Wararkii: Sept 12, 2006
Liibiya: Saddex Wafti oo Soomaali ah oo ka Qayb
Galay Shirkii Midowga Afrika
- Saddex wafdi oo Soomaali ah oo ka soo wada qeybgalay
shirka sanadguurada sagaalaad ee ka soo wareegatay aas
aaski midowga Africa oo ka dhacayey magaalada sirta ee
dalka libya, sedaxda wafdi oo kala ah dowlada fkg ee
soomaaliya, maxaakiimta islaamka iyo madaxweynihii hore
ee tngda carte..
Tacsi tiiraanyo leh: Marxuum
.ustaad Cali maxamed cabdulle oo ku geeriyoodey
1-Saciid axmed cali Antenno
2-dr:maxamed ibraahin waasuge
3-Dr;abuukar baraxow
4-c/casiis maxamed ciise
5-dr:Axmed guure
6-eng;C/samad maxamed ibraahin king
7-Dr;c/mujiib maxamed ibraahin
8-macalin xasan cismaan
9-suhuur qaasim ibraahin
10-Dr;muuse xabad raageiyo dhamaan jaaliyada soomaaliyeed ee dalka libya
waxay u tacsiyeynayaan dhamaan qaraabadii iyo awlaadii
uu ka geeriyoode gaar ahaan waan u tacsiyadeynaynaa
Dr:xuseen maxamed cabdulle (xuseen wadaad )Geeridii
naxdinta lahayd ee ku timid walaalkiis ,Marxuum
.ustaad Cali maxamed cabdulle oo ku geeriyoodey biyaha
medatrenean sea dushooda ,Inaa lilaahi wa inaa ilayhi
raajicuun ilaah janadii fardowso ahayd haka waraabiyo
Aamin Aamin Aamin
Qore:
saciidanteno@yahoo.com
|
Waxaa Isniintii kula kulmay hotelka uu degen yahay
ee mahari hotel Ergayga gaarka ah ee Arimaha Caalamiga
iyo Dib u heshiisiinta ee Madaxweynaha dowlada
federalka kmg ee soomaaliya , Mudane:C/rashiid Aadan
Seed(Qoor).
Ergayga oo ii waramayay ayaa ii sheegay in ay goobta
shirka sanad guurada sagaalaad ay wada fadhiyeen
saddex wafdi oo ay kala hoggaaminayeen guddoomiyaha
maxkamadaha islaamiga ah sheikh shariif sheikh Axmed,
madaxweynihii hore Dr:C/qaasim salad xasan ,& Wafdiga
dowlada federaalka kmgka ah oo aan anigu u matalayey,
waxaa igu wehliyey shirka Safiirka soomaaliya ee u
fadhiya dalka libya mudane:Maxamed xuseen maxamed
ilkadahab, shirka waxaa si rasmi ah u fadhiyey dowlada
federalka kmg ah, wafdiga kalena waxay fadhiyeen kuraasta loogu talo galay marti sharafta.
Shirka
madaxdii ka soo qeyb gashay gaar ahaan madaxweynaha
suudan jeneral. xasan cumar al Bashiir waxuu sheegay in
aysan ka hari doonin geedi socodka nabada ee
soomaaliya isla markaana uu u rajeeyey in ay
soomaaliya ay noqoto dal hal hogaan leh, waxuu sidoo
kale taageeray shirkii Khartoum ee dowlada iyo
maxaakiimta islaamka ee ka dhacay dalkiisa, sidoo kale
waxaa halkaas joogay raiisul wasaraha dalka Ethiopia
meless sinawi oo asagana si gaar ah uga hadlay arimaha
soomaliya weliba kulan kala yeeshay madaxweynaha
martida loo yahay ee libya mucaamar al qadaafi si uu u
xaliyo khilaafka soomaaliya madaxweynaha libya.
Ra'iisul wasaaraha Ethiopia ayaa taageeray roolka ay jaamacada carabta ka ciyaartay Arimaha soomaaliya.
Ergayga ayaa ii sheegay in uu shirkan ka casuunaa
madaxweynaha soomaaliya mudane:C/laahi yuusuf axmed
balse buu yidhi uga baaqdey sababo la xiriiro
dhacdadii ka dhacdey Baydhabo iyo buu yidhi kalsooni
siinta xukuumada cusub oo baarlamanka la horgeynayo.
Madaxweynaha dhanbaal aan ka sidayna waxaan garsiiyey
dhigiisa madaxweynaha libya wuuna iga gudoomay
dhanbalkaas, ayuu yiri, madaxweynaha ayaa laga yaabaa marka uu
ka soo dhamaado kulanka baarlamanka in uu soo maro
hadii uu soo mari waayana waxuu soo mari doonaa marka
uu ka soo laabto kulan sanadeedka fadhiga golaha loo
dhanyahay ee Qaramada midoobay ee fadhigiisu yahay New
york oo uu ka qeyb geli doono madaxweyne C/laahi
yuusuf.
Ergayga gaarka ah ee madaxweynaha ayaa wada dadaal
dib u heshiineed ee uu ku doonayo sidii ay isugu soo
dhawaan la haayeen dowlada iyo maxaakiimta islaamiga
ah balse lama oga in ay kulmi doonaan iyo in kale
wallow uu weli ku sugan yahay wafdiga uu horkacayo
gudoomiyaha gudiga fulinta maxaakiimta islaamiga ah
mudane sheikh shariif sheikh axmed magalada sirta oo
uu gaar u deggan yahay madaxweynaha libya.
Wararka aanu
ka helnay ilo ku dhaw dhaw dowlada libiya ayaa sheegaya
in uu wado madaxweynaha libya dadaal uu ku doonayo
sidii uu usoo afjari lahaa khilaafka u dhaxeeyo
maxaakiimta iyo dowlada federaalka ah ,ay ahaydna
sababta uu u casuumay madaxda maxkamadaha islaamiga ah
iyo Wafdi uu horkacayo c/qaasin salad xasan ee soo garay
Tripoli iyo kan dowlada federalka ah, waxayna wada
deggan yihiin labada wafdi hal hotel, Kulanka madaxda maxaakiimta iyo madaxweynaha libya
ayaan la ogeyn maalinta uu dhacayo rasmi ahaan balse
la qorsheynayey in mar qura ay wada fariistaan dowlada
iyo maxakiimta laakiin ay suurto gal noqon weysay ka
dib markii uu baaqdey madaxweynaha soomaaliya howlo
shaqo oo xasaasi ah daraadood sida uu ii sheegay
ergaygiisa gaarka ah mudane Qoor.
Saciid axmed cali(Antenno)
Tripoli libya | SomaliTalk.com
saciidanteno@yahoo.com
Observer: Dowladda Mareykanka iyo DFKMG oo doonayey in ay iska
kaashadaan..
»Furitaankii
Jaamacada Kismaayo ee Sannad Dugsiyeedka
»Tartan
Kubbada Miiska ah oo u furmay Gobalka Banaadir
»Shariif
Xasan iyo wafdi uu hogaaminayo…
»Dowladda
Liibiya oo aad uga carootay …
»Xulka
Qaranka Soomaliya oo looga bediyey…
»Hay'adda
Danwadaag oo buugaag ugu deeqday dugsiyo..
»Madaxweyne
C/laahi Yuusuf oo gaashaanka ku dhuftay..
»Xukuumaddii
Prof. Geeddi oo la horgeynayo baarlamaanka
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Sept 11
Minnesota: Coleman oo Cambaareeyey
dabkii Masjid Abuubakar ee Minneapolis
Tartan Kubbada Miiska ah oo u furmay qaar ka
mid ah Dugsiyada Gobalka Banaadir
Waxaa dhawaan Garoonka Dugsiga Al-Farxaan ka furmay tartan ay ka qaybgalayaan 7
dugsi oo ka kala socoda dugsiyada Gobalka Banaadir, waxa uuna tartankaasi yahay
hoyraalka K/miiska ee Dugsiyada Gobalka Banaadir, waxaana furitaankii
tartankaasi ka qaybgalay mas’uuliyiin ka socotay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed
oo uu horkacayay Kusimaha Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed C/qaadir
Ibraahim Gacal Abkow, waxaana ka mid ahaa mas’uuliyiintaasi Guddoomiye ku
xigeenka Olombikada Xaaji Cabdi Cilmi Warsame, Xoghayaha Xiriirka Soomaaliyeed
ee Olombikada C/llaahi Axmed Tarabi iyo Guddoomiyaha Xiriirka K/miiska Mudan
Aadan Korow, waxaana ugu horeyntii halkaasi warbixin ka soo jeediyey maamulaha
Iskuulka Al-farxaan Mudane C/llaahi Xasan Max’ed (Bikole), waxa uuna u
mahadceliyay guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo Xiriirka Soomaaliyeed ee K/miiska
oo uu sheegay in la’aantood uusan qabsoomi lahayn tartankaani, sidoo kale waxaa
ka hadlay Guddoomiyaha K/miiska Mudane Aadan Korow oo sheegay in Xiriirka
Soomaaliyeed K/miiska uu mar kasta diyaar u yahay in uu qabto tartamada noocaan
oo kale, oo uu sheegay in ay ka soo bixi karan dhallinyaro mustaqbal ku leh
cayaarta K/miiska, waxaana ugu dambeyntii cayaartaasi kusimaha Guddoomiyaha
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed C/qaadir Ibraahim Gacal (Abkow) oo la dardaarmay
ardaydii ka qayb galeysay tartankaas in ay la yimaadaan Cayaar wanaag iyo asluub,
waxaana cayaartii ugu horeysay lagu furay Muno iyo Faadumo, waxaana cayaartaas
ku guuleystay Muno oo ka socotay Al-Farxaan.

Xagga wiilasha waxaa wada cayaaray.
Al-Farxaan Vs Mogdisho Primary & Secondary School 2-0
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com
Furitaankii Jaamacada Kismaayo ee Sannad
Dugsiyeedka 2006/2007
Kismaayo (aslaamu calaykum): Waxaa maalintii
Khamiista kadhacay magaalaada Kismaayo xaflad ballaadhan oo lagu maamuusayay
furitaanka sannad daraasiga cusub 2006/2007 ee jaamacada kismaayo .
Xafladaa oo ay ka soo qayb galeen dad aad u
badan oo ka kooban dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada kismaayo.
Xafladaa waxaa furay gudoomiyaha magaalada
kismaayo Xaaji Daahir oo mahad celin u soo jeediyay dadaalka ay wadaan maamulka
jaamacada kismaayo.

 
Waxaa kale oo halkaa ka hadlay ku xigeenka
ra'iiska jaamacada ustaad Xasan Jaarane oo sharraxaad dheer ka baxshay
barnaamijka jaamacada ee kala duwan.
Qoraalkaan kala xiriir:
towfiiiq@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 12, 2006
Akhri: Warqaddii uu Coleman u
Diray Masjidka Abuubakar
Qaramada Midoobey oo sheegtay iney xafiisyo ka furaneyso
Muqdisho
»Ma
dhab baa in Miless Sanawi, C/llahi Yuusuf & Sh. Xasan
»Daahir
Riyaale oo ka codsaday Males Sanawi in uu joojiyo…
»Xulka
Qaranka Soomaaliya oo galabta la ciyaaraya xulka …
»Ciidamada
Maxaakimta oo nin ku dilay Xaafadda Black Sea.
»Warsaxaafadeed
kasoo baxay Xisbiga Ramaas...
»Dadwayne
ay ciidammada gumaysigu xidhxidheen...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Sept 10
|