SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 

Hindiya Iyo Waxbarashada 

Cali Cabdalla Shukri
B C A (Bachelor of Computer Application)
Caliga1@hotmail.com
Hyderabad. India

Qoraalkani waxa uu ku xiriisan yhay qaybtii 1aad...


Hindiya wax walba waa laga caabudaa wax nool iyo waxaan noolayn , Dad iyo Duunyo.


 

Maxamed Xaaji Cabaydh(B Com) “Dadka Hindida ah Muslimkooda iyo Gaaladooduba waa dad dhaqan adag leh mana aha dal xumaantu gidaarada taal-taal, mana fududa inaad xidhiidh aan guur ahayn ama saaxiibtinimo la yeelatid hablaha hindida ah, Laakiin xumaantu caalamka meel kasta way taalaa ninkii badheedhaana waa helayaa”


 


Soomaalida ka Imanaysa Dibadaha iyo Guurka Gabdhaha Hindida.. AKHRI

Ardayga ka baxa dugsiyada Dhexe/Sare ee dalkan ayaa waxaa la oran karaa inuu yahay arday ka dhisan xag walba kaas oo si fiican ula qabsanaya jaamacada kana bad-baadaya dhibaatooyinka ay kala kulmaan ardayda Somalida ah la qabsiga jaamacadaha dalkan. 

Waxaa ay Ardaydan heli karaan Macallimiin aqoon   leh oo guryaha ugu dhigta casharradii ay fahmi waayaan kuwaas oo la siiyo lacag aan sidaa u badnayn. 

Hindiya dugsiyadeeda Hoose(Primary Stage) waxay ka kooban yihiin fasallada 1-aad ilaa 5-aad taas oo ah 5 sano oo waxbarasho ah. 

Da’da ugu yar ee loo ogol yahay ilmaha inuu dhigto fasalka kowaad ee dugsiga  hoose waa 5 jir ilaa 6jir iyo wixii ka sarreeya. 

Dugsiyada Dhexe(Middle Stage) waxay ka kooban yihiin fasallada 6-aad ila 8-aad

Dugsiyada sare(Secondry Stage) oo looyaqaan (Junior College) ayaa iyagana ka kooban fasallada 9-aad ilaa 10-aad marka loo eego 19 state ama gobol  oo wadanka ka tirsan. 

Waxbarashadu way kala duwan tahay state-yada qaarkood, State kasta wuxuu leeyahay Manhaj u gaar ah. 

Marka laga reebo gobolada(States) looga hadlo luqada Hindiga, Barashada luqada Hindiga waa khasab oo Dugsiyada hoose, dhexe iyo sareba waa lagu qaataa, lakin ma ahan wax Ardaygu uu ku dhacayo hadii uu maadooyinka kale ku guulaysto.

Luqada Englishkana waa Manhajka waxbarashada ee gobolada wadanka gebi ahaantoodba gaar ahaan fasallada 6-aad ilaa tobnaad marka laga reebo dugsiga hoose kaas oo lagu baro Ardayga luqadiisa iyo Englishkaba. 

Ardayga marka uu dhammeeeyo fasalka tobnaad waxa uu qaataa shahaado la yiraahdo Secondry School Certificate(SSC), taas oo ay maamusho hay’ada la yiraahdo BSE(Board of Secondry Education).

Waxaa kale oo jira  hay’ad la yiraahdo CBSE(Central Board of Secondry Education) taas oo ay dawladu leedahay, hay’adan ayaa  mas’uul ka ah sare u qaadida tayada waxbarasho ee dugsiyada sare, waxana hoos yimaada dhammaan dugsiyada sare ee aqoonsiga ka hela hay’adan. 

Imitixaanada ugu muhiimsan uguna adag  ee ardaydu ay maraan xiliga dugsiyada dhexe iyo sare waxay kala yihiin  fasalada 7-aad, 10-aad iyo 12-aad. 

Waxaa kale oo wadankan ka jira waxbarasho dugsi sare oo la yiraahdo 10+2 ama (Higher Secondary) oo ah 2 sano oo ardayga loogu diyaarinayo jaamacada oo uu sii qaadanayo casharradii jaamacada uu ku qaadan lahaa taas oo ay ku xiran tahay hadba waxa uu danaynayo inuu ku qaato jaamacada, Tusaale ahaan Ardaygu haduu doonayo inuu jaamacada ku dhigto Pharmacy ama wixii Medical la xiriira  waxa uu ku qaadanayaa 10+2(Higher Secondry) maadooyinka kala ah  Bi P C(Biology, Physics iyo Chemistry), shaxdan ayaan ku soo bandhigay qaybaha kala duwan ee ardaygu ku qaadanayo 10+2 kuwooda ugu muhiimsan. 

Maadooyinka lagu qaato 10+2                              Jaamacada waxa uu qaadan karo

Bi P C(Biology Physics Chemistry)               (Caafimaadka)Medical, MBBS, Nursing, Paramedical, Veterinary,Dentist etc.

M P C( Math Physics Chemistry)                        Engineering, Pharmacy, BCA, Maths,

C E C (Commerce Economics Civics)                 Arts,  Computers, Law, B Com, B Ed

M E C(Math Economics Commerce)                   Arts and Computers

G E C(Geography Economics Commerce)           Geography

H E C (History Economics Civics)                       History 

Maadooyin waxaa jira waajib ku ah Ardaygu inuu dhigto xiliga uu dhiganayo fasalka tobnaad kuwaas oo lagama maarmaan ah in kastoo state-yadu ay kala duwan yihiin hadana State-kan(AP) waxaa khasab ah Ardaygu inuu dhigto luqadaha Hindiga, waxaa kale oo dhowaan lagu daray luqada Telugu oo State-kan inta badan  dadkiisu  ay ku hadlaan, maadoyinkaas oo aan ahayn kuwo saamayn ku yeelanaya  ardayga natiijadiisa imtixaanka. 

Marka uu qofku doonayo inuu ku biiro Dugsiyada dhexe ama Sare ee dalkan ama gaar ahaan state-kan waxa looga baahan yahay inuu la yimaado Shahaadadiisi Dugsiga sare iyo isagoo warqad la yiraahdo(No Objection) ka soo qaadanaya Safaarada wadankiisa uu ku leeyahay dalkan, ka dib ayaa la siinayaa warqad ogolaansho ah oo layiraahdo(Eligibility Certificate) taas oo aad ku dalbanayso inaad ku biirto kolleejyada gobolkan ka jira ee dhiga dugsiyada dhexe iyo sareba.

Hawlahaas oo ay  badanaa  dhameyso safaarada Somalida ee ku taala Delhi. 

Qiimaha lagu barto dugsiyada  dhexe ama sare ayaa waxay ku xiran tahay hadba kolleejka uu ardaygu  ka dhiganayo tayadiisa waxaa laga yaabaa inaad aragto Kolleej lagu barto 10+2 ama (Higher Secondry) 100$ sannadkii  waxaa kale oo laga yaabaa inaad hesho kolleej kale oo isagana lagu  dhigaya fasalladaas ku dhowaad 400$ sannadkii. 

Akhri qaybta 3-aad.. Waxbarashada Sare(Jaamacadaha)

Cali Cabdalla Shukri
B C A (Bachelor of Computer Application)
Caliga1@hotmail.com
Hyderabad. India

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 1, 2006

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD