aad ah uga xumaadeen dagaaladii ka dhacay Magaalada Muqdisho, iyagoo qaarkood ku tilmaamay xasuuq loo gaystay shacabka Soomaaliyeed. Mar aan damacnay in aan la xiriirno Cismaan Cilmi Boqore oo aan wax ka weydiin rabnay xanuunkiisa ayeysan noo suuragelin.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo degay labo goobood oo ku yaala Magaalada Muqdisho...

Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan ayaa labo goobood oo cusub ka degay Magaalada Muqdisho, taasina waxay keentay in dadkii ka dhawaan halkaasi ay bilaabaan in ay isaga tagaan goobahaasi.

Goobaha ay ciidamada Itoobiya degeen ayaa waxaa ka mid ah Villa Baydhabo, sidoo kale waxaa la sheegay in Ciidamadaasi degeen in halkii xarunta u ahaan jirtay OTO-OTO ee agagaarka Sayidka.

Lama garanayo sababaha ay Ciidamada Itoobiya u bilaabeen in ay waqtigaan soo degaan goobahaasi, iyadoo xabad joojin u dhexeyso Saraakiisha Ciidamada Itoobiya iyo Odoyaasha Beelaha Hawiye oo iyagu horey ugu sheegay Ciidamada Itoobiya in aysan sameyn karin wax gurmad ah ama aysan degi karin goobo kale oo hor leh. Dhinaca kale shalay oo lagu ballansanaa in ay kulan yeeshaan Saraakiisha Itoobiya iyo Kuwa Beelaha Hawiye ayaa baaqday waxaana lagu ballamay in Maalinta Talaada ah kulan la isugu yimaado si looga hadlo kala rarida ciidamada is hor fadhiya.

C/llaahi Yuusuf oo ka codsaday Xildhibaanada iyo Wasiirada Beelaha Hawiye in ay...

C/llaahi Yuusuf Axmed oo ah Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa shalay kulan la qaatay Xildhibaada iyo Wasiirada ka soo jeeda Beelaha Hawiye, kulankaas oo loo diiday saxaafadda ayaa waxaa looga hadlayey xaaladda haatan ka taagan Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu ka codsaday xubnahaasi in ay gacan ka gaystaan sidii nabad loogu soo dablaali lahaa Magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in Dowladda Federaalka ah ay diyaar u tahay inay wada hadal la gasho kooxaha dagaalka ka wada Magaalada Muqdisho.

Xubnihii ka qaybgalay kulankaasi ayaa waxay ballanqaadeen in ay dadaal u gali doonaan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Magaalada Muqdisho, waxayna Dowladda u soo jeediyeen in ay iyana dhinaceeda ay sameyso xabad joojin, maadaama dagaalo aan loo baahneyn ka dhaceyn deegaano ka tirsan Magaalada Muqdisho.

Dhawaan ayaa waxaa Hotel Amiir kulan ku yeeshay 50 xubnood oo ay ku jiraan xubno ka tirsan Beelaha Hawiye kana mid ah Xukuumadda, waxayna soo jeediyeen in Dowladda Federaalka ah lagu biiriyo wada hadalada u dhexeeye Itoobiya iyo Beelaha Hawiye.

Odoyaasha Beelaha Hawiye oo cambareeyey wadamada Uganda, Ethiopia iyo Kenya.

Bayaan ay shalay soo saareen Odoyaasha Beelaha Hawiye ayaa waxay ku cambaareeyeen wadamada Itoobiya, Kenya iyo Uganda in ay qayb ka yihiin dhibaatada ka dhacday wadanka Soomaaliya. Afhayeenka beelaha Hawiye Axmed Diiriye ayaa waxa uu sheegay in ciidamada Uganda ay dusha ka eeganayeen xasuuqii ka dhacay Magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in ciidamadaasi ay daawanayeen Diyaaradihii ka kacayey Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ee xasuuqa loo isticmaalayey, sidoo kale in iyana xarunta Madaxtoonyada oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Uganda laga ridayey madaafiicdii lagu xasuuqay Umadda Soomaaliyeed, sidoo kale Dowladda Kenya ayaa waxay tilmaameen in ay hor istaagtay mucaawinadii la gaarsiin lahaa ummadda Soomaaliyeed ee ka soo barakacay dagaalada, isla markaana ay u diiday inay qaxooti ahaan u galaan dalkeeda. Isku soo wada duuboo Afhayeenku waxa uu sheegay in saddexda dal ay Umadda Soomaaliyeed u muujiyeen cadaawad aan la hilmaam ikarin.

Baaq ku wajahan Umada Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka oo ay soo saareen beesha direed

Baaq ay dhawaan soo saareen Beesha Direed oo ay ku codsanayaan in xaalada Soomaaliya la qaboojiyo isla markaana ay ay soo gaarsiinayaan Ummda Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba in ay xiligan ka fiirsadaan wax qabashada Dadka dhibaateysanwaxaana ay soo saareen baaq u qorana Sidan

Shirweyanaha beelaha direed

Ku: dhamaan Ummadda Soomaaliyeed

Ku: Dowlada Federaalka ku Meelgaarka ah

Ku: Beesha Caalamka

Ujeedo Baaq Furan

Ka dib markii wadanku ku soo jiray mudo 16 sanaa fowdo iyo dowlad la’aan dhaxalsiisay dhibaatooyin farabadan ayna jireen shirar badan oo dib u heshiisiineed oo Ummda loo qabatay kii ugu danbeeyeyna uu ahaa kii labada sano socday ee lagau soo DFKMG taasoo laga rajeynayey in ay dalka ku soo dabaashao xasilooni midnimo iyo dib u heshiisiin ayaa waxaa muuqaneysa in wadanku marlabaad lugaha la sii galayo xaalad qatara iyo dhibaatooyin kuwii hore ka culus sidaa darteed ayaa waxaa shir iskugu yimid odayaasha iyo wax garadka beelaha direed si ay uga wadahadlaan xaalada taagan ewaxaana ay ka soo saareen Baaaqan .

1 in xabad joojinta lagu dhawaaqay laga dhabeeyo lana adkeeyo

2 in la joojiyo xasuuqa Gumaadka iyo barakicinta lagu hayo shacabka aan waxba galabsan

3 in ay Dalka ka baxaan ciidamada shisheeye ee aan dlka ku soo galin rabitaanka Ummadda Soomaaliyeed iyo ogolaanshaha beesha caalamka waxaana u argnaa in joogitaankoodu dhibaatada uu sii hurinayo

4 in dhibaatada u dhaxeysa Ummada Soomaaliyeed lagu dhameeyo wadahadal lana garwaaqsado in aan xoog wax ku xalismeyn

5 si arinkaas loogu guuleysto waa in ummada loo qabto shirweyne qaran oo ay ka soo qeyb galayaan dhamaan waxgaradka iyo siyaasiyiinta Ummada ay leedahay

6 waa in la adkeeyo midnimada iyo wadajirka ummada lagana dheeraado Qilaafka iyo tafaraaruqa ku saleysan beel beel iyo Gobol Gobolka

7 waa in ay Ummadu difaacataa Dalkeeda Dadkeeda iyo Diinteeda iyadoo isku duuban

8 ugu danbeyntii waxaan soomalida iyo beesha caalamkaba ugu baaqeynaa in ay gurmad la soo gaaraan dadka ku barakacay dagaalada ka dhacay Magaalada Muqdisho oo ay heystaan dhibaatooyin aan la qiyaasi Karin

mahadsanidiin
shirweynaha beelaha direed Muqdisho Soomaaliya 9/04/2007

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Mudaahadaar looga soo horjeedo gadasho lagadan rabay hawd kuyaalo dalka Yuganda

waxaa Jimcadii caasimada dalka Yuganda kampala ka dhacay mudaaharaad looga soo horjeeedo gadasho lagadan rabay Hawd ku yaala meel u dhow caasimada dalka.

Hawdkaasi oo uu gadan rabay nin u dhashay dalka Hindiya, waxaa mudaaharaadkaasi ku dhintay sedex qof oo u dhalatay wadanka uu ka soo jeeday ninkii gadanrabay hoodka, in kalena waa lagu dhawacay waxaa kaloo ku dhaawacmay wariye shaqaalo ka ahaa idaacad FM ah oo ku taalay caasimada dalka Yuganda oo lagu magacaabo Capital FM.

Mudaaharaadkaasi oo ay soo qabanqaabiyeen dad ka soo horjeedo gadashada dhulkooda oo laga gadayo dad shisheeyo ah, hawdkaas oo lagu magacaawo (MABIRA FOREST) oo wax tar weyn u ah dadka iyo dalka reer Yuganda.

Mudaaharaad noocaasi oo kale waa kii ugu horeeyey oo ka dhaca dalka Yuganda tan iyo intii oo xukuumada la waregay madaxweyne Yuweri Kagute Musavine ilaa 1986dii oo uu ka afgambiyey madaxweynihi hore Iddi Amin Dada oo ahaa madaxweynihii ugu horeeyey oo ka noqda madaxweyne muslin tan iyo intii ay xuriyada ka qaateen dalka Engiriiska.
 

ABDUKADIR ADAM
abdilucky3@hotmail.com

 

April 15, 2007


TAARIIKH::: Markale dhegeyso Waraysigii Dr. Raabeh

Raabeh

Waraysi: Dr. Cumar Cusmaan Raabeh
Waraysi dheer oo ay SomaliTalk la yeelatay Dr. Raabeh ayuu kaga hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin "Khatarta Culus ee Maanta uu kujiro Qaranka Soomaaliyeed iyo Xallinteeda.." Waraysigii ka dhegeyso halkan



Nin Soomaali ah oo Jimcadii Lagu Diley Maraykanka
Marxuumku waxa uu ka tegey xaas iyo 8 carruur ah oo jooga Ohio

Magaalada Phoenix ee gobolka Arizona ee dalka Maraykanka ayaa Jimcadii (Apr 6, 2007) waxaa lagu diley nin Soomaali ah. Waxaa warku sheegay in arrinta dilkani dhacay kaddib markii marxuumku uu gaarigiisa istaajiyey meel  gawaarida la dhigto, ayaa inta ninkale gaari kale ka soo degey uu toogasho ku diley marxuumka.[Warkan oo dhan ka akhri halkan.....].

Apr 7, 2007

mplsMinnesota, USA: Shir ay yeesheen Beesha Hawiye
Wax garadka, culumaaudiinka & mutacalimiinta beesha.... Akhri...
 

denmarkJaaliyadda Soomaalyeed ee Denmark oo shir ka yeelatay arrimaha Soomaaliya
Shirkaas oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan qeybaha kala duwan ee jaaliyadda ayaa Akhri


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com