SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY

Towbad soo celiya (Gabay)

Cali Maxamuud Xiirane

xiirane2@hotmail.com


Tixdan gabayga ah ee la yiraa Towbad soo celiya, waxaa tiriyey Cali Maxamuud Xiirane, oo ku nool London, waxayna soo baxday 27/11/06. Waxaan aad iyo aad uga xumahay anoo filaya inuu qof kasta ee wadani Soomaaliyeed ahi ila mid yahay ciidamada tigree ee dalkeenna soo galay. Tixdu waxay si caam ah u khuseeysaa dhammaan dadka qaba iney tigree u qaraabeystaan bur-burinta dalkooda iyo laynta dadkooda. Tixdu mucaarad kaliya maahane waa talo lagala talinayo taariikh iyo towbad xumada laga dhaxli karo arintaas. Waxay tixdu tilmaameysaa iney tala xumada siyaasiyiinta Soomaalida qaarkood ay ku sifeeysantahay maah-maahda Soomaaliyeed ee ah Tuke caano aragtidood u nasiib leh una calaf xun. Dadka Soomaaliyeed waxaan ka codsanayaa dadkaas oo qabiil walba leh inaan gar darro, dulmi, damiir xumo iyo dabadhilifnimo lagu taageerin, cadowga Soomaaliya ku soo duulayna meel looga soo wada jeesto oo aan loo kala harin, hoosaasinta qabyaaladeed iyo dhalanteedka beenta ahna aan lagu dagmin. Haddii shisheeye kal-kaal, gumeeysi casuumid iyo dagaal oogid la door biday, hedde kolley Soomaali waddankooda way u hari inshaa allaah, tigreena dalkoodii bay jab kula noqon bi’ idnillaah, adinkuna inta talo idinla gudboontahay haddaad garan weydaan dagaal oogayaashii hore iyo tigreega ka hari maysaane ogaada. Somaalidu waa dad wada dhashay oo is dhalay, dhib daawo u baahan baase dhexmaray, waxaanna ku maah-maahnaa ilma adeerro waa caytamaan caanahana waa wada dhamaan, bal dadka manta dhagarta cadowgooda soo jireenka ah iyo rixinkooda khilaafka dhexyaalla kala saari la’ wax ka weyn oo iney gartaan looga fadhiyo garan mayo aniguye qofkii yaqaannaa ha noo sheego. Gabaygiina waa kan: 

  1. Tixda gabayga beryahaan ma tirin tuducyadiisiye
  2. Wataan ha taabanin lahaa waad taraarixiye
  3. Toorihiisa goortaan dhigaa wax igu taabtaane
  4. Maantana waxaa taagan baan marini taariikhe
  5. Taban-taab shihseeyaan arkaa dhaanto loo tumane
  6. Kuwo been ku tuugsanahayaa gaalo taabacaye
  7. Rag taleefan lagu soo amraa taajka loo xiraye
  8. Anigaa ku taageersan baa lagu tahdiidaaye
  9. Aniguna intaan soo tufaan gabayga taabsiine
  10. Inaan tooshka ugu daaro waad igu taqaaniine
  11. Bal aan tebiyo waa taan beryahan tuuray maansada e 
     
  12. Tuke toobte caanaa wuxuu soo tamadiyaaba
  13. Isagoon afkiis taaban buu dhinac u tuuraaye
  14. Adinkuna tabtiiyoo kalaad talo xumaateene
  15. Tumaatida kuwii nala jeclaa nooma turahayne
  16. Ma tilmaamiddii toobiyahaan cidi u taag waayin?
  17. War hooy naga tartiibsada miyaa waayo laga tuugay?
  18. Wadaaddadeey u tookheen miyaan xanan taraarsiinin?
  19. Is toohaalka kibirkii miyaan tuur xun laga qaadin?
  20. Tororogtii miyaa been ahayd tookhi lala yaabay?
  21. Ma tigree is tuskoodi baan shayna tari waayin?
  22. Tolla’ayeeysigoodii miyaan cidina taageerin?
  23. Wallee ruux ilaah tuuray baan cago ku taagnaanin
  24. Wallee kii ilaah tiiriyaan tiisu socon waayin 
     
  25. Tiqaan-tiqeyntii horaan haddeer taagso leenahaye
  26. Tubtii awal lagu hoobtay baa loo tartamayaaye
  27. Duul tacshiirad talo moodayaa toobiyaha seegye
  28. Toowfiiq ma haysaan haddaad  taangi wacateene
  29. Tafaraaruq maxaa inaku rida ee na kala tuuray?
  30. Tartankii qabyaaladda miyaan tiihan nagu reebin?
  31. Turaanturrose weligiis ma huro talo walaal diide
  32. Inta turuqu tabar leeyahaa talo la yeeshaaye
  33. Mar haddaad tacbaan tahay war baan ruuxna kaa tabine
  34. Tabac-tacda hadalkaad tiraah taabbo geli waaye
  35. Is tartiibsha waad talax-tagteen ee toowbad soo celiya 
     
     
  36. Taakulada waxaa loo qabaa waa tab iyo xeele
  37. Tabcadii siyaasadda ayaad tababar mooddaane
  38. Bal tixraaca taariikhda waad ila taqaaniine
  39. Oo tix-geliya tuhun maahan waa idin hor taallaaye
  40. Tallan iyo tashwiish baa wax badan nagu taqraarnaaye
  41. Tolkiinnii Tigree buu noqdood naga tegeysaane
  42. Tareenkaad u raacdeen ayaad nala taraartiine
  43. Talqiintiinnii weeyaan middani oo tahluukaahe
  44. Tusbax go’ay intaadnaan noqone tobanba meel aadin
  45. Nimanyahow tigree taabacoow toowbad soo celiya 
     
  46. Hadduu qoom tabaaloobo waa lala tacaalaaye
  47. Tafantoofka dadkiinnii qabaan maba tabeysaane
  48. Ninba tiisa inta tooxsadaad tamashle aaddaane
  49. Tilmaantana ma yeeshaan qofkii idin tusaaleyne
  50. Tiinnood u tafaxaydataan tacaddi weeyaane
  51. Tiin-tiin duulkii tacbaa timir ma goostaane
  52. Tabtaadana ma waayaan hadday tuugo kula taale
  53. Tallaahaan ku dhaartiyo allihii taajirka ahaaye
  54. Nin tigree u yeertoow wallee ma lihid taarriikhe 
     
  55. Ka tun weyni reer hebel haddaan toowbad laga keenin
  56. Oon tub gooyadu meelahay u tiil tuugo laga waayin
  57. Tuhumada qabyaaladda intaan rixin takooreeyno
  58. Soo tukada haddaan taarik badan lagu tatoonyeynin
  59. Mid taqsiintay tubaakada haddaan daanka laga tuurin
  60. Oon taladeenna kii qaban lahaa xukunka loo tuugin
  61. Tacab qaada ah intaan iibsanoon toban malyuun siinno
  62. Taq-taq been ah inta aan wadnoon turubka dheeleyno
  63. Oo tacaddiga waqtigeenna lumay aan la tabahaynin
  64. Oo aan tasbiixdi eebbahay ku tegin ama taxmiiddiisa
  65. Tarbiyada haddii aan la barin oon ubadku noo toosin
  66. Uu tafsiirkiyo qur’aankaba akhrinin toban gu’ kii gaara
  67. Intaan tuug tabcadeenna wada xumo ku taageerno
  68. Ama tulud la soo dhacay dagaal toban kun loo laayo
  69. Ama tacab nin leeyahay mid kale uu ka taajirayo
  70. Tafaraaruq baa weli jiree taa ha la ogaado  
     

Cali Maxamuud Xiirane 
Xiirane2@hotmail.com

Gabayga: KORON waxaana Tiriyey Cali Maxamuud Xiirane. Akhri

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 29, 2006
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD