SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Sept 11, 2006

  • Observer: Dowladda Mareykanka iyo Dowladda Federaalka oo doonayey in ay iska kaashadaan..
  • Furitaankii Jaamacada Kismaayo ee Sannad Dugsiyeedka 2006/2007
  • Tartan Kubbada Miiska ah oo u furmay qaar ka mid ah Dugsiyada Gobalka Banaadir
  • Shariif Xasan iyo wafdi uu hogaaminayo…
  • Dowladda Liibiya oo aad uga carootay …
  • Xulka Qaranka Soomaliya oo looga bediyey…
  • Hay'adda Danwadaag oo buugaag ugu deeqday dugsiyo ku yaala Puntland
  • Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo gaashaanka ku dhuftay casuumaad kaga timid dhiggiisa madaxweyne Qadaafi
  • Xukuumaddii Prof. Geeddi oo la horgeynayo maalinta Arbacada fadhiga baarlamaanka
  • Xubnihii Dawlada Federalka KMG ah uga qayb galay shirkii Khartuum oo galinkii danbe ee shalay ku soo laabtay baydhabo.
     

  • Warqaddii uu Coleman u Diray Masjidka Abuubakar

Dowladda Mareykanka iyo Dowladda Federaalka oo doonayey in ay iska kaashadaan.,

Jariirada The Observer oo arrintaasi kashiftay

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com


Wargeyska The Observer oo ka soo baxa Dalka Ingiriiska ahna wargeysyada sida aadka ah looga akhristo dunida ayaa waxa uu daboolka ka qaaday in ay soo gaareen Iimeelo iyo Fariimo uu ka helay shaqsiyaad caan ah kuwaas oo la xiriiray howlgalo Mareykanku damacsanaa in uu ka fuliyo gudaha Dalka Soomaaliya, kaas oo uu kala kaashaneyey Dowladda Federaalka ee taagta daran, waxa uuna Mareykanku doonayey in uu duqeeyo fariisimo ay lahaayeen Maxaakiimta Islaamiga ah.

Fariimaha soo gaaray Wargeyska The Observer waxay ku taariiksanaayeen bishii June ee sanadkaan, waxaana hawlgaladaasi ku jiray shirkado dhinaca ammaanka qaabilsan oo ka kala socday Wadamada Mareykanka iyo Ingiriiska, mid ka mid ah fariimada Iimeelada ayaa waxaa diray haweenay lagu magacaabo Michele Ballarin oo iyadu agaasin ka ah shirkad qaabilsan dhinaca ammaanka oo fadhigeedu yahay gobalka Virginia oo lagu magacaabo Select Armor. Michele Ballarin waxay fariimahaas iimeelada ah u kala dirtay shaqsiyaad ay ka mid yihiin Cris Farina oo ka mid ah shirkad ammaanka qaabilsan oo lagu magacaabo ATS Worldwide oo saldhigeedu yahay gobalka Florida, waxayna u sheegtay in kulan ay la yeelan doonaan Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed kaas oo ka dhici lahaa Magalada Nairobi ee Dalka Kenya, waxaana madaxweynaha laga dhageysan lahaa warbixino la xiriira dhaqdhaqaaqa kooxaha argagixisada ee ka jira Gudaha Soomaaliya, waxaa la sheegay in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu sidoo kale kulan la yeeshay Sarkaal ka socday Qaramada Midoobey iyo waliba xubin ka tirsan Shirkad amniga ka shaqeysa oo ka laga leeyahay Dalka Ingiriiska.

Dhanka kale Michele Ballarin waxay daboolka ka qaaday in ay hawgaladani ay wax ka ogeyd Hay’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA-da. Wargeysku waxa uu sheegay in hawgaladan uu Mareykanku ka damacsanaa in uu taageero ku siiyo Dowladda Federaalka ee Taagta daran ee fadhigeedu yahay Magaalada Baydhabo.

Furitaankii Jaamacada Kismaayo ee Sannad Dugsiyeedka 2006/2007

Kismaayo (aslaamu calaykum): Waxaa maalintii Khamiista kadhacay magaalaada Kismaayo xaflad ballaadhan oo lagu maamuusayay furitaanka sannad daraasiga cusub 2006/2007 ee jaamacada kismaayo .

Xafladaa oo ay ka soo qayb galeen dad aad u badan oo ka kooban dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada kismaayo.

Xafladaa waxaa furay gudoomiyaha magaalada kismaayo Xaaji Daahir oo mahad celin u soo jeediyay dadaalka ay wadaan maamulka jaamacada kismaayo.


Waxaa kale oo halkaa ka hadlay ku xigeenka ra'iiska jaamacada ustaad Xasan Jaarane oo sharraxaad dheer ka baxshay barnaamijka jaamacada ee kala duwan.
Qoraalkaan kala xiriir:
towfiiiq@hotmail.com

Tartan Kubbada Miiska ah oo u furmay qaar ka mid ah Dugsiyada Gobalka Banaadir

Waxaa dhawaan Garoonka Dugsiga Al-Farxaan ka furmay tartan ay ka qaybgalayaan 7 dugsi oo ka kala socoda dugsiyada Gobalka Banaadir, waxa uuna tartankaasi yahay hoyraalka K/miiska ee Dugsiyada Gobalka Banaadir, waxaana furitaankii tartankaasi ka qaybgalay mas’uuliyiin ka socotay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed oo uu horkacayay Kusimaha Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed C/qaadir Ibraahim Gacal Abkow, waxaana ka mid ahaa mas’uuliyiintaasi Guddoomiye ku xigeenka Olombikada Xaaji Cabdi Cilmi Warsame, Xoghayaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Olombikada C/llaahi Axmed Tarabi iyo Guddoomiyaha Xiriirka K/miiska Mudan Aadan Korow, waxaana ugu horeyntii halkaasi warbixin ka soo jeediyey maamulaha Iskuulka Al-farxaan Mudane C/llaahi Xasan Max’ed (Bikole), waxa uuna u mahadceliyay guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo Xiriirka Soomaaliyeed ee K/miiska oo uu sheegay in la’aantood uusan qabsoomi lahayn tartankaani, sidoo kale waxaa ka hadlay Guddoomiyaha K/miiska Mudane Aadan Korow oo sheegay in Xiriirka Soomaaliyeed K/miiska uu mar kasta diyaar u yahay in uu qabto tartamada noocaan oo kale, oo uu sheegay in ay ka soo bixi karan dhallinyaro mustaqbal ku leh cayaarta K/miiska, waxaana ugu dambeyntii cayaartaasi kusimaha Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed C/qaadir Ibraahim Gacal (Abkow) oo la dardaarmay ardaydii ka qayb galeysay tartankaas in ay la yimaadaan Cayaar wanaag iyo asluub, waxaana cayaartii ugu horeysay lagu furay Muno iyo Faadumo, waxaana cayaartaas ku guuleystay Muno oo ka socotay Al-Farxaan.



Xagga wiilasha waxaa wada cayaaray.
Al-Farxaan Vs Mogdisho Primary & Secondary School 2-0

Shariif Xasan iyo wafdi uu hogaaminayo…

Waxaa maalintii shalay ahayd Magaalada Baydhabo dib ugu laabtay Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aada, waxaana safarkiisa ku wehliyey xubno ay ka mid ahaayeen Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Max’ed Ibraahim Xaabsade oo dhawaan dowladda ugu baaqay inay isaga guurto Magaalada Baydhabo, kaddib markii ay xasuuq ka gaysatay garoonka Diyaaradaha.

Shariif Xasan oo ka qaybgalay kulankii lagu dhex dhexaadinayey dowladda Federaalka iyo Golaha Maxaakiimta ee ka dhacay Magaalada Khartuum , kaas oo ay ka soo baxeen dhowr qodob oo ka mid ahaayeen in la isku dhafo ciidamada labada dhinac.

Shariif Xasan ayaa maanta la filayaa in uu shir jaraa’id ku qabto Magaalada Baydhabo kaas oo uu ku faahfaahinayo kulankii ka dhacay Magaalada khartuum iyo waliba aragtidiisa ku aadan xasuuqii ka dhacay garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo, kaddib markii 4-tii Bishan uu ka dhacay dagaal. [warbixin dheeraad ah hoos ka akhri].

Dowladda Liibiya oo aad uga carootay …

Dowladda Liibiya oo ay dooneysa in ay meel isugu keento xubnaha ugu sareeya Doladda Federaalka iyo kuwa Maxaakiimta Islaamiga, ayaa hankaasi waxa uu noqday mid lagu hungoobay kaddib markii ay Dowladda Federaalka ka baaqsatay fantiyihii loo sameenayay sanad guuradii 7-aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay Ururka Midowga Afrika, waxaana xafladdii ka soo qaybgalay wafdi ka socday Golaha Maxaakiimta oo uu hogaaminayey Guddoomiyaha Fulinta ee Maxaakiimta Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Dowladda Liibiya ayaa waxay sheegtay inay aad uga xumaatay baaqashadii ay baaqdeen wafdigii ka socday Dowladdda Federaalka ee uu ka mid ahaa Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, waxayna meesha ka saartay warar ayaa baahiyeen qaar ka mid ah Saxaafadda oo sheegayay in Dowladda Liibiya aysan dhex dhexaad ka aheyn arrimaha Soomaaliya, waxaana la filayaa in ergay ka socda Dowladda Liibiya uu dhawaan soo gaaro Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay.

Xulka Qaranka Soomaliya oo looga bediyey…

Xulka Qaranka Soomaaliya oo ka qaybgalaya tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika ee da’dodu ka hooseyso 20-jirka ayaa maalintii shalay ahayd kulankoodii ugu horeeyay waxay la yeesheen xulka Ruwanda.

Cayaartaan oo ahayd mid aad u adag oo ay ka qaybgaleen dadweyne aad u fara badan, waxayna qaybtii hore ee cayaarta ku soo gebagabowday 2-0 oo ay lahaayeen Xulka Qaranka Wadanka Ruwanda. Qaybtii labaad markii la isugu soo laabtay ayaa waxaa la filayay in xulka Qaranka Soomaaliya uu is bedel la yimaado, hase yeeshee Cayaartii 90-kii daqiiqo waxay ku soo idlaatay 4-0 oo ay guushu ku raacday Xulka Ruwanda.

Cayaartaan oo ka dhacay Dalka Ruwanda ayaa waxaa xulka Soomaaliya tababare u ahaa Coonka, waxayna cayaarta labaad xulka Soomaaliya yeelan doonaan maalinta beri ah, wixii natiijo ah ee ku soo kordha dib ayaan idinkaga soo sheegi doonaa.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com


Xubnihii Dawlada Federalka KMG ah uga qayb galay shirkii Khartuum oo galinkii danbe ee shalay ku soo laabtay baydhabo.

Axadii shalay ahayd ee abaarihii 7:30 ayaa waxaa Nairobi caasimada Kenya ka soo baqoolay diyaaradii siday waftigii DFKMG ah ee oo horkayay shariif Xasan Shiekh Aadan.

Waftiga ayaa waxaa ka mid ahaa Maxamed Ibraahim Xaabsade wasiirka Gaadiidka ee dawlada wasiirka hawlaha guud iyo guriyeenta Maxamed Maxamuud Guuleed Gamadheere, Wasiirka Kaluumaysiga iyo Khayraadka bada Xasan Abishir Farax Wasiirka Gaashaandhiga ku xigaynkiisa Salaad Cali Jele, iyo xubno badan oo ka tirsan baarlaanka DFKMG ah

Waxaana waftigaan ayaa waxay gaareen galabtii axadda ahayd magaalada baydhabo ee xarunta KMG ah u ah dawlada Somalia waxaana ku soo dhaweeyay masuuliyiinta dawlada ee ku sugan halkaasi.

Wasiirka Gaadiidka DFKMG ah Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa horay u sheegay in dawlada ay isga guurto baydhabo.

Balse Ibraahim Kiish buur oo horay u hayn jiry wasaarada Gaadiidka ayaa isagu ku sugab baydhabo waxaa uu si caro ku dheehan tahay uga jawaabay hadalka xaabsade ee ah in ay dawlada ka baxdo baydhabo isaguu sheegya in hadalkaasi uu yahay mid aan laga fiirsan oo aysan ku dhameen dhamaan siyaasiyiinta beelaha deegaanka.

Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
Somalitalk Nairobi Kenya
botaan1@hotmail.com


Hay'adda Danwadaag oo buugaag ugu deeqday dugsiyo ku yaala Puntland

Hay'adda Danwadaag Reliefe And Development Organization oo fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska, kana mid ah hay'addaha madaxa banaan ee ka qeybqaata horumarinta bulsho weynta Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, abaaraha, iyo arrimaha bulshada ayaa deeq waxbarasho oo ka koobneyd Buugaag iyo qalmaan u qeybisay qaar ka mid ah ardayda danyarta ah ee wax ka barta dugsiyada waxbarashada ee ku yaala gobolada Puntland gaar ahaana magaalooyinka Gaalkacyo iyo Bacaadweyn.

Wakiilka hay'adda Danwadaag ee magaalada Muqdisho Maxamuud Max'ed Xaaji oo isagu ahaa mas'uulkii maamulada dugsiyadaasi ku wareejiyay deeqdan qalabka waxbarashada ayaa sheegay in guddoomiyaha hay'adda Danwadaag C/casiis Yuusuf Jaamac iyo weliba xoghayaha guud C/xakiin Jaamac Jooje oo iyagu ku sugan dalkaasi Ingiriiska ay ugu talo galeen qalabkan in ay waxbarashada u fududeyso ardada da'da yar ee aan awoodin inay gataan buugaagta iyo qalmaanta ay dugsiyada ku dhigtaan.

Maamuladii dugsiyada waxbarashada ee ku loo qeybiyay buugaagtaasi ayaa u mahad celiyay Hay'adda Danwadaag Reliefe And Divolopment Organization oo ay sheegeen inay isku xil qaantay sidii ay u dhiiri gelin laheyd waxbarashada ardayda Soomaaliyeed, gaar ahaana kuwa aan awooda u laheyn inay iibsadaan Buugaagta iyo qalmaanta wax lagu barto, waxaana maamulka dugsiga waxbarashada ee Barda-cad uu sheegay inay tahay hay'addii ugu horeysay ee deeq waxbarasho soo gaarsiisa dugsigan.

“Intii aan ku guda jiray qeybinta qalabkan waxbarashada, waxaan la kulmayay baahiyo kala duwan, balse baahida ugu badan ee aan so arkay waxay ka jirtay dugsiga H/dhexe ee Bacaad-weyn oo ay ka muuqatay ardadada wax kabarata diif aad u weyn iyagoo aanan heysan dhamaamba qalabkii loogu talo galay iskuul waxbarasho, sida dayactir la'aan ka jirta dhismaha iskuulka, macalimiinta dugsiga wax ka dhiga oo aan qaadan wax mushaar ah qaadan kuna shaqeeya si mutadawac-nimo ah” ayuu yiri wakiilka magaalada Muqdisho u jooga hay'addan Maxamuud Max'ed Xaaji oo intaasi ku daray in iskuulku Bacaad-weyn ay dhigtaan arday agoon u badan isla markaana ay u baahan yihiin dharka u gaarka ah waxbarasha ee Unifrm-ka.

Hay'addan Danwadaag Reliefe And Development Organization ayaa iyadu horey qeyb lixaadleh uga qeyb qaadatay gurmadkii abaaraha ee ku dhuftay gobolada Koonfurta Soomaaliya, afurinta dad danyar ah oo ku kala sugan magaaloyinka Gaalkacyo & Muqdisho, waxayna sidoo kale ka qeyb qaadatay Afurinta dadka tabarta yar ee ku nool xerooyinka qaxootiyada magaalada Muqdisho.

Qore: - Cabdixakiim Jaamaca Jooje
Social Development Adviser
saicentadv@yahoo.com

Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo gaashaanka ku dhuftay casuumaad kaga timid dhiggiisa madaxweyne Qadaafi

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
002521576666/002521653623

Madaxweynaha dowladda Federalka Soomaliya Col. C/laahi Yuusuf Axmed ayaa gaashaanka ku dhuftay casuumaad rasmi ah oo kaga timid dhiggiisa madaxweynaha dalka Liibiya Al-sayid Mucamar Al-qadaafi taasoo uu ku saabsaneyd ka qeyb galka munaasabadda weyn ee loo sameynayo sanad guurada aas-aaska Ururka Midowga Afrika iyo dib u habeynta ururkaas oo ka dhici laheyd magaalada Sirta ee dalka Liibiya.

Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed oo la soo gaarsiiyay casuumaddan ayaa waxba kama jiraan ka dhigay kaddib markii uu ka hinaasay casuumada kale ee loo fidiyay golaha maxaakiimta Islaamiga iyo madaxweynihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan oo la ologga ah golaha maxaakiimta Islaamiga oo iyagu haatan ku sugan magaalada Sirti ee dalka Liibiya kaddib markii ay maalmo ka hor halkaasi gaareen.

Warar rasmi ah oo aanu ka soo xiganay magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed uu arrintaasi darteed kaga baaqday casuumaada uu u soo diray qaa'idka liibiya kaddib markii ay kaga hormareen raggaasi dalka Liibiya, taasi oo uu ka dhigay C/laahi Yuusuf mid aan waxba ka jirin.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa in C/laahi Yuusuf Axmed uu sidoo kale ka baaqsanayo inuu tago magaalada Newyork oo ah xarunta Qaramada Midoobay ee dalka Mareykanka, halkaas oo lagu waday inuu kaga qeyb galo kulankii sanadlaha ahaa ee ururka Qaramada Midoobay ay sanadkiiba mar isugu yimaadaan, iyagoo sanadkii ugu dambeeyayna madaxweyne c/laahi Yuusuf Axmed si rasmi ah uga qeyb galay kulankaas, balse haatan aan laga yaabin inuu ka qeyb galo kulankan oo dhici doona 19ka bishan sida la rajeynayo.

Arrintan iyada ah ayaa loo arkaa inay sii kala fogeyneyso rajada weyn ee laga qabay in Midowga maxaakiimta Islaamiga ah iyo dowladda Federalka ay isu soo dhowaadaan iyadoo sida la ogyahayna tiro labo jeer kulan fool ka fool ah ku kulmay wafdi ka socday labada dhinac, balse haatan ma muuqato wax rajo ah oo laga qabi karo in heshiisyadii la saxiixay ay fulaan mar haddii uu jiro khilaaf cad oo muuqda oo u dhexeeya labada dhinac.

Si kastaba ha ahaatee oday C/laahi Yuusuf ayaa si weyn u saluugsan heshiis ka yimaada dhinaca maxkamadaha Islaamiga, wuxuuna gaar ah uga didsan yahay ninka sidiisoo kale korneylka ah ee Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ay mar hore siyaasadda ku coloobeen xilligii ugu dambeeyayna uu kaga gacan sarreeyay dagaal uu la galay.

Xukuumaddii Prof. Geeddi oo la horgeynayo maalinta Arbacada fadhiga baarlamaanka

Xukuumaddii uu maalmihii la soo dhaafay soo dhisay ra'iisul wasaare Cali Maxamed Geedi kana koobneyd 67-da wasiir, wasiiro dowle iyo wasiir ku xigeeno ayaa lagu warramayaa in maalinta Arbacada ah ee soo socota la horgeynayo fadhigii baarlamaanka si loo ansixiyo oo ay u howl gasho muddada seddaxda bilood ah ee soo socota oo haatan maalmo ay ka baxeen.

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ay suurto gal tahay in xubnaha baarlamaanka federalka Soomaaliya markii la horgeeyo fadhigooda xukuuma-daas cusub aanay helin codkii ama aqlabiyaddii loo baahnaa, waxaana la sheegayaa in haatan horay loogu diyaariyay in aan wax cod ah la siin oo afka ciidda loo geliyo.

Isku dayo fara badan oo la doonayey inaanan sinaba loo horgeyn xukuumadda fadhiga baarlamaanka ayaa socon wayday, waxaana natiijadu ay noqoto in maalita Arbacada ah si kama dambeys ah loo horgeeyo fadhiga baarlamaanka ama ha ridaan ama yaanay ridine, balse waxay saadaashu u badan tahay iyo weliba warar hoose oo laga soo xigtay qaar ka mid ah xildhibaanadu inaanay marnaba sina u dhaafeyn oo ay ridayaan xukuumadda uu soo dhisay ra'iisul wasaare Cali Max'ed Geeddi oo xubnaha baarlamaanku ay si aad ah u saluugsan yihiin.

Wafdigii uu hoggaaminayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xassan oo saacado ka hor ka soo degay garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo

Sept 9: Wafdigii uu hoggaaminayay guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa saacado ka hor dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo iyadoo si weyn loogu soo dhoweeyay isaga iyo wafdigiisa garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo.

Wafdiga uu horkacayo shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka soo kicitimay magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo ay ku sugnaayeen 24kii saac ee la soo dhaafay iyadoo horayna uu uga soo qeyb galeen isaga iyo wafdigiisa shirkii ka dhacay magaalada Khartoum ee u dhexeeyay dowladda Federalka iyo maxkamadaha islaamiga ee Muqdisho.

Xubnaha uu hoggaaminayo Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Maxamed Ibraahim Xaabsade, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Saransoor) oo dalka ka maqnaa in ku dhow 4-bilood iyo xubno kale oo horay uga raacay Guddoomiyaha Magaalada Baydhabo.

Guddoomiye Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdiga uu hoggaaminayo oo uu ka mid yahay Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka C/llaahi Sheekh Ismaaciil ayaa waxaa si weyn ugu soo dhoweeyay magaalada Baydhabo xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Federalka.

Arintu si kastaba ha ahaatee imaanshiyaha wafdigan ayaa ku soo begantey xili ay la wareegeen gacan ku heynta garoonka diyaaradaha ee beydhao malleshiyadii horey looga qabsaday garoonka reer baydho oo taageera mmaxamed Ibrahin Xaabsade iyo Shariif Xasan Shiikh adan ka dib wadahal mudo dheer socday oo ay ka qeyb galeen gudi uu magacaabay raiisal wasaare Prof: cali Maxamed Geedi iyo gudi isugu jira malaaqyo iyo ugaasyo oo ka soo jeeda qeysaska lag laayey malleshiyadii garoonka diyaaradaha ee baydhabo waxaan isha lagu hayaa wasiirka gadiidka cirka iyo dhulka Maxamed Ibraahin Xabsade oo 48 saac ka hor ku dhaqwaaqay in cabdulahi yuusuf iyo ciidamadiisa ay isaga baxaan hadii ay ka bixi waayaana uu xoog looga saari doono talabada uu qaado

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
002521576666/002521653623

Akhri: Warqaddii uu Coleman u Diray Masjidka Abuubakar

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 11, 2006

Qaramada Midoobey oo sheegtay iney xafiisyo ka furaneyso Muqdisho
»Ma dhab baa in Miless Sanawi, C/llahi Yuusuf & Sh. Xasan
»Daahir Riyaale oo ka codsaday Males Sanawi in uu joojiyo…
»Xulka Qaranka Soomaaliya oo galabta la ciyaaraya xulka …
»Ciidamada Maxaakimta oo nin ku dilay Xaafadda Black Sea.
»Warsaxaafadeed kasoo baxay Xisbiga Ramaas...
»Dadwayne ay ciidammada gumaysigu xidhxidheen...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Sept 10

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD