SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Wuxuu dhashay isagoon lahayn Marinkii Saxarada…...

  • Waxana uu u baahan yahay gargaar bini'aadaminimo....

Malaha marinka saxarada

DHanka bidix ayaa loo dalooyey si saxarada u soo marto

Magaciisu waa ,Mahad Faarax Maxamad Guutaale, hooyadiis waa Maryan Macalim Maxamed, wuxuu adduunka ku noolaa 58 cisho ama maalmood, magaalada Muqdisho ayuu ku dhashay hadana ku noolyahay, wuxuu dhashay isagoon lahayn Marinkii Saxarada (dabada), waxaa la geeyey Isbitaal qaliin la isku dayey in lagu sameeyo ayaan lagu guulaysan waayey ,sidaa dardeed waxaa loo sameeyey Dariiq Saxaro oo ku meel gaar ah,kalida Bidix ayaa loo dalooliyey si uu uga saxaroodo Mahad oo marka aad eegto wajigiisa ku galinaya rajo ku aadan mustaqbalkiisa in uu hagaagi karo ayaa waxa uu dhabta u saaran yahay Hooyadiis Maryan waxayna ka sheekaynaysaa waxa ay la kulantay iyo marka ay ogaatay Mucjisada wiilkeeda “markii aan umalay waan soo qaatay wiilkayga mana ogeyn in uusan dabo lahayn ka dib maalin ayaan dareemay dhibaatada markaan ka waayey saxaro wiika ka imaanaysa”.

Aabe Faarax ayaa sheegay in markii arintaanu soo baxday uu Dhakhtar ula cararay wiilka hase yeeshee wax laga qaban waayey Dhakhtarkiina u sheegay in lagu guul daraystay qaliinkii sidaas daraadeed toban maalmood ka dib ula soo laabtay Gurigooda isagoon wiilku lahayn jidkii saxarada.

Qoyska wiilku ka dhashay waxay ka mid yihiin Qoysaska ka soo barakacay Gobolada dalka waxay ku nool yihiin meel sidaas uga fagayn Xaruntii hore ee Guulwadayaasha ee Muqdisho, qoysku waxay ka kooban yihiin 11 qof mana haystaan wax Dhaqaalaa, iska daa Dhaqaalo ay wiilka yar ku badbaadiyaan oo ay ku geeyaan Dibadda ,ma haystaan dabshidka maallintaas.


qoyska uu ka dhashay wiilka gargaarka u baahan...


Hadaba Maryan iyo Faarax waxay ka codsanayaan Hay’adaha samafalka iyo dadka Soomaaliyeed ee Ilaahay wax siiyey in laga saacido sidii wiilkooda yar uu u heli lahaa dhakhtar dibadeed si loo qalo (ama loogu qalo) meel uu ka saxaroodo.

Cidkasta oo doonayso in ay kaalmayso wiilkaan iyo qoyskiisa waxaa lagala soo xiriiri karaa;

E-Mail: Victimwoman5@yahoo.com  ama Cilmi_nuure@hotmail.com 
Tel 2521-515815 ama 2521-588190
Aabe Faarax Maxmed Guutaale
_______

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com
Ama : amiinkhasaaro@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 20, 2006

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD