Mas’uuliyiin
ka socday Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Haweenka Bulshada Rayidka oo
kulan wada yeeshay.
(Kulankaan oo ay soo qabanqaabisay
xarunta SSWC)
Waxaa maalintii shalay ahayd Xarunta
SSWC ee Magalada Muqdisho kulan ku yeeshay Haween ka socday Ururada
Bulshada Rayidka iyo Golaha Maxaakiimta Islaamiga, waxanaa
kulankaasi soo qabanqaabiyey xarunta SSWC, waxana golaha Maxaakiimta
kulankaasi uga qaybgalay Sheekh C/raxmaan Maxamuud Faarax (Janaqow)
oo ah Guddoomiye ku xigeenka Golaha Fulinta Maxaakiimta Islaamiga
ah, waxaana ugu horeyntii halkaasi warbixin ka soo jeediyey
xiriiraha xarunta SSWC Aamin Xaaji Cilmi oo iyadu halkaasi ka soo
jeedisay dhowr qodob oo ay ka mid ahaayeen in la sii adkeeyo
nabadgelyada iyo xasiloonida magaalada Muqdisho, in Haweenku door
muhiim ah ku yeeshaan arrimaha Gobalka Banaadir iyo in maamul loo
sameeyo Gobalka Banaadir.

Sheekh C/raxmaan Janaqow waxa uu
sheegay in maxaakiimtu ay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan
Haweenka, isla markaana waxa uu sheegay in Maxaakiimta aysan marnna
riixi doonin isagoo sheegay in haweenka muslimka ah ay xaquuq badan
siisay diinta Islaamka, isla markaana loo baahan yahay in arrintaasi
ay haweenku si weyn ula oscdan, waxa uuna uga mahadceliyay Haweenka
sidii ay bulshada ugu shaqeeyeen 16-sano ee la soo dhaafay ee
shacabka Soomaaliyeed ku jireen dhibaatada iyo amaandarida.
Waxaa kalloo uu sheegay Sheekh C/raxmaan
Janaqow in haweenka looga baahan yahay in ay inay sidii adkeeyaan
nabadgelyada Magaalada Muqdisho oo uu sheegay in nabad la’aanteed
aysan suurogal ahayn horumarka Gobalka Banaadir. Mar uu ka hadlayey
dhinaca nabadda waxa uu sheegay in maalin walba wadamada horumaray
ay ka dhacaan falal dambiyeedyo aad u fool xun. Wuxuuna yiri isago
arrintaasi ka hadlaya “Ma ahan in marka dambi uu dhaco in markiiba
la buunbuuniyo ee waxaa wanaagsan in falkaasi laga hadlo in ciddii
gaystay falka ma la qabtay, taas ayaan buunbuunin u baahan”, waxa
uuna intaasi ku sii daray “Dalka Ingiriiska waxa uu leeyahay koox
dhan jabhad ah oo u dagaalanta xoriyadooda, marka waxaa u soo
jeedinayaa Haweenka in aysan ku dayan Haweenka Reer Galbeedka ah.
Ugu dambeytnii Aamin Xaaji Cilmi ayaa
halkaasi ka akhrisay qodobadii la isku afgartay, waxaana ka mid ahaa
in wada shaqeyn ay dhex marto Haweenka iyo Golaha Maxaakiimta
Islaamiga, in sida ugu dhaqsiyaha badan maamul loogu sameeyo Gobalka
Banaadir iyo in la sii xoojiyo nabadgelyada GobalkaBanaadir, waxaana
lagu ballamay kulan kale.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com
Boosaaso:
Arday ka qalin jebisey kuuliyadda culuumta caafimaadka ee magaalada
Bosaso.
C/Risaaq Koronto
Garoowe
Dufcaddii ugu horreysey ayaa maanta ka
qalin jebisay qaybta sheybaarka ee kuuliyadda culuumta caafimaadka
ee magaalada Boosaaso.
munaasabad si heersare ah loo soo agaasimay ayaa maanta lagu qabtay
xarunta kuuliyada caafimaadka ee magaalada Bosas, Munaasabadaan oo
ahyd mid shahaado lagu gudoonsiinayay ardayad ka qalin jabisay
kuuliyada caafimaadka gaar ahaana qaybta shaybaarka.
Ardayda ka qalin jebisey qaybta sheybaarka ayaa gaareysa 24 oo 17
kamid ah ay ahaayeen gabdho iyo 4 wiil, waxayna ahayd qaybtii ugu
horreysey ee ka qalin jebisa qaybta sheybaarka iyadoo ay horay u
jireen laba kooxood oo ka qalin jebisey qaybta kalkaalinta, kuwaas
oo qaar kamid ah ay ka hawl galaan xarumaha waaweyn ee caafimaadka
Puntland sida cusbataallada, MCH-yada iyo baraha caafimaadka, halka
qaar kamid ahna uu kuuliyaddu dibadda u dirtay si ay u sii wataan
aqoontooda ilaa heer jaamacadeed, kuwaasoo aad ugu farxay markii ay
heleen waxbarashada jaamacadaha dibeda ah.
Munaasabadii lagu gudooonsiinayay shahaadada Ardayda ayaa waxaa ka
soo qayb galay masuuliyiin badan oo ay kamid ahaayeen wasiir
kuxigeenka wasaaradda maaliyadda Puntland Yaasiin Cartan Maxamed,
taliye xigeenka ciidanka booliiska gobolka Bari, G/le Sare
Cabdicasiis Siciid Gacamey, guddoomiyaha gobolka Bari, Muuse Geelle
Yuusuf, duqa degmada ahna guddoomiyaha golaha deeganka Boosaaso,
Khadar Cabdi Xaaji Mire, isimo, culimaa’udiin, hay’adaha caalamiga
ah, ururada bulshada rayidka ah iyo marti sharaf kale oo fara badan.
Mas’uuliyiintii ka hadashay munaasabaddan oo aad u badnaa ayaa u
mahad celiyay hurmuudka kuuliyadda culiimta caafimaadka Boosaaso,
Prof Cabdirisaaq Xuseen Xasan iyo dhamaan ardaydii ka qalin jabisay
kuuliyada oo ay ku tilmaameen in ay ka soo bexeen wakhti adag loona
baahan yahya in ay sare u sii qaadaan aqontooda islamarkaana ay u
adeegaan bulshada puntland.
kalabaydh:Madaxweynaha
Puntland oo Gaaray kalabaydhka.
Wararka ka imaanaya magtaalada
kalabaydh oo dhanka waqooyi ka xigta magaalada laascaanood 40km ayaa
saaka si wayn loogu soo dhaweeyey wafdigii uu hogaaminayay
madaxwayanaha puntland Gen: cade muuse xirsi oo hada shudbado
xasaasi ah ka wada bartamaha magaalada kalabaydh ee gobalka sool.
Madaxweynaha DGPL Gen: cade muuse ayaa ka ambabaxay saaka magaalada
laascaanood ee gobolka Sool isagoo ku sii jeeda degaanka Kalabaydh
oo ka tirsan gobalka Sool, Madaxweyne Cadde Muuse waxaa safarkiisa
Kalabaydh ka dambeeyay ka dib markii ay caasimaad u fidiyeen
odayaasha iyo waxgaradka degaankaasi oo si wayn saaka markii uu
madaxwaynuhu gaaray kalabaydh u soo dhaweeyay kuna tilmaamay
booqasho taariikhi ah.
Madaxweyne Cade waxaa safarka ku wehlinaya issimo ka tirsan gobolka
Sool oo uu ka mid yahay Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Garaad Abshir
Garaad Faarax, Sidoo kalena safarka madaxwaynaha puntland ee
deegaanka Sool iyo Cayn uu ku maraya ayaa waxaa ku weheliya Raxan
golihiisa wasiirada ah iyo saraakiil saraakiil xigeeno madaxda
ciidamada iyo waxgarad kaleba.
Booqashada Madaxwayne Cadde Muuse ee gobolada Sool iyo Cayn waxa ay
qeyb ka tahay booqasho uu ku gudanayo waajibaadka saarana kana
saaran dadka uu xilka madaxwayne nimo u hayo iyada oo inta uu
madaxwaynuihu ku guda jiro booqashadiisana la is waydaarsanayo wixii
fariima ah iyo sidii looga heshiin lahaaa dhamaan khilaafaadka yar
yar ee ka dhexjira xukuumada puntland iyo gobalada Sool iyo Cayn ee
labada dhinac ay kala tabanayaa.
Madaxwayne Gen:cade muuse ayaa lagu wadaa inuu booqasho ku tago
degmada Buhoodle ee gobolka Cayn Halkaasi oo si heersare ah looga
diyaar garoobay soo dhawaynta wafdiga madaxwaynaha puntland
General:Cade muuse.
Buuhoodle:
Magaalada Buuhoodle ee Gobalka cayn oo diyaar garaw xoogan ugu jirta
soo dhawaynta wafdiga madaxwayne cade muuse.
Wararka sida rasmiga ah ee talan taaliga uga soo dhacay magaalada
Buuhoodle uga soo gaaraya shabakada warbaahinta ee
www.somalitalk.com ayaa xaqiijinaya in ay halkaasi ka socdaan diyaar
garaw kii ugu cuslaa iyo isusoobixii ugu waynaa ee lagu soo
dhawaynayo wafdiga balaaran oo uu horkacayo madaxwaynaha DGPL Gen
Admiral: Cade muuse.
Wafdiga Balaaran ee uu hogaaminayo madaxwayne Cade muuse ayaa kuguda
jira qaybka mid ah socdaalkiisii uu ku marayay gobalada Sool iyo
Cayn oo la filayo xiliyada soo socda in uu gaaro magaalada Buuhoodle
ee Gobalka hawdka ee cayn.
Madaxawaynaha ayaa sheegay in uusan dhaafayn tuulooyinka iyo
magaalooyinka waa wayn ee u dhexeeya magaalooyinka Laascaanood iyo
Buuhoodle oo uu sheegay in ay waajib tahaay in deegaanka oo dhan
looga warbixiyo xaalada guud iyo tan nabad galyo ee deegaanada
puntland si ay iyaguna ugu gudbiyaan waxa ay xanbaaraasanyihiin iyo
dhamaan sidii loo turxaan bixin lahaa waxyaabihii lakala tabanayo
islamarkaan loo dhaqaajin lahaa maamulka degmooyinka iyo tuulooyinka
aanu wali si heersare ah u gaarin maamulka puntland loogana hirgalin
lahaa degmooyinkaasi nidaamka golayaasha deegaanka.
Madaxwayne cade muuse ayaa hada maraya dhulka Hawdka ah isaga oo
saaka ka anbabaxay Magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool
waxa uu hada sida u qorshaysan Madaxwaynuhu ku sii jeedaa magaalada
buuhuudle ee xarunta Gobalka Cayn isla markaan waxa uu saacado ku
hakanayaa tuulooyinka iyo magaalooyinka u dhexeeya Laascaanood iyo
Buuhoodle.
C/Risaaq Koronto
Garoowe
Golaha
Amaanka ee Midawga Africka ayaa isku raacay in Somalia Ciidamo 8000
Kun ah loo diro
Shir ay ku yeesheen Magaalada Addis Ababa Golaha Amaanka ee Qaramada
Midobay ayaa lagu ansixiyey in ciidamo nabad illaalin ah la keeno
dalka Soomaaliya ka dib markii ay arintaasi ka codsadeen dawladaha
IGAD ku jira qaar ka mid ah .
Waxaana shirka ay yeeshen madaxda Golaha Amaanka ee IGAD isku raacay
in la meel mariyo qorsha IGADSOM ee dawladaha IGAD ku jira ay qaar
ka mid ah u suxul doobayan arintaasi waxaana shirka ka dhacay
Caasimada Ethiopia lagu gaaray go'aan booxda in 8000 oo askari loo
diro somalia dabayqaada Bishaan ama bilawga bisha October iyadoo la
isku raacay in ay ka kala yimaadaan 7 wadan ee IGAD qar ka tirsan
iyadoo si hor dhaca ahaan ah loo gaynayo somalia 4000 oo askari
marka hore .
Arintaan ayaa soo baxaday iyadoo maxaakinta islaamiga ah ee
somaliyeed ka hor jeedaan qorshaha dawlada ee ah in somalia ka geeyo
ciidamo nabad ilaaliyo iyadoo maxaakinta islaamiga ah ay iminka ku
sii siqayso magaalada kismayo iyo waliba xadka u dhexeeya Kenya
somalia si ay ugu diidaan ciidamada la sheegay in ay ka soo galayan
gobolka waqooyi bari ee kenya ee ay doonayaan IGAD in ay somalia
gayso iyadoo bishii hore bilawgeedii Nairobi saraakiil ka tirsan 7
Dalk ee IGAD go'aan ku gaareen in somalia ciidamada loo dirayo ay
sii maraan gobolka Waqooyi bari ee kenya .
Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
SomaliTalk Nairobi keny
Botaan1@hotmail.com
Dowladda Federaalka oo uga digtay in Maxaakiimta..
»Daahir
Riyaale oo Melez Zinawi ka diiday in..
»C/llaahi
Yuusuf oo laga yaabo in uu ka..
»Sheekh
Shariif Sheekh Axmed oo ka codsday..
»Sheekh
Xasan Turki “Xamar waxaan uga …”
»Lacag
gaareysa 4-Kun oo Doolar oo la soo…
»8-Kun
oo Askari oo la isku raacay in…
»Max’ed
Ibraahim Xaabsade oo loo diray…
»Maxaakiimta
oo beeniyey in ay weerarayaan kismayo.
»Libiya
iyo Talyaniga iyo Eedayn xuquuqda aadamiga..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Sept 14
Xaabsade oo ku gacan seyray dhexdhexaadin uu wadey Gudoomiyaha
Baarlamaanka
»C/llaahi
Yuusuf oo ku sii jeeda Magaaladda New York…
»Geedi
oo dhaleeceyn u jeediyey Dowladda liibiya..
»Ciidamo
xoog leh oo lagu ururinay deegaanada J/Dhexe..
»Shariif
Xasan oo shalay warbixin siiyey Baarlamaanka
»Kulan
dhexmaraya Golaha Maxaakiimta iyo Hayadaha..
»Cadde
Muuse oo Booqaday Cisbitaalka Laascaanood...
»Puntland:
Qiimaha sarifka dollarka oo sare u kacay...
»Talaalka
Cudurka Dabaysha iyo Afrika...
»Iska
Hor-imaad laga soo sheegay Gobolka Sool...
»Ciidamada
Maamulka Somaliland oo Heegan La Galiyay.
»Siyaasiyiinta
Digil iyo Mirifle oo ku kala qaybsamey hadalkii
»Dagaallo
cadowga lagu naafeeyay oo ka dhacay Ogadeenya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Sept 13