SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
March 14, 125

Wararkii: Sept 3, 2006

  • Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan shirka Khartuum
  • Sh. Shariif oo u soo jeediyey Kbaki in uusan Ciidamo u soo dirin …
  • Golaha Nabadgalyada iyo Ammaanka Midowga Afrika oo isku raacay…
  • Ururka SOWJA oo qabtay siminaar ku saabsan Xaquuqda Aadanaha…

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan shirka Khartuum

Waxaa maalintii shalay aheyd ka furmay magaalada Khartuum ee dalka Suudaan wajigii 2-aad ee shirkii 22-kii Jully ay isugu yimaadeen dowladda Federaalka Soomaaliya xubno matalaya iyo wakiilo ka socda Maxaakiimta Islaamiga ee Soomaaliyeed.

Kulankaasi ayaa dhawr jeer baaqday, iyadoo muddooyin hore oo loo calaamadeeyey uu qabsoomi waayey kaddib markii ay dhinacyada matalaya labada garab shuruudo soo bandhigeen.

Shalay markii la isugu tagey Khartuum, ayaa wafdiyada ka kala socda Dowladda iyo Maxaakiimta waxey dadka daneeya arrimaha dib u heshiisiinta u muujiyeen isku soo dhawaansho dhinac kasta ah, iyadoo ay markiiba kulamo kala gooni gooni ah la yeeshey madaxda dalka Suudaan, sidoo kalena ay iyaga dhexdooda shirar ku wada yeesheen halkaasi.

Shirkan dib u heshiisiinta ayaa dadweynaha ku dhaqan gudaha Soomaaliya waxey ka muujiyeen dareeno kala duwan, inkastoo ay intooda badan soo bandhigeen niyad wanaaga, waxeyna ku tilmaameen in shirkani uu noqon doono kii ugu dambeeyey ee Soomaali la isugu yeero, iyagoo tilmaamay in labada awoodood ay ku midoobi doonaan shirkan.

Shirkan waxaa ka qeyb galay Qaramada Midoobey oo uu magaceeda ku fadhiyo Francious Fall, Midowga Afrika, IGAD, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub oo uu wakiil u ahaa ergayga Talyaaniga ee arrimaha Soomaaliya Mario Revelli, waxaa kaloo goob joog ka ahaa dhammaan waddamada bixiya deeqaha iyo hay’adahooda.

Madaxdii ka socotay beesha caalamka waxey u soo jeediyeen labada dhinac in shirkoodu uu noqdo mid mira dhala oo uu ka soo baxo natiijo wax ku ool ah, furitaankii shirkani ayaa wuxuu ku beegmay xili uu Guddoomiyaha Guddiga Fulinta ee Maxaakiimta uu shalay u ambabaxay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, kaddib markii uu marti qaad ka helay madaxweynaha dalkaasi.

Hase yeeshee, su’aasha isweydiinta mudani waxey tahay maxaa ku soo beegay bixitaanka guddoomiyaha Golaha Fulinta iyo furitaanka Shirka Khartuum, balse, dadka siyaasaadda u kuurgala waxey leeyihiin, dowladaha Kenya iyo Itoobiya waxey si weyn uga soo horjeedaan shirka ay qaban qaabadeedu leedahay Jaamacadda Carabta, iyadoo wakiilka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya uu si rasm ah u sheegay in waddamada Kenya iyo Itoobiya ay si aad ah uga soo horjeedaan inuu mira dhalo shirka Khartuum, waxaana loogu baaqay in waddamadaasi ay faragelinta ka joojiyaan Soomaaliya.

Dowladda Kenya sababaha ay ugu yeertay Sheekh Shariif ayaa lagu macneeyey iney tahay iney maxkamaduhu ogolaadaan in shirka Khartuum wajigiisa labaad loo soo wareejiyo magaalada Nayroobi, hase ahaatee, dowaldda Kenya way ku adkaan doontaa in shirkaasi loo soo wareejiyo dalkeeda, maadaama, aysan arrinkaasi Maxkamaduhu.

Sheekh Shariif waxaa ka horreeyey oo magaalada Nayroobi gaaray guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo isagu laga dhaadhiyey in shirka Khartuum loo soo wareejiyo magaalada Nayroobi.

“Inagu halkan uma imaanin inaan helno wax xilal ah, waxaan u nimid sidii loo xoojin lahaa nabadda Soomaaliya” ayuu yiri, Madaxa Wafdiga Maxaakiimta ee shirka Khartuum ka qeyb galaya, Dr. Ibraahim Xasan Caddow, mar uu ka hadlaayey furitaankii Shirka Khartuum, wuxuuna u soo jeediyey beesha caalamka iney il gaar ah ku eegaan faragelinta ay dowlada Itoobiya ku hayso arrimaha Soomaaliya.

Dowladda federaalka ayaa iyadu wadata qorshe ah in Golaha Maxaakiimta xilal laga siiyo dowladda Federaalka, waxaana qorshahaasi ka mid ah in 88-da Golaha Shuurada lagu daro Golaha Baarlamaanka oo haatan ka kooban 275- Xildhibaan.

Warar kale ayaa waxey sheegayaan in dowladda ay wadato qorshe ah in xilal muhiim ahlaga siiyo xubnaha ugu cad cad Maxakamadaha, dowladda federaalka, hase yeeshee, way adkaan doontaa in Golaha Maxaakiimta ay aqbalaan xilalkaasi, haddii aysan dowladda federaaka ah ku dhaqmeyn Shareecada Islaamka.

Shirkaan ayaa dadka qaar waxey qabaan ineysan waxba ka soo baxeynin maadaama labada dhinac ay kala aaminsan yihiin laba fikradood oo aad u kala sareeya, laakiin, rag u dhuun daloola arrimaha Soomaaliya ayaa waxey noo sheegeen in labada dhinac ay iska magacaabi doonaan guddiyo ka kooban mid 10-xubnood, kuwaasi oo ka soo baaraandegi doona sida lo qeybsan doono xilalka dowladda, isla markaana isbadel loogu sameyn karo Axdiga KMG.


Kulan diineedkii Lixaad ee Muslimiinta W/Ameerika....

Halkan ka akhri warbixinta sida uu ku socdo kulanka Musliimiinta W/Ameerika... GUJI...


 

Golaha Nabadgalyada iyo Ammaanka Midowga Afrika oo isku raacay…

Maalintii shalay aheyd ayaa magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya lagu soo gabagabeeyey kulan ay lahaayeen Golaha Nabadgalyada iyo Ammaanka ee Midowga Afrika, waxaana kulankaasi looga hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan sidii ciidamo ka socda wadamada IGAD loogu diri lahaa Soomaaliya. Gabagabadii kulankaasi ayaa waxaa la isku raacay in Soomaaliya loo diro ciidamo ka socda waddamada IGAD waxeyna soo dhaweeyeen doorka ay IGAD ku leedahay xal u helidda arrimaha Soomaaliya.

Waddamada IGAD ayaa wali isku khilaafsan keenista waddamo ka socda IGAD, iyadoo waddamada Suudan iyo Elateriya iyo Jabuuti ay si weyn uga soo horjeedaan in Soomaaliya loo diro ciidamo ka socda IGAD, iyagoo sheegay in arrintaasi ay keeni karto dagaalo hor leh oo ka dhaca Soomaaliya.

Qaramada Midoobey ilaa iyo haatan Soomaaliya kama qaadin cunaqabateyntii hubka, iyadoona wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya uu sheegay in waqtigaan aysan habbooneyn in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka.

Sh. Shariif oo u soo jeediyey Kbaki in uusan Ciidamo u soo dirin …

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shalay u ambabaxay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya ayaa waxaa uu halkaasi u tagey sidii uu dowladda Kenya uga dhaadhicin lahaa gaar ahaan Madaxweynahooda inaan Soomaaliya loo soo dirin ciidamo ka socda waddamada IGAD.

Sheekh Shariif oo ay la socdeen 9-xubnood ayaa shalay waxaa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Nayroobio, waxaana xalay kulamo la yeeshay mas’uuliyiin ka socota waddanka Kenya oo u soo jeediyey in Kenya ay faraha kala baxdo arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan keenista ciidamo ka socda Kenya.

“Dowladda Kenya ciidamadooda waligood kuma soo xad gudbin gudaha Soomaaliya sida Itoobiya oo kale, waxaana labada waddan ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah” ayuu yiri Sheekh Shariif oo sheegay in dowladda Kenya ay dib u eegto keenista ciidamo shisheeye oo ka socda waddanka Kenya.

Sheekh Shariif ayaa la filayaa inuu maanta magaalada Nayroobi kulan kula yeesho madaxweynaha Kenya Moi Kbaki iyo waliba waxaa la filayaa inuu la kulmo, dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya oo uu uga warbixin doono xaaladda Soomaaliya.

Ururka SOWJA oo qabtay siminaar ku saabsan Xaquuqda Aadanaha…

Urur ay leeyihiin Suxufiyiinta haweenka marka la soo gaabiyana loo yaqaano magaciisa SOWJA, ayaa shalay waxey ku qabteen xaruntooda siminaar hal maalin ah oo la xiriira xaquuqda aadanaha, oo loo qabtay qeybaha bulshada, waxaana siminaarkaasi iska kaashaday Ururka SOWJA iyo hay’adda UNDP.

C/llaahi Calas Jimcaale oo ahaa madaxa baarista ee xarunta Ismaaciil Jimcaale ayaa ku dheeraaday sida loo ururiyo xadgudubyada loo geysto xaquuqda bini’aadamka, isagoo sheegay in wixii tacadiyo ahaa ee ka dhacay Soomaaliya ay xaruntooda ku aruuriyeen, isla markaana waqti ay ahaatada mar un ay soo bandhigi doonaan.

Qamar Salaad oo ah guddoomiyaha ururka SOWJA ayaa waxey sheegtay in Siminaarkani uusan aheyn siminaarkii ugu horreeyey ee ay u qabtaan bulshada qeybaheeda kala duwan, waxeyna sheegtay in siminaaradani ay noqon doonaan kuwa la joogteeyo si loo dhawro xuquuqda aadanaha, waxaa kaloo ka hadlay madaxa xiriirka gobolada ee ururka SOWJA Fardowsa Sheekh Xasan (Kuuriya) oo iyadu u mahadcelisey hay’adda UNDP iyo Hay’adda Dr. Ismaaciil Jicmaale.

.W/Q: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 3, 2006


$150-Milyan oo ay Jaamacadda Carabtu ugu tala gashey Haddii uu Miro dhalo Shirka..
»Shirkii Khatuum oo maanta ka furmaya Wadanka Suudaan..
»Qofkii 30-aad oo Soomaali ah oo lagu dilo Dalka K/Afrika..
»Machadka Al-Cimra oo deeq baco ah gaarsiiyey Dadka soo..
»Garoowe: manhaj cusub oo loo samaynayo waxbarashada..
»Boosaaso: Qaxooti Soomaaliyeed oo gargaar loogu qabiyey
»EYL: Xoghayaha guud ee dawladda hoose ee degmada..
»Xaflad balaaran oo lagu furayey saldhigcusub oo ka..
»Haweeney 4 caruur ah ku dhashay ispitalka guud ee bosaso.
»Dagaallo badan oo cadowga lagu naafeeyay oo melo kala..
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Guji... Sept 2

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD

 

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.