SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
ItoApril 13, 07: Inta beri oo laga joogo markii xabashidu gashay: Kismaayo (103), Muqdisho (107), Beledweyne (110), Baydhabo (118),  Galkacyo (139),
Sarbeebtii Diinaari

Wararkii: April 13, 2007

  • Dagaalo goos goos ah oo maalintii labaad ka socda Degaano ka tirsam Muqdisho...
  • Cali Max’ed Geeddi oo maamulka Puntland ku ammaanay sida ay horumar ugu sii durqayaan
  • Kulan ay mar kale isugu yimaadeen Odoyaasha Beelaha Hawiye iyo Saraakiisha Itoobiya
  • Gole Siyaasadeed oo ay doorteen Beesha Mudulood
  • Wafdi uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Gobolka Nugaal oo gaarey Degmada Burtinle.

  • Sweden: Gabar Soomaaliyeed oo Kaalinta Koowaad ka gashay tartanka dugsiyada sare....
    Ruweyda Maxamed C/laahi Faahiye waa gabar soomaaliyeed oo da`deedu tahay 19 sano. Ruweyda iyo reerkeedu waxaa ay degan yihiin magaalada Umeå ee ku taal waqooyiga wadankan Sweden. Ruweyda waxaa ay ku dhalatay wadanka soomaaliya gaar ahaan magaalada Boosaaso ee caasimada ganacsiga gobolada La isku yiraahdo Puuntland. Ruweyda waxaa ay dhigataa fasalka saddexaad ee dugsiga sare oo lagu magacaabo “Östragymnasiet”, kaas oo ku yaal isla magaaladaas ay Ruweyda iyo reerkoodu degan yihiin. Sida caadiga ah dugsiyada sare waxaa ay leeyihiin qaybo kala duwan oo ay ardaydu doortaan sida qaybta ciyaaraha, sayniska, isgaraasiinta iyo cilmiga buslshada oo kala duwan.Ruweyda waxaa ay dhigataa qaybta culuunta bulshada ee ku wajahan arimaha caalamiga ah..... Akhri...


Dagaalo goos goos ah oo maalintii labaad ka socda Degaano ka tirsam Muqdisho...

Maalintii labaad ayaa dagaalo goos goos ah waxay ka socdaan qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho, waxayna dagaalan xoogooda ay ka dhaceen isgoyska Fagax ee jidka Sodonka, Suuqa Jamhuuriya, agagaarka Towfid iyo deegaano kale, waxayna labada dhinac isku adeegsanayeen hub culus oo mararka qaarkood ku dhacayey deegaano ay degan yihiin dad rayid ah, waxaa la xaqiijiyey in labada dhinac ay dagaaladaasi kaga dhinteen 12 qofood, hase yeeshee dhibaatada ugu xoogani waxay soo gaartay dadka ku nool deegaanada ay dagaaladu ka dhaceen.

Goobahaasi ayaa waxaa ka bilowday barakac aad u baahsan, iyadoo ay istaageen dhamaan isku socdkii gaadiidka iyo dadkaba, waxaana la arkayey dad meelaha qaarkood lugeynaya oo guryahoodii kala soo baxay wax aan sidaasi u weyneyn.

Dagaalkaan ayaa waxa uu dhexeeyaa Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kooxaha ka soo horjeeda, iyadoo Odoyaasha Beelaha Hawiye ay ku eedeeyeen Dowladda Federaalka ah in ay mas’uul ka tahay dagaaladaasi, iyagoo sheegay in ay doonayaan in ay ku jabiyaan ama ay ku burburiyaan heshiiskii xabad joojinta ee dhex maray Odoyaasha Beelaha Hawiye iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya.

Dad gaaraya ilaa iyo sodon qofood ayaa la dhigay Isbitaalada Keydsanay iyo Madiina, waxaana halkaasi ku geeryooday afar qofood oo markii hore dhaawac ahaan loo keenay, waxayna dhakhaatiirta ka hawlgasha Isbitaaladaasi sheegeen in ay gabaabsi marayaan daawooyinka lagula tacaali lahaa dadka ku soo dhaawacmay dagaalada.

Cali Max’ed Geeddi oo maamulka Puntland ku ammaanay sida ay horumar ugu sii durqayaan

  • Cabdulaahi Shiikh Xasan ”marnaba u dulqaadameyno  in Puntland horumar gaarto Muqdishana  loo yimaado in la burburiyo.

Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi oo haatan ku sugan Maamul Gobaleedka Puntland ayaa mar uu soo booqday ilaha Dhaqaalaha ee maamul gobaleedkaasi, waxa uuna uga mahadceliyey sida kartida leh ee ay u doonayaan in ay dadkooda horumar u gaarsiiyaan.

Ra’isul Wasaaraha ayaa waxa uu sheegay in waqtiyada dhow maamul Gobaleedka Puntland uu gaari doono isku filnaasho dhinacyo badan sida Caafimaadk, Waxbarashada, Dhaqaalaha iyo Xoolaha.

Ra’isul Wasaaraha waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka ay gacan ku siin doonto maamul gobaleedka Puntland wixii ay awoodaan oo la xiriira sare ku qaadida horumar Maamul Gobaleedka Puntland, sidoo kale waxa uu sheegay in Xukuumaddiisu ay suuq geyn u sameyn doonto xoolaha ku nool gobaladaasi.

Geedi waxa uu soo jeediyey maamulkaasi inay Dowladda kala qayb-qaataan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Magaalada Muqdisho, isla markaana a y uga soo qaybgali lahaayeen shirka dib u heshiisiinta ee dhawaan lagu qaban doono Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale iyadoo Geedi uu horumar ku ammaanayo  Puntland ayaa caasimaddii Soomaaliya ee Dowladdu ku shaqeyn laheyd waxaa ka socda xasuuq iyo burbur loo gaysanayo dadka iyo hantidooda, ilaa iyo haddana sidii ay Dowladdu u soo degtay Magaalada Muqdisho waxay Magaaladu ka bixi weysay burbur iyo hoos u dhac, iyadoo C/llaahi Sheekh Xasana uu sheegay in aysan marnaba macquul aheyn in Puntland horumar gaarto xamarna loo yimaado in la burburiyo.

Kulan ay mar kale isugu yimaadeen Odoyaasha Beelaha Hawiye iyo Saraakiisha Itoobiya

SHALAY:  JANUARY 2007 FEB/MARCH 2007 MAANTA: APRIL 2007
aidid
DHEGEYSO: CAYDIID OO SHEEGAY MIDAYNTA SOMALIA & ETHIOPIA IYO BAABI'INTA XADKA SOOMAALIYA
Abdullaahi Yusuf Ahmed
C/laahi Yuusuf: oo sheegay in Xuseen Caydiid uusan caadi ahayn
Halkan Ka Dhegeyso ama  Halkan Dhegeyso
aidid
DHEGEYSO: XUSEEN  CAYDIID OO SHEEGAY IN ITOOBIYA AY KA BAXDO DALKA SOOMAALIYA

kulankii saddexaad ayey markale isugu yimaadeen Odoyaasha beelaha hawiye iyo Saraakiisha ciidamada Itoobiya, waxaana kulankii shalay si aad ah loogu lafaguray qodob u muhiim u ah Xabad joojinta oo ah in marka hore lagala raro Ciidamada isku hor fadhiya goobihii ay dagaaladu ka dhacee.

Doodaan oo socotay mudo saacado ah ayaa markii dambe waxaa la isku afgartay in la kala raro ciidamada, iyadoo arintaani si aad ah loo lafaguri doono maalinta Jicmaha ah, iyadoo Odoyaasha Beelaha Hawiye ee ka qaybgalay kulankaasi ay noo sheegeen in Saraakiisha Itoobiya ay si u doonayaan sidii ciidamada loo kala rari lahaa, halka Odoyaasha Beelaha Hawiyana iyana ay sheegeen in kala rarista ciidamada ay muhiimad u tahay nabad lagu soo dabaalo Magaalada Muqdisho ay dadku u helaan kalsooni buuxda oo ay ku soo laaban karaan.

Max’ed Xasan Xaad oo ka mid ah Odoyaasha ka qaybgalay kulankaasi ayaa rajo ka muujiyey inuu is afgarad uu ku dhamaan doono  kulamada soo socda, waxa uuna u soo jeediyey shacabka Soomaaliyeed in ay dulqaad muujiyaan.

Iyadoo kulamada ay socdaan ayaa haddana dhanka kale waxaa Magaalada Muqdisho ka socda dagaalo u dhexeeya Ciidamada Dowladda iyo Kooxaha ka soo horjeeda, waxayna dagaaladani labadii maalmood ee ugu dambeeyey ka dhaceen deegaanada Fagax, Jamhuuriya, Lafweyn iyo Towfiiq, waxaana la isku adeegsanayey hubka culus iyo midka fudud, waxayna Odoyaasha Beelaha Hawiye ku eedeeyeen Dowladda Federaalka in ay mas’uul ka tahay dagaalada ka soo cusboonaaday Magaalada Muqdisho.

Kulan ay isugu yimaadeen Beelaha Sacad iyo Cayr

Waxaa Magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Odoyaal, Waxgarad iyo Siyaasiyiin ka tirsan Beelaha Sacad iyo Cayr oo ka wada tirsan Beesha Habargidir, waxa uuna kulankaani uu ahaa mid lagu dhameenayey khilaafyo horey uga dhex jiray labadaasi, waxayna xubnihii ka qaybgalay ay istusiyeen in wixii hore la iska ilaabo.

Odoyaasha iyo Siyaasiyiintii ka qaybgashay kulankaasi waxay sheegeen in si wadajir ah loo wajaho xaaladda ka taagan Magaalada Muqdisho, iyagoo sheegay in Ciidamada shisheeye iyo Dowladda Federaalka haatan uu hadafkoodu noqday inay la dagaalamaan Beel qura.

Ma ahan kulankii ugu horeeyey ee ay wada yeeshaan labadaan beelood, waxa uuna kulankaasi qayb ka haa kulamo horey u dhacay oo ay Beelahaasi isugu yimaadeen, kaas oo looga arisanayey arrimo la xiriira khilaafyo dhex maray labadaasi beelood.

Kulankaan ayaa xubnihii  ka qaybgalay waxay sheegeen in si wadajir ah Beelaha Hawiye uga hortagaan dhibaatooyinka lala damacsan yahay, waxayna sheegeen in loo baahan yahay in la iskaashado meelna looga soo horjeedo kooxaha doonaya inay barakiciyaan Beelaha Hawiye, waxayna u soo jeediyeen Saraakiisha Itoobiya in ay dhex dhexaad ka noqdaan xaaladda ka taagan Magaalada Muqdisho, waayo ayey yiraahdeen waxaa Dowladda Federaalka lagu qaybsaday 4.5, mana ahan in waqtigaan la yiraahdo hal beel ayaanu la dagaalameynaa.

Salaad Cali Jeele oo ah wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga ayaa waxa uu sheegay in dagaalka Muqdisho ka socda uu yahay dagaal looga soo horjeedo Beel, hase yeeshee waxaa arintaani ka carooday Beelaha ku nool Magaalada Muqdisho, hase yeeshee Salaad Cali Jeele waxa uu sheegay in warka uu sii daayey aan loogu talagelin Saxaafadda.

Gole Siyaasadeed oo ay doorteen Beesha Mudulood

Maalintii shalay ahayd ayaa waxaa kulan isugu yimid Odoyaal, Waxgarad iyo Siyaasiyiin ka tirsan Beesha Mudulood, waxaana kulankaasi looga hadlayey ama looga soo horjeestay kulan ay horey isugu yimaadeen xubno ka tirsan Beesha Mudulood oo uu ku jiray Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi, waxayna xubnihii ka qaybgalayey kulankii shalay is tusiyeen in xubnahaasi aysan matalin Beesha Mudulood.

Guddoomiyaha Golaha siyaasadda Beesha Mudulood ayaa waxaa loo doortay Siyaasiga Caanka ah ee C/llaahi Sheekh Xasan, waxa uuna sheegay mar uu u waramayey saxaafadda in Golahan loo aasaasay sidii Beesha Mudulood looga samatabixin lahaa dhibaatooyinka haatan ka socda Muqdisho iyo shirqoolada lala damacsan yahay.

C/llaalhi Sheekh Xasan waxa uu sheegay in kulankii uu ka qaybgalay Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi uu ahaa mid lagu muujinayey cadowtooyo gaar ah, waxa uuna sheegay in xubnahaasi aysan marnaba matalin Beesha Mudulood.

C/llaahi Sheekh Xasan waxa uu sheegay in Taariikhda ay xusi doonto dadka maanta u durbaan tumaya in la baabiyo dadkooda, isagoo sheegay in golahani uu dadaal u gali doono sidii Beelaha Hawiye ay si mideysan uga hortagi lahaayeen Caddowga ku soo duulay, isagoo sheegay in waxa ka dhacaya Magaalada Muqdisho ay yihiih mid la doonayo in lagu burburiyo waxa ay ummadaani dhisteen.

“Maanta in Boosaaso dadaal ugu jirto soo saarista Shidaal, Xamarna la burburiyo waa waxaan marnaba loo dulqaadan karin” ayuu yiri C/llaahi Sheekh Xasan oo u soo jeediyey Bulshada ku nool Muqdisho in ay ka hortagaan caddowga ku soo duulay.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Wafdi uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Gobolka Nugaal oo gaarey Degmada Burtinle.

Waxaa Degmada Burtinle ee gobolka Nugaal gaarey wafdi uu hogaaminayo guddoomiyaha gobolka Nugaal Mudane C/laahi Ciise Awnuur wafdigan ayaa waxa ay usocdaan sidii ay u soo qaboojin lahaayeen xiisad ka taagan deegaanka cagaare oo degmada burtinle hoos yimaada.

Wafdigan uu hogaaminayo gudoomiyaha gobolka nugaal Awnuur ayaa waxa ay iskugu jiraan Waxgarad,Cuqaal iyo isimo, nabadoono oo u socda sidii ay u dhex gali lahaayeen laba beelood oo ku dagaallamay deegaanka Cagaare oo u dhow degmada burintle ee gobolka nugaal.

Wafdigan ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey degmada burtinle waxaana kusoo dhaweeyey xubno ka tirsan golaha shacabka deegaanka ee degmada Buurtinle oo uu horkacayay Xuseen Guuleed Xanaf oo ah gudoomiyaha golaha shacabka deegaanka ee degmada Burtinle.

Socdaalka wafdigan ayaa wuxuu ka danbeeyay kulan magaalada Garoowe ay maalintii aynu soo dhaafney ee Isniintii ay ku yeesheen wax garad iyo isimo kasoo jeeda gobolka Nugaal, kuwaasoo ka xumaadey xiisada ka jirta deegaanka Cagaarre.

Hase yeeshee ma ahan markii ugu horeysey ee deegaanka cagaare ay xiisadi ka dhalato ee hada ka hor ayaa waxaa deegaankaasi dagaal kharaar uu ku dhex marey labo beelood oo halkaasi wada daga oo khasaaro gaystey.

Yusuf Max'ed Ismail (Gaduudow)
E-mail yusufgaduudow@hotmail.com
Bososo Somalia

April 13, 2007


TAARIIKH::: Markale dhegeyso Waraysigii Dr. Raabeh

Raabeh

Waraysi: Dr. Cumar Cusmaan Raabeh
Waraysi dheer oo ay SomaliTalk la yeelatay Dr. Raabeh ayuu kaga hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin "Khatarta Culus ee Maanta uu kujiro Qaranka Soomaaliyeed iyo Xallinteeda.." Waraysigii ka dhegeyso halkan



Nin Soomaali ah oo Jimcadii Lagu Diley Maraykanka
Marxuumku waxa uu ka tegey xaas iyo 8 carruur ah oo jooga Ohio

Magaalada Phoenix ee gobolka Arizona ee dalka Maraykanka ayaa Jimcadii (Apr 6, 2007) waxaa lagu diley nin Soomaali ah. Waxaa warku sheegay in arrinta dilkani dhacay kaddib markii marxuumku uu gaarigiisa istaajiyey meel  gawaarida la dhigto, ayaa inta ninkale gaari kale ka soo degey uu toogasho ku diley marxuumka.[Warkan oo dhan ka akhri halkan.....].

Apr 7, 2007

mplsMinnesota, USA: Shir ay yeesheen Beesha Hawiye
Wax garadka, culumaaudiinka & mutacalimiinta beesha.... Akhri...
 

denmarkJaaliyadda Soomaalyeed ee Denmark oo shir ka yeelatay arrimaha Soomaaliya
Shirkaas oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan qeybaha kala duwan ee jaaliyadda ayaa Akhri


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com