Geedi oo Gowska Dambe ka
Qosley
W/D:
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya

Muqdisho 1984

Xamar 80-tanaadkii: isha Sawirada: swan.ac.uk
|
Ra’isul Wasaare Geeddi shalay
waxay u ahayd maalin farxadeed, waayo waxa uu si dirqi ah kaga badbaaday in
Dowladdiisa jilbaha dhulka loo dhigo, hase yeeshee markii uu imaanayay xarunta
Golaha Baarlamaanka, waxaa ka muuqatay kalsooni iyo farxad, taasi ayay qaar ka
mid ah Xildhibaanada la sheegay in ay shaki gelisay, waayo 90% waxay filayeen in
Geeddi uu dhacayo.
Geeddi oo si kalsooni ah u
fadhiya kursiga, ayaa qaar ka mid ah Xildhibaanada taageersanaa ayaa mid mid
ugu imaanayay oo dhegta wax ugu sheegayay, Xildhibaan Cali Baashi oo akhriyay
sababaha ay u keeneen Mowshinka, waxa uu sheegay in Geeddi uu ku fashilmay
dibuheshiisiinta Ummadda Soomaaliyeed, sidoo kale uu ku xadgudbay axdiga ku meel
gaarka ah, waxaa kaloo uu soo bandhigi waayay wixii deeqo ahaa ama qarash ahaa
ee Dowladda loogu talagalay.
Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa
waxa uu yiri waxaan qaadeynaa codsi qarsoodi ah, waxaana Xildhibaanada loo
sheegay in Cali Geeddi uu ku dhacayo isaga iyo dowladdiisaba 139-xildhibaan,
markiiba kooxihii ka soo horjeeday Geeddi, waxayna isku muujiyeen in Geeddi
maanta la dhihi doono badda ka cab, Geeddi waa uu qoslayaa, waxaa bilowday
codeyntii, markii ay dhamaatay codeyntii ayaa guddoomiyaha Baarlamaanka ku
dhawaaqay natiijadii, waxa uuna sheegay Shariif Xasan in 126 ay u codeeyeen in
Geeddi iyo Xukuumaddiisuba aysan sii shaqeyn, 88-xildhibaanada waxay u codeeyeen
in Geeddi iyo Dowladdisa faraha laga qaado, markiiba waxaa bilowday sacab iyo
farxad, hase yeeshee marka la fiiriyo codeyntaasi, Geeddi waxa uu ku badbaaday
si dirqi ah, waayo 13 ayaa ka dhimaneyd in Geeddi looga takhluso.
Xildhibaan ah oo diiday
magaciisa ayaa waxa uu yiri “Anigu waxaa aaminsanahay in Geeddi kalsoonida ay
siiyeen Madaxweynaha iyo Shariif Xasan, waayo saddexdooda horey ugu heshiiyeen
markii ay ku sugnaayeen Gaalkacyo, in ninka ay la degto loo gargaaro”,
Xildhibaan kale ayaa isna yiri “Maalintii doorashadu dhacday habeenimadeedii
ayaa Geeddi waxa uu la shiray Xildhibaanada iyo Wasiirada taageersan waxaa u
soo baxday 90 in codsiga kalsoonida siinayaan, waxaana la qiyaasay tirada
xildhibaanada ee ku sugan magaalada Baydhabo.
Nin
odey ah oo ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa isna waxa uu yiri “Golaha Wasiiradu
waxay ka kooban yihiin 90-xubnood, waxaa is casishay 20-xubnood, waxaa meeshaas
kaaga soo baxaya in 70-xubnood oo ka tirsan Dowladda ay diyaar u ahaayeen in
Cali kalsoonida siyaan, waxaana Xildhibaanada dhexdooda laga helay Dhowr
Laabtan, sidaas ayuuna Geeddi ku seexday isagoo faraxsan habeenkaasi, iyadoo
xitaa la isla gaaray ilaa waqti dambe”.
Wasiir ku xigeen ka tirsan
Dowladda Federaalka oo ka mid ahaa kuwii is casilay ayaa waxa uu u sheegay
Xildhibaano kale ooTaageersan Cali Max’ed Geeddi in Geeddi uu helayo codsiga
Kalsoonida, si aad ah ayay ugu qosleen waxayna ku yiraahdeen “Hadduu maanta
Geeddi badbaado waa uu dhameysanayaa sanooyinka u haray:
“Geeddi ama kalsooni ha la
siiyo ama yaan la siin, kuleyl iyo qabow awalba iguma hayn, weligood ha is
haystaan, haddii ay Muqdisho nabad maxaan ku falayaa Dowlad” ayuu yiri
Dhallinyaro ah oo aan kula kulmay Suuqa Bakaaraha.
Maalintii doorashadu dhaceysay
habeenkeedii ayaa waxaa la sheegay in kulan gaar ah ay wada yeesheen Madaxweyne
C/llaahi Yuusuf iyo Ra’isul Wasaare Geeddi, waxayna is tusiyeen in haddii Geeddi
la rido ay gebi ahaanba burbureyso Dowladdii lagu soo dhisay Magaalada Nayroobi,
waxaa Geeddi loo sheegay in codka kalsoonida u ka helayo golaha Baarlamaanka.
Soomaalidu waxay tiraahdaa (God
sireed ha qodin haddaad qodina ha dheereyn), Dowladdii lagu soo dhisay Nayroobi,
rag ka tirsan Dowladda ayaa waxay u ololeeyeen in Xubnaha Wasiirada laga soo
dhex xulo Baarlamaanka, maanta Wasiiradii is casilay oo gaarayay 20-ka haddii
aysan ka mid ahaan lahayn Xildhibaanada Baarlamaanka markiiba waxay ka soo
huleeyli lahaayeen Magaalada Baydhabo, waxayna neefi ka soo go’i lahayd Cali
Max’ed Geeddi, waayo ragaasi waa xildhibaano oo weli waa soo taagan yihiin,
waxayna mar kale diyaar u yihiin in Beelahooda ay dib u soo magacowdaan,
maadaama xukuumadda lagu qaybsaday 4.5, balse Cusmaan Caato wareysi uu horey u
bixiyay wuxuu yiri “Dowlad uu Cali Geeddi Madax ka yahay weligay wasiir ka
noqon maayo, marka caato waxaa loo maleynayaa in uu ka mid ahaanayo Golaha
Baarlamaanka, waa haddii uu ka dhabeeyo hadalkaasi.
Geeddi, waxa uu Wasiiradda
Dowladdiisa ku eedeeyay in aysan wax howl ah la qaban, waxa uuna sii raaciyay
“aniga oo keliya Dowladda ma wadi karo, waa in Wasiiradu ay dhinacooda ka
wadaan”. Isku soo xooriyoo Cali Max’ed Geeddi inkastoo uu si dirqi ah ku
fakaday, haddII la fiiryo caalamka, marka dowlad ay dirqi uga fakato Golaha
Baarlamaanka, intooda badan way is casilaan, haddii Golaha Baarlamaanka ay ka
waayaan Nambar aad u weyn, ha yeeshee Geeddi Geedigiisa waa uu sii wadanayaa,
Gowskiisa dambaana muuqda faraxd awgeed.
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | July 31, 2006

Halkan ka akhri qoraal kale oo kusaabsan socdaalkii Nabada Muqdisho
|