SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - HOLLAND

Halgan: Maantaan halbeeggii helnoon kala haraynaa              

Inj. Maxamed Cali Cibaar

Delft, The Netherlands

Mohamed_ebar@hotmail.com 


Xilliyada barwaaqada iyo nabadda waxaa fudud in qof walbaa uu sheegto sifo kasta oo uu u arko in ay tahay mid wanaag iyo sharaf xambaarsan sida; deeqsi, geesi, caaqil, Aftahan iwm. Haddaan imtixaan jireen oo aan la isweydiineynin: “Maxaad taqaan?”, yaa ka hor istaagaya in ruux kasta oo caamo ahi sheegto caalim cilmiga meel uga soo haray? 

Wixii la doono ha la sheegtee, waxaa jira xaalado imtixaan oo lagu miisaamo qof waliba wuxuu galo iyo wuxuu gudo oo aan qofna sheegan karin ama isku tilmaami karin sifooyin uu caashaqsanyahay laakiin uusan camalkoodii haynin. Waxaa jira xilli laga gabbado geesinimada. Xilli la iska diido deeqsinnimada. Xilli hoos la wada fiiriyo marka la isweydiiyo: “ yaa na hoggaaminaya oo noo hormaraya? ”.  Xilligaasi waa xilliga ay ummaddu u jiheysantahay halgan dhab ah oo aan hunguri loo tartameynin, waana halbeegga ay shaqsiyaadka, kooxaha iyo ummaduhuba ku kala haraan. Waa xilli ay nafhurid taagantahay oo aan lagu hardameynin kursi ay dadka ku hodeyso hawo adduun. Waa xilliga ay howshu culustahay oo aan heello iyo hoobeey cayaareed la tumaneynin. 

Haddaan Soomaali nahay, laguma muransana in aan maanta ka lulanno haadaan aad u halis ah. Waxaa kale oo la isku waafaqsanyahay in xaaladda sidaan oo kale ah looga gudbi karo oo kaliya halgan culus iyo dadaal dheeri ah oo lala yimaado. Halgankaas waxaa lama huraan ah in ay hormuud u noqdaan dadka aan iska sheegannin laakiin uu Rabbi hibada u siiyay sifooyinka la qaddariyo oo aan muruq iyo maal midna lagu heli karin. Waxaan u baahannahay halyeeyo naga dulqaada heeryada dullinnimo ee dusheenna lagu hubsaday. Arrinkaas, yaa kasa oo kara? yaa noo geesi ah? Yaa noo caaqil ah? Yaa noo caalim ah? Yaa noo deeqsi ah? …. Yaa noo…yaa…noo? Yaa na badbaadin kara maanta? 

Waxay ila tahay in la joogo waqtigii la kala hari lahaa oo la kala hormari lahaa iyadoo wax iska-sheegasho waqtigeedii uu soo dhamaaday, qof walbana jihada uu aadayo ay doorashaadiisa iyo dadnimadiisa ku xirantahay. Taariikhdu waa run sheegto, diiwaankeeda ka kooban baalasha dahabiga ah iyo kuwa madow qof walowba kii aad doorato damiirkaaguna ku siiyo qalinkaaga ku duug, waxaadna xisaabta ku  sii darsataa in aan dirqis, damdan iyo dafiraadi meel ku lahayn diiwaanka taariikheed ee qormaya.Ha il duufin! waxaad tahay, ahaanna doontaa qofka aad maanta iska dhigto!! 

Arrimahaan kor ku xusan iyo xaaladda aan maanta ku sugannahay ayaan isku dayi doonaa inaan ku soo koobo gabay magaciisa la yiraahdo Halgan oo soo baxay 17kii Nofeembar 2006da. Gabaygaani wuxuu ka dhashay martiqaad aan ka helay walaalo Soomaaliyeed oo ku dhaqan waddanka Denmark oo igu martiqaaday inaan kala qaybgalo, aragtideydana ka dhiibto kulan 18kii Nofeembar 2006-da  ka dhacayay magaalada Århus ee waddanka Denmark. Kulankaas ujeeddadiisu  waxay aheyd in looga doodo, loogana wadatashado isbedellada ka soo cusboonaaday waddankeennii Soomaaliya. Laakiin nasiibdarro anigoo aad uga xun suurtogal iima noqon inaan kulankaas tago. 

Gabaygu wuxuu hadiyad u yahay guud ahaan inta ku howlan halganka loogu jiro badbaadinta umaddeenna. 

Gabayga Halgan wuxuu bilaabmayaa sidaan: 

  1. Howraar sarbeeb qodan leh iyo hadal la miisaamo
  2. Soomaali hooyaale gabay hibo Allow siiye
  3. Waa waxaan dad nagu haysannoon uga horreynaaye
  4. Hardan goorta ay noqoto iyo xaqa in loo hiilsho
  5. Waa Howsar cadow lagu ridiyo Hoobiyiyo Suuge
  6. Marna waa heshiisiiye iyo nabad horseedkeede
  7. Aniguna haddaan hufi karayn uma hawoodeene
  8. Rabbi baa hanuun  lehe inuu Halgan wax saameeyo
  9. Iyo inuu hadaaqba iska yahay la hubsan doonaaye. 
     
  10. Hoobeey ciyaar iyo Markey joogto haasaawe
  11. Inkastoo mid haga ciidankiyo hanad la sheeg-sheegto
  12. Maalinta hillaac uu baxoo hubku daryaamaayo
  13. Hilbodirirka maalintey tahey holacdo baaruuddu
  14. Maalinta halbowlaha la jaray harada dhiigeeyo
  15. Halyey dhalada ruuxaan ahayn  wuu hinraagaaye
  16. Hootada kan rida oon baqayn horana sii aada
  17. Iyo fulay wixii uu  ham yiri wada hunqaacaaya
  18. Laba heer inay kala yihiin la hubsan doonaaye. 
     
  19. Marka bulsho horseed looga dhigo kuwo la heenseysto
  20. Halaqyadana loo soo xuliyo hebed waxyeelleeya
  21. Iyaduna hamaansiga hurdada iska halaaqyooto
  22. Amay gacanta wada hoorsatoo baryo u soo hogato
  23. In habaa’an ay soo baxdoo horor ka noolaado
  24. Ooy haaddu kala jiidatey halis u joogtaaye
  25. Haddii aan hoggaamiye u kicin waa habeen dumaye
  26. Midka shacabku u han weyn yahee sida Shariif heellan
  27. Iyo kii huq iyo ciil la raba la hubsan doonaaye. 
     
  28. Hillin toosan inuu qaado oo himilo dheer yeesho
  29. Colaadahana ku hagoogto oo halista daaweeyo
  30. Hal-adeyg inuu caan ku yahay habacu waa ceebe
  31. Habaqluhuna soo haybsadoo gacal ku soo hoydo
  32. Haybad wuxuu ku leeyahay Suldaan howlkar daacad ahe
  33. Hadii uuse haad-haado oo meel harsaba waayo
  34. Ama uu dagaal huriye yahay wuu halaagsamiye
  35. Sida Hurre ninkii noo hog-gali oo heeddi noo quuri
  36. Iyo kii haruur lagu sasabo la hubsan doonaaye. 
     
  37. Hal-abuurka suugaantu waa hanti Ilaaheeye
  38. Nin walbana hankiisu hadlaa iyo hiraalkiise
  39. Inaad shacabka ugu hiillisood abid hareer joogto
  40. Oo aad halkii nuur leh iyo kheyrka u horseeddo
  41. Hab waxay ku leedahay murtidu hagar la’aan sheege
  42. Hir qabyaalad oo lagu haftiyo hungurigoo meel ah
  43. Hooggeedna  waa helladood  howl ka dhigataaye
  44. Hobolkii qofkii hoo yiraa hees u tirinaaya
  45. Iyo kii Hadraawoo kalaa la hubsan doonaaye. 
     
  46. Dadku waa hantiiliyo mid aan haysan qadadiiye
  47. Nimankaa horweyn geel ah iyo kuman halaad hoysta
  48. Iyo kuwa hoteellada dhistee boqol hektaar jeexday
  49. Waa deeqsi hayntii baxshoo danyarta hooyaay leh
  50. Iyo tuug  habaarqabe ahoo ku hodmay xaaraane
  51. Aakhirana waa lama huraan kii hilmaamow e’
  52. Hor Ilaahey ruuxii sadaqo hadda wax quuraaya
  53. Iyo kii intaa hababa’ lee hodi masaakiinta
  54. Ninba wuxuu ku howshoonayaa la hubsan doonaaye. 
     
  55. Hindiskeeda haantaba guntaa laga habeeyaaye
  56. Ummaddana hodnaanteedu waa aqal hagaagaaye                        
  57. Halheyskeennu waa tuu ahaa waa haween guriye
  58. Waa howtulhamag keysan habin ama horaad siinne
  59. Haadaanna uma jeedo iyo hogagga waaweyne
  60. Hayaan  iyo waxaa  loo socdaa  howl aan fududeyne
  61. Hooyada la wada jecelyahee qoom ku hiranaayo
  62. Iyo taan  hareerteed la dayin hiifidna u taagan
  63. Mid waliba waxay ku hamisaa la hubsan doonaaye. 
     
  64. Haduu qoom haraatiyo jahligu wuu habaabaaye
  65. Hebellada la liidaayo iyo hayb la sooc-sooco
  66. Huuhaada ay qaar wadaan waa huf iyo beene
  67. Inta aan walaalkeen hiliba hunuf ku sheegayno
  68. Amaan haragga kii noo sanceyn kibir huruufeyno
  69. Oo aan hargaantiga nacdali aan waxba halleynin
  70. Maantaan halbeeggii helnoon kala haraynaaye
  71. Heeryada gumeysiga kan raboo hibishle hoostiisa
  72. Iyo kii halgaad kala hortagaa la hubsan doonaaye. 
     
  73. Hawaa bi’isay aadanaha iyo haabo meel kale’e
  74. Rabbi hoygu nagu beerayeen uga abaal hayno
  75. Hoodada aan leenahay iyagoo ka hin-hinaasaaya
  76. Qaar bow haliilaaya oo laga horjoogaaye
  77. Hoosaasin iyagoo wadoo harawsan kii liita
  78. Maantey hujuumoo qabsada huwan go’aansheene
  79. Sidaan hilo biyood nahay colkii haamo soo tolaye
  80. Bal inaan hamuunteey qabaan iyo harraad bi’inno
  81. Iyo iney huleelaan hungaa la hubsan doonaaye. 
     
  82. Tigreegaa Hargeysiyo Berbera u hanqaltaagaaya
  83. Ee ciiddii Howd laga hayiyo carrada Hiiraana
  84. Baydhabo markuu ku habsadoo Mudug ku soo hoyday
  85. Kismaanyaad hatiday oo Markana wada hareereysay
  86. Hadduu Muqdisho ku hadaaf is yiri weys hafraayaaye
  87. Inkastoon habsaannoo beryahan xaajo naga hoostay
  88. Kuwii hilibka ceyriin baraan hiddo wadaagnaaye
  89. Hawaash iyo inuu Harar ka qaxo hoogayna ka yeerto
  90. Iyo inuu sidii hayin na raro la hubsan doonaaye. 

                       Dhammaad 
 

------------------------------------------------------------------------

F.g:  Waxaa jira saddex shaqsi oo ku xusan gabayga Halgan kuwaas oo aniga iyo inta ila aragtida ahiba ay qabaan in ay baal dahab ah ka gali doonaan taariikhda halganka cusub ee ay Soomaalidu ugu jirto soo nooleynta karaamadeedii dhuntay, waxayna kala yihiin:  
 

  1. Shiikh Shariif Shiikh Axmed, oo ah hoggaamiyaha Maxkamadaha Islaamiga ah ee Soomaaliyeed. Waxaa loo qirsanyahay inuu yahay hoggaamiye isku darsaday geesinnimo iyo daacadnimo.
  1. Suldaan Axmed Maxamuud Maxamed ( Hurre), AHN, oo ahaa Suldaan Soomaaliyeed oo samaha jacelaa. Sida la wada ogsoonyahay Suldaanku wuxuu u geeriyooday aragtidiisii samaddoonka ahayd, iyadoo ay dishay gacan ka gardarani.
  1. Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame ( Hadraawi), Waa suugaanyahan ummadda Soomaaliyeed u soo maray halgan dheer. Waxaa si aad ah loogu xusuusan doonaa socdaalkii nabadda ee uu sanadkii 2003-dii ku soo maray dhulka Soomaalida intiisa badan, xilli ay dadka Soomaaliyeed ahaayeen kuwo kala qoqoban. Wuxuu kaloo Abwaanku socdaalkiisaa nabadda ku maray waddamo badan oo dibadda ah oo ay Soomaalidu ku dhaqantahay.

Rabbiyow na badbaadi. 

Inj. Maxamed C. Cibaar
Delft, The Netherlands
Mohamed_ebar@hotmail.com

Maqsuud: Maashaa-Allee Sow Muqdisho Lama Mushaaxaayo! isbeddelladii dhowaan ka dhacay  Muqdisho Akhri...

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 29, 2006
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD