SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
March 14, 125
  • Xuseen Caydiid “Maamulka Gal-mudug iyo kan kale ee lagu hawlan yahay Jubba Land waa mid fowdo ah”
  • Bashiir M. Caraaye ”warshadaan Coca-Cola waxaa saamiley ka ah 399..
  • Xukuumada Vanezuela oo ku eedaysay maraykanka in uu xanibay wasiirkeeda arimaha dibeda...

Wasiirka Arrimaha Gudaha, ahna Raysul Wasaare ku xigeenka DFKMG ee Soomaaliya Xuseen Caydiid “Maamulka Gal-mudug iyo kan kale ee lagu hawlan yahay Jubba Land waa mid fowdo ah” waraysi 

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka DFKMG ahna Wasiirka Arimaha Gudaha Xuseen Maxamed Faarax Caydiid oo aan waraysi kooban kula yeeshay, Xafiiska Ra’iisul Wasaare Prof; Cali Maxamed Geedi, isagoo ah kusimaha Raysul Wasaaraha, waxna ka weydiiyey sida uu u arko Maamul Goboleedka Gal-Mudug ee dhowaan lagu dhawaaqay, dhismaha Maamul Goboleedka Jubba Land iyo sababta Rabdhuure loo aqoonsaday Degmo KMG, ayaa isagoo arimahaasi ka hadlaaya waxaa uu yiri:

"Maamulka Gal-mudug iyo kan kale ee lagu hawlan yahay Jubba Land waa mid fowdo ah, waxayna ku xadgudbeen sharciyadii iyo Dastuurkii DFKMG, xiligaanina ma aha xili fowdo oo waa laga gudbay, arintaasina DFKMG waxay ka qaadi doontaa tilaabo ku haboon oo maamul loogu sameynayo Gobolada iyo Degmooyinka dalka, inta laga gaarayo qofkii isku daya  dhisme maamul wixii ka yimaada dhibaatadeeda iyagaa qaadaya”. 

Mar uu ka hadlaayey arimaha Gobolka Bakool oo dhowaan ay isku haysteen dadka deegaanka maamul u sameyntiisa ayaa wuxuu yiri “maadaama mudo 29-Sano ay martigelisay Rabdhuure, Degmonimadii Yeed, islamarkaana ilaa iyo hada aysan burburin, lana doonayo sidii loo dhisilahaa Gobolada iyo degmooyinka dalka waxaa loo aqoonsaday inta maamulada Gobolada iyo Degmooyinka sharciyadooda la waafajinayo  ay Rabdhuure sii ahaato Degmada lixaad ee Gobolka Bakool, sababtoo ah markii dagaalada ay u dhexeeyeen Dowlada Soomaaliya iyo Ethobia ayaa waxaa loo soo raray shacabkii iyo Maamulkii Degmada Yeed, Rabdhuure. 

Sidoo kale mar uu ka hadlaayey qoraal uu isagu kaga hadlaayey munaasabada dhalashada bisha ramadaan, waajibnimadeeda, kheyraadka ku jira, xiligii Soomaaliya ay soo gaartay diinta Islaamka iyo Diinteenu waxa ay tahay oo uu ku sheegay in diinta Islaamku aysan ogoleyn in xoog xukunka lagu raadiyo oo aan wax ka weydiiyey in maamulka hada jira ee DFKMG ee hada dhisan isagu laf ahaantiisa in xoog lagu soo dhisay iyo in kale ayaa wuxuu yiri “27 Oktobar Sanadkii 2002 ayaa dhamaan Ururadii iyo Maamuladii hore u jiray laysku af-gartay in Hubka layska dhigo, lana sameeyo sharci iyo nidaam laysku raacsan yahay, taasina waxaa ka soo baxay DFKMG ee hada jirta, marka laguma soo dhisin wax xoog ah, marka qolyaha hada ku hawlan duulaanka  iyo kuwa dhahaya maamul baanu sameynaynaa hawlahaasi waxaa iska leh Dowlada. 

Raysul wasaare kuxigeenku wuxuu ugu baaqay inay ka waatoobaan dadka ku hawlan arimahaasi, isla markaana ay u soo jeestaan sidii nabada loo hormarin lahaa iyo dhismaha dalka guud ahaantiisa. 

W/waraystay Maxamed macallin Cismaan{Allman}
EMail:
fatxumaalik@hotmail.com
Somalitalk Baydhabo.


Bashiir Maxamed Caraaye ”warshadaan Coca-Cola waxaa saamiley ka ah 399 qof oo qofkasta ugu yar uu bixiyey $ 3000 doolarka mareykanka ah 

 

Waxaa inoo suurta galashay in aan wareysi dhinacyo kale duwan ah la yeelano gudoomiyahay warshada Coca-Cola bashiir maxamed caraaye waxaana wareysigii u dhacay sidatan

 

Su:aal .waxaad faahfaahin nagala siisaa waxqabadka warshada coca_cola tan iyo intii ay jirtey

Jawaab: warshada Coca-Cola waa warshad laga aasaasay wadanka somaliya gaar ahaan magaalada muqdisho waxeyna warshadaani tahay warshad weyn oo soo saarta sharaabka Coca-Cola ,fanta  iyo spray looguna talagalay in ay somaliya oo dhan ay wax gaasiiso goboladana hada ayaan wadnaa sidii aan u gaarsiin laheyn

 

Su:aal: muxuu yahay qorshihiina wax qabad e waqtiyada nagu soo fool leh

 

Jawaab : qorshaheena waxqabad oo aan ku mashquulsan nahay waxaa weeye sidii aan dalka somaliya goboladiisa u gaarsiin laheyn goboladiisa waana ku qasban nahay mar ahdii nabad la helay in aan habaqtirno wadanka oo dhan

 

Su:aal wax isbedel ah ma ku sameyseen qiimaha cabitaanka sadaxda sharaab ee ay soo saarto warshada Coca-Cola  

 

Su:aal : run ahaantii waxaan bixinaa cabitaan qiimihiisu jaban yahay waxaana qofka ugu danbeeya uu ku cabayaa 3000 sh:som, wallow aan aad u raqiisinay mudoyinkiila soo dhaafay cabitaanka coca colada oo aan ka dhigney 2000 sh: som , si ay dadku ula qabsdaan lakiin ahda sadax kun sh: som :bey dadku ku cabaan waana qiimo aad u jaban marka caalamka loo eego waxaana shaqo u abuurnay howadeeno farabadan ,

 

Su:aal: gudoomiye halkii maalin imisa tan ayey warshadu soo saartaa

 

Jawaab : wax soosaarkeedu aad buu u badan yahay hadii aan qiimeyno xaalada hada aan ku jirno oo aan wadanka oo dhan sharaabka wada gaarsin waxaad moodeysaa in baqaaradu naga buuxsamayaan hada waxaan sameynaa ilaa 5000 oo kartoon in kabadana waan sameyn karaan hadba sidii loo baahdo labada gelina waan shaqeyn karnaa

 

Su:aal: bisha barakeysan ee rabadaan ayaa hada bilatey waxaana tihiin warshadii ugu horeysay ee dalka si rami ah looga hirgeliyey iyada oo dhib badani jiro hadaba bisha barakeysan ee ramadaan maxaad ugu talagasheen

 

Jawaab : waxyaabaha aan ugu talagalnay waa badan yihiin waxaana ugu muhiimsan abaalmarin aan ugu talagalnay abaal marino aan siineyno dugsiyada quraan

 

Su:aal: warshadaan waa warshadii hooyada waxana markii hore ay howsheeda ku bilowday in ay soo saarto biyo nadiif ah hadaba biyihii saafi ee aad ku biowdeen howsha halkee ku danbeeyeen xiligaan

 

Jawaab waa runtaa sharaabka waxaan ka sameynaa biyo nadiif ah oo saafi ah .biyahaas nadiif ak ah qorshaha ayey noogu jiraan oo tusaale marka aan u soo qaato marka aan gadayno shiraabka sadaxda nooc oo an soo saarno waxa jira biyo ayaguna nadiif ah oo caagaga ku jira oo nus liter.liter iyo bar iyo laba liter oo aan rabno in aan ka ganacsano qorshaha waa noogu jirtaa waxaana rabnaa in aan wejiga labaad ka dhigno qorshahaas iyo wixii kale oo aan soo saari karno balse hada xooga waxan saareynay labadii sano ee la soo dhaafay Coca-Cola ,sprite iyo fanto sidii aan dadka u bari laheyn dhawaana waxaan rajeyneynaa wejigaas aad sheegtey in aan guda galno

 

Su:aal: ma jiraan qorshe kale oo aad ku soo saareysaan cabitaano ka baxsan sadaxdaan nooc oo aad sida tooska ah u soo saartaan ,

 

Jawaab wajiga labaad talaabooyinka aan rabno in aan qaadno waxaa noogu jiro biyaha nadifka ah soo saaritaankooda sidoo kale waxaa qorshaha noogu jiro in aan sameyno sharaabyada kale sida faanto soobari oo wadankeena laga yaqaano oo la isticmaali jiray laakiin aan anagu soo saari karno .

 

Su:aal: Kaalin intee la eg   ayaad ku leedihiin in aad gacan ka geysatan dib u dhiska dalka

 

Jawaab waxaan u maleynayaa mashaariicdii ugu horeysay ee hada wadanka laga qabtey in aan gacan ka geysanay sida jidkii la dhisayey oo anigu ka mid ahaa gudigii dhismaha wadadaadsi lagana bilaabay Excontrol sidoo kale mashariicda nadaafada ee soconayo gacan baan ka geysanay bulshada ayaana ka mid naha hadaanaba ka horeynin

 

 

Su:aal: waxaan jeclaha in aan si kooban noogu sheegto saamilayda shirkadaan ku bohowday inta ay la egyihiin iyo saamiga ay leeyihhn yaraan qofkiiba iyo ugu badnaan ,

 

Jawab : waxey tahay warshadeenu warshada ugu balaaran xaga saamiga qiyaastiina waa 399 saamilay oo dhamaantood ay yihiin Somali midka ugu qarash ka yarne uu yahay $ 3000 doolar kan ugu badana waa $ 1.000.000 doolar xaqiiqadiina waa warshad ay isugu tagtey Somali oo dhan ,

 

 

Muuse maxamuud Jiisow

musejisow@hotmail.com

muqdisho Somalia

002521576666

002125653623


Venezuela:Xukuumada Vanezuela oo ku eedaysay maraykanka in uu xanibay wasiirkeeda arimaha dibeda.

Madaxwaynaha Venezuela Hugo Chavez ayaa sheegay in maraykanku uu isku dayay in uu waxka waydiiyo wasiirkeeda arimha dibeda Mr: Maduro afganbigii dhicisoobay ee la damacsanaa in xilka looga qaado madaxwaynaha hada talada haye ee dalkaasi Vanezueal Mr: Hugo Chavez.

Arintaan wax lagu waydiinayo wasiirka ayaa ka danbaysay sida ay xukuumada Vanezuela sheegtay kadib markii uu booqasho ku tagay Wasirkeedu dalkaasi Maraykanka isla markaana lagu xanibay isaga oo la sheegay in uusan wadan documentiyo sax ah iyo ticketkii iyo pasopor fiican sidas darteedna lagu xanibay dalkasi maraykanaka.

Arintaan ayaa ah tilaabo hor leh oo ka soo cusboonaatay labada dal oo xiisadi u dhaxaysay in mudo ah,Hadal uu ka jeediyay dhawaan shirkii Golaha amaanka ee loon dhanyahay Madaxwaynaha dalka Venezuela Hugo Chavez ayuu waxa uu ku caayay madaxwanaha maraykanaka G,W Bush isaga oo ku yiri waa shaydaan, halkaan ayuu shaydaanku shalay ka khudbadeeyay walina waxaa ka sii uraya qurmuunkiisii hadalkaasi oo dhamaan ka madaxdii kulankaasi qaramada midowbay fadhiyay amakaag kaga dhigay. 

Wasiirka arimaha dibeda ee Vanezuela ninka lagumagacaabo Mr: Nicolas Maduro ayaa sheegay in la ii sheegay in aan dharka bixiyo.

Wasiirka oo televisionka wadanka Venezuela oo lagu magacaabo Globovision, khadka tellephonka ku waraystay ayaa waxa uu u shegay in uu yahay maxbuus waxana uu intaa ku daray in aan ku jiro qol yar oo la ii shegay xitaa in aan dharka bixiyo,Hadda mahaysto wax documen ah mana safri karo ayuu intaa ku daray.

Xukuumada maraykanka ayaa sheegtay in aysan jirin sabab loo hakiyo safarkiisa uuna tagi karo bixinka karo marka uu doono waxaasi uu ku hadlay wasiirkuna waa arin aan wax cadayn ah loo hayn afhayeen u hadlay xukuumada maraykanka gaar ahaan qaybta qaabilsan amaanka ayaa sheegay in uu wasiirku safarkiisa wadankaro cidna aysan qasbayn balse isaga ayaa wasiirku goostay in uu siijoogo Magaalada New-York. 

A/rizak koronto

Garowe puntland

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 25, 2006 

Sh. Shariif oo Hawlo Diblamaasiyeed ka wada..
»Xisbiga RPP: baaqay in uu iscasilo Madaxweynaha DGPL
»76 dhalin yaro ah oo maamulka puntland uu dib ugu celiyay
»Maxkamadaha  oo la wareegay Tuulada Nugeeshow...
»Waxgaradka Gobolka Gedo oo uga digay maxkamadaha..
»Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay..
»DGPL oo sheegtay in Hay’adaha UN-ka aysan la socodsiin..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Sept 24

Nin Soomaali ah oo  lagu dilay K/Afrika
kadibna lagala baxay Xubnaha Jirka ee Muhiimka ah sida Maskaxda, Wadnaha, beerka, Kilyaha, iyo...
Guji...

Go'aankii Gudiga Dib U Eegidda Imtixaanka Fasalada Afraad Ee D/Sare Ee  Gambool oo ay soo  bandhigeen.
 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD

 

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.