SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
ItoApril 12, 07: Inta beri oo laga joogo markii xabashidu gashay: Kismaayo (102), Muqdisho (106), Beledweyne (109), Baydhabo (117),  Galkacyo (138),
Sarbeebtii Diinaari

Wararkii: April 12, 2007

  •  Dowladihii bixin lahaa qarashka shirka dib u heshiisiinta oo ku xirey..
  • Warbixin ku saabsan dagaalkii shalay ka dhacay Muqdisho
  • Dowladda Federaalka oo codsaday in wada hadalka laga dhigo Saddex geesood.
  • Jendayi Frazer "Hawiye wuxuu dagaalka ugu jiraa markii ay ka caroodeen .."
  • 12-ka April maalin xasuus ka mudan shacabka soomaaliyeed
  • Soomaalida ku nool dalka Uganda oo soo dhaweeyey sida Ciidamada Uganda..

Dowladihii bixin lahaa qarashka shirka dib u heshiisiinta oo ku xirey..

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Nayroobi waxay sheegayaan in Dowladihii bixin lahaa qarashka shirka dib u heshiisiinta ee ay ku baaqday Dowladda ay ku xireen shuruudo.

Shuruudaha ayaa waxaa ka mid ah in gebi ahaanba la baabiyo sharciga Xaaladda deg deg ah, in tafaasiil laga bixiyo waxa loogu yeeray xasuuqii ka dhacay Magaalada Muqdisho oo la sheegay Midowga Yurub in ay gaysteen Itoobiya iyo Dowladda Federaalka.

Cali Mahdi Max’ed oo madax u ah guddigaasi oo haatan ku sugan Magaalada Nairobi ayaa waxa uu wadaa kulamo uu la leeyahay Hay’adaha samafalka iyo Dowladaha daneeya arimaha Soomaaliya, ilaa iyo haddana wax ka soo naasa cadaaday ma jiraan.

Dowladda Federaalka waxay sheegtay in shirka dib u heshiisiinta ay ku baxeyso lacag gaareysa 40-Milyan oo Doolar, ilaa iyo haddana ma jiraan wax lacag ah oo u soo xarooday guddigaasi.

Cali Mahdi ayaa waxa uu dadaal ugu jiraa sidii uu Hay’adahaasi iyo Dowladahaasi ugu qancin lahaa inay bixiyaan qarashka Shirka oo laga yaabo in uu dib u dhac ku yimaado.

Warbixin ku saabsan dagaalkii shalay ka dhacay Muqdisho

Maalintii shalay ahayd ayaa Magaalada Muqdisho waxaa ka soo cusboonaaday dagaal u dhexeeyey Ciidamada Dowladda iyo kooxaha ka soo horjeeda, waxa uuna dagaalka xoogiisa ka dhacay deegaanka Fagax, waxaana la isku adeegsaday hubka culus iyo midka fudud.

Dagaalkaan ayaa waxa uu gaystay khasaare naf iyo maalba leh, waxaana la xaqiijiyey inay dhinteen ilaa iy lix ruux ayna ku dhaawacmeen 16 qofood.

Dagaalkaan ayaa waxaa soo qaaday ciidamada Dowladda, iyadoo afhayeenka Beelaha Hawiye u ku eedeeyey Dowladda Federaalka ah inay iyadu ka dambeysay dagaalkaasi oo ay dooneysay inay jabiso heshiiska xabad joojinta ah ee u dhexeeya sarakaiisha ciidamada Itoobiya iyo Odoyaasha Beelaha Hawiye.

Wara kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaalkaan, qaar waxay sheegayaan in ciidamada Dowladda looga qabsaday labo gaari oo Tikniko ah, warar kale ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Dowladda laga qabsaday tiro intaa ka badab.

Dagaalkaan oo istaagay shalay galbanimadii ayaa Ciidamada Dowladda, waxaa lagu waramay inay dib loogu celiyey goobihii ay ka soo duuleen, dhinaca kale waxaa isna shalay galab maqribnimadii dagaal uu ka dhacay agagaarka Kuliiyadda Jaale Siyaad kaas oo u dhexeeyey ciidamada Dowladda iyo kuwa ka soo horjeeda.

Rasaastii la isweydaarsanayey ayaa waxay gaartay goobo ku dhow dhow halka uu dagaalku ka dhacay.

Xubaxnimadii hore ee shalay ayaa dad ka yimid agagaarka Kulliyadda waxay noo sheegeen in ciidamada Dowladda ay halkaasi ku dileen Odey 70- jir ah oo la sheegay in gurigiisa loogu galay. Dagaalkii shalay ayaa iskii u istaagay iyadoo mararka qaarkood la maqlayey rasaas goos goos ah oo gaaray xaado ku dhow halkaasi.

Dowladda Federaalka oo codsaday in wada hadalka laga dhigo Saddex geesood.

Iyadoo mudo todobaad ah xabad joojin ka dhex jirtay Saraakiisha Ciidamada Itoobiya iyo Odoyaasha Beelaha Hawiye ayaa haddana waxaa dhowr jeer dib u dhac uu ku yimid wada hadalaasi kadib markii qoloba mar ay iyagu codsadeen in dib loogu dhigo shirka si ay u sameeyaan latashi dheeraad ah.

Odoyaasha Beelaha Hawiye ayaa waxay horey u sheegeen in aysan marnaba wax wada hadal la yeelan doonin Dowladda Federaalka, iyagoo ku eedeeyey inay mas’uul ka aheyd in la xasuuqo Ummadda Soomaaliyeed. Wasiirka arimaha gudaha Max’ed Sheekh Maxamuud Guuleed Gacma-Dheere ayaa waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka ay soo dhaweyneyso heshiiska xabad joojinta ah ee ay wada yeesheen Saraakiisha Itoobiya iyo Odoyaasha Beelaha Hawiye, balse waxa uu sheegay in arintaani ay ku wanaagsaneyd in Odoyaasha Beelaha Hawiye ay wada hadal la galaan Dowladda Federaalka.

Warar ayaa waxay sheegayaan in dib u dhaca ku yimid wada hadal u dhexeeya Odoyaasha Beelaha Hawiye iyo Saraakiisha Itoobiya ay tahay mid lagu doonayo in wada hadalada laga dhigo saddex geesood, hase yeeshee afhayeen u hadlay Beelaha Hawiye ayaa sheegay in dib u dhacaasi ay sabab u yihiin kadib markii ay codsadeen qaybo fara badan oo Bulshada Soomaaliyeed ka mid ah kuna dalka dibaddiisa iyo gudihiisa wada hadalka. Inkastoo maalintii shalay ahayd ay dhaceen dagaalo ay ku dhinteen dhowr qofood oo ka dhacay agagaarka Fagax ayaa Dowladda Federaalka waxay Odoyaashu ku eedeeyeen inay mas’uul ka tahay dagaaladaasi, iyadoo doonaya in ay jabiyaan heshiiska xabad joojinta ah u dhexeeya Odoyaasha Hawiye iyo Itoobiya. Maanta ayaa lagu ballansan yahay in mar kale kulan isugu yimadaan Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Muqdisho iyo Odoyaasha Beelaha, waxaana kulankaan laga soo hormariyey kulankii lagu waday in uu dhaco Maalinta axadda ah.

Jendayi Frazer "Hawiye wuxuu dagaalka ugu jiraa markii ay ka caroodeen .."

Jendayi Frazer oo ah kaaliyaha xoghayaha Arimaha Dibadda Afrika ee Dowladda Mareykanka ayaa markii ay ku laabatay Magaalada Washington waxay halkaasi ku qabtay shir jaraa’id waxayna sheegtay in Muqdisho ay ka dagaalamayaan kooxo ka haray Maxaakiimta Islaamiga ah iyo kooxo maleeshiyo ah oo taageersan Beelaha Hawiye.

Jendayi oo dhawaan ka laabatay magaalada Baydhabo ayaa waxay sheegtayin dalka intiisa badan uu nabad yahay balse Magaalada Muqdisho ka jiraan qalalaase la doonayo in lagu majaxaabiyo hawlagalada ay wadaan ciidamada Shisheeye.

“Dagaalka waxaa ku jira Beelaha Hawiye kadib markii ay ka caroodeen markii madaafiic lagu garaacay deegaanadoodii” ayey tiri Jendayir Frazer oo sheegtay in xal u helida Magaalada Muqdisho ay ku xiran tahay iyadoo kooxaha dagaalamaya isku soo hor fariistaan miiska wada hadalka.

Haweeneydaan waxay qirtayin dagaalkii dhawaan ka dhacay Muqdisho ay waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah oo aan waxba galabsan. Hadalada ka soo yeeray Jendayi Frazer ayaa ah kuwo is burinaya, waayo shirkii jaraa’id ay ku qabatay Magaalada Baydhabo, waxay ku sheegtay in kooxaha ka dagaalamaya Muqdisho ay yihiin kooxo aragigixiso ah, hase yeeshee markii ay ku laabatay Washington waxay sheegteen in dagaalka ay ku jiraan maleeshiyo ka tirsan Beelaha Hawiye.

12-ka April maalin xasuus ka mudan shacabka soomaaliyeed

Waa Nasiibdarro in maanta Xarumihii Ciidamada ay ku sugan Itoobiyaan.

SHALAY:  JANUARY 2007 FEB/MARCH 2007 MAANTA: APRIL 2007
aidid
DHEGEYSO: CAYDIID OO SHEEGAY MIDAYNTA SOMALIA & ETHIOPIA IYO BAABI'INTA XADKA SOOMAALIYA
Abdullaahi Yusuf Ahmed
C/laahi Yuusuf: oo sheegay in Xuseen Caydiid uusan caadi ahayn
Halkan Ka Dhegeyso ama  Halkan Dhegeyso
aidid
DHEGEYSO: XUSEEN  CAYDIID OO SHEEGAY IN ITOOBIYA AY KA BAXDO DALKA SOOMAALIYA

12-ka April 1960-kii oo ah markii la aasaasay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ahna maalin ku weyn shacabka Soomaliyeed, waayo ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed, waxay dhamaantood ku dhaarteen sidii dalka ay uga difaaci lahaayeen caddow kasta oo ku soo duula.

Markii ay burburtay dowladdii Max’ed Siyaad waxaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ku yimid burbur aad u weyn, waxaana arrintaani ka faa’iideystay dowladihii ka soo horjeeday in uu meel sare gaaro ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Maantoo kale waxaa ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed muujin jireen cudooda iyagoo sameyn jiray dhooltus ay ka nixi jireen caddowga Soomaaliyeed, hase yeeshee dadka Soomaaliyeed qaarkood ayaa ku tilmaamay burburka ku yimid ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed mid ayaandaro ah.

“waa naxdin iyo murugo in Caddowga Ummadda Soomaaliyeed uu maanta fariisimo ka dhigto dhamaan goobihii laga xukumi jiray ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed sida wasaarddii Gaashaandhiga, Kulliyaddii ciidamada Jaale Siyaad iyo goobo kale oo muhiiim ah” ayuu yiri nin Sarkaal ah ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxa uu intaa sii raaciyey “Caddowgii ummadda Soomaaliyeed ayaa maanta madaafiic ila dhacaya iyagoo ku sugan Muqdisho, waxaana mas’uuliyada arinkaasi iska leh, raggii loo soo tababaray ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee maanta ka amarqaata caddowga Ummadda Soomaaliyeed”.

Nin ka tirsnaan jiray ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa markii uu maqlay in Ciidamada Itoobiya ay soo galeen Magaalada Muqdisho aad uga xumaaday Kana murugooday oo ay ku soo booday qandho dara oo uu u geeryooday.

Ninkaani waxa uu ahaa raggii sanadihii 64-tii iyo 77-dii dagaalka la galay Ciidamada Itoobiya kuwaas oo xasuuq taariikhi ah reebay, wayna adkaan doontaa si la isugu keeno ciidankii xoogga dlaka Soomaaliyeed.

Odoyaasha Beelaha Hawiye oo shalay soo eegey xaaladda ay ku sugan yihiin..

Odoyaasha Beelaha Hawiye ayaa dhawaan waxay u saareen guddi soo qiimeeya xaaladda ay ku sugan yihiin dadka soo barakacay iyo waliba goobihii ay ciidamada Itoobiya ku baabi’yeen shacabka Soomaaliyeed, waxaana goobaha ay soo booqdeen ka mid ahaa Towfiiq, Garoonka K/cagta Muqdisho, Baar Ayaan iyo waliba goobo kale, sidoo kale guddigaan waxa uu soo booqday meelaha ay dadku ku barakaceen sida Agagaarka Qabooraha Barakaat, waxayna halkaasi ugu tageen dad fara badan oo dhex jiifa geeo hoostood, kuwaas oo ay ka muuqato diif iyo darxumo.

Xuseen Siyaad Qoor-Gaab oo guddigaan madax u ah ayaa waxa uu u soo jeediyey Beesha Caalamka iyo Bulshada Soomaaliyeed in dadkaasi lala soo gaaro gargaar, sidoo kale waxay ku eedeeyeen Dowladda Federaalka in ay is hortaagtay gargaar la damacsanaa in la gaarsiiyo dadkaa dhibaateysan, waxayna u mahadceliyeen shirkadihii iyo shaqsiyaadkii kale ee gacanta siiyey dadka soo barakacay.

Soomaalida ku nool dalka Uganda oo soo dhaweeyey sida Ciidamada Uganda..

Waraka ka imaanaya Magaalada Kampala ee dalka Uganda waxay sheegayaan in dadka Soomaaliyeed ee ku nool wadankaasi ay u mahadceliyeen Ciidamada Uganda ee gacanta siinaya dadka Soomaaliyeed ee ka soo barakacay dagaaladii ka dhacay Muqdisho ee ku nool duleedka Kampala.

“waan ogeyn in Ciidamada Uganda aysan wax dhibaato ah u gaysaneyn Bulshada Soomaliyeed” ayeyey yiraahdeen Soomaalida ku nool dalka Uganda oo intaa raaciyey “Itoobiya maxay ugu dayan la’dahay waxa ay ku dhaqaaqeen ama waxa ay garteen Ciidamada Uganda”.

Ciidamada Uganda ayaa biyo iyo raashin gaarsiiyey dadka Soomaaliyeed ee ku sugan inta u dhexeysay Muqdisho iyo Afgooye, waxayna goob walba ay maraan kala kulmaan sacab iyo rayrayn.

Ciidamada Uganda waxa ay doonayaan in ay kasbadaan taageerada Shacabka Soomaaliyeed, iyagoo dhanka kale sheegay in ciidamada Itoobiya koob ha noqdeen aysan gaarsin Ummadda Soomaaliyeed, waxayna sheegeen in ay ugu bedeleen Madaafiic.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com 

April 12, 2007


TAARIIKH::: Markale dhegeyso Waraysigii Dr. Raabeh

Raabeh

Waraysi: Dr. Cumar Cusmaan Raabeh
Waraysi dheer oo ay SomaliTalk la yeelatay Dr. Raabeh ayuu kaga hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin "Khatarta Culus ee Maanta uu kujiro Qaranka Soomaaliyeed iyo Xallinteeda.." Waraysigii ka dhegeyso halkan



Nin Soomaali ah oo Jimcadii Lagu Diley Maraykanka
Marxuumku waxa uu ka tegey xaas iyo 8 carruur ah oo jooga Ohio

Magaalada Phoenix ee gobolka Arizona ee dalka Maraykanka ayaa Jimcadii (Apr 6, 2007) waxaa lagu diley nin Soomaali ah. Waxaa warku sheegay in arrinta dilkani dhacay kaddib markii marxuumku uu gaarigiisa istaajiyey meel  gawaarida la dhigto, ayaa inta ninkale gaari kale ka soo degey uu toogasho ku diley marxuumka.[Warkan oo dhan ka akhri halkan.....].

Apr 7, 2007

mplsMinnesota, USA: Shir ay yeesheen Beesha Hawiye
Wax garadka, culumaaudiinka & mutacalimiinta beesha.... Akhri...
 

denmarkJaaliyadda Soomaalyeed ee Denmark oo shir ka yeelatay arrimaha Soomaaliya
Shirkaas oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan qeybaha kala duwan ee jaaliyadda ayaa Akhri


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com