Wadahadalka dawladda iyo
maxkamadaha ee Khartuum: Qadirkow ka dhig mid najaxa (nabad iyo caano)

mnwardere@yahoo.com
Minneapolis, MN, USA
Beryahan waxaad moodaa in dadka
Soomaalida meel kasta oo ay joogaan ay talo bixinayaan waxaa taas ka sii
muhiinsan inay wada hadlayaan oo wada hadalka uga hormareen dawaldda
dhexe iyo maxkamadaha. Waxaan isku dayayaa in aan ka qayb qaato
wadahadalka Soomaalida ee aan ku bilaabo aniga waxay ila tahay.
Waxaan soo dhoweynayaa wadahadalka iyo
heshiiska dawladda iyo maxkamadaha midoobay Waxaanan u rajaynaynaa in
wada hadal koodu noqdo mid mira dhala oo umadda Soomaaliyeed ku najaxdo.
Wadahalkiinii hore waxaa uu kudhamaaday guul ka dib markii aad si dhib
yar ugu heshiiseen inaad is aqoonsataan iyo in aad dacaayadda iska
daysaan. Sida aan wada ognahay qaladaad badan ayaa dhacay heshiiskaas
ka dib taasoo sababtay in aad kala shakisaan oo kala aamin baxdaan.
Hadalo badan oo aan laga fiirsana ayaa idinka soo yeerey taasoo niyad
jab ku riday shacabkiinii. mudanayaal hadalada noocaas oo kale oo aan
laga fiirsan iska ilaaliya oo maskaxda ku haya in shacabkiinu idinka
sugayo heshiis lagu waaro. Waxaad u heshiin weysaana meesha ma yaalo.
Shacabka Xamar
Waa wax ilaahay loogu shukriyo 15 sano
iyo bar dhibkii, fowdadii, iyo amaan la'aantii aad ku jirteen in ilaahay
idinka qaado oo idinku bedelo nidaam iyo amni. Markii iigu danbeysay
Xamar culimada masaajidyada Xamar waxay dadka uga digayeen inaan nimcada
ilaahay Xamar ku manaystay aan lagu caasin oo dilka, dhaca iyo dulmiga
la joojiyo laakiin lama dhegeysan jirin oo dadka waxay u jidbaysanaayeen
kacdoonkii qabiilka iyo dulmiga ku salaysnaa ee itoobiya lugta weyn ku
lahayd.
Bal fiiri kacdoonkan sida uu uga fiican
yahay kii hore ee indhaha la'aa. Kacdoonkan culimadu hogaaminayaan waa
lagu diirsaday oo wax fiican ayuu soo kordhiyey Inkastoo culimada wagaas
1991 uusan dadaal u yarayn oo ay weliba soo daliishanayeen aayadda
quraanka ee uu ilaahay tusaale u soo qaatay dad deganaa degmo nabad iyo
barwaaqo ka badatay oo ilaahay ku caasiyey oo uu ilaahay ugu bedelay
cabsi iyo gaajo denbigii ay galeen awgeed
وَضَرَبَ اللّهُ مَثَلاً
قَرْيَةً كَانَتْ آمِنَةً مُّطْمَئِنَّةً يَأْتِيهَا رِزْقُهَا رَغَدًا
مِّن كُلِّ مَكَانٍ فَكَفَرَتْ بِأَنْعُمِ اللّهِ فَأَذَاقَهَا اللّهُ
لِبَاسَ الْجُوعِ وَالْخَوْفِ بِمَا كَانُواْ يَصْنَعُونَ
Nasiib darro dadka
jidbaysnaa waagaas Xamar waa diideen inay dhegaystaan wacdigii culimda
Xamar ee codbaahiyeyaasha masaajida ka baahin jireen. Kolkaa ka dib
Xamar iyo Soomaaliya waa aragtay cabsi iyo gaajo ku filan maanta waxaan
ku faraxsanahay in culimda Muqdisho la dhegeysto oo weliba talada
gacanta ku hayaan qofkii dhegaysan waayona ay ciqaabi karaan.
Xamar waxaa ay gaartay in dulmiga
heerka uu gaaray qof nool la afduubo oo madax furasho la weydiisto.
Wiil da yar oo degan Xamar oo ka mid ah dhalaankii soo kacay waqtiga
fowdada ayaan email ku weydiiyey Xamar ka waran mar dhowr sano hadda
laga joogo waxaa uu iigu jawaabay "Maxaan Xamar kaaga sheegaa waxaan
ahay qof joogo beledkiisii oo aan xor ahayn oo meeshii gabalka ugu dhaco
seexda oo aanan fahmi karin wax saan i baday" Ilaahay ku shukriya
amaanka iyo nimcada uu idinku manaystay. Ku raaxaysta amaanka mudada
dheer la idiin diiday waa wax aad xaq u leedihiin oo dunida badankeed
waxay ka tahay xaquuq asaasi ah.
Waxaan ka mid ahaa dadka had iyo jeer
ka welwela sida Soomaaliya oo dhan nabad iyo nidaam horumar leh uga
hirgeli lahaa Xamarba ha ugu darnaatee oo yiraahda cidna uma maqna
ceelna uma qodna. Waan filayay in kacdoon loo baahnaa laakiin ma
garanayn nooca ku haboon Xamar. Ilaahay adoomadiisa ciddii uu doono
ayuu isticmaalaa. Maxkamadaha iyo shacabka Xamar waa junuud ilaahay oo
keligood ayaa xamar dulmiga ka saari karayay. Wixii nalooka baahnaa iyo
xilkii na saarnaa baad naga gudeene mahadsanidiin. Intii naga dhimatay
ilaahay ha u naxariisto intii naga dhaawacantayna ilaahay ha caafiyo
Waxaase hubaal ah in June 5, 2006 taariikhda Soomaalida baal dahab ah ka
gashay!
Associated Press (AP) iyo warxumo
tashiil
Nabada iyo wanaagga Xamar ka socdaa
waxaa jira hayado warfaafineed oo aan runta ka sheegin. Nin suxufi weyn
oo hawl gabay ayaa igu yiri weriyeyaasha caalamiga ee AP sumcadooda waa
sii xumaanaysay waayadan danbe asagoo sabab uga dhigay sida aanay
wararkooda isku halayn u lahayn. AP waxay noo sheegtay in Xamar carab
ka dagaalanto, maxkamadaha midoobay ku duulayaan Baydhabo, isku
fidinyaan gaalkacyo, Ethiopia qatar ku yihiin iyo caalamka. AP ma
sheegaan badanaa wanaaga maxkamadaha sida burcad badeedka ay adduunka ka
qabteen ee waxay jecel yihiin oo ay is yiraahdaan durbaanka dagaalka
ayuu dhawaaq dheer u yeelayaa ayay buun buuniyaan. AP iyo kuwa la mid
ka ah waa inaysan ku guulaysan inay kala fogeynta dawladda dhexe iyo
maxkamadaha kuwaasoo ah horumar bilow ah.
Waxay had iyo jeer inoo sheegaan
qatarta ay leedahay shareecada islaamka iyo qatarta adduunka kaga soo
fool leh Soomaaliya. Durbaanka dagaalka ee AP ay garaaceyso waxaa ugu
darnaa markii ay isku qaseen oo isla doonteen banaanbixii Xamar ee lagu
diidanaa dagaalka bariga dhexe iyo ficilkii agaggixisada ee London ka
dhici gaaray kaasoo lala beegsaday diyaarado shicib. Dad badan ayaa
dhaliilay habka ay AP isugu xirtay labada dhacdo oo aan waxba ka dhaxayn.
Sidoo kale maalin ka dib markii Xamar laga dhigay banaan bax maalin
jimco ah waxaa Sabtidii mid ka daran laga dhigay Washington DC ka soo
horjeedka White House -Cajiib - AP banaan baxaasi kuma lifaaqin
dhacdada London. Waxaan arrin u daynayaa aqoonyahanada Soomaalida inay
wax ka qabtaan oo aanay ogolaan durbaanka dagaala ee iyo kuwa la midka
ah. Xaggee jireen mudadada dheer dhibta lagu hayey dadka Soomaaliyeed?
Maxay hadda noo leeyihiin cirka ayaa soo dumayaa?
Dawladda dhexe ee Soomaaliya



C/Laahi Yusuf | Shariif Xasan | Cali Geeddi
Marka hore waxaan u hambalyeynayaa
xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliyeed oo dhowaan xusay sanad guuradii
labaad tan iyo markii la asaasay baarlamaankaas oo isku dayaya inuu ka
soo kabto waqtigii ka qasaaray. Waxaan kale oo aan u hambalyeynayaa
golaha wasiirada cusub ee dhowaan la magacaabay anigoo rajaynayo inay
dar dar cusub ku soo kordhiyaan dib u heshiisiinta Soomaaliya iyo wax u
qabashada ummadda Soomaaliyeed oo dayacnaa mudo dheer. Sida aan la
socono waa la idin eedeeyaa oo waxaa la idinku eedeeyaa inaadan waxba
qaban iyo inaad dhexdiina iskhilaafsan tihiin arrintaas waa arrin aad
ka gudbi kartaan waxaan rajaynayaa in aad wax ka bedeshaan .
Waxaan idinkula talinyaa
1) In aad la heshiisaan Maxkamadaha
Midoobay.
2) In aad sii wadaan oo fulisaan
balantii Khartuum ee ahayd is aqoonsiga iyo in aan la is dacaayadeen
3) Inaad baaq nabadeed iyo hadalo
wanaagsan la gaartaan maxkamadaha oo soo dhoweysaan
4) Inaad dareen farxad leh ka muujisaan
nabadda iyo horumarka ay gaareen shacabka Xamar iyo maxkamadaha midoobay
5) Inaad fursad u aragtaan maamulka
Muqdisho oo hal gacan galay arrintaas waa hawl idin sugaysay oo la idiin
qabtay waana inaad uga mahadnaqdaan shacabka xamar iyo maxkamadahooda
6) Inaad wixii qalad ah ee aad ka
tirsanaysaan maxkamadaha aad u cafisaan idinkoo u yeelaya shacabka
soomaaliyeed awgeed. La socda maxkamadaha waa bani aadam oo waxay ku
jiraan xiligii kacaa kufka dadka ku eedeynaya maxay sidan u sameeyn
waayeen waxaa haboon inay waqti siiyaan
7) Iska ilaaliya in cadow ka
faaiideysto farqiga yare e idiin dhaxeeya idinka iyo maxkamadaha
8) Inaad magacowdaan dadka saldhigiina
Baydhabo u qaabilsan ruqsada soo gelidda ajnabiga ama ruqsada shirarka
ama banaan baxa. Dadku waxay ku daaleen fowdo wax kasta oo nidaam ah
waa u baahan yihiin.
9) Sida aad charterkiina ku qorteen
dastuurka iyo sharciga soomaaliya waxaa uu ku salaysnaan doonaa diinta
Islaam. Arrintaas dadka badanaa ma oga waxaan idinkula talin lahaa
inaad shaacisaan oo fasirtaan weliba ogolaatan in laga wada hadlo.
Maxkamadaha Midoobay.


Sh. Shariif | Sh. Aweys
Waxaad noqoteen junuud ilaahay u soo
direy magaalo cid gacan ku dhigtaa la waayey 16 sano. Waxaad soo
celiseen rajadii dadka iyo bilicdii Xamar. Waxaad taariikhda baal
dahab ah ka gasheen June 05, 2006 markii aad Muqdisho hal gacan ku soo
celiseen oo aad qaadeen jid goyooyinkii iyo dulmigii intii karaankiina
ah. Associated Press waxay rabto ha idinku ku sheegto waxaad tihiin kuwa
shacabka Soomaaliyeed ku aamini karaan maxasta iyo dhalaankaba.
Waxaan idinkula talin lahaa
1) La heshiiya Dawladda dhexe ee
Baydhabo.
2) Adkeeya balantii ahayd inaad is
aqoonsataan iyo inaad joojisaan dacaayadda
3) Inaad baaq nabadeed iyo hadalo
macaan la gaartaan dawladda dhexe oo aad soo dhoweysaan. Intii la dhihi
lahaa idinka (dacaayad) ayaa la idinka difaacayaa bal idinka hala idinka
maqlo anagaaba difaacayna.
4) Inaad dareen farxad leh ka muujisaan
dawladda dhexe maadaama ay dhamaantood Soomaali yihiin oo qirtaan
shaqada ay qabteen oo ay ugu horeyso inay soomaaliya oo dhan dad matala
ka kooban yihiin isna ogol yihiin hadda ayaga naftooda, caalamkana
waxoogaa aqoonsi ah umadda Soomaaliyeed uga soo hoyiyeen. Marka loo
eego bur burka Soomaaliya ee waqtiga dheer weli dawladda Soomaaliya
waxay ku jirtaa kacaa kufid. Maskaxda ku haya dawladdan waa ku meel
gaar mustaqbalkana soomaaliya idinkaa (culimada) iska leh waayo shacabka
waa wada muslimiin. Ka fikira mustaqbalka fog oo si qoto dheer u fikira
oo dadka qalbigiisa soo jiita
5) In aad qorshaha ku darsataan maadada
wadanimnimo in ubadka la baro si ay u yaaraato mustaqbalka qaran duminta.
6) In aad magacawdaan shaqsiyaad idiin
qaabilsan ruqsada ajnabiga raba inay idiin imaadaan iyo kuwa bixiya
fasaxa banaanbaxa ama shirararka ama isu imaatinka . Xafiisyadan oo
warkooda la soo bandhigaa waxay yaraynaysaa in dad badani niyad jabaan
ama ay ka hortagto isfaham la’aan Dabcan xafiiskan waa inuu lahaadaa
awood baaritaan iyo sugidda amaanka dadka uu ruqsada siiyey intii
karaankiisa ah. Waxay kale oo noqonaysaa inaad si fiican ula socotaan
cidda soo gashay. Ogsoonaada dadka waa rabaan nidaam iyo kala danbayn
maadaama ay fowdo ka soo daaleen iyo inay arkaan wax walba wadada loo
maro.
7) Waa sax in ilaahay la talo saarto oo
la isku kalsoonaado hadana in la ogaado dhabtii dawladaha yar yar beesha
caalamka aanay ka maarmi karin, mu’aamaradahana u sahlan yihiin. Iska
ilaaliya hayadaha buun buuninaya khilaafka yare ee idiin dhaxeeya idinka
iyo dawladda dhexe sidoo kale iska ilaaliya kuwa raba inay adduunka
idiin tusaan inaad khatar ku tihiin oo yaaney daldaloolo siyaasadeed
idinka heli ugu danbaytii iska ilaaliya in cadow ka faaiideysato
khilaafkaas yar.
8) Arrinta dastuurka Soomaalida oo dhan
baa danaynaysa. Bal intaadan nicin xasuusnaada in albaabka wada hadalka
dastuurka aanay dawladda dhexe xirin ee uu weli furan yahay. Chaterka
ku meel gaarka ah albaabkaas ma xirin ee wadahadal ku dagaalama.
Sharterka ku meel gaarka ah waa wax la sixi karo lana bedeli karo. Waxaa
uu leeyahay dastuurka qaranka Soomaaliya waxaa saldhig u noqon doonaa
diinta Islaamka.
ARTICLE 8 : RELIGION
- 1. Islam shall be the religion of
the Somali Republic. [Islaamka ayaa ah diinta Soomaaliya]
- 2. The Islamic Sharia shall be the
basic source for national legislation. [Shareecada Islaamka ayaa
saldhig u ah dhammaan shuruucda qaranka]
9) Weydiiya dawladda dhexe waxa ay
idinka shakisan yihiin iyo hadii ay cabsi jirto sababtoo ah isfaham
la’aanta wax ka xun maleh.
10) Tanaasul Tanaasul. Utanaasule
shacabka Soomaaliyeed ee daalan oo mudada dheer la soo dulminayey
dartiis.
Yaa garsoore noqonaya oo ciqaabaya
kii gardaran Maxkamadaha iyo dawladda dhexe.(khaadimiinta)
Ilaahay waa u jeedaa waana dulqaad
badan yahay. Shacabka Soomaaliyeed ayaana ka taqalusi doona kii
gardaran. Shacabka Soomaaliyeed waa idiin fiirinayaan waa idiin
dhegeysnayaan waana idinla xisaabtami doonaa markii waqtigiiisa la
gaaro.In kastoo hadda la idiinku yeero Madaxweyne, raiisal wasaare,
xildhibaan, gudoomiye, laakiin jagadiina dhabta ah waa khaadimiin u
shaqeeya shacabka soomaaliyeed. Waxaad tihiin khaadimiin loo taliyo
khaadimkii shaqadiisa ka soo bixi waayo ha u diyaar garoobo in la
cayrinayo. Shacabka Soomaaliyeed waa ka soo gudbay waagii la dhihi
jirey sidii laga rabo ayaa laga yeelayaa. Noqda khaadimiin fiican.
Yaa khaadim - Nin xil qaadey eed
qaad
Mudanayaal waxaad qaadeen xil culus.
Subaxii baryaaba waxaa idiin soo fiirinya malaayiin dad ah oo jecel
inaad heshiisaan oo rajo gelisaan oo wax idinka sugaya. Waxaad xil u
qaadeen dal 16 sano bur bursanaa oo hantidii qaran iyo adeegii bulsho
amaankaba ha ugu horeeyaa faraha ka baxsanaa. Waxaa agtiina ku nool
qaxooti badan oo soo bara kacay. Malaayiin dhalin yaro ah oo aan shaqo
haysan. Malaayiin dhalaan ah oo aan waxbarasho haysan iyo daryeel
caafimaad, waxaa intaa ka sii daran in ay soo kaceen jiil dhan oo aanan
arag canshuur iyo go’aan dawladeed/maxkamadeed iyo shati ganacsi kuwaas
oo idiinka doonaya dul qaad iyo waxbarid badan.
Mudanayaal kuraasta aad ku fadhiisateen
waa kulushahay, waana dhib badan tahay laakiin qof idinku qasbay ma jiro
ee idinkaa cagihiina ku raadsaday. Sirta keliya ee aad uga dabaalan
kartaan waa idinkoo gaar ahaan u faqa oo midooba oo iskaashada haddii
kale shaki badan baa ku jira inaad xilkaas ka soo dhalaashaan. Waagii
baryo malaayiin ayaa idin dhowraya bal inaad heshiiseen iyo in kale.
Maanta waxy idiin leeyihiin madaxdeenii ma heshiiyeen? Waxaa ku xigta
kuwii ma heshiiyeen waxaa ku xigta kuwii baas ma heshiiyeen waxaa ku sii
xigta khayrbeelayaashii ma heshiiyeen waxaa ku sii xigta rajo beel.
Taariikh fiican ka taga (Good
legacy)
Mudanayaal dhamaantiin nolosha inteeda
badnayd waad soo qaadateen waxaa la gaaray waqtigii aad ka fikiri
lahaydeen maxaan mustaqbalka dhalaanka Soomaaliyeed uga tagnaa. Baal
dahab ah/Baal madow. Wax ma u dhisnay? shacabkii mudada dheer
dhibaatada haysatay dhibtii ma ka qaadanay? karaamadii shacabka
Soomaaliyeed ma soo celinay? Fursaddan dahabiga aan haysano ma uga
faaiideynay shacabka mudada dheer dhibaateynaa? Ma ka tagi doonaa
dowlad qodobo culus ku taagan oo loo aayo. Mudaneyaal - qaada telefoonka
oo gaaraaca oo isla hadla.
Xil culus baa idiin saran waa inaad
iska kaashataan si aad u gudataan. Khaladaadkii hore ha ku mashquulina
ee mustaqbalka ka hadla. Inkastoo Khatuum iyo Cadan ay yihiin dhul dad
walaalaheen ah ee jecel wanaagga iyo heshiiska umadeena hadana waxaa ka
fiicnaan lahayd ayadoo Xamar lagu shiro ama Baydhabo maadaama aan
ognahay inaad amaanka sugi kartaan. oo hadda xaaladda ka fiican tahay
fawdadii hore. Dalka guduhiisa dhibta shacabka haysata waad aragtaan
maalin walba bal aan wax yar idinka taabto dhibta Soomaalida qurbaha
haysta oo u hilowday dhulkii hooyo
1) Dad badan oo waayeel u badan ayaa ku
dhib qaba nolosha qurbaha oo idinka warsugaya
2) Dhalaan Soomaaliyeed oo badan ayaa
ku dayacan dibadda qaarna xabsi ka buuxaan oo meel la geeyo aan lahayn
3) Qoysas badan oo kala maqan oo raba
inay dib isula noolaadaan ayaa idinka warsugaya
4) Soomaali badan ayaa ku dulman
qurbaha oo qaarkood sida eyga loo dilo (South Africa) maanta soomaalida
qurbaha lagu dilaa ayaa ka badan kuwa dalka gudahiisa lagu dilo.
5) Baasaboorka Soomaaliga asaga
nafttisa ayaa dulman. Hadii aad hal maalin arki lahaydeen meelaha laga
caawiyo Soomaalida qurbaha waxaad ogaan lahaydeen tirada dadka
Soomaaliyeed ee ku xaniban dunida dacaladeda sababtoo ah baasa boorka
Soomaaliya oo aan la ciriraafsanayn ayay wataan. Qofkii baasabboor
Somaali ah wata waxaa loogu degaa sida haadka sidii asagoo denbi galay.
6) Qaxooti badan oo ku sugan xeryo
qaxooti dibadda iyo meelo badan ayaa idin sugaya
7) Waqti xun oo adduunka dagaalo ka
holcayaan ayaa lagu jiraa waa inaad dadkiina baadida ama habqanka ah
urursataan meelaha ay joogaan waxwalba ayay kala kulmi karaan, idinka
ayay idiin sugayaan.
Mudane Madaxweyne
Muqdisho
maanta waxaa ka bilowday nidaam maxkamadaha midoobay waxay awood u
leeyihiin inay sugaan amaankaaga bi idnilaahi. Maanta waad booqan
kartaa. Qaado sharafta oo ka deg garoonka caalamiga ee Muqdhisho u tag
madaxda maxkamadaha tus adduunka in aan heshiin karno. Sidoo kale
Baydhabo ku casuum madaxda maxkamadaha. Ka waran hadday ka qudbeeyaan
xarunta baarlamaanka ee ADC. Inaad ku filan tihiin ammaanka waan
aragnaa oo maalin walba waxaan aragnaa madax ajnabi ah oo booqasho ku
tagaya Muqdisho ama Baydhabo. Shacabka waa ku farxayaan mar kasta oo
aad isu soo dhowaataan. Waxaad tihiin dad walaalo ah oo wada Soomaali
ah wax aad isku diidaan inaad isla hadashaan shacabka uma muuqato.
Dawladnimo maanta ayay noogu dhowdahay ee aan ka faaiideysano fursadaan
oo aan Soomaaliya ka dhigno dalkii dhalaalayey ee geeska Africa oo lagu
soo hirto.
Maxamuud Nuur Wardheere
mnwardere@yahoo.com