SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS

Kulan-diineedkii 6aad ee Muslimiinta Woqooyiga Ameerika

Warbixintii: SomaliTalk.com | Minneapolis | Sept 1, 2, 3, 2006


Dadweynihii kasoo qayb galay Mu'tamarka 6aad ee W/Ameerika

Kulankii Muslimiinta Woqooyiga Ameerika ee lagu qabtay magaalada Minneapolis ayaa habeenimadii Axadii (Sept 3, 2006) si habsami ah usoo gabagaboobey, kulankaas oo ay ka soo qayb galeen Muslimiin aad u tiro badan ayaa noqday mid si weyn ay Muslimiintu ugu riyaaqeen sida habsamida ah ee uu u dhacay saddexdii maalmood ee uu socdey.

Kulankaasi intii uu socdey waxaa ka hadlay culimaa'udiin farabadan oo qaar lagu soo xiriiriey khadka Video (conference) ee tooska ah ayagoo joogey magaalada Nairobi iyo culimo Minneapolis jooga. Waxana indhaha dadweynaha ka soo qayb galay ay aad u jeclaysteen sida ay Muslimiinta W/Ameerika, gaar ahaan kuwa deggan Minnesota (Minneapolis/St.Paul) ay ugu midoobeen kulan diineedka sannadkiiba mar la qabto (horraanta bisha September), laguna beego xilli fasax ah si ay dadweyne aad u tiro badani uga soo qayb galaan. Waxana uu kulankaasi noqday mid ay Muslimiinta Maraykanka iyo Kanada ku xisaabtaman si ay uga soo qayb galaan sannad kasta Allah idankiis, carruurtoodana u tusaan hiddaha iyo dhaqanka Suuban ee Soomaalida ee kusalaysan Islaamka sida ay isugu duuban yihiin, si jiilasha ama faca dambe loogu reebo dhaxal aan maskaxdooda ka suulin ee ku salaysan Islaamka.

Qayb aad u ballaaran oo kulanka ah waxaa loogu talo galay dhallinyarada da'da yar ee Muslimiinta ah, waxaana la qabtaa tartano Islaami ah oo lagu dhisayo hab fikirka iyo cilmiga dhallinyarada Musliminta.

Isku soo duub oo, kulankan oo aad u ballaarnaa ayaa ahaa mid si weyn ay u jeclaysteen dhammaan dadkii Muslimiinta ahaa ee ka soo qayb galay.

Haddaba aan idiin kala dhex baxno erayadii ay ka soo jeediyeen qaar ka mid ah culimadii ka soo qayb galay ama ka hadlay kulanka.


Maalintii 3aad ee Kulanka (Axad Sept 3, 2006)

Mowduucyadii ay ka hadleen culimadu waxaa ka mid ahaa:

Habka lagu heli karo Guri Wanaagsan

Sh. C/Razaaq Xaashi ayaa ka hadlay mowduuc cinwaankiisu ahaa "Habka lagu heli karo guri wanaagsan". Ugu horayn waxa uu arar mowduuca uga dhigay sida dadku u raadiyeen in ay ku noolaadaan nolol wanaagsan oo ay ku baraaraan iyo meelaha ay ka raadiyeen noloshaas. Haddaba meel kasta oo laga raadiyo nolol wanaagsan lagu faa'iidi maayo aan ka ahayn ballanta Allah u fidiyey Muslimiinta ee aan ka qaadanayno quraanka "Qokii camal wanaagsan sameeya oo mu'min ah waxaa Allah u ballan qaaday in uu ku noolaanayo nolol wanaagsan". Halkaas waxaan ka qaadaneynaa in nolosha wanaagsan laga qaadanayo diinta Islaamku waxa ay fareyso.

Guurku waa mas'uuliyad iyo xuquuq ay tahay in la dhawro ayadoo loo noqonayo kitaabka Qur'aanka ah iyo sunnada rasuulka (scw). Waxaana hab nolol wanaag ama xumaan ka dhigi kara sowjka iyo sowjadda ayagaana mas'uuliyadda gurigu saarantahay, ayuu yiri.

Sh. C/Rasaaq waxa uu ku xeel dheeraaday sida ay muhiimka u tahay in la isku xusho diinta Islaamka marka guurka la holliyo, taas oo ah meesha ay ka bilaabaneyso nolosha wanaagsan - ku xusha diinta uu qofku leeyahay, ayuu yiri, qoyskuna ha ku wada dhaqmeen dariiqa sacaadada iyo wanaaga.

Marka guurku dhaco waxaa muhiim ah in labada qof ay ku wada noolaadaan nolo wanaagsan si taas u dhacdo waa in mid kasta uu kan kale tixgeliyo oo ugu yeero magac wanaagsan oo ula dhaqmo si wanaagsan.

Waxa uu soo qaatay xigmad ka dhexaysa Carabta iyo Soomaalida oo ah: Haddii gabdhuhu ama dumarku rabaan in ay ragga gacanta ku dhigaan oo uu hayin u noqdo ha sameeyeen saddex arrimood: (1) Haddii uu wax ku yiraahdo Ha dhehin maya, ragu ma jecla in hadalka lagu celiyo, (2) Dhergi oo calooshana u buuxi, (3) Faani oo dheh nin kula mid ah ma jiro, nin kaa caqli badan ma jiro, nin kaa fiican ma jiro. Raggu arrimahaas ayey jecel yihiin, waxana uu taas ku daray in raggana laga rabo in ay dumarka u jilicsanaadaan, waayo dumarku taas ayey jecel yihiin. Haddii mid xanaaqo kan kale ha dejiyo, yaaney labada qof ee isqaba isku mar xanaaqin. Waxa dulucdu tahay in hadal macaan oo wanaagsan ay iskula hadlaan ninka iyo xaaskiisu, si qoyska Islaamku u noqdo mid wanaagsan. Waxaa muhiim ah in ay is xushmeeyaan oo is tix geliyaan, si ay ugu noolaadaan nolol wanaagsan.

Waxana uu Muslimiinta xusuusiyey dhaqankii Rasuulka Muxamed (scw) iyo Caa'isha iyo hab nololeedkoodii suubanaa ee ku dayashada mudan, si qoyska Islaamku u noqdo mid waara oo ku wada noolaada nolol qiimo badan, oo qoyska oo dhan uu noqdo mid baraara.

Mar uu ka waramayey nolosha wanaagsan ee qoyska waxa uu xusay muhiimada ay leedahay in sowjka iyo sowjadda uu midba uu midka kale isu qurxiyo, halkaas markii uu marayey waxa uu xusay in adduunka oo dhammi uu tilmaamo sida ay dumarka Soomaaliyeed isu qurxiyaan oo isku carfiyaan, laakiin ayuu yiri, ragga Soomaaliyeed xaalkooda waa ognahay...... aad ayaa halkaas loogu qoslay, rag badan ayaana dhoola caddeeyey...... Waxa kale oo uu xusay muhiimada ay leedahay in raggu ay xaaskooda la sheekaystaan oo waqti siiyaan.


Sh. Maxamed Daahir

"Raadka xun ee denbiyada iyo macaasida".

Sh. Maxamed Khadar mowduuca uu ka hadlay waxa uu ahaa "Raadka xun ee denbiyada iyo macaasida". Waxana uu xeel dheeraaday ciqaabaha ka dhasha haddii lagu dhaco macsi kuwaas oo lagu mutaysto Ciqaabta Allah, ciqaabtaas oo noqon karta mid adduunka iyo mid aakhiro, waxana uu muslimiinta ku booriyey in ay ka dheeraadaan dembiyada iyo macsida uu Allah muslimiinta ka reebay.

Waxa uu xusay in markii ay caasinimo iyo macsi ku dheceen uu Allah ciqaabay Qowmu Huud, Qowmu Saalix, iyo Qowmu Fircoon, taas oo mudan in lagu cibro qaato. Waxana uu muslimiinta xusuusiyey in ciddii Allah caasida uu Allah dhadhan-siiyo cabsi iyo gaajo (Khowf iyo juuc).

Sh. Maxamed Khadar oo sii faahfahinaya dhibaatooyinka ka dhasha macsida waxa uu yiri: Qofka Allah caasiya, ku dhaca macsida, oo Allah hilmaama, waxaa ka luma xayaatada iyo wanaagga nolosha, mana garanayo meel uu socdo iyo meel uu ka socdo, hammi gaaban oo aan barako lahayn, welwel iyo dhibaato, waxana uu qofku galaa nolol ciriiri badan, cilmigiisuna barako ma yeesho, waxaana ku adkaaneysa nolosha, waxa uu dareemaa keli-nimo, waxana uu noqdaa qof haddii laba qof sheekaysanayso tuhmaya in asaga wax laga sheegayo, waxaana  ciriiri gala maciishada qofka macsida fala, sida aan ka qaadaneyno diinteena Islaamka.

Waxa uu dhallinyarada u dardaarmay in ay waxbartaan oo galaan jaamacado ayagoo dhaqankooda iyo diintooda ku faanaya, ku dheggan oo haysta diintooda Islaamka, oo aan laga leexin dhaqankooda suuban , oo aysan noqon hiyi raac meshii ay doonaan iska raacaya oo loo kaxaysto dhankii la doono. Waxana uu muhiimada weyn siiyey in marka hore la barto Islaamka, kaddibna la barto culuunta kale ee maadiga ah.

Asagoo muslimiinta la dardaarmaya, gaar ahaan dhallinyarada waxa uu xusay qiso ahayd: in nin oday ah uu ka booday meel ay dhallinyaradii ka boodi weydey, markaas ayaa dhallinyaradii waxa ay yiraahdeen: Oday sidee xaalku yahay annagu meesha waa ka boodi weyney adiga oo da'daan ah ayaa ka boodey, waxa uu odaygii ku jawaabey "Xubnahanaga waan ilaalinay oo waxaan ku ilaalinay daacada Allah markii aan da'yarayn, markii aan weynaaney ayaa Allah noo ilaaliyey ama noo xafiday xubnahanagii" - arrintaas oo ay ku jirto xigmad weyn.


Dadweynaha soo camiray mu'tamarka maalintii saddexaad

Mas'uuliyadda Jaaliyadda


Sh. Khaalid

Sh. Khaalid Yaasiin oo aad looya yaqaan dunida Islaamka ayaa waxa mowduuca uu ka hadlay uu ahaa 'mas'uuliyadda saaran Jaaliyadda Islaamka ah'. Ugu horayn waxa uu xusay cidda ay waajibka ka saaran tahay dhawridda Masaajidka ama Masaajidda, waana muslimiinta, ayuu hadalka ku adkeeyey.

Waxa uu si weyn uga hadlay sida dadka Maraykanka ay lacagta soo gasha u tuuraan ama khasaariyan ugu yaraan qiyaastii 20% ilaa 30% , taas oo ay ku bixiyaan waxyaabo aysan daruuri ahaan u baahnayn - waxana uu tusaale u soo qaatay sida cable/dish/satellite ka kooban kanaallo ciidaas ka badan oo aysan u baahnayn iwm, sida laga yaabo in qof kasta u leeyahay in ka badan dersino kabo ah oo laga yaabo in uusan gashan, iwm, ayuu yiri..

Waxana uu markaas dib ugu laabtay dulucda hadalkiisa oo ahayd mas'uuliyadada Muslimiinta, waxana uu xusay Mashruuca Abuubakar Assadiiq iyo heerarka uu soo maray iyo sida loogu baahan yahay in la dhamaystiro. Hadda waxaa dhamaaday qaybtii koowaad, ayuu yiri.

Waxaana isla markaas shaashadda laga muujinayey heerarka uu soo maray Masjid Abuubakar iyo guud ahaan ahaan mashruuca Abuubakar oo ah kan soo qaban qaabiyey mu'tamarka Muslimiinto W/Ameerika. Waxana uu sheegay in Mashruucu ku kici doono $8.5 million doolar ($8,500,000). Lacagtaas oo ku bixi doonta iibsigii iyo dib u habaynta Mashruuca.

Waxa uu markaas xusay lacaagtaas sida ay u bexeyso ama u baxday, taas oo ah in heerkii koowaad ee iibsiga iyo dib u habayntii hore ay ku baxday $2.5 million, waxaana heerka labaad iyo saddexaad ee dib u habaynta iyo dhismaha looga baahan yahay $6.0 million doolar, lacagtaas lixda Million ahna laga sugayo Muslimiinta si mashruuca loo dhamaystiro.

Waxana uu markaas muslimiinta ku guubaabiyey sidii ay mashruucaas uga qayb qaadan lahaayeen si loo dhamaystiro. Mashruucaas oo ay ka fa'iidaysan doonaan Muslimiinta Minnesota. "Wixii Allah idin siiyey wax ka bixiya" ayuu hadalka ku adkeeyey. Qofkii raba Janno Adduunka Masjid haka dhiso, ayuu Muslimiinta xusuusiyey. Wixii aad u bixisid Allah hortiis oo lagu dhiso Masjid ma ahan wax kaa lumaya, waa kayd-kaaga ah, ayuu hadalka ku xoojiyey.

Sh. Khaalid markii uu halkaas marayey waxa uu yiri "yaa mashruucaas wax ku darsanaya", jawaabtii laga bixiyey waxaad ka heli doontaa qaybaha ugu dambeeya ee qormadan dhanakeeda hoose.

Qabaliyadda, noocyadeeda iyo sida Islaamku u daaweeyey

Saladii duhur ka bacdi waxaa mowduuc cinwaankiisu ahaa "Qabaliyadda, noocyadeeda iyo sida Islaamku u daaweeyey" ka hadlay Sh. Mamduh.


Sh. Mamduh oo ka hadlaya Mu'tamarka


Sheekha Tarjumayey

Waxa uu muhiimadda ugu weyn siiyey sida uu Rasuulka (scw) uu muslimiinta uga digey in aysan isugu habar-wacan sidii xilligii jaahiliyadda ee qabiilka la isugu habar wacan jirey, waana in laga dheraado casabniyadda jaahiliga. Waaana in aan Muslimiintu isku guul-guulin ayagoo midba uu kan kale iska fadilayo.

Sh. Mamduh oo ku hadlaya Luqadda Carabiga, lagana tarjumayey, waxa uu muslimiinta ku guubaabiyey in ay midoobaan kana dheeraadaan casabiyadda qabaliyada. Waxana uu ku xeel dheeraadaay dhibaatooyinka ay reebto casabiyada ama qabaliyadda, kuna reebto Mujtamaca Islaamka, taas oo ay tahay in laga dheeraado. Waxana uu xusay sida ay diinta Islaamku ina bartay in qofka ugu sharafta badan uu yahay kan ugu dhow Allah. Muslimiinta oo dhammina waa walaalo, ayuu hadalka ku adkeeyey.


Maalintii 1aad:

Kulan-diineedkii 6aad ee Muslimiinta Woqooyiga Ameerika (Canada & USA) oo Jimcadii ka bilowday magaalada Minneapolis (Convention Center) ayaa Sabtidii September 2, 2006 kasii socdey Minneapolis, kulankan oo soconaya ilaa Axada Sept 3, ayaa ah mid aad uga ballaaran kii sannadkii hore, ayadoo lagu soo siyaadiyey luqadaha Carabiga, Ingiriisiga iyo Oromada, waxaana culimadii maalintii Jimcada ka hadlay mu'tamarka waxaa ka mid ahaa:

  • Sh. Khaalid Yaasiin, Dr. Hatim Al-Haj, Sh. Daakir, Sh. Waliid Idris, Dr.Sh. Salaax As-Saawi, Sh. Mamduux Mustafa, Sh. Maxamed Khadar, Br. Yusuf Yee (Kabtankii hore ee xabsiga Guantannamo), Sh. Aaden Cabdullahi, Dr. Hamdy El-Sawaf, Sh. C/Risaaq Xaashi, iyo culim'uudin kale.

  


Maalintii 2aad ee Kulanka::::

Raadka ay reebto ku noolaanshaha Galbeedka


SH. Maxamud Shibille

Sh. Maxamuud Shibille oo la gusoo xiriiriyey khadka Video Conference tooska ah ee Nairobi ayaa ka Mowduuca uu ka hadlayna waxa uu ahaa: Raadka ay reebto ku noolaanshaha Galbeedka.

Sh. Shibille waxa uu xoogga saaray carruurta Muslimiinta ee ku koraya wadamada galbeedka iyo in ay thay in muhiimad la siiyo, waxana uu xusay cilmi baarin lagu sameeyey qoysaska deggan Galbeedka oo la weydiiyey in ay carruurtooda geeyaan dalal muslimiin ah ugu yaraan xilliga fasaxa, waxana uu xusay in tiro ka badan celcelis ahaan boqolkiiba 70% ay diideen in carruurtooda ay geeyaan dal Islaam ah xilliga fasaxa oo keliya. Waxana uu carrabka ku adkeeyey in su'aashu ay ahayd geeya ugu yaraan dal Islaam ah xilliga fasaxa (si ay u arkaan dhaqanka suuban ee Islaamka).

Su'aal carruurta la weydiiyey oo ku saabsanayd 'haddii waalidkaa weynaado ama gaboobo maxaad ku samayn", waxa ay ku jawaabeen "waxaan geyneynaa meelaha dadka waaweyn la geeyo ee loo yaqaan 'senior homes'" ayuu yiri, halkaas oo uu ku muujinayey raadka ay reebeyso ku noolaanshaha galbeedka.

Waxana uu xusay dadka waaweyn haddii ay fasax ku tagaan Soomaaliya, oo ka soo laabtaan, marka la weydiiyo meesha ay ka yimaadeen haddii ay yiraahdaan Soomaaliya, waxa lagu oranayaa Allah ma kusoo nabad celiyey, markaas kaddib waxaa la oranayaa "ma ku laabanaysaa, ma joogeysaa halkan, iyo su'aalo kale oo muujinaya in laga dal fiican yahay." Halkaas oo uu ku muujinayey sida fikir ahaan raadka ay reebeyso dalkaaga oo laga fogaado.

Waxa kale oo uu Sh. Shibille ku nuuxnuuxsaday sida ay u burbureen Qoysaska Islaamka ah ee Jooga dalalka Qurbaha. Waxaad arkeysaa ayuu yiri nin iyo xaaskiisii oo isku hasta arrimo si fudud uu Islaamku u xallin karo. Halkaas oo dulucdiisu ahayd in Muslimiinta ku dhaqan galbeedku aysan ka tegin dhaqan kooda suuban ee Islaamka.


Sh. Umal

"Muslimiinta iyo Ciidaha Gaalada".

Kaddib waxaa khadka video Conference lagu wareejiyey Sh. Umal oo jooga Nairobi, waxana uu ka hadlay mowduuca ah "Muslimiinta iyo Ciidaha Gaalada". Sheekha markaas hadlaya marka lagu xiriiriyo Video-ga tooska ah ee Nairobi waxa uu u muuqanayaa asagoo hor fadhiya mu'tamarka Minneapolis, maadaama codku aad fasiix u ahaa, shaashad TV-ga oo aad u weyna ay hor suran tahay dadweynaha aadka u tiraa badan ee ka soo qayb galay mu'tamarka.

Sh. Umal ugu horayn waxa uu sharraxaad ka bixiyey macnaha guud ee kelmedda "Ciidda", waxana uu kusoo koobay in ciida Muslimiinta laga qaadanayo Diinta Islaamka ee aan laga qaadanayn meel kale iyo dhaqan kale, asagoo arrimahaas sii faahfaahinaya waxa uu yiri:

Ummada Islaamku uma baahna in ay ummado kale ka soo qaataan ciido, waayo diinta Islaamka ayaa kaamil yeeshay ciidaha Islaamka, loomana baahna in la soo amaahdo ciido kale. Ruuxa Muslmika ah uma baahna in uu dhaqan ka qaado ummad aan Islaam ahayn.

Sh. Umal waxa uu xusay in aysan Muslimiinta u bannaanayn in ay ka qayb galaan ama ka qayb qaataan ciidaha gaalada. Muslimiintu waxa ay leyihiin ciido Islaamku ogol yahay.

Ciidamaha Islaamku waa ciida Al-Fidri ee marka Ramadaanku dhamaado iyo Ciidul-Adxaa ee Xajka, ayuu yiri.

Waxa kale oo uu xusay in xitaa ciida asbuucu aysan ka dhexayn Islaamka iyo gaalada, maalinta Jimcada ayaa Muslimiinta u ah ciida Asbuuca, halka Yuhuuda ay u tahay Sabtida, Nasaaradana Axada. Halkaasna waxaa laga qaadanayaa, ayuu yiri, in ciidaha Muslimiintu ay ka soocan yihiin ciidaha kale.

Asagoo si gaar ah uga hadlaya maalinta Christmaska waxa uu yiri dad ayaa yiraahda waa ciid ka dhexaysa caalamka oo dhan, taas xaalku ma ahan waayo waa ciid ku salaysan diin, oo aan Islaamku shaqo ku lahayn. Waxana uu halkaas ku adkeeyey in ciidaha kale oo dhan ay dad dejiyeen laakiin ciida Islaamka uu Allah dejiyey. Sidaas daraadeedna waa in aan la isku khaldin ciidaha.

Sh. Umal oo ka hadlayey xadaaradaha waxa uu yiri, Islaamka ayaa ahaa kii asaaska u dhigay horumarka caalamku hadda higsanayo, waayadan dambe ayaa dadka aan Islaamka ahayn horumarka kasii faa'iideyseen oo ku horumareen, hadaba, ayuu yiri, ma ahan in la yiraahdo waxaa la inakaga horeeya xagga farsamada casriga ah ee Technology, sidaas daraadeedna hala qaato wax kasta, ma ahan arrintu sidaas, xadaaradaha inta wanaaga ah waa lakala qaataa, laakiin ma ahan in la qaato dhaqanka aan Islaamka waafaqsanayn ee ay ka mid yihiin ciidaha aan Islaamku ogolayn.

"Ceeb ma ahan in la yiraahdo lana gumasan maayo, oo dhaqan nalaku gumeysan maayo, waxaan nahay dad dhaqan leh oo hiddo gaar ah, hidahaas oo ku salaysan diinta Islaamka" ayuu yiri Sh. Umal.

Sh. Cabdishakur oo isaguna jooga Nairobi (video conference) ayaa Dardaaran yar u soo jeediyey Muslimmintu sidii ay carruurtooda u badbaadsan lahaayeen.

Waxaa uu si gaar ah u xusay dadka ka soo guura qurbaha oo ayagoo aan sii tabaabulshaysan yimaada (Afrika), marka ay cabbaar joogaana noqda waayo waxa ay soo guureen ayagoo aan si rasmi ah u soo tabaabulshaystay, waxaa markaas loo baahan yahay, ayuu yiri, qorshe iyo tabaabulshe rasmi ah, oo si rasmi ah loogu soo talo galo int aaan la soo guurin. Hana is dhiganina ayuu yiri, waxana uu Muslimiinta kula dardaarmay wada jir.


Sh. Axmed Nuur

Tarbiyadda Carruurta

Salaadii duhur iyo qadadii markii laga soo laabtay waxaa magarafoonka lagu soo dhoweeyey Sh. Axmed Nuur oo ka hadlay mowduuca "Tarbiyadda Carruurta". Waxana uu ku dheeraaday waxyaabaha looga baahan yahay waalidka si loo barbaariyo carruurta, barbaarin wanaagsan oo waafaqsan diinta Islaamka.

Ugu horayn waxa uu waalidka ku booriyey in ay carruurtooda u horseedaan astaan wanaagsan oo ay carruurtu ku daydaan. Waxana uu yiri: Carruurta bar akhlaaqda wanaagsan, carruurta hala soo tuso meelaha wanaagsan oo uu ka qaadan karaan astaan iyo asluub wanaagsan, saaxiib wanaagsan u samee ama ha yeeshaan, bar carruurtu in ay isku kalsoonaadaan oo naftooda ku kalsoonaanadaan, ha looga digo in ay wax kasta iska raacaan. Waana in la baro in ay xurmeeyaan waalidka, deriska iwm. Carruurta waa in la baro in lala tashado si ay ugu siyaadaan maskax iyo wanaag iyo kalsooni.


Carruurta hala baro dhaqan suuban" Sh. Axmed Nuur

Xagga carruurta yaryar iyo guriga asagoo ka hadlaya waxa uu yiri: waxaa muhiim ah in wiilasha iyo gabdhaha loo kala sooco qolalka hurdada, waa in wiilasha iyo gabdha qolalka loo kala sooco ayuu hadalka ku adkeeyey, haddii xaaladu saamaxi weydo oo aan la heli karin qolal kala duwan oo ay dantu kallifto in isku qol la seexiyo waa in lagu seexiyo sariiro kala duwan. Sidoo kale waa in aan loo ogolaan in carruurtu ay isku mar musqusha wada galaan oo ku wada qubaystaan. Waa in carruurta la baro in ay idan weydiistaan marka ay gelayaan qolka Aabbaha iyo hooyada, gaar ahaan xilliyada ay ka mid yihiin cishaha ka dib, salaada subax ka hor iyo duhurka ka dib. Waa in hooyada iyo aabuhu ay muujiyaan asluub wanaagsan oo carruurtu kaga daydaan.

Carruurta haddii aad ballan u qaadid waa in aad ballantii u fulisaa, ayuu yiri Sh. Axmed Nuur, waxana uu yiri: tusaale ahaan haddii aad tiraahdo Aabbe ama hooyo haddii aad iskuulka ku wanaagsanaatid waxaas ayaa kuu gadi doonaa ama meel heblaayo ayaan ku geyn doonaa, waa in sidii ballanta ahayd loo fuliyo, si xiriirka ilmahaaga iyo adiga uu u wanaagsanaado. Waa in carruurtaadu kuu iman karaan oo waxa ay rabaan kuugu sheegan karaan, ku weydiisan karaan, waa in aan carruurtaadu kaala biqin in ay kuu sheegtaan waxa ay rabaan.

Waa in carruurta laga ilaaliyo waxyaabaha xumaanta u hor seedaya, sida joornaalada ay ku sawiran yihiin sawirada xumaanta iyo qaawanaantu ka muuqato, sidoo kale waa in si weyn looga taxadaro adeegsigooda Internetka (meelaha ay booqanayaan sida goobaha xumaanta - qaawanaanta). Waa in carruurta loo sheego wanaaga, lagana reebo xumaanta, la baro sida ay u dhaqmi lahaayeen.

Asagoo ka warama ku dayashada, waxa uu yiri: Waa in carruurta la tuso wax wanaagsan in ay ku daydaan, tusaale ahaan ka warama haddii la yiraahdo "Aabbe sigaarka ha cabbin" oo markaas canugii loo dirsado in uu kuu soo gado ama kuu soo shido sigaarka - halkaas waxaad ku bartay in uu cabi karo sigaar. Ka soo qaad in telefoon kuu soo dhacay oo aad canuga tiraahdid, Aabbe ama hooyo qofka telefoonka ka qabo oo u sheeg in aanaan joogin - halkaas waxaad ku bartay been sheegidda.

Waa in aan carruurta had iyo jeer la oran "aamus", "ha hadlin" iyo erayo liidaya, sidoo kale waa in aan aabayaashu xaqirin hooyooyinka, waayo carruurtu waxa ay qaadayaan cuqdad ka dhalata xaqiraadaas oo uu aabaha la coloobayo. Waa in aan carruurta la kala fadilin, oo la dhehin kan ayaa ugu caqli badan, kan ayaa ugu caqli xun, si aysan ugu beermin cuqdad iyo nacayb uu waalidka u qabo.

Waxyaabaha carruurta dhumiya ama ay la xumaadaan waxaa ka mid ah: furriinka oo ay aabaha iyo hooyadu kala tagaan oo qoysku burburo, saaxiibada xunxun, macallin xun, iwm ayuu yiri SH. Axmed Nuur.

Xuquuqda ay isku leeyihiin Muslimiintu


Sh. Aden Sh. C/lahi

Sh. Aaden Sh. Cabdullahi oo ah Iimaamka Masjidka Columbus Ohio, ayaa ka hadlay mowduuc ahaa 'xuquuqda ay isku leeyihiin dadka Muslimiinta ah".

Sh. Aaden waxa uu ku xeeldheeraaday muhiimada ay leedahay in lagu walaaloobo Diinta Islaamka. Diinta Islaamku waa diin naxariis oo u naxariista insaanka, sidaas daraadeed waxaa loo baahan yahay in muslimiinta loo naxariisto, ayuu yiri.

Asagoo ka hadlayaao xuquuqda ay muslimiintu isku leeyihiin waxa uu sh. Aadan Muslimiinta xusuusiyey in rasuulkeena Muaxamed (Nabadgelyo iyo Naxariis Allah korkiisa ha yeelee) in uu muslimiinta amray toddoba, kuwaas oo ah:

  1. In aan booqano qofka xanuunsan (oo niyada loo dhiso qofka jirran)
  2. Janaasada la raaco (qofka Muslimka ah ee dhintay meydkiisa la raaco oo lagu tukato salatul janaazada),
  3. Kan hindhisay ee yiraahda Alxamdu lillah in loo ducooyo oo la yiraahdo Arxamaka Allah,
  4. Kan dhaartay in aan u baarinimo samayno (tusaale haddii qof yiraahdo wallaahi waad i raaci maanta, waa in loo baarimo sameeyo oo loo yeelo waxa uu ku dhaartay si aan kafaare ugu waajib noqon - waxaa qofka loogu baarimo samaynayaa waa wixii wanaag ah),
  5. Kan laga gar daran yahay in aad u gargaartid,
  6. In la faafiyo salaanta Islaamka (As-salaamu caleykun warraxmatu Laah wa-barakaatuhu),
  7. Kan daaciga ah ee meel wanaagsan kuugu yeeray in aad aqbashid (xumaan lagu adeeci maayo qofna),


Waxaa lagu qiyaasay sabtidii in ay mu'tamarka kasoo qayb galeen 5000 oo qof

Sh. Aaden waxa uu aad ugu adkeeyey muhiimada ay leedahay in qofka Loo Jeclaado Allah dartiid. Waxana uu aad ugu xeel dheeraad muhiimada uu Islaamku siiyo in la dhawro ceebaha qofka Muslimka, asagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu xusay in rasuulkeena Muxamed (scw) uu yiri qofkii qof kale kurbo ka feyda in Allah kurbo ka feydayo. Sidoo kale qofkii ceeb qof astura Allah ayaa qofkaas ceebtiisa asturaya. Halkaas oo laga qaadanayo isxaan falka iyo in la isu gargaaro oo loo gargaaro qof Muslim ah oo baahan ama ay kurbo haysato.

Waxa uu xusay in Muslimiintii salafka haddii arrin ama ummuur ku adkaato in ay raadin jireen qof Muslim ah oo ay u gargaaraan si Allah uu ayagana kurbadas uga qaado ama u fududeeyo amuurtooda.

Xawaaladaha Soomaaliyeed.

Kaddib waxaa magarafoonka lagu soo dhoweeyey Cabdullahi Cali Shire oo wakiil ka ah xawaaladaha Soomaalida ee Minnesota urur ay dhowaan samaysteen oo la yiraahdo (Somali Financial Association), waxana uu ka arrimo la xiriira xawaaladaha Soomaalida ee Maraykanka.


Xawaalad la xirayo ma jirto" C/Laahi Cali Shire

Waxana Cabdullahi Cali Shire uu yiri: Anigoo ku hadlaya waxaawalaha Soomaaliyeed waxaan idiin sheegayaa:

  • Xawaalad xiran ma jirto, xawaalad la xirayona ma jirto - shaqadoodii sidii hore ayey ugu socotaa, keliya waxaa dhacay in bangi kamid ah bangiyada uu sheegay in uu akoonada xirayo, sida aad ogtihiin bangi wax ma xiro waxna ma furo dowlada ayaa ku kantoroosha.
  • Waxaa jira in dadkii jaah wareer lagu abuuray, dadkii ayaa la gaarsiiyey in xawaalada la xiray taas oo jaah wareer ah , arrintaas oo aan jirin, hal bangi ayaa arrinta ka hadlay taasna waa ka daba tagnay oo waxaan la hadalay senetoorada gobolka, dadka gobolka madaxda ka ahna aad ayey noola shaqaynayaan, xawaaladuhu sharci ma jebin, xawaaladaihi sidoodii ayey u shaqaynayaan, waxba iskama bedelin.

Mashruuca Abuubakar Assadiiq

Salaadii Casarka iyo casariye ka bacdi waxaa warbixin kooban laga soo jeediyey mashruuca Abuubakar Assadiiq, iyo heerarkii uu soo maray iyo waxyaabaha uu qabtay iyo waxyaabaha horyaala Mashruca. Si weyn ayaa dadkii ugu riyaaqeen warbixintas markii la sheegay in Masjidkii qaybta lagu tukaney dhismeheedii uu dhammaaday oo Jimcadii la soo dhaafay ay ahayd markii ugu horeysey ee lagu tukadey. Waxaana la xusay in qaybaha harsan oo aad u baaxad weyn laga dhigi doono qayb dugsi sare ah iyo qaybo loogu khidmeeyo bulshada.

 
C/Rashiid oo ka warbixinaya Masjidka.

Waxaa shaashada TV-ga dadweynaha laga tusay heerarka uu soo maray dhismaha Masjidka, iyo qaabka uu masjidku u dhisan yahay. Waxaana la sheegay in maalinta Isniinta (Sept 4, 2006) masjidka Abuubakar lagu qaban doono xaflad ballaaran oo lagu furayo masjidka qaybta lagu tukado oo hadda soo gabagabowdey, qaybtaas oo sida aan kor kusoo xusnay jimacdii Sept 1, 2006 lagu tukadey markii ugu horeysey.


Dhismaha Mashruuca Abuubakar As-Saddiiq ee Minneapolis


Sh. Maxamed

Sh. C/Risaaq

Kaddib waxaa guubaabo yar soo sheediyey Sh. C/Risaaq uu ku guubaabinayey dhismayaasha Masaajida iyo in la taageero dhamaystirka Mashruuca Abuubakar.

Waxaa kaddib magarafoonka lagu wareejiyey Sh. Maxamed Khadar, ugu horayna waxa uu aad u ammaanay jamaca dadweynaha Muslimiinta ee isugu yimid xarruntan kulanku ka socdey ee Minneapolis Conversion Center oo ku taal faras magaalaha (downtown Minneapolis), dadkaas oo waxa keliya oo ay isugu yimaadeen uu ahaa Islaamka oo walaaleeya (Allah dartiis), ayuu yiri. Waxana uu arrintaas ku tilmaamay nimco aad u weyn oo lagu farxo oo ay tahay in lagu shukri naqo. Waxa uu xusay in dadka tiradaas le'eg waxa keliya oo la isugu keeni karaa ay tahay Allah dartiis, waana arin u baahan in la ilaliyo, meelaha lagu ilaaliyona waxaa ka mid ah masaajidda oo la dhiso ayuu yiri.

Sh. Maxamed waxa uu aad ugu booriyey in wixii Allah mujtamacan siiyey ay ugu deeqaan Mashruuca ABuubabar Assidiiq ee mujtamacaan u baahan sidii uu si rasmi ah ugu hir geli lahaa qaybaha dhiman.

Mashruuca Abuubakar , sida aan kor kusoo xusnay, waxaa hadda dhamaystiran qaybta lagu tukado, waxaase haray qayb aad u baaxad weyn oo la qorshayno in laga dhigo dugsi sare.

Sh.Maxamed Khadar waxa uu yiri yaa tageeraya Masjidka, isla markiiba gabar ayaa gacanta u taagtey in ay bixin doonto $5000 oo doolar, hal mar ayaa dadkii oo dhan yiraahdeen "Allahu Akbar", si weyn ayaana gabadhaas loogu duceeyey, duco dadkii meesha fadhiyey ka qiiraysiisay. Maasha Allah, ayaa mujtamacii Muslimiinta ahaa ee lagu qiyaasay 5000 oo qof ee Mu'atamarka sabtidii ka soo qayb galay ay ugu duceeyeen.

Ducadaas kaddib gabar kale ayaa gacanta u tagatey in ay ayaduna $5000 oo doolar ugu deeqday mashruuca Abuubakar, sidii oo kale ayaa maashaa-Allah iyo duco la daba dhigay gabadha labaad. Waxaa xigsadey gabar saddexaad, iyo gabadhii Afraad, shanaad, iyo tii lixaad iyo tii toddobaad oo min $5000, wixii halkaas ka dambeeyey dad badan ayaa ballan qaaday in ay mashruucaad Abuubakar taageerayaan, waxana yididiilo weyn gashay mujtamaca Muslimiinta ee ku dhaqan Minneapolis in ay meel ka muuqan karaan, waxna qabsan karaan, wixii ay wadajir ugu dhaqaaqaana ay miro dhal noqon doonaan.

Taasi waxay ahayd Sabtidii, laakin markii mu'tamarkii la isugu soo laabtay maalintii saddexaad ee Axada (Sept 3, 2006), ee uu Sh. Khaalid Yaasiin sida aan kor kusoo xusnay uu Muslimiinta weydiiyey "yaa mashruuca Abuubakar wax ku darsanaya, oo Allah dartiis ula baxaya", ayaa qof mu'tamarka fadhiyey waxa uu sheegay in uu mashruuca ugu deeqay $10,000 (toban kun oo doolar) - takbiir ayaa hal mar dadkii la soo boodeen. Waxaa markaas qof kale ku deeqay $5000 (shan kun oo doolar), 7 qof ayaa ku deeqay min $3,000, sidoo kale 9 ayaa ku deeqay min $2,000. Waxaa kale oo min $1,000 doolar bixiyey 26 qof. Waxaa min $500 bixiyey 75 qof. Waxaa min $300 bixiyey 44 qof. Waxaa min $100 bixiyey 127 qof. Isku darkuna waxa uu noqday $149,400.


Shaashadda oo laga muujiyey inta lacag ay Muslimiintu ugu deeqeen Abuubakar, Axada, Sept 3, 2006

Waxaana muuqaya in mashruuca Abuubakar oo u baahan lacag dhan lix Malyuun oo doolar in uu weli sugayo Muslimiinta si loo dhamaystiro oo uu u noqdo dhaxal u yaal Muslimiinta. Waxaana arrin xusid mudan ah in dhismaha masjidka inta dhamaystiran iyo iibinta booska ay gacan weyn ka geysteen Muslimiinta deggan Woqooyiga Ameerika, gaar ahaana Muslimiinta Soomaalida u badan ee daggan magaalooyinka mataanaha ee Minneapolis iyo St. Paul ee gobolka Minnesota, arrintaas oo ku dayasho mudan. Si aad wax badan uga ogaatid mashruuca Abuubakar, booqo Halkan.

Muslimiinta kale ee ku dhaqan Minnesota oo sannadkan ka soo qayb galay Mu'tamarka, maadaama lagu soo kordhiyey luqadaha Ingiriisiga, Carabiga iyo Oromada, ayaa aad ugu farxay ka soo qayb galka kulan diineedkan Muslimiinta W/Ameerika. Waxaa la oran karaa Muslimiinta deggan Canada iyo Maraykan uma kala harin kulanka sannadka 2006.

Keith Ellison for U.S. CongressKulankii Sabtida waxaa yimid musharaxa aqalka odayaasha ee Maraykanka (US Congress), waa nin Muslim ah oo magaciisa la yiraahdo Keith Ellison, waxa uu muslimiinta xusuusinayaa in ay codkooda asaga siiyaan maalinta ay taariikhdu tahay September 12, 2006 doorasha hore ee tartanka aqalka odayaasha maraykanka.

SomaliTalk.com oo fursad u heshay in ay su'aal gaar ah weydiiso Keith Ellison ayaa su'aashu ahayd "Haddii lagu doorto maxaad u qaban doontaa ama u ballan qaadeysaa in aad u qabaneysid Soomaalida". Waxana uu ku jawaabey: Waxaa ka shaqaynaya nabadda, waxaan ku dadaalayaa dhawrida xuquuqda shacabka (civil rights), waxaan Soomaalida kala shaqaynayaa xagga Immigration-ka iyo qaadashada dhalashada (citizenship), iyo yaranta waqtiga dheer ee la sugayo immigration-ka iyo caddaalad samayn xagga dhaqaalaha - halkaas asagoo sharaxayana waxa uu yiri waagii hore hal qof ayaa biili kari jirey qoys ka kooban shan qof, laakiin taasi hadda suurta gal ma ahan, waxaana kala tegey daqabqadihii, dadkii fiqiirka ahaa ee Maraykanka waa sii fiqiirayaan dadka qaniga ah waa sii taajirayaan, waxaan ku dadaalayaa in aan taas wax ka qabto ayuu yiri, isagoo aad ugu niyad san in Soomaalida haysta dhalashada Maraykanka ay Sept 12 asaga u codayn doonaan.

Kulanka lixaad ee Muslimiinta Woqooyiga Ameerika waxaa goob joog ka ahaa telefishanada Soomaalida Minnesota ee kala ah: (Eeg sawirada weriyayashooda hoose).


Siyaad Saciiid Saalax (Som-TV) Minnesota oo duubaya Mu'tamarka


Xaayow (Somalimedia oo mu'tamarka TV ka duubaya)

Barxadda xarunta uu ka socdey mu'atamarku waxaa lagu soo bandhigay kutub, buugaag, cajalad, CD, DVD iyo macluumaad badan oo xambaarsan cilmi. Maktabadaha macluumaadkaas soo bandhigay waxaa ka mid ahayd maktabada An-Nuur oo ku taal xafada Cedar ee Soomaalidu u badan yihiin ee Minneapolis. Sawirka hoosena waa kutubtii , Cajaladihii ay soo bandhigtay Maktabada An-Nuur.


 CD/DVD-yada ay soo bandhigtay Maktabada An-Nuur

Faafin: SomaliTalk.com | Minneapolis, MN, September 2, 2006