SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  ICG

Digniin ka timid Ururka dersa Mushkiladaha Caalamiga ee loo yaqaan International Crises Group (ICG)

Nairobi/Brussels, 27 November 2006: Qaraarka qabyada ah ee ay dowladda Marekanku soo hordhigi doonto golaha Ammaanka ee quruumaha midoobey marka ay taariikhdu tahay Nofeembar 29, wuxuu keeni karaa dagaal ba’an oo ka dhaca Soomaaliya iyo in ay xasilloonidu ka dhunto dhammaan dalalka Gobalka geeska Afrika taasoo sii keeni karta in ay sii kacdo xiisadda colaadeed ee u dhexeysey dowladaha Itoobiya iyo Eriteriya iyadoo ay khatarta ka dhalan karta dagaalkaasna ay gaari karto heerar cusub oo halis ah. 

Haddaba intii lala safan lahaa hal dhinac oo ah dhinacyada isku haya dagaalka sokeeyey ee Soomaaliya-waa dowladda ku meel gaarka ah ee kala qaybsan oo tabarta darane- waxaa golaha Ammaanka la gudboon in ay cadaadis xoog leh saaraan labada dhinac ee Dowladda iyo Maxkamadaha taageerada ka helaya Eriteriya si ay dib loogu noqdo wadahadallada iyadoon wax sharuud ah lagu xirin.

Qaraarka qabyada ah ee la soo jeediyey, oo ay taageerayaan waddamada Afrika ee xubnaha ka ah golaha Ammaanka, wuxuu ansaxinayaa in dalka Soomaaliya la soo galiyo ciidamo militari ah oo ka immaanaayo gobalka (IGADSOM) kuwaas oo taageeri doona dowladda ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, ciidamadaas iyo waddamada ay ka immaanayaan sida Itoobiya, Yugaandha, iyo weliba Kenya waxaa laga qaadayaa cunaqabateynta hubka. Iyadoo ujeeddooyinka ciidankaasi ay yihiin in la xoojiyo dowladda ku meel gaarka ah, in la hakiyo is ballaarinta Maxkamadaha Soomaaliya, iyo in la baajiyo dagaal baahsan oo dhaca, ayaa haddana waxaa dhici doonta in si karoodda ah  ay u dhicisowbaan dhammaan seddexdaas ujeeddo.

Somalia Conflict Risk AlertKooxda Mushkiladaha Dersa (ICG) waxay si joogta ah uga soo horjeedeen in ciidamo la soo geliyo Soomaaliya- gaar ahaan kuwo ay ku jiraan waddamada safka hore sida Itoobiya- ilaa iyo inta laga helayo oggolaasho dhammaan kooxaha Soomaalida ah ee uu dagaalku ka dhexeeyo, waxaana aynu ku talinay in la sii adkeeyo cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya oo weliba lagu daro kormeerid adag. Kooxda Kormeerayaasha Cunaqabateynta ee Quruumaha Midoobey, oo soo gudbiyey warbixin bishii Oktoobar 16-keedii, ayaa iyaguna sidoo kale tusmeeyey khatarta ay leedahay in ciidamo gobalka ah loo diro Soomaaliya waxayna ku boorriyeen Golaha Ammaanka in taa baddalkeeda la sii xoojiyo cunaqabateynta hubka ee Saaran Soomaaliya iyadoo ilaalo laga qabanayo xudduudaha Soomaaliya.

Si kastoo beesha caalamku u aqoonsan tahay dowladda ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, haddana dowladdaasi weligeed ma helin taageero baahsan iyo kalsooni dalka Soomaaliya dhexdiisa ah. Baarlamaanka dowladduna wuxuu si xun ugu kala jabey arrinta ciidamada shisheeye Maajo 2005-tii. Ciidamo dhab loo keeno waxay sii jab jabin kartaa, si aan kabayo laheyn, baarlamaanka waxayna sii xoojin doontaa aragtida ah in dowladda ku meel gaarku ay tahay tu u adeegta Itoobiya. Dhuminta kalsoonida ey dadka Soomaaliyeed ku qabi kareen Dowladda waa wax aan dib danba dowladdu ugu soo noqon doonin.

Golaha Maxaakiimta Soomaaliyeed oo gacanta ku haya inta badan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya waxay in badan ku cel celiyeen oo ay ku dhawaaqeen in ay Jihaad la gali doonaan ciidan kasta oo shisheeye oo soo gala Soomaliya, oo ay ku jiraan ciidamada Itoobiya ee iyagu mar hore soo galey dalka. Maxkamadaha midoobey iyagu waxay u arki doonaan in Dagaal lagu Iclaamiyey haddii qaraarkan ay Golaha Ammaanka ansaxiyaan. Intii ay sugi lahaayeen in dowladdu isa soo hubeysa, waxaa suurta gal ah in maxkamaduhu dagaal ku qaadaan Baydhaba.  Maxkamadaha waxaa loo arkaa in ay khatar ku yihiin waddamada deriska ah sabab la xariirta fikradahooda ku aaddan Soomali Weyn iyo iyagoo taageera xubno argagixiso caalami ah iyo kooxaha Itoobiyaanka ah ee ka dagaallama Itoobiya. Intaa waxaa sii dheer in Maxakamaduhu khatar ku yihiin in ay kursiga ka hoos bixiyaan dowladda ku meel gaarka ah ee caalamku aqoon sanyahay. Intii muhiimmad badan la siin lahaa in dowladda laga difaaco Maxkamadaha-kuwaas oo taageera ka haysta ilaa siddeed waddan oo kale- Beesha Caalamka waxaa la gudboon in ay ku xujeeyso Maxkamadaha Midoobey in ay ka soo dabcaan mowqifkooda ku aaddan waxyaabaha looga shakisan yahay oo ka shaqeeyaan in ay xal wadahadal ku yimid la gaaraan Dowaladda ku meel gaarka ah.


Tallaabada la filan karo in uu Golaha Ammaanku ee Qaraamada Midoobey uu ka qaato Soomaliya...Akhri

ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....

Dowladda iyo Maxkamadaha midoobey waxaa u loo qorsheeyey in ay ku kulmaan Khartuum bisha Deceember dhexdeeda si ay u yeeshaan wadahadalkooda wareegga saddexaad oo ay dhexdhexaadin doonto Jaamacadda Carabtu. In kastoo, wadahadalladii hore horumarka laga gaarey uu aad u yaraa, haddana haddii cadaadis xooggan oo ka imanaya beesha caalamka la saaro labada kooxood, cadaadiskaas oo ay ka mid noqon karto faragalin firfircoon oo uu sameeyo Xoghayaha Guud isagoo u soo marinaya ergeygiisa gaarka ah, waxay kordhin kartaa in guul laga gaaro wadahadalka. Haddii aysan dhicin arrintaas, qaraarkana la ansaxiyo taasi waxay marmarsiiyo siin doontaa Maxkamadaha midoobey si ay uga baxaan wadahadalka oo dhan una dilaan wax kasta oo rajo ah oo laga qabey in xabbad joojin lagu heshiiyo. Iska horimaad Militari uun baa soo haraya.

Intii la ansaxin lahaa in ciidamo goboleed loo diro Soomaaliya, Golaha Ammaanka waxaa la gudboon in ay sii riixaan in labada kooxood ay dib ugu noqdaan miiska wadahadalka sida ugu dhaqsiya badan. Waxa ugu horreeya ee laga wadahadlayana ay noqdaan sidii loo gaari lahaa xabbad joojin buuxda oo daboosha::

  • In Ciidamada is horfadhiya la kala qaado;
  • In Soomaaliya ay ka baxaan dhammaan ciidamada shisheeye iyo tababarayaasha milatari; iyo
  • In Soomaaliya loo diro Guddi Caalami ah oo Xaqiijiya fulinta iyo u hoggaansanaanta wixii lagu heshiiyey.

Ciidama kasta oo loo dirayo Soomaaliya oo fasax ka heysta Quruumaha Midoobey waxaa habboon in ay ahaadaan Ciidamo loo dhisey in ay taageeraan Xabbad Joojin lagu heshiiyey, waana in aysan ciidamadaasu noqon kuwa mijaxaabiya dadaallada la doonayo in lagu gaaro xabbad joojin, iyo iyadoo ciidamadaasi ay noqdaan kuwa ay oggol yihiin labada dhincaba. Haddii marka mid ka mid ah labada dhinac uu ku guul darreysto in uu muujiyo in ay dhab ka tahay wadahadallada socda iyo wixii lagu heshiiyo, Golaha Ammaanka waxaa markaa la gudboon in ay xayiraad ku soo rogaan safarrada madaxdooda, la fariisiyo wixii hanti ah laguna soo rogo cunaqabateyn dhaqaale wixii ganacsigooda la xariira ah.

Sida marar badanba dhacdey, maxsuulka ka dhasha faragalin aan laga fiirsan ayaa waxaa uun dhici doonta iska horimaadka oo sii fara bata,  mana uu yaraan doono. In Milatari la isticmaalo waa in ay noqoto hubka ugu danbeeya in la adeegsado.  

English: http://www.crisisgroup.org/home/index.cfm?id=4520&l=1

Contacts: Andrew Stroehlein (Brussels) +32 (0) 2 541 1635 
Kimberly Abbott (Washington) +1 202 785 1601 

Waxaa turjumey: Wali Farah, Ottawa.
wfarah@rogers.com

###

Warbixin Gaar ah: Itoobiya:
Hirut Semu
Halbowlayaasha ganacsiga ee Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha kuwa xambaara kheyraadka aadka loogu baahan yahay-kaas oo inta badan ka taga dalka intuu soo geli lahaa-ee waxay kale oo uu si korodh badan u fududeeyaan fididda cudurka AIDS-ka Itoobiya. Warbixinta labaad oo ah mid ka mid ah shan warbixinood oo loogu talagaley in la soo bandhigo Jimcahan oo ku began Maalinta AIDS-ka Adduunka, ayaa wariyaha Metro ee Aidan Radnedge wuxuu ku safrey Dariiqa Halbowlaha u ah faafinta cudurka HIV/AIDS (Africa's 'high corridor of HIV') ee Afrika ilaa uu ka gaaro Magaalada labaad ee Itoobiya ee Nasareed.
AKHRI HALKAN....

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 28, 2006

CopyrightXuquuqda Qoraalka Copyright Akhri..

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosas
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD