SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Cadde Gaabow Nin ay Dayaceen kuwii xilka uu dhiibey iyo kuwuu u Hiiliyey labaduba

Cabdiraxman Xariri
xariri@hotmail.com

Wax yar kadib markii loo magacaabay gudoomiyaha Gobolka Banaadir mar aan kula kulmay xaflad ay Jaalliyada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada jiddah  u sameeyeen wafdi uu ku jirey Gudoomiyuhu, waxaan u arkayey inuu Cadde Gaaboow yahay nin isu taagay xil uu hubo inuusan ku guulaysan karin marka la eego xaaladii magaalada muqdishu xiligaa ku sugnayd iyo sida ay rag kale oo isaga ka horeeyey oo weliba wax yaabo badan isaga ku dhaamey ay ugu guuldaraysteen 

Sidaa darted iskuma lurin inaan weydiiyo sida uu xilkan loo dhiibey umadda ugaga faaideyn doono (maadama aan u arkayey mid aan dhici karin inuu wax qabtoba!) waxaanse taas bedelkeed weydiiyey “sababta ay isaga la tahay in xamar u xasili la’adahay wakhtiga intaa le’eg ee naf iyo maalba lagu waayey dagaalka sokeeye amaan-darada iyo fawdada. 

Cadde Gaaboow ayaa in yar aamuusay oo ku jawaabay sidan “Horta Xamar in kastoo dagaalo qaraar oo lagu hoobtay ka dheceen hadana marna ma ay dhicin in kooxihii dagaalameyey uu midkoodna awoodda si buuxda gacanta ugu dhigo, maxaa yeelay dagaalada waxay ku salaysanaayeen qabyaalad inta badana ma dhacdo in qabiil qabiil kele xoog ku qabsado, hadaba xamar waxay xasilaysaaa marka cidi ku adkaato, guushuna mustaqbalka waxay raacaysaa cidii kasbata taageerada shacabka oo dhan mana dhicin ilaa hada in kooxihii dagaalamayey ay koox si u gaara u   hesho taageerada shacabka oo aan qabiil loo kalasaarin.


Cadde Gaabow iyo Xariri

Markaad eegto jawaabtiisa waxaad moodaa in Cadde si wanaagsan ugu qancsanaa in raadinta taageerada shacabku ay tahay ta keliya lagaga bixi karo dhibaatadan gaamurtey ee gobolka Banaadir. Isagoo taas ka duulayana wuxuu sida muuqata markiiba bilaabay inuu jebiyo caqabadihii qabiilka ku salaysnaa ee shacabka la dhex-dhegay isagoo:-  

  1. Ka qaybgalay Caleema saarkii Ugaaska Beesha cayr.
  2. Hurmuud ka noqdey ku soo dhoweyntii Raisal wasaaraha Villa Somalia
  3. Ugu dambayntiina ogolaaday in uu Gudoomiye nimada uu ka ansixiyo golihii degaanka ee loo sameeyey in isaga lagu maja-xaabiyo.

 Dhinanca kale markuu bilowday dagaalkii ugu dambeeyey ee qabqablayaasha lagu saarayey Cadde Gaaboow  wuxuu olole xoogan u galay in aan dagaalkan loo rogin mid beel gaar ihi awooda ku qabsanayso siday qab-qablayaashu rabeen inay dadka u tusaan, wuxuuna shacabka inta badan si qarsoodi ah iyo si muuqataba ugu dhiiri gelinayey inay meesha ka saaraan qab-qablyaasha una hiiliyaan Maxkamadaha.  

Nasiib xumo xidhiidhkaa aad u dhow iyo is afgaradka uu la yeeshay qaar ka mid ah mucaaradka waaweyn ee dowlada waxay ka fogaysay dowladii xilka  u dhiibtay oo iyaduna siyaasad xumo darteed ku guul daraysatay inay taageerto siyaasadaha Cadde Gaabow una isticamaasho inuu yahay wakiilkeeda Xamar u joogey Guusha xamarna ay ka qayb qaadato iyadoo isaga sii maraysa, taasoo horseedi  kartey heshiis dhamaystiran oo dhexmara maxkamadaha iyo dowlada. 

Dhinaca kale Maxkamadaha oo aad moodo in awood qaybsigooda iyo ixtiraamkoodu ku salaysan yahay sidii loo kala hub iyo malayshiyo badnaa “casrul Jaahiligii”ayaa iska daa inay Gaaboow abaalkiisa mariyaane bilaabay inay dibadda u riixaan Gudoomiyaha oo aan isagu urursan wax maleyshiyo beeleed ah awoodiisana inta badan isugu geeyey kasbashada kalsoonida shacabka soomaaliyeed oo dhan. 

Isku soo duubo Gefafka loo geysto gudoomiyaha oo ay sida muuqata dayacday dowladii soo magacawday ayna ka abaalka dheceen Maxkamadihii uu u hiiliyey ee guusha la soo hooyey waxay dib shacabka Muqdishu ugu celinaysaa qaybsanaantii iyo qabyaaladii ay is ilowsiinayeen, waxayna bilow u noqon kartaa soo noqoshada khadkii cagaarnaa ee habaarka qabey.  


Gen. Naji, Gaabow iyo Xariri

Cabdiraxman Xariri
xariri@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 15, 2006

 

»Damiir Xumada Somalida iyo Damaashaadka  Xabashida | M.X.Cilmi
»Shan sanno kadib Dagaalkii Argagaxisada Guulo malaga Gaaray?
»
Yaa ku dhibtooday yaase ku diirsday isbeddelka Muqdisho? | Wallays
»Calankeenii maxaa dheeliyey oo hoos udhigay??? | Kaneec
»Ma Dhabbaa, In Ayan Soomaalidu Wax Wadaqabsiga Ku... | Jooje
»OGEYSIIS: WARAABAHA HILIBKIISA WAA SUN IYO CUDUR | Qurux
»
Baydhabo: Guri ay Martidiisu Gubeyso! | Taysiir
»Baydhabo: Dagaal ma Fadaannaw... | A. M. Yusuf
»IGAD: Musiibo loo soo diray Soomaaliya! | Diiriye
»Geeridii naxdinta lahayd ee sarihii mataanaha ahaa
»
IGAD MA WAXAY NOOGU YABOOHAYSAA (ARMY & AIDS)? FAALO
»DONOQI QUFACDAY MEEL LAGA RAACAYNA MA OGEE HORTA XAGEE
»Maxaa sababay in uu hoos u dhaco dhegeysiga Puntland ee...
»WARAABAHA HILIBKIISA OO LA SHEEGAY IN LA ISKU DAWEEYO
»Muxuu ku salaysnaa shir-madaxeedkii IGAD ee Magaalada Nairobi?
»Baaq-qaylo dhaameed  (Golaha Wadatashiga & Iskaashiga...)
»
Wiil Soomaaliyeed oo mudo 16-sano ku dhibaataysan Baydhabo
»Adigoo jiran haygu soo noqonin!!! | M. Macallin 
»Warsaxaafad: Cambaarayn  dawlada Kenya
Eng. Idiris
»Warsaxaafad: SOO DHOWEYN HESHIISKII KHARTOUM | Eng. Yarisow
»IRAN WAA CADAW ARXAN-DARAN OO SUNIGU LEYAHAY | Khalid
»AFXUMADA AFQURAC RER LAASCAANOD MA KA DHIIDHIN WAYEEN
»Waa Kuma Qofka Gabay Kaalintiisi, Aabe Mise Hooyo? | Jooje
»
Soomalida  iyo Xabsiga da,a yarta ee London (dhambaal argagax leh!)
»
MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD