- Shariif Xasan Shiekh Adan
Gudoomiyaha baarlamaanka Somalia oo yimid Nairobi
- Warbixin ku saabsan xaalada
Magaalada Kismaayo..
- Barre Hiiraale oo Dowladda
federaalka ka dalbadey Gurmad..
- Dowladda Federaalka oo
sheegtay in in uu burburey heshiiskii..
- Cali Max’ed Geeddi oo
sheegay in kooxaha argagaxiso ay qabsadeen..
- Ciidamo Itoobiyaan ah oo
soo galay deegaano ka..
- Ururka
wershedlayda soomaaliyeed oo looga dhawaaqay magaalada muqdisho
Shariif Xasan Shiekh
Adan Gudoomiyaha baarlamaanka Somalia oo yimid Nairobi
Gudoomiyaha
baarlamaanka DFKMG ah ee Somalia mudane Shariif xasan Shiekh Adan
ayaa galabnimadii isniinta soo gaaranay magaalada Nairobi ee
caasimada dalka Kenya isagoo ka soo baqoolay magaalada baydhabo ee
xarunta u ah dawlada Somalia waxaa socdaalkiisa ku wehliyay xubno
ka mid ah labada gole ee dawlada Somalia.
Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa waxaa Nairobi ku soo dhaweeyay xubno
ka tirsan dawlada Kenya waxaana ujeedada ka danbayso safariisa lagu
sheegay in beesha caalamka uu la shirayo xubno ka tirsan iyadoo
maalintii shalay ahaydna uu Nairobi soogaaray raisul wasaraha
Somalia Cali Maxamed Geedi oo isaguna u yimid kulamo caynkaas ah iyo
baaritaan dhanka caafimaadka ah sida ay Somali talk u xaqiijiyeen
saraakiil ka tirsan xafiiska raisul wasaaraha ee Nairobi.
Dhanka kale ilo wareed ayaa waxay sheegayaan in Gudoomiyaha
baarlamaanka Somalia iyo Raisul wasaaraha Somalia ay kulan si wada
jir ah ula qaadanayaan taliyaha ciidanka booliska somaliyeed ee
dawlada kumeel gaarka ah Gen Cali Madoobe oo tan iyo markii
shaqaaqada ka dhacday baydhabo 4tii bishaan ku sugnaa Nairobi ka dib
markii beesha digil iyo mirifle ku eedeyeen in dilkii garoonka
diyaaraha baydhabo ka dhacay oo gacanta ugu wayn ka gaystay isaga
iyo ciidamo uu horkacayo waxaana ay isla meel dhigayaan sidii
arintaan meel loo wada dhigi lahaa maadaama gudoomiyaha baarlamku ka
soo jeedo beesha digili mirifle.
Ka
hor inta oosan gudoomiyaha baarlamanka Somalia Shariif Xasan oo san
ka ambabaxin magaalada Baydhabo waxa uu kulamo la qaatyay
madaxwaynaha dawladda Soomaaliya iyada oo aan la shaacin wax yaabaha
rasmiga ah ee ay ka wada hadleen.
Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
Somali talk Nairobi Kenya 25/09/06
botaan1@hotmail.com
Warbixin
ku saabsan xaalada Magaalada Kismaayo..
W/D; Amiin Yuusuf
Khasaaro
E-Mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com
Waxaa shalay aroornimadii Magaalda
Kismaayo ee Gabolka Jubadda Hoose si rasmi ah gacanta u gashay ciidamo
ka socday Maxaakimta Islaamiga ah oo waayadan ku siisiqayay Magaaldaasi.
inta aysan galin Magaalada ayaa dadwaynaha ku nool Magaaladaasi waxa ay
dareemeen In ciidamada Maxaakimta ay soo galeen Magaalada isla markaana
Wasiirka Gaashaandhiga Barre Hiiraale uu ka cararay magaalada lamana
garanayo halka uu u dhaqaaqay Barre Hiiraale, balse warar ayaa waxa ay
sheegayaan in Barre uu xalay ku sugnaa deegaano ku dhow magaalda Afmadow
iyadoo labo gaari oo tikniko ah uu watay Barre Hiiraale uu kaga tagay
Tuulo lagu magacaabo BeerXaano waxaana soo jiitay ciidamada maxaakiimta
Islaamiga ah oo ku raad joogay ciidamada Barre Hiiraale.
Magaalada waxaa shalay ka dhacay banaanbax
looga soo horjeedo Maxaakimta Islaamiga ah waxayna dadkii ka qaybgalay
ay ku dhaawaaqayeen erayo oo ka mid ahaayeen “Doonimayno Maxaakimta ,deegaanadeena
waa nabad iyo erayo kale oo kuwaas la mid ah kadib ayaa waxaa dhacay
banaanbax isna lagu taageerayo maxaakimta Islaamiga ah waxaana hadalo
kooban halkaa ka jeediyay Sheekh Xasan Turki waxa uuna dadwaynaha u
sheegay in ay u diyaar garoobaan isbadel ka duwan kii hore oo ah
Shareecada Islaamka.
ciidamada maxaakimta Islaamiga ah marka ay
galeen xarumaha Dawladda ayaa waxaa la sheegey in ay halkaa ka dajiyeen
calankii Soomaaliya taas oo ay si aad ah uga caroodeen dadweynaha
deegaanka, ciidamada maxaakimta ayaa waxaa la sheegay in magaalada
Kismaayo ay ku soo rogeen bandow inta ay xaaladu iska badalayso iyadoo
bandowgaan uu ku soo beegmay xili ay dadka Soomaaliyeed ay ku jiraan
Bishii Barakaysnayd ee Ramadaanka oo iyadu dhaqdhaqaaqeeda ganacsi uu
yahay habeen.
Barre
Hiiraale oo Dowladda federaalka ka dalbadey Gurmad..
Wasiirka Gaashaandhiga ee dawladda
Fedaraalka Barre Aadan Shire ( Barre Hiiraale) oo habeen hore ka baxay
magaalada Kismaayo ayaa waxa uu dawlada Fedaraalka ka dalbaday gurmad
deg deg ah si uu u soo gaaro Magaalada Baydhabo.
Barre hiiraale oo haatan ku sugan meel ku
dhow Magaalada Afmadow ayaa waxaa la sheegay in dhowr jeer ay soo
weerareen dadyowga Deegaanka. Waxaana la sheegay in Dawlada Federaalka
ay u diiday in ay siiso wax gurmad ah kadib markii ay dowladu ay
sheegtay in aysan hayn meel ay u mariso ciidan, waxaa kaloo la sheegay
in Barre Hiiraale uu gurmad u dalbaday Gobolka Gedo si ay Barre u soo
galbiyaan soona gaarsiiyaan Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.
Waxaa la sheegay in ciidamo ka baxay
magaalada Baardheere oo watay 10-gaari oo Tikniko ah balse lama garanayo
halka ay marayaan gurmadkaasi maadaama ay ciidamadu Maxaakiimta ay isku
balaariyeen Gobolada Jubooyinka.
Dowladda
Federaalka oo sheegtay in in uu burburey heshiiskii..
Dowladda Fedaraalka ayaa waxa ay ku dhawaaqday in gabi-ahaanba uu
burburey shirkii khartuum ee dalka Suudaan oo ay wada gaareen
Maxaakiimta iyo Dowladda fedaraalka.
Kulan shalay ay isugu yimaadeen Golaha
Wasiirrada uuna shir gudoominayey ku-simaha Ra’iisul wasaaraha Xuseen
Max’ed Caydiid waxayna Dowladda burburka shirka ku eedeesay Maxaakiimta
islaamiga ah ka dib markii ay shalay qabsadeen Magaalada Kismaayo taasoo
ay sheegeen inay ka hor imaaneyso qodob ka mid ah qodobadii lagu
heshiiyey oo ah in ay la hurin wax colaad ah. Dowladda waxay ugu baaqay
beesha caalmka inay il gaar ah ku eegeen waxa ka dhacaaya Magaalada
Kismaayo.
Cali
Max’ed Geeddi oo sheegay in kooxaha argagaxiso ay qabsadeen..
Cali Max’ed Geedi oo ah Ra’iisul Wasaaraha
Soomaaliya oo haatan ku sugan Dalka Kenya ayaa shalay halkaas ku qabtay
shir jaraa’id oo uu kaga hadlay qabsashadii ay Maxaakiimta qabsadeen
Magaalada Kismaayo wuxuuna ku tilmaamay Al-qaacida oo isku balaarinaysa
Soomaaliya.
Ra’iisul wasaaraha ayaa u soo jeediyey
beesha caalmka in si wada jir ah looga hortago waxa uu ugu yeeray
Kooxaha Argagixisada isagoo sheegay in haddii aan laga hortagin
kooxahaasi ay dhibaato u keeni doonaan geeska, afrika, yurub, iyo
dhamaan beesha caalamka.
Ra’isul Wasaare Geedi, waxa uu sheegay in
haddii Dowladda Federaalka aan lala soo gaarin ciidamo deg deg ah ay
xarunteeda ku soo fool yeelan karaan ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah
oo uu sheegay inay doonayaan in ay gebi ahaanba qabsadaan Soomaaliya.
Ra’isul Wasaaraha ayaa shalay kulan la
yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Kenya, waxa uuna ka dhaadhiciyey
in Dowladda Federaalka ay si aad ah ugu baahan tahay ciidamo suga
ammaankeeda, haddii kale waxa uu sheegay inay imaan karaan weeraro kaga
yimaada Maxaakiimta.
Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay
deegaano ka..
Wararka naga soo gaaraya Gobalka Bay waxay
sheegayaan in maalintii shalay ahayd ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u
hubeysan ay ka soo gudbeen xuduuda Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan
dhinaca Deegaanka Ceel-Barde.
Qaar ka mid ah Ciidamadaasi ayaa shalay
soo gaaray, waxayna degeen halka lagu Magacaabo Boonkaay, iyadoo shalay
Magaalada baydhabo laga dareemayey imaanshaha Ciidamadasi, hase yeeshee
ku simaha Ra’isul Wasaaraha Xuseen Caydiid ayaa beeniyey imaanshaha
ciidamada Itoobiya, kuna tilmaamay war aan sal iyo raad toona lahey,
hase yeeshee mas’uul u hadlay Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa sheegay in
ciidamo Itoobiyaan ah oo wata 50 gaari oo Tikniko ah ay soo galeen
Magaalada Baydhabo hase yeeshee wararkasi wax xaqiijinayaa ma jiraan,
iyadoo imaanshaha Ciidamadani ay ku soo beegan tahay xili Ciidamada
Maxaakiimta Islaamiga ah ay shalay gacanta ku
dhigeen Caasimadda Saddexaad ee Soomaaliya ee Kismaayo
W/D; Amiin Yuusuf
Khasaaro
E-Mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com
Ururka wershedlayda
soomaaliyeed oo looga dhawaaqay magaalada muqdisho
Xaflad lagu maamuusayey ku dhawaaqista ururka wershedlayda soomaaliyeed
,oo ay kasoo qayb galeen masuuliiynta golaha shuurada,gudiga fulinta
maxaakiimta ,ganacsato iyo marti sharaf kale ayaa ka dhacday hotel
ex-daamey ee xaafada geedjaceyl dagmada wardhiigley.

janaqow

guddoomiyaha ururuka bashiir |
Xafladaan ayaa waxaa
ugu horayntiiba hadal kooban ka soo jeediyey gudoomiyaha ururkaan
wershedlayda soomaaliyeed ,Bashiir Maxamed Caraaye oo ah masuulka ugu
sareeya wersheda cabitaanka ee Coca-Cola ee ka jirta magaalada muqdisho
,waxuuna ka hadlay sidii loo horumarin lahaa wax soo saarka ,loona
dhiiri gelin lahaa ganacsatada yaryar ee wax soo saarka dalka u taagan .
Sidoo kale waxuu kaloo masuulku ka hadlay dadaalka ay usoo mareen
ururkan iyo inta wershadood ee ku bahoobay ururkaan oo uu sheegay inay
yihiin 48 wershadood in ka badan ,waxaana loo aasaasay ururkaan sidii
loo kobcin lahaa waxsoo saarka umada dalkana looga dhigi,lahaa dalk leh
wax soo saar iyo hour mar.
Sidoo kale waxaa isna hadalo ay ku dheehan yihiin wacyi gelin gudoomiye
ku xigeenka golaha fulinta maxaakiimta sh,c/raxmaan maxamuud faarax
(janaqow) oo sheegay in mar hore loo baahnaa laakiin ay suurto gelin
wayday arimahan iyo xadaaradan, nabad la,aanta marka hadii ay dadku
helaan nabad waxaa loo baahan yahay inay ku fekeraan sidii dadka iyo
dalka loo gaadhsiin lahaa waxtar .
Si kastaba ha ahaatee xafladaan ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin
ka socday golayaasha maxaakiimta oo dhamaantood isku wada raacay in
dadka iyo dalkuba u baahan yahay waxtar iyo horumar dhanka ganacsiga ah
oo weliba ku wajahan geed midhoodka in la wershadeeyo .
Muuse maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
muqdisho Somalia
002521576666/
002521653623
Faafin: Sept 26, 2006
Ma ahan wax dunida ku cusub hadalada
foosha xun ee ay had iyo goor Ayaan Xirsi la soo shirto ee ka dhanka
ah Islaamka iyo dadkiisa balse waxaa la oran karaa waa kuwo ay ku
dooneyso iney ku jiidato wax ma garatada naceybka darran u haya
diinta Islaamka. Haweeneydan ayaa timid...
AKHRI....
Wararkii Sept 25, 2006
Sheekh Xasan Turki oo maanta meel fagaare ah kala hadlay kumanaan dad ah oo isugu soob baxay fagaaraha beerta xorriyadda ee magaalada Kismaayo
Iyadoo saakay waabarigii hore ay gacan ku haynta magaalada Kismaayo la wareegeen maleeshiyooyinka maxkamadaha magaalada dekedda leh ee Kismaayo ayaa waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo ku aaddan arrintaasi iyo sida ay haatan xaaladdu tahay.
Wararkii ugu dambeeyay ee magaalada Kismaayo ka imaanaya ayaa sheegaya in magaalada Kismaayo iyo hareeraheedaba ay haatan gacanta ku hayaan boqollaal maleeshiyooyin ah oo Muqdisho ka ambabaxay, kuwaasoo isugu jira kuwo laga uruuriyay degmooyinka Gobolka Banaadir iyadoo degmo kasta ugu yaraan laga qaaday 150 ruux, isla markaana ay ku hubeysan yihiin boqollaal gawaarida dagaalka ayaa maanta tobankii barqanimo waxay dadweyne kor u dhaafaya kumanaan ruux oo ku noolaa magaalada Kismaayo isugu soo baxeen fagaaraha weyn ee xorriyadda, halkaasoo uu khudbad dheer uga jeediyay madaxa maxkamadaha u qaabilsan gobollada Jubbooyinka wadaadka lagu magacaabo Sheekh Xasna Turki oo isagu hormuud ka ah maleeshiyooyinkan gacanta ku dhigay gobolka jubbada hoose magaaladiisa Kismaayo, balse markii hore sheegay inuu ku sii jeedo ama uu tagayo deegaankii uu horay u degganaa ee Dhoobley.
Sheekh Xasan Turki oo hadlayay ayaa yiri 'Waxaan Kismaayo u nimid aniga iyo shabaabkeyga oo isku duuban inaan diinta islaamka kor u dhigno mana nihin qabiil doonaya inuu wax boobo ama wax dilo, waxaan wadnaa kitaabk Ilaahay sidii aanu kor ugu dhigi laheyn, uguna difaaci laheyn cadowga" ayuu yiri Sheekh Xasan Turki oo mar kale ku celiyay inaanu marnaba qabiil aheyn, haddii aan qabiil nahayna Xamar kama dagaallameen, Balcad kama dagaallameen, Jowhar kama dagaallameen, Ceelbuurna kama dagaallameen ee waxaan oran lahaa qabiil baan ahay, waxana ku ekaan lahaa deegaanka aan ku noolahay.
Sheekh Xasan Turki ayaa sidoo kale u sheegay dadweynihii isugu soo baxay in imaanshahooda uu la xiriiro cadowga ku soo wajahan dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay inaysan cidna duulaan ku aheyn oo ay diinta kor u dhigayaan.
Sheekh Xasan Turki intii uu ku gudo jiray qudbadihii uu halkaasi ka soo jeedinayay ayaa sidoo kale waxaa halkaasi ka dhacay bannanbax ka dhan imaanshahooda magaalada Kismaayo, kaasoo ka dhashay kaddib markii la jeex-jeexay calankii Jamhuuriyadda ee ka babanayay la dejiyay, lana jeex-jeexay laguna beddelay calan madow oo ay dhex uga qoran tahay magaca Ilaahay, waxaana uu banaanbaxaasi isku bedelay mid rabshado wata isla markaana dadkii banaanbaxayay ay gubayeen taayarro, dhagxaana cirka u tuurayeen, waxaana halkaasi ka dhacay in maleeshiyada maxkamadaha ay xabbado nool nool kor u ridaan qaarna hoos u dhigeen taasoo keentay inuu dad ku dhaawacmo.
Banaanbaxan rabshadaha watay ayaa wax weyn ka beddelay ammaankii magaalada, waxaana soo baxaya in dadku haatan ay aad u kacsan yihiin, ciidamada maxkamaduhuna ay jidadka ku gooyeen gawaarida dagaalka.
Dhinaca kale wasiirkii difaaca ee dowladda Federalka ayaa lagu warramayaa inuu haatan ku sii jeedo magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo isaga iyo maleeshiyadii uu watay, waxaana ay haatan xaaladdu u muuqataa mid aad u kacsan.
Dhinaca kale bannaanbaxyo lagu taageerayay tagista maxkamadaha ee gobollada Jubbooyinka ayaa ka dhacay degmooyin ka tirsan gobollada Jubbooyinka sida deegaanka Afmadow iyo degmooyin kale, taasoo lagu soo dhoweynayo imaanshaha maxkamadaha.
Ciidamo Itoobiyaan ah oo maanta soo gaaray magaalada Baydhabo
Ciidamo fara badan oo ka socda dowladda Itoobiya ayaa lagu warramayaa inay maanta soo gaareen magaalada Baydhabo oo xarun u ah dowladda Federalka.
Ciidamada Itoobiyaanka ah ee soo gaaray magaalada Baydhabo qaarkoodna ay haatan ku soo fool leeyihiin ayaa lagu warramayaa inay wataan boqollaal gaadiidka dagaalka a, waxaana la sheegayaa inay haatan qeybtii ugu horreysay ay soo gaartay magaalada Baydhabo xilli ay maxkamaduhuna la waregeen gobollada Jubbooyinka.
Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ciidamadan ka socda dowladda Itoobiya ay ujeedadoodu tahay inay taageeraan dowladda Federalka isla markaana ay ka difaacaan inay ku soo duulaan ciidamada maxkamadaha xilli ay soo dhowdahay xilligii ciidamada IGADSOM ay iman lahaayeen dalka Soomaaliya.
Muuse maxamuud jiisow
musejisow@hotmail.com
muqdisho somaliya
002521576666/
002521653623
"Maxkamadaha Islaamiga oo La Wareegey
Magaalada Kismaayo" AP
"Maxkamadaha Islaamiga oo isu
diyaariyey in ay la wareegaan Kismaayo kaddib markii uu ka cararay
qabqablihii dagaalka ee magaaladaas xakumey" Reuters
"Shacabka Reer Kismaayo oo Maxkamadaha soo
dhoweynaya Isniinta" Seeraar
Mudaharaad Looga soo horjeedo Maxkamadaha oo
ka dhacay Kismaayo

Magaalada Kismaayo |
Wararka ugu dambeeyey ee ka soo baxaya
magaalada dekedda ah ee Kismaayo waxa ay tibaaxeen in gelinkii dambe ee
Axadii Sept 24 ay Maxkamadaha Islaamigu la wareegeen magaalada Kismaayo
ayadoo aan dagaal ka dhicin, kaddib markii uu magaalada iskaga baxay
Col. Barre Hiiraale, waxaana wararku sheegeen in uu u baxay dhanka
Beerxaani oo Kismaayo Koonfur-galbeed ka xigta 40 km. Warar kale ayaa
sheegay in Barre Hiiraale uu gaarey magaalada Baardheere oo 260 km u
jirta magaalada Jilib.
Wararka ka soo baxaya Kismaayo ayaa
sheegay in waaberigii Isniinta ay si sahal ah magaalada Kismaayo u
galeen maxkamadaha Islaamigu ayadoo aan wax rasaas ah ka dhicin
magaalada, sidaasna ay nabad ugula wareegeen magaalada dekeda ah ee
Kismaayo.
Wararka kale ee ka imanaya Kismaayo
ayaa sheegay in Isniintii uu halkaas ka dhacay mudaharaad looga soo
horjeedo maxkamadaha, halkaasna ay Maxaakiimtu rasaas rideen si dadkaas
ku mudaharaadayey wadooyinka loo kala cayriyo.
Wararkii Xalay:::
Hay'adda wararka ee AP oo arrintaas ka
warbixineysey waxa ay tiri: Boqolaal gawaarida hubaysan ee Maxkamamada
ayaa galay magaalada Dekeda ah ee Kismaayo, halkaasna kula wareegey si
nabad ah. Waxana ay hay'adu intaas ku dartay "arrintaas waxa ay dhabar
jab ku tahay dowladda aan itaalka lahayn, waxaana magaalada iskaga
cararay wasiirkii gaashaanka ee dowladda Col. Barre Hiiraale, ahaana
hoggaamiyaha isbahaysiga dooxada Jubba", waa sida wark AP u dhigay'e.
Dhanka hay'adda wararka ee Reuters waxa
ay werisey in Yuusuf Mire Seeraar oo ahaa kuxigeenka Barre Hiiraale uu
xaqiijiyey in Col. Barre Hiiraale uu iskaga tegey Kismaayo, waxan auu
yiri "Anigu waxaan rabey in aan la hadlo Maxkamadaha, laakiin isagu ma
rabin, waxana uu wafti u dirsaday Itoobiya". Waxa kale uu Seeraar yiri "Isniinta
Sept 25 ayaa shacabka reer Kismaayo waxa ay soo dhoweyn
doonaan maxkamadaha", waxana uu intaas ku daray in ciidamada maxkamaduhu
ay joogaan meel Kismaayo u jirta 100km. Warar taas ka dambeeyey oo ay
daabacday Reuters ayaa sheegay in Kismaayo ay gacanta u gashay
maxkamadaha Islaamiga ayadoo aan hal xabo la ridin (wax rasaas ah la
ridin).
Waxaana wararku tibaaxeen in magaaladu
ay degenayn. (Wararkii Fiidnimadii Axada ee Xaalada Kismaayo hoos ka
akhri).
Tixraac: AP:
Somalia's Islamists seize seaport.
Reuters:
Islamists poised to take Somalia's third city |
Islamists take over Somalia's third city: source
Wararkii Fiidkii: Sept 24: Xaaladda
Magaalada Kismaayo
W/D; Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com
Sep 24, 2006 9:46 PM (Saacada Bariga
Afrika)
Iyadoo ciidamo ka socda Golaha
Maxaakiimta ay kaabiga u saaran yihiin Magaalada Kismaayo ayaa haddana
wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo waxay sheegayaan in
ciidamadii Isbahaysiga Dooxadda Jubba ee uu madaxda u ahaa Barre
Hiiraale ee ku sugnaa garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo ayaa waxaa
la sheegay in gebi ahaanba ay halkaasi isaga huleeleen, ilaa iyo haddana
lama garanayo halka ay u dhaqaaqeen ciidamadaasi, waxaana ka soo baxaya
warar kala duwan qaar waxay, in Ciidamadii uu watay Barre Hiiraale ay u
dhaqaaqeen dhinacaa iyo Gobalka Gedo. Warar kale ayaa waxay sheegayaan
in Barre uu u dhaqaaqay Magaalada Baydhabo.
Waxaa muuqata in Maxaakiimta Islaamiga
ah ay gacanta ku dhigayaan magaalada Kismaayo iyadoo uusan dagaal ka
dhicin, taas oo faa’iido weyn ugu jirto bulshada ku dhaqan magaalada
Kismaayo.
Warar ayaa waxay sheegayaan in Barre
iyo ciidamadiisiiba ay u tageen ciidamo kale oo iyana ka yimid Gobalka
Gedo kuwaas oo doonaya in ay gacan siiyaan Barre Hiiraale. Warar kale
ayaa waxay sheegayaan in Barre Hiiraale ay soo gaareen ciidamo ka socda
Dowladda Federaalka oo ka soo dhaqaaqay magaalada Baydhabo.
Magaalada Kismaayo ayaa waxaa la
sheegay in si weyn loogu diyaar garoobay ciidamada Maxaakiimta islaamiga
ah oo uu horkacayo Sheekh Xasan Turki, waxayna u sheegeen dadweynaha in
Bulshada ku dhaqan Gobalada Jubbooyinka shareecadda Islaamka oo aysan u
socon hanti, dhaqaale iyo dhul.
Magaalada Kismaayo oo ah meel
istaraatiiji ah ayaa haddii ay qabsadaan maxaakiimta islaamiga ah u
noqoneysaa guul weyn oo u soo hoyatay. Dhinaca kale Yuusuf Mire Seeraar
oo ah gudoomiye ku xigeenka Isbahaysiga Dooxda Jubba ayaa waxa uu
sheegay in uu burburay isbahaysigaasi.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, ahna
Raysul Wasaare ku xigeenka DFKMG ee Soomaaliya Xuseen Caydiid “Maamulka Gal-mudug
iyo kan kale ee lagu hawlan yahay Jubba Land waa mid fowdo ah” waraysi ...
AKHRI...
- Sheekh Shariif oo dalka Qadar
kulan ku la yeeshey Madax …
- Maalinta beri ah oo ay Qaramada
Midoobey ka hadleysa Cunaqabateynta..
Sheekh Shariif oo dalka Qadar kulan ku
la yeeshey Madax …
Guddoomiyaha Golaha Maxaakiimta oo haatan ku sugan Dalka Qadar ayaa waxa
uu halkaasi kulan kula yeeshay mas’uuliyiin ka socotay wadamada
Khaliijka waxa uuna uga warbixiyey xaaladda soomaaliya oo uu sheegay in
ay haatan tahay meel aad u xasiloon wadamada Khaliijkana looga baahan
yahay in ay gacan siiyaan is bedelka cusub ee ka dhacay Soomaaliya.
Sidoo kale mas’uuliyiintaasi waxa uu ka dalbaday in deg deg loo qaado
xayiraadii xoolaha Soomaaliya, waxaana la sheegay in wadamadaasi si weyn
aqbaleen dhawaana xayiraada dhanka xoolaha ah ee soomaaliya saaran ka
qaadi doonaan, sidoo kale Guddoomiyaha Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa
waxa uu wadaa hawlo uu beesha caalamka kaga dhaadhicinayo in Soomaaliya
aysan joojin kooxo aragagixiso ah, isagoo sheegay in is bedelka ku yimid
Soomaaliya uu yaha mid ku yimi rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.
Sheekh Shariif oo wadamo badan martiqaad ka helay ayaa la filayaa in uu
dhawaan gaaro dalka Sucuudi Carabiya, kaddibna waxa uu uga sii gudbi
doonaa dalka Kuweyt iyo waliba wadanka Masar oo ay ku taalo xarunta
Jaamacadda Carabta.
Maalinta beri ah oo ay Qaramada
Midoobey ka hadleysa Cunaqabateynta..
Maalinta beri ah ayaa la filayaa in kulan isugu yimaado golaha Ammaanka
ee Qaramada Midoobey waxaana kulankaasi looga arrinsan doonaa arrimo la
xiriira xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan sidii Soomaliya looga qaadi
lahaa cunaqabateynta hubka.
Wadamada ku jir Golaha Ammaanka ayaa si weyn ugu kala qaybsan in
Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka, iyadoo qaar ka mid ah
Wadamada IGAD ay sheegeen in waqtigaan ay haboon tahay in Soomaaliya
laga qaado cunaqabateynta hubka si ay u fudaadaato in Soomaaliya la
keeno ciidamo nabad ilaaliln ah.
Ururka Midowga Afrika ayaa dhawaan waxa uu Qaramada Midoobey ka dalbaday
in ay si dhaqsi leh cunaqabateynta hubka uga qaadaan Soomaaliya, hase
yeeshee golaha Maxaakiimta ayaa waxay qaramada Midoobey ka codsadeen in
aan soomaaliya laga qaadin cunqabateynta hubka.
Keenista ciidamo shisheeye ee Soomaaliya ayaa waxaa si weyn uga soo
horjeeda Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah oo sheegay inay goob kasta kula
dagaali doonaan ciidamadaasi haddi ay soo galaan Soomaaliya.
Dowladda KMG ah oo ka walwalsan
arrimaha ka taagan..
Dowladda Federaalka gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha ayaa
waxa ay si aad ah uga walwalsan yihiin in haddii Maxaakiimtu ay
qabsadaan magaalada Kismaayo ay keeni karto in ciidamada Maxaakiimta ay
u soo dhaqaaqaan dhinacaa iyo Magaalada Baydhabo.
Dowladda Federaalka ayaa waxa ay sheegtay in haddii ay Maxaakiimtu
qabsadaan Kismaayo uu burbur weyn ku imaan doono shirkii Khartuum ee u
dhexeeyay Maxaakiimta iyo Dowladda Federaalka. Ra’isul Wasaare Geeddi oo
ku sugan Magaalada Nayroobi ayaa waxa uu ka codsaday beesha caalamka in
ay Soomaaliya u soo diraan ciidamo nabad ilaalineed si ay gacan u
siiyaan Dowladda Federaalka, isagoo sheegay in haddii aan ciidamadasi la
helin ay si fudud Maxaakiimtu ku imaan karaan Magaalada Bayaydhabo.
Ra’isul Wasaaraha ayaa waxaa la sheegay in uu kulan la yeeshay
mas’uuliyiin ka socotay Dowladda Mareykanka waxa uu soo jeediyay in laga
hortago is balaarinta Maxaakiimta.
Wararkii shalay hore ee xaalada
Kismaayo hoos ka akhri:::
Wararkii Subaxnimadii Axada:::
- Iska hor imaad ka dhacay meel
Kismaayo u jirta 40km
- Maxkamadaha Islaamiga oo la
wareegey Magaalada Jilib
- Dowladda
Federaalka oo sheegtay haddii..
- Warar ku
saabsan Xaaladda Magaalada Kismaayo..
- Korneel
Fartaag “Maxaakiimta Kismaayo..”
Ciidamo sahan ah oo
ka kala tirsan..
Wararka
naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo, waxay sheegayaan in ciidamo sahan
ah oo ka kala tirsan Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Isbahaysiga
dooxda Jubba ay isaga hor yimaadeen meel 40km u jirta Magaalada
Kismaayo, waxaana la sheegay in ciidankaasi markii ay is arkeen ay isku
rideen rasaas socotay mudo toban daqiiqo ah, waxaana lagu waramay in
ciidankii maxaakiimta ay dib u soo gurteen.
Deegaanada ku xeeran
magaalada Kismaayo ayaa lagu waramay in ay noqdeen goobo ay buux
dhaafiyeen Tikniko iyo ciidamo ay kala leeyihiin Maxaakiimta iyo
ciidanka dooxadda Jubba.
Labada dhinac ayaa
waxaa u imaanaya gurmadyo aad u xoogan, iyadoo ciidamo ka tagay gobalka
Gedo ay xalay gaareen agagaarka Kismaayo, sidoo kale ciidankii
Maxaakiimta islaamiga ah ee ku sugnaa Barwawe ayaa iyana u dhaqaaqay
Kismaayo kuwaas oo doonaya inay xoojiyaan ciidanka Maxaakiimta Islaamiga
ah.
Xaaladda Magaalada
Kismaayo ayaa aad u kacsan iyadoo dadweynaha Deegaanka ay ka cabsanayaan
in korkooda lagu dagaalamo, wuxuuna haatan dagaalku u muuqdaa mid ka
dhici kara duleedka magaalada Kismaayo, iyadoo Isbahaysiga Dooxada Jubba
ciidankiisii iyo Tiknikadiisii ay ka baxeen magaalada ayna isu
uruursanayaan garoonka Diyaaradaha, ma jiraan wax dhex dhexaadin ka dhex
wada labada dhinac, hase yeeshee waxaa soo gaaraya baaqyo fara badan.
[warbixino dheeraad ah hoos ka akhri]
Maxkamadaha Islaamiga oo la wareegey
Magaalada Jilib
Axad: Sept 24: Wararka ka imanaya
gobolka Jubbada
Dhexe waxa ay sheegayaan in maxkamadaha Islaamigu ay Subaxnimadii
Axada si rasmi ah ula wareegeen magaalada Jilib oo
114km u jirta magaalada
Kismaayo. Warkaas waxaa xaqiijiyey dad goobjoogayaal ah oo ku sugan
aagga gobolka Jubbada Hoose. Wararku ma sheegin wax dagaal ah oo halkaas
ka dhacay. Waxaana la tibaaxay in ay maxkamaduhu ku siqeen dhanka
magaalada Kismaayo.
Dhinaca kale Wasiirka Gaashaandhiga
DFKMG, madaxna u ah isbahaysiga Dooxada Jubba, Barre Aadan Shire (Barre
Hiiraale) ayaa la sheegay in uu bar difaac ka samaysay garoonka
diyaaradaha oo ku yaal dhanka koonfureed ee duleedka magaalada Kismaayo.
(Fogaanta u dhexeysa
Magaalooyinka Soomaaliya).
Dowladda Federaalka oo sheegtay haddii..
Dowladda Federaalka ayaa walwal iyo walbahaar ka muujisay
weerarka lala damacsan yahay in lagu qaado Magaalada Kismaayo, waxayna
dowladdu ku tilmaantay in uu weerarkasi burburin karo heshiiskii ka
dhacay Khartuum ee u dhexeeyay Maxaakiimta iyo Dowladda Federaalka,
waayo ayay yiraahdeen qodob ka mid ah ayaa oronaya in aan wax dagaal ah
la sameyn Karin.
Dowladda Federalka waxay
uga digtay Maxaakiimta in haddii ay Weerar ku qaadaan Kismaayo ay keeni
karto in ay sii kororto dhibaatada Soomaaliya, waxayna dalbadeen in
Maxaakiimtu ay dib ugu laabtaan goobihii ay ka yimaadeen.
Warar ku saabsan
Xaaladda Magaalada..

Magaalada Kismaayo
|
Wararka naga soo
gaaraya Magaalada Kismaayo ee Gobalka J/hoose waxay sheegayaan in
xaaladda deegaankaasi ay aad u cakiran tahay kaddib markii ciidamo ka
socda Maxaakiimta islaamiga ah iyo kuwo ka socda Isbahaysiga Dooxda
Jubba ay kaabiga isu saaran yihiin, kuwaas oo doonaya sidii midba midka
kale ula wareegi lahaa gacan ku haynta Magaalada Kismaayo.
Ciidamada
Maxaakiimta islaamiga ah ayaa xalay waxay gaareen Magaalada Jilib,
maanta waxaa la filayaa in ay halkaasi ka furaan Maxkamad Islaami ah,
iyagoo halkasi kala kulmay soo dhweyn aad u balaaran.
Qaar ka mid ah Ciidamada
maxaakiimta Islaamiga ah ayaa u dhaqaaqay dhinacaa iyo magaalada
Kismaayo, iyadoo ciidamadii ka socday isbahaysiga dooxadda Jubba ay isku
aruursanayaan meel duleed ka ah garoonka Diyaaradaha ee Magaalada
Kismaayo.
Ciidamada
Isbahaysiga ayaa waxaa la sheegay inay soo gaarayaan gurmadyo kaga
imaanaya magaalooyinka Baydhabo iyo Gedo.
Waxaa shalay
magaalada Kismaayo garoonkeeda diyaaradaha ka soo degay diyaarad siday
hub oo aan la garaneyn halka ay ka timid, balse dadka deegaanka ayaa
waxay sheegeen in ay diyaaraddaasi ka timid dalka Itoobiya, balse wax
xaqiiq ah ilaa iyo hadda lama hayo, halka ay warar sheegayaan in
diyaaraddaasi ka timid Magaalada Baydhabo.
Dad fara badan ayaa
ka qaxayey magaalada Kismaayo, iyagoo u cararayey dhankaa iyo Dhoobley
iyagoo doonaya inay ka gudbaan xuduuda Kenya iyo Soomaliya.
Ganacsatada
Magaalada Kismaayo ayaa la sheegay inay baqaaradoodii xirteen, iyadoo ka
cabsi qaba dagaal ka dhaca Gudaha magaalada Kismaayo.
Garoonka magaalada Kismaayo
 |
Korneel Fartaag
“Maxaakiimta Kismaayo..”
Korneel C/llaahi
Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo ah Taliyaha Ciidamada Isbahaysiga Dooxda
Jubba ayaa waxa uu sheegay in Maxaakiimtu aysan marnaba Kismaayo kala
kulmi doonin Ceelo Qoyan iyo soo dhaweyn.
Korneel Fartaag waxa
uu sheegay in Ciidamada Dooxda Jubba ay is difaaci doonaan, isla
markaana khasaaro u geysan doonaan Maxaakiimta Islaamiga ah.
Korneel Fartaag waxa
uu u soo jeediyay ciidamada Maxaakiimta in ay dib ugu laabtaan goobihii
ay ka soo duuleen, isagoo sheegay in Magaalada Kismaayo ay tahay magaalo
nabadoon oo leh maamul iyo kala dambeyn. Xasan Qalaad oo ka mid ah
saraakiisah Dooxda Jubba ayaa waxa uu isna sheegay in xaaladda Kismaayo
lagu dhameyn karo wada hadal iyo is afgarad.
W/D; Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com
WARARKA KALE EE MAANTA:::
- Sheekh Shariif oo
Hawlo Diblamaasiyeed ka wada..
- Saraakiil ka tirsan CIA-da oo maanta
soo gaaraya..
- Maxaakiimta
Islaamiga ah oo sheegay in..
- Sheekh Aadan Madoobe
Mas’uuliyiin sarsre..
- Xisbiga RPP oo Madaxweynaha
DGPL iyo Kuxigeenkiisa ugu Baaqay in uu Is-casilaan
- BOOSAASO :76 dhalin yaro ah oo maamulka puntland uu dib ugu celiyay koonfurta
Soomaaliya.
- Wararka oo dhan akhri.....