Ogeysiis ku jeeda Soomaalida
Minnesota... Akhri dhanka midig ee
boggan.....
21-ka Oktoobar: maalin ka sii dhaqmeysa
maskaxda Ummadda Soomaaliyeed…
Maantoo
kale waxaa fagaaraha Tarabuunka lagu qaban jiray dhoolatus balaaran oo lagu xusi
jiray maalintii Max’ed Siyaad Barre xukunka la wareegay waxaana 21-kii sano ee
uu xukunka hayey Max’ed Siyaad Barre uu dalku ahaa mid nabdoon,
Dowladnimadiisana ay caadaas mareysay, waxaana fagaaraha Tarabuunka u soo
daawasho tagi jiray kumanaan kun oo Soomaali ah si ay u daawadaan fantasiyaha ay
sameyn jireen Shaqaalaha Soomaaliyeed, Ardayda Jaamacadaha, Ardayda Dugsiyada,
Iskaashatooyinka iyo qaybaha kala duwan ee ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed,
waxayse dadku aad u xiiseyn jireen markay marayaan ciidankii la oran jiray
Kumaandooska iyo waliba marka ay marayaan hubkii kala duwanaa ee uu lahaa
ciidanka xooga Dalka Soomaaliyeed, waxaana is qabsan jiray mashxarad iyo sacab,
qaarkoodna dadku way ilmeen jireen, waxaana ciidankaasi si aad ah uga walwali
jiray wadamada deriska la ah Soomaaliya, gaar ahaan Dowladda Itoobiya oo
waayadan iska baratayba inay iska soo gasho gudaha Dalka Soomaaliya waxay
doontana ay ka samyso. Xooggaasi maanta meesha way ka baxeen, wax walbana waxay
noqdeen in Eber laga soo bilaabo.
Max’ed Siyaad Barre maalinkaasi khudbad ayuu u
jeedin jiray bulshada, waxa uuna dadka ku dhiiragelin jiray in ay dalkooda
difaacdaan.
Dowladnimda macaankeeda haddii aan dib u qooraansano Max’ed Siyaad
Barre ayaa 72 saacadood u qabtay ciidamadii Ruushka iyo kuwii Kuubaanka ee ku
sugnaa dalka Soomaaliya kaddib markii uu Max’ed Siyaad bixin waayey wax ay
damacsan yihiin, ilaa Raas Caseer iyo Raas Kaboone waxaa ku sugnaa 30-kun oo
askari oo ciidamada Ruushka ah, waxayna si halhaleel ah uga baxeen wadankii. Mar
la wareystay sarkaal sare oo ka tirsan Ruushka waxa uu sheegay in ay la yaab ku
noqotay bixitaankii Ciidamada Ruushka, laakiin maanta 21-kii Oktoobar way ka sii
dhaqmeysaa maskaxda Ummadda Soomaaliyeed. isku soo wada duuboo dadka
Soomaaliyeed maanta waxay haystaan nabad, balse waxaa ka maqan Dowladnimadii,
Madoobe Nuunow “Dowladda maxay uga indho
saabaneysaa Ciidamada Maxaakiimta”
Xildhibaan Madoobe Nuunow oo mudo shan maalmood
ah ku maqnaa Degmad Diinsoor ayaa beeniyay warar sheegayay in Ciidamo Itoobiyaan
ah ay halkaasi dhawaan gaareen, waxa uuna wararkaasi ku tilmaamay kuwo aan sal
iyo raad toona laheyn.
Xildhibaan Madoobe Nuunow waxa uu sheegay in
dad-weynaha ku nool degmada Diinsoor ay diyaar u yihiin in ay wada shaqeyn dhex
marto Dowladda iyo iyaga, waxaa kalloo uu sheegay Madoobe Nuunow in dhawan
maamul loo sameyn doono degmada Diinsoor oo iyadu ka hartay maamul u sameyntii
gobalka Bay.
Madoobe Nuunow oo xalay shir jaraa’id ku qabtay
Magaalada Baydhabo ayaa wax laga weydiiyey sida uu u arko ciidamada Maxaakiimta
ee ku sii siqaya degmada Diinsoor, kuna sugan Deegaanka Yaaq-Baraawe waxa uuna
yiri “Dowladda Indhaha ayey ka saabaneysaa Ciidamada Maxaakiimta ee ku soo fool
leh gobalada Bay”.
Ugu dambeyntii Madoobe Nuunow waxa uu u soo
jeediyay labada dhinac ee Maxaakiimta iyo Dowladda Federaalka in ay sii wadaan
wada hadaladii u dhexeeyay kana socday Magaalada Khartuum ee dalka Suudaan.
Porf. Ibraahim Caddow: Waxyaabihii uu ku hadlay
C/llaahi Yuusuf waxaa la yaabay..
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Golaha
Maxaakiimta Islaamiga ah Prof. Ibraahim Xasan Caddow ayaa shalay dib ugu soo
laabtay Magaalada Muqdisho kaddib markii uu ka qaybgalay kulankii Magaalada
Nayroobi ka dhacay ee u dhexeeyay Maxaakiimta iyo Kooxdii la magacbaxday
Xiriirka Soomaaliya.
Porf. Ibraahim Xasan Caddow waxa uu sheegay in
kulankaasi uusan ka soo bixin wax natiijo ah, isagoo sheegay in gebi ahaanba ay
beeniyaan wararkii ka soo yeeray C/llaahi Yuusuf ee ahaa in ay Maxaakiimtu aysan
qorsheyna-yeen in ay dilaan saraakiil ka tirsan Dowladdiisa.
“Si weyn ayaa loola yaabay C/llaahi Yuusuf,
mana aysan ka fileyn in mas’uul ka soo yeeraan hadal noocaas oo kale ah” ayuu
yiri Prof. Ibraahim oo sheegay in Maxaakiimtu ay weli diyaar u yihiin ka
qaybgalka kulanka khartuum.
Ururka
(Somali Women and Children Rescue Organization) oo deeq gaarsiiyey Xero ay ku
jiraan Dad soo Barakacay..
Waxaa maalintii shalay ahayd xerada ay ki
jiraan Dad soo Barakacay kuna taal degmada Afgooye deeq gaarsiiyey ururka
badbaada Carruurta Soomaaliyeed (Somali Women and Children), Rescue Organization
waxaana Deeqdaasi ka Guddoomay Guddoomiyaha Xeradaasi Mudane Sayid Maxmed
Cismaan kana koobneyd Galley iyo Mesego.
Deeqdaan waxaa gaarsiiyey xeradaasi Wakiilka
Gargaarka Soomaaliya ee Ururkaasi Yaasmiin Mayoow Max’ed, waxayna sheegtay in
deeqdaani ay kaga timid dad Soomaaliyeed oo ku nool dibadaha, waxay kaloo
sheegtay in deeqo noocaan oo kale ah waqtiyo dhow ay gaarsiin doonaan xeryaha ay
ku jiraan dadka soo barakacay.
Guddoomiyaha xerada ayaa u mahadceliyay, intii
isku soo dubariday deeqdaasi, waxa uuna ka codsaday ururka in deeqo kale la soo
gaarsiiyo xerada oo uu sheegay inay ku jiraan dad dhibaateysan oo u baahan in la
caawiyo.
Ururkaan oo dhawaan la aasaasay ayaa horey
wuxuu wax ugu qabtay carruur ku dhibaateysneyd xeryaha dadka soo barakacay,
kuwaas oo qaarkood dibadda looga qaaday caafimad ahaan, kuwo kalana qaliin loogu
sameeyay gudaha dalka Soomaaliya.
C/llaahi Yuusuf oo dib ugu laabtay Baydhabo
isaga oo..
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa shalay
dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo, ka galaad markii uu booqashooyin ku soo
kala bixiyey wadamada Kenya iyo Itoobiya.
Madaxweynuhu intii uu joogay dalka Kenya waxa
uu kulan la yeeshay kooxda Contact Group ee arrimaha soomaaliya, waxa uuna u
gudbiyey qoraal dheer oo uu kaga waramayo Maxaakiimta Islaamiga ah oo uu ku
tilmaamay in ay yihiin kooxo argagixiso ah. Madaxweynaha ayaa ujeedooyinka uu
ugu ambabaxay wadamadaasi ay ahaayeen sidii uu Dowladdiisa ugu soo heli lahaa
ciidamo Ilaaliya hase yeeshee dhamaan qorshayaashaasi Madaxweynuhu waa uu ku soo
guuldareystay waxana loo sheegay in Soomaa-liya ciidamo ay ku tagi karaan oo
keliya markii dhinacyada is haya ay ku heshiiyaan.
[Warar dheerad ah hoos ka akhri]...
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail :
amiinkhasaaro@hotmail.com
Madaxwaynaha
DFKMG iyo waftigii Maxaakinta ee Nairobi joogey oo Byadhabo iyo Muqdisho u
duulay...
Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
Somali Talk Naribi kenya
botaan1@hotmail.com
Faah Faahin SomaliTalk
Waxaa ka
dhoofay Magaalada Nairobi, Madaxwaynaha DFKMG, C/laahi Yuusuf Axmed oo magaalada
Nairobi ku sugnaa laba maalin isagoo shalay galinkii danbe isaga iyo Wafdi
ballaran oo uu hogaaminayo ay ka dageen magaalada baydhabo ee xarunga KMG ah ee
dawlada Somalia.
Waxaa
madaxwaynaha DFKMG C/laahi Yusuf Axmed intii uusan ka dhoofin magaalada Nairobi
ku sii sagooyiyay garoonka diyaaradaha ee Nairobi xubno ka tirrsan dawlada Kenya
oo uu ka mid ahaa safiirka Kenya arimaha Somalia u qaabilsan Maxamed Cabdi Affey
iyo masuuliyiin kale .
Dhanka kale hadii aan u bayrno waxaa magaalada Nairobi sidoo kale ka dhoofay
shalay waftigii Maxaakiimta islaamiga ah ee somaliyed ee uu horkacayay Madaxa
Arimaraha dibadda Maxkamadaha islaamka ee somaliyeed Prof. Ibraahim caddow ka
dib markii ay hal maalin booqashu ku yimadeen Nairobi kulamana la qaateen kooxda
xirirka Somalia oo ku shiray magaalada Nairobi maalintii Khamsiita ahayd.
Iyadoo
kulankii Nairobi uu ahaa mid aan wax la taaban karo aysan labada dhinac miiska
isla dhigin oo uu u muuqday mid fashilmay ka dib markii dhanka dawlada ay ka soo
bexeen dacaayadu ka dhan ah maxakiimta islamiga ah ee somaliyed .
Dawlada Eritrea oo beenisay hadalkii ka soo yeeray Dawlada
Maraynka ee ahaa in ay hub siiso maxakinta islaamiga ah .
War
saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arimaha Dibada ee dawlada Eritrea ayaa
waxaa ganafka uu ku dhuftay war ka soo yeeray kaaliyaha xogayaha arrimha
dibedda ee dalka Mareykanka ee amuuraha Afrika Jendayi Frazer oo ku eedaysay in
dawlada Eritrea in ay hubeyso oo ay saanad siisay Maxakamadaha Islaamiga
Soomaaliya
Kulan ka
dhacay magaalada Nairobi maalintii Kahiimsta ahayd ee dhamaadkii asbuucan oo ay
soo qaban qaabiyeen kooxda xiriirka Somalia iyo waliba dawladah Kenya ayaa
kaaliyaha xogayaha arrimha dibedda ee dalka Mareykanka ee amuuraha Afrika
Jendayi Frazer ku eedaysay eedaynta ay beeniyen madaxda dawlada Eritrea .
Warkaan ka
soo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka Eritrea waxay intaasi sii
raacisay in hadafka Mareykanka uu yahay in la daboolo guul darooyinka siyaasadda
iyo howlaha Mareykanka ee Soomaaliya iyo waliba nabada ay soo celiyeen
maxaakinta islaamiga ah ee somalia nabada inta badan ku soo celiyay .
Dhanka kale
Ra’isul wasaaraha Xukuumada Ethiopia Mr Melez Zanawi ayaa daboolka si aan
mugdi ku jirin uga qaaday in dawladiisu ay dalka Somalia ka joogaan ciidamo uu
ku tilmaamay in ay yihiin kuwa tababaryaal ah oo tabarayo ciidamda dawlada FKMG.
Iyadoo horayna uu u sheegay madax waynaha Puntland Gen Cade Muuse in ay Puntland
jogaan ciidamo Ethiopian ah oo tabarayaal ah .
Wasiirka
Arimaha Dibadda DFKMG, Mr Buubaa oo Shuruud ku xiray Shirka Khartuum ee 30ka
bishaan .
Wasiirka
Arrimaha Dibada ee DFKMG Mudane ,Ismaaciil Hure Buubaa oo ku sugan magaalada
Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa shuruud ku xiray qabsoomida wajiga
sedexaad ee wada hadalada u dhexeya dawlada Somalia iyo maxakinta islamiga ah ee
somaliyed ee la filayo 30ka bishan aan ku jirno dhamaadkeda Ismaaiil Buubaa ayaa
sheegay in heshiiskii hore khartuum loogu gaaray ay kamid ahayd in aan wax
dagaal ah la qaadin.
Mr Buubaa oo hadalkiisa waxaa uu ku sheeay in hadii Maxaakiimta islaamiga ah ee
somaliyeed ay doonayan sii jirtanka ama sii socotaanka shirka Khartuum inuu
hirgalo Wareega 3aad ee shirka Khartuum in ay fuliyaan wixii lagu heshiiyey
wareegii 1aad iyo 2aad ee ka mid ahaa in la joojiyo dhul baraalisaga iyo waliba
xabad joojin la hir galiyo isagoo intaasi ku daray isagoo hadalkiisa si wata in
ay maxaakintu ka baxan sida uu hadalka u dhigay magaalooyinka ay qabsaden waxii
ka danbeyay shirkii khartuum hishiiskiisa oo uu ula jeeday gobolada jubooyinka
ee laga saaray wasirka gaashandhiga dawlada DFKMG Barre Adan shire Hiiraale .
Dhanka kale Wasiirka ayaa waxaa uu eedayn dusha ugu riday Gudoomiyaha Gulaha
Shuurada Maxaakinta islamiga ah ee somaliyeed Shiekh Xasan Daahir Aweyn oo uu
ku tilmaamay in oo amar ku bixiyay in la khaarajiyo 16 masuul oo ka tirsan
dawlada Somalia isagoo sheegay wasiirku in ay gacanta ku hayaan warqad oo ku
saxiixan yahay Sheikh Aweyn oo ay beesha caalamka iyo waliba Kooxda Xirirka
Somalia ay u gudbiyen.
Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
Somali Talk Naribi kenya
botaan1@hotmail.com
Faah Faahin SomaliTalk
Oct 21, 2006
Barnaamijkii Radio Xoriyo
20 October 2006
Dadwayne rayad ah oo lagu xidhxidhay meelo kala duwan.
Itoobiya oo qiratay in ciidammo ka joogaan dalka Soomaaliya.
Midowga Yurub oo canbaareeyay xukuumadda Itoobiya.
Maraykanka oo eedeeyay Itoobiya iyo Eritereya.
Barnaamijka Fanka iyo Fanaanka
...............
Dadwayne rayad ah oo lagu xidhxidhay meelo kala duwan.
Wariyaha
RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay in ciidammada
nacabka ah ee Itoobiya ay dadwayne rayad ah ku xidhxidheen meelo kala duwan
oo Ogaadeenya ka mid ah.
Waxaa ka
mid ah dadka ay noo soo suuragashay inaan magacyadooda helno labadan
gabdhood eek ala ah;
Bishaaro Wacdi
Shaqlane iyo
Nimco Maxamed Dool
Labadan gabdhood ayaa lagala baxay guri ay ku noolaayeen oo ku yaalla
magaalada Jigjiga, gaar ahaana Xaafadda Lixaad (6aad) aroornimadii hore ee
jimcaha, iyadoon la ogayn sabata loo xidhay. Gabdhahan ayaan ilaa iyo hadda
la garanaynin meesha la geeyay.
Gabdhahan ayaa la sheegayaa inay horay ugu xidhnaan jireen magaalada
Qabridaharre, iyagoo halkaas xabsi sharci darro ah lagu hayay muddo sannad
gaadhaysa, hase yeeshee waxay in muddo ah hadda ku noolaayeen magaalada
Jigjiga.
Waxaa sidoo kale
dhawaan magaalada Wardheer lagu xidhxidhay dadwayne rayad ah oo loo
malaynayo in loo xidhay xidhiidh ay la leeyihiin Jabhadda JWXO. Dadka
halkaas lagu xidhxidhay tiradoodu aayay u badan tahay, waxaanan tiradooda
iyo magacyadoodaba idiin soo gudbin doonaa markii aan faahfaahintooda helno.
Itoobiya oo
qiratay in ciidammo ka joogaan dalka Soomaaliya.
Kaligii taliye
Meles Zenawi ayaa si cad u qirtay inuu ciidammo u diray gudaha wadanka
Soomaaliya, kuwaasoo uu ku tilmaamay inay caawinayaan dawladda ku
meelgaadhka ah ee Soomaaliya.
Kaligii taliye
Meles Zenawi ayaa mar uu la hadlayay Baarlamaan ku sheegga waddankiisa wuxuu
ka hadlay arrimo badan oo muujinaya cidhiidhiga uu taliskiisu ku jiro,
waxaana ka mid ahaa arrimaha uu halkaas ka sheegay in dagaalka ay ku hayaan
Jabhadaha JWXO iyo OLF uu khatar galin karo jiritaanka Itoobiya oo dhan.
Zenawi ayaa mar uu
ka hadlayay arrinta Soomaaliya wuxuu sheegay inuu Soomaaliya u diray
ciidammo dawladda ku meegaadhka ah ee Soomaaliya ka caawiya dhinaca
tababarka la siiyo ciidammada la asaasayo.
Meles Zenawi ma
aanuu sheegin tirada ciidammada uu Soomaaliya, laakiin wuxuu ku adkeystay in
dawladdiisu ay ku dadaalayso sidii ay dawladda ku meelgaadhka ah ee
Soomaaliya u noqon lahayd mid dhisata haybadii dawladnimo, si ay ugu
suuragasho inay dalka oo dhan awooddeeda ku baahiso.
In kastoo Meles
Zenawi uu ku adkaysanayo in ciidammadiisa Soomaaliya jooga ay ku eg yihiin
tababar oo kaliya, haddana waxay dhinacyo kala duwan oo ay ku jiraan
saraakiil Qaramada Midoobey ah caddaynayaan in ciidammada Itoobiya ay ku
suigan yihiin gobollo kala duwan oo dalka Soomaaliya ka mid ah, waxaana
jirtay inay awood ku qabsadeen degmooyin Soomaaliya ka mid ah.
Midowga Yurub oo
canbaareeyay xukuumadda Itoobiya.
Ergada Sare ee
Midowga Yurub ayaa si wayn u canbaaraysay xukuumadda Itoobiya oo dalkeeda ka
soo caydhisay labo diblumaasi oo u shaqaynayay Midowga Yurub, wuxuuna
Midowga Yurub tallaabada xukuumadda Itooboiya ku tilmaamay mid aan marnaba
la aqbali Karin.
Labadan diblumaasi
ee Midowga Yurub u shaqaynayay ayaa lagu amray inay Itoobiya kaga baxaan
muddo 24 saacadood gudohood ah, iyadoo lagu eedeeyay inay galeen denbiyo
khatar ah oon faahfaahin dheeri ah laga bixinin.
Labadan diblumaasi,
oo dhalashadoodii hore ay Itoobioyaan tahay, waxay u shaqaynayeen Midowga
Yurub markii la qabtay.
Tallaabadan ay
xukuumadda Itoobiya ku eriday diblumaasiyiinta Midowga Yurub waxay ku soo
aadday xilli ay beesha caalamka iyo xukuumadda Itoobiya aad u kala go�an
yihiin oo xidhiidhkoodu si wayn u xumaaday, ka dib markii xukuumadda
Itoobiya ay musuqmaasuqaday doorashadii sannadkii 2005 la qabtay, isla
markaana ay si nacabnimo ah ula dhaqantay dadwaynihii iyo siyaasiyiintii
gadoodka ka sameeyay musuqmaasuqa xukuumadda.
Intii xilligaas ka
denbaysay waxaa sii xumaanayay xidhiidhka ay xukuumadda Itoobiya la leedahay
beesha caalamka inteeda kale, waxaana laga gooyay kaalmooyin badan oo horey
loo siin jiray. Midowga Yurub, oo ahaa dhinaca kaalmada ugu badan siin
jiryay Itoobiya, ayaa joojiyay kaalmooyinkii uu tooska u siin jiray
xukuumadda Itoobiya.
Maraykanka oo
eedeeyay Itoobiya iyo Eritereya.
Dowlada Mareykanka
ayaa ku eedeysay dalalka Itoobiya iyo Erateriya in ay hub ku daabulayaan
dalka Soomaaliya isla markaana ay sii xoojinayaan faragilinta ay ku hayaan
arrimaha Soomaaliya.
Kaaliayaha
xoghayaha arrimaha dibaad ee dalka Mareykanka u qaabilsan arrimaaha Geeska
Afrika Jendayi Fraser ayaa ku eedeysay dawladaha Itoobiya iyo Eritereya ay
loolankii u dhexeeyay u rareen dalka Soomaaliya.
Mar ay khamiistii
ka hadashay kulankii kooxda xadhiidhka caalamiga ee arrimaha Soomaaliya ee
lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayay ku sheegtay inay hayaan
caddaymo muujinaya in labadaas dal ay Soomaaliya hub ku soo daabulaan.
Waxay kaloo intaas
raacisay in labadn waddan ee Itoobiya iyo Eritereya ay Soomaaliya u
adeegsanayaan madal ay ku soo afjaraan muranka xuduudeed ee iyaga u dhexeeya.
Dawladda Eritereya ayaa ku gacan saydhay eeddan loo soo jeediyay, isla
markaana ku tilmaantay mid aan sal iyo raad-toon lahayn.
Hase xukuumadda
Itoobiya ayaa iyadu caddaysatay inay ciidammo u dirtay dalka Soomaaliya,
taasoo sii xoojinaysa eedaymihii waligeedba loo soo jeedinayay ee ahaa inay
faragelin ku hayso arrimaha Soomaaliya, isla markaana carqaladaynayso
dadaallada loogu jiro in nabad lagaga dhaliyo dalka Soomaaliya.
20 October 2006.
Axmed Gaal-Eri
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9450
KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalinta Talaadada ah 7:00PM �
8:00 waqtiga Afrikada Bari