SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
ItoApril 11, 07: Inta beri oo laga joogo markii xabashidu gashay: Kismaayo (101), Muqdisho (105), Beledweyne (108), Baydhabo (116),  Galkacyo (137),
Sarbeebtii Diinaari

Wararkii: April 11, 2007

  • Dowladda Ereteriya oo Dooneysa inay ka dhaadhiciso qaar ka mid ah ..
  • Cali Khaliif Galeyr iyo Prof. Cabdi Ismaaciil oo wada Qorshayaal ku saabsan.
  • Salaad Cali Jeele “Warka uguma talagelin in laga siidaayo Saxaafadda...”
  • Itoobiya oo sii-deyneysa 29 qofood oo lagu qabtey Dagaalkii...
  • Xarunta Ismaaciil Jimcaale ee Xaquuqda walaac ka muujisey Xarigga..
  • C/llaahi Yuusuf oo kulan gaar ah la yeeshay Beesha Sacad..
  • Dib u dhac ku yimid mar kale kulankii ay Odayaasha Hawiye iyo ..

Dowladda Ereteriya oo Dooneysa inay ka dhaadhiciso qaar ka mid ah ..

Dowladda Ereteriya oo si weyn uga soo horjeeda siyasadaha Dowladda Itoobiya, dalkeeda haatan ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan Dowladda Federaalka kuwaas oo ka soo horjeeda Siyaasadda Dowladda iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Maxaakiimta Islaamiga ayey Dowladda Ereteriya wadaa sidii ay qaar ka tirsan Dowladaha afrika iyo kuwo kale ay uga dhaadicin laheyd in laga hortago siyaasadda is balaarinta ah ee ay wado Dowladda Itoobiya kadib markii dhawaan ay weerar ku qaaday dalka Soomaaliya.

Cilmiga Hindisaha (Engineering) ee Laga Dhaxlay Islaamka.. Daawi Vedio-gan

Halkan ka daawo: Vedio

Dowladda Ereteriya Madaxweynaheeda Afawarke ayaa la filayaa inuu dhawaan gaaro dalka Suudaan si uu u soo afjaro khilaafkii u dhexeeyey iyaga iyo Dowladda Suudaan, isla markaana waxay Dowladda Ereteriya qosheyneysaa inay ka dhaadhiciso Dowladda Suudaan sidii wax looga qaban lahaa Siyaasadda guracan ee ay wado Dowladda Itoobiya.

Warar kale ayaa waxay sheegayaan in Dowladda Ereteriya ay kulano la yeelan doonto Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Yemen si ay iyana ugala hadasho xaaladda Soomaaliya iyo sidii Ciidamada Itoobiya looga saari lahaa wadanka Soomaaliya, sidoo kale dhawana ayaa la filayaa in ergay ka socda Dowladda Ereteriya uu gaaro dalka Jabuuti si uu ugala hadlo Xaaladda murugsan ee Soomaaliya.

Dhawaan ayaa waxaa wadanka Ereteriya gaaray Madaxweynaha wadanka Uganda, waxaana kulankaasi la iskula soo qaaday Xaaladda Soomaaliya iyo sidii Ciidamada Uganda looga saari lahaa dalka Soomaaliya, iyadoo Madaxweynaha Ereteriya uu Dowladda Uganda uga digay in ay Ciidamadeeda ku sii hayso dalka Soomaaliya.

Dowladda Ereteriya waxay horey loogu eedeeyey in ay taageero siisay Maxaakiimta Islaamiga ah, hase yeeshee arintaasi Ereteriya waxay ku tilmaantay mid aan sal iyo raad toona laheyn oo ay sheegtay inay wadato Dowladda Itoobiya, hase yeeshee Su’aasha isweydiinta mudani waxay tahay sidii Dowladda Ereteriya ay ugu suurtageli lahayd in ay kala furfurto Isbahaysigii Sanca ee ay ku mideysan yihiin wadamada Itoobiya, Suudaan iyo Yemen.

Cali Khaliif Galeyr iyo Prof. Cabdi Ismaaciil oo wada Qorshayaal ku saabsan.

SHALAY:  JANUARY 2007 FEB/MARCH 2007 MAANTA: APRIL 2007
aidid
DHEGEYSO: CAYDIID OO SHEEGAY MIDAYNTA SOMALIA & ETHIOPIA IYO BAABI'INTA XADKA SOOMAALIYA
Abdullaahi Yusuf Ahmed
C/laahi Yuusuf: oo sheegay in Xuseen Caydiid uusan caadi ahayn
Halkan Ka Dhegeyso ama  Halkan Dhegeyso
aidid
DHEGEYSO: XUSEEN  CAYDIID OO SHEEGAY IN ITOOBIYA AY KA BAXDO DALKA SOOMAALIYA

Cali Khaliif Galeyr oo Ra’isul Wasaar ka noqday Dowladda Carta iyo Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ah aqoonayahan Soomaliyeed ayaa waxay wadaan qorshayaal ay ku doonayaan sidii dalka looga saari lahaa Ciidamada Itoobiya, iyaga oo dhawaan booqan doona wadamo fara badan oo ku yaala Yurub iyo Ameerika si ay uga dhaadhicyaan arrinta ay ugu yeeraan Dhibaatada ay Ciidamada Itoobiya ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya.

Labadan xubnood ayaa waxay qoraalo u kala gudbiyeen Qaramada Midoobey, Hay’adaha Xaquuqda Aadanaha, iyagoo gaarsiisay in Dowladda Itoobiya ay xasuuqa ka wado dalka Soomaaliya, sidoo kale waxa ay dowladahaasi ka dhaadhiciyaan in loo baahan yahay in soomaaliya loo qabto shir weyne qaran oo lagu dhiso Dowlad Soomaaliyeed, si meesha looga saaro Dowladda Dabadhilifka u ah Dowladda Itoobiya. Dhawaan ayey ka qaybgaleen xubnahani kulankii ka dhacay Magaalada Leicester kaas oo looga hadlay Xaaladda Soomaaliya.

Salaad Cali Jeele “Warka uguma talagelin in laga siidaayo Saxaafadda...”

Hadalheynta ugu badan maalmahan waxay ahayd hadalka ka soo yeeray wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Salaad Cali Jeele ee ahaa in dagaalka Dowladda iyo Ciidamada Shisheeye ay ka wadaan Muqdisho uu yahay mid looga soo horjeedo Beel, waxa uuna hadalkaasi dadka qaarkii ay ku tilmaameen mid sii kala fogeynaya Bulshada ku nool Magaalada Muqdisho, isla markaana loogu danleeyahay in lagu soo nooleeyo dagaaladii 1992.

Salaad Cali Jeela waxa uu sheegay in hadalkaasi uu ahaa mid aan loogu talagelin laga si daayo Saxaafadda, isagoo sheegay in ay Dowladda dagaal kula jirto wax uu ugu yeeray kooxo argagixiso ah.

Salaad waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka hadafkeedu yahay in aan cidna lagu duulin dhibaatana loo gaysan, sidoo kale waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay inay nabad ku soo dabaasho Muqdisho, si ay Dowladdu ugu shaqeyso qaab nabadeed.

C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa waxa uu sheegay in hadalka ka soo yeeray Salaad Cali Jeele uusan ka tarjumeyn hadafka Dowladda ee uu ka soo yeeray shaqsi, isagoo sheegay in arintaani baaritaan lagu sameyn doono.

Itoobiya oo sii-deyneysa 29 qofood oo lagu qabtey Dagaalkii...

Dowladda Itoobiya ayaa daboolka ka qaadayin dalkeeda ay ku hayso dad gaaraya 70 qofood oo maxaabiis ahaan loogu qabtay dagaaladii ka dhacay dalka Soomaaliya ee Maxaakiimta Islaamiga iyo Itoobiya dhex maray.

Dadkaan oo intooda badan laga soo qabtay xuduuda u dhexeysa Kenya iyo Soomaaliya, waxaana ku jiray Sagaal Carruur ah oo la sheegay in laga qabtay, Magaalooyinka Libooya iyo Raas-kabooni.

Dowladda Itoobiya waxay sheegtay in ay siideysay shan qofood oo u kala dhashay Yemen, Tanzania, Denmark, Norway iyo wadamo kale, waxayna Dowladda Itoobiya sheegtay in maalmaha soo socda la siin deyn doono 29 qofood, balse xabsig lagu sii hayn doono inta kale.

Xarunta Ismaaciil Jimcaale ee Xaquuqda walaac ka muujisey Xarigga..

Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale ee Xaquuqda waxay sheegtay inay walwal iyo walbahaar ku hayso xaaladda nololeed ee ay ku jiraan saddexda weriye ee ka tirsan Taleefishinka UNIVERSAL, kuwaas oo u xiran Dowladda Federaalka ah.

Weriyaashaan oo la qabtay 8-dii Bishan ayaa waxay Hay’addu ku tilmaantay mid xadgudub ku ah Baaqa Caalamiga ah ee Xaquuqda Aadanaha qodobkiisa 13-aad oo leh qof kasta waxa uu xaq u leeyahay in uu helo xornimo xagga ra’yiga iyo hadalka ah, waxa kaloo xaq u leeyahay in aan lagu faragelin ra’yigiisa iyo in uu raadsado, helo, dhiibo, warar iyo firkirado isagoo isticmaalaya qalab kasta oo warbaahineed, iyadoo aan loo fiirin ama aysan xayirin wax sohdimo ah.

Xaruntu waxay Dowladda Federaalka ka codsaneysaa in dhamaan Hawlwadeenada Taleefishinka la sii daayo loona soo celiyo agabkii laga qaatay, waxaana baaqaan ku saxiixnaa kusimaha Guddoonka Xarunta Dr. Salaad Jimcaale Cosoble.

C/llaahi Yuusuf oo kulan gaar ah la yeeshay Beesha Sacad..

Madaxweyne C/llalahi Yuusuf Axmed ayaa xarunta madaxtoonyada ee Villa Somalia ayaa kulan gaar ah waxa uu kula Siyaasiyiin, Waxgarad iyo Odoyaal ka tirsan Beesha Sacad, waxaana kulankaasi la iskula soo qaaday xaaladda dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho. Kulankaan oo ay dood dheer ka dhalatay ayaa Madaxweyne C/llaahi Yuusuf waxa uu beesha u gudbiyey in saddexda xubnood ee ay ku leeyihiin Xukuumadda iyo Baarlamaanka ay mucaarad ku yihiin Dowladda, kuwaas oo kala ah Cumsaan Caato, Xuseen Caydiid iyo Axmed Ducaale Geele (Xaaf), waxa uuna u soo jeediyey in arintaasi ay wax ka qabtaan.

Beesha Sacad waxgaradkoodii ayaa C/llaahi Yuusuf u soo jeediyey in uu joojiyo dagaalada uu ka wado Magaalada Muqdisho oo ay sheegeen in ay yihiin kuwo la doonayo in lagu barakiciyo dad gaar ah, sidoo kale waxay u soo jeediyeen in uu deg deg wax uga qabto hadalkii ka soo yeeray Salaad Cali Jeele ee ahaa in Dagaalka Muqdisho ka socda uu yahay mid looga soo horjeedo Beel keliya.

C/llaahi ayaa Waxgaradka Sacad u soo jeediyey inay taageeraan Dowladda Federaalka, hase yeeshee xubnihii ka socday Beesha Sacad waxay qaarkood sheegeen in kulankaasi la isku afgaran waayey.

Kulankii qaabeynta Siyaasadda Saxaafadda oo lagu doortey ..

Waxaa maalintii shalay ahayd Hotel Naas-Hablood lagu soo gebagabeeyey kulankii qaabeynta Siyaasadda lagu maamulayo Saxaafadda, waxaana ka qaybgalay dhamaan qaybaha kala duwan ee Warbaahinta.

Kulankaan oo socday ayaa waxaa looga dooday Siyaasadda lagu maamulayo Saxaafadda, waxaana halkaasi cashiro ka jeediyey Rag saxaafadda mudo ku soo dhex jiray, Bulshada Rayidka ah iyo Hay’adaha Xaquuqda Aadanaha.

Kulankaan oo uu soo qaban-qaabiyey Isbahaysiga Xoriyadda iyo Ra’yiga Soomaaliyeed (SOCFEX), waxaana maalgeliyey Hay’adda International Media Support, waxaana kulankaan lagu kaabay kulan horey uga dhacay Magaalada Baydhabo 18 iyo 19 Bishiii Maarso.

Kulankii shalay ayaa waxaa la isku raacay dhismaha xoogga shaqo, kaas oo ka kooban 11 xubnood oo ka kala socda Qaybaha Warbaahinta, Bulshada Rayidka, Haweenka iyo Xaquuqda Aadanaha, waxayna ka soo baaraandegi doonaan Siyaasadda lagu maamulayo Saxaafadda Soomaaliyeed.

Gebagabadii kulankaasi waxaa ka hadlay Wasiirka War-Faafinta Madoobe Nuunow oo sheegay in Dowladda Federaalka ay soo dhaweyneyso xoriyadda Saxaafadda iyo Xoriyadda hadalka, isagoo sheegay in Dowladdu ay la shaqeyn doonto Hay’ad kasta oo Saxaafadeed, isagoo us oo jeediyey ka qaybgalayaasha in ay ka shaqeeyaan sidii dalka nabad loogu soo dabaali lahaa.

Waxaa gebgabadii ka hadlay Guddoomiyaha Isbahaysiga Xoriyadda Ra’yiga Soomaliyeed (SOCFEX) Nuurto Sheekh Max’ed, waxayna u mahadcelisay intii ka soo shaqeystay kulankaan, sidoo kale waxay u soo jeedisay xubnaha loo doortay xoogga shaqo in ay ka shaqeeyaan sidii la isugu keeni lahaa Saxaafadda Soomaaliyeed.

Kulankaasi waxaa laga soo saaray baaq ah in la dhowro Xoriyadda Saxaafadda, in Saxaafaddu ka qayb-qaadato dib u heshiisiinta iyo nabadda, in ay Dowladda Federaalka wada shaqeyn la yeelato Warbaahinta, in Saxaafadda gacan lagu siiyo hawlahooda.

Dib u dhac ku yimid mar kale kulankii ay Odayaasha Hawiye iyo ..

Shalay oo lagu ballansanaa in ay mar kale kulan la isugu yimaadaan Saraakiisha Ciidamada Itoobiya iyo Odoyaasha Beelaha Hawiye, waxaana kulankaasi la doonayey in looga hadlo qodobo muhiim ah u ah xabad joojinta Magaalada Muqdisho.

Kulankaan ayaan la garaneyn sababaha dib loogu dhigay, waxaana la sheegay in la isugu imaan doono Maalinta axadda ah ee fooda nagus oo haysa, hase yeeshee warar ayaa waxay sheegayaan in la isku afgaran la’ yahay qodobo uu kulankaasi ku qabsoomi lahaa oo ay ka mid yahay, in kulanka laga dhigo saddex geesood si ay Dowladda uga soo qaybgasho, waxaana arintaani wata sida la sheegay Saaakiisha Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com 

April 11, 2007


TAARIIKH::: Markale dhegeyso Waraysigii Dr. Raabeh

Raabeh

Waraysi: Dr. Cumar Cusmaan Raabeh
Waraysi dheer oo ay SomaliTalk la yeelatay Dr. Raabeh ayuu kaga hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin "Khatarta Culus ee Maanta uu kujiro Qaranka Soomaaliyeed iyo Xallinteeda.." Waraysigii ka dhegeyso halkan



Nin Soomaali ah oo Jimcadii Lagu Diley Maraykanka
Marxuumku waxa uu ka tegey xaas iyo 8 carruur ah oo jooga Ohio

Magaalada Phoenix ee gobolka Arizona ee dalka Maraykanka ayaa Jimcadii (Apr 6, 2007) waxaa lagu diley nin Soomaali ah. Waxaa warku sheegay in arrinta dilkani dhacay kaddib markii marxuumku uu gaarigiisa istaajiyey meel  gawaarida la dhigto, ayaa inta ninkale gaari kale ka soo degey uu toogasho ku diley marxuumka.[Warkan oo dhan ka akhri halkan.....].

Apr 7, 2007

mplsMinnesota, USA: Shir ay yeesheen Beesha Hawiye
Wax garadka, culumaaudiinka & mutacalimiinta beesha.... Akhri...
 

denmarkJaaliyadda Soomaalyeed ee Denmark oo shir ka yeelatay arrimaha Soomaaliya
Shirkaas oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan qeybaha kala duwan ee jaaliyadda ayaa Akhri


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com