SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 WARARKA MAARSO 29, 2006

  • Midowga Maxkiimta Islaamiga ah oo soo saaray bayaan ku wajahan dagaalkii ka dhacay Muqdisho .
  • Shariif Xasan oo ku fariistay kursigii Soomaaliya ay ee Jaamacadda Carabta …
  • Madaxweynaha Suudaan oo u soo jeediyay madaxda Jaamacadda Carabta in gargaar lala gaaro Soomaaliya …
  • Wasiir ka tirsan Dowladda Federaalka oo ugu baaqay Wasiirada hubeysan...
  • Xildhibaan Jinni Boqor “Xukumaddu waxay ka meermeerysaa in ay soo hor dhigto Baarlamaanka…” ...
  • Kiplagat “Somaliya looma diri karo ciidan haddii aan Qaramada Midoobey cunaqabateynta hubka…”…
  • Maanta oo uu Golaha deegaanku dooranayo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir iyo...
  • Aqalo ay gubeen ciidanka gumaysiga Itoobiya iyo dagaalo lagu naafeeyey wayaanaha. 
  • Maamulka  W/galbeed ee Soomaaliya(Hargaysa) oo sii daayay dhalinyaro u xidhnayd. 
  • Qaraxyo ka dhacay Addis Ababa. 
  •  Waftigii JWXO oo gaadhay Woqooyiga Ameerika.

Midowga Yurub oo heshiis is faham ah la gaaray dowladda KMG ah ee Soomaaliya

Geeddi ,C/Laahi Yuusuf, Barosso iyo Michel
Qore: Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Bruxelles, Belgique
Email: Ingiriis@yahoo.com           

Ururka Midowga Yurub ayaa Talaadadii ugu yaboohay waddanka Soomaaliya in la siin doono 84 milyan oo dollar oo loo marin doono inteeda badan hay’adaha samafalka ee Qaramada Midoobay, kaddib markii heshiis is faham ah ay wada saxiixdeen dowladda KMG ah ee Soomaaliya. Heshiiskan oo loogu magac daray Memorandum of Understanding, waxa ay sheegeen madaxda Midowga Yurub inuu baal cusub u furayo xiriirka Soomaaliya iyo EU-da.

            Saxiixa heshiiskaas kaddib, shir jaraa’id oo aad u gaaban oo ay si wadajir ah u qabteen Madaxweynaha KMG ah, Col Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi, Madaxa Midowga Yurub Jose Manuel Barroso iyo Louis Michel oo ah madaxa Horumarinta iyo Gargaarka Bini’aadamka ayaa lagu faahfaahiyey muhiimadda heshiiskani uu u leeyahay Soomaaliya.

            Madaxweynaha KMG ah, waxa uu muujiyey inuu ku faraxsanahay in dowladda KMG ahi ay heshiis la gaarto Midowga Yurub. Ra’iisal Wasaare Geeddi ayaa isna qiray in Midowga Yurub uu markii horeba ahaa kan kaalmada ugu badan siiya Soomaaliya, isagoo farta ku fiiqay in heshiisku yahay mid taariikhi ah.


C/laahi Yuusuf

            Madaxa Midowga Yurub ayaa sheegay inay siinayaan dowladda KMG ah hubanti ku saabsan taageero niyadeed, mid siyaasadeed iyo mid macne leh. Heshiiskan ayaa wuxuu xoojinayaa heshiiskii wadammada lamaaneyaasha la ah Midowga Yurub ee loo yaqaannay Cotonou Agreement oo horey Soomaaliya ay u saxiixday.   

            Louis Michel ayaa goobta ka caddeeyey inuu bisha May ee sannadkan booqan doono magaalada Baydhabo, kaddib markii uu martiqaad ka helay Guddoomiyaha Baarlamaanka KMG ah, Shariif Xasan Sheekh Aadan.

            Madaxda Midowga Yurub waxaa kaloo ay sheegeen inay u qoondeeyeen Soomaaliya 200 milyan oo Euro oo lagu bixin doono istaraatiijiyadda higelinta gargaarka gaarka ah ee Soomaaliya, waxaana sannad walba Soomaaliya loo qorsheeyey in la siiyo toban milyan oo Euro oo ku bixi doonta gargaarka bini’aadannimada. Lacagtan badankeed ayaa waxay aadi doontaa dhinaca waxbarashada iyo caafimaadka.

            Isagoo ka jawaabaya su’aal uu weydiiyey nin weriye ah oo ka socday warbaahinta reer galbeedka oo ku saabsanayd xaaladda ay hadda ku sugan tahay magaalada Muqdisho ayaa Ra’iisal Wasaare Geeddi waxa uu sheegay in Muqdisho uu ka dhacay dagaal u dhexeeya qabqableyaal dagaal oo dowladdiisa ku caasiyoobay iyo bulshada rayidka ah oo ay ku jiraan maxkamadaha iyo dadweynaha, kaddibna laga guuleystay qabqablayaashii.


Mas'uul EU oo la shiraya madaxweyne Cabdiqaasim sannadkii 2000

            Waxa uu Geeddi intaa ku daray inay diyaar u yihiin oo ay isku dayayaan weliba sidii ay isugu soo dhowaan lahaayeen bulshada rayidka ah iyo madaxda dowladdiisa KMG ah oo ay u wada shaqeyn lahaayeen. Shirkaas jaraa’id kaddib ayaa Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Geeddi waxay u duuleen dalka Suudaan.


Midowga Maxkiimta Islaamiga ah oo soo saaray bayaan ku wajahan dagaalkii ka dhacay Muqdisho .

Amiin Yuusuf Khasaaro
E-mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Nolosha wiil Aabihiis Ingiriis ahaa oo kirishbooy ka ah Hargeysa: Magaciisu waa Nimcaan Ibraahiim Bowdan, waxa uu ku dhashay.... Akhri halkan... Guji...

Xaggee ayuu ku Dambeeyey Madhoodhow
Sannadkii 2004, Xasan Abeyle waxa uu ku Qadeynjirey Qaadka, waxa uu ku Casheynjirey Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeysanjirey. Hadaba xagee ayuu hadda ku dambeeyey.. Akhri Jawaabta

Midowga Maxkiimta Islaamiga ah ayaa soo saaray bayaan ku wajahan dagaaladii dhawaan ka dahcay magaalada Muqdisho, waxana uu bayaankaasi u qornaa sida tan:-

Waxaan Illaah uga mahadcelineynaa guushii uu na siiyay iyo jabkii soo gaaray Isbahaysiga isku magacaabay Soo celinta Nabadda iyo la dagaalanka Argagixisada ahna xibsi Sheydaan, mana ahan markii ugu horeysay ee ay dagaalo huriyaan, waxa ay wax ku noqdeen shacabka Soomaaliyeed, maanta waa maalintii shacabku iska qaban lahaa, waxaan soo dhaweyneynaa dadaal kasta oo lagu joojinayo xabadda laguna dhameenayo khilaafkaas oo ay wadaan Waxgarad, Culumaa’udiin, Odoyaal oo dhamaantood kalsooni buuxda aanu ku qabno, waxaan u rajeynaynaa in ay ku guuleystaan howshaas.

Waxaan ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeyneynaa dhibkii gaaray shacabka ee isugu jiray dhimashada iyo barakaca, waxaana u rajeyneynaa in Illaah uu bedel kheyr qaba ka siiyo dhibkaas ay sababeen Isbahaysigaas, in shacabka ka qaxay dagaalka ay ku soo laabtaan deegaanadoodii iyo meheradahoodii inagoo u balanqaadeyna in aysan haba yaraatee dhinaceena uga imaaneynin.

Dagaalka waa mid u dhexeeyay xaqqa iyo baadilka, waxaana shacabka ka codsaneynaa in ay codkooda, awoodooda, hiilkooda ku biiriyaan kuwa difaaca xaqa, kuna kalsoonaadaan in Isbahaysigaasi aysan hadda iyo horeyba shacabka wax dan u ah u hayn, xag siyaasadeed, xag dhaqaale iyo mid horumarba, waana in lagula xisaabtamaa waxa ay gaysteen 16-kii Sano ee la soo dhaafay, shacabku ay ka shaqeeyaan nabadgelyada meelna ay uga soo wada jeestaan dadka qalqalka iyo qalalaasaha abuuraya, waxaan caddeyneynaa in aan ahayn xukun doon, taladana aan u daneyneyno Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka ehelka u ah arrintaasi, waxaana ugu yeereynaa shacabka Soomaaliyeed in ay ka qayb-qaatan gudaha iyo dibadda badbaadinta shacabka Soomaaliyeed, ugu dambeyn waxaan u hambalyeyne Shirkadda Banaadir baaqa nabadda oo ay u hogaansameen, dhanka Isbahaysigana waxaan ugu nasteexeyneynaa in ay nabadda qaataan oo ay u dhega-nuglaadaan dadka wada heshiisyada,

waxana bayaankaan ku saxiixnaa Guddoomiyaha Midowga Maxaakiimta Shiikh Shariif Shiikh Axmed. 

Shariif Xasan oo ku fariistay kursigii Soomaaliya ay ee Jaamacadda Carabta …

Shariif Xasan Shiikh Aadan oo ah  Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka ayaa shalay si aad ah looga daawanayay isagoo ku fadhiya kursigii Madxweynayaasha Jaamcadda Carabta kaddib markii ay shirka ka soo daaheen Maadaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi oo iyagu dalka Bilgium kulamo kula lahaa madax ka tirsan Midowga Yurub iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Qaaradda Yurub.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in ay xalay soo gaareen Magaalada Khartuum ee Dalka Suudaan, waxaana la filayaa in maanta ay ka qaybgalaan kulanka Madaxda Jaamacadda Carbta oo la filayo in Soomaaliya gargaar balaaran ka hesho ururka Jaamacadda Carabta kaddib markii shirkii hore ee ka dhacay dalka Al-Jeeriya loo balanqaday dhaqaale dib loogu dhiso dalka Soomaaliya iyo waliba Dowlada Federaalka.

Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa kulamo gaar gaar ah la lahaa Madaxda Jaamacadda Carabta oo uu ka dhaadhicinayay in Soomaaliya la siiyo gargaar balaaran.

Madaxweynaha Suudaan oo u soo jeediyay madaxda Jaamacadda Carabta in gargaar lala gaaro Soomaaliya …

Madaxweynaha Wadanka Suudaan oo sanadkaan qabanaya Guddoomiyaha Ururka Jaamacadda Carbata ayaa khudbad uu ka jeediyay shir madaxeedkii Jaamacadda Carabta ayaa waxa uu u soo jeediyay Wadamada Jaamacadda Carabta in ay midoobeen oo caddowgooda meel uga soo wada jeestaan.

Mar uu ka hadlayay arrimaha Soomaaliya waxa uu wadamada Jaamacadda Carbta u soo jeediyay in aysan siin Shacabka Soomaaliyeed gacantii ay uga baahnaayeen Jaamacadda Carabta isagoo sheegay in dadka Soomaaliyeed ay haatan u baaba’ayaan abaaro iyo biyo la’aan, Waxaa kalloo  uu sheegay in Jaamacadda Carabta looga baahan yahay in Soomaaliya ay ka kaalmeeyaan dhinacyada dib u dhiska iyo dib u dejinta Shacabka Soomaaliyeed, waxaa kalloo u soo jeediyay in Dowladda Federaalka ay heshiis wada gaareen saddexda mas’uulna ay haatan ku sugan yihiin shir madaxeedkaas loona baahan yahay in gargaar la siiyo.   

Wasiir ka tirsan Dowladda Federaalka oo ugu baaqay Wasiirada hubeysan...

Wasiiru Dowlaha Dib u dhiska iyo Dib u dejinta Ibraahim Xabeeb Nuur oo ku sagan Magaalada Baydhabo ayaa ka waramay qorshaha Dowladda KMG ah ee ku aadan dhinaca dib u dhiska iyo dib u dejinta, waxa uuna sheegay in ay ku dadaalayaan sidii dib loogu dhisi lahaa dalka isagoo sheegay in ay u marayaan jid walba oo lagu gaari karo.

Wasiiru dowlaha oo u waramayay weriyaheen Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in bar tilmaameedka Xukuumadda ay tahay sidii loo soo celin lahaa kala dambeyntii dalka ee luntay, taasina waa midda fududeyneysa in dalku uu dib u dhismo, balse waxa uu sheegay in haddii aan la helin ammaan guud oo dalka ka dhaca ay adkaaneyso sidii dalka dib loogu dhisi lahaa.

Mar uu ka hadlayay arrimaha nabadgelyada oo uu sheegay in ay ku xiran tahay dib u dhiska dalka ayuu yiri “Dhawaan waxaa dalka Kenya ku soo gebagaboobay shir ay yeesheen saraakiisah aqoonta u leh arrimaha nabadgelyada oo Soomaaliyana ka mid ahayd”. Isagoo intaas raaciyay in wasaaradda Shaqada ay diyaarisay dhamaan shaqaalaha wasaaradaha, dhawaanna Baarlamaanka la horgeyn doono.

Waxa uu Wasiiru Dowlaha sidoo kale ka hadlay dagaalka ka soconaya Magaalada Muqdisho oo uu ku tilmaamay mid micno daro ah, wuxuuna ku baaqay in dagaalka la joojiyo, isagoo si gaar ah ugu soo jeediyay raga hubeysan ee dagaalka ka wada Muqdisho in ay ku soo biiraan Golayaasha Dowladda ee ku sugan Magaalada Baydhabo.

Xildhibaan Jinni Boqor “Xukumaddu waxay ka meermeerysaa in ay soo hor dhigto Baarlamaanka…” ...

Xildhibaan Cabdi Cadulle Siciid (Jinni Boqor) oo u warramayey ayaa isaga oo jooga Magaalada Baydhabo waxa uu sheelgay in xukuumaddu ay ka ku dhici weydey in ay baarlamanka wax u sheegto isla markaasna ay niyad xun tahay’.

Xildhibaan Jinni Boqor waxa uu ka tirsan Xubnaha Baarlamaanka dowladda Federaalka ee dhaliilay qorshaha xukuumadda, waxa uuna  sheegay in ay hawladoodii ay dib uga guranayaan.

Jinni Boqor waxaa uu sheegay in dalka ay ka jiraan dhibaatooyin fara badan oo isugu jira colaad iyo abaaar, Golaha xukumadduna uu noqday mid meel iska fadhiya,  waxa uuna sheegay in wax keliya ee ay Xukumaddu soo hadal qaaday uu yahay Baasaboorkii Soomaaliya iyo sida laga yeelayo.

Jinni Boqor waxa uu kalloo uu sheegay in qodobbada xasaasiga ah ee hor yaala xukumaddu noqdeen kuwo laga war wareegayo, isla markaasna ay ka caga jiidayaan in ay wax ka hor caddeeyaan Golaha Baarlamaanka, isagoo sheegay in Golaha Baarlamaanku ajanda-yaasha la hor keeni doono go’aan rasmi ah laga gaari doono kaasoo wax ka tara waxyaabaha haatan taagan.

Kiplagat “Somaliya looma diri karo ciidan haddii aan Qaramada Midoobey cunaqabateynta hubka…”…

Ergeygii Dawladda Kenya ugu qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya Ambassador Bethwel Kiplagat ayaa digniin uu ka soo saaray wadanka Kenya caasimadiisa Nairobi waxa uu ku sheegay in Soomaaliya ay soo food saari doonto ama la soo gubaan doonto xaalad xun oo hor leh iyo dagaalo sokeeye iyo dawlad la’aan haddii aysan Qaramada Midoobey iyo Urur Golabeedkda IGAD aanu ciidam si deg deg ah u soo dirin Soomaaliya.

Kiplagat waxa uu sheegay in xasilooni daro ka dhacda Dalka soomaaliya ay saameyn balaaran ku yeelan doonto Gobalka oo dhan, sidaa darteed waxaa haboon in dalalka IGAD ku bahoobay iyo Qaramada Midoobey ay ciidamo nabad ilaalini ah u soo diraan Gayiga Soomaaliya si ay gacan uga gaystaan hub ka dhigista Maleeshiyooyinka hubka uu gacmahooda ku jiro.

Kiplagat oo mudo labo sano ah ku shir gudoominayey shirkii Hogaamiyaasha Siyaasadda ee Soomaaliyeed uga socday Dalka Keny ee Dowladda Federaalka lagu soo dhisay  ayaa yiri “Cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya saaran, iyo deeqbixiyayaasha caalamka oo aan dananeyn Soomaaliya waxay labadaasi u horseedi kartaa Soomaaliya Dhibaato qalafsan”, wuxuuna intaasi ku daray in ilaa cunaqabateyntaas laga qaado Soomaaliya aysan suuragal ahayn in Soomaaliya loo soo diro Ciidan Nabad ilaalineed.

Maanta oo uu Golaha deegaanku dooranayo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir iyo

Waxaa maalmahan Magaalada Muqdisho ka jiray u diyaargarow loogu jiray doorashada Guddoomiyaha iyo Duqa Magaalada Muqdisho ee Golaha Deegaanka ee kal hore lagu dhawaaqay.

Maanta ayaa la filayaa in la doorto xarunta ku meel gaarka ah ee Golaha Deegaanka lagu qabto doorasho la xiriirta Guddoomiyaha Gobalka Banaadir iyo Duqa Magaalada, ilaa iyo haddana lama caddeyn cidda u sharaxan jagadaasi oo uu qabanayo hal qof.

Golihii deegaanka oo ay soo abaabuleen Wasiirada hubeysan ayaa isagu lagu kala booday kaddib markii la isku qabsaday cidda qabaneysa golahaasi iyo cidda loo dooranayo Duqa Magaalada iyo Guddoomiyaha Gobalka, waxaana doorashadaasi ka baxay Wasiirka Amniga Qaranka ee Dowladda Federaalka Max’ed Qanyare Afrax.

Gudddoomiyaha Golaha Deegaanka Maxamuud Cumar Tootoow ayaa Saxaafadda u sheegay in Doorashadaani ay tahay mid si aad ah ay ugu baahan yihiin shacabka ku nool gobalka Banaadi roo mudo fog aan helin wax maamul ah oo dib u soo celiya adeegyadii bulshada sida Waxbarashada & Caafimaadka.    

Amiin Yuusuf Khasaaro
E-mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 29, 2006
Barnaamijkii Radio Xoriyo
28 March 2006
 
Aqalo ay gubeen ciidanka gumaysiga Itoobiya iyo dagaalo lagu naafeeyey wayaanaha.
 
Maamulka  W/galbeed ee Soomaaliya(Hargaysa) oo sii daayay dhalinyaro u xidhnayd.
 
Qaraxyo ka dhacay Addis Ababa.
 
 Waftigii JWXO oo gaadhay Woqooyiga Ameerika.
 
 
======================   
 
  
   Wariyaha RX uga soo warrama ayaa noo soo sheegay dagaallo dhawr oo dhaxmaray ciidammada xoreynta Ogaadeenya iyo kuwa gumaysiga Itoobiya oo dhaawacyo halis ah loogu gaystay ciidammada cadowga.
 
20-21/03/06 dagaal ka dhacay Shabeelley, oo u dhaw Karin-bilcille, oo degmada Qabridaharre ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 5 askari, 6 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
Markii ciidammada gumaysiga dhaawacaas loo gaystay sidii caadada u ahayd waxay ku gaydhadeen dadwaynihii rayadka ahaa ee nawaaxigaas degganaa, waxayna gubeen shan Aqal-soomaali oo dadwaynuhu lahaa.
 
Aqalladaas waxaa ku gubatay Maqal yaryar oo 27 gaadhaysa oo Aqallada docdooda iyo Qabka ku xidhxidhnaa. Waxaa sidoo kale ku gubtay maacuuntii iyo Haamihii ay dadku dhaansan jireen, taasoo keentay in xilligan kulul ee Jiilaalka ah ee lagu jiro ay dadkaasi waayaan Haamo ku dhaansadaan. Arrintaasi dhibaato wayn ayay dadkaas soo gaadhsiisay, mana jirto wax kaalmo oo dadkaasi ay cidnaba ka heleen.
 
Dadka Aqalladooda halkaas lagu gubay ee dhibaatadani soo gaadhay waxay kala yihiin:
1-    Ruqiya Maxamed, oo 70 jir ah
2-    Cabdi Geelle Colaad
3-    Shire Xuseen Daahir
4-    Fariid Kaahin iyo
5-    Maxamuud Iimaan
 
24/03/06 Sallaxyada, oo degmada Wardheer ka tirsan, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 6 askari, 8 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
22/03/06 dagaal sidoo kale ka dhacay Xodayley, oo Wardheer ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 4 askari, 6 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
Maamulka W/galbeed ee Soomaaliya(Hargaysa) oo sii daayay dhalinyaro u xidhnayd.
 
Maamulka Hargaysa ayaa daboolka ka qaaday 24 ka mid ah dhalinyaro u dhalatay Ogaadeenya oo muddo seddex sano ah ugu xidhnaa xabsiyada ciqaabta ee magaalada Hargaysa.
 
Dhalinyarada 24-ka ah ayaa la xaqiijiyay inay maalintii isniinta ahayd xabsiga ka soo baxeen, ka dib markii ay soo dhammaysteen seddex sano oo xadhig ah oo si xaqdarro ah uu ugu xukumay maamulka Hargaysa. Waxaa wali xabsiga lagu sii hayaa 4 dhalinyaro ah oo ay isku kays ahaayeen dhalinyaradan xabsigu u dhammaaday.
 
Dhalinyaradan ayaa sannadkii 2003 qaarna lagu xukumay 3 sano, kuwa kalana lagu xukumay 5 sano, ka dib markii lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin JWXO, hase yeeshee maxkamad ku sheegta Woqooyi Galbeed ayaa hadda sheegtay in dhalinyaradaas xaqdarro lagu haystay, isla markaana caddayn loo waayay eedaynihii lagu soo oogay.
 
Intii ay dhalinyaradani xabisga soomaali diidka Hargayska ku jireen waxaa xabsiga ku dhintay labo wiil, oo Alla ha u naxariisteen u dhintay cudurro ka dhashay jidhdilkii iyo silicintii lagu hayay.
 
Qaraxyo ka dhacay Addis Ababa.
 
Dhawr qarax oo is-xiga ayaa isniintii ka dhacay caasimadda gumaysatada Itoobiya ee Addis Ababa, waxaana ku dhintay ugu yaraan hal qof, dad kalana way ku dhaawacmeen.
 
Qaraxyadan ayaa la xaqiijiyay inay ahaayeen bambooyin. Bambada kowaad waxaa lagu qarxiyay bas yar oo rakaab ka buuxo, kaasoo ka yimid meel magaalada Addis Ababa duleedkeeda ku taalla oo lagu magacaabo Kirkos, una socday magaalada hoose.
 
Bambada labaad ayaa iyadana lagu qarxiyay albaabka kawaanka wayn ee xoolaha lagu qalo oo ah mid ay xukuumaddu leedahay, hase yeeshee wuxuu booliska xukuumadda Itoobiya sheegay in qaraxaasi ayna cidi wax ku noqonin.
 
Xukuumadda Itoobiya ilaa iyo hadda ma ayna sheegin cidda la filayo inay qaraxyadaas ka denbayso.
 
Waa dhimashadii ugu horraysay ee xukuumadda Itoobiya qirato inay ka timid mawjad qaraxyo ah oo tan iyo bishii Janwari ka dhacay magaalada Addis Ababa, kuwaasoo lala beegsanayay dhismayaasha caamka ah iyo huteellada.
Bishan Marso toddobadeedii waxaa magaalada Addis Ababa ka dhacay seddex oo qarax oo kala duwan, ku waasoo lala beegsaday makhaayad, suuq wayn iyo dugsi ku yaalla Addis Ababa, ayna ku dhaawacmeen afar qof.
 
Waxaa sidoo kale jiray labo bamboo oo la furfuray iyagoon qarxin, kuwaasoo argagax wayn ku riday raga hormuudka ka ah xukuumadda kaligii taliye Meles Zenawi.
 
Ammaanka magaalad Addis Ababa ayaa khatar ku jiray tan iyo markii kal hore la qabtay doorasho ku sheegtii ay xukuumadda Zenawi musuqmaasuqday, taasoo keentay in kacdoon dadwayne oo aad u ballaadhan uu ka dhaco guud ahaanba dalka Itoobiya, xukuumadda Zenawina ay xabsiyada dhigto dad kumayaal gaadhaya oo rayad ah iyo dhammaanba madaxdii xisbiga mucaaradka ah ee CUD.
 
Waftigii JWXO oo gaadhay Woqooyiga Amerika.
 
Waxaa Waqooyiga Ameerika socod ku maraaya Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee JWXO Mxamed Ismaaciil Cumar iyo wafti uu hoggaaminaayo oo uu ka mid yahay guddoomiye ku xigeenka hooggaanka Arrimaha Dibada iyo Jaaliyadaha Maxamed Macallin.
 
Waftigaas ayaa sabtidii taariikhdu ahayd 25/03/06 shir ballaadhan loogu qabtay Toronto ee wadanka Kanada. Shirkaas waxaa soo qabanqabiyay Unuga JWXO iyo Jaaliyadda Ogaadeenya ee Gobalka Ontario, waxaana ka soo qayb galay Jaaliyadda Ogaadeenya iyo dadweeyne fara badan oo Soomali ah.
 
Shirkaasi oo si hufan u dhacay waxaa warbixin dheer oo ku saabsan geedi socodka halgankanka iyo marxaladda adag ee gumeysiga Itoobiya ku sugan yahay ka soo jeediyay guddoomiye ku xigeenka 1aad ee JWXO Maxamed Ismaaciil Cumar, oo sidoo kale ka xog-warramay abaaraha Ogaadeenya ka taagan iyo guud ahaanba xaaladda siyaasadeed gobolka Geeska Afrika.

Waxaa shirkaas lagu soo gabagabeeyay su'aalo iyo afkaar is-waydaarsi dhex maray madaxda JWXO iyo dadkii shirkaas ka qayb galay, kuwaasoo si fiican ugu qancay jawaabihii la siiyay iyo dood-celinihii lala yeeshay.
 
Radio Xoriyo
 
 28 March 2006.
Axmed Gaal-Eri
 
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Cabdullaahi Yuusuf “Muqdisho waan tagaynaa, waxaana tagaynaa annagoo is difaaci karna”
»Muqdisho: Xubin isaga baxay Guddigii dhex dhexaadinta
»C/llaahi Yuusuf & Geeddi oo saxiixaya heshiis...
»Wasiir ka tirsan Dowladda Federalka gaarigiisii oo loo dhacay
»Abuu Xamza “Dagaalka Muqdisho waxay argagax geliyeen..
»300 oo Askari oo loo tababarayo ilaalinta C/llaahi iyo Geeddi
»Kulan Madaxeedka Jaamacada Carabta oo Beri Furmaya...
Warark aoo dhan ka akhri halkan... Guji.. Mar 28

Cabdullaahi Yuusuf iyo Cali Geeddi oo booqasho ku jooga waddanka Belgium
»Dad kasoo barakacay Abaaraha oo soo gaarey Muqdisho..
»Columbus, Ohio: Kulan Looga hadlayay Dagaalada Mogdisho..
»Shiikh Muxiyadiin “Maanta ayaa la kulansiinayaa kooxihii..
»Guddoomiyihii Diinsoor oo xilkii laga qaaday kaddib markii..
»Guddi uu soo magacaabay Guddoomiyaha Baarlamaanka oo..
»Nin Suudaaneys ah oo lagu qabtay hotel ku yaala Baydhabo
»Jidka isku xira Ceel-Macaan iyo Ceel-Cadde oo dib loo furay
»Bootaan Ciise “ma jiraan heshiis aan la gaarnay maxaakiimta
iyo Warar GooGoos ah ka akhri.... Mar 27