Qalin-ku-dirirka Cusub........!
Dagaal-oogaha Soomaaliga ahi waa nin damac waalan oo isticmaala qabiilka si
uu u badhi-gantaalo damaciisaa xukun doonka ah isagoo ku andacoonaya inuu
qabiilkiisa iyo danaha uu gaarka u leeyahay qabiilkaasi u taagan yahay.
Laakiin, xaqiiqo ahaan, Jaalle dagaal-ooge ma laha ujeeddo aan ahayn inuu ka
hodmo dhiiga tolkii, awood badan oo xaaran ahna uu kulansado.
Dagaal-oogayaalka Soomaaliyeed waxaa ugu caansan Maxamed Faarax Caydiid,
Cabdullaahi Yuusuf iyo dhawr kale oo badankoodu Xamar ku amarkutaaglayn
jireen. Mid walba oo nimankaa ka mid ahi qabiilkiisa ayuu ugu dambayn
qoriga kusoo duway oo uu hoog iyo balanbal badan baday.
Nimankaa dagaal-ogayaalka ah waxaa la mid ah kuwa aan ugu yeedhay
qalin-ku-dirir. Qoladan dambe, degaanada Soomaaliyeed oo dhan ayey kasoo
jeedaan waxayse ugu xoog badan yihiin Xamar, Puntland iyo goboladda
Somaliland la baxay. Dagaal-oogaha ay qalinka ku taageeraan haddii uu
kobco, qalin-ku-dirirka aad ayaa loo maqlaa ama loo arkaa, haddiise
dagaal-oogihii uu taageersanaa daciifo ama laga adkaado ninkii qalinka ku
harjadayey isna wuu naaqusaa.
Muqdisho:
Markii Caydiid iyo qabqablayaashii kale ee Xamar ay xoogga
lahaayeen, qalin-ku-dirir reer Muqdisho ah oo waxaa soo baxay isku dayey
inay xalaaleeyaan gumaadka shacab aan wax denbi ah gaysan, waxa lagu
maagayna uu yahay oo kaliya inay qabiil kale ka dhasheen. Mid ka mid
qalin-kudirirkaa oo qoray buug ayaa ku dooday in taalladii Sayid Maxamed
Cabdille Xasan dhiddibada loo siibay maxaa yeelay waxay calaamad u ahayd,
buu yidhi, cadaadis iyo xadgudubyo tolkii loo gaystay.
Cabdi-qani Hiirad oo ka mid ahaa raggii sida joogtada ah ee muuqata wax ugu
soo qori jiray soc.culture.somalia iyo SAPDba ayaa weji-gabax ku riday
ninkaa ku dooday in taaladii Sayidku astaan cadaadis ahayd. Cabdi-qani
wuxuu weydiiyey ninkaa “haddii taaladii Sayid Maxamed sababtaa aad sheegtay
daraadeed loo fuqsaday, taalooyinkii Dhagax-tuur iyo Xaawo-taako maxay
galabsadeen? Maxaase tuubbooyinkii biyaha iyo xadhkihii xoogga tamarta loo
la baxay? Kuwaasina ma astaan cadaadis oo qoyskaaga loo gaystay ayey
ahaayeen?” Haddaba, markii qabqablayaashii Xamar gabbalkood dhacay
taariikhduna ka faraxalatay, qalin-ku-dirirkii Xamarna kama dambayn ee
iyaguna way galbadeen.
Gobolada Waqooyi:
Tan iyo markii gobolada waqooyiga Soomaaliya ay ku
dhawaaqeen inay gooni isu taagayaan, waxaa halkaa kasoo mudhbaxay
qalin-ku-dirir badan. Kuwa ugu codka dheer ee aadka u muuqdaayi waa kuwa ku
talaxtagsan kala goynta dalka Soomaaliya. Labada dhidib ee qabqablayaasha
qalinka ee Soomaaliland ku qotamaani waa:
- 1) Shacabka goboladaa oo ay ku cabsiiyaan midka koonfureed
- 2) Shacabka koonfureed, amaba Soomaalida inteeda kale, oo ay jaa’ifeeyaan
kana dhigaan dugaag Alle iyaga ka badbaadiyey
Maadaama aan cabsi-galinta iyo iskudirka shacabku ahayn aragti siyaasadeed,
wax horumar ahna aan lagu gaadhaynin, qalin-kudirirkii Soomaalinland iyaguna
halkaa ayey goroyo gabbal u dhacay ku yihiin. Waa dhab inay soo kiraysteen
calooshooda-u-shaqaystayaal qalin-maal ah sida ninka dhalanteedka ku nool ee
la yidhaahdo Dr. Pham, laakiin markii aad isku didiso xaalkoodu waa ha
fadhido farow, ujeedadoodii guracnayd ee ahayd inay shacabka koonfureed iyo
ka waqooyi dab iyo dhagax ka dhigaana ma soconin, maxaa yeelay dedweynaha
Soomaaliland ayaa khaati-billaahi ka istaagay khayaanadooda. Sidaa awgeed,
waxaad moodaa inay xabaal qarkeed saaran yihiin qalin-ku-dirirkii dalka inay
kalla gooyaan usoo tafaxaytay.
Qalin-ku-dirirka cusub:
Qolada saddexaad ee qalinka ku xarbida waa qolada
aan ku suntay magaca ah “qalin-ku-dirirka cusub” ama haddaan kooye waana
taageerayaasha dawladda meel ku gaadhka ah ee Soomaaliyeed (TFG) gaar ahaan
kuwa taageera Cabdullaahi Yuusuf. Qoladani mar kaliya unbay anna way kan
yidhaahdeen, meel walbana sidii likihii ayey kasoo foodhaceen.
Qoladani waxay ku adkaysanayaan in TFGdu danaha Soomaaliyeed ka shaqaynayso,
Itoobiyana ay weerarka dalka ugu soo qaaday si ay TFG danaha dalka iyo dadka
ku hawlan u gacanqabato. Waxaanse jeclahay inaan kuwanna weydiiyo: haddii
Itoobiya u qabsatay Soomaaliya si ay ugu faragoddo TFGda, maxay Xamar u
qabsan wayday ama u weerari wayday labadii sano ee TFG meehanaabaysay Jowhar
iyo Baydhabo, qabqablayaashii Xamarna ay handadaada iyo cagajuglaynta
joogtada ah ku hayeen?
Ujeedada aan Itoobiya Xamar u weerarin markii ay gacanta qabqablayaasha
dagaalka ee dawladda surka kaga taagnaa ku jirtay waxay tahay markasta oo ay
qabqablayaashu ka hoosguuraan TFG ama ay docwareemaan hanaanka nabadda ee
dalka ka socda waxay Itoobiya ogayd inay nimankaasi danaheeda fulinayaan.
Sidaa awgeed, Itoobiya maxaa Soomaaliya ka galay mar haddii dharigii u bisil
yahay dhaankiina u furan yahay. Gede Aysetegneme.
Markii qabqablayaashii la karbaashay lagana itaal roonaaday, markii
nabadgalyadii iyo xasiloonadii dib usoo noqotay, markii shacabkii kala
qoqobnaa isu soo boholyoobay Xamar ilaa Boorame markaa ayaa Itoobiya
walbahaar Alla u tuuray dhagarna ay maleegtay, kadibna Soomaaliya oo dhan
gacanta ku dhigtay.
Si kale aan wax kuu tuso. Markii aynu digo iyo danbaska iska dhigaynay,
Itoobiya maylinka ayey isugu keen dhiibaysay, nimankaa maato-dooxayaalka
ahna hub iyo lacag ayey ku faraqday. Laakiin markii aan iswaansanay,
gacmaha is qabsanay, kuwii Itoobiya u adeegayey dhawr iyo tobankii sano ee
lasoo dhaafayna aan geed ku xidhnay, markii bogaggeenana Alle burcad isu
marshay, markaa ayey Itoobiya nafteedii isu keen soo qaawisay oo rajadii
yarayd ee shacabka Soomaaliyeed usoo baxday dhalfiifaha ka dhigtay.
Itoobiyada noocaa ah ee taariikhdeeda, falkeeda iyo qorshaheeduba mar walba
tusayeen inay tahay cadowga ugu xun ee soo jireenka ah ee Soomaaliyi
leedahay ayey waxay qoladan saddexaad ee qalin-ku-dirirka kusoo korodhay
doonayaan inay inoo tusaan inaan walaalo aan kala gu’i karin nahay,
faragalinteeduna badbaado Alle inoo soo diray ay tahay!
Waxaa qoladan qalin-ku-dirirka ku cusub dusha ka saaran dhalleeco iyo
fadeexad ka dhalatay labo qodob oo muhiin ah:
- 1) Raggan ay qalinka kula dirirayaan una soo qaashaarteen inay cidhibtiraan
ma aha tuugtii dhiigmiiratada ahayd ee shacabka xammagga ku dhaganaa
labaatan sano ku dhawaadka. Waxaa weeye hogaamiyayaal aan Soomaali lagu
arag muddo dheer kuwaa oo isku darsaday karti iyo hufnaan ay kalsoonida
shacabka ku kasbadeen
- 2) Wadiniyiintii Maxkamadaha oo ahaa qolada kaliya ee Itoobiya dalka ka
sheelsheelinayey, qolada kaliya ee awooday inay dalka iyo dadkaba mugdiga ka
saaraan ayey la dirirayaan. Nasiibdarro arintaasi waxay keentay in
dadweynihii waayo hogaamintii siyaasadeed ee Maxkamadaha. Waxaa kale oo ay
keentay in nimankan qalin-ku-dirirka ku cusubi ay midiidin u noqdaan
cadowgii taariikhiga ahaa ee dalkooda.
Midowgii Maxkamadaha laba arimood ayey qolyahani ku eedayaan. Waxay labadaa
arimoodi kala yihiin:
- 1) Nimanka hoggaanka Maxkamadaha haya waa dagaal-oogayaal midabbeeya oo
culimo u xuubsiibtay sidaa awgeed lama aamini karo
- 2) Nimanka hoggaanka Maxkamadaha haya waxay kasoo jeedaan hal qabiil oo
kaliya, mana matali karaan Soomaali oo dhan
Bal aynu dhaliilahaa labada ah u kuurgalo. Midda hore waxaan ka leeyahay:
Inaad jaal la tihiin dagaal-oogayaashii dhabta ahaa iyo umulo-dooxyadii caan
baxay sida Cabdullaahi Yuusuf, Cabdi Qaybdiid, Xuseen Caydiid, Muuse Suudi
Yalaxow, Maxamed Qanyare Afrax iyo kuwa la midka ah ee Xamar kasoo jeeda,
kuwaas oo si badheedh ah u laayey caruur, dumar iyo rag aan waxay
galabsadeen jirin isla markaana aad cambaaraysaan Sheekh Xasan Daahir Aweys
iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo aan waligood cidina ku eedaynin inay qof
Soomaaliyeed qabyaalad u dileen waxay bannaanka soo dhigtay munaafaqaddiina
iyo khayaanadiina raqiiska ah.
Eedaynta labaad ee ah in badanka hoggaankii Midowga Maxkamaduhu hal tol
kasoo jeeday waxbaa ka jira. Laakiin dhibaatada Soomaalida ka haysatay
xagga hoggaanka ma ahayn qabiilkee hoggaamiyuhu kasoo jeedaa ee waxay ahayd
siyaasadda qabyaaladda iyo duminta ku dhisan ee ay hoggaamiyaalku ku
dhaqmayeen. Sidaa awgeed, eedayntani culays badan ma laha qadarinna ma
mudna.
Mar haddii aan qof dhulka kasoo baxay jirin, hoggaamiye ajnabi ahna aynaan
soo amaahanaynin, su’aasha ay tahay inaan isweydiino ma aha qabiilkee
hoggaankeenu u dhashay. Waxay tahay inaan isweydiino waa hoggaamiyuhu muxuu
u qabtay dadka iyo dalka xilliggii uu mas’uulka ahaa? Halbeeggaa haddii
aynu isticmaalo waxaa inoo soo baxaysa in madaxdii Maxkamauhu horumar culus
ay keeneen, qadarkii waxqabad ee laga filayey mid aad uga weyna ay geysteen.
Haddii ay Midowga Maxkamuduhu jiri lahaayeen 10 sano, si ula kac ahna ay u
hor istaagi lahaayeen in waxgaradka qabaa’ilada kale ka dhexmuuqdo
hogaamiyaana dhaqdhaqaaqa, waxay mudan lahaayeen in eedayntaas loo soo
jeediyo lagulana xaajoodo sababta ay saa u noqotay. Laakiin sidaan wada og
nahay, lix bilood oo kaliya ayey Maxkamaduhu jireen. Lixdaa billood waxay
muujiyeen in hadafkooda Soomaaliyi u dhan tahay, qadiyaddana aan qof qof
kale ka xigaa jirin.
Saa iyadooy tahay, haddana wax lala yaabo ma aha in badanka hoggaankii
Maxkamaduhu hal beel kasoo jeeday. Taariikhda haddii aad dib ugu noqoto oo
aad milicsato meelaha kacaan ama dhaqdhaqaan isbadal doon ahi ka curto,
waxaad arkaysaa in dadka caynaanka u haya ay yihiin dadkii xilliga iyo
goobtii kacaanku ka dhashay joogay ama hoggaaminayey.
Bal waxaad is barbardhigtaa halgankii xornimo doonka ahaa ee Daraawiishta
iyo dhaqdhaqaaqii wadaniga ahaa ee Midowga Maxkamadaha. Dhammaan madaxdii
Daraawiishta sida Sayid Maxamed, Abshir Dhoore iyo Ismaaciil Mire waxay
kasoo jeedeen hal qabiil oo qabaa’ilka Soomaaliyeed ka mid. Saddexdaa
kaliya ma aha ee ammaanduulka iyo taliska Daraawiishtu suu u dhannaaba sidaa
oo kale ayuu ahaa. Haddaba, arintaasi ma wax bay u dhimaysaa ama
wasakhaynaysaa ujeedadii gobonimo doonka ahayd ee halgankii Daraawiishta?
Jawaabtu waa maya. Sidaa oo kale in hoggaanka sare ee Maxkamaduhu hal beel
kasoo jeedeen ceeb iyo caqabad midna kuma noqon karto hadafkii saxnaa ee
dhaqdhaqaaqas.
Siyaabo kala duwan ayey qalin-ku-dirirka cusubi dooda u dhigaan, laakiin
waxay ka siman yihiin baaq caan ah: Waxay yidhaahdaan, “aan illowno wixii
horey u dhacay oo aan taageero TFG maxaa wacay inaan TFG garab istaagno
danbaa dadka iyo dalkaba ugu jirta. Sida ugu dhibka yar uguna dhaqsaha
badan ee aan ciidamada Itoobiya dalka uga saari karaana waa inaan ku daba
faylno TFGda.” Iyo sheegashooyin kale oo noocaa ah.
Haddii aad u kuurgasho doodaa iyo dhawaaqaa kore ee ay soo jeediyaan
qalin-ku-dirirka cusubi waxaad arkaysaa inaysan doodoodu mid waayeel ahayn,
qof waxgarad ahina wuxuu ku qanci karo aanay haynin. Run ahaantii waa
sheeko dhalaan iyo waxaan dhaamin.
Ugu horrayn, cadowga ayaan soo gadhqaadi, cadowgaa ayaa dalka oo dhan
qabsan, kumanaan qof oo Soomaali ahna cagta marin isla markaana waxaan isku
maaweelin inaan Soomaali fijaan biyo ahi ka quban, wax habayaraatee ka
maqanna uusan jirin, maaweelo soconaysa ma aha!
Labo, maxay tahay faa’iidada ummadda Soomaaliyeed ugu jirta dawlad
gabigeeduba musuqmaasuq iyo eex ku dhisan, maato iyo mudane doox ah, jeebka
Itoobiya ku jirta Soomaalidana lagu sanduleeyey, dawlad tunka iyo taagta
Itoobiya dalka ku qabsatay? Jawaabtu waa waxba!
Guntii iyo gebogebadii, qalin-ku-dirirka Soomaaliyeed dhammaantood waxaa ugu
liita oo ugu abdo xun qoladan durbaanka u tumaysa Itoobiya iyo waxa
dabasocda. Dabaabaadka Itoobiyaanku kolkay shaaga marinayeen ciidamadii
MMI, diyaaradaha Itoobiyaanka iyo kuwa Maraykankuna kolkay si naxariis darro
ah u rushaynayeen, qalin-ku-dirirkani dhaawac tirka ragga Soomaaliyeed ee
cadowgu jaray ayey u tartamayeen. Sababtaa weeye sababta qalin-ku-dirirka
cusub ee Itoobiya u qiilbixinaya, MMI kasoo horjeeday dhaleeceeyeyna ay u
yihiin dad aad u liita oo hadafkooda, doodooda iyo waxay u taagan yihiinba
laga yaqyaqsado.
Taariikhda ayaa arintan xusi doonta, dadka Soomaaliyeedna waa habaynkii
xalay ahaa oo tagay inay hilmaamaan gaboolfalka loo gaystay. Ugu dambayn,
adduunku wuu is badali, Itoobiyana waa la jabin (meel ku gunto arintaa) ee
raggoow wax ha lays kula hadho.
Qore: Maxamed Heebaan
e-mail:
mohamed19456@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | April 12, 2007
|