Damiir
Xumada Somalida iyo Damaashaadka Xabashida
Qore:
Maxamud X. Cilmi
Columbus, Ohio
elmiyare@yahoo.com
Taariikdu waa maaddo muhiim u
ah ciddii kaydsataa. Waa macallin dadka baro kala doorashada
go’aannnada iyo talooyinka. Waa iftiin bidhaansha aayaha iyo
mustaqbalka, kana diga soo noqnoqoshada qaldaadka. Bulsho
walbana xasuusteeda taariikheed inta ay gaarsiisantahay ayay
odoroskooda mustaqbalna gaarsiisanyahay.
Waxaa nasiib darra ah
taariikhdoo ah udub-dhexaadka hoggaansha dunidu idaylkeed, in ay
Somalidu qiimaynin kana faa’iidaysanin. Ilowshaha dhowida
taariikhda iyo dayicittaankeeda ayaa ah curiyaha koobaad ee
nadhigtay meesha aan naallo maanta. Waxay Somalidu hilmaamaan
markasto cadowgooda taariikhiga ah, soona jiray mudada aad u
dheer. Markii loo kuurgalo dacdooyinkii dhexmaray Xabashida iyo
Somalida ayaa waxaa muuqanaya xasuus darrida waafiga ah ee
Somalida, taasina waxay u sahashaa cadowga in uu had iyo goor
weerar gaadma aha ku soo qaado.
In kastoo ay Somalidu u
badantahay maqane hilmaanbadan, haddana waxaa jiray rag garasha
dheer; dadkooda, dalkooda iyo diintoodana jeclel, una taagnaa
difaacooda. Xabashida oo markasta diyaar u ah dhibaataynta
Somaliyeed ayaa waxaa dagaal la galay Imaam Axmed Gurey waqti
laga joogo ku dhowaad 500 oo sano, asaga oo ka difaacayay
dulmiga Xabashidu ku haysay shacabka Somaliyeed. Sidookale,
markii Xabashidu ka qayb gashay shirkii guumaystayaashii reer
Yurub ku qaybsadeen Afirca dabayaaqadii qarnigii 18aad waxay
codsatay in Somaliya idaylkeed qayb loosiiyo ayaga si ay u
gumaystaan taasoo sababtay in lasiiyo gobalka Somali Galbeed ee
haatan ku hoosnool. Markii laqaybsaday Somaliya, guumayste
midabyo badanna ku habsaday, waxaa taa diiday kana dhiidiyay
aabihii halganka xornimada Somaliyeed, Sayid Maxamed Cabdalla
Xassan iyo Daraawiishtiisi oo gumaystihii Xabashida iyo reer
Garbeekabo ku qaaday dagaal hubaysan.
Inkastoo wax-garadka Somaliyeed
ay u taagnaayeen iska caabinta cadowgooda, hadana waxaa taa
fashilaayay marwalbo wax magaradka illowsha dhow ee Somaliyeed
oo cadowgooda iyo xabiibkooda kala garan karin. Fashilkastana
wuxuu u horseedayay cadowga in uu gaaro ujeedooyinkiisa taasoo
keentay in Xabashidu xoog ku qaadatay qaybta wayn ee kamidka
dhulka Somaliyeed (Somali Galbeed).
Dhulka ay qaadatay iyo xasuuqa
ay rayidka Somaliyeed ku hayso waxaa u sii dheeraa in ay
Xabashidu mar-kasta weerar ku ahayd guud-ahaanbo Somaliwayn.
Waxay Xabashidu weerar ku soo qaaday ciidda Somalia 60meeyadii,
in yar kadib xornimadii. Waxay markale weerar kaa lamid ah ku
soo qaaday 70meeyadii taasoo sabatay dagaalkii waynaa ee 77kii.
Wakhtiyadaa waxaa la’oran karaa Somalidu sidaan way yar dhaameen,
Xabashidana waxay la kulmi jirtay iska caabin meesha ay maanta
lakulmaan soo dhowayn kal iyo laab’ah.
Mar kale waxay Xabashidu weerar
gaadma ah ku qaaday 80taneeyadii dhul ballaran oo Somaliyeed oo
ay kamid ahaayeen Balanballe iyo Goldogob. Walow uu dhibaatada
cadowga wada saameeso guud ahaan ummadda Somaliyeed ee isku
tolanka ah, haddana si gaar ah wuxuu u aafeeyaa dadka deegaankaa
hadbo jooga. Bulshadu waxay dhedhemisay xanuunka iyo
cadowtinimada Xabashida oo aan naf iyo maal midna u hambayn.
Sanadii 1996, ayaga oo ka
faa’iidaysanaya burburkii qarankii Somaliyeed, ayuu cadawgu
haddana weerarro naxariis la’aanta ah ku qaaday goballa badan oo
ay kamid yihiin Gedo, Bay iyo Bakool, kuna xassuuqay boqollaal
muwaadiniin Somalia ah oo horay ula ildaranaa dhibaatooyinkii
dhaxdooda ahaa. Waxaa intaa usii dheeraa in dalka intiisa kale
uu ahaa meel Xabashidu kontoroosho kana ugaarsato waxgaradka
tirada yar ee Somaliyeed. Waxaa ah mid laga naxo in ay Xabashida
marwalbo adeegsanayeen madaxkusheeg Somaliyeed.
Balse, waxaa xusid mudan in mar
kasta Somalidu ku kala aragti duwanaayeen weerarada xad-gudubka
ah ee cadowga ku hayaan Somalia. Qaar ayaa dareensanaa mar walbo
in diintooda, dalkooda iyo naftooda weerar lagu yahay iskuna
dayay in ay difaactamaan intii karaankooda ah, meesha ay kuwa
kalana u arkaan markasto in Xabashidun tahay xabiibkooda khaaska
ah.
Dhanka kale, malaha
mayd-garaaca ay Xabashidu la beegsatay shacabka horay u
il-darnaa, waxaybo ahayd mid ay ugu dabaaldegayso guusha u soo
hoyatay ee ah burburka ku habsada cadawgoodii dabiiciga ahaa ee
Somaliyeed iyo awoodda ay u heleen in ay kayeelaan sida ay
raabaan. laakiin nasiib darro Somalidu sidaa uma aysan garan.
Taasina waxaa sabab u ah khaladka iyo dambiga laga galaya
taariikhda maguuraanka ah, waxayna si cad kuu tusaysaa dammir
xumada iyo hilmaanka dhow ee Somaliyeed iyo damaashaadka
aminlaha ah ee Xabashidu ku waliimaysato dhiiga shacabka
Somaliyeed iyo gumaadkooda.
Inta waxaan ku dhaafayaa
taariikhdii laga soo gudbay iyo sida loogu tacadiyay. Waa tagto
daaye timaaddo qabo, wixii dhacayna waa dheceen. Su’aashu se
waxay tahay, maxaa laga bartay oo laga waantoobaa maanta iyo
barribo? Wakhti ay Somalidu Sidaan dhaantay ayuu abwaan ku
sifeeyey geeraarkaan kooban. wuxuu yiri:
- Somalooy dhegalooy
- Dhagaxa tii ka adageey
- Taan meel dheer dhowrineey
- Dhibaata uu cadow ku
dhigay dhaqaala u qaadatowy
- Walaalkeed dhiigiyo
dhexdeeda u dhiiraney
- Waxbo dhalanteed cidla ah
qaliga yuu idindhibie
- Dhaqaaq baa nala gudboon….
~~~ Carays Ciise Kaarshe (Naxariistii
Janno Allaha Siiyee)
Akhriste, bal eeg meesha haatan
xaalku marayo iyo waxa laga dhaxlay taariikhdii sooyaalka ahayd
Somaliyeed. Maalin aan sidaa u sii dheerayn ayaa waxaa hadlay
waziir Somaliyeed oo dafirayay Xabashida dalka lagu soo
hoggaanshay. Wuxuu yiri (waxay ay dadku arkeene xabashida
moodayaan waa ciidanka Xoogga Dalka Somaliyeed oo qaba dharka
ciidamada Ethiopia). Waxay ciidamada Xabashidu haatan xaadir ku
yihiin goballada dalka badankood oo ay ka mid-yihiin: Gedo, Bay,
Bakool, Hiiraan, Galguduud, iyo Mudug, inta kalana qattar ayay
ugu jiraan in ay u gacan-galaan. Maanta, cadawga intuu soo
dhaafay weerar uu qaado iyo xudduud gooyo, ayaa wuxuu marayaa in
uu si toos ah ugu hadlo afka Madaxwaynaha, Ra’iisul Wazaaraha,
iyo waziirada Somaliyeed badankood.
Sikastabo ha’ahaatee, Su’aalaha
mudan in la’iswaydiiyo ayaa waxay yihiin: Goormay Somaliya iyo
Ethiopia heshiiyeen? Maxaa lagu xalliyay khilaafaadkii dabiiciga
ahaa, maguuraanka ahaa ee ku salaysanaa dhulka iyo kala
duwanaashaha diinmaha. Goormayse billaabatay kalsoonida gaartay
in labiska lakala tubal caaraysto?
Waxaa marag madoonta ah in
uusan dhicin heshiis, qadiyaddiina sidii u taagantahay,
cadaawaddii Xabashida iyo dal-ballarsigeedina sidii ka
daranyahay, balse midda jirtaa waxay tahay in Somalidu guud
ahaanbo hilmaantay wixii lasoo maray.
Ugu dambayntii waxaan kula
talinayaa shacabka Somaliyeed in ay hurdada ka kacaan, kala
gartaan cadowgooda iyo saaxiibkooda, cidda dantooda ka taliso
iyo cidda hagar-daaminayso. Waa in ay dib ugu laabtaan
taariikhda kana cabir-qaataan. Waa in ay isku tashadaan
ogaadaanna qattarta lala maagganyahay.
Waa mahdasantihiin,
W. C.W.W.
Maxamud X. Cilmi
Columbus, Ohio
elmiyare@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa
leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Sept
13, 2006