SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

SOCOD NABADEED OO MAANTA LAGU SOO MARAY WADDOOYINKII XIR-XIRNAA MUDDADA 16-KA SANO AHEYD

Socod nabadeed oo ka qeyb qaadanayaan in ka badan 200 oo baabuurta yar-yar, kuwaasoo cagta soo mariyay waddooyinkii xirnaa muddadii 16-ka sano aheyd ayaa shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Socodkaasi dheer ayaa wuxuu salaadda jimcaha kaddib ka billowday hotelka nabadda, iyadoo marka hore la maray waddada Warshadaha ilaa Xoosh, kaddibna waxaa lala soo wareegay waddada xoosh ilaa International Airport  kaddibna waxaa ay gawaaridaasi soo mareen waddada airport ilaa Otte-otte, waxaana laga leexday waddada Maka Al-mukarrama ilaa Dekedda weyn ee Muqdisho, iyadoo kaddibna la sii raacay waddada isku xirta Dekedda ilaa Hotel Curuba oo u dhexeysa Isbitaal Martiini, Maxkamadda gobolka iyo, Madxafka Ummadda, kaddibna waxay la laabteen waddada isku xirta Bankiga ganacsiga ilaa dekedda  Sugunta lido oo u dhexeysa dekedda hore ee Muqdisho,  Masjidka C/casiis, kaddibna waxa ay la soo laabteen waddada Mariina, iyadoo la soo dhinac maray wadada Bisha Cas, kaddib waxaa laga laabtay dhabarka dambe ee Hotel Global, waxaa la sii maray waddaa isku xirta Sanca ilaa Suuqa xoolaha, kaddibna waxaa lala lala soo noqday waddada warshadaha, waxaana ugu dambeyntii dib loogu soo laabtay Hotelka nabadda.

Waddooyinkaasi la soo maray dhamaantood waxaa dhinacyadooda tubnaa oo soo dhoweynayay garaaridaasi socodka nabadeed ku mareysay waddooyinka, iyadoo mararka qaarkood lala kulmayay dad aan taageersaneyn maxkamadaha oo ku dhawaqayay maxkamaduhu ha dhacaan, halka mararka qaarkood lala kulmayay dad taageersan maxkamadaha oo ku dhawaaqayay ha noolaadeen maxkamaduhu, waxaase la yaab leh in waddadii weyneyd ee halbowlaha u aheyd magaalada Muqdisho, waddaadoo horta isbahaysiga, shineemo Nasar, SyL, Golaha shacabka, Tiyaatarka ilaa Taalada Xaawa Taako oo ay gacanta ku hayaan taageerayaasha isbahaysiga SNA, waana goobta  kaliya ee aan weli u soo gacan galin maxkamadaha.

 

JiisowMuuse Maxamuud Jiisow

Somali39@hotmail.com

Muqdisho Somalia

002521576666

 

Faafin: SomaliTalk.com | July 22, 2006


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD