SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
March 15, 125

Ku Raad-jooga Xasan Daahir Aweys, Xasan Turki iyo Ceelow Wuxuu U Dhigmaa Beenti Ahayd, Ciraaq Waxay Haysataa Hubka Wax Gumaado.

Abdallah Moallim Mahamud (Cabdullahi Siyaasi)
Moallem10@hotmail.com


Diinteena Islaamka waa caqiido dhamaystiran iyo ku talagal in adduunkan yahay marin loo maraayo, shaqaysiga Aakhiro wacan,Dalka Soomaliyana waa deegaan Shacab loo yaqaan leh ,Shacabkana waa Astaan ummaddaha kale noolaga aqoonsado, haddaba ogaal u haynta arrimahan keddib, waxaa waajib nagu ah ,ummad walbana waajib ku ah   ilaalinta, dhowritaanka iyo ku dheganaashada  Diinteena Islaamka, daryeelka Cirdiga dadkeena iyo difaacida dalkeena iyo dadkeena.  

Ma'ahan wax aad loola yaabo qorshaha Jandaya Frayzer ay ula timid dowlad ku sheega DFKM oo iyada madaxdeeda yihiin, kuwa mar-walba u dhega-nugul maqalka hadba qorshihi ay iyaga uga muuqato in uu dhidibada u aasi karo sii haynta kuraasidooda, xitaa haddii ay taa ku kalifayso(qaadanayso) suuq-gaynta dalka iyo dadka Soomaaliyeed, Jandaya Frayzer iyo ciddi la wadaba, in dagaalka ay ka oogeen dalka Soomaalya uu ku ekyahay la dagaalanka fakir ka soo maaxay iyo falal ay ku keceen raggan aan kusoo xusay cinwaanka Qoraalkan, iyagana(waa Ameerikaanka,Itoobiyaanka iyo DFKM) ay beryahan magcyadooda ku naadinayeen Mediyaha aduunka, waa been Cad oo aanan raad lahayn, waa been cad oo tii ay Ciraaq kula gardaroodeen ka hooseyso. hadalkan ay Muxaafidiinta cusub ee ka taliya dalka Maraykanka u is-ticmaalaan, u adeegsiga danahooda daahsan, waa ka weyn yahay,waana ka fog yahay la dagaalanka raggan ay ku sheegeen in ay yihiin kuwa dagaal ku haayo danaha dowlada Maryakanka iyo danaha Wiilki Abraham (Milis Sanaawi) ee ka taliya dalka Itoobiya iyo guud ahaan warbixinti guracnayd oo ay Barlamaan ku sheega Soomaliya ay ka hor aqrisay Jandaya Faryzer, iyada oo DFKM gacanna farta ugu fiiqayso qaabka ugu haboon ee loooga hortagi karo, waxa ay ugu yeeraan khatarta ay leedahay Argagixisada Caalamka oo ku luga fidsato geeska Afrika ,gacanta kalana DFKM ugu fidinayso dhaqaalo ay ku sheegtay in loo adeegsanayo taaba-gelinta DFKM oo iyada lugaheeda ku istaagto ,balsa run ahaanti lacagtan waxaa loogu talagalay la dagaalanka in uunan ummadda Soomaaliyeed ka soo dhax bxiin rag u hadli karo danaha waddankooda iyo dadkooda , iyo in uunan ummaddan ka soo dhax bixin rag ka gelgelinayo hoostaga gumaystayaal isku bahaystay ka gun-gaarida gacan buuxdo oo ay ku dhigaan ilaha dhaqaalaha ee waddankeena iyo la dagaalanka diinteena Islaamka, iyaga oo taa u marayo in-yar oo magaca Soomaliyeed nala wadaagto ee loo soo geliyay maqaarka dhurwaaga ,darajadoodana aynan dhaafsiisneyn calooshood u shaqaystayaal.     

Tegisti baydhabo ee Jandaya Farayzar bilowgi bishan April, diyaargarowga ay ku howlan yihiin maxaysatada Tigreeda ee magaalada muqdisho la soo dhoobay keddib marki loo geystay jab xoogan oo aynan horay ugu xisaabtamin(tashanin) iyo Beryahan fadhiyada qaloocan ee ka socdo magaalada Muqdisho iyo Shuruudaha ay DFKM ku xirtay ka soo qeybgelida shir ku sheega dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed, dhamaantoodba waxay daliil cad u yihiin in ummadda Soomaaliyeed loogu talagalay in loo kala qeybiyo qolo qolo,aadna loo xoojiyo kala qaybsanaantoodi hore, si gumaysiga na qabsaday joogidiisa iyo la dagaalankiisa loo hilmaansiiyo , iyo in dhibaatada Soomlida ku habsatay loo ekeysiiyo mid iyada ku kooban ummad uunan ka dhaxayn afgarad iyo wada shaqayn, sidaa darteedna faragelinta dalkeena la banaysto, iyada oo bulshada caalamka loo sheegayo in ummaddan ay tahay mid u baahan soo faragelin shisheeya, si meel la isugu keeno danahooda ,sidaana dowlad dalkooda ka arrimiso loogu dhiso.  

Ka hor inta aanan u gudbin yoolka qoraalkan oo ah digniin ku jeedo saddex qolo oo kala ah Gumaysiga ,dabadhilifyada u adeego Gumaysiga iyo Soomaalida uu xanuunka ku haayo musiibada soo dul degtay dadkooda iyo dalkooda, waxaan iskudayayaa iftiiminta macnaha ku hoos qarsan Shuruudaha ay DFKM ku xirtay ka soo qaybgelida waxa ay ugu yeeertay Shirka dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed.  

Shuruudaha waxay Yihiin sida loogu soo daabacay safxadaha Internetka, loogana sheegay  meediyaha caalaamka,. In ka qaybgalayaasha shirka dib-u-heshiisiinta looga baahan yahay in ay soo buuxiyaan saddex shardi oo kala ah

1) Qofku waa Inuu caddeeyo inuu ka baxay wixii uu horay ugu jiri jiray uusanna dagaallo dambe ka qayb-qaadanayn
2) in uu Dowladda Federaalka Aqoonsan yahay
3) in uu shirka uga soo qaybgalo qaab beeleed oo kaliya.  

Shardiga kowaad wuxuu xambaarsan yahay laba macno oo khatar ah, oo midba midka kale ka daran yahay ,waxaa layska rabaa in aad cadeyso, in   aad tahay nin aanan u taagnayn ku dhegnaashada diinta Islaamka, oo macnaheeda yahay adiga oo iclaamiyo in aad kaba baxday diintaada, tan xigtana waa in aad ahaato doqon ama nin la leeyahay oo aanan qiira lahayn ,diyaarna aanan u ahayn in uu ka dagaalo xoogaga Gumaysiga ee dalkiisa iyo dadkiisa qabsaday.

Shardiga labaad waa aqoonsiga DFKM oo macnaheeda yahay, adiga oo ogolaado si rasmi ah ,qalinkana ku duugo in ay Itoobiya xaq u leedahay ka arriminta arrimaha dalkeena iyo dadkeena, maadaama ay iyada tahay dowlad si dhab ah uga dambeysay soo dhisida DFKM ,oo ay isla iyadana tahay tan u taagan difaacida jiritaanka DFKM inta ay ku taagan tahay u adeegida danaha Tigreeda.

Shardiga saddexaad waa in aad qalinka ku duugtaa ogalaanshaha, in uu kaaba qabiilkaada ka wakiil yahay wax walba ,taasoo macnaheeda yahay adiga oo si sahala uga tanaasula xoriyadaada shaqsigaa iyo adiga oo ogolaado talo walbo oo qabiilka soo jeediyo, xitaa haddii ay taladaas tahay in la gumaado qabiil kale oo Soomaaliyeed, taasoo macnaheeda guud yahay Qeybi oo Xukun.   

Markaan u soo noqdo Yoolka ugu weyn ee qoraalkan oo ah, ku baraarujinta iyo ku   dhiirigelinta Ummadda Soomaaliyeed meel-walba oo ay joogto, in ay u istaagto midaynta xoogooda iyo dar-dar-gelinta la dagaalanka cadowga waddankeena qabsaday iyo kooxaha u adeego oo isla iyaga badankooda yihiin, kuwa doorweyn ka soo qaatay dandaraynti uu dalkeena ku soo jiray 17toban sano oo gadaal inoo dhaaftay.  

Soomaliyey awood oo dhan waxay u sugnaatay Ilaahi na abuuray kaligiis ,mana jirto cid ka adkaan karto xaqa ,horana uma dhicin ,haddana dhici-mayso Ilaahey idinkiis, waa haddii ummadda xaqa ka maqan yahay u istaagto doonista xaqooda iyaga oo isku duuban, Ilaaheyna uga wakiilyeesho umuurahooda oo dhan.

Qorshaha Xabashida iyo ciddi soo wakiilataba ka shaqaynmaayo dalkeena sababa badan oo ay ugu horeyso in Quluubtooda aynan meel u wada jeedin ,uguna ay danbayso in uu dalkaan leeyahay dad aad ugu dhegan diintooda ,haddaba sidaa darteed isaga kaalaya kala daadsanaanta, una joogsada mideynta xoogiina.

Waxaan rabaa in aan idinku wargeliyo saansaanta dagaalka ka taagan Koofurta Muqdisho in uu dhmaadkiisa yahay Woqooyiga Muqdisho, haddaba sidaa darteed ha is-dhiganina oo waxba yaanan la idinku maaweelin waxaa lal dirirayaa argagixiso ,dagaalkan   kuma jeedo qola gaar ah, ee wuxuu ku jeedaa Soomaali oo dhan iyo sidi loo wareegi lahaa dalkeena, iyada oo taa loo marayo dowlad ku sheeg baas ee awaamirta ka qaadato general Tigree ah ee isgana awaamirta howshiisa si toos uga qaato Addis-abab iyo Guriga CIA ee cariga Maraykanka.

Somaali waxay tiraahdaa "nin kuu digay kuma dilin", DFKM fariimihi loo soo dhiibay weyna soo gaarsiisay ,waxaan waqtigan keddib uga gaabinaa difaacida waddankeena waa doqonimo oo kaliya .

Gumaysiga Tigreeda waxaan leenahay, guuldarro adiga ayey kuugu danbeynaysaa ee inti uunan waaga kuugu baryin, meydadkaadana la warin waddooyinka Soomaaliya, ku cibra qaado fashilka ku yimid dowladi adduunka ugu xoogweynayd faragelinta ay ku sameysay dalka Ciraaq iyo in uunan jirin xoog shaqaynayo, kol haddii dadka dhulka iska leh ay ka hor-yimaadaan xoogaada iyo dabadhilifyadaada oo ay idinka (waa Tigreeye) idiin dheer-tahay faqrimnimo, maamul xumo iyo dagaalkiina oo ah mid aad wakiil uga tihiin xoog horay ugu fashilmay qabsashada dalkeena,haddana awoodi waayay ku dhicida faragelin toos ah oo uu isaga ku sameeyo dalka Soomalya ,isaga oo ka dhowrsanaayo Askar kale oo kaga dhimato meel aanan ahayn Ciraaq iyo Afgaanistaan, oo aynan ilaa iyo hadda faraha ku hayn, qaabki ay uga lug bixi lahayeen moolka fog oo ay   waddankooda rideen.

Dabadhilifyada Gumaysiga cusub ,iyagana waxaan ku wargelinaynaa in uu dhamaadkooda yahay halaag iyo iyo in godkooda biyo kulul loogu soo gelinayo Ilaahey idinkiis ,iyo in ayanan marnana ummadda Soomaaliyeed kala soocayn Tigreeda iyo dabadhilifyadooda kolki uu soo daahiro jabkooda, oo aanan meel fog noo jririn   asabaaba badan oo aan kor ku soo sheegay awgood ,Ilaahey idinkiis..10/04/2007 

Abdallah Moallim Mahamud (Cabdullahi Siyaasi)
Moallem10@hotmail.com

Baaq Ku Aadan Somalida  Ka Qeybqaadashada Dagaalka Muqdisho Akhri

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | April 12, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com
 

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.